Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda jabhadda ah ee sida beelaysan isku abaabushay ee ku jirta Buurta Gacan-Libaax ayaa leysay tiro kamid ah ciidanka Booliska Somaliland. Askar soddomeeyo aheyd waxaa ka baxsaday wax shan xubnood ka yar, intii kale waxay u qeybsameen qaar dhintay iyo kuwo dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen xubno u hadlay maamulka Somaliland. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in jabhadda Gacan-Libaax degtay iyo duulaankaba inuu ka dambeeyo hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro. Kooxdan jabhadda ah ayaa illaa hadda fulisay afar weerar oo dhamaantood khasaare geystay. Taliyaha booliska Somaliland waxa uu amar ku siiyay ciidanka booliska inay tallaabo ka qaadan kooxda ku jirta buurta Gacan-Libaax. Mar uu ka jawaabayay ciidanka booliska ah ee ay jabhadda leysay, waxa uu sheegay in askarta aanay cadow u arkeyn raggaasi buurta ku jira, sidoo kalena aanay haysan fasax ah inay kooxdaasi tallaabo ka qaadan. Balse hadda waxa uu sheegay inuu bixiyay amar kama dambeys ah, taasi oo uga sii dari karta xaaladda. Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in xaaladda Somaliland xabad lagu xaliyo. Wuxuu ku baaqay in nabadda la ilaaliyo, laakiin sidaas oo ay tahay maamulka Muuse Biixi waxay sheegayaan inuu Cirro abaabulay jabhadaha. Banaanbaxyo ayaa sidoo kale ka dhacay deegaannada Somaliland qaarkood, sidoo kale abaabul ciidan ayaa laga soo warinayaa deegaano kale oo isla Somaliland ah. Dagaallada, jabhadaha abuurmay iyo banaanbaxyadu dhamaantood waa farriimo lagula hadlaayo Muuse Biixi, kaas oo uu sanadkii hore ka dhamaaday muddo xileedkii, sidoo kalena doorashadii madaxtooyada kasoo hormariyay middii ururadda si uu meesha uga saaro xisbiyada hadda la loolamaya qaarkood. Mucaaradka arrintaas illaa hadda ma ogola. Biixi oo dadka qaar ku tilmaamaan hoggaamiye ad-adag ayaa muujinaya xukun jaceyl xad dhaaf ah. Ad-adeyga siyaasigu isku sifeeyo ama dadka qaarkii ku tilmaamaan wuxuu mararka qaar noqon karaa mid dumaya nidaamka. Xaaladdaha kasoo cusboonaaday Somaliland waa kuwo cabsi iyo culeys leh. Baaqyada beesha caalamka ayaa dhamaan qancin waayay Muuse Biixi. Muuse hadda wuxuu u jeeda culeyska waxa hareerihiisa ka socda, arrintii Laascaanood ayuu billowgii hore af-qaban waayay, taas oo gaartay heer aanay weligeed gaarin. Hadda waa xaalad kale oo la af-qaban karo, laakiin hadduu nidaamka Biixi ku wajaho siyaasad xumadii ay ku wajaheen Laascaanood waxay dhalin karta foolxumo kale. Tallaabooyinkan kasoo cusboonaaday deegaannada Somaliland waxay Muuse Biixi kala dooransiinayaan colaad iyo caafimaad, burbur iyo badbaado, dagaal iyo doorasho ama dan gaar ah iyo dan-guud. Dhinaca uu Muuse Biixi gacanta u taagi doono lama yaqaano, laakiin Somaliland heerka ay maanta mareyso ma aanay gaarin tan iyo markii Burco looga dhawaaqay maamulkan 18-kii May 1991-dii. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inay si hoose u qiimeynayso xaaladdaha kasoo cusboonaaday deegaannada Somaliland. The post Xiisadda Somaliland oo Muuse Biixi kala dooransiineysa saddex iyo saddex appeared first on Caasimada Online.
  2. Jabhada Gacan-libaax oo sheegtay inay Xidheen Ninkii Meydka ku Joogsaday Hargeysa(Qaran news)- Afhayeenka jabhada Gacan-libaax Axmed Cali Haybe ayaa sheegay inay ka xun yihiin ninkii asjariga meydka ah ku joogsaday. Waxaanu falkaas ku tilmaaamay diinta iyo dadnimadaba ku xun. Axmed Cali Haybe wuxuu sheegay inay xidheen oo wixii uu mudan yahay ay marin doonaan, isla markaana aanay la qabin falkaas uu ku kacay. Afhayeen Axmed Wuxuu sheegay inay uga xun yihiin sida ummadda oo dhamiba uga xumaadeen. Waxa kaloo uu intaaz ku daray inay ka bixinayaan raaligelin falkaas foosha xun oo uu tilmaamay inuu askari ka tirsan iyagu ku kacay. Qaran News
  3. Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay kulan ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo socon doona muddo laba maalmood ah. Shirkaan yaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha xeerka mideynta Cashuuraha, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta oo dhawaan la filayo in la soo gaba-gabeeyo oo maraya heerkii ugu dambeeyay. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo M. Janaqoow iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar C. Xaange ayaa si rasmi ah u furay shirka, wasiirka oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu muhiim u yahay shirkaan arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynt hannaanka canshuuraha, dhammaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta. Shirkaan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed. Shirkaan ayaa waxa ka maqan oo aan ka qeybgalayn Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, inkasta oo si rasmi ah loogu casuumay shirkaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Xisbiga KULMIYE oo soo Bandhigay Shuruudaha Laga Doonayo Tartameyaasha Guddoomiye Kuxigeenka kowaad Xisbigaas Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga Kulmiye oo shaaciyey shuruudaha looga baahan yahay tartamayaasha jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga. Qaran News
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa ka wada kulamo mira-dhal ah oo la xiriira dagaalka Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug, kaasi oo u daarna dardar-gelin howl-gallada madaxweynaha u joogo halkaasi. Xasan ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisada Al-Shabaab kaga harsan yihiin Galmudug. Sidoo kale waxa uu ku booriyay in ay ka hortagaan qorsheyaasha kooxda ku kala qeybinayso dadka deegaanka, si ay u helaan maalmo ay kusii carqaladeeyaan nolasha iyo horumarka bulshada. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo reer Galmudug ayaa wacad ku maray in gacanta la saaro kooxda Al-Shabaab, lana soo afjaro si wejiga labaad ee dagaalka loo guda-galo, kaasi oo uu dib u dhac ku yimid. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddoo ka badan toddobaad u jooga deegaanada Galmudug abaabulka howl-gallada deegaanka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeelanayay odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug. Galmudug ayaa laf dhabar u ah qorshaha cirib-tirka Khawaarijta, sida uu sheegay madaxweyne Xasan, oo isagu xooga saaraya in dadka deegaanka ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyi-gelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga ciidama qalabka sida. Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa dhankooda ballan-qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira-dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada. Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore. Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulkaasi. The post Sawirro: Xasan Sheekh iyo reer Galmudug oo maanta wacad ku galay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
  6. Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) PRESS RELEASE Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) Recognized as Global Leader in Digital Economic Transformation by Global Brand Magazine The award-winning initiative reflects ICIEC’s commitment to embracing innovative technologies and fostering economic growth within the Organization of Islamic Cooperation (OIC) member states Access Multimedia Content JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, August 13, 2023/ — The Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) (www.ICIEC.IsDB.org), the Insurance arm of the Islamic Development Bank (IsDB) Group, received a prestigious global award from the Global Brand Magazine as the “Leading Digital Economic Transformation Initiative” for its groundbreaking initiative for establishing OIC Business Intelligence Center (OBIC). The award-winning initiative reflects ICIEC’s commitment to embracing innovative technologies and fostering economic growth within the Organization of Islamic Cooperation (OIC) member states. By establishing the OBIC, which was endorsed by the Standing Committee for Economic and Commercial Cooperation of the Organization of the Islamic Cooperation (COMCEC) and the OIC Member States, ICIEC aims to drive digital transformation in economic ecosystems, ultimately contributing to sustainable development. Mr. Oussama KAISSI, Chief Executive Officer of ICIEC, stating: “ICIEC is pleased to receive this prestigious award, which is a great recognition for the efforts made by ICIEC toward addressing the problem of obtaining reliable credit and business information in the OIC Member States, an obstacle that faces credit insurance and financing institutions, investors, investment promotion agencies and all related industries”. “While working on the implementation of the OIC Business Intelligence, ICIEC, as a multilateral institution, aims at leveraging digital innovation and not only set new industry standards but also to contribute to the growth and development and maturity of credit reporting ecosystems in the OIC Member States”. Distributed by APO Group on behalf of Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC). Media Contact: Rania Binhimd, Communication Department Email: Rbinhimd@isdb.org Social Media: For more information, visit: www.ICIEC.IsDB.org Follow us on: X: https://apo-opa.info/3ZRzpId Facebook: https://apo-opa.info/3LDqCWc LinkedIn: https://apo-opa.info/3YVxxg9 YouTube: https://apo-opa.info/3Jw5ZZ4 About ICIEC: ICIEC commenced operations in 1994 to strengthen economic relations between OIC Member States and promote intra-OIC trade and investments by providing risk mitigation tools and financial solutions. The Corporation is uniquely the only Islamic multilateral insurer in the world. It has led from the front in delivering a comprehensive suite of solutions to companies and parties in its 49 Member States, including Documentary Credit Insurance Cover, Credit Insurance Cover, Bank Master Policy, Non-Honouring of Sovereign Financial Obligation, and Investment Insurance Products. ICIEC, for the 15th consecutive year, maintained an “Aa3” insurance financial strength credit rating from Moody’s, ranking the Corporation among the top of the Credit and Political Risk Insurance (CPRI) Industry. ICIEC’s resilience is underpinned by its sound underwriting, reinsurance, and risk management policies. Cumulatively, ICIEC has insured more than US$ 100 billion in trade and investment. ICIEC activities are directed to specific sectors – energy, manufacturing, infrastructure, healthcare, and agriculture. About OBIC: The OBIC is an initiative created by the Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) to provide OIC Member States with a platform for sharing business information, compiling, and coordinating data, and offering advisory services and capacity development programmes. It aims to accelerate trade with and investment into OIC states by providing businesses with a detailed picture of OIC business performance and creditworthiness. The OBIC’s four strategic pillars support OIC States in developing and enhancing their credit reporting ecosystems, building a comprehensive OIC-wide business intelligence infrastructure, developing OIC States’ capacity related to credit reporting, and catalyzing a sustainable business model for itself. SOURCE Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) Qaran News
  7. ADDIS ABABA – (BORKENA) – The Ethiopian Human Rights Commission (EHRC) has requested that the State of Emergency that was declared by the Cabinet of the Federal Government of Ethiopia should not last over “a month or a few weeks”. Source: Hiiraan Online
  8. Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa digniin culus u diray shacabka ku nool deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, xilli ay socdaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda. Shacabka ayaa la faray inay iskaga fogaadaan xeryaha ay ku tababartaan kooxda Al-Shabaab iyo meelah ay ku diyaariyaan qaraxyada ee isla deegaannada ay xukumaan. Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa sidoo kale shaaciyay inay calaamadeysan yihiin goobo laga fulinayo weeraro dhulka ah iyo duqeymo cirka. “Shacabka waxaa looga baahan yahay inay maamulka lasoo wadaagaan xogta meelaha Al-Shabaab-ku ku dhuumaalaysanahaan,” ayuu yiri wasiirka amnigaaamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka uu tallaabo adag ka qaadayo cid kasta oo lagu helo inay si uun ula macaamishay kooxda Al-Shabaab, xilli ay dhawaan mamnuuceen la-macaamilka kooxda. Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina sheegay in dhawaan deegaannada maamulkaasi uu si rasmi ah uga bilaaban doono wejiga labaad, ayna ka go’an tahay in Shabaab laga cirib-tiro deegaannada maamulkooda. Arrintaan ayaa imaneysa xilli shalay ciidanka xoogga dalka oo kaashanayay saaxiibada caalamka ay howl-gal qorshaysan oo Al-Shabaab ka dhan ah ka fuliyeeen deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim oo ka tirsan Shabeellaha Hoose. Howl-galkaas oo loo adeegsaday duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ayaa la qaaday markii la helay xog ku saabsan in maleeshiyaad Shabaab ah oo si dhuumaalaysi ah isugu aruursanayay beero ku yaalla deegaanadaas. Dowladda federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in howl-galkaas lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida baahisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka. “Goobaha laga sameeyay howlgallada waxaa hadda ku sugan ciidanka Qaranka, kuwaasi oo ku daba jooga firxadkii Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda. Sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la duqeeyey saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Buula-Fulaay oo hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay. Duqeyntaasi ayaa lagu bur-buriyey xarumo badan oo kooxda ay ugu keydsanaayeen hub, agab caafimaad iyo gaadiid dagaal, waxaana khasaare culus lagu gaarsiiyey kooxda, sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed. The post DIGNIIN culus oo loo diray shacabka ka agdhaw Al-Shabaab oo ay ku wajahan tahay… appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) - The Chief of Staff for Somalia's President, Hussein Sheikh Mahmoud, announced his resignation on Sunday, citing his intention to unseat the Southwest Regional State President in the upcoming regional election. Source: Hiiraan Online
  10. Wasiirka horumarinta Maaliyadda JSL, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa maanta magaalada ka furay kulan lagaga arrinsanaayey Xidhiidhinta Mashaariicda Baanka adduunku ka wado Somaliland. Kulankan waxa ka soo qaybgalay wasaaraddaha iyo hay’addaha JSL, ee ay ka socdaan mashaariicda horumarineed Baanka adduunku ka wado Somaliland. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka waramey ahmiyadda kulankaas u leeyahay dalka iyo sidii looga faaiideysan lahaa mashaariicda Baanka addunka ka wado Somaliland, iyadoo wasiirku xusey in dalka ay ka socdaan toddoba mashruuc oo horumarineeed oo uu fulinaayo baanka adduunku. Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in kulan ay uga gol leeyihiin sidii loo lafa-gurilahaa waxyaabaha ka qabsoomay mashaariicdaasi iyo wixii ku baaqday, hay’addihii loo xilsaaray in ay fuliyaan iyo sidii loola xisaabtami lahaa hay’add kasta wixii mashaariic ah ku maqan. Qaran News
  11. Ra”iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda faderaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarun wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo markii ugu horeysay ay si gaar ah u yeelanayso Munaasabadda dhagax dhiga oo goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya Shiikh Muqtaar Rooboow ayaa lagu sheegay in dhismaha xaruntaan ay baahi weyn u qabto wasaaradda,si bulshada loogu adeego. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in qorsha ay ugu jirtay in la dhiso dhismo hab casri ah loo dhisayo oo ay yeelato wasaaradda,si isku tashi ah ay u dhisaneeyso iyadoo aan cidnna wax loo weydiinin. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa hadda PA dagan Wasaaradda Cadaaladda soomaaliya, Wasiir Muqtaar Roobow” Lacag dhan 1Million iyo 150,000 kun ayaan u haynaaa Dhismaha wasaaradda oo aan cid kale naga caawin,waxaan beeqaamsanay xoogaa yerkii aan lahayn” Ra’iisul wasaara ku xigeenka Xukuumadda federaalka soomaaliya Saalax Axmed Jaamca oo dhagax dhigay dhismaha wasaaradda ayaa sheegay in wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ay lafdhabar u tahay dagaalka khawaarijta dalka looga xoreynayo muhiimna ay tahay in ay hesho dhismo u gaar oo ay ku shaqeyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Israa’iil ayaa maanta oo Axad ah meesha ka saartay in xafiis dublamaasiyadeed uu magaalada Quddus ku yeesho ergayga cusub ee Sucuudiga u qaabilsan Falastiiniyiinta, kaasi oo magacaabistiisu ay ku soo beegantay iyadoo Washington ay isku dayayso in ay xiriir rasmi ah ka dhex abuurto Israa’iil iyo Sacuudiga. Safiirka Sucuudiga u fadhiya Urdun Nayef Al-Sudairi ayaa Sabtidii kordhiyay meelaha uu ka shaqeyn doono oo ay ku jiri doonto in uu noqonayo ergay qaabilsan Falastiiniyiinta, waxaana qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay safaaradda Sacuudiga ee Cammaan ay ku sheegtay in “Qunsulka guud ee Quddus” ay hadda qeyb ka tahay waajibaadka Al-Sudairi. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Eli Cohen oo la hadlay idaacad ku taalla Tel Aviv ayaa sheegay in Al-Sudairi uu noqon karo ergay la kulma wakiilada maamulka Falastiin. Laakin waxa uu sheegay in aysan u oggolaan doonin in ay Sacuudigu furtaan xafiis dublumaasiyadeed oo ku yaalla Quddus. Israa’iil ayaa u aqqoonsan Quddus in ay tahay caasimaddeeda taasi oo uu sidoo kale 2017-kii aqqoonsatay dowladda Mareykanka, laakin aysan aqqoonsan awoodaha kale ee waaweyn ee dunida. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo diiday ergeyga cusub ee Sacuudiga u qaabilsan Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
  13. Las Anod (HOL) - At least four people were killed and several others wounded on Sunday after mortar shells struck the disputed town of Las Anod, according to residents. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Ciidankii Booliska ahaa ee lagu Laayey Go’da yar. Hargeysa-(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas Qaran oo xabaalaha Baqiic loogu sameeyey 9-kii kii askari ee katirsanaa ciidanka Booliska ee dhawaan lagu laayey tuulada Go’da yar oo katirsan gobolka Saaxil. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya magaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay Askartaa maanta wadar ahaanta loo Aasay, isaga oo tacsi tiiraanyo leh u diray Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen, waxana uu yidhi, “Aniga oo ku hadlaya magaca Qaranka, waxa aan dilkaa loo geystay ciidamada Qaranka ka tacsiyadaynayaa, guud ahaan Qaranka, qoysaskoodii iyo ehelkoodii, waana la qaybsanaynaa xanuunka iyo geerida ku timi, Qarankuna wuu la qaybsanayaa.” Madaxweynuhu waxa uu si cad u sheegay inay waajib tahay soo qabashada cid kasta oo ka dambaysay dilka Askartaas, xukuumadduna ay gadh-wadeen ka noqon doonto sidii sharciga loo marin lahaa,“Maanta Qaranka Somaliland cidii shirqoolkaas iyo dilkaas geysatay mid abaabulay, mid caawiyey iyo mid gacan geystay in sharciga la hor keenaa waa waajib oo sida Diinta Islaamku oggoshahay sharciga la mariyaa waa waajib Qaranka saaran, xukuumadduna ay gadh-wadeen ka noqonayso, hay’adaha sharcigana waxa la farayaa inay hawshaas soo dhammaystiraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa uu bulshada ugu baaqay midnimo iyo in qarannimada la wada difaaco, talada la wadaago, loona hoggaansamo shuruucda dalka u yaalla, si doorashooyinka loo galo. Aaska Qaran ee loo sameeyey sagaalka Askari ee dhawaan lagu laayey duleedka tuulada Go’da yar waxa madaxweynaha ku wehelinayey, madaxweyne-ku-xigeenka, guddoomiyaha golaha guurtida guddoomiye-ku-xigeenka wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaal katisan ciidamada dalka, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada katirsan iyo ehellada marxuumiinta maanta la Aasay. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa su’aallo weydiiyay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, Maxamed Barre Maxamuud oo hortegay golaha. Xildhibaanada ayaa wasiirka wax ka weydiiyay shaqada guud ee wasaaradda, gaar ahaan arrimaha ciyaaraha iyo horumarinta garoomada ku yaalla gudaha dalka. Su’aallaha ugu badan ayaa waxa ay ka dhasheen fadeexaddii Somalia kasoo gaartay tartankii orodka ee dhowaan lagu qabtay dalka China, kadib markii gabadhii u tartameysay Somalia oo lagu magacaabo Nasra Abuukar Cali ay gashay kaalinta ugu dambeysa ee tartanka. Sidoo kale waxaa wasiir Barre ayaa wax laga weydiiyay tallaabada ay qaaday wasaaradda, gaar ahaan xilka qaadistii Khadiija Aadan Daahir oo aheyd guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ayaa su’aal adag ka keenay hannaanka loo maray xilka qaadista Khadiija Aadan Daahir. “Wasiir waxaa dhahday arrintii ka dhacday China warqad-baa soo saartay oo aad leedahay shaqadii waxaan ka joojinay Drs, Khadiija Aadan Daahir oo ciyaaraha fudud madax ka ah habraaca warqaddaas loo maray sharciga ma ku siinayaa? ayuu weydiiyay Xildhibaanku. Wasiirka oo ka jawaabay su’aashaas ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay laheyd kaliya soo jeedin, ayna u martay guddiga Olombigada iyo xiriirka ciyaaradaha fududu, kadibna ay wasaaradda ku raaceen talo soo jeedinteeda ah in xilka laga qaado Khadiija Aadan Daahir. “Khadiijo annaga habraaca aan u marnay waxay aheyd sida ay iyaga xiriirada u dhisan yihiin annaga waxaan soo jeedin u sameynay in shaqada laga joojiyo marka aan aragnay falalka ay ku kacday, sidoo kalena waxaan u dirnay guddiga Olombigada, kadibna waxaa loo sii diray xiriirka ay ka tirsaneyd golihiisa fulinta, iyagaana ka fariistay” ayuu yiri Barre. Sidoo kale wuxuu Khadiija ku eedeeyay inay tartankii China musuq-maasuqday, ayna u dirtay xubno ka tirsan qoyskeeda, sida walaalaheed iyo Nasra oo habaryar ay u tahay. “Gabadha China aaday waxaa la dhahaa Nasra Abuukar Cali, hooyadeed waxaa la dhahaa Deeqo Aadan Daahir, iyadana waxaa la yiraahdaa Khadiijo Aadan Daahir magaca qofka raacay waxaa la yiraahdaa Caasho Aadan Daahir” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay. Arrintan ayaa daba socota fadeexad hadal hayn dhalisay oo Somalia kasoo gaartay tartan orod ah oo dhawaan ka dhacayChina, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan. Nasra Abuukar Cali oo metelaysay Soomaaliya ayaa loo diiwaan galiyay inay noqotay orod-yahanaddii ugu hooseysay abid tartan heer caalami ah, iyada oo oroday kaliya 21.81 ilbiriqsi, maadaama aysan laheyn soyaal hore oo oradka ah, waana sababta bulshada Soomaaliyeed si weyn uga careysiisay. The post BF Soomaaliya oo soo farogeliyay arrinta Khadiija Aadan Daahir appeared first on Caasimada Online.
  16. RIYADH: The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief) handed out 1,000 school bags in the Sahel region of Somalia ahead of the upcoming academic year, the Saudi Press Agency reported. Source: Hiiraan Online
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada kumaandooska Danab ka sameeyeen duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta kMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland. Howlgalkan oo ka dhacay Tuulada Kuuba-Kabir ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo halkaas isku uruursanayay. Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha la beegsaday ay weerar ku ahaayeen deegaanka Janaay Cabdalla, balse ay ka hortageen, sida uu hadalka u dhigay. Carab Dheeg Axmed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in goobta ay ku dileen ugu yaraan illaa 7 xubnood oo kamid ahaa xubnaha Al-Shabaab ee loo diyaaryay weerarka la fashiliyay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hadda ku raad joogaan xubnaha kale, isla-markaana ay weli dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan agagaarka deegaanka Janaay Cabdalla ee Jubbada Hoose. “Waxay hadda ciidamadu sii baacsanayaan haraadiga maleeshiyaada kooxda Al-shabaab oo ka firxaday howlgalka” ayuu yiri Taliye Carab Dheeg Axmed. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya. Jubbaland ayaa waxaa indhowaanahan howlgallo ka waday ciidamada Danab ee Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulkaasi, kuwaas oo jab xoogan lagu gaasiiyay Shabaab, Jubbooyinka ayaa kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana hadda ku wajahan wajiga labaad ee dagaalka ay haatan waddo dowladda federaalka Soomaaliya. The post Ciidamada DANAB oo ka hortegay weerar culus kadibna dilay…. appeared first on Caasimada Online.
  18. Xiisad dagaal ayaa maanta laga dareemayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in bariga magaalada Laascaanood ay madaafiic isku weydaarsanayaan ciidammada qaranka Somaliland iyo kuwa maleeshiyaad la baxay Khaatumo SSC halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo. Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa jirta balse wali si rasmi ah looma xaqiijinta inta uu leeg yahay. Source
  19. Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Maui ayaa gaadhay 89 qof Sabtidii, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata Eyda wax urisaa ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale. Burbur baaxad leh ayaa gaadhay dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaadhi badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday. Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi’iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaadhaya 2,200, iyadoo dhul beereed gaadhaya 850 hiktar uu gubtay. Gudoomiyaha Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka Josh Green oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii ayaa ka digay in tirada dhimashadu sii kordhi doonto, iyadoo maydad hor leh la helayo. Eyaha loo tababaray urinta maydadka ayaa kaliya baadhis ka sameeyay boqolkiiba sedex dhulka baaba’ay sida uu sheegay madaxa booliska ee magaalada Maui John Pelletier. Source
  20. Warrarka ka imaanaya magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in madaafiic teel teel ah oo tan iyo saaka ku soo dhacaysay gudaha magaalada lagu dilay afar qof, sida dad goobjoog ah ay BBC-da u sheegeen. Sedex qof ayaa ku dhintay bakhaar magaalada ku yaala oo uu madfac ku dhacay, halka nin nabadoon caan ahaa, uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay. Dhinaca kale rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa aaggaga ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ee duleedka Laasacaanood. Faahfaahin badan lagama hayo sida ay wax uga socdaan jiiddaha hore ee dagaalka ee magaalada Laasacaanood oo muddo dhawr bilood ahba ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka. Qaran News
  21. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka ay duqeymo ka dhaceen duleedka magaalada Laascaanood ee gobolkaasi, kadib markii ay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ay madaafiic isku weydaarsadeen halkaasi. Madaafiicda ayaa xoogoodu waxa ay ka dhaceen dhanka bari ee magaaladaasi oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac. Ilo dadka dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay bariga Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi, waxayna sheegeen inay dareemeen walwal iyo cabsi xoogan oo ka dhalatay madaafiicdaaasi. Ugu yaraan illaa afar qof ayaa ku dhintay weerarkan, kadib markii ay goobahooda ugu tageen madaafiic habaaw ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sedex qof ayaa ku dhintay bakhaar ku yalla gudaha magaalada oo uu madfac ku dhacay, halka nin nabadoon caan ahaa, uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeesheen madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi. Wararkiika ayaa intaasi kusii daray in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo laga maqlayo rasaas teel-teel ah. SSC ayaa lasoo wariyay in ciidamo dheeraaad ah ay geysay jiidda hore ee dagaalka, ayada oo ka faa’iideysanaya xiisadda kasoo cusboonaatay buurta Gacan-Libaax ee Somaliland. Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta. Si kastaba, waxaa horay u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo diray. The post Wararkii ugu dambeeyey madaafiic lagu garaacay Laascaanood + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.