Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Turkiga si gaar ah Hay’adda IHH ee oo ah Hay’ad Turki ah kana shaqeysa Caawinta arrimaha bini’aadamnimada. Kulanka ayaa looga hadlay in Hay’adda IHH Hay’add SoDMA ka taageerto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deeganadii dhawaan la xoreeyey,in goobahas iyo deeganada kale ee dalka laga hirgaliyo mashaariicyo ay ugu horeyaan ceelal biyoodyo iyo goobo cafimaad,in ay ka taagerto dhanka Tababaradda iyo qalabeenta xarunta howlgalada gurmadka deg-deg ah ee NEOC iyo in xiriirka labada Hay’addood sare loo sii qaado. Wafdigaan waxaa hogaaminayey Madaxa xiriirka Arrimaha gargaarka ee IHH Mudane Taner Altun,Hassan demir madaxa xafiiska IHH ee somaliya,waxaana kulankaan qeyb ka ahaa masuuliyiin katirsan Hay’adda SoDMA. Turkiga ayaa muddooyinkii dambe waday taageerida shacabka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax nooca miinada dhulka lagu aaso oo maanta ciidamo Mareykan ah oo ay wehlinayeen kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed lagula eegtay qaybo kamid ah Jubbada Hoose. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ciidamada huwanta ah lagu beegsaday duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida ay xaqiijisay AFRICOM. Qoraal kasoo baxay taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in kolonyadooda lala bartimaameedsaday qarax miino oo la dhigay waddada dhinacdeeda, xilli ay ku socdaaleen agagaarka duleedka magaalada Kismaayo. AFRICOM waxay sidoo kale sheegtay inaan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada Maraykanka iyo sidoo kale kuwa Soomaalida ah labadaba. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay been yihiin wararka sheegaya inuu khasaare soo gaaray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab ee lagu qarxiyay halkaasi. Ciidanka huwanta ayaa weerarka kadib sii watay socdaalkooda oo ku wajahnaa deegaanada hoos-yimaada magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland. Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab. Mareykanka ayaa qayb ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna ciidanka Soomaaliya ka taageeraa dhanka hawada, isaga oo duqeeyo goobaha ay joogto kooxda. Weerarkan qaraxa looo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland uu ka socdo diyaar-garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Si kastana, dagaalkan oo ay dowladdu ugu magac dartay Libaaxa Madow, ayaa sidoo kale la filayaa inay kusoo biiraan waddada safarka hore, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya. The post Ciidamo Mareykan ah oo lagu qarxiyay duleedka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  3. Taliska ciidanka milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM loo yaqaanno ayaa sheegay in saaka kolonyo milatari oo ay la socdaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ay la qaraxday walax qaraxda oo waddada dhinaceeda la dhigay. Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Jubbaland AFRICOM waxay sheegtay inaan wax khasaare ah kasoo gaarin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ah labadaba sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska. ” Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ayaan wax khasaare ah soo gaarin. Qorshayn fiican, tababar heersare ah, iyo qalab sare ayaa siiya ciidamadeena iyo faa’iido wayn oo ay ka helaan argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamkan Africom. Qaraxaan lala eegtay ciidanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli deegaannada Jubbaland uu ka socdo abaabul lagu doonayo lagu bilaabo dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo deegaanno badan kaga sugan Jubbaland oo ay ku jirto magaalada caasimadda u ah ee Bu’aale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Haddii uu Ingiriisku ahaan jiray boqortooyo aysan qoraxda ka dhicin innagu kuwii beeniyay baan ahayn! Ingiriis wuxuu wali daba joogaa raad uu dhaxlay, iyo gacan haadin gudaha Soomaaliya ka jirta! Baarlamaanka ingiriisku maalin kasta wuxuu shaqo ka dhigtay inuu ka hadlo Somaliland waxa loogu yeero oo waliba ah magac asalkiisii hore ku yimid ama ku baxay inuu isagu gobollada woqooyi ee Soomaaliya hantiyay!… Baarlamaanka Ingiriiska wax kale iyo arrimo dalal kale loogama doodo keliya dalka uu ka hadlo waa Soomaaliya iyo kala qeybinteeda! Wuxuuna wakiil u yahay cadow badan oo is huwan oo Soomaaliya ku soo wajahan. Ingiriis inuu yahay cadowga Soomaaliya arrin cusub innaguma aha, waxaan ognahay oo wali aan u kala qaaranahay sidii uu inoo kala jarjaray isagoo ujeeddadiisu tahay yeeysan noqon cudud mideysan, taasoo runtii dhibaatadeeda iyo xanuunkeeda wali taaganyahay, Ingiriis inkasta oo uusan wax wanaag ah u gelin dalalka dunida haddana waxaa la oran karaa Soomaaliya inay tahay meesha keliya ee uu ma-hadhada uga tegay!….Hasa yeeshee waxa maanta baarlamanka Ingiriisku wado wuxuu sii kordhinayaa cadaawadda iyo colaadda aan u qabno iyo hadba inuu ina soo xasuusiyo wixii ay dadka Soomaaliyeed dhibaato soo mariyeen ama u geysteen, doodaha baarlamaankiisa waxaa ku jira qorshayaal badan oo is huwan oo dhammaantood ay ujeeddadoodu tahay mid wali daba socota sababihii Richard Burton uu Berbera u yimid 1885kii, balse Soomaalidu waligeed kibir ma yeelin Ingiriis iyo kuwo uu soo adeegsadeyna ma quursan! Mid waa arrin iska cad, waa arrin la yaqaan, inay jiraan kuwo cadowga Soomaaliyeed u adeega oo iyagu mar kasta ku daaban cadowgaas sida nimanka hadda maamula waxa loogu yeero Somaliland!… waxaa iyadana shaki la’aan ah in ay jiraan sababo muhiim ah oo xilligan in baarlamaanka Ingiriiska inuu ka hadlo arrintan keenay oo ay ugu horeyso dagaalka gobolka Sool ka socda oo walaac ku abuuray dalka Ingiriiska isla markaasna qorshayaashiisii aqoonsiga iyo dhiraandhirintii uu doonayay inuu aqoonsi buuxa ku gaarsiiyo Somaliland shaki geliyay, maxaa yeelay Ingiriiska wuxuu doonayay in Somaliland uu aqoonsado laakiin looga horeeyo, oo Djibouti, Taiwan, Kenya, iyo Itoobiya ayaa ahaa dalalka uu ka filan karayay in aqoonsigaas uu ka imaanayo, iyadoo sida hadda soo baxaysa lays oran karo Djibouti qeyb weyn bay ka ahayd/tahay ololaha in gobollada woqooyi dalka Soomaaliya ay ka go’aan… dalal uu isaga (waa Ingiriiskee) wax u soo sheegay inay uga horeyaan ka dibna uu sidaas isaga oo aan la tuhmeyn ku aqoonsado, laakiin waxaa arrinta soo dedejiyay oo ku simi waayay xaaladaha soo kordhay iyo dagaalka ilaa iyo hadda sida muuqata looga gacan sareeyo kooxda Ingiriiska u adeegta ee uu hoggaaminayo Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna Ingiriiska aad uga walaacsanyahay in dagaalkaas lagu jebiyo Muuse Biixi (Muuse British) halkaasna uu ku baaba’o qorshihii muddada dheer riyadiisu ahayd. Ingiriiska intii waxa Somaliland loogu yeero ay ku dhawaaqday kooxda burcadda ah ee rabtay inay gobollada Woqooyi ka goyso dalka intiisa kale wuxuu si buuxdo isu garab taagay kooxdaas, isagoo dhinaca kasta ka dhisay siiba taba-barka ciidadammada iyo qalabkooda. Haddii Ingiriisku ahaan jiray boqortooyo aysan qoraxda ka dhicin innaguna waxaan ahayn kuwii beeniyayay ee diiday in qoraxda Soomaaliya ay calan kale oo aan ahayn midka Soomaaliya dushiisa ka soo baxdo! Wali waan ognahay inay godobteena Ingiriiska ku maqantahay, wali waan xasuusanahay sida uu Ingiriis inta dadkeena u kala irdheeyay uu dalkeenii ugu hadiyeeyay dalalka deriska ah, isla mar ahaantaasna dalalkii cadowga inoo ahaa uu inoogu naaxiyay! Wali waan xasuusanahay hagardaamooyinka ragaadiyaya dalkeena… Geelu habeedda qaarka dambe kaga taalaa waa caado lagu yaqaan, sidaasoo kalana guumeystaha caadada lagu yaqaan waa inay mar kasta ku hamiyaan in dad iyo dal aysan lahayn ay qabsadaan ama kala qeybiyaan! Sida ninka lagu darajeeyay Sir ee Gavin Williamson! Waase is weyddiinee maanta oo lagu jiro qarniga 21aad Soomaalidu ma noqoneysaa dadaan aqoon ama aan garaneyn shirqoollada iyo dhagarta guumeystuhu u mareegayo?!…Jawaabtu waa mid iska cad oo waa MAYA umana baahna faahfaahin. In badan oo ilmaha yar-yar ee Afrika, ma aha Soomaali keliya, awoowayaashood waxay u dhinteen sabab uu guumeystahii Ingiriisku lahaa oo wali illaa iyo hadda ay maalin kasta u dhimanayaan, agoon u noqonayaan, haddiiba aysan gacantooda ku dhiman! Gavin, waxa ka hadalsiinaya iyo lixo jeclaha gaarka ah ee uu u qabo Somalilandnimmada bal adigu ka feker!…Waa Been! Waa Beenlow Faalalow! Wuxuu ku leeyahay “Waxaa la gaaray waqtigii aan aqoonsan lahayn, waqti dheer baan u soo adkeysanay!….” oo maxaa dhibayay oo uu u soo adkeystay?!… Waa gar-daro bareer ah iyo xad gudub, muxuu u soo adkeystay? ma Soomaalaa dhibtay?!…ma innaga ayuu innaga jecleyahay dadka Soomaaliyeed ee gobolladaaas ku nool?! Maxay isaga isu yihiin dadkaas?! Maxayse kala yihiin dadkaas iyo kuwa uu doonayo in laga gooyo?! Marka aad weydiimahaas jawaabtooda ogaato, waxaa kuu soo baxay Gavin Williamson inuu yahay nin magac iyo libin ku raadinaya inuu dad guumeysto! Si xun wax u sheeg sixiroole ah oo u soo faashaday inuu meel mariyo qorshayaashii uu madaxa ku hayay ee ay daraawiishta ka diiday! SHacab-weynaha Soomaaliyeed wali waa gobanimo doon, wali salka dhulka ma dhigin, waxayna indhaha ku hayaan cadaawadda Gavin Williamson iyo inta la caqliga ah!… Williamson, ma wuxuu ku riyoonayaa inuu maxmiyad cusub Soomaaliya ka sameeyo?!… Midda aan la qaadan karin waxay tahay in ninkaan uuba inkirsanyahay dalka uu ka hadlayo inuu yahay dal xor ah oo ummad xor ah ay leedahay, sidaa aawadeed wuxuu leeyahay oo ku doodayaa “… Somailand waa dal nabad ah, dimuqraaddi ah, hay’adihii garsoorka u dhameystiranyihiin, wixii aan rabnay oo dhanna sameeyayay, marka waa inaan ku baal marina inaan aqoonsano!….” Doqonka sidaas u hadlaya, ee soo halabsanaya iyo 10 xubnood oo kale oo ka tirsan xisbiga Conservative -ka ee xukuma dalka Ingiriiska ayaa talaadadii soo jeedintaas u gudbiyay baarlamaanka Ingiriiska, waan markii labaad oo ninkaas soo jeedinayo inuu Ingiriiska waxa Somaliland loogu yeero u aqoonsado dowlad ka madax bannaan dalka Soomaaliya!….nin baa laga sheegay “war waxaas day” markaasaa midkii kalana yiri “war waxaas u kaadiyoo waxa ka sokeeya day!” Hadda Gavin Williamson baynu ka hadleynaa, balse aan is weyddiinee aaway dowladdii Soomaaliyeed ee dalkaan dulaaleyda iyo hororka isugu habar wacdeen iska lahayd?!… Xasan SHiikh Maxamuud isagu dalka wuxuu leeyahay madax-weynaan ka ahay laakiin si cad oo aan qarsoodi lahayn buu raali uga yahay dalku kala go’, waana sababta Muuse Biixi iyo kuwa la caqliga ah ay u quusan la’yihiin!….Xasan wuu caddeystay inuu dhaartii iyo aaminaaddii ummaddu aammintay khayaanay!….laakiin maxaa ku dhacay Aadan Madoobe iyo guud ahaan golihii shacabka maxay uga aamusanyihiin arrimaha Sool, Sanaag, iyo Cayn?!…. Waxaa arrin walaaceeda leh ah in golihii shacabka ee baarlamaankii 10aad ee uu guddoominayay Maxamed Cabdi-Raxmaan Mursal ay ku asteysnaayeen inay ammaannadii ummaddu u dhiibatay ay khayaaneen … Baarlamaanka 11aad ee maanta uu guddoominayo Aadan Maxamed Nuur (Adan Madoobe) ayaa haddana sidii iyo si ka liidata u dayacay ammaannadii ay u dhaarteen!… Siyaasiga Soomaaliyeed ee sida la ogyahay ku yimid, oo aan kala saari karin waxyaabaha camuumiga ah iyo waxyaabha kale! Xataa ilaa iyo hadda aan fahmin muhimmadda midnimmada dalka iyo doorkiisa ku aaddan soo cellinta midnimmadaas! Xil-Dhibaanka aan qiimeyn kareyn khataraha uu wajahayo dalka, dhibaatooyinka dadka ay ku suganyihiin, kuna dul haya dhibaatooyinkaas, miisaanka qura ee uu wax ku cabirayana uu yahay anigu maxaan helayaa?!….SHacabka Soomaaliyeed waa tashanayaa Gavin Williamson iyo Muuse British waa isaga filanyihiin, maamulka SSC waa dhismayaa, shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Woqooyi iyaguna waa ogyihiin waana garowsanyihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed inay ka mid yihiin. Dadka Soomaaliyeed waa dad nabadeed, waa dad lagu yaqaan dhaqan wanaagsan, ilaalinta xeerarka dowliga ah!…SHacab ahaan, waa dad garanaya waxa ay mudanyihiin Gavin iyo waxa la caqliga ah iyo sida ay u fekeraan, dhaqankoodana kama mid ah inay dulinimo qaataan!…Haa, waa dhab cadowgooda hortiisa bay ku kufeen, waa ogyihiin oo dareensanyihiin, ma dhiman ee waa noolyihiin waa soo jeedaan, burburka dal ahaan iyo dad ahaan soo gaareyna qofnimmadii Soomaaliga waxba kama bedelin, waxaana shaki la’aan ah difaaca dalkooda iyo waajibka ka saaran ilaalinta midnimmada ummadda iyo xudduudaha dalkooda Bad, Berri, Hawadaba inaysan cadow dibad ka yimaada iyo mid gudaha ahba uga baqeyn iyagoo talo saaranaya Eebbe….Soomaaliya waa dad, waa diin, iyo dal Alle ka dhigay isku mid oo aan kala qaybsameyn!…. The post Gavin ujeeddadiisu waa dhameystirka qorshihii guumeystihii ka tegay! appeared first on Puntland Post.
  5. Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Lagaga Hadlay Doorashooyinka Hargeysa(Qaran)-Fadhigii 113aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-biximo ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, taas oo ku saabsanayd dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa Golaha sharaxaad kooban ka siisey Siyaasadda Is-beddelka Cimillada Qaranka oo Golaha la hor-keenay. Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Mudane Cabdiweli Cabdilaahi Suufi ayaa sharraxaad golaha ka siiyey Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta iyo Dhawrista Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT) iyo Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda iyo Dembiyada Tiknoolajiyadda Casriga ah (Cyber security and Cyber Crime ACT) oo golaha loo qaybiyey maanta. Dhinaca kale, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Mudane, Cabdisamad Cumar Maal oo ka soo qayb-qaatay diyaarinta Xeerarka kor ku xusan ayaa golaha warbixin sharci oo la xidhiidha xeerka iyo Siyaasadda la wadaagay golaha iyadoo lagaga doodi doono fadhiyadda dambe ee Golaha Wasiirrada. Goluhu waxa uu isku raacay in Xukuumaddu marwalba diyaar u tahay Jedwalka doorashooyinka ee ay soo saaraan Komishanka Doorashooynka Qaranku oo ah hay’adda keliya ee awood sharci u leh cayimaadda wakhtiga la qabanayo doorashooyinka. Ugu danbayntii, golaha wasiirradu waxay hambalyo iyo boggaadin u direen xildhibaanada Baarlamaanka Ingiriiska oo uu ugu horreeyo Xildhibaan Gavin Williamson, xildhibaanadii kale ee kala soo shaqeeyey iyo cid kasta oo kala qayb qaadatay Arrinta doodda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay hor keeneen Baarlamaanka Ingiiriska si ay uga doodaan una meel mariyaan. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  6. Mogadishu (Caasimada Online) – U.S. Africa Command (AFRICOM) has quashed the assertions made by the extremist group al-Shabab, which claimed it had inflicted casualties on U.S. troops in an attack on the outskirts of Kismayo, a southern coastal city in Somalia. “The claims of casualties are not accurate,” stated Kelly Cahalan, AFRICOM spokesperson, dismissing the group’s assertions via the messaging app Telegram. She revealed on Thursday that the convoy struck a roadside bomb that morning near Kismayo but insisted that neither the U.S. nor the Somali forces sustained any casualties. History of al-Shabab’s false claims It’s worth highlighting that al-Shabab, waging a relentless war for control, has had an extensive track record of unfounded claims of injuring or killing U.S. troops. While they have occasionally successfully targeted U.S. forces in Somalia and nearby regions, their claims often far outweigh the reality. Their most notable attack occurred on January 5, 2020, when al-Shabab insurgents overran an airfield in Kenya utilized by U.S. forces for operations in Somalia. The offensive resulted in the death of a U.S. soldier and two American contractors. Three months before this tragic incident, U.S. forces stationed at the Baledogle Military Airfield in Somalia also came under a ferocious al-Shabab assault. This was the largest such onslaught on American troops in Somalia in three decades, involving a truck bomb that left a 20-foot-deep crater along the perimeter of a U.S. military outpost. However, this battle saw a dozen al-Shabab fighters killed as the U.S. forces managed to repel the attack without any loss of life. The U.S. mission in Somalia The U.S. military’s role in Somalia, primarily focused on training and advising local forces fighting against al-Shabab, has been a matter of dispute within the Defense Department and more broadly. It’s worth mentioning that several hundred U.S. troops are currently operating in the country, supported by periodic U.S. airstrikes against terrorist targets. In May 2022, in a reversal of President Donald Trump’s late administration decision to withdraw 700 service members from the country, the U.S. announced the return of special operations troops to Somalia. The post AFRICOM dismisses Al-Shabab’s casualty claim after attack appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa, kaas oo ay haatan waddo dowladda Soomaaliya. Suleymaan Maxamed ayaa shaaciyay liiska 18 mas’uul oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo uu tilmaamay inay baxsad ka yihiin cadaaladda. Xeer ilaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dabagal ku heyso shaqsiyaadkaasi, isla-markaana ay ku rajo weyn yihiin in cadaaladda la horkeeno mas’uuliyiintaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay wada shaqeyn la leedahay Booliska Caalmiga ah ee Interpl, isla-markaana ay la kaashan doonto kiiskan, si gacanta loogu soo dhigo eedeysayaasha baxsadka ah oo haatan ku sugan dalka dibaddiisa. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo horay dowladdu u xirtay mas’uuliyiin dhowr ah oo loo haysto musuq, kuwaas oo lqaarkood a horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Faahfaahinta kala soco: Caasimada.net. The post DEG DEG: Xeer ilaalinta oo shaacisay 18 mas’uul oo baxsad ah, loona haysto Musuq appeared first on Caasimada Online.
  8. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo yeeshay maanta kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah. Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad ee dagaalka Al-shabaab , taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka lugu xoreynaayo, waxa ayna tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow. Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay dagaalka ka dhanka Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay, kaddib markii awooddoodii ciidan, dhaqaale iyo fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee hawlgalkii lagu qaaday. Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah. Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Inta badan waxaa shirka goobjoog ahaa xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo shirkooda ku ansixiyay xeer cusub, sidoo kale ku dhageystay warbixino xasaasi ah. Ugu horreyn kulanka golaha wasiirada ayaa lagu meel-mariyay Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda. Sidoo kale golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo la xiriirta diyaar-garowga gulufka cusub ee ay haatan waddo dowladda federaalka ah. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa warbixinteeda ku sheegtay in uu dhawaan bilaaban doono howlgalka wajigiisa labaad oo loo bixiyey Libaaxa Madow. Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in xukuumaddu ay ka go’an tahay dabargoynta kooxda Al-Shabaab, si looga saaro dalka oo dhan. Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah. Ugu dambeyn, Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda. The post Go’aano kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  10. Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo yeeshay maanta kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah. Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad oo lagu ciribtirayo Khawaariijta, taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga xoreynaayo kooxaha Khawaarijta ah, waxa ayna tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow. Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay dabargoynta Kooxaha Nabad-diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku jira xaalad naf la caari ah, kaddib markii awooddoodii ciidan, dhaqaale iyo fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee hawlgalkan. Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Khamiista maanta ah? appeared first on Puntland Post.
  11. Several people have been injured after police said they were called to reports a car crashed into a primary school building in Wimbledon, south-west London. Source: Hiiraan Online
  12. Hogaanka Maamulka SSC-Khaatumo oo lagu Dhawaaqay Maanta Xubnaha Maamulkan ayaa ka kooban 45 ka ay ka soo kala xuleen Garaadada iyo Salaadiinta Beelaha gobollada SSC . Xubnahan ayaa noqon doona Maamulaya arimaha masiiriga Guud gobollada SSC iyadoo shaqada ugu horeysa ee loo igmaday ay tahay in Somaliland laga Sifeeyo Goojacade . Munaasibad ay goob joog ka ahaayeen golaga sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo , Maayarka , Maayarka ku xigeenka , xoghayaha fulinta degmada , xildhibaanada golaha deegaanka iyo garyaqaanada sharciga ayaa waxaa lagu gudoonsiiyey ID ka aqoonsiga xubinada Hogaanka Maamula SSC-Khaatumo Ugu danbayntii , Hogaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa maalmaha soo socda loo dhaarin doonaa masuuliyadan , sidoo kale ay qaban doonaan Shaqooyin kii loo igmadey. PUNTLAND POST The post Golaha Hoggaanka SSC-khaatumo oo maanta la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  13. For Somali Americans in Minnesota, the week leading up to the July 4 is not only an opportunity to celebrate the Independence Day of their surrogate nation, but also that of the country they left behind. Source: Hiiraan Online
  14. Kuwaan waa sawirrada goobtii ay diyaaradaha dowladda Kenya ay duqeeyeen ee deegaanka Ceelcadde ee Gedo, waxaana arkeysaa burburka ka muuqda goobta, waxaana uu dhismaha uu deganaa Allah unaxariistee Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi oo deegaanka laga yaqaanay. Shiikha ayaa waxaa sidoo kale la geeriyooday nin lagu koobay magaciisa Miskiinow oo ku sugnaa guriga la duqeeyay, ilaa iyo hadda ma cadda sababta dowladda Kenya ay u beegsatay guriga Shiikha,ma jiro war kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo Jubbaland oo ku aadan duqeymahaan. Dowladda Kenya ayaa marar badan waxaa ay duqeymo diyaadaheeda ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Gedo, waxaana inta badan wax ku noqda dad shacab ah, kuwaas oo guryahooda la duqeeyo iyo xarumaha shirkadaha oo ay beegsadaan oo burbur xoogga uu kasoo gaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa howlgalka ATMIS, ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha kala guurka ee amniga Soomaaliya. Mohamed El-Amine ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inay bilaabeen qorshahooda ka bixitaanka Soomaaliya, isla-markaana ay wareejiyeen illaa 7 saldhig oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ay hadda ka howlgalaan ciidamada Soomaaliya. Todobada saldhig ee ay wareejiyeen ayaa kala ah: Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub. Xerada Gherille oo ku taalla Gedo ayaa waxaa ku sugnaa ciidamaka Kenya oo hadda isaga baxay, halka saldhigga Aljazeera 1 oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen ciidamada Uganda ee qaybta ka ah ATMIS. Wakiilka Midowga Afrika ayaa sababta ay uga soo baxeen xerooyinkaasi ku sheegay inay qayb ka tahay suurtagalnimada dhimmista Ciidanka Nabad ilaalita Soomaaliya u jooga ee ATMIS, kuwaas oo tiradooda ay gaarayaan 2,000 oo Askari. ATMIS oo ka kooban illaa 19,000 oo askari iyo saraakiil boolis ah ayaa waxaa qasab ah in la yareeyo illaa laga geeyo dhammaadka 2024, ayaga oo si tartiib ah awoodda ugu wareejinaya ciidamada Soomaaliya. Si kastaba, qorshahan ayaa kusoo aadayao, ayada oo weli ay dalka qaybo kamid ah ku sugan yihiin Al-Shabaab oo weli dagaal kula jirta dowladda , waxaana ugu dambeeyay oo ay shalay weerartay xerada Gheille oo kamid ah meelaha ay ka baxeen ciidanka ATMIS, Duulaanka Al-Shabaab ee saldhigga deegaanka Gheille ayaa muujinaya inay kooxda ka faa’iideysaneyo qorshaha kala guurka ee haatan socdo, maadaama ay weeraro ku billowday maalmo gudahood saldhigyadii ugu dambeeyay ee ay wareejiyeen ATMIS. The post ATMIS oo shaacisay inay kasoo baxday 7 saldhig + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  16. WAAR HOOY WAA IGA TALO: QARANKA YAAN QOF DANTII LOO DUMININ. Komishanka Doorashadu way garanayaan sida ay u kala horeeyaan doorasho ay sharcigeeda hayaan hawsheeda oo komishankii hore ay gacanta ku hayeena ay kala wareegeen iyo doorasho aanay haynin sharcigii ay ku qaban lahaayeen oo ka maqan Xeer Lam 92 oo ku waajibinaya qabashada sadexda doorasho ee Golayaasha Degaanka, Wakiilada iyo madaxtooyada. Sabab kasta ha ku kelifto eh way kari waayeen in ay kala cadeeyaan sida labada doorasho ay u kala horqabanayaan. Taasi waxay nuqsaan ku tahay komishanka. Dhismaha Qaranku, sida ku cad Dastuurka wuxu uu ka kooban yahay sadex haya’dood oo kala madaxbanaan. Maxkamadda Sare waa haayad garsoor ma noqon karto Xeerdejin. Doorashooyinkana waxa lagu qabtaa Xeerar Baarlaman ee laguma qabto amar maxkamadeed Hadaba isaga waramimayno marxaladda xasaasiga ah ee dalku marayo. Sidaa daraadeed dhawaaqa laga filayo maalmaha soo socda Maxkamadda Sare ayaa noqonaya muhiim waayo xal wuu noqon karaa lagu soo afjaro khilaafkii dooraahooyinka hadii uu cadaalad noqdo. Waana hubaal in doorasho ay suurogali karto. Haddii kale wuxu horseedi karaa xal la’aan oo ah in aan labadan doorasho iyo tu ka dambaysa oo la isla ogol yahay aanay Somalland dib uga qabsoomin. Tu aan la isla ogolaynna hadalkeedba daa. Taasoo noqon karta bilawgii dhamaadka iyo burburkii Somaliland, Allah kama dhigo eh” Mujaahid Cali Gurey. Source
  17. Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in maxkamada Sarre aanay u yeedhin doonin nooca doorasho iyo jedwalka doorashada ay qabanayaan. Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo u waramay wariye Xasan Gallaydh, ayaa sheegay in waxa ay Maxkamada ka dalbadeen ay tahay keliya Tafsiir Sharci oo la xidhiidha khilaafaadka taagan kadib markii ay dhinacyada is haya ka waayeen wax heshiis ah. Gudoomiyuhu waxa uu sidoo kale meesha ka saaray in wax khilaaf ah uu soo kala dhex galay komishanka Doorashooyinka. Source
  18. Diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka geystay deegaanka Ceel Cadde oo ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Duqeymahaan oo soo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa soo gaaray ilaa saakay waabarigii, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay laba ruux oo deegaanka laga yaqaanay, oo mid kamid ahaa nin shiikh ah sida ay sheegayaan wararka laga helayo. Labada ruux ee geeriyootay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi iyo nin magaciisa lagu soo koobay Miskiinow, manajiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo dhanka Jubbaland. Dowladda Kenya ayaa marar badan waxaa ay duqeymo diyaadaheeda ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Gedo, waxaana inta badan wax ku noqda dad shacab ah, kuwaas oo guryahooda la duqeeyo iyo xarumaha shirkadaha oo ay beegsadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ku qaabilay ra’iisal wasaaraha Sweden Ulf Kristersson, xilli Maraykanku uu ka shaqaynayo sidii Sweden ay ubiiri laheyd Ururka NATO oo ay ku jiraan dalal dhowr ah oo Mareykanka xulafo Milatari kala dhexeeyo. Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulanka looga dalbaday inuu Turkiga ugu qancin lahaa inay meel mariyaan xubinimada Sweden ee NATO, ka hor kulanka ay gaashaanbuurta NATO ku yeelanayaan dalka Lithuania, toddobaadka soo socda, Turkiga ayaa hore u diiday dalabka Sweden. Dowladda Turkiga ayaa siweyn uga carootay fal dhowaan dowladda Sweden muwaadinniteeda ay ku gubeen nuqul kamid ah Kitaabka Qur’aanka Kariima, xilligaas oo askar kamid ah Booliiska ay waardiyeynayeen shakhsiyaadka sameeyay arrintaas, waxaana ay noqotay mid dunidu ay siweyn u diiday. Biden ayaa sheegay in Sweden ay awood ku soo kordhin doonto Isbahaysiga NATO, sidaas awgeedna ay muhiim tahay in la meel mariyo xubinimadeeda. Turkiga ayaa weli ka cago-jiidaya inuu ansixiyo xubinimada Sweden, isaga oo hordhigay shuruudo kala duwan, ka hor inta aanay ansixinin. Ankara ayaa ku eedaynaysa Sweden inay gabaad siiso kooxaha mayalka adag ee Kurdiyiinta, kuwaas oo ay Turkey u aqoonsan tahay inay yihiin argagixiso. Turkiga ayaa ka dalbaday Sweden inay dib u habayn samayso, gaar ahaan, xeerkooda la dagaalanka argagixisada. Illaa haatan ma kala cadda, in la ansixin doono xubinimada Sweden ee gaashaanbuurta NATO shirka dhacaya toddobaadka soo socda, waxaana laga bixinayaa saadaallo kale duwan, Turkiga ayaa arrintaan wali aan ka hadlin, mana jiro go’aankooda isbedel ku yimid ay ku diiday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Garbahaarey (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo saaka ka dhacday deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo. Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan illaa 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Mid kamid ah labada qof ee geeriyootay ayaa ahaa wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi iyo nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Miskiinow. Sidoo kale duqeyntaan ayaa geysatay burbur xoogan, maadaama uu weerarku ka dhacay goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah. Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaca ka qaaday in weli xaaladdu ay kacsan tahay, isla-markaana ay dareemayaan cabsi xoogan. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta gobolka Gedo iyo Kenya oo ku aadan weerarka maanta ka dhacay halkaasi. Duqeyntan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen gobolka Gedo iyo deegaanada ku yaalla xadka labada dal. Si kastaba, weerarkan cusub ayaa u muuqda mid jawaab u ah weerarada ay Al-Shabaab ku qaadaan gudaha waddanka Kenya, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii la soo dhaafay. The post KENYA oo duqeyn culus ka fulisay GEDO + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  21. Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa sida lagu soo warramayo xalay ilaa saaka duqaymo aan loo meel dayin ku garaacay degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqaymo culus ku garaacay Ceel-cadde ay khasaare naf iyo maalba leh gaarsiiyeen dadka rayidka ah ee ku nool degankaas. Diyaaradaha millatariga Kenya ayaa si toos ah u duqeeyay guryaha ay ku sugan yihiin rayidka ee degaanka taas oo keentay waxyeellada shacabka gaartay ee dhimashada iyo dhaawaca leh. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Gobolka Gedo oo ku aadan duqeynta diyaaradaha dowladda Kenya ay ku dileen dadka Shacabka ah. Ma ahan sidoo kale markii ugu horeysay oo diyaaradaha Kenya ay duqeymo noocaan oo kale ah ay ka geystaan degaano ka tirsan Gobolka Gedo kuwaas oo waxyeello ka soo gaarto dadka rayidka ah. PUNTLAND POST The post Diyaaradaha dagaalka Kenya oo dad rayid ah ku dilay Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  22. Israa’iil oo Sheegatay inay soo gabogabaysay Hawlgal xero ku taalla Dhulka Falastiin Telaviv(Qaran)-Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay soo afjareen hawlgalladii cir iyo dhul lahaa ee ka socday xerada qoxoontiga Falastiin ee Jiniin. Milatarigu wuxuu sheegay inay suurtagal tahay inay haddii ay weeraro lagu soo qaado ay ku celin karto hawgallo noocan ah oo kale. 12 Falastiiniyiin ah iyo askari Israa’iili ah ayaa ku dhintay hawlgallo cir iyo dhul leh oo ay ciidamada kala duwan ee Israa’iil ku qaadeen xerada Jiniin, waxaana dib looga saaray ciidankii lugta ahaa ee Israa’iil ee gudaha u galay xerada. Waddooyinka xerada qoxoontiga ayaa burbursan, waxaana dhulka daadsan burbur ku yimid guryaha. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay burburiyeen goobo ay leeyihiin kooxo mitid ah oo Falastiiniyiin ah. Raysal wasaaraha Israa’iil ayaa nidir ku maray inuu fulin doono hawgallo noocan ah haddii loo baahdo. Qaran News
  23. Dadka deegaanka Laikipia ee dalka Kenya, ayaa Talaadadii aynu soo dhaafnay kusoo toosay subaxdii cimilo ku cusub ka dib markii roob baraf wata uu halkaa ka da’ay isla markaana la arkay baraf fafadhiya waddooyinka iyo aagagga ku dhow deegaanka Nyahururu sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Qeybo ka mid ah wadada oo dhowr kiilo mitir u jirta Nyahururu ayaa waxaa qariyay baraf,waxaana muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada iyo warbaahinta la arkayay gaadiidka oo ku dhiban xitaa maritaanka meelaha qaar. Sidoo kale wadayaasha gawaairada ayaa hakad galiyay safarradooda si ay u daawadaan barafka. Dadka Kenyaanka ah ayaa horey shaashadaha caalamka uga daawan jiray baraf Yurub iyo meelo kale ka dhacaya balse markaan qaarkood ayaa ku arkay xaafadahooda. Dhawaan ayay ahayd markii deegaan u dhaxeeya Jigjiga iyo Wajaale uu ka da’ay roob baraf wata oo la yaab ku noqday dadka deegaanka maadama markii ugu horreysay ay arkeen roob noocaan ah sida qaarkood ay BBC-da u sheegeen. Qaran News
  24. Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha Puntland iyo Hawl-wadeenno ka socda xafiiska oo kormeer ku tegey Taliska Dhexe ee Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga dhexe ee Garoowe. Difaacaha iyo Hawl-wadeennada Xafiiska waxay kulan la yeesheen Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland, Xubno ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo Sariikiisha xabsiga dhexe ee Garoowe. Waxayna ka warbixiyeen xaaladda maxaabiista iyo maamulka xabsiyada. Maamulka xabsiga Garoowe ayaa ka warbixiyey xaaladda xabsiga iyo maxaabiista ku xiran, waxayna sheegeen in aanay helin bilooyinki u damabeeyay miisaaniyadda quudinta Maxaabista iyo Xuquuqda kale ee Ciidanka Asluubta. Waxaana go’an Korantada iyo biyaha xabsiga oo gabaabsi ah. Kooxda Kormeerka ee XDXAP waxay sidoo kale waraysiyo la yeesheen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Garoowe, oo ka warbixiyey duruufaha adag ee ay ku sugan yihiin sida;- Caafimaad darro, Nafaqa darro, Koronto la’aan iyo Adeegyada kale ee aasaasiga ah. PUNTLAND POST The post Xabsiga Garoowe oo Korontadii laga jartay biyihiina gabaabsi yihiin appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay dil ka dhacay degmada Dayniile, kaas oo uu askari ka tirsan ciidamada dowladda u geystay Hooyo Soomaaliyeed. Warka kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in askariga uu xabadda ku fakiyay hooyada oo goobta ku geeriyootay, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan. Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha lagu xiray saldhigga booliska Dayniile, isla-markaana laga qaadi doono tallaabo adag. “Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga booliska Dayniile ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane xabad ku fakiyay maamo Soomaaliyeed xabadaasi sababtay dhimasho, waxaana la horgeyn doonaa caddaalada.” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidee looga falceliyay qoraalka yaabka leh ee kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir? Qaar kamid ah dadweynaha isticmaalaha, gaar ahaan kuwa ku xiran bogga taliska booliska ayaa si adag uga falceliyay qoraalkan, ayaga oo sheegay in qiil loo raadinayo eedeysanaha. Cabdicasiis Xaaji oo kamid ah dadka ka facleiyay ayaa yiri “Allah unaxriisto Marxuumada, Lkn maxaa sharciga la hor geynaa idinka ayaa qiil u raadinayee edeysanaha wuu ku fakiye maaha Ee wuu ku dhufte dhaha Mahadsanidiin maadama aad gacanta kusoo dhigteen”. Xasan Sandheere ayaa isna su’aal adag ka keentay warka Booliska “Ku fakiyay maa dhahdeen?” Cabdalla Suldaan, isna wuxuu yiri “Kufakiyey miyaa? mise ku dhuftay waaye qoralka amuu qiil radin yahay?” Mursal Xasan ayaa falcelintiisa ku yiri “Muu Hooyo kala doonay Qori, ma xishoonaayo miyaaa? Ar soomali xagee usocotaa?”. The post FALCELIN ka dhalatay war yaableh oo ka soo baxay Booliska Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.