Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Beelaha Jareer Wayne oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada-hadlay dhacdadii 19-kii bishaan ka dhacday degmada Dharkenley ee lagu soo qabtay Jeneraal Sheegoow. Shirkan oo laba maalmood socday ayaa waxaa kasoo qeyb-galeay xubnaha golaha wasiirada iyo xubnaha labada gole ee baarlamanka federaalka, waxaana si gaar ah loogu falan-qeeyay shaqaaqadihii dhacay ee dhimashada iyo dhaawaca geystay. Geba-gebada shirka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ka kooban shan qodob, kaasi oo lagu sheegay inay si weyn uga xun yihiin arrintaasi, iyaga oo tacsi u direyna qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii naftooda halkaasi ku waayey. Waxay soo jeediyeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadaan, iyada oo la raacayo dastuurka, shuruucda iyo xeerarka dalka u degsan. “Waxaan dowladda federaalka ee Soomaaliya laamaheeda amniga iyo garsoorka ugu baaqeynaa inay dhamaan saraakiisha iyo muwaadiniinta kale ee gacanta dowladda ku jira si wanaagsan loo daryeelo, caddaaladna ay helaan iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda dalka, cid walba oo wax dembi ah lagu waayana degdeg xoriyaddooda loo siiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka. Hoos ka aqriso qodobada ka soo baxay shirkan oo uu saxaafadda la wadaagey XIldhibaan Maxamed Cumar Caymoy; 1- Waxan si weyn uga xunnahay shaqaaqadihii dhacay, inagoo tacsi u direynaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii naftooda halkaasi ku waayey, Ilaahayna uga baryeyna kuwa dhaawacmey inuu caafimaad buuxa siiyo. 2- Waxan soo jeedineynaa in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdadan iyadoo la raacayo dastuurka, shuruucda iyo xeerarka dalka u degsan. 3- Waxan dowladda federaalka ee Soomaaliya laamaheeda amniga iyo garsoorka ugu baaqeynaa inay dhamaan saraakiisha iyo muwaadiniinta kale ee gacanta dowladda ku jira si wanaagsan loo daryeelo, caddaaladna ay helaan iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda dalka, cid walba oo wax dembi ah lagu waayana degdeg xoriyaddooda loo siiyo. 4- Waxaan laamaha amniga ugu baaqeynaa inay tix-geliyaan xuquuqda xorriyatul qowlka iyo in shacabka loo oggolaado inay si nabad ah u dhigi karaan banaanbaxyo ama dibadbaxyo nabadeed. 5- Waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay fikirkooda iyo dareenkooda ku muujiyaan si nabad ah, ayna tixgeliyaan nabadda, xasiloonida iyo dhowrista shuruucda dalka iyo in laga dhowrsanaado burburinta hantida dowladda iyo tan gaarka ah. The post Siyaasiyiinta beesha SHEEGOOW oo soo saaray bayaan xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  2. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xuduudaha ee Sacuudiga ay dileen boqolaal muhaajiriin ah oo u badan Itoobiyaan oo doonaayay inay ka gudbaan xadka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Yemen Source
  3. Guutada Duufaan oo kamid ah ciidamada SSC-khaatumo ayaa war rasmi ah ka soo saaray rag ka hadlay muuqaal ku faafiyay baraha bulshada islamarkaana sheegay in ay ka tirsan yihiin ciidanka Duufaan. Qoraal ka soo baxay Taliska guutada Duufaan ayaa lagu sheegay in kooxda hadashay ay yihiin 4 nin oo laga ruqseeyay ciidanka sidaas darteedna wax walba oo ay ku hadlaan aysan ku matalin Duufaan. “Waxaan Xaqijinaynaa in Ragaasi aysan ka Tirsanayn ciidanka Guutada Duufaan , ayna yihin 4 nin oo laga ruqseeyay ciidanka , wax walba oo ay ku hadlana aysan ku matalin ciidanka Guutada Duufaan” ayaa lagu yiri Qoraalka. “waxaa arinta ka shaqaynaya kooxo An jeclayn in somaliland Laga Saaro Gobalka sool , kooxo an jeclayn in ciidanka Duufan ay qayb ka ahaadan halganka SSC , waxaa arinta ka shaqaynaya kooxo U adeegaya Somaliland oo ka shaqaynaya munaafaqad iyo Colaad in la dhex dhigo harti oo Maanta mid ah Hal cadowna Leh oo ah somaliland” ayuu sii raaciyay Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Guutada Duufaan ee Ciidamada SSC oo ka hadashay muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka xaruntii hore ee dhul-bixinta oo ku taalla isgoyska Ifka Xalane, halkaas oo ay bar koontarool ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada ee loo yaqaano Boolis Milataaro. Gaariga oo ahaa Toyota Land Cruiser oo ay Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi) ayaa ku qarxay halkaas, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka, isaga oo isku dayayay inuu xoog ku dhaafo goobtaasi. Sidoo kale marka uu qarxay baabuurka ayaa firirikiisa waxa uu gaaray xaafado ay deggan yihiin dad shacab ah, taas oo keentay khasaaraha dhimashada iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan oo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan gudaha magaalada Muqdisho ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale goor dambe goobta gaaray, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyay meesha uu qaraxu ka dhacay. Waxaa sidoo kale hakad galay isku socodka waddada xiriirisa Isgoyska Ifka Xalane iyo Cali Kamiin, halkaas oo ay isaga kala gooshaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxada ah. Ma jiro wax faah-faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi la sheegay in saaka laga hortegay. Weerarkan ayaa ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay qaarkood sheegteen xubnaha kooxda Al-Shabaab. The post Qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (HOL) - Members of the Somali Parliament representing the Jarer Weyne community in both chambers have strongly condemned the recent arrest of Military Captain Shegow Ahmed Ali and his contingent of 25 armed personnel in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  6. Dayax gacmeed lagu magcaabo Luna-25 oo Ruushku leeyahay ayaa ku dul burburay dayaxa dushiisa, sida ay sheegtay wakaaladda sahanka hawada sare ee Ruushku. Wakaaladda ayaa sheegtay in si aan hore loo sii saadaalin uu u dhaqaaqay dayax-gacmeedku, ka dibna la waayay isgaadhsiintii lagula xiriirayay, isaga oo ugu dambayn ku dhacay oogada sare ee dayaxa. Sabtidii ayay ahayd, markii ay wakaaladda sahanka sare ee Ruushku ay sheegtay inay lumisay xiriirkii ay la lahayd dayax-gacmeedka. Aaladan loo diray hawada sare ayaa loo qorsheeyey inuu ku dego cidhifka koonfureed ee dayaxa, maalinima Isniinta, iyada oo la filayo in toddobaadkan dhammaadkiisa uu isna dayaxa gaadho, dayax-gacmeed kale oo laga leeyahay dalka Hindiya. PUNTLAND POST The post Dayax-gacmeed Ruushku lee yahay oo ku burburay dusha sare ee Dayaxa appeared first on Puntland Post.
  7. (Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!) Itoobiya iyo guumeystayaashii kale ee dalka soo haliilay runtii qorshahooda marna isma bedelin, waxaana arrin la yaab leh ahayd in guumeystayaashii reer Yurub ee dalka ku soo duulay uu qorshahoodu ahaa inay dalka qabsadeen sida uu ahaa cahdigii ka soo baxay shirkii Berlin ee 1884kii ee reer Yurub ay ku qeybsadeen dalalka Afrika!…waxaana la oran karaa fikirka noocaas ah qeyb ahaan waxbaa uga suuro galay marka la eego sida ay u kala qeybiyeen dadkii Soomaaliyeed iyo dalkoodii, oo qeybo ka mid ah ay ugu dareen dalalka Itoobiya iyo Kenya. Taas ma aha inay ka adkaadeen ama joojiyeen halgankii dadka Soomaaliyeed ay ugu jiraan midnimmadooda iyo madax-bannaanidooda, laakiin halganku wali waa socdaa, colaadda iyo duullaanka cadowga uu Soomaaliya ku hayo ee joogtada ahna waxay salka ku haysaa in laga hor tago fikirka Soomaali mid ah! Mar haddii uu arrinku sidaas yahay waxaa lama huraan ah in qofka dhallin-yarrada ah ee Soomaaliga uu garto ama ka fekero oo mar kasta uu maanka ku hayo in dowladnimmada iyo gobanimmada dalka ay u baahantahay awood lagu ilaaliyo jiritaankooda, oo aan ka yareyn halgankii loo soo maray dowladnimmada iyo qaranimmada aan maanta haysano. Si loo ilaaliyo amniga, dadka, iyo dalka, waxaa marka hore muhiim ah inuu qofka dhallin-yarrada ah garan karo inuu yahay qof ku nool dhul u gaar ah (Dal) oo ka duwan dhulka intiisa kale, oo awoowgiis lahaa, oo ciiddiisa, hawadiisa, qorraxdiisa, iyo biyihiisaba ay u sameysmeen sida awoowgiis ugu talo galay inay ku noolaadaan jiilka dhaxlaya isaga!… Arrintaas waxaad garan kartaa oo keliya marka aad ka baxdo dhulkaas ka sameysan dhiiggii iyo dhacaankii awoowgaa (dalka Soomaaliya) ee aad gasho ciid, hawo, qorax, iyo biyo aan adiga kuu sameysneyn oo aan kuu ekeyn, oo aan ku oggoleyn oo ku fogeyneysa oo ku dareensiineysa inaad ajnabi ka tahay oo aydaan waxba wadaagin! Waa halkaas qodobka muhiimka ah ee qofku uu ka garan karo macnaha guumeysiga!… waa halkaas, meesha uu ka bilaabanayo dareenka baahida gobanimmada iyo gumeysi diidnimmada! Oo sidee?!… U fiirso jawaabta, inta aan la gaarin gumeysi ku qabsada, inta aan la gaarin cadow dalka xoog ku xukuma, waxaa khatar ah haddii ay dhacdo in ajnabi aad adigu raali ka tahay uu kaaga bato dalkaaga, maxaa yeelay waxaa marka hore suulaya dareenka sameyskii uu awoowgaa ugu talo galay inaad ku noolaato waxaana si tartiib-tartiib ah u bedelay sameys aad dareemeyso inaad dhaqan doorsoontay, in lagu dhallan rogay, taasoo macnaheeda yahay in dhaxalkii awoowgaa lagaala wareegay!… Marka sidan qofka ku dhacdo way ka waxyeelo badantahay marka guumeystuhu xoog kugu qabsado, maxaa yeelay marka guumeystuhu qofka u xoog sheegto qofka waxaa wali ku jira dareen wax iska caabbi ah, laakiin midda ajnabiga aad soo dhoweysay kaaga bataan gurigaaga waxay si xanuunkeeda la dareemeyn u dhaqeysaa dhiiggii iyo dhacaankii awoowgaa ilaa aad dareento inaysan jirin nolol aad leedahay maxaa yeelay waxaad dareemeysaa cabsi, waxaad dareemeysaa inuusan jirin dhul kuu gaar ah (Dal)!… dareenka noocaan ah waxaa shaki la’aan ah in laga helayo dadka ku nool Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo dadka ku nool gobolka Woqooyi Bari ee Kenya!…. Dalkaaga adigaa iska leh! Dhallin-yarrada maanta waxaad moodaa inay isku hilmaameen noloshii dowladnimmadii dalka ka jirtay, waxaysan wali yaqiinsan xaqiiqda indhahooda hor taal, waxaysan rumeysan in dalkii laga qabsaday, waxaysan rumeysan dhallan rogga ku socda, waxaysan rumeysan in dowladnimadoodii la xaday, iyagoo taagtaagan oo waliba qoslaya! Baahi bay dareemayaan waxaana loo sheegaa inay faqrinimo tahay, halka arrintu sidaas ka duwantahay oo hantidiisii, la rartay!… oo yaa u ilaalinaya?! Xudduuddii dalka bad iyo beri labadaba waa la soo jabsaday, ajnabi meel kasta maraya… kaaga daranee innaba ha yaraatee wax dareen ah oo cabsi ah ama ummad dhan ku soo xad gudbay ah ma qabo!… Marna ma ka fekertay Orommada xudduudaha dalka soo jabsatay?!.. marka aan sidaas leennahay ogow qowmiyadaha ee Itoobiya xudduud ma lihidin sidaas daraadeed waxaa 99% dalkeena u soo tallaaba waa qowmiyadda Orommada. Waxaa caadi iska noqotay intii uu dalka burburay in Itoobiyaan aad u tiro badan oo iskula socda boqol-boqol ama lab-laba boqol ama mararka qaarkood isula socda kumanaan ay ka soo talaabayeen xudduudaha dalka oo dhan iyadoo dadka soo talaabaya ay yihiin dhallin-yaro da’doodu u dhexeyso 20-30 qiyaastiina sida la xaqiijiyay 75% ay rag yihiin, waxayna arrintu faraha ka sii baxday markii ninka ra’iisal wasaaraha ah Abiy Axmed uu yimid Soomaaliya oo uu dadkiisa u sheegay inay Soomaaliya kula heshiiyeen labada dal inay mid noqdaan, waxaana maalinkaas illaa iyo maanta xudduudaha dalka ka soo talaabay dhallin yaro Itoobiyaan ah oo celcelis ahaan tiradooda lagu sheegay kumanaan. Dadkaas sida sharci darrada ah xadka uga soo tallaabaya ma jirto cid la socota ama maamul dowladeed ha ahaado ama ha ahaadeen dadka hor-yaalka bulshada ah, ama guud ahaa muwaadhiniinta, waxaana intaas oo dhan ka daran qaybtii ugu muhiimsanayd bulshada oo ahayd xubintii dareemi lahayd, ka dhiidhiyi lahayd xummaanta iyo dhibaatooyinka soo wajahaya ummaddooda inay noqotay mid aan sidii laga rabay u gudan xilkeeda ……Dhallin-yarradii!.. Sida laga war qabo intii uu burburka dhacay dhallin-yarrada Itoobiyaanka xuddudaha aad bay ug soo talaabayeen, waxayna ugu badnaayeen gobollada maamullada Koonfur-Galbeed, Puntland, iyo Soomaaliland, dhibta ugu badan ayaa waxay tahay in dadkaas xadka ka soo talaabay aysan cidna ka war hayn tiradooda, iyo sababta ay xadka uga soo gudbeen iyagoo aan waliba oggolaansho cidna weydiisan, waxaana arrin aan maan gal ahayn ah in dadka shacabka ee dalkooda lagu soo xad-gudbay ay isku qanciyaan inay dadkaan yihiin dad tahriib ah oo doonaya inay doonyo ka raacaan xeebaha Soomaaliya si ay u galaan dalalka Carabta, is-moodsiinta noocaas ahna waxay keentay inay xuddudihii dalka iska noqdaan kuwo cid kasta iska soo gasho….Caqligii iyo fekerkii xaggee bay ka baxeen, arrintu ma sidaas bay u sahlantahay?!…. La Soco Beri The post Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 2aad appeared first on Puntland Post.
  8. Meta Platforms (META.O) is set to roll out the web version on its new text-first social media platform Threads, hoping to gain an edge over X, formerly Twitter, as the initial surge in users waned. Source: Hiiraan Online
  9. Somalia has banned video platform TikTok, messaging app Telegram, and online betting website 1XBet to limit the spread of indecent content and propaganda, its communications minister has said in a statement. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu heer xukunka siyaasadeed ee Soomaaliya ku soo biiray 2012-kii, markaas oo qeyb kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay yaaleen isbaarooyin, kuwaasi oo nidaamkiisa hore u bareeray inuu qaado dhamaan wixii isbaaro yaallay caasimada. Markaas oo aheyd xilligii lasoo afjaray guud ahaan dhaqankii isbaarooyinka ee magaalada Muqdisho. Isla kal xukunkiisi hore waxaa ku suntan inay gacanta iskula tageen rag hub badan ku haystay caasimada. Raggaasi waxaa kamid ahaa; Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo hub iyo ciidan badan ku haystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Waxa kale oo la xasuusta wixii uu Cabdi Nuure Siyaad kala kulmay dowladdaas, kaas oo isna haystay ciidan hubeysan. Weliba Cabdi Waal oo dowladdaas ka baxsaday ayaa looga daba tegay Kenya, halkaas oo laga soo qabtay. Xilligaas dad badan ayaa isku dayay inay qabiileyaan weeraradii lagu qaaday Axmed Daaci iyo Cabdi Waal, laakiin Xasan Sheekh wax badan uma dhimin sheekooyinkii xilligaas ee la isku dayay in magacyada qabiilka loo bixiyo. Dadka yaqaana hanaanka hoggaamineed ee Xasan Sheekh waxay sheegaan inay marwalba isku dayo inuu awoodaha hubka soo gaabiyo oo uu nidaamka dowliga ah hubka gacantiisa ku hayo. Si gaar ah Xasan Sheekh wuxuu u muuqda siyaasiga ugu laxowga badan caasimada ee marwalba isku daya in amniga Muqdisho maaro loo helo, taasina waa sababta ay marwalba iskugu dhacaan isaga iyo ragga hubka ku haysta magaalada Muqdisho. Barnaamijkii xasillinta caasimada ee muddo xileedkiisi hore waxaa la xasuusta inuu dhaliyay in rag badan oo hubeysnaa ay u guuraan dhabka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyaga oo fahamsan in aanay caasimada wada qaadi karin iyaga iyo Xasan Sheekh. Haddii madaxweyne Xasan Sheekh kal-xukunkiisi hore ku bilaabay Axmed Daaci, kal xukunkaana waxa uu ku bilaabay Sheegoow, oo ahaa sarkaal hubeysnaa oo dhinac ka deganaa caasimada, kaas oo ciidan ka amar qaata dhowr jeer lagu eedeeyay dhac iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho. Halkii uu maray Axmed Daaci, ka soke iyo ka xagge midna uma badna inuu ku dhamaan doono kiiska Sheegoow. Balse sheekada xiisaha leh waa inuu Xasan Sheekh markale farriin u diray ragga hubeysan ee Muqdisho jooga, kuwaas oo ciidankooda ay marar badan ku lug yeesheen falal amni darro ah. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorshe amni oo gaar ah u dejisay caasimadda, waxaana 17 degmo loo qeybiyay ciidanka loo yaqaano Boolis Militaaro, Nabad-sugid dharcad ah iyo Booliskii la yaqaanay, taas oo xalisay baabuurtii qaraxyada siday ee kasoo gudbi jiray waddooyinka caasimada, kadibna sababi jiray inay shacabka boqol boqol u dhintaan. Haddana waxaa muuqata inay dowladda qorshaheeda ku lifaaqday hoos u dhigista ama cirib-tirka ragga hubka badan ku haysta magaalada Muqdisho ee ciidankooda qeybta ka yihiin amni darrada magaalada Muqdisho. The post Sababta ka dambeysa beegsiga Sheegoow iyo qorshaha uu billowga u yahay appeared first on Caasimada Online.
  11. Arusha. Discussions on Somalia’s application to join the East African Community (EAC) are scheduled to start tomorrow. Source: Hiiraan Online
  12. The opposition in Jubaland on Sunday met with President Ahmed Madobe to in a bid to unite for a common course of fighting terrorism in Jubaland. Source: Hiiraan Online
  13. Saudi border guards fired “like rain” on Ethiopian migrants trying to cross into the Gulf kingdom from Yemen, killing hundreds since last year, Human Rights Watch said in a report Monday. The allegations, described as “unfounded” by a Saudi government source, point to a significant escalation of abuses along the perilous route from the Horn of Africa to Saudi Arabia, where hundreds of thousands of Ethiopians live and work. One 20-year-old woman from Ethiopia’s Oromia region, interviewed by HRW, said Saudi border guards opened fire on a group of migrants they had just released from custody. “They fired on us like rain. When I remember, I cry,” she said. “I saw a guy calling for help, he lost both his legs. He was screaming; he was saying, ‘Are you leaving me here? Please don’t leave me’. We couldn’t help him because we were running for our lives.” HRW researcher Nadia Hardman said “Saudi officials are killing hundreds of migrants and asylum seekers in this remote border area out of view of the rest of the world,” according to a statement. “Spending billions buying up professional golf, football clubs, and major entertainment events to improve the Saudi image should not deflect attention from these horrendous crimes,” she said. A Saudi government source told AFP that the allegations were unreliable. “The allegations included in the Human Rights Watch report about Saudi border guards shooting Ethiopians while they were crossing the Saudi-Yemeni border are unfounded and not based on reliable sources,” said the source, who requested anonymity. The New York-based group has documented abuses against Ethiopian migrants in Saudi Arabia and Yemen for nearly a decade, but the latest killings appear to be “widespread and systematic” and may amount to crimes against humanity, it said. Last year, United Nations experts reported “concerning allegations” that “cross-border artillery shelling and small-arms fire by Saudi Arabia security forces killed approximately 430 migrants” in southern Saudi Arabia and northern Yemen during the first four months of 2022. In March that year, repatriation of Ethiopians from Saudi Arabia began under an agreement between the two countries. Ethiopia’s foreign ministry said about 100,000 of its citizens were expected to be sent home over several months. The HRW report said there was no response to letters it sent to Saudi officials. But the Huthi rebels who control northern Yemen alleged “deliberate killings of immigrants and Yemenis” by border guards, in response to a letter from HRW. According to the rights group, migrants said Huthi forces worked with people smugglers and would “extort” them or keep them in detention centres where they were “abused” until they could pay an “exit fee”. The Huthis denied working with people smugglers, describing them as “criminals”. In 2015, Saudi officials mobilised a military coalition in an effort to stop the advance of the Iran-backed Huthis, who had seized the Yemeni capital Sanaa from the internationally recognised government the previous year. Yemen’s war has created what the UN describes as one of the world’s worst humanitarian crises, with millions dependent on aid. Many of the abuses described by HRW would have occurred during a truce that took effect in April 2022 and has largely held despite officially expiring last October. The HRW report draws from interviews with 38 Ethiopian migrants who tried to cross into Saudi Arabia from Yemen, as well as from satellite imagery, videos and photos posted to social media “or gathered from other sources”. Interviewees described 28 “explosive weapons incidents” including attacks by mortar projectiles, the report said. Some survivors described attacks at close range, with Saudi border guards asking Ethiopians “in which limb of their body they would prefer to be shot”, the report said. “All interviewees described scenes of horror: women, men, and children strewn across the mountainous landscape severely injured, dismembered, or already dead,” it said. Other accounts described forced rape and beatings with rocks and iron bars. HRW called on Riyadh to end any policy of using lethal force on migrants and asylum seekers, and urged the UN to investigate the alleged killings. Additional sources • AFP Qaran News
  14. Guddoomiyaha Gabiley oo Bogaadiyay Hoggaanka Cusub Ee KULMIYE Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Gobolka Gabiley mudane Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye ayaa Hambalyeeyay Ma’suulyiinta Lagu Doortay Shirka 8aad ee Golaha Dhexe Xisbiga Kulmiye. Ugu horayn wuxuuu bogaadiyay hanaanki uu u qabsoomay shirka xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye ee lagu qabtay magaalada Burco. Intaasi ka dib wuxuu Hambalyo iyo duco iskugu daray Musharaxa Madaxweynaha iyo Murashaxa Madaxwayne ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ahna madaxweynaha JSL ee Hada talada Dalka haya iyo Mudane Maxamuud Xasan (Saajin). Dhinaca kale wuxuu Hambalyeeyay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo dhamaantood lagu doortay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta lagu soo gaba-gabeeyey magaalada burco Waxaanu alle uga baryay in xilkaa alle ku asturo Iyo Mas’uuliyaddaa ay qaadeen Maanta Guul Iyo Gobonimo ayaa u soo hoyatay taagerayaasha Xisbiga kulmiye iyo guud ahaan Shacabka Somaliland. Qaran News
  15. Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay Fadeexada KULMIYE ka Raacday Maayarkii ay Hafreen Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Warfaafinta XIsbiga WADDANI Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, ayaa sheegay in la bartay wax uu ku tilmaamay beenta Xukuumadda, kadib markii ay ka been sheegeen Maayar Cabdikariin Axmed Mooge oo ay tilmaameen inuu ku jiro liiska golaha dhexe ee KULMIYE. Xoghaye Galaal oo caawa qoraal soo saaray waxaanu is weydiiyay sida Xukuumadda KULMIYE loo rumaysan karo haddii ay ka been sheegayso masuul xaadir ah oo dalka ku sugan. Qoraalkiisuna wuxuu u qornaa sudan:- “Beenihii toddobaadkan waxay Xukuumadda KULMIYE ku dareen maayar Cabdikarim Axmed Mooge oo xay ah in ay hafraan oo ka been abuuraan. Maayarku si cuddoon ayuu arrintaa uga jawaabay isla markaasna Xukuumadda Muuse Biixi u qaawiyey. Sidee markay xaaladaha adag ee uu dalka jiro ama masiirka, mustaqbalka iyo hantida dalka ka hadlaan loo rumaysanayaa? Xaqiiqadu waa xukuumaddan Kulmiye shacabweynaha JSL wey ka aaminka baxeen. Dibna wax looga qori maayo. Khilaafka siyaasadeed waxa keenay doorashooyinkii ay sannadkii hore is daba mariyeen. Khilaaf siyaasadeedkaa bulshadii bay kala irdheeyeen dalkiina way kala dhantaaleen. Waxay arrintaasi ahayd qorshe ay xukuumadda Kulmiye ugu talo gashay. Iminkana Muuse Biixi hadalkiisa gole-ka-fuulka ee uu fagaarayaasha isla soo taago waa hadal khilaafka iyo dhibaatooyinka taagan sii hurinaya.” Qaran News
  16. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu maalinimada Khamiista isu dhiibi doono masuuliyiinta gobolka Georgia. Sababta ayaa lagu sheegay si loogu soo oogo dacwado la xidhiidha, inuu si sharci darro ah u maleegay tallaabooyin uu doonayey inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee dhacday sannadkii 2020, taasi oo uu ku guul daraystay. “Ma rumaysan karaysaan inaan Khamiista aadayo Atlanta, Georgia, si lay xidho,” ayuu bartiisa internetka ku soo qoray madaxweyne Trump, saacado uun ka dib markii maxkamaddu ay sheegtay in Trump lagu sii dayn doono dammaanad lacageed oo gaadhaysa $200,000, kadib marka uu maxkamadda iska soo xaadiriyo. Sarkaal ka tirsan xafiiska booliska ee degmada Fulton ayaa u sheegay warbaahinta galabnimadii Isniinta, in marka Donald Trump uu isa soo xaadiriyo in guud ahaan la xidhi doono agagaarka xabsiga weyn ee degmadaas. Sida ku cad waraaqaha maxkamadda ka soo baxay, waxaa Trump laga mamnuucay inuu u cago-jugleeyo dadka qaybta ka ah dacwaddan, markhaatiyada ama dhibbanayaasha. Sidoo kale waxaa laga mamnuucay inuu u adeegsado warbaahinta bulshada, sida ku cad is-afgaradka dhex maray dacwad-oogaha degmada Fulton, Fani Willis, Garyaqaanada Trump iyo Garsooraha gacanta ku haya kiiskan. The post Trump oo isu-dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  17. Moscow (Caasimada Online) – Dayax gacmeed lagu magcaabo Luna-25 oo Ruushku leeyahay ayaa ku dul burburay dayaxa dushiisa, sida ay sheegtay wakaaladda sahanka hawada sare ee Ruushku. Wakaaladda ayaa sheegtay in si aan hore loo sii saadaalin uu u dhaqaaqay dayax-gacmeedku, ka dibna la waayay isgaadhsiintii lagula xidhiidhayey, isaga oo ugu dambayn ku dhacay oogada sare ee dayaxa. Sabtidii ayay ahayd, markii ay wakaaladda sahanka sare ee Ruushku ay sheegtay inay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd dayax-gacmeedka. Aaladan loo diray hawada sare ayaa loo qorsheeyey inuu ku dego cidhifka koonfureed ee dayaxa, maalinnimada Isniinta, iyada oo la filayo in toddobaadkan dhammaadkiisa uu isna dayaxa gaadho, dayax-gacmeed kale oo laga leeyahay dalka Hindiya. Saynisyahannada ayaa aad u xiisaynaya inay xog badan ka helaan cidhifka koonfureed ee dayaxa, iyaga oo aaminsan inay suuro gal tahay in halkaas laga helo biyo. Biyahaas ayaa la sheegay in mustaqbalka loo isticmaali karo in loo bedelo hawo ay isticmaalaan cirbixiyeenadu iyo weliba shidaalka ay ku shaqeeyaan gantaallada xambaara dayax-gacmeedada. Dayax-gacmeedkii ugu dambeeyey ee Ruushku uu dayaxa u diro ayaa ku beegnayd sannadkii 1976, xilligii uu dalkaas ka talinayey Midawgii Soofiyeeti. Warbixinadan waxaa laga soo kala xigtay AP iyo Reuters + VOA. The post Xogta dayax-gacmeed Ruushka leeyahay oo ku dul burburay… appeared first on Caasimada Online.
  18. Hargeisa (HOL) - Hargeisa's Mayor, Abdikarin Ahmed Mooge, has refuted claims that he joined Somaliland's ruling party, Kulmiye. This comes after the party announced on three separate occasions that Mooge had become a member. Source: Hiiraan Online
  19. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay sii wadaan weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ee ka hawlgala Gobolada Dhexe. Diyaaradaha dagaalka oo dhanka hawada ka taageeraya Ciidanka Xoogaga Dalka iyo kuwa deegaanka ee hawlgalka ka wada Gobolka Galgaduud ayaa garaacaya bartilmaameedyo ku yaala qaybo ka mida goobaha ay maleeshiyadu kaga sugan tahay gobolkaasi. Wararku waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee dalalka Mareykanka iyo Turkiga ay maalmihii ugu dambeysay duqaynta ugu badan ka fuliyeen Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan. Diyaaradaha ayaa la sheegaya in ay beegsanayaan goob kasta oo la soo sheego in dhaqdhaqaaq ka wadaan maleeshiyada Shabaabka, xitaa marka ay noqoto dhanka Gobolada Koonfureed. Gobolka Galgaduud oo kale dhulka miyiga iyo hawdka ay ciidamada ku baahayaan ayaa waxaa jira duqaymo si is daba joog ah looga fuliyo, isla-markaana aanay Warbaahintu sheegin, xitaa tan Dowladda Federaalka. Weerarada cirka ayaa la sheegay in ay xakameeyeen dhaqdaqaaqyadii maleeshiyada, taas oo ciidamada fursad u siineysa in ay si mug leh isugu fidiyaan dhulka la doonayo in laga sifeeyo kooxaha argagixisada. Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Shabaabka Gobolada Dhexe ay ka cabanayaan duqaymaha iyo guuxa diyaaradaha ee sida joogtada ah u dul wareegaya deegaanada ay gacanta ku hayaan. Sidoo kale tani ayaa la sheegaya in ay qalqal xoog leh ku hayso Shabaabka difaaca adag kaga jira deegaanada Wabxo iyo Cowsweyne, oo ay ka difaacayaan Ceelbuur iyo Galhareeri. Cowsweyne iyo Wabxo waxay bilow u yihiin gulufka la maagan yahay in lagu soo xero geliyo labadaasi magaalo, oo Shabaabka hubeysani ay muddo dheer ka arriminayeen. General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shacabka ugu baaqay in iyaga, carruurtooda iyo xoolahooduba ay ka fogaadaan dhulka ay ku sugan yihiin Shabaabka la doon-doonayo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku goodiyay in dowladdiisu ay maleeshiyada Al-Shabaab ka dhigi doonto kuwo beylah ah. The post Maxay tahay arrinta ay ka nuuxsan la’yihiin Shabaab-ka Gobollada Dhexe? appeared first on Caasimada Online.
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta heerarka kala-duwan ee dowladda ku matala Galmudug. Madaxweynaha ayaa dhinacyada uu la kulmay kala hadlay si loo dar dar gelin lahaa abaabulka howgalka ka billowday Galmudug ee dhammeystirka wejiga koowaad ee xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan-lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso Galmudug. Xasan Sheekh ayaa odayaasha iyo siyaasiyiinta u cadeeyey inay ka go’antahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan dhibaatooyinka nololeed, amni iyo horumar la’aan, isla markaana laga dulqaadi doono shacabka muddada dheer afduuban kooxda Al-Shabaab. Kulankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta kooxda Al-Shabaab laga xoreeyey deegaano badan oo Wabxo ay ku jirto, kuwaas oo hoos taga magaalada muhiimka ah ee Ceelbuur. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Caanood ayaa xaqiijiyey xoreynta Wabxo, isagoo sheegay in howlgalku uu si taxadar leh ku socdo. Caanood ayaa sheegay inay saacadihii lasoo dhaafay isisoo dhiibeen maleeshiyaad badan, isagoo kuwa weli dagaalamaya ugu baaqay in naftooda aysan haligin oo ciidanka qaranka ay isku dhiibaan. Sidoo kale Jeneraal Caanood ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay leeyihiin awood dhameystiran oo Al-Shabaab ay kaga xorey karaan deegaanada ku haray gacantooda, ciidanka qaranka ayuu sheegay inay heystaan diyaarado duqeymo ka fuli kara meel kasta. The post Sawirro: Kadib xoreyntii Wabxo Xasan Sheekh oo isugu yeeray odayaal iyo siyaasiyiin appeared first on Caasimada Online.
  21. A country with no an independent judiciary cannot fight political corruption Show trial: Judges in a Mogadishu courthouse listening to a prosecutor. Kismaayo (Commentary) — In Mogadishu anti-corruption show trials are going on. It is a plot to mislead the International Community into thinking that the Federal Government of Somalia is serious about fighting corruption. The time-frame for fighting corruption is baffling: President Hassan Sheikh Mohamud authorised the investigation of cases dating back to 2018 during the tenure of his successor-predecessor President Mohamed Abdullahi Farmajo. How can an incumbent President whose extended family members have business interests in Mogadishu preach citizens in a Villa Somalia mosque about fighting corruption? What helps the rhetoric of President Mohamud to remain unchallenged is the history of dispossession and looting associated with Mogadishu since 1991. More than 30% of Mogadishu buildings in Hodan, Wardhiigley, Hawlwadaag, Towfiiq have been built on illegal plots of land. Public and private properties of “resident clans” (i.e. ku dhashay) have been occupied by powerful, local clan militias. The national assets committee formed by President Mohamud has members including Abshir Huruse, the Somali Foreign Minister, who hails from Puntland and who does not belong to any of the militias that carved up Mogadishu into clan fiefdoms (aagag) in 1991. A journalist in Mogadishu commented on the so-called anti-corruption trials in Mogadishu thus: “When a thief becomes a judge of a case involving theft, it is like injustice being given a new lease of life.” A government worker’s bank account has been investigated. More than 1000,000 dollars are in his bank account. How he obtained that amount of money despite earning a monthly salary 800% less than the money in his bank account is puzzling. How the federal government prosecutors found access to the suspect’s bank is arguably dubious. An MP in Mogadishu told me over the phone that “The Federal Government can frame up its critics by intimidating the banks to plant evidence in bank accounts.” President Hassan Sheikh Mohamud feigns anti-corruption sentiments in a country with no an independent judiciary. The approach to investigating corruption is political in nature, rather than legal. President Hassan Sheikh Mohamud delivers Friday sermons in a Villa Somalia mosque to castigate corrupt officials, but shows a fundamental misunderstanding about the nature of political corruption in Somalia. A country with no independent judiciary cannot investigate corruption. No President or Minister declares his/her assets to assume the responsibility of a public office. If a President stands in a mosque and talks about corruption, he is impersonating the leader of an autocracy, all the more damaging to the national image if the President’s family benefited from the public office. Recently President Mohamud said that his family members had the rights of citizenship and could not be prevented from working for the government. The principle of conflict of interests trumps any rights the members of the President’s extended family to seek employment from the government. In Mogadishu a businessman’s source of wealth is openly debated. Wealth generated from food diverted from drought victims or money embezzled from a Ministry but invested in the venture of a businessman are examples about rampant corruption that thrives on pretence to fight corruption: Somali politics need to be cleansed of former business people who joined politics and a politician with commercial interests who use the public office for private goals. Since Mogadishu is a city unable to shake off the dispossession stigma of the 1990s , no local politicians can challenge the President to come clean on his record of amassing public wealth during his first term in office (2012-2017). The donors will not fall for the diversionary tactics of the Federal Government of Somalia. Ali S. Aweys is a former employee of the Central Bank of Somalia. The post Anti-corruption show trials in Somalia are a diversionary tactic appeared first on Puntland Post.
  22. Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Musharxnimada Madaxwyne Ee Ciro & Biixi Taariikhda dib u milicso oo ku laabo shirwaynihii u dambeeyay ee xisbiga Wadani, waqtigaas oo xisbiga oo wali ku guda jira 10-kiisii sano ee xisbi-nimo waxa uu doortay Musharaxa Madaxwayne & Madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Wadani & Godoomiyaha Xisbiga iyo ku xigeenadiisa. Talaabadaas sharciga waafaqsan ee lagu doortay Musharax Ciro, waxa ay waran ku noqtay Madaxwayne Biixi waxana uu geed dheer u fuulay in uu dimuquraadiyadaas uu ku talaabsaday Xisbiga Wadani uu mijo xaabiyo, sharcigana qiil aan jirin uga baadho, waxana uu ku soo afmeeray Madaxwaynuhu dadaalkiisii xisbiyada sharciyadoodii way dhamaatay, xaqna uma laha in Musharixiin la sii doorto. Taas waxa daliishii u dambaysay u ah hadalkii shalay ee Madaxwayne Biixi ee uu yidhi dalku wuxuu galayaa doorashadii ururda siyaasada, xisbiyaduna ay aqbalaan xaqiiqda ah in sharciyadoodu dhacday oo ay ururo yihiin. Intaas kadib maanta, shirkii ururka Kulmiye ee Burco ka dhacay isla Madaxwayne Biixi ayaa loo doortay musharax ururkiisa Kulmiye iyo ku xigeenkiisa, waxana aad moodaa in uu dib u qaaday jidkii uu qaska iyo qiyaanada ku tilmaamayay shalay ee uu ku dhaliilayay Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro. Midase mudan in iftiimiyo ee ay ku kala duwan yihiin Musharax Ciro & Musharax Biixi ayaa ah in Ciro musharax loo doortay isaga oo xisbi matala, halka Biixi la doortay isaga oo urur siyaasadeed matalaya, talaabada uu qaadayna ay tahay aan loo haynin daliil sharci oo ogolaanaysa in urur siyaasadeedyadu ay doortaan musharixiin madaxwayne & kuxigeen. Shacabka Somaliland ayaa hadaba is waydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin, yaa urursiyaasadeedka kulmiye ee musharixiinta doortay u damaanad qaaday in ay ka soo gudbayaan tartanka si ay u noqdaan xisbi?. Maxaa loo xajiimeeyay dimuquraadiyadii uu Wadani sameeyay ee uu hogaanka xisbiga & Musharxiinta Xisbiga ku doortay?. Maxaase maanta keenay in Kulmiye dib u qaado jidkii uu ku dhaliilayay Wadani. Xaalka sidaas ah Shacabka reer Somaliland way dareensan yihiin in Kulmiye gaf & meelkadhac u gaysanayo caqliyada shacabka, balse aan laga qaadanayn taas loogana baahan yahay in ay is waafajiyaan is diidooyinkan ay is barbar wadaan ee kala ah: • “Xisbiyadii way dhaceen” IYO MAYEE “Kulmiye waxa uu wareejiyay hogaankii xisbiga” • “Dalka ururo-siyaasadeed ayaa ku tartamaya” IYO MAYEE “Kulmiye wuxuu isaga oo urur ah doortay musharixiin aanay xaq u lahayn inay doortaan urur-siyaasadeedyada kale” . • “Musharxnimadii Cabdiraxmaan Ciro ee xisbiga waa lagu dagdagay” IYO MAYEE Musharxnimada Muuse ee isaga oo urur ah waa mid sax ah” Gudnaanadkuna waxa uu yahay shaqriga dalka ee aan samaysanay qofna kama wayna, dadka reer Somaliland-na waxa ay diyaar u yihiin in doorasho la galo, doorashadaasna ay noqoto mida go’aaminaysa mustaqbalkooda, sidaas hadii ay tahayna Madaxwayne Biixi iyo Hogaanka Kulmiye iyo cid kale toona laga yeeli maayo in ay dalka ka dhigaan tukaan ay leeyihiin oo ay sidii ay doonaan u dhigtaan. Dulucduna waxa ay tahay “dadka reer Somalilandse waa ka daaleen harardaamooyinka Kulmiye, maantana waxay diyaar u yihiin Isbedel” W/Q: Wasiir hore Axmed Muumin Seed Aragtidaada ? Qaran News
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Ciidanka Qaranka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud oo ah magaalo aad muhiim u ah, kuna taala meel istaraatiiji ah. Ciidamada ayaa hadda kawada magaalada hawlgal lagu xaqiijinayo Amniga, maadaama ay in dhowr sano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. “Khawaarijta ayaa isku dayday inay difaacdaan Wabxo waxaana dagaal ka dhacay meel sideed KM u jirta magaalada lagu jabiyay khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda oo soo xiraneyna wasaaradda gaashaandhigga. Ciidamada Qaranka iyo dad deegaanka ee iskaashanaya ayaa sidoo kale la wareegay deegaano balaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale iyo Goobo kale oo Galgaduud ka tirsan. Deegaanadan ayay ciidamada ka sifeyeen kooxda Al-Shabaab, waxaan hadda gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Waana qeyb kamid ah howl-gallada sifeynta ah ee ka socda deegaannada ka tirsan Galmudug. Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidamada huwanta, waxaana ciidamada ay kooxda ka sifaynayaan dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen. Howl-galkaan ayaa imaanaya xilli ciidamadii toddobaadyadii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Dhuusamareeb ay jihada bari kaga dhaqaaqeen magaalada Ceelbuur. The post Ciidanka DF oo dagaal kula wareegay magaalo istaraatiiji ah appeared first on Caasimada Online.
  24. Beesha Qaasim Isaxaaq oo Bayaan Culus ka soo saaray Hargeysa Hargeysa(Qaran news)- Shirweynaha Beesha Qaasim Isaxaaq ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay qabato doorashada madaxtooyada ama la is raaciyo labada doorashaba. Beesha Qaasim waxay bayaan ay ka soo saareen shirweynahooda, ku sheegeen in khilaafka jiitamay ee dalka ka jira ay sababtay doorashada madaxtooyada ee dib u dhacday. Beeshu waxay intaas ku dareen in aan furin dagaal laga dhigin deegaamada ay degaan ee Cadaadlay iyo Sabowanaag, waxayna sheegeen haddii halkaas dhibi ka dhacdo ay la mowqif yihiin beelaha West Burco Clan. Waxa kaloo ay sheegeen inay soo dhaweynayaan ciddii wada horumarka Caasimada. Qaran News
  25. Maayarka Caasimada oo Sheegay inuu la Yaabay Sababta KULMIYE ugu darsadeen Golaha Dhexe Hargeysa(Qaran news)- Maayirka Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge ayaa shaaciyay in aanu ka tirsanayn xisbiga KULMIYE, isla markaana aanu doonayn in uu dhexgalo siyaasadda. Maayar Mooge wuxuu sheegay inuu la yaabaycin xisbiga KULMIYE laba jeer iska xaadiriyaan qof aan ku jirin xisbigooda. Maayarku wuxuu intaas ku daray inuu wakhti iyo culay geliyo shaqadii loo doortay ee horumarinta Hargeysa. Maayarka oo u warramayey Galaydh Media, wuxuu sheegay inuu ka tirsan yahay xisbiga WADDANI balse aanu wakhti gelinin inuu ka shaqeeyo xisbigaas. Cabdikariim Axmed Mooge wuxuu tilmaamay haddii uu xisbi geliyo in dhaqdhaqaaqiisa laga dareemi lahaa, hase ahaatee aanu ahayn qof si fudud xisbi ugu biiri kara. Qaran News