Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa waxa uu maanta ka qayb galay Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Hoolka Weyn ee Ciidanka Booliska. Waxa xusid mudan in Ballan-qaadyadii ay Xukuumadda Cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay la gashay ummadda Somaliland ay ka mid ahaayeen Diwaangelinta, Tayaynta, Casriyeynta iyo Xaq-siinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Munaasibadda ka jeediyey hadal aad u qiimo badan waxa uu sheegay in ay isaga farxad gaar ah iyo dareen masuuliyadeed u tahay in uu ku dhawaaqo bilowga Diwaangelinta Casriga ah ee Taariikhiga ah ee Ciidamada kala duwan ee JSL (𝐁𝐢𝐨𝐦𝐞𝐭𝐫𝐢𝐜 𝐑𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐫𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧) taas oo ah tallaabada koowaad ee hirgelinta dib-u-habaynta iyo Casriyeynta dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in Ciidamada kala duwan Qaranku ay yihiin Haybadda iyo Udub dhexaadka Amniga iyo Xasiloonida Qaranka JSL iyo gaashaanka ilaaliya Qarannimadeenna, Difaaca Xuduudaheenna iyo xaqiijinta bad-baadada muwaadiniinta reer Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu xusay in Ciidamada Qaranku ay yihiin Hayy’ad Dastuuri ah oo u igman difaaca madax bannaanida dalka, xagga Dhulka, Badda iyo Cirka iyo guud ahaanba ilaalinta danaha Qaranka JSL. Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddida Wasiirada ah iyo La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee uu Madaxweynuhu u xilsaaray Diwaangelinta iyo Casriyeynta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka. Sida oo kale waxa iyaguna Munaasibadda ka qayb galay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo Xubnaha Guddida Farsamo ee fulinaya Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada Qalabka sida. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  2. Hargeisa (HOL) — Somaliland’s Foreign Minister Abdirahman Dahir Aden has stated that any country wishing to engage Somaliland in discussions about Palestine must first formally recognize its sovereignty. Source: Hiiraan Online
  3. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Jurors began deliberations Wednesday morning in the high-profile Feeding Our Future fraud case, following six weeks of testimony and closing arguments from both prosecution and defence attorneys. Source: Hiiraan Online
  4. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Shiikh Shakhbuud Bin Nahyan, ayaa maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya, isaga oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka kooban saraakiil iyo diblumaasiyiin. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyadoo wafdiga uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud. labada dhinac ayaa ka wadda hadlay fulinta ballanqaadyadii Imaaraadku sameeyay kaddib booqashadii uu madaxweynuhu ku tegay Abu Dhabi. Source: goobjoog.com
  5. The 2025 African Union Commission (AUC) electoral process, despite being marked by division and disunity, shows how much Africa needs to unite under common reflections. Source: Hiiraan Online
  6. Dowladda soomaaliya ayaa dhowaan la wareegtay diyaaradda Bayraktar Akıncı oo ah diyaarad dagaal oo aan duuliye laheyn, waa nooc joog sare ku duusha, isla markaana adkeysi xooggan leh, waxaa horumarin ku sameeysay shirkadda tukiga ee Baykar, taasoo ah tallaabo ciidamada soomaaliya u horseedeysa kor-u-kac muuqda oo xagga dagaallada ah Diyaaradan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn ayaa loogu talagalay in ay sameeyso hawlgallo kala duwan oo ay ka mid yihiin ilaallo adag, sahmin iyo fulin Astaamaha iyo Awoodaha gaarka ah Waxay hawada sare ku jiri kartaa waqti aad u dheer oo ah (24 illaa 25 saacadood) iyadoo ay intaas sii dheer tahay in ay sameyneyso indha-indheyn iyo sahmin dhul baaxaddiisu ballaaran tahay Duulimaad horumarsan iyo xog-uruurin AI ah Diyaaraddan Waxaa loo qaabeeyay hab duulimaad horumarsan oo AI ku shaqeeya, kaasoo suurtagelinaya in ay dareento dhacdada isla wakhtiga dhabta ah ee ay wax dhacayaan, sidoo kale in ay si madax-bannaan u qaadato go’aanno wax-ku-ool ah, iyo in ay ku shaqeeyso wacyi sare, iyadoo fulineysa hawlgal waxtar leh Adeegsiga Culeysyo kala duwan Diyaaraddan dhererkeedu waa 12.2 mitir, ballaca baalasheedu waa 20-mitir, halka culeyskeedu uu yahay ugu badnaan 6,000 kg, diyaaradda Akıncı markiiba waxay qaadi kartaa in kabadan 1,350 kg oo culeys ah – ha ahaato rasaasta caaqilka ah ama bambooyinka la hago Hab Raadaar oo Horumarsan Diyaaraddan waxay sooc la tahay Tiknolojiyad Raadaar oo horumarsan, taasoo markiiba si fudud ku heleysa bartilmaameedka loo baahan yahay, weliba awood u leh in ay ku shaqeyso cimillo iyo xaalado kala duwan ayadoo si ogaal buuxa iyo wacyi sare ah u hawlgaleysa Isgaarsiin isku dhafan Waxay adeegsaneysaa xiriirka dayax-gacmeedka ha ahaato mid la xiriirta khadka aragg (LOS) ama mid ka baxsan khadka aragga (BLOS), si loo ilaaliyo xakameyn joogto ah iyo in xogaha loo kala gudbiyo masaafooyin aad u kala fog Saameynta ay ku yeelan karto Hawlgallada Soomaaliya La socoshada iyo xoojinta sahanka Diyaaradan aan duuliyaha lahayn waxay bixisaa xog sirdoon oo ku saleysan waqtiga dhabta ahayadoo si isku mid ah uga soo gudbisa Berriga iyo badda, taas oo muhiim u ah la socodka dhaq-dhaqaaqyada kuwa dowladda kasoo horjeeda sida Al-Shabaab iyo daacish. Awoodda Duqeyn sugan (in ay abbaarto bartilmaameedka) Waxay awood u leedahay in ay rasaas ku toogato isla markaana bambooyin ku duqeyso goobaha bartilmaameedka u ah, weliba in ay si sugan hadafka u toogato, taasoo wax weyn ka tareysa hawlgallada lagu sifeeynayo argaggixisada Iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan La wareegidda ay dowladda soomaaliya la wareegtay diyaaraddan ayaa hoosta ka xarriiqaysa xiriirka qotoda dheer oo dhanka difaaca ah ee u dhexeeya dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, kaasoo gacan ka geysaneya xasilloonida iyo amniga gobolka Waxqabadyada Muuqda Adkeysiga ay u leedahay in ay sameeyso duulimaad 24-25 saac oo xiriir ah in ay ku hawlgasho duulimaad joog sare ah oo gaaraya 40,000 oo feet In ay dayax gacmeedka xiriir kala sameeyn karto meel 5,000 km ka shisheeysa In dowladda soomaaliya lasoo gaarsiiyo diyaaradda Bayraktar Akınci waxay ka dhigan tahay horumar weyn oo laga gaaray dhanka tignoolajiyada difaaca la xariirta. Diyaaradda sida adag ee loo farsameeyay, Culeysyada kala duwan ee ay xambaari karto, iyo muddada fog ee ay shaqeyn karto ayaa ka dhigaysa hanti qiimo leh oo lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada iyo astaan muujineysa xoojinta madax-bannaanida qaranka—iyadoo xaqiijinaysa doorka wax-ku-oolka ah ee Dowladda Turkigu ay ka qaadaneyso dagaalka casriga ah ee loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha wadin Source: goobjoog.com
  7. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQNPmE7y61ofV-8mCiiUKM2kP5SUoxLRGOsLhUHB6C5VdsC0fcdWvo5Dc0f4_2EtaDSzJJkUqIFRWLlUiW4iHmg0.mp4 Qaran News
  8. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dadaallada dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, kuwaas oo lagu fududeynayo wadahadalka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Jamhuuriyadda Rwanda. Kulankii saddex-geesoodka ahaa ee lagu qabtay Dooxa ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida bariga DRC iyo guud ahaan gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay go’aanka ay dhinacyadu ku gaareen xabbad-joojin degdeg ah iyo shuruud la’aan, taasoo lagu adkeeyay shirkii EAC-SADC ee ka dhacay Dar es Salaam. Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay sida ay u aqoonsan tahay muhiimadda geeddi-socodyada nabadeed ee Luanda iyo Nairobi, iyadoo sheegtay in wadahadalladii ka bilowday Dooxa ay gogol-xaar u yihiin xal waara oo lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo horumarka gobolka Harooyinka Waaweyn. Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay sida ay uga go’an tahay nabadda iyo iskaashiga gobolka, waxayna ku celisay taageerada ay u hayso dadaalladan diblomaasiyadeed. Sidoo kale, waxay garab istaagtay shacabka DRC iyo Rwanda si loo gaaro nabad waarta. Waxay dowladda Soomaaliya u mahadcelisay Dowladda Qatar doorkeeda firfircoon ee ay ku leedahay dhexdhexaadinta iyo dhiirrigelinta wadahadallada wax dhisaya. Waxay intaa ku dartay in ay diyaar u tahay inay la shaqeyso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo xoojiyo dadaallada nabadeed ee dhowraya madax-bannaanida iyo wadajirka dalalka, isla markaana lagu xoojinayo xasilloonida iyo iskaashiga gobolka. Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (HOL) — A mortar attack struck the heavily fortified Halane compound near Aden Adde International Airport in Mogadishu, targeting one of the most secured zones in Somalia that houses the United Nations, African Union officials, and multiple foreign embassies. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — The Somali Disaster Management Agency (SoDMA) has deployed medical teams, emergency response vehicles, and medical supplies to the Hiiraan and Middle Shabelle regions to support local defence forces engaged in military operations against Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  11. Kani waa Sawirka Laahoor Dowladda Puntland oo War rasmi ah soo saartay ayaa shaacisay natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay meydka maxbuus, Cabdiraxmaan Shirwac Siciid Laahoor, kaasi oo ku dhintay xabsi ciidan oo ay maamusho hay’adda PMPF. Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) oo warbaahinta u akhriyay natiijada ka soo baxday baaritaan uu sheegay in isbitaalka Bender Qaasim ee magaalada Boosaaso ku sameeyay meydka Laahoor ayaa shaaciyay xanuunnada uu u geeriyooday maxbuuskaasi ee baaritaanka lagu ogaaday. “Baaritaan ay ku sameeyeen dhaqaatiirta isbitaalka Bender Qaasim ee Boosaaso waxay caddeeyeen Laahoor in uu u dhintay xanuunnada kala ah; Wadnaha oo hawlgab noqday, beerka oo hawlgab noqday, kelyaha oo hawlgab noqday, sambabada iyo dhiig-kar” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari oo warbaahinta u akhriyay nattiijada baaritaankii meydka Laahoor Guddoomiye Shaahdoon oo beeniyay wararka ku saabsan in maxbuus Laahoor xabsiga lagu dilay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaasi, waxaana uu sheegay in haddii dowladdu dilayso ay si toos ah tiirka u geyn lahayd, maadaama uu horay dil toogasho ah ugu xukunnaa. Laahoor oo amiir u ahaa shabakad dilalka qorshaysan iyo qaraxyada u qaabilsanayd argagixisada Daacish oo dad badan ku dishay magaalada Boosaaso ayay Puntland dil ku xukuntay 2022-kii isaga oo maqane ah, balse wuxu gacanta dowladda soo galay horraantii bishii Febraayo ee sannadkan 2025. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay meydka maxbuus Laahoor appeared first on Puntland Post.
  12. Bosaso (HOL) — Puntland authorities have denied allegations that a former Islamic State (ISIS) militant who died in custody this week was killed while imprisoned, insisting his death was due to natural causes. Source: Hiiraan Online
  13. US and Israeli officials reportedly reached out to officials of three East African governments to discuss the potential transfer of displaced Gazan Palestinians. The de facto African state of Somaliland does not rule out absorbing Gazan residents, the state’s Foreign Minister, Abdirahman Dahir Adan, told Israel’s public broadcaster KAN on Wednesday morning. Somaliland’s foreign minister told KAN in a written statement, “We are open to discussion on any matter, but we do not want to speculate on matters that have not yet been discussed. All countries that are interested in discussing certain issues with us must first establish working relations with us and open diplomatic missions in Somaliland.” The most important thing for us is to receive recognition after showing the world that we are a peace-loving and democratic country, which has been independent for 33 years.” On March 14, the Associated Press reported that US and Israeli officials had reached out to officials of three East African governments to discuss the potential transfer of displaced Gazan Palestinians to their territories. Source Jpost Qaran News
  14. Dowladda Ingiriiska ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab, Muqdisho, kaas oo lala beegsaday kolonyada gaadiidka Madaxweynaha Soomaaliya. Weerarkan ayaa sababay dhimashada askar, wariyeyaal, iyo dad shacab ah. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay safaaradda UK ee Muqdisho, dowladda Ingiriiska waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada iyo qaraabada dadka ku naf waayey weerarkan. Sidoo kale, waxay xaqiijisay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah. Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale ku celisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni. Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa kulan kula qaatay magaalada Moqokori Hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada. Madaxweynuhu ayaa ka xogwareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynuhu uu ku suganyahay furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa u kuurgalaya xaaladda ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sida ay howgalladu uga socdaan furimaha hore ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Source: goobjoog.com
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shaqaaqo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Mandera, taas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa booliska Kenya, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, kadib markii koox la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya (NISA) ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka ee dalkaasi. Shan sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku sugnaa xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee Mandera, markii ay la kulmeen koox ka tirsan NISA oo tiradoodu lagu qiyaasay 20, kuwaas oo rasaas ku furay. Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua uu ku dhaawacmay rasaasta. Intii ay dhacdadu socotay, laba qori ayaa lagala baxay ciidamada Kenya, kuwaasoo gacanta u galay kooxda NISA. Jubbaland oo haatan ka hadashay falkan xiisad ka abuuray xadka ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdadaasi, waxayna tacsi u dirtay dowladda Kenya iyo shacabkeeda. “Arrinta dhacday aad iyo aad ayaan uga xunahay waa wax aanu qorsheysanin, ugana tacsiyeyneyno dowladda Kenya iyo shacabkeeda,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland. Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa weerarkaasi la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay inay abaabuuleen siyaasiyiin dan gaar ah leh, sida uu hadalka u dhigay. “Wax walba sabab ayay leeyihiin is afgaran-waaga ka jira dowladda Soomaaliya dhexdeeda oo mar walba niman siyaasiyiin ah oo dan leh ay abuurayaan ayay arrimahan salka ku hayaan, maxaa yeelay maamulkii degmada Beledxaawo oo nidaamka dastuuriga ahaa ku dhisnaa waa loo diiday inuu shaqadiisa qabsado” ayuu mar kale yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Cidda ku lugta leh iyo annaga waxaa la rabaa intaan dib u wada fariisano inaan deegaankeenna hormarkiisa iyo amnigiisa ka shaqeyno, ayna naga nabad-galaan dadka aan dariska nahay”. Dhinaca kale wuxuu farriin u culus u diray dowladda Kenya oo uu ka dalbaday in xaaladda la qaboojiyo, isla markaana aan la dhibaateyn shacabka ku nool deegaannada dhaca xuduuda, gaar ahaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera. “Dowladda Kenya ee aan walaalaha nahay iyo shacabkeeda waxaan ka codsaneynaa dadka aan waxba galabsanin ee ku nool Beledxaawo ama Mandera in iyagana ilaaliyaan xaquuqdooda,oo dhacdadan dhacday wax la xiriira aan dhib loogu gaysanin” ayuu yiri. Horay dowladda Soomaaliya ayaa iyana u qaatay tallaabo ay uga fal-celisay dhacdaasi, waxaana ay dib ugu celiyay dowladda Kenya laba qori oo laga qaatay askari Kenyan ah oo lagu dilay weerarkii ka dhacay xadka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan Mandera. Si kastaba ha ahaatee, raggiiii weerarka fuliyay weli lama hayo. Dhankooda ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan eedeysaneyaasha, si gacanta loogu soo dhigo, kadibna looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
  17. Garowe (HOL) — Puntland has rejected the Federal Government of Somalia’s National Identification Card registration initiative, calling it politically motivated and a threat to the region’s autonomy. The administration warned residents against participating in the program, which it described as legally questionable and a financial burden on citizens. Source: Hiiraan Online
  18. Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud dismissed his defence minister, Abuldkadir Mohamed Nur, on Sunday following lobbying efforts by the US military, sources told Middle East Eye. Source: Hiiraan Online
  19. For African immigrants in the US, the threat of mass deportation is a constant fear. Source: Hiiraan Online
  20. Boosaaso (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii ugu horreysay faah-faahin ka bixiyay geerida ku timid Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor oo ka tirsanaa saraakiisha Daacish, balse dhawaan isku soo dhiibay Puntland. Ninkan oo kooxda u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari ayaa soo galay gacanta Puntland, intii ay socdeen howlgallada ay ciidamada maamulkaasi ku qaadeen buuraha Calmiskaad, waxaana kadib lagu xiray xabsiga Boosaaso, isaga oo ugu dambeyn geeriyooday. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi kooban bixiyay ayaa ka warbixiyay arrinka ninkan, sida uu kusoo galay gacantooda iyo waxa uu qaban jiray. “Laahoor wuxuu ahaa nin la sheegay in magaalada Boosaaso hogaamin jiray howlgallada ka dhaca iyo dadka wax ku dila, wuxuu ahaa nin wayn oo odey ah, wuxuuna ku jiray dadkii isa soo dhiibay ee lasoo qabtay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Laahoor uu ahaa nin odey ah oo dhiigkar qabay, isla markaana uu ku kacay, markii la dajin waayayna uu ku geeriyooday isbitaal la geeyay. “Ninkaas wuxuu lahaa Dhiigkar, wuuna ku kacay kadibna waa la dajin waayay, xalay dhaqtar baa la geeyay, wuxuuna ku dhintay dhaqtarka” ayuu mar kale yiri. Mar wax laga waydiiyay wararka sheegaya inuu ku dhex dhintay qolkii uu ku xirnaa ee xabsiga ayaa waxaa uu meesha ka saaray in la dilay ama la shirqoolay Laahoor. “Sabab loo dilaa ma taallo waayo wax qarsooni ma jiraan nimankan waxaa la hayaa xogtoodi oo dhan taleefoonadoodii ayaa gacanta lagu dhigay, wareysiyo ayaa laga qaaday, waxaa kale oo la hayaa maxaabiistoodii kale ee ajnabi ahayd” ayuu raaciyay. Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor ayaa gacanta Puntland waxa uu soo galay horraantii bishii February ee sanadkan, isaga oo isku soo dhiibay ciidamada howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad, halkaas oo uu muddo dheer ku dhuumaaleysanayay. Ninkan ayaa sidoo kale waxaa horay maxkamad ay ugu xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dilal iyo qaraxyo uu ka gaystay magaalada Boosaaso, waxaana lala xukumay rag kale oo ay isku shabakad ahaayeen, kuwaas oo qaarkood la toogtay. Daacish ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana kooxda ay culays xoogan kala kulantay howlgallada haatan ka socda gobolka Bari ee ay hoggaamineyso Puntland. Bishii December, ayaa waxaa Puntland ay ku dhawaaqday dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish, iyada oo tan iyo markaas kadib la wareegtay saldhigyo waawayn oo ay kooxdu ku lahayd buuraha fog ee Bari, halkaas oo uu weli kasii socdo holwgalka.
  21. ISTANBUL, Türkiye — Türkiye has launched TRT Somali, a new addition to the state-owned Turkish Radio and Television Corporation (TRT) network, signalling an expansion of its media footprint in Africa. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) — Somalia's Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ambassador Ahmed Moalim Fiqi, and his Serbian counterpart, Minister of Foreign Affairs Marko Djuric, held a phone discussion on Tuesday to review and reinforce diplomatic and economic cooperation between the two nations, according to a statement from the Somali Embassy in Belgrade. Source: Hiiraan Online
  23. Berbera (HOL) — A young man and woman in Berbera attempted suicide on Tuesday in separate incidents, adding to growing concerns over a wave of love-related tragedies in the city. Source: Hiiraan Online
  24. The United Arab Emirates has strongly condemned the terrorist assassination attempt on Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia, which resulted in several deaths and injuries to innocent people. Source: Hiiraan Online
  25. Mogadishu (HOL) — President Hassan Sheikh Mohamud has travelled to the frontline town of Moqokori in the Hiiraan region, where he met with military commanders and Hirshabelle state leaders to assess ongoing operations against Al-Shabaab militants, officials said Wednesday. Source: Hiiraan Online