Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha xujeyda Soomaaliyeed ee Acmaasha xajka soo dhameeysaty,iyo adegyadii ay dowladda u qabatay xujeeyda muddada ay ku jireen gudashada waajibaadka xadka. Wasiirka ayaa sheegay in ay dhinteen Afar xaaji oo ay laba dumar ay tahay,sidoo kale waxa u sheegay in la’layahy saddex xaaji oo baadi goob loogu jiro, xujeydii howlaha caafimaad u baahnaa oo gaarayay 60-xaaji ayuu wasiirku sheegay in daaweyntooda ay Wasaaradda kala kaashatay dowladda Sacudiga hadana ay caafimaad qabaan. Sidoo kale wasiirka Mukhtaar Roobow ayaa amray in si deg deg ah dalka dib loogu soo celiyo xujeeyda Soomaaliyeed ee dhameystay acmaasha Xajka,waxa una u mahadceliyay Madaxeynaha Jamuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh,iyo Ra’isul wasaare Xamse, mudnaanta ay sanadkaan siiyeen arrimaha Xajeeyda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha oo kulan la yeelan doona Gud-xigeenka Guddida Arrimaha Dibeda ee Golaha Guurtida Faransiiska Hargeysa- Gudoomiye-xigeenka Guddida Arrimaha Dibedda golaha Guuritda Faransiiska Md. Olivier Cadic oo shalay booqasho ku yimi dalka ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi. Md. Olivier Cadic oo ka hadalay booqashadiisa dalka ayaa ka mahadceliyey sida diiran ee xubnaha Golayaasha Qaranka iyo xukuumadu u soo dhaweeyeen, isla markaana sheegay inuu kulamo kala duwan la qaadan doono dhinacyo kala duwan. Waxaanu yidhi; “Waxaan kulan la leeyahay Madaxweynaha Qaranku iyo madax kale oo Somaliland ah iyo goleyaasha qaranka. Gudoomiye-xigeenka Arrimaha Dibedda Golaha Guurtida Faransiiska ayaa sheegay in arrimo badan ka wada xaajoon doonaan masuuliyiinta Somaliland, isagoo yidhi, “Waxaanu ka wada xaajoon doonaa arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha, iyo arrimo kale oo xoojinaya xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska Qaran News
  3. On June 19th the government of Somalia announced that 43 al-Shabaab fighters, including two high-level commanders, were killed in an airstrike by the Somali National Army (SNA) in the Lower Juba region. Source: Hiiraan Online
  4. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) si uu ugu jawaabo cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda ee ku dhaqan halkaasi. Duqa Caasimadda oo ay wehliyeen Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay Bulsho ka wal-walsan warar muddooyinkii ugu danbeeyay baraha Bulshada la isla dhex maraayay taasi oo aheyd in halkaasi la dhisanaayo isla markaana qubuuraha laga bixinaayo. Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Qubuuraha Macalin Nuur uu yahay mid soo jireen ah oo aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan, Dowladda Hoose ee Xamar iyadu Mas’uul ka tahay wixii Qubuuro ah, waxa uuna amray in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo. Guddoomiyaha ayaa faray Maamulka Deegaanka Garasbaaley iyo Agaasinka Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar Naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo Qubuuraha Macalin Nuur si aysan u dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah, maadaama muddooyinkaan uu muran ka taagnaa Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay xiisad cusub oo walaac leh oo markale kasoo korortay Qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla gudaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, taas oo keentay in maydadka qaar laga bixiyo halkaasi. Dadweyne fara badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay buux dhaafiyay Qabuurahan, kadib markii loo sheegay in la burburinayo dhulkaasi, wararkaas oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka. Arrintan ayaa keentay in durbo dadka qaar oo ka walaacsan xaaladdiisa ay maydadka ehelladooda kala baxaan Qabuurahaasi oo dad badan lagu aasay, illaa 80-tameeyadii. Walaaca arrintaas la xiriira ayaa marar badan soo noq-noqday, ayada oo horey u hadleen qoyska reer Macallin Nuur oo beeniyay in dhulkaasi la iibiyay, waxayna si cad u sheegeen in dhulka uu ahaan doono sida uu u bixiyay Aabahood oo caan ku ahaa faafinta Diinta Islaamka Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Xamdi Cali Xasan: “Subxaanallah Ilaahay umada xaqa ha tuso war saan xal maahan dadku akhiro kama fekeraan miyaa aaway dowlad isku sheegii?. Soomaliya may degto baa la’leeyahay inta waxaas iyo wax lamida jiraan sidee waddan degan loo helayaa?.” Cabdullaahi Axmed oo kamid dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa isna yiri: “Dowladdu waa in ay wax ka qabataa arrintaas oo aysan indhaha ka daawan.” “Qabri lagu fakanmaa dhulka korkiisana lagu badbaadimaayo Mars maan uguurnaa,” ayuu yiri Ibraahim Abuukar. Maxamed Saalax: “Meyd la qodaayo waa qalad ee wax ha laga qabto arinkaas.” Abu-razaan Cadde ayaa isna yiri “Kan qodaayo rabi waxan uga baryaa inuu ku dhago meydka uu kasoo saari rabo qabriga, nacladii rabi ha ku degto kan soo abaabulay arrinkaan iyo kan qodaya oo bariiska meel xun ka galay Bismillahi!, war waxaan maxay ahaayen?!.” Cabdinaasir Maxamuud Aamiin: “War Soomaaliyey dadkii banaanka joogay ayaa idinka baxsan waayay hadda kuwii akhira umooday miyaa idinka baxsan la’ waa yaabe.” “Aniga waxan dhihi lahaa hadda kadib reer walba inta Alle wax siiyay dhulkooda waalidkood ha ku duugtaan aduunyadaan waa halowday wallaahi,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed. Mahad ayaa waxa isaguna yiri: “Dowladda lacag ha bixiso dhulka hala xidho, qofkii daga xabsi daa’in hala yiraahdo markaa qof u dhawaan kara majiro. Dad waa hore dhintay sidee loo soo saaraya geeri cusub iyo xanuun lama ilaawan ah ayuu ku noqon qofkii soo saare, dadka qalbiyadooda hala ilaaliyo Soomaaliyey dhulka intan xabasha ahayn naga badane goorma saan dhan cawaan loo noqday waalidka la soo bax haddii lagu odhan lahaa xanuun intee le’eg ayuu dareemaya, qofkii la dhaho wax la qiyaasi karo mahan.” “Ceeeeb ma ahan hada mesha loo baah do maxa diiday in laga saaro oo mel kale la geeyo wayabe somalidaan war jecelka ku nacay ma xamar saan meee cariiri u ahaaneee soo lama.dagayo dhulka banan oo waa ween,” ayuu yiri Xasan Cadde. Cabdiqaadir Cabdulle Maxamed: “Dhulkii ayaa qaali noqdey markaa ayey mar labaad soo kacsadeen miyaa?. Mar hadii la-waqfey waxaa la rabaa in la ogaado waxa isbeddelka keenay.” Cabdikariim Cusmaan ayaa isna yiri: “Waa loo soo shaqo tagay, waana qaxootiga iyo kuwa raba inay dadka u fagaan si ay lacag uga helaan iyo kuwa raba in ay ku magac dilaan dowladda.” “Istaqfarulaah Soomaali mayd kii xataa dhulka makaga jiri la tahay subxaana allah allow dalkaan bad iyo dadkaan badbaadi,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Cali. Saciid Qasaali: “Dhulkii caadiga ahaa dadka waa ku qanci waayeen ilaa aaqiraa la isla galay miyaa?. Waar meeytadii xataa miyay nabad-gali waysay.” The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay xiisadd ka taagan qabuuro ku yaal Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. As planned, seven forward operating bases (FOBs) in Somalia are now Somali held and managed as part of phase one of the ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) drawdown. Source: Hiiraan Online
  7. Somali refugees, who fled the war at home and sought refuge in Yemen, are struggling to survive under very difficult conditions. Source: Hiiraan Online
  8. Madiina (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ee weli ku sugan Boqortooyada Sacuudiga. Roobow ayaa xaqiijiyay in sanadkan ay Xajka ku geeriyoodeen 4 Xaaji oo ay laba dumar tahay, sidoo kalena la la’yahay saddex Xaaji oo kale, kuwaas haatan la baadigoobayo. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan illaa 60 Xaaji oo kale loo sameeyay howlo caafimaad, kuwaas oo uu tilmaamay in daaweyntooda ay wasaaradda kala kaashatay dowladda Sacuudiga, haddana ay caafimaad qabaan. Sheekh Mukhtaar oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ka ka mas’uuliyiin ahaan aysan ka tegin Xujeyda, isla-markaana ay weli la joogaan, si ay ula qaybsadaan xaalad kasta. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay soo dhammaatay acmaasha xajka iyo adegyadii ay dowladda u qabatay Xujeyda muddada ay ku jireen gudashada waajibaadka Xajka. Wasiir Roobow ayaa sidoo kale amray in si deg deg ah dalka dib loo soo celiyo Xujeyda Soomaaliyeed ee dhammeystay acmaasha Xajka, si dalkooda hooyo loo keeno. Ugu dambeyn wuxuu uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamza, mudnaanta ay sanadkaan siiyeen arrimaha Xujeeyda Soomaaliyeed. The post Daawo: Waa immisa tirada Xujeyda sanadkan geeriyootay iyo kuwa la la’yahay? appeared first on Caasimada Online.
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa weli ka taagan xiisad xoogan oo u dhexeyso xukuumadda Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo, kuwaas oo horay ugu dagaalamay gudaha magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo xoogan oo ku aadan, sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira Puntland, kaas oo ay wadaan Isimada Dhaqanka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Puntland. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in wufuud kala duwan ay hadda kusii qul-qulayaan Garoowe oo la filayo inuu ka dhaco shirweyne xal loogu raadinayo xiisaddaasi. Xubnaha gaaray magaalada, waxaa kamid ah Islaan Bashiir Islaan Cabdille, iyada oo maantana la filayo in ay halka tagaan Isimo kale oo qayb ka ah dadaallada socda. Waxaa sidoo kale maanta ka dagay Garoowe, ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke iyo Cabdiweli Gaas oo iyaguna halkaas lagu soo dhaweeyay. Qorshaha uu yahay inay waa-waantaa ku biiraan waan-waanta socota, ayada oo sidoo akel qayb ka noqon doonaan siyaasiyiin kale, sida Cabdiraxmaan Faroole, Axmed Ciise Cawad iyo kuwa kale. Ujeedka ayaa ah in dhinacyadu ay isugu yimaadaan shir ballaaran oo looga tashanayo aayaha Puntland iyo xiisadda taagan, kaas oo lagu wado inuu furmo maalmaha soo socda. Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay doorashada guud ee maamulkaas iyo wax ka beddal dastuurka. Si kastaba, arrinta ayaa faraha ka baxday markii uu dagaal culus ka dhacay bartamaha magaalada oo ay isku fara-saareen labada dhinac, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac. The post Maxaa kasoo kordhay xiisadda siyaasadeed ee PUNTLAND? appeared first on Caasimada Online.
  10. Dowladda Iran ayaa diiday in ay safiir cusub u soo dirto dalka Sweden, kadib markii nin mudaaharaadayay uu qur’aan ku gubay bannaanka masjid ku yaalla caasimadda Stockholm. Qaxooti u dhashay dalka Ciraaq ayaa kitaabka ku gubay bannaanka masjidka maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa. Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa dowladda ku eedeeyay inay siisay fasax uu ku qabto mudaaharaadyo xun. Booliiska ayaa dhawaan diiday codsiyo la mid ah kuwa mudaaharaadyada, balse maxkamada ayaa markaas xukuntay in loo ogolaado sababo la xidhiidh xoriyadda hadalka. Muslimiintu waxay Qur’aanka kariimka ah u haystaan ​​inuu yahay kitaabka Ilaahay waxayna u arkaan xushmad la’aan in la gubo. Mr Amirabdollahian ayaa sheegay in inkasta oo la magacaabay safiiro cusub, Tehran ayna soo diri doonin. “Habka loo dirayo dadkaasi waa la joojiyay sababo la xidhiidh dowladda Sweden oo fasax u siisay in qur’aanka kariimka ah la xumeeyo”, ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa sidoo kale ka codsatay dhiggeeda Sweden in loo soo celiyo qofkii gubay qur’aanka kariimka ah. Waxay yidhaahdeen maadaama uu weli haysto dhalashada Ciraaq, waa in lagu maxkamadeeyaa Baqdaad. Dhacdadan kadib, kumannaan qof oo mudaaharaadayaal ah oo Ciraaqiyiin ah ayaa xoog ku galay safaaradda Sweden ee Ciraaq, ka dib markii uu soo abaabulay wadaadka Shiicada ah ee Moqtaha al-Sadr. Waxay baxeen shan iyo toban daqiiqo ka dib markii ciidamada amniga la geeyay safaaradda. Source
  11. Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa dhowaan meel mariyay sharciga SB 1718, oo uu dabada ka riixayay badhasaabka xisbiga Jamhuuriga Ron DeSantis. Sharcigan ayaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta. Goobaha ganacsiga ayaa shaqaalahooda uga digay in shaqooyinkooda ay khatar ku jiraan. Sharcigan cusub ayaa soo galootiga aan la diwaan-gelin ka mamnuucaya inay helaan shaqo, kaadhadhka aqoonsiga, adeegyada caafimaadka iyo gaadiid. Sharcigan ayaa dhaqan-galay toddobaadkan. Sharcigii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta” DeSantis ayaa ku tilmaamay SB 1718 inuu yahay “kii ugu adkaa ee muhaajiriin sharci-darrada ah ka dhan ah ee dalkaas laga dhaqan-geliyo.” Sharcigan ayaa ku qasbaya shirkadaha ay ka shaqeeyaan in ka badan 25 qof ama ka badan inay adeegsadaan hannaan lagu xaqiijinayo shaqaalaha (oo lagu magacaabo E-Verify), wuxuu ganaax US$1,000 maalintii kusoo rogayaa shirkadaha shaqaaleysiiya qof aan diwaan-gashaneyn, iyo in lagala laaban doono liisanka. Wuxuu sharcigan sidoo kale mamnuucayaa in kaadhadhka aqoonsi la siiyo dadka sharci-darrada kusoo gala Mareykanka. Sidoo kale cisbitaallada ayaa laga doonayaa inay ururiyaan xogta bukaanka una soo gudbiyaan maamulka gobolka. Sharcigan ayaa sidoo kale dembi ka dhigaya in gaadhi lagu qaado qof aan diwaan-gashaneyn. Machadka Siyaasadda Soo-galootiga, oo fadhigiisu yahay magaalada Washington ayaa ku qiyaasaya 772,000 muhaajiriin aan diwaan-gashaneyn ay ku nool yihiin Florida. Source
  12. Kismayo (HOL) - A fierce battle broke out on Monday between Al-Shabab militants and federal troops, supported by Jubbaland region forces, in the Lower Jubba region. Source: Hiiraan Online
  13. Nuuradiin wuxuu 3 July 1973 ku dhashay magaalada Malindi ee ka tirsan gobolka Xeebta, Kenya. Waxaa uu iskuulka hoose dhexe ka soo dhigtay meelo kala duwan maaddaama uu aabbihii shaqaale dowladeed ahaa oo marba meel loo baddalayay , sida Garissa, Nakuru, Nyanharuru, Nyeri, Eldoret iyo Mombasa oo Kenya ka wada tirsan. Wuxuu Nuuradiin shahaadada sare ka heystaa siyaasadda ammaanka qaranka, oo uu ka soo bartay Jaamacad ku taalla dalka Australia. Hooyadiis waxay ahayd macallimad. Waxaa uu aad u ammaanay waaliddiintiisa oo uu sheegay in heerka uu gaadhay ay gacan wayn ka geysteen. Waxaa uu shaqadiisa ku billaabay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu qareen ka noqdo. Waxaa uu sidoo kale xubin ka ahaa laanta sirdoonka qaranka oo uu u qaabilsanaa dhanka sharciga. Waxaa uu sidoo kale mar ahaa agaasime ku xigeenka laanta la dagaallanka dambiyada abaabulan, waxaa uuna xilligaas shaqadiisa ka mid ahaa in uu talo siiyo agaasimaha sirdoonka qaranka Kenya, gaar ahaan dhanka sharciga la dagaallanka dambiyada abaabulan. Waxaa uu hadda haya xilka xafiiska dacwad oogaha guud ee Kenya. Nuuradiin, kahor inta aan xilkan loo magacaabin wuxuu ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, isagoo intii uu xilkan hayay dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Wuxuu sidoo kale Nuuradiin soo noqday agaasime ku xigeenka waaxda ka hortagga dembiyada abaabulan, isagoo isla waaxdan NIS ka shaqeynayay markaas. Nuuradiin Xaaji ayaa xilka agaasimaha guud ee waaxda dacwad oogista Kenya qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii. Hase yeeshee, waxa uu qirtay inuu la kulmay caqabado waaweyn oo uga yimid awoodo isugu jira kuwo gudaha ah iyo sidoo kale kuwo bannaanka ah. “Xitaa inta aan shaqadan ku jiray waxaa ii hanjabay dad dareemay in go’aannadeydu, ha ahaadaan kuwo dacwad soo oogid ah iyo kuwo aan dacwad soo oogid ahaynba, aysan ahayn kuwo dan ugu jirtay.” Nuuradiin ayaa khibrad ballaadhan u leh howlaha baadhitaannada iyo amniga, isagoo Maxamadda ugu Sarreysa Kenya ka tirsanaa muddo 19 sano ah. Magaca Nuuradiin iyo qoyskiisa kuma cusba dhagaha dadka Kenya. Aabbihii waa Maxamd Yuusuf Xaaji oo ahaa siyaasi si wayn looga yaqaanno dalka Kenya. Yusuf Xaaji waxaa muddo dheer u soo shaqeynayay dowladda Kenya isaga oo ka soo bilaabay guddoomiye degmo. Waxaa uu sidoo kale soo qabtay xilalka wasiirka gaashaandhigga, wasiirka amniga iyo muddo dheer oo uu xildhibaan ahaa, waxaa uuna noqday senatarkii ugu horreeyay ee uu ismaamulka Gaarisa yeesho. Taariikhdu markii ay ahayd 15 Febraayo 2021 ayuu Yuusuf Xaaji ku geeriyooday magaalada Nairobi. “Mar ayuu ka badbaaday Al-Shabaab” Mar uu Nuuradiin warbaahinta la hadlayay sanadkii 2021, isagoo ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisaba ay bartilmaameed u ahaayeen weerar argagixiso oo ay fuliyeen kooxda al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya. Mar uu la hadlayay idaacad maxalli ah ayuu Nuuradiin shaaca ka qaaday in aabbihiisii geeriyooday isla sanadkaas – Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa senator-kii Gaarisa – iyo isaga ay ku jireen “liiska al-shabaab ee ay ku qornaayeen magacyada dadkii la damacsanaa in lagu dilo weerarkii dhismaha ganacsiga West Gate” ee Nairobi ka dhacay sanadkii 2013-kii. “Haddaad eegto xogta sirdoonka ee la sii daayay 2013-kii, gaar ahaan tii ku saabsaneyd weerarkii West Gate, waxaad arkeysaa in qoyskeyga iyo anigaba aan bartilmaameed u ahayn al-Shabaab,” ayuu yidhi. “Al-Shabaab mar walba waxay sheegtaa inay noola tacaali doonto qoys ahaan iyo shakhsi ahaan labadaba, sababta ay nagu maagayaanna waa shaqada aan qabannay.” Ayuu yidhi Nuuradiin. Source
  14. Israa’iil ayaa howlgal militari oo aad u ballaaran ka billowday Daanta Galbeed ee la haysto. Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan 3 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen kuwa kalana ay si xun u dhaawacmeen, kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Israa’iil leedahay. Waxaa la arkayay duqeynta kadib qiiq iyo uuro holac wadata oo cirka isku shareertay waxaana la aaminsanyahay in duqeynta lala beegsaday guryo iyo xaruumo kale. Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya tobanaan Falastiiniyiin ah oo hubaysan oo wajiyada soo duubtay, kuwaas oo ku sugan dariiqyada xerada Jeniin. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag uga hadlay xiisadda haatan kasoo cusboonaatay gobolka Hiiraan. Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in ujeed gaar ah laga leeyahay xiisadda haatan soo korortay, isaga oo sheegay in la doonayo in lagu fashiliyo guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro Shabaab. Waare ayaa sheegay in Al-Shabaab looga adkaaday Hiiraan iyo guud ahaan HirShabelle, balse hadda la doonayo in dib loo soo celiyo, sida uu hadalka u dhigay “Shabaabkii waan kaga adkaanay furimaha dagaalka. Si kastaba ha ahaatee hadda ayaa la isku dayayaa in dib loogusoo celiyo furimaha.” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiisad cusub laga dhex abuurayo beelaha Abgaal iyo Xawaadle, si fursad loo siiyo kooxda Al-Shabaab, ugana faa’iideysato colaadda taagan. “Dagaalka laga dhex hurinayo beelaha Xawaadle & Abgaal ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee arrintan” ayuu qoraalkiisa raaciyay madaxweynihii hore ee HirShabelle. Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale farriin culus u diray dowlad goboleedka HirShabelle iyo dowladda dhexe, isaga oo ugu baaqay inay ka hortagaan arrintaasi, isla-markaana ay xal u keenaan xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. HirShabelle ayaa haatan wajaheyso xiisad siyaasadeed, taas oo ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cali Jeyte Cismaan oo hadda maamul kale ku dhowaaqay. Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada sida weyn loogu jebiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama laga saaray dhul ballaaran oo ay ku jiraan degmooyin qadiimi ah. The post Waare oo shaaciyay ujeed laga leeyahay xiisadda ka taagan Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
  16. (ABC 6 News) – America celebrates its Independence Day this Tuesday, but for Somalians in our area, and all over the world, Independence Day was celebrated today. Source: Hiiraan Online
  17. A new Somali café, Arbe, has been completed in Mogadishu. The space, created by locally based, Somali-Italian architect Omar Degan, was conceived as a key hub to support the neighbourhood's community in one of Somalia's most populous cities. Source: Hiiraan Online
  18. Changing a city area to make it better for cyclists and pedestrians should not be a priority when it lacks other services, a community leader has said. Source: Hiiraan Online
  19. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo madaxweyne ku xigeenka, Axmed Karaash aysan isku aragti ka hayn qorshaha mudda kororsiga ee dowladdu waddo. Madaxweyne Deni ayaa sida la xaqiijinayo riixaya in uu mudda kororsi samaysto, islamarkaana aanu doorasho ku qaban wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay oo ku eg 8 Jannaayo 2024. Waxaase wararku tilmaamayaan in qorshaha mudda kororsiga uu diiddan yahay madaxweyne ku xigeenka, Axmed Karaash oo raba in doorashada wakhtigeeda lagu qabto. Mudane Axmed Karaash ayaa sida la sheegayo ku doodaya in haddii mudda kororsi yimaado uu horseedayo qalalaase amni iyo dagaal sokeeye oo ka qarxa Puntland, sidii horeba laga dhaxlay mudda kororsigii sannadkii 2001. Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadda Xajka ku maqan ayaa la filayaa in marka uu soo laabto uu si rasmi ah u caddeeyo mowqifkiisa hubanti la’aanta ay Puntland wajahayso. PUNTLAND POST The post Puntland: Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo isku khilaafsan qorshaha mudda kororsiga dowladda appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa dhawaan ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweyne Faroole ayaa Garoowe u imaanaya si uu qayb uga noqdo xallinta is-marin waaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Dhinaca kale waxaa maanta Garoowe soo gaaray Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas. Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe waxaana ay sheegeen in ay u yimaadeen xal u raadinta khilaafka dowladda iyo mucaaradka. PUNTLAND POST The post Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo soo gaaray Garoowe iyo Faroole oo ku sii wajahan appeared first on Puntland Post.
  21. Garbahaarey (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee weli ka taagan gobolkaas iyo magacaabista maamulka cusub ee uu soo dhisay, Axmed Madoobe. Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen reer Garbahaarey ayaa waxa ay ku caddeeyeen mowqifkooda ku aadan maamulka cusub ee uu hoggaaminayo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir), kaas oo uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha maamulka Jubbaland. Mid kamid ah waxgaradka shirka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay go’aan ku gaareen in Axmed Madoobe iyo maamulkiisa uusan ka shaqeyn Gedo, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan ka mideysanahay Axmed Madoobe iyo waxa uu wato midna aysan ka shaqeyn Gedo, kana shaqeyn doonin idinkuna middaas ogaada” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ma rabno inaan gumeysi galno, Kismaayo dadaa lagu soo gumeystay, lagu soo laayay in Gedo looga daba yimaado oo lagu gumeysto wax wanaagsan ma’aha” Sidoo kale Nabadoon kale oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay la dagaalami doonaan Jubbaland, hadiisan aysan joojin gar darro uu sheegay inay ku heyso reer Gedo. “nHaddii Nabadda la’iskala baxo, xornimada la’iskala baxo, gobonimada la’iskala baxo waxaa imaaneyso in la diriro, haddii hala diriro la yiraahdi waa nala yaqaanaa waxaynu nahay” ayuu isna yiri oday kale oo kamid ah dadka deegaanka, kana qayb-galay shirkaasi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) uu ku sugan yahay gudaha magaalada Garbahaarey, oo uu safar dhulka ah ku gaaray, kadib markii hawada dib looga soo celiyay. The post Shacabka Garbahaarey oo MOWQIF culus ka qaatay maamulka cusub ee GEDO appeared first on Caasimada Online.
  22. Wefdi uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa xalay lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Islaan Bashiir iyo wefdigiisa oo ka soo kicitimay Gaalkacyo ayaa qayb ka noqonaya shir lagu ballansan yahay in isimada Puntland ku yeeshaan Garoowe si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda iyo mucaaradka. Isimada kale ayaa dhankooda lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Garoowe si ay u bilaabaan dadaallada xal raadinta ee lagu dhammaynayo is mari-waaga ka dhex taagan dowladda iyo mucaaradka. Wefdi ay hoggaaminayaan Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale maanta ku wajahan Garoowe waxaana la filayaa in ay qayb ka noqdaan xal u raadinta khilaafaadka siyaasadeed ee xukuumadda madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradsan. PUNTLAND POST The post Dadaallada xal u raadinta xiisadda Garoowe oo bilowday appeared first on Puntland Post.
  23. Mogadishu (HOL) - Somalia National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Sheikh Muhyadiin Adow inspected the army camps in Gal’ad and El-Dheer, recently liberated districts in the Galgadud region, on Friday. This visit marks his first since assuming office last month. Source: Hiiraan Online