-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo fulinaya amarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhammaan Ciidamada Qaranka faray inay aadaan furimaha dagaalka oo Khawaarijta ay wajahaan ayaa maanta Muqdisho ka diray boqolaal askari. Taliyaha Ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa galabta ciidankaan ka sagootiyey Muqdisho, waxayna u jiheysteen furimaha dagaalka. Ciidanka Asluubta waxay ka shaqeeyaan ilaalinta xabsiyada iyo maxaabiista iyo shaqooyin kale oo fudud, balse hadda waxaa loo diray furimaha dagaalka, taas oo ka dhigan in dowladdu ay ciidankeeda isugu geysay furimaha dagaalka. Taliyaha ayaa ciidamada intii aysan ka bixin Muqdisho kula dardaarmay inay si dhab ah uga qeyb galaan dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta. Ciidankaan ayaa loo diray Shabeellaha Hoose, halkaas oo Al-Shabaab ay culeys badan soo saareen, iyadoo Awdheegle ay weli ku jirto gacanta cadowga. Tobanaan gaadiidka waaweyn ah ayaa galabta ciidankaan ka qaaday Muqdisho, waxayna ku baxeen wadada Afgooye, berri ilaa caawa waxaa suurtagal ah inay wajahaan Al-Shabaab oo ka buuxa Shabeellaha Hoose. Dagaalkii shalay ka bilowday Awdheegle ayaa weli si teel-teel ah uga socda xaafadaha degmada Awdheegle, halkaas oo Al-Shabaab ay diideen inay ka baxaan, iyagoo ka baqaya in la duqeeyo, hadii banaanka ay uga baxaan magaalada. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo iyo diyaarado dagaal u dirtay Shabeellaha Hoose, kuwaas oo xalay u gudbay Jilib, kuna duqeeyey madaxdii Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in dhimasho iyo dhaawac badan uu gaaray, inkastoo weli ay socoto qiimeynta iyo isku dubba-ridka xogaha sirdoonka. Dowladda ayaa diiday in Shabaab lagu dhex duqeeyo degmada Awdheegle oo ah magaalo dhisan oo bulsho badan ay ku nooshahay, si looga baaqsado khasaaraha shacabka. Hoos ka daawo Taliye Shub oo ciidanka sagootinaya The post Daawo: Taliye Shub oo ciidankii ugu dambeeyey ee Asluubta u diray dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
WAREEGTO: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Wareegto ku amray in cusbitaalada gaarka loo leeyahay ay si lacag la’aan ah ugu adeegaan Askariga yimaada goobahooda ee dhaawac soo gaadhay isaga oo qarankiisa difaacaya. Sidoo kale wasiirka ayaa dhakhaatiirta takhasuska sare leh ugu baaqay in xiliyadda gurmadka deg dega ah looga baahdo ay yimaadaan Xarumaha Caafimaad ee dawliga ah. Halkan ka akhriso wareegtada Wasiirka. Allaha mahad leh Abdishakuor Faahiye Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Qaran News
-
Mandera (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa dib ugu celiyay dowladda Kenya laba qori oo laga qaatay askari Kenyan ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday bar kontorool oo ku taalla xadka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan Mandera. Labada hub—qori G3 iyo AK47—ayaa lagu wareejiyay saraakiisha ammaanka Mandera subaxnimadii Sabtida. Si kastaba ha ahaatee, booliska Kenya waxay sheegeen in la waayay qeybo ka mid ah rasaasta la socotay. Inkasta oo labada qori markii hore ay wateen 90 xabbo oo rasaas ah, kaliya 10 xabbo ayaa la soo celiyay. Dib u celinta hubkan ayaa timid saacado un kadib markii koox hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin hay’ada sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay weerar ku qaadeen ciidanka Kenya ee ku sugan Border Point 4 ee Mandera. Sida lagu sheegay warbixin booliska Kenya soo saareen, ilaa 20 nin oo hubeysan ayaa Jimcihii, Maarso 14, si lama filaan ah u weeraray shan askari oo ka tirsan guutada Booliska Xadka. Intii uu weerarka socday, waxaa isla goobta lagu dilay askari Dennis Omari, halka mid kale uu dhaawac ka soo gaaray gacanta bidix. Askariga dhaawacmay ayaa marka hore lagu dabiibay Isbitaalka Mandera Referral, ka dibna loo qaaday Nairobi si loogu sii daaweeyo. Weeraryahannadii ayaa la sheegay inay la baxsadeen qoriga G3 ee askariga la dilay, kaasoo lahaa 60 xabbo oo rasaas ah, iyo qori AK47 oo wata 30 xabbo, ka hor inta aysan goobta ka baxsan. Baaritaanka iyo suurta-galnimada aargoosi Saraakiisha ammaanka ayaa rumeysan in weerarka uu salka ku hayo aargoosi. Sida ay muujinayaan baaritaanno hordhac ah, dhacdadani waxay la xiriiri kartaa xarig dhawaan loo geystay eedeysaneyaal lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen isku day afduub oo lala damacsanaa shaqaale Shiinees ah oo ka howlgalayay Mandera. Booliska ayaa aaminsan in weerarka uu suuragal tahay inuu abaabulay qof la sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya, islamarkaana uu qaraabo la yahay mid kamid ah eedeysaneyaasha la xiray. Saraakiil sare oo boolis ah ayaa booqday goobtii weerarku ka dhacay iyaga oo baaritaanno dheeraad ah ka sameynaya. Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dib loo celiyo hubkii laga qaatay askarta la weeraray iyo in gacanta lagu soo dhigo kuwii ka dambeeyay weerarka. Saacado yar kaddib dalabkaas, dowladda Soomaaliya ayaa la xiriirtay dhigeeda Kenya, iyada oo ku wargelisay in ay dib u soo heshay labadii qori, islamarkaana diyaar u tahay inay dib u celiso. Si kastaba ha ahaatee, raggiiii weerarka fuliyay weli lama hayo. Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay inay bilaabeen hawlgal lagu baadi-goobayo eedeysaneyaasha weerarka ka dambeeyay. The post DF oo dib u celisay hub ay ciidanka NISA ka qabsadeen Kenya – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
-
Itoobiya iyo Ereteriya waxaa ka dhexeysay cadawtinimo dheer, waxaana suuragal ah in ay qarka u saaran yihiin dagaal sidaasina waxaa ka digay saraakiisha gobolka saldhiga u ah dagaalkaas. Hadii dagaal dhaco, waxay keeneysaa xaalad kale oo bani’aadannimo oo ka dilaacda geeska Afrika. Dagaal toos ah oo dhexmara labada dal ee Afrika ugu militeriga badan waxay soo afjareysaa heshiiska taariikhiga ee raysalwasaare Abiy Ahmed ku muteystay abaalmarinta Nobel Peace Prize sanadkii 2019-kii sidaasina waxaa qaba dadka ka faalooda siyaasada. Dagaalka wuxuu sidoo kale kaga sii darayaa xiisadaha kale ee gobolka oo hore gargaarkii laga jartay uu keenay culeys ay dareemeen malaayiin ka soo barakacay dagaalada Sudan, Somaliya iyo Itoobiya. Maxaa keenay cabsida laga qabo in dagaal dhaco? Xigashada Sawirka,EDUARDO SOTERAS Walaaca in markale uu dagaal qarxo waxaa keenay xiisada gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya halkaasi oo intii u dhexeysay 2020-kii ilaa iyo 2022-kii ay ku dhinteen kumanyaal. Jimcihii, 14-kii bishan ayey koox falaago ah oo xiriir la leh xisbiga siyaasadeed ee ugu weyn gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray la wareegeen xafiisyada duqa magaalada iyo raadiyaha gobolka Mekelle. Arrintan waxay keentay cabsida laga qabo dagaal sokeeye. Qof deggan magaalada Mekelle ayaa BBC-da u sheegay in dadka ay bilaabeen in ay lacagtooda kala baxaan bangiyada iyagoo ka baqaya in xaalada ammaanka ay ka sii darto. Intii uu dagaalka socday, ciidamada Itoobiya ayaa gobolka soo galay iyagoo dagaal la galay falaagada ay horkacayaan xisbiga gobolka ugu weyn ee TPLF. Dhinaca kale, heshiiska nabadeed ee Nofember 2022-kii la gaaray wuxuu si weyn u kala qeybiyay Itoobiya iyo Ereteriya oo aan wadahadalada nabadda qeyb ka aheyn. Heshiiska kaddib TPLF way kala qeybsantay. Kooxda mucaaradka ee toddobaadkan qabsatay magaalada Adigrat waxay sheegeen in ay difaacayaan danaha Tigray halka dowladana ay ku eedeysay in ay u shaqeynayaan Ereteriya Labada dhinac way beeniyeen eedahaas. “Dagaal in uu ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya ayey qarka u saaran yihiin” ayuu yiri janaraal Tsadkan Gebretensase oo ah madaxweyne ku xigeenka dowladda Tigray oo hadalkaas u qoray Isniintii wargeyska Africa Report. Khubaradu waxay sheegayaan in xiisadan ay keeneyso in Itoobiya iyo Ereteriya ay taageeraan kooxaha iska soo horjeeda ee Tigray taasna waxay horseedeysaa dagaal toos ah oo dhexmara labada dal. Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo gobolka ah, Ereteriya waxay amartay in dalka oo dhan la diyaariyo ciidamada halka Itoobiyana ay ciidamo u dirtay xadka dhanka Ereteriya. Wakiilada labada dal weli kama hadal arinaas. Taariikhda xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya Xigashada Sawirka,Google Ereteriya oo ah dal Talyaanigu uu soo gumeystay waxaa xoog ku soo galay Itoobiya sanadkii 1962-dii. 30 sano uu dagaal socday, waxay falaagadii Ereteriya ee uu hoggaaminayay Isaias Afwerki xornimo heleen 1993-dii. Xiriirka labada dal markii hore wuxuu ahaa mid saaxiibtinimo maadama xukunka laga tuuray taliskii militeriga, dalkana ay qabsadeen falaago Tigrey ah. Labada dal ayaa ku dagaallamay cidda iska leh magaalada Badme sanadkii 1998-dii. Dagaalkii ka dhashay lahaanshaha magaalada wuxuu socday labo sano. Sanadkii 2018-kii ayey si rasmi ah heshiis u galeen labada dal markii labada madaxweyne isku raaceen in ay soo celiyaan xiriirkii diblomaasi iyo kii dhaqaale. Heshiiska wuxuu keenay in ay dib u midoobaan qoysaska dagaalka uu kala qeybiyay mudada 20-ka sano iyo in ay bilowdaan duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara. Waxaa sidoo kale la sameeyay ballanqaadyo in laga shaqeynayo dhismaha dakadaha Ereteriya. Goormuu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya? Xiriirka labada dal wuxuu xumaaday dhammaadkii dagaalka gobolka Tigray markaas oo Itoobiya ay heshiis kula gashay Pretoria TPLF kaas oo lagu dhameynayay dagaalka gobolka Tigray. Dadka ka faalooda waxay sheegayaan in Ereteriya ay ka carrootay in heshiiska laga saaray kaas oo TPLF ogolaatay. Qaar ka mid ah askarta Ereteriya ayaa sii joogay dhulka Itoobiya inkastoo heshiisku dhigayay in ay ka baxaan gobolka dhammaan ciidamada shisheeye. Madaxda Ereteriya waxay sidoo kale ka hadleen sida aysan ula dhacsaneyn hadalada joogtada ee ka soo baxayay raysalwasaare Abiy ilaa iyo 2023-kii ee ahaa in itoobiya ay xaq u leedahay in ay bad hesho maadaama ay go’doon tahay Hadalkaas Ereteriya waxay u aragtay hanjabaad militeri maadam ay tahay dal leh badda ay Itoobiya raadineyso. Bishii sabtembar ee sanadkii tagay, diyaarada Itoobiya ayaa joojisay duulimaadyadii Ereteriya. Waxayna taasi iftiimisay xiriirka sii xumaanaya ee labada dal. Wararka waxay sheegayaan in akoonka bangiga shirkadda ee Ereteria la joojiyay. Bil kaddib Ereteriya waxay heshiis dhinaca ammaanka la gashay Masar iyo Soomaaliya. Dhowr dal oo ay ku jiraan Mareykanka, Britain yio Midowga Yurub ayaa ka digay xaalada oo ka sii darta iyagoo sheegay in dagaal uusan markale qarxin. Khamiistii ayey Faransiiska u sheegeen muwaadiniintooda jooga Ereteriya in ay keydsadaan waxyaabaha daruuriga ayna taxadaraan. Source bbcsomali Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo haatan qorsheynaya inuu soo rogo xayiraado safar oo ballaaran, taasoo saameyn doonta muwaadiniinta dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrinta iyo warqad ay aragtay wakaaladda wararka Reuters. Warqadda ayaa xustay in 41 dal loo kala saaray saddex qaybood. Kooxda koowaad, oo ka kooban 10 dal—Afghanistan, Cuba, Iran, Libya, North Korea Somalia, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen—ayaa lagu wadaa in gebi ahaanba laga joojiyo bixinta fiisaha. Kooxda labaad, oo ka kooban 5 dal—Eritrea, Haiti, Laos, Myanmar iyo Koonfurta Suudaan—ayaa la filayaa inay wajahaan xayiraado qayb ahaan ah, taasoo saameyn doonta fiisayaasha dalxiiska, ardayda, iyo kuwa socdaalka, inkastoo ay jiri doonaan wax ka reeban. Kooxda saddexaad, oo ay ka mid yihiin 26 dal sida Angola, Antigua and Barbuda, Belarus, Benin, Bhutan, Burkina Faso, Cabo Verde, Cambodia, Cameroon, Chad, Democratic Republic of the Congo, Dominica, Equatorial Guinea, Gambia, Liberia, Malawi, Mauritania, Pakistan, Republic of the Congo, Saint Kitts and Nevis, Saint Lucia, Sao Tome and Principe, Sierra Leone, East Timor iyo Turkmenistan. Dalalkan ayaa la tilmaamay inay wajihi doonaan xayiraad qayb ah oo lagu joojin karo bixinta fiisaha Mareykanka, haddii dowladahooda aysan 60 maalmood gudahood wax ka qaban “ciladaha la xiriira habraacyada baaritaanka iyo amniga.” Mas’uul Mareykan ah oo codsaday in magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in liiskan uu isbeddel ku imaan karo, isla markaana uusan weli helin oggolaanshaha maamulka, oo ay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio. Tallaabadan waxay dib u soo nooleynaysaa xayiraaddii safarka ee uu Madaxweyne Donald Trump hore ugu soo rogay toddobo dal oo Muslimiin u badan intii lagu jiray xukunkiisii ugu horreeyay, taasoo marar badan la beddelay ka hor inta aysan Maxkamadda Sare ansixin sanadkii 2018. Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka TRUMP ee saameynaya Soomaaliya? Yaasir Yoonis Muuse “Eber miyaa eber miyaa Lottery-ga sugeyney ilaashaneyney eber miyaa?” Sadiiq Khaan Cali “Isagana Soomaaliya inuu soo galo halaga mamnuuco fitna aan isaga aheyn dalkeena ma heysato ee isagana hala bixiyo”. Saacid Xirsi “car sheeg wadan uu Mareykan dhisay? ama uu xasiloni ka abuuray ma jiro?” Maxamed Shire Aadan “Mareykanka isaga oo baati ka jilicsan ayuu Soomaaliya hoos imaan doonaa, haddi ay isku tashato”. Sharmaarke Cabdullahi Xasan “Alxamdulilaah waaye haddi nalala qabo kaligeen ceeb ah”. Cabdirashiid Maxamed Cabdullahi “Isku darajo maaha xataa Soomaaliya waxay ugu jirtaa khadka cas”. The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aanka Trump ee ka dhanka ah Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan kasii dartay, kadib tallaabadii uu shalay qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, oo soo saaray warqad uu ku eryay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba fadhi oo xiriir ah oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya. “Haddaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaadirin Golaha Shacabka in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab macquul ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha. Waxaa intaas lagu daray: “Sidaas darteed wuxuu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d), iyo qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka.” Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faray in si degdeg ah loo soo buuxiyo kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#201, kaas oo deegaan-doorashadiisu tahay gobollada waqooyi (Somaliland). Intaas kadib arrintan ayaa dhalisay buuq wayn oo hareeyay baarlamaanka dhexdiisa, waxaana ka horyimid xildhibaanno badan oo sharci darro ku tilmaamay go’aanka Sheekh Aadan Madoobe ee ka dhanka ah Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib. Xildhibaanno kor dhaafaya illaa 100 mudane ayaa soo saaray warqad jawaab ah oo ay ku caddeeyeen mowqifkooda, kuna sheegeen in tallaabada guddoomiyaha ay ka hor imaaneyso dastuurka iyo xeer hoosaadka u degsan golaha shacabka Soomaaliya. Dhinaca kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in arrinta dhacday ay uga sii dareyso xaaladda uu waddanka ku jiro, isaga oo guddoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyay inuu ku kacay khaladaad waa wayn. “Guddoomiyuhu wuxuu galay khaladaad waa wayn oo ku saabsan in maanta oo uu dalka xaaladdiisa meesha ay mareyso qof weliba uu ogyahay ayuu buuq siyaasadeed sii furay,” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka uu soo saaray guddoonka uu yahay sharci darro, loona baahan yahay inuu ilaaliyo dastuurka iyo xeer hoosaadka u yaalla golaha shacabka. “Guddoomiyuhu xaq uma lahan inuu warqad qoraa oo xildhibaan isaga lamid ah uu go’aan ka gaaraa, marka waa arrin sharci darro ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaa leenahay guddoomiyaha waa inuu usoo laabtaa sharciga, laguna kala baxaa xeer hoosaadka golaha iyo dastuurka qaranka”. The post Xiisadda siyaasadeed oo ka sii dartay kadib tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
U.S. Embassy in Mogadishu rejects pullout rumors in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu, Somalia — The United States has dismissed reports that it evacuated staff from its Mogadishu embassy, countering rumors of escalating security threats in Somalia’s capital. The U.S. Embassy in Somalia issued a statement debunking claims of a staff withdrawal as “baseless and fabricated” following fears of an imminent security crisis. “These reports have no merit,” the embassy declared, insisting operations remain unaffected. The rebuttal came after Puntland’s regional government claimed on Saturday that U.S. diplomats had left Mogadishu. Puntland’s Information Minister, Mahmoud Dirir, tied the alleged exit to clashes at Aden Adde International Airport, near the Halane compound housing international personnel, including Americans. Terror warnings fuel tensions The denial follows a March 5 embassy alert warning U.S. citizens of “credible intelligence” signaling possible attacks in Somalia. Details on the threats were scarce, but risks were flagged at key sites, including Mogadishu’s international airport. Per the notice on its official website, the embassy ordered staff to suspend all movements. “The U.S. Embassy in Somalia reminds Americans that terrorist groups are still planning kidnappings, bombings, and other attacks here,” the alert read. It warned of sudden strikes targeting airports, checkpoints, government buildings, hotels, markets, and areas frequented by Westerners or military convoys, often with minimal warning. U.S. ramps up airstrikes The U.S. State Department has upheld a Level 4 travel advisory for Somalia since July 2024, citing terrorism, crime, and instability—a stance unchanged, the embassy said. The alert coincides with intensified U.S. military action since President Donald Trump’s January 2025 return to power. Defense Secretary Pete Hegseth reported that a February 1 airstrike—the first of Trump’s second term—killed several ISIS militants, with no civilian losses noted. U.S. Africa Command (AFRICOM) has since launched multiple strikes alongside Somali forces, hitting ISIS and Al-Shabaab targets in Al-Kowsar, Ceel Baraf, Dadar, and Boulo-Burte. A recent International Crisis Group report pegs ISIS numbers in Somalia at hundreds, primarily entrenched in Puntland’s Cal Miskaat mountains—a remote stronghold in the Bari region. Somalia’s fragile security landscape The U.S. plays a pivotal role in Somalia, backing the federal government against Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate that has plagued the country since 2006. Mogadishu, home to over 3 million, hosts the fortified Halane compound within the airport zone, a nerve center for diplomatic and military efforts. Sporadic fighting near this area highlights Somalia’s fragile stability despite years of international intervention. Al-Shabaab remains a potent force, controlling rural zones and striking cities—evidenced by a March 11 hotel attack in Beledweyne that claimed seven lives. Puntland’s assertion of a U.S. exit—swiftly denied—underscores tensions with Somalia’s central government. The northeastern region, semi-autonomous and often at odds with Mogadishu, may leverage the claim for political gain. The embassy offered no further comment beyond its rejection, signaling a resolve to stay put. The post U.S. Embassy in Mogadishu rejects pullout rumors in Somalia appeared first on Caasimada Online. -
MOGADISHU, Somalia – The Somali government announced Sunday that joint airstrikes with international partners had inflicted substantial damage on the Al-Shabaab militant group in the southern Middle Juba region. The intensive operations, conducted overnight and into Sunday, specifically targeted key Al-Shabaab locations within the Jilib district, a known insurgent stronghold. A press release from the Ministry of Information detailed that the strikes focused on the district’s administrative center, a facility the militants termed a “jihadist center,” two compounds used for training and explosives preparation, and the residences of two alleged senior commanders, Hassen Yaqub, and Amin. The government asserted that all targeted facilities in Jilib were destroyed. The statement also claimed that numerous Al-Shabaab commanders and fighters were killed or wounded, with authorities currently working to confirm the exact casualty figures. While the Somali government’s statement did not identify the international partners involved, the United States military has historically conducted airstrikes against Al-Shabaab in Somalia, often in coordination with the national government. Aerial operations expand to other regions Beyond Jilib, the government reported that separate aerial operations occurred in the Lower and Middle Shabelle regions. These strikes reportedly eliminated key Al-Shabaab strongholds in the Ceelbacad area, situated on the border of Middle Shabelle and Galgaduud regions, and in the Mubaarak area of Lower Shabelle. These regions have long been significant areas of Al-Shabaab activity, frequently used as staging grounds for attacks on government forces and civilians. The Somali government also issued a stark warning to civilians living in areas still under Al-Shabaab’s control. The press release urged residents to avoid locations known to harbor the militants, citing the ongoing and intensified airstrike campaign. “Warning: The Somali government cautions the Somali populace residing in areas where the Khawaarij [a government term for Al-Shabaab] are hiding to stay clear of their centers or the enemy’s presence, as the Khawaarij are under constant targeting,” the Ministry of Information stated. The anti-terrorism efforts Al-Shabaab rose from the ashes of Somalia’s Islamic Courts Union, briefly seizing Mogadishu in 2006 before an African Union offensive reclaimed the capital in 2011. Since then, the group has entrenched itself in rural strongholds like Jilib, a strategic town in the Jubba Valley, leveraging its fertile lands and proximity to Kenya for logistics and recruitment. President Hassan Sheikh Mohamud, elected in May 2022, has prioritized dismantling the militants, blending military pressure with efforts to choke their financial lifelines. The group aims to overthrow the internationally recognized government and establish its own regime based on a strict interpretation of Islamic law. Al-Shabaab frequently conducts bombings and attacks in the capital, Mogadishu, and across the country. Jilib, the focus of the major airstrikes, is strategically located in the Middle Juba region, a long-standing area of significant influence for Al-Shabaab, which provides it with operational depth and resources. The term “Khawaarijta” (singular: Kharijite) is an Arabic term historically referring to a radical Islamic sect known for its extremism and violence. The Somali government and its allies frequently employ this term to delegitimize Al-Shabaab. The Somali government reiterated its unwavering commitment to eradicating Al-Shabaab from Somalia, emphasizing the continued collaboration between the Somali National Army, international partners, and the Somali people. These latest airstrikes occur amidst sustained efforts by the Somali government, supported by international missions to weaken Al-Shabaab’s control over various parts of the country. While the government often reports successes against the group, Al-Shabaab continues to demonstrate its capacity to conduct attacks and maintain its presence in several regions. The reported targeting of alleged senior commanders Hassen Yaqub and Amin, if confirmed, would represent a notable setback for Al-Shabaab’s leadership. However, the group has historically shown resilience and the ability to replace commanders. The post Somalia airstrikes hit Al-Shabab base in Jilib, kill leaders appeared first on Caasimada Online.
-
Reuters In ka badan 1,300 oo shaqaalaha Codka Ameerika ah (VOA) ayaa shalay fasax la geliyay, maalin kadib markii uu amar bixiyay Madaxweyne Donald Trump. Michael Abramowitz, oo ah agaasimaha VOA, ayaa sheegay in ku dhowaad shaqaalihiisa gaaraya 1,300 weriye, soo saareyaal, iyo kaaliyeyaal la geliyay fasax, taas oo wax u dhimeysa warbaahintan ku hadasha ku dhowaad 50 afaf oo Soomaaligu ku jiro. “Waxaan aad uga murugooday markii ugu horreysay muddo 83 sano ah, Voice of America waa la aamusiiyay.” Ayuu yiri Abramowitz. Waxaa jira warbaahinno kale oo uu saameeyay amarkan kasoo baxay Trump, kuwaas oo ka howlagala qaaradda Aasiya. Qaran News
-
Awdheegle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo degmada Awdheegle oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta ay baabuur qaraxyo ah kusoo wareereen fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ee ku yaalla degmadaasi, waxaana kadib sidaas ku bilowday dagaalka oo soo gaaray illaa xalay. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Abuukar Sheekh Maxamed oo maanta la hadlay warbaahinya ayaa sheegay in xaaladda Awdheegle ay dagan tahay, ciidamadana ay cashir lama illaawaan ah u dhigeen maleeshiyaadkii argagixisada ee soo weeraray. “Waxay Khawaaijta Al-Shabaab isku dayeen inay soo weeraraan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka hortegay guutooyinka Gorgor iyo October oo is garabsanaayo, waxayna gaarsiiyeen Khawaarijta jab aad u wayn” ayuu yiri afhayeenku. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa haatan Awdheele dhooban baqtiyadooda oo ay ku indho doogsanayaan shacabka ku nool degmada Awdheegle”. Dhanka kale, waxaa inta uu socday dagaalka Al-Shabaab u suurtagashay inay gudaha u galaan degmada Awdheegle, iyagoo u dagaalamay si aan horay loo arag. Waxaa dagaalka sidoo kale ku dhintay Taliyihii ururka Gorgor, iyada oo is difaac badan kadib ciidamadu ay sameeyeen dib u gurasho, balse markii dambe oo ay heleen gurmad, ay ciidamadu laabteen difaacyadooda. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa la gaarsiiyay khasaare culus, waxaana goobjoogayaal ku sugan Awdheegle ay Caasimadda Online u sheegeen inay arkeen meydadka Shabaab tiro beel ah oo dagaalka lagu dilay, kuwaas oo yaalla luuq kasta. Ugu yaraan afar muuqaal duube oo Shabaab ah ayaa la sheegay in maanta Ciidamada Dowladda ay ku dileen dagaalka Awdheegle. Khasaaraha gaaray ciidanka waa yaraa, Maxamed Tawane Ciilow oo ahaa weriyihii ururka Gorgor ee Shabaab kula dagaalamay Awdheegle ayaan kamid ahaa askarta lagu dilay dagaalka. Si kastaba, howlgallada ayaa sii soconayo, waxaana ujeedka dowladda uu yahay in laga hortago weerarada Al-Shabaab ee gobolka oo soo badanayay maalmihii lasoo dhaafay. Kooxda ayaa xooggeeda isugu keentay Shabeelooyinka, iyada oo xittaa xalay iyo shalay lagu arkay deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole & Xaawo Cabdi oo u dhow magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo, kadibna ay isaga laabteen. The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda degmada Awdheegle kadib dagaalkii shalay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa beenisay inay shaqaalaheedii kala baxday magaalada Muqdisho, kaddib sababo amni oo soo kordhay. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo qoraal rasmi ah soo saartay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya in ay bilowday la bixista shaqaalaheeda, kaddib cabsi laga qabo halis amni oo soo fool leh Muqdisho. “Wararkaas waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah,” ayey tiri safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo sheegtay in safaaraddu ay si caadi ah u shaqeynayso. Hadalkan ayaa imanaya xilli maalintii shalay aheyd uu maamulka Puntland sheegay in Mareykanka uu la baxay diblumaasiyiintiisi Muqdisho ku sugnaa. Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Dirir oo arrintan ka hadlay aya markaas ku sababeeyay inuu furin dagaal noqday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo kaabiga ku haya xerada Xalane oo ay degan yihiin wakiillada caalamka. Dhinaca kale, Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dhawaan soo saartay digniin amni, oo ay uga digtay khataro weerarro lala beegsado goobo kala duwan oo ku yaalla caasimadda, oo ay ku jirto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Waxay safaaraddu hakisay dhammaan safarrada shaqaalaheeda ilaa amar dambe, halka muwaadiniinta Mareykankana laga mamnuucay inay u safraan Muqdisho. Sidoo kale, safaaradda ayaa markaas sheegtay in kooxaha argagixisadu ay wadaan abaabulka qaraxyo iyo weerarro, iyadoo xustay in xaaladda amniga ee Soomaaliya ay weli tahay mid aan degganeyn. The post Maxaa ka jira in Mareykanka uu Muqdisho kala baxay shaqaalihiisi sababo amni? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu faahfaahiyay duqeyn saacado badan qaatay oo xalay iyo illaa maanta ka dhacday gudaha degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab. Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa waxaa si gaar ah loogu garaacay xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Qoraalka ayaa lagu sheegay in la burburiyay dhammaan xarumahaasi, sidoo kalena lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsanaa kooxaha argagixisada, waxaana dowladda Soomaaliya ay intaasi kusii dartay in haatan ay waddo tirakoob. Dhinaca kale howlgallo kale oo dhanka cirka ahaa iyana ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu burburiyay fariisimihii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaalla xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu caddeeyay bayaanka goordhoweyd kasoo baxay dowladda. Nuqul kamid ah warsaxaafadeedkan waxaa sidoo kale digniin culus loogu diray shacabka weli dhex deggan Al-Shabaab oo loogu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxda, maadaama lagu hayo duqeymo joogta ah. “Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaaliyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda warfaafinta. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:- Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo Khawaarijta ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin. Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beegsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob. Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartilmaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa cadowga Khawaarijta ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta dagaalka jihaadka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta inta ay joogaan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaaliyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta. The post DF oo faah-faahisay duqeynta JILIB iyo bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone). Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar walba wuxuu ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan. Dabayaaqadii 2022-ka ayey aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Maxamuud ayaa Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada. Qoone ayaa horey u ahaan jirey Xildhibaan, waxaana uu ka soo galay baarlamaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay magacaabay la-taliyeyaal badan, oo mararka qaarkood lagu wareerayo waxa ay qabtaan, balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkii ka qaaday Maxamed Qoone appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — A Kenyan police officer was shot dead and another injured when suspected operatives of Somalia's National Intelligence and Security Agency (NISA) launched an attack at a border post in Mandera on Friday in what authorities believe was a retaliatory strike. Source: Hiiraan Online
-
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa beenisay wararka sheegaya in ay bilowday daadgureynta shaqaalaheeda sababo la xiriira cabsi amni oo ka jirta caasimadda Soomaaliya. Safaaradda ayaa ku tilmaamtay wararkaas kuwo aan sal iyo raad lahayn. Si kastaba ha ahaatee, safaaraddu waxay dhowaan soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay inay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” gudaha dalka. Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in Mareykanku uu la baxay shaqaalihiisa ku sugnaa Muqdisho, kadib markii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu noqday furin dagaal oo kaabiga u saaran xerada Xalane, halkaas oo ay ku sugan yihiin waddamada caalamka. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in amniga Muqdisho uu faraha ka baxay, taasoo keentay in aan halkaas lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah. Waana sababta keentay in Safaaradda ay jawaab ka bixiso hadallada Mucaaradka. Amniga magaalada Muqdisho ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay gaaray heerkii ugu sareeyay ka dib markii Dowladda Soomaaliya ay hoos u dhigtay qaraxyaddii iyo dilalkii ay geysan jireen kooxda Shabaab. Source: goobjoog.com
-
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Dowladda Mareykanka oo bayaan kooban soo saartay ayaa been-abuur ku tilmaantay warar laga soo xigtay wasiir ka tirsan Puntland oo sheegaya in Mareykanku diblomaasiyiintii iyo shaqaalihii muhiimka ahaa kala baxay Muqdisho, sababa amni dartood. Qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayay ku beenisay wararka ku saabsan in Mareykanku shaqaalihii muhiimka ahaa kala baxay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay kaabiga u soo istaageen dagaallamayaasha Argagixisada AS oo dhawaanahan sare u qaaday dhaq dhaqaaqooda dagaalka ee gobollada Shabeelooyinka. “Waa been-abuur Warbixinaha u danbeeyay ee sheegaya in safaaradda Mareykanka ee Muqdisho bilowday in ay la baxdo shaqaalaha muhiimka ah” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo soo baxay maalin kaddib markii wasiirka Warfaafinta Puntland laga soo xigtay warka bixitaanka. Sabtidii Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Mareykanku badi diblomaasiyiintii iyo shaqaalihii muhiimka ahaa kala baxay magaalada Muqdisho, kaddib markii mileeshiyaadka Argagixisada ah soo galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo beeniyay warar laga soo xigtay Puntland oo sheegaya in Mareykanku diblomaasiyiintiisa kala baxay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone). Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan. Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa uga mahadceliyay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaadday tallaabo culus oo la xiriirta xubnihii Al-Shabaab ee xalay lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo, sida laga soo xigtay dadka deegaanka. Goobjoogayaal ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa Caasimadda Online u sheegay in xalay afurkii kadib ay Shabaab soo galeen deegaanka, iyagoo isku fidiyey xaafadaha deegaankan oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Sidoo kale waxay demiyeen layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxay dadka u sheegayeen inay si nabad ah ku joogaan deegaanka, mana jirin wax iska caabin ah oo ciidamada dowladda ay kala kulmeen. Intaasi kadib waxaa jawaab deg-deg ah arrintan ka bixisay dowladda Soomaaliya oo ciidamo iyo saraakiil gaysay deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo sameeyay kormeer iyo howlgal amni xaqiijin ah. Saraakiishta tegtay Ceelasha ayaa booqday xarumaha ganacsiga ee ku yaalla hareeraha laamiga, waxayna u sheegeen ganacsatada iyo dadka deegaanka in xaaladda ammaan ay wanaagsan tahay, isla markaana laga rabo inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka. Xaaladdan soo korortay ayaa cabsi wayn ku keentay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale ka dhashay hadal-heyn xoogan oo qabsatay baraha bulshada, iyada oo dadku ay is waydiinayaan, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay inay soo gaaraan halkaasi. Kooxdaan ayaa sidoo kale shalay lagu arkay deegaannada Xaawo-Cabdi iyo Lafoole oo dhaca inta u dhexeysa Afgooye iyo Ceelasha Biyaha, taas oo sii kordhisay cabsida laga qabato inay weeraro ka fuliyaan halkaasi. Sidoo kale, salaaddii subax ee shalay weerar ayay ku qaadeen degmada Awdheegle halkaas oo uu xalay gabalka ugu dhacay iyagoo dhinac ka jooga magaalada, oo ka baqdin qaba haddii ay u baxaan banaanka in la duqeeyo, maadaama diyaaradaha dagaalka ay dul wareegayaan Awdheegle, gudaha magaaladana aan lagu duqeyn karin. Horay sidaan oo kale waxa ay usoo gaareen degmada Balcad oo iyana qiyaastii 35 KM u jirta caasimada, iyaga oo saacado kooban haystay, kadibna isaga baxay. Hadal-heyn culus ayaa hadda ka taagan magaalada Muqdisho oo sidaan ay Shabaab ugu soo dhawaadeen markii ugu horeysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, kooxda ayaa horay ugu goodisay in 17-ka Ramadaan ka hor ay Muqdisho qabsanayaan. Ugu yaraan labo goobood oo kale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanno hoos taga degmada Cadale ayaa shalay lagu dagaalamay, halkaas oo Shabaab badan lagu laayey, in kastoo dhankaasna ay kooxdu kasoo dhawaatay. Soomaaliya ayaa hadda u baahan badbaado deg deg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is dabajoog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay sii dhimayso, halka meelaha qaarna ay ka jirto abaabul yari iyo gaabis dhanka dowladda ah. The post DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Shabaabkii lagu arkay Ceelasha Biyaha appeared first on Caasimada Online.
-
Jlib (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo maanta iyo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay gobollada Shabeelooyinka iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab. Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaannada Boos Hareeri iyo Ceelbacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu shaaciyay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Abuukar Sheekh Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay furimaha hore ee dagaalka. Abuukar ayaa shaaca ka qaaday in duqeymahaasi lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal oo ay lahayd kooxdu. Duqeynta labaad ayaa iyadana ka dhacday Shabeelaha Hoose, wuxuuna afhayeenka tilmaamay in lagu burburiyay buundo macmal ah oo ay sameysteen Al-Shabaab, isagana gudbi jireen gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe. “Waxaa duqeynta lagu burburiyay gaadiid ay wateen maleeshiyaadka Khawaarijta oo isugu jiray suugag iyo teedhi-sabano, sidaas oo kale waxaa la burburiyay buunadadii ay isaga gudbi jireen gobollada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose” ayuu yiri Abuukar. Sidoo kale afhayeenka ayaa ka hadlay xaaladda degmada Awdheegle, wuxuuna sheegay in weli ay howlgallo kasii wadaan ciidamada Xoogga dalka oo uu tilmaamay inay jab gaarsiiyeen Shabaab, walow lasoo wariyay in xalay qayb kamida degmada ku hoydeen. Abuukar Sheekh Maxamed ayaa intaasi kusii daray in weli maydadka Al-Shabaab ay dhex daadsan yihiin gudaha Awdheegle, oo shalay ay kula dagaalameen ciidamada. Dhinaca kale, waxaa iyana duqeyn kale oo saddexaad ay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ah fadhiga ugu wayn ee Al-Shabaab, waxaana xalay diyaarado dagaal ay beegsadeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha degmadaasi. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kooban uga hadlay duqeynta Jilib, wuxuuna tilmaamay inay faah-faahinta dib ka shaacin doonaan weerarkaas cirka ah ee lagu qaaday Shabaab. “Hawlgalka ciribtirka Khawaarijtu wuxuu gaaray Jilib, faahfaahin ayaad heli doontaan insha allaah, ma jiri doonto goob iyo gabbaad nabad ah oo Khawaarij ay ka hesho gayigeenna alle edinki” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray wasiir Al-Cadaala. Duqeymahan ayaa waxaa lagu taageerayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee haatan dagaalka adag kula jiro argagixisada oo ay isku hayaan Shabeelooyinka. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sidoo kale looga hortegayaa qorshaha dib isku soo abaabulidda Al-Shabaab oo mar kale kusoo rogaal celisay deegaanno horay looga xoreeyay, iyadoo ujeedka duqeymaha ay yihiin in lagu cuuryaamiyo awoodooda. The post Xogta duqeymo culus oo ka dhacay Shabeelooyinka iyo JILIB appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo. Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siciid Deni uu maanta qaabiley ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Puntland. “Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo, Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. “Qaramada Midoobey ayaa boggaadisay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo dadaalka ay Puntland ku bixisay hawlgalka qorsheysan ee Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad, waxaa kale oo Kulanka looga hadlay Amniga Guud, Mashaariicda horumarin iyo bani’aadantinimo ee Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya” ayay sii raacisay madaxtooyada Puntland. Halkan ka eeg Sawirada Kulanka PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey oo Puntland ku bogaadisay dagaalka ciribtirka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa hal arrin uga digtay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, taas oo ku aadan xiriirka kala dhexeeya Taiwan oo muddooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeysanayay. Safiirka Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, Amb. Wang Yu oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa si adag uga hadlay xiriirka Somaliland ay la leedahay Taiwan, wuxuuna sheegay inuu cambaareynayo tallaabooyinka noocaas oo kale ah. Wang Yu ayaa shaaca ka qaaday in Taiwan ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha, isla markaana aanay ogolaan doonin, sida dal oo kale in loola macaamilo. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Danjiruhu inay qaadayaan tallaabooyin cadaadis lagu saarayo maamulka fadhigiisu Hargeysa, si uu uga hakado xiriirka Taiwan. “Waxa jira oo keliya hal Shiine oo adduunka ah; Taiwan-na waa qayb aan laga goyn karin Shiinaha, waxaa jira dalal badan oo taageersan in la helo dib-u-midaynta qaranka, taasi waa xaqiiqda aasaasiga ah,” ayuu wareysiga ku yiri Mr. Wang Yu. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in labada dhinac ay isku garab siinayaan gooni istaag, balse ay ka digayaan in lagu sii socdo waddadaasi, sida uu hadalka u dhigay. “Taiwan waxa ay gacan saar la leedahay quwada siyaasadeed ee Hargeysa, iyaga oo si cad ugu ololeynaya gooni-isu-taagga. Waanu cambaaraynaynaa oo waanu uga digaynaa xoojinta xidhiidhkaasi,” ayuu mar kale yiri safiirka Shiinaha ee Soomaaliya. Danjire Wang Yu wuxuu carabka ku goday in dhanka kale ay xoojinayaan xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka, ayna taasi beddalkeeda ka hortegayaan tallaabooyinka Somaliland, si loo ilaaliyo midnimada dhuleed iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Shiinuhu wuxuu garab siinayaa dowladda Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada dhuleed ee qarankooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ka dhawaajiyay in maamulkiisa uu xoogga saari doono sidii sare loogu sii qaadi lahaa xiriirka xooggan ee kala dhexeeya maamulka Taiwan oo isku dano ay yihiin marka loo eego marxaladda ay wada marayaan. The post Daawo: Shiinaha oo hal arrin uga digay madaxweynaha Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Duqayn cirka ah ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, oo ah mid ka mid ah fadhiisimaha ugu waaweyn ee Al-Shabaab. Ilo kala duwan oo dowladda ah ayaa xaqiijiyay dhacdadan. Ilaa iyo hadda, faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqayntan iyo bartilmaameedka la weeraray lama helin. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda Soomaaliya soo saarto warbixin rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan. Degmada Jilib ayaa horey dhowr jeer u marti-gelisay duqaymo cirka ah oo lala beegsaday Al-Shabaab. Tusaale ahaan, bishii May 2023, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqayn cirka ah ka fuliyay Jilib, iyagoo bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in duqayntaasi aysan waxyeello u geysan shacabka . Source: goobjoog.com