-
Content Count
213,176 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyey Muqdisho, Ambassador Wondimu Asamnew, ayaa kamid noqday mas’uuliyiinta Itoobiyaanka ah ee warbaahintu wareysatay, isagoo si xiiso leh uga hadlay marxaladihii uu soo maray Axmed Madoobe ka hor intii uusan noqon Madaxweynaha Jubaland. “Dhiig badan oo Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa inuu dhiig Itoobiyaan leeyahay,” ayuu si kaftan leh u yiri safiirkii Itoobiya u joogay Soomaaliya. Axmed Maxamed Islaam oo muddo 12 sano ah ahaa Madaxweynaha Jubaland ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaashii Maxkamadaha Islaamka. Ciidamada Itoobiya ayaa dhaawacay, waxaana lagu soo daweeyay magaalada Addis Ababa. Sida uu sheegay Ambassador Wondimu Asamnew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayaa ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano kahor markii ay soo galeen Soomaaliya. Xilligaas wuxuu kamid ahaa madaxda Al-Shabaab, waxaana raadinayey dalalka Itoobiya iyo Mareykanka. Mareykanka ayaa ku daray liiska dadka la raadinayo, isagoo dhaawac ka soo gaaray duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku qaaday. Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday ayaa sheegay in aysan ujeedkoodu ahayn dilkiisa balse ay doonayeen inay qabtaan isagoo nool, sida uu BBC-da u sheegay Kornayl Gebre Egziabher Alemseged oo hoggaaminayay howlgalka lagu qabtay Axmed Madoobe. Axmed Madoobe wuxuu ahaa taliye ka horyimid ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya soo galay si ay u taageeraan dowladdii Kumeel-gaarka ahayd. Taliskii Raas-Kambooni oo Axmed hoggaaminayey waxaa markii hore sameeyay ururkii Al-Itixaad, balse Maxkamadihii Islaamka ayaa ka dhigay garab militari. Axmed Madoobe ma ahayn oo keliya mas’uul sare oo ka tirsan Al-Shabaab balse wuxuu mar ahaa qofka labaad ee ugu sarreeya. Axmed Madoobe wuxuu sannadihii 1980-aadkii ku biiray ururka Al-Itixaad oo ahaa ururkii dhalay Al-Shabaab. Sannadkii 2006 ayay ahayd markii Maxkamadaha Islaamka ay qabsadeen Muqdisho, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Qaar kamid ah xubnaha maxkamadaha ayaa doonayay inay sameeyaan garab mintid ah, iyagoo aaminsanaa in Maxkamadaha aysan dhab ka ahayn jihaad, taas ayaana dhalisay Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka ururka Al-Shabaab. Kornayl Gebre Egziabher Alemseged waa sarkaalkii markii Axmed Madoobe dhaawaca ahaa la qabtay diyaarad ku geeyay Addis Ababa. “Axmed Madoobe waxay ciidamada Itoobiya u jabiyeen hab qalbi-jab ah,” ayuu yiri kornayl Gebre. Kornaylka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu dagaalka hoggaaminayay laga soo billaabo Jubooyinka ilaa Baydhabo. Janaraal Gebre Dilla iyo Kornayl Gebre Egziabher ayaa hoggaaminayay ciidamadii Itoobiya ee qabtay Axmed Madoobe. “Waxaa nalagu amray inaan qabanno oo aannaan dilin,” ayuu yiri kornayl Gebre Egziabher. Wuxuu intaa ku daray, “waxaan ku dadaalnay inaan qabanno isagoo nool, wuxuuna dagaallamay ilaa uu dhaawacmay.” Ugu dambeyn Axmed Madoobe sideed xabadood ayaa haleelay, isagoo si halis ah loogu dhaawacay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, waxaana la qabtay isagoo dhaawac halis ah qaba. Kornaylka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ahaa qofka keliya ee ka badbaaday siddeed qof oo la socotay. “Aniga ayaa helikobtar ku qaaday oo geeyay Addis Ababa,” ayuu yiri Kornayl Gebre. Warbaahinta Koonfur Afrika, gaar ahaan joornaalka Mail & Guardian, ayaa xilligaas qoray in Itoobiya ay soo bandhigtay Axmed Madoobe oo ahaa hoggaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab. Raggii xilligaas la dilay waxaa kamid ahaa Abu Talha al-Sudani oo ahaa hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Bariga Afrika, kaasoo aad ugu dhowaa Osama bin Laden, kuna xeel-dheeraa sameynta qaraxyada. Kornayl Gebre iyo Ambassador Wondimu ayaa xaqiijiyay in Abu Talha lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada Itoobiya. Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in madax badan oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ay kasoo jeedeen ururkii Al-Itixaad oo Itoobiya dhibaato ku hayay. Al-Itixaad ayaa Itoobiya ka fuliyay weeraro badan, sida qarax ka dhacay suuq ku yaal Diridhaba sannadihii sagaashamaadkii oo ay ku dhinteen 15 qof. Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya ka baxay 2009 iyagoo sheegay inay burburiyeen khatartii argagixisada, inkastoo kooxda Al-Shabaab awood cusub yeelatay. Axmed Madoobe oo muddo labo sano ah joogay Addis Ababa ayaa lagu daaweeyay isbitaalka ciidamada Itoobiya. “Dhiig Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay, dadaal weyn ayaana lagu badbaadiyay,” ayuu yiri Ambassador Wondimu isagoo dhoollacadeynaya. Ambassador Wondimu ayaa sheegay in Axmed Madoobe ku hadli karo luqadda Axmaariga, inkastoo ay ku adagtahay. Warbaahinta ayaa sheegtay in Axmed Madoobe xirnaa, balse kornaylka iyo safiirka ayaa beeniyay arrintaas. “Ujeedkeenu wuxuu ahaa inaan ka dhignno saaxiib, ee kuma xalineyn Soomaaliya xarig,” ayuu yiri safiirka. Axmed Madoobe ayaa guursaday haweeney Itoobiyaan ah intuu Addis joogay, isagoo halkaas cunug loogu dhalay. Ujeedka Itoobiya waxay ahayd in la beddelo fikirkiisa, kana horjeesto Al-Shabaab, ayuu yiri Kornayl Gebre. Axmed ayaa kulamo joogto ah la yeelan jiray Meles Zenawi, wasiirkiisa arrimaha dibadda Seyoum Mesfin iyo wasiirkii caafimaadka Tedros Adhanom. “Waxaa naga go’nayd in fakarka xagjirnimada laga saaro, Axmedna waa aqbalay,” ayuu yiri kornaylku. Axmed Madoobe ayaa markaas kadib saaxiib dhow la noqday Itoobiya iyo Kenya, iyadoo labada dal ay taageereen inuu Madaxweynaha Jubaland noqdo. Ambassador Wondimu ayaa sheegay in xiriirka Axmed Madoobe iyo Itoobiya uu ahaa mid labada dhinac dani ugu jirto. Xiriirkaas ayaa sii xoogaystay markii uu Itoobiya Ra’iisul wasaare ka noqday Abiy Axmed. Xigasho: BBC
-
Maamulka Israa’iil ayaa dib u billaabay duqeymihii marinka Qasa, ayagoo sheegay in ururka Xamaas uu diiday in la ballaariyo heshiiska xabbad-joojinta, wuxuuna xaafiiska Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku dhawaaqay in duullaankii Qasa uu dib u billowday. Duqeymaha saacadihii ka soo dhaafay si xoog leh uga socday waqooyiga iyo bartamaha Qasa ayay wararku sheegayaan inay sababeen dhimashada in ka badan 130 qof oo rayid ah, halka dhaawacyaduna ay 200 ku dhowyihiin. Ururka Xamaas ayaa dhexdhaxaadiyaasha iyo dalalka Islaamka ugu baaqay inay xaaladda soo fara-geliyaan, balse ma jirto dowladda ilaa haatan arrintaas war ka soo saartay. Source: goobjoog.com
-
Dabley hubaysan oo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaaliyeed ayaa xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ka af-duubtay doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen. Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa shaaciyay in lagu wargeliyay dhacdo looga shakisan yahay in ay la xiriirto burcad-badeednimo taasi oo xeebaha degmada EYL ee gobolka Nugaal lagaga qafaashay doon kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Yemen. Warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa lagu sheegay in doontaasi ay qafaasheen dabley hubaysan oo ka kooban 7 nin kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay yihiin burcad-badeed Soomaaliyeed balse weli dhacdada baaritaan ku socdo. Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa intaasi raaciyay in doonta la qafaashay ay saaran yihiin 8 shaqaale ah oo dhammaantood Soomaali ah waxaana dhacdadaasi imaanaysaa bil kaddib markii burcad-badeedu weerartay doontii Seytuun2 oo uu ka babanayay calanka Yemen. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Koox looga shakisan yahay burcad-badeed oo doon kalluumeysi ku af-duubtay xeebaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
President Deni understands that the pre-2023 unregulated trade with Somaliland placed Puntland State at a disadvantage. Garowe (Commentary) — Since 2023, when conflict erupted in Laascaanood, the movement of goods between Puntland State of Somalia and the Somaliland administration has completely stopped. Puntland has benefited from the new trade realignment: it has recaptured all territories in Sool federally affiliated with Puntland State. As reported by Puntland Post last week, the Somaliland administration has imposed a two-tier tariff on goods from Puntland. Puntland merchants who import goods had to relocate to Berbera after Boosaaso Port became plagued by inefficiencies and Daesh threats. DP World is expanding the capacity of Boosaaso Port to rival Berbera’s position in the Gulf of Aden. The United Arab Emirates has invested in two Somali ports, both in two administrations at loggerheads over territorial disputes. Somaliland, a secessionist administration, falsely claims parts of Puntland State, whereas Puntland, formed in 1998 on a unionist charter, emphasises Somalia’s sovereignty. These political differences pose challenges for any trade negotiations between the Somaliland administration and Puntland State. The Somaliland administration is keen to resume trade ties with Puntland once an agreement on reopening trade routes is reached. DP World has urged President Said Abdullahi Deni to agree to a trade deal with the Somaliland administration. However, Somaliland’s dubious sovereignty claim makes the likelihood of such a deal less certain. Goods move freely among Somali federal member states without trade agreements. Somaliland’s economy relies heavily on other parts of Somalia. Another factor complicating the proposed trade talks is that territories previously controlled by the Somaliland administration are now under the jurisdiction of the Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo (SSCK) interim administration. Since 2023, the SSCK administration has developed customs points at its borders with Puntland State and imposes tariffs on transport carrying goods in and out of its territories. It will be a party to any trade talks between Puntland State and the Somaliland administration. As a former businessman, President Deni understands that the pre-2023 unregulated trade with Somaliland placed Puntland State at a disadvantage. A senior official of the Puntland Chamber of Commerce told me he is “unsure if President Deni will look after the interests of Puntland businesses that import goods.” Last week, President Deni stated that defeating Daesh “will result in the return of local importers to Boosaaso.” Preparing for trade talks with the Somaliland administration is as important as the ongoing fight against Daesh in the Calmiskaad mountain range. © Puntland Post, 2025 The post Proposed Puntland-Somaliland Trade Talks Face Political Hurdles appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) – A Yemeni-flagged fishing vessel has been hijacked off the Somali coast near Durdura, close to Eyl, in the latest sign of resurgent piracy in the region. Seven armed men seized control of the vessel on Sunday, taking eight Somali crew members hostage, according to European Union Naval Force (EUNAVFOR) Operation ATALANTA. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) – Somalia's Prime Minister Hamza Abdi Barre on Monday unveiled an ambitious five-year National Transformation Plan (NTP 2025-2029), just hours after announcing a major cabinet reshuffle, signalling a renewed push for governance reforms, economic recovery, and national stability. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgallada cirka ee ciidamadu ay ka fuliyeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey saraakiisha Ciidamada Cirka dadaalkooda joogtada ah, gaar ahaan xoojinta weerarada qorsheysan ee lagu beegsanayo argagixisada, isagoo tilmaamay in duqeymaha cirka ee lala beegsaday xarumaha Khawaarijtu ay si weyn u wiiqday awooddooda iyo abaabulka dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka Soomaaliyeed. Saraakiisha ciidamada cirka ayaa Madaxweynaha la wadaagay xaaladda guud ee howllada iyo qorshayaasha muhiimka ah ee lagu xoojinayo Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan tababarrada sare ee ay soo qaateen. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto dib-u-dhiska, qalabaynta, iyo tayeynta ciidanka Cirka si ay u gutaan waajibaadkooda, dadka Soomaaliyeedna uga dulqaadaan argagixisada. Muddo dheer kadib, waa markii ugu horeysay ee ay ciidanka cirka Soomaaliyeed hagayaan isla markaasna fulinayaan weerarro ka dhan ah argagixisada. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Kooxdq Alshabaab ” Al-shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta,bil Ramadaan baa lagu jiraa Dagaalka aad u socotaan waa in Cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan Cadowga guul baana idiin rajeyn “Ayuu yiri Taliye Asad Ciidamada Boliiska ayaa helay Tababaro kor loogu qaaday aqoontooda iyo xirfadooda waxaana ay awood buuxda u leeyihiin in goob walba kula dagaalamaan Alshabaab. Saacado ka hor ayaan sidaan oo kale cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta waxaa loo daadgureeyay furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Source: goobjoog.com
-
𝐒𝐭𝐚𝐭𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐟𝐫𝐨𝐦 𝐓𝐚𝐢𝐰𝐚𝐧 𝐑𝐞𝐩𝐫𝐞𝐬𝐞𝐧𝐭𝐚𝐭𝐢𝐯𝐞 𝐎𝐟𝐟𝐢𝐜𝐞 𝐢𝐧 𝐭𝐡𝐞 𝐑𝐞𝐩𝐮𝐛𝐥𝐢𝐜 𝐨𝐟 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐍𝐞𝐢𝐭𝐡𝐞𝐫 𝐓𝐚𝐢𝐰𝐚𝐧 𝐧𝐨𝐫 𝐂𝐡𝐢𝐧𝐚 𝐢𝐬 𝐬𝐮𝐛𝐨𝐫𝐝𝐢𝐧𝐚𝐭𝐞 𝐭𝐨 𝐭𝐡𝐞 𝐨𝐭𝐡𝐞𝐫, 𝐚𝐧𝐝 𝐂𝐡𝐢𝐧𝐚 𝐡𝐚𝐬 𝐧𝐞𝐯𝐞𝐫 𝐠𝐨𝐯𝐞𝐫𝐧𝐞𝐝 𝐓𝐚𝐢𝐰𝐚𝐧 𝐟𝐨𝐫 𝐚 𝐬𝐞𝐜𝐨𝐧𝐝. We strongly refute China’s false claims of territorial sovereignty that completely ignores the fundamental truth. We appreciated G7 Foreign Ministers recently supported Taiwan by opposing any unilateral attempts to change the status quo of the Taiwan Strait whether by force or by coercion. Under the Trump administration, the White House National Security Council openly acknowledged and praised the new relationship between Somaliland and Taiwan in 2020. Following the 2024 Presidential Election, Somaliland’s democratization is garnering world-wide attention and support from like-minded countries, and Taiwan-Somaliland relationship continues to thrive based shared values, shared interests and shared goals. 𝐖𝐞 𝐚𝐫𝐞 𝐠𝐥𝐚𝐝 𝐭𝐨 𝐬𝐞𝐞 𝐦𝐨𝐫𝐞 𝐚𝐧𝐝 𝐦𝐨𝐫𝐞 𝐝𝐞𝐦𝐨𝐜𝐫𝐚𝐭𝐢𝐜 𝐥𝐢𝐤𝐞-𝐦𝐢𝐧𝐝𝐞𝐝 𝐩𝐚𝐫𝐭𝐧𝐞𝐫𝐬 𝐞𝐧𝐝𝐨𝐫𝐬𝐢𝐧𝐠 𝐭𝐡𝐞 𝐯𝐚𝐥𝐮𝐞𝐬 𝐨𝐟 𝐓𝐚𝐢𝐰𝐚𝐧-𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐫𝐞𝐥𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬𝐡𝐢𝐩. 𝐖𝐞 𝐛𝐞𝐥𝐢𝐞𝐯𝐞 𝐭𝐡𝐚𝐭 𝐓𝐚𝐢𝐰𝐚𝐧-𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐫𝐞𝐥𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬𝐡𝐢𝐩 𝐜𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐭𝐚𝐥𝐲𝐳𝐞 𝐦𝐨𝐫𝐞 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐬𝐮𝐩𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐟𝐨𝐫 𝐛𝐨𝐭𝐡 𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬. It is also worthy to note how “humanitarian assistance” could be weaponized to fuel internal conflicts and cognitive warfare to further destabilize the region. We urge China to cease its provocation and truly uphold the values of peace and stability in the Horn of Africa. Qaran News
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐬𝐢𝐢 𝐠𝐨𝐠𝐨𝐥 𝐱𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐲𝐨 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐞𝐞𝐥 𝐀𝐟𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐱𝐮𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐚𝐬𝐢. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee Toddobaadadii ugu dambeeyey ku sugnaa Magalaada Ceerigaabo ayaa magaalada Ceel Afweyn kulan loogu sii gogol xaadhayo shir weynaha nabadaynta Ceel-afweyn kula yeeshay Guddida loo xulay Shirka Nabadaynta beelihii ay colaadu ku dhex-martay Degaanadaasi. Kullanka ayaa waxa ku welelinayey Madaxweyne ku-xigeenka xubno Wasiiro ah iyoTaliyaha Ciidanka Qaranka iyo weliba Maamulka Gobolka Sanaag iyo ka Degmadda Ceel-Afweyn, Xildhibaano iyo madaxda dhaqanka oo uu hormuud u yahay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow. Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraday mihiimmada ay nabadu u leedahay bulshada, isaga oo la dardaarmay beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Degaamada Ceel Afweyn. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xusay in Xukuumada cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay ka go’an tahay in ay ka shaqayso midnimada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland, waxana uu yidhi: “Xukumada Cusub waxa ay diyaarisay mashaariic horumarineed oo laga fullin doono gobolka Sanaag, marka uu dhamaado qorshaha nabada iyo qaramaynta ciidamada madaniga ah. Gobolka Sanaag Qiimo badan ayuu ugu fadhiya Somaliland, taasina waxa markhaati u ah muddada kooban ee Xukumadu jirto iyo sida ay mihiimada weyn u siisay Gobolka Sanaag”. Shirweynaha nabadaynta Ceel-Afweyne ayaa la isla gartay in si rasmi ah loo furo maalinta Arbacada ah ee soo socota ee Todobaadkan. Gunaanadkii, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa halkaasi ka ballan qaaday inay Xukuumadu ay si dhab ah u fulin doonto go’aamada ka soo baxa shirka nabadaynta Ceel Afweyn. ALLAA MAHAD LEH, Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
-
How many of know that in the Horn of Africa, a distinct ethnic-cultural population lives on their ancestral land called Somaliland? Although captured as a part of Somalia, it is a democratic Republic which declared its independence in 1991, unrecognized by Somalia and by the world at large. International recognition is long due this population developing their own distinct presence in Africa, yearning to be acknowledged as the Continent’s 55th state. Unlike Somalia, Somaliland is peaceful and forward-looking, developing trade and business ties with other countries. Rita Rosenfeld @rheytah Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in dhowaan loo gudbiyo cutubyada shanaad ilaa sagaalaad ee Dastuurka, kuwaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya. Cutubyadan ayaa horey usoo maray marxalado dood iyo dhageysi dadweyne ah, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin ayaa faah-faahin ka bixiyay muhiimadda ay leeyihiin cutubyadan, isaga oo tilmaamay in cutubka shanaad uu diiradda saarayo baahinta awoodaha iyo nidaamka federaalka, halka cutubyada kale ay ka hadlayaaan Baarlamaanka, Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Garsoorka. “Cutubkaan shannaad waxa uu ka hadlayaa baahinta awoodaha oo Federaaleynta (Asteenta awoodaha) waana la dhahaa,” ayuu yiri Wasiirka Xasan Macallin. Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in afar cutub oo hore (1-aad ilaa 4-aad) horey loo dhammeystiray, halka shanta cutub ee xiga (5-aad ilaa 9-aad) hadda la diyaariyay si Baarlamaanku u meelmariyo. Qaybaha harsanna waxaa la qorsheynayaa in la dhammaystiro inta lagu guda jiro kalfadhiga toddobaad ee Baarlamaanka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay dadaal badan gelisay dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo qeybo ka mid ah wax-ka-beddelkaas loo gudbiyay bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinka dowlad-goboleedyada si ay uga dhiibtaan fikiradooda. Si Dastuurka u noqdo mid rasmi ah, waxaa loo baahan yahay in la qabto afti dadweyne. Hase yeeshee, arrintan waxay dhalisay dood ay qabaan dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo marar badan ku baaqay in geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka wada qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda ee dalka. The post 5-ta cutub ee la horgeynayo BF si loo beddelo xilli ay weli taagan tahay doodda dastuurka appeared first on Caasimada Online.
-
Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Xilalka uu hore u soo qabtay iyo Shaqadiisa Dowladda • Dibloomaasi (2009–2017): Cabdiqaadir Maxamed Nuur wuxuu muddo dheer ka shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda Soomaaliya. Waxa uu ka mid ahaa diblomaasiyiintii safaaradda Soomaaliya ee Ankara, Turkey, halkaas oo uu ka soo qabtay xilalka: • Xoghayaha Labaad (2009–2012) • Xoghayaha Koowaad (2012–2015) • Lataliyaha Sare (2015–2017) • Ku-simaha Safiirka (2016–2017) – Waxa uu si kumeel-gaar ah u noqday safiirka Soomaaliya ee Turkey intii lagu jiray 2016 ilaa 2017. • Shaqooyin Amni iyo Sirdoon (2017–2018): Markii uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, Cabdiqaadir wuxuu bilaabay shaqooyin la xiriira amniga iyo sirdoonka qaranka. Bishii May 2017, waxa loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Bishii Oktoobar 2017, waxa uu si kumeel gaar ah u noqday Agaasimaha Guud ee NISA, xilkaas oo uu hayay ilaa bishii Febraayo 2018. Waxa kale oo uu hore u soo qabtay Madaxa Amniga Madaxtooyada Villa Somalia, taasoo keentay in uu khibrad dheer u yeesho la shaqeynta hay’adaha amniga qaranka. • Lataliye Sare ee Guddoomiyaha Baarlamaanka (2018–2020): Bishii Agoosto 2018, waxa uu noqday lataliye sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, halkaas oo uu ku howlanaa arrimaha sharci-dejinta iyo xiriirka labada gole. • Wasiirka Caddaaladda (2020–2021): Bishii Sebtember 2020, Cabdiqaadir Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda ee Soomaaliya xilligii uu Ra’iisul Wasaare ahaa Maxamed Xuseen Rooble. Waxa uu xilkaas hayay ilaa 2021, isagoo kormeeray arrimaha la xiriira garsoorka iyo sharciyada dalka. • Wasiirka Gaashaandhigga (2021–2025): Bishii Diseembar 2021, Cabdiqaadir Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, xilli uu madaxweyne ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa uu xilkan sii hayay xitaa kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May 2022, taasoo muujinaysa in xukuumadda cusub ay sii aaminsanayd doorkiisa hoggaamineed ee wasaaradda difaaca. Intii uu xilka hayay, waxa uu kaalin weyn ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dib u habeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. • Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda (2025–Hadda): Dib-u-habayntii golaha wasiirrada ee dhacay 17-kii Maarso 2025 ayaa loo magacaabay. Source: goobjoog.com
-
Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi Xilalka uu hore u soo qabtay iyo Shaqadiisa Dowladda • Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka (2016–2022): Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2022. Waxa uu matalayay deegaanka Ceelwaaq wuxuuna ka mid ahaa xildhibaanadii firfircoon ee xilligaas. Waxa uu mar kale ku guuleystay doorasho kale, taasoo u ogolaatay inuu sii wato doorkiisa xildhibaannimo, xilli uu sidoo kale qabanayay xilal wasiirnimo. • Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha (2022–2025): Bishii Agoosto 2022, Jibriil waxaa loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli uu xilka Ra’iisul Wasaaraha hayay Xamse Cabdi Barre, madaxweynahana uu ahaa Xasan Sheekh Maxamuud. Xilkaas waxa uu ku jiray ilaa dib u habayn lagu sameeyay golaha wasiirrada bishii Maarso 2025. Intii uu xilkan hayay, wuxuu matalayay Soomaaliya xilliyo kala duwan, gaar ahaan heshiisyo ganacsi iyo siyaasado la xiriira warshadaha. Waxa uu hormuud u ahaa dadaalladii Soomaaliya ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). • Wasiirka Gaashaandhigga (2025–Hadda): 17-kii Maarso 2025, dib-u-habayn lagu sameeyay xukuumadda ayaa Jibriil Cabdirashiid loogu magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya. Waxa uu xilkan la wareegay kadib markii uu beddelay wasiirkii hore ee gaashaandhigga. Xilkan cusub wuxuu ku qasbaya inuu hoggaamiyo wasaaradda mas’uulka ka ah ciidamada qalabka sida iyo siyaasadda difaaca qaranka. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029). Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in qorshahan ay ansixiyeen golaha Wasiirrada Xukuumaddu ,uuna ku saleysan-yahay hannaan lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan ee dalkeennu leeyahay— laguna tayeynayo hey’adaha kala duwan ee dowladda, si dalka loo gaarsiiyo horumar waara. “Xukuumadda DanQaran waxa ay ballan-qaadday in ay dalkeenna u jihayso hannaan kor loogu qaadayo dowladnimada iyo dhismaha hey’ado xooggan, iyada oo taas laga duulayana waxaan diyaarinay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo lagu horumarinayo dhinacyada siyaasadda, amniga, caddaaladda iyo arrimaha bulshada, korna loogu qaadayo ilaha dakhliga dalka iyo fursadaha maalgashi ee loo baahan yahay”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo qoraalkiisu socday in muddo ah, ayaa waxaa diyaariyey in ka badan 400, oo qof, oo isugu jira khubaro iyo masuuliyiin dowladeed, kaasi oo beddelay Qorshihii hore ee Horumarinta Qaranka NDP9, waxaanna uu xoogga saarayaa qaabkii dalku u gaari lahaa horumar la taaban kari shanta ee soo socota. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Deni oo ku baraarugay loollanka u dhexeeya Dekedda Boosaaso iyo Dekedda Berbera oo labadaba ay DP World maalagashatay. Garoowe (Wararka PP) — Maalgashiga Imaaraatka Carabtu ku sameeyay dekadaha Berbera iyo Boosaaso ayaa bannaanka soo dhigay danaha ganacsi is diiddan ee maamullada Somaliland iyo Puntland. Qaar ka mid ah dalalka deeqbixiyayaasha gaar ahaan Biritayn, oo Dekedda Berbera gelisay in ka badan 200 milyan oo doollar, ayaa ku cadaadinaya maamulka ku meel gaarka ee SSCK inuu furo isu socodka iyo kala ganacsiga, kaddibna maxaabiista dagaalka Laascaanood la isweydaarsado. Ganacsadata dhulka maamulka Somaliland ka taliyo oo ay colaaddu si ba’an u saamaysay ganacsiyadooda, ayaa doonaya in heshiis lagu furo waddada. Heshiiska waxaa ka maqan maamulka Puntland oo ah maamulka dhulka ugu weyn oo ay ganacsatada iyo warshadaha yaryar u soo suuqgeyn jireen badeecadahooda. Dagaalkii 2023kii ka qarxay Laascaanood wuxuu gebi ahaanba ka saaray meesha habkii maamulka Somaliland canshuurta uga qaadi jiray dhulka SSCK sidoo kalena u canshuuri jiray gaadiidka sida badeecadaha ka yimaada Puntland. Sida lagu xusay warbixin 2021kii uu Rift Valley Institute soo saaray, ganacsato badan oo Puntland ayaa u wareegay Berbera. Dagaalkii Laascaanood iyo ololaha la dagaallanka Daacish wuxuu sare u qaaday muhiimadda dekadaha Boosaaso iyo Garacad, halka colaadda Sool ay joojisay isu socodkii ganacsatada maamullada Puntland iyo Somaliland. Joojinta mashruucii Berbera Corridor, oo uu sababay heshiiskii Is afgarad uu maamulka Somaliland ku doonayay inuu bad kaga kireeyo Itoobiya, ayaa caqabad dhaqaale ku noqotay maamulka Somaliland. Itoobiya, oo doonaysa bad ay kaga maaranto ku tiirsanaanta dekedaha Jabuuti, way diidday inay Berbera ku tiirsanaato. Danaha dhaqaalaha Itoobiya iyo danaha dalalka dekedda Berbera maalgashaday ayaa iska hor yimid. Waa Imaaraadka dalka danahiisu aad ugu nugul yihiin xiisadaha amni ka taagan Geeska Afrika. Imaaraatku wuxuu cadaadis saaray maamulka Puntland inkastoo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uusan weli ka fekerin saameynta badeecada ganacsatada maamulka Somaliland doonayaan inay soo iibgeeyaan ku yeelan doonto ganacsatada Puntland oo badeecooyin ka soo dejiya dekadaha Puntland. “Heshiis ganacsi oo dhexmara Puntland iyo Somaliland ma aha suurtaggal inta maamulka goosasho-doonka ahi sheeganayo dhul ka mid ah Puntland” ayuu yiri siyaasi ku sugan Garoowe oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. © Puntland Post, 2025 The post Tartanka Dekadaha Boosaaso iyo Berbera oo si ba’an u saameeyay danaha Imaaraatka iyo Biritayn appeared first on Puntland Post.
-
Toronto, Canada (HOL) — Ifrah F. Ahmed, a Somali-born chef and writer, is pioneering efforts to preserve and promote Somali cuisine through her culinary pop-ups and food writing. Based between New York and Seattle, Ahmed's work centers on food culture, migration, and the oral traditions of Somali cooking, blending culinary artistry with historical documentation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlayey dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka. Shirkan ayaa u dhexeeyey Xukuumadda iyo xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka, kuwaas oo weli lagu muransan yahay shaqada loo igmaday, kadib markii ay si adag uga horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si talada dib loogu celiyo shacabka, una soo doortaan hoggaankooda. Wuxuu sheegay in arrintani ay tahay xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka maqnayd muddo ku siman konton sano. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray wasaaradaha iyo hay’adaha ku shaqada leh in ay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada. Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay gacanna dalka doorasho uga qabanayso, gacanna cadowga uga xorreynayso. Guddiga Doorashooyinka oo la dhisay bishii November ee sannadkii hore, ayaa tan iyo markaas ku howlanaa hirgelinta habraaca doorashada qof iyo cod, iyagoo dhawaan bilaabay diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, inkasta oo ay ganafka ku dhufteen mucaaradka. The post Xamza iyo guddiga doorashooyinka oo shir deg-deg ah yeeshay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
-
1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi wuxuu hadda ahaa Xildhibaan iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka intii u dhaxeysay 2016–2022. Mar kale ayaa dib loo doortay 2022-kii. Mudane Jibriil wuxuu sidoo kale waqti ka mid ah macallin ka ahaa Jaamacadda Soomaaliya (University of Somalia), gaar ahaan kulliyadda Maamulka Ganacsiga, halkaas oo uu ka dhigayay maadooyin ay ka mid yihiin Maaliyadda Dadweynaha, Maareynta, Hoggaaminta iyo Maareynta Kheyraadka Aadanaha. Dhanka waxbarashada, Mudane Jibriil wuxuu haystaa shahaadada Bachelor of Arts ee Maamulka Ganacsiga oo uu ka qaatay Jaamacadda Nairobi, Kenya, iyo shahaado la xiriirta Xisaabaadka Maamulka (Managerial Accounting) oo uu ka bartay ACCA. Wuxuu si wanaagsan ugu hadlaa saddex luqadood: Soomaali, Ingiriis, iyo Carabi. Ma jirto wax Khibrad Ciidan ah oo uu leeyahay. 2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Sidoo kale loo yaqaano Jaamac waxaa uu Golaha Wasiirada kusoo biiray 2020kii Markii la Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble. Waxaa uu noqday Wasiirka Caddaaladda ka dibna waxaa loo Magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga oo uu haayay ilaa iyo Hadda. Mudane Jaamac waxaa uu Sidoo kale soo noqday Taliye ku xigeenka NISA, Safiir ku xigeenka Turkiga iyo Sidoo kale Lataliyaha Sare Gudoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaankii 10 aad. 3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) Waxaa uu hadda ahaa Wasiirka gaadiidka iyo Dekedaha Soomaaliya. Sidoo kale Waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeedda gobolka Sanaag. Xilkaan hadda laga soo bedelay waxaa loo Magacaabay bishii October ee Sanadkii hore. Ma jirto Xilal dowladeed oo uu horay usoo qabtay. 4. Md. Maxamed Faarax Nuux – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md. Maxamed Faarax Nuux waa Aqoonyahan si weyn looga yaqaano deegaanada Maamulka Puntland. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu soo galay sanadkii 2022kii. Waa markii ugu horreysay ee noqday Wasiir heer Federaal ah. wuxuu Bedelay Fardowsa Cigaal. 5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali uu ka mid ahaa Kooxdii ololaha Gudoomiye ku xigeenka koowaad Golaha Shacabka Sacdiyo. Markii ugu horreysay ee lasoo dhisay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa uu noqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta oo uu ahaa ilaa iyo hadda. Source: goobjoog.com
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — More than four years have passed, yet the family of Shaffi Noor is still searching for answers. The 21-year-old was last seen outside a Garissa courtroom on December 29, 2021—just moments after being acquitted of terror-related charges. Witnesses say masked officers, suspected to be from Kenya's Anti-Terror Police Unit (ATPU), seized him and disappeared without a trace. Source: Hiiraan Online
-
Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada difaaca Puntland iyo koox ka tirsan mileeshiyaadka ISIL ayaa hadda ka socda afaafka laga galo togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin kooxdaasi. Ciidamada difaaca Puntland oo saaka qaaday hawlgal qorshaysan ayaa duhurnimadii maanta u daatay godad ay ku dhuumanayeen argagixisada ISIL halka lagu magacaabo Isha-Tabakar oo dhacda afaafka togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda 6 dagaallame oo dhammaantood ah ajaanibta firxadka mileeshiyaadka ISIL looga dilay dagaalka socda, halka dhinaca ciidamada difaaca dowladda Puntland ay ka dhaawacmeen dhawr askari. Xafiiska warbaahinta u qaabilsan hawlgalka ciidamada Puntland ee buuraha Calmiskaad oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidamadu hawlgal ka wadaan degaanka Isha-Tabakar ee togga Miiraale balse ma sheegin faahfaahin intaasi ka baxsan. “Ciidanku wuxuu maanta hawlgal ka wada deegaannada u dhow Togga Miiraale, meelaha hawlgalku ka socdo waxaa ka mid ah deegaanka Isha Tabakar” ayuu yiri xafiiska warfaafinta hawlgalka ciidamada ee buuraha Calmiskaad oo qoraal soo saaray. PUNTLAND POST The post Miiraale: Ciidamada Puntland oo maanta godadka ugu daatay mileeshiyaadka go’doonsan ee argagixisada ISIL appeared first on Puntland Post.
-
“Qofka Soomaaliga ah haddaad weydiiso sababta uu u diidayo in Somaliland Dawlad madax-bannaan noqoto, ama dhibta ay ku hayso in Somaliland dal noqoto, wuxu kuugu jawaabayaa “ Dadka Somaliland waa hormuudka Soomaalida, sidaa awgeed haddii aad naga tagtaan waanu kala tegaynaa, waxaana meesha ka baxaya dawladnimada Soomaaliya” waa aragti salka ku haysa aan keligay noolaado (Selfish being). Waa aragti odhanaysa aan keligay noolaado, cid kalena aan u ogolayn nolol iyo horumar. Weligood ismay weydiin, waar dadkani iyagu maxay rabaan. Haddii tamarta ay gelin lahaayeen sidii ay dawlad u dhisan lahaayeen, wax la garto ayey noqon lahayd. Waxa keliya ee ay heshiish ku yihiin waa minjoxaabinta iyo xinka Somaliland. Waa caqliga muraala-dillaacsan in diyaarada Itoobiya magaca Somaliland ku qortay website-keeda. Maxaa lagu sifayn karaa caqligaas oo aan ahayn “Mugdi baad gudaysaaye Oradoo magnuunyahoow Maanka alle kaa qaadye Danahaaga maamulo”. Caqligooda waxay isleeyihiin waxaad beerlaxawsan karaysaan dadka reer Somaliland. Balse waxayna ogayn, in mar kasta oo ay arrimahan ku kacaan ay quwayso midnimada ummada reer Somaliland. Waa arin baraarujin u ah dadka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa aan weli ogayn dhagarta Soomaaliya u maleegayso, una iftiiminaysa in jiritaankooda ummadeed dagaal lagula jiro. Kusii socda ayaan leenahay hawlo wacyigelineed baad noo haysaane. “Gardarada badheedhka ah Garowshiiyo kama sugo Gafka iyo xumaantana Golohooda maba tago Guul guulka ficilkiyo Ninka yidhi gobbaan ahay Adiguna gunbaad tahay Gaashaandhig mooyee Hadal dheerba kama guro” Waa halkii Abwaan Hadraawi ka lahaa “Waxa ina rag ii guulayaa , tiisa gaarka ahe Anna waxaan go’aansaday inaan, lay gaboodfaline”” Ibrahim Qaran News