-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mareykanka ayaa sheegay in bisha soo socota uu bilaabi doono tababaridda duuliyayaasha Ukraine ee la qorsheeyay in ay ku howlgalaan diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaanno F-16,si loo xoojiyo difaaca hawada ee dalkaasi. Duuliyayaasha ayaa la geyn doona dalka Maraykanka bisha Sebtembar halkaas oo ay marka hore baran doonaan luuqada English-ka ka hor inta aysan bilaabin tababarkooda ku saabsan sida loo duuliyo diyaaradaha heerka sare ee F 16. Afhayeenka Pentagon, Pat Ryder oo ka hadlayay Washington DC Khamiistii, ayaa sheegay in tababarka Texas iyo Arizona ay ka qeybgali doonaan dhowr duuliye iyo darasiin shaqaale ah si ay u ilaaliyaan diyaaradahaasi. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo la hadlay khamiistii dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageeridda difaaca Ukraine ee ka dhanka ah waxa lagu qeexay gardarrada Ruushka. Tallaabadaan ayaa waxa ay balaarineysaa qorshayaasha xulafada Yurub, gaar ahaan dalalka Denmark iyo Nederland ay ku doonayaan in ay diyaarado u diraan UKrine,iyadoo Dalka Norway uu sheegtay in ay diyaarado dagaal siin doonto dalkaasi. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo duuliyaal u tabaraya dowladda Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Atlanta (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa laga sii daayay xabsiga Fulton County ee magaalada Atlanta. Trump ayaa lasii daayay ku dhawaad 20 daqiiqo oo uu halkaas ku jiray, kadib markii lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriiran isku daygii uu ku doonayay in uu ku baabi’iyo guul-daradii dib u doorashadiisa 2020-ka ee doorashadii gobolka Georgia. Waxa uu yimid xabsiga wax yar kadib 7:30 p.m saacadda magaalada Atlanta, iyda oo halkaas looga qaaday sawirka laga qaado maxaabiista, kaas oo kaddibna la shaaciyay. Waa markii afaraad oo Trump la xiro shantii bilood ee la soo dhaafay. Trump ayaa la sii daayay iyada oo la sugayo dacwadda kadib markii uu dhigay lacag dhan $200,000 oo ay qareennadiisu horraantii toddobaadkan ay kala xaajoodeen xeer-ilaaliyaha degmada Fulton Fani Willis. Ka hor inta uusan raacin diyaaraddii ka qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Atlanta, waxa uu si kooban ula hadlay warfidiyeenka, isaga oo ka hadlay xarrigiisa. “Wixii halkan ka dhacay waa caddaalad darro, wax khalad ah ma sameyn, qof walbana waa ogyahay,” ayuu yiri Trump. “Wax khalad ah ma sameynin gabi ahaanba, waxaanan xaq u leenahay, xaq kasta, inaan ka hortagno doorasho aan u aragno mid aan daacad ahayn,” ayuu Trump ku daray. Wuxu diiday inuu ka jawaabo su’aalo ay saxaafaddu waydiisay. Ma jiro madaxweyne hore oo Maraykan ah oo lagu soo oogay dambiyo, laakiin Trump ayaa hadda wajahaya 91 dacwadood oo ka kooban eedeeymood ee lagu soo oogay falkii uu ku kacay kahor intii lagu jiray iyo kadib markii uu xilka madaxtinimo ee dalkaasi dhammaaday horraantii 2021-ka. The post Donald Trump oo xabsiga laga sii daayay kadib markii uu bixiyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta tababar usoo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan jirin meel looga laabanayo dagaalka Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin meel dhexe oo laga istaago dagaalka ka socda dalka, uusan jirina qof ka noqon kara dhex, maadaama ay is hayaan xaq iyo baaddil, sida uu sheegay. “Meel looga laabanayo dagaalkan majiro, Soomaaliya waxay gaartay xilligii ay iska xoreyn laheyd cadowga, marka cadowga ha kamid noqon haddaa shalay kamid aheyd iskaga imo. Hal saac gudaheed ayaa adiga oo cadow ah ayaa maanta xabiibka dalka noqon kartaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza oo markale farriin u direy dhalinyarada weli ku harsan Shabaab. “Ciidamada Soomaaliyeed ee mujaahidiinta waxaa leeyahay Jihaad ayaa ku jirtaan, Jihaadkana waxa uu leeyahay aaddaab iyo akhlaaq haddii aad qabataan oo isku soo dhiibaan waxaa la idinka rabaa dhaqan suuban, soo dhoweyn iyo ixtiraam aad ixtiraameysan nafta bini’aadanka, xuquuqda iyo inay Soomaali yihiin kusoo dhoweysaan.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray ciidanka in si geesinnimo leh oo naxariis laheyn ay ula dagaalaman Shabaabka diida inay isa soo dhiibaan, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, uuna madaxweyne Xasan Sheekh uu dhameystirka wejiga hore u jooga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. “Jihaadka maanta socda ma ahan mid shaqsi, qolo iyo koox midna ma ahan, waa xaq iyo baaddil is haya oo dhex-dhexaad lagama noqon karo, waa in af iyo addinba lagu garab istaaga dadaalka uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo loogu jiro sidii dalka looga xoreyn lahaa cadowga dalkeena.” Sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay door shariif ah ka qaatan dagaalka, isaga oo si gaar ah shacabka caasimada ku booriyay inay cadowga ka feejignaadan oo si joogta ah ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka. “Shacabka degan caasimada Muqdisho waxaa laga rabaa inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, waxaa ku jirnaa xilli dagaal, haddii furimaha looga adkaaday waxay doonayaa in caasimada qalqal ka abuuraan, waxaa la rabaa inay soo sheegaan waxay ka shakiyaan oo amniga laga wada qeyb qaato.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo XAMZA: Ma jirto meel dagaalka looga laabanayo, mana jiro qof ka noqon kara… appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa kooxda Al-Shabaab ka xoreeyay deegaan muhiim u ah qorshaha kooxda looga saarayo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa waxay si buuxda ula wareegeen tuulada Dac oo qiyaastii 17 KM u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamada Qaranka oo ku jira howl-galka sifaynta Al-Shabaab ayaa galabtii si buuxda u sugay amniga Dac oo laga cayriyay dagaal-yahaanadii halkaas ku sugnayd mudada dheer. Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa intaas kusii daraya in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada huwanta ah ee ku jira dagaalka, sidoo kale waxaa nabdoon shacabka deegaanka. Qabashada Dac ayay dowladda ku tilmaamtay inay tahay tallaabo wayn oo loo qaaday soo afjarista dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ah ee ku harsan dowlad-goboleedka Galmudug. Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidan oo kale maalmihii lasoo dhaafay la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne ee gobolka Galgaduud. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saddex jiho ka kulaalaya Ceelbuur, iyada oo qorshuhu yahay in maalinta berri gudaha loo galo magaaladaas. Ceelbuur ayaa kamid aheyd magaalooyinkii lagu qabtay howl-galkii Badweynta Hindiya ee muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo qeyb ka ahaayeen AMISOM, waxaana bishii March 2014 la wareegay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda oo is garabsanaya. Hase ahaatee, Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay April 2017, markii ay ka baxeen ciidanka AMISOM ee Itoobiya ka socday iyo ciidanka dowladda. Waxaana xusid mudan in sagaal sano kadib gulufka lagu qabanayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ay keli ku yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo iska kaashanaya. The post Ciidanka DF oo Shabaab ka saaray deegaan muhiim u ah qabashada Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.
-
Yaasiin Faratoon waa hawlgab ka dambeeya duqeynta Laascaanood lagu hayo. Dhalasho Biritish ah ayuu haystaa. Cabdulqaadir Axmed Aw Cali, hogaamiyaha SSC-Khaatumo, wuxuu xilka la wareegay xilli dagaalka Laascaanood uu lix billod jirsaday. Lixbillod ka diib markii dagaalka Laascaanood billowday waxaa soo baxday in Soomaaliya dagaal sokeeye oo baahsan ay weli u nugushahay, in dowladda federaalku ka hiillisay dadka oo magaaladoodu uu duqeynayo maamul ku doodaya inuu soo xirayo xudduudkii Ingriiska iyo Talyaaniga u dhexeeyey kuna tilmaamaya dadka Laascaanood argagaisixo. Marnaba Ra’iisal Wasaare Xamse ma beenin doodda Muuse Biixi in dadka Laascaanood ku sugan kana soo horjeeda xoogagga goosasho-doonka yihiin ay yihiin argagixiso. Magacaabista Cabdulqaadir waxay ku soo beegantay xilli Yaasiin Fatatoon loo magacaabay afhayeenka baarlamaanka maamulka Somaliand. 2003 ayuu Faratoon Yagoori keenay ciidan Somaliland ah. Xilligaas Puntland kama hadlin ciidanka halkaas la keenay oo markii dmabe soo gaaray Adhicadeeeyye (uu dagaal ka dhacay 2004) ka hor inta aysan Somaliland qabsanin Laascaanodo 2007, iyo Tukaraq 2017. Yagoori waa meesha ciidanka Somaliland sahaydu u soo marto kuna sugan yahay Mahad Cambaashe oo weli ka rajaqabao in Somaliland uu ku soo hoggaamin karo Laascaanood. Dagaalka Laascaanood saamayn aan la filayn ayuu yeeshay; Somaliland waxay ka soo baxday dhul aad u weyn, laga soo billaabo Boocame, oo ciidankeeda ku ururisay Goojacade si ay Laascaanood u duqeyso maadaama aysan fursadihii ay markii hore Laascaaood ku qabsatay meesha oollin hadda. Cadaadis ba’an ayaaa saaran Cabdulqaadir waayo Somaliland dhulka keliya ay kaga sugan tahay waa dhulka beeshiisa, waxayna ku joogtaa taageerada Faratoon oo sheeganaya inuu metelo Laascaanood. Faratoon waa dhowr iyo toddobaatan jir hawlgab ah oo dowladda Biritayn ay taakulayso laakiin Waqooyiga Soomaaliya hadda ugu sugan inuu dagaalka sokeeye sii socdo. Isaga iyo horgalayaasha kale ku sugan Hargeysa way kala xiriir-furteen waayo waxay ku doodeen in markii horeba caaglayaasha Mahad Cambaashe ay Laascaanood joogeen. Markii ciidammada Somaliland Laascaanood laga saaray billowgii Janaayo 2023, Mahad Cambaashe wuu ku dhiirran waayay inuu ciidankiisa ku fidiyo Laascaanood waayo awoodo siman ayaa abuurmay markii ciidan badan oo hubeysan ay Laascaaanood soo galeen. “Uma babacdhigi karo ciidammada magaalada soo galay” ayuu Cambaashe ku yiri Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimmaha Gudaha maamulka Somaliland oo faray in caaglayaashu isku kala bixiyaaan magaalada si ciidammada Somaliland ugu soo noqon karaan Laascaanood. Markii dagaalku ka qaxay Laascaanood 6/2/203 ciidammada Somaliland waxay go’aansadeen inay magaaalada ka fogaadaan kaddibna ay ka baxaan Tukaraq oo ay 2018 kula dagaallameen maamulka Puntland. Markii hoggaankii 33 samaysmay Somaliland waxay ogaatay in dagaalku waji siyaasadeed oo hoggaan leh uu yeeshay, halka uu markii hore ka ahaa kacdoon. Dooddii Biixi in Laascaanood tahay meel Al-shabaab ku sugan tahay waxay noqotay mid beesha caalamku ku qanci weyday. Hoggaamiye Cabdulqaadir Aw Cali waa inuu dib u eego dastuurka SSC-Khaatumo. Dagaalka Laascanood ma aha mid la filayay ama urur jira uu ka dambeeyay. Somaliland waxay ku tiirsanayn maleeshiyo beeleed markii dambe ka soo horjeesatay sida warbxintii Golaha Amaanka ee dhammaadkii Febraayo 2023 lagu xusay. Taasi macnaheedu waa Somaliland ma helayso maleeshiyo beeleed sidii hore ugu soo horgala Laascaanood. Way ku sii rafan karta muddo Goojacadde laakiin nidaamkeedu awood kuma yeelan doono Laascaanood iyo meelo kale. Waxaa la gudboon Cabdulqaadi Axmed Aw Cali inuu dib u eego dastuurka cusub ee SSC-Khaatumo soona jediyo in lagu daro in “kooxna ama qofna uusan dhulka SSC-Khaatumo (oo hadda Puntland si sharci ah uga mid ah) keeni karin ciidan maamul kale ka tirsan”. Dagaalka maanta socda inkastoo ay Somaliland waddo waa mid horgale ka dambeeyo, gaar ahaan Yaasiin Faratoon iyo kuwa la halmaala oo aan hadda badnayn. Waxyaabaha ka hortaagan Somaliland inay mar kale ku soo noqoto Laascaanood waa ku tiirsanaanta caaglayaashii Mahad Cambaashe oo intoodii hubka dhigi waysay lagu weeraray xeradii Guulwadayaasha ee Laascaanood. Shaqada u taalla hoggaamiye Cabdulqaadir waa inuu abaabulo qurbejoogga SSC ee UK si ay dowlada Biritayn ugu baraarujiyaan hawlaha qabqable Faratoon wado, iyo in lacagta canshuur-bixiyayaasha Biritishka loo adeegsado laynta dad rayid ah, burburinta guryo iyo cisbitaallo. Dowladda Biritayn mamar badan ayay Muuse Biixi ugu baaqday inuu ciidammadsiida la baxo laakiin wuxuu diiday. Siyaasadda dalka Biritayn waxay ku salaysan tahay Soomaali mid ah. Waa in dadka sida Faratoon oo kale ah taageeraya duqeynta Laascaanood lagu hayo la shaaciyo magacyadooda, haddii ay qurbaha deggan yihiin falalkooda loo gudbiyo dalalka magangalyada ama dhalashada siiyay. Dagaalka hadda socda waa mid u dhexeeya dadka SSC iyo horgalayaasha xaabada dagaal ka dhiganaya maleeshiyo beeleedka Somaliland. W.Q. Siciid M. Sheekh Cali, Laascaanood The post Sida Hoggaanka SSC u Soo Afjari Karo Horgalayaasha appeared first on Puntland Post.
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta tacsi u diray qoyska Yevgeny Prigozhin, kadib markii hoggaamiyaha kooxda Wagner uu ku dhintay diyaarad Arbacadii dhacday, oo aysan cidna ka badbaadin. Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa Reuters u sheegay in Washington ay rumeysan tahay in diyaaradda ay u egtahay in lagu soo riday gantaal gudaha Ruushka laga riday, inkasta oo ay sheegeen in xogtaas ay horudhac tahay, islamarkaana dib u eegis ay ku socoto. Labada sarkaal oo codsaday inaan la magacaabin, sooma bandhigin wax caddeymo ah. Baarayaasha Ruushka ayaa furay baaris dambi hase yeeshee weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Moscow uu ku saabsan waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo. Putin, oo jebiyey ka aamusnaantiisa dhacdadan, ayaa Prigozhin ku qeexay ganacsade xirfadle ah oo uu garanayey tan iyo sagaashamaadkii. Putin ayaa sidoo kale ku qeexay Prigozhin nin khaladaad sameeyey balse “ku guuleysta natiijooyin la taaban karo.” “Waxaan rabaa inaan tacsi dhab ah u yabooho qoysaska dhammaan dhibbanayaasha,” ayuu Putin ku yiri hadalka laga baahiyey taleefishinka, isaga oo dhacdada ugu yeeray “musiibo”. “Waxaan Prigozhin garanayey muddo dheer, tan iyo horraantii sagaashamaadka. Wuxuu ahaa nin qadartiisu adkeyd, wuxuuna sameeyey khaldaad badan, balse wuxuu ku guuleystay natiijooyin sax ah,” ayuu yiri Putin. Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in baaritaan lagu sameynayo dhacdadan. “Si buuxda ayaa loo fulin doonaa, waana la soo geba-gebeyn doonaa. Shaki kuma jiro arrintaas,” ayuu yiri Putin isaga oo hadlayey kadib kulan uu la yeeshay ninka ay Moscow madaxa uga dhigtay gobolka Donetsk ee Ukraine, Denis Pushilin. Xaaladda shilkan oo galaaftay nolosha qaar ka mid ah dadkii ku dhowaa Prigozhin, ayaa dhaliyay hadal-hayn caro leh oo ku saabsan suurta-galnimada ah in khaarajiyey. Reuters, AFP + VOA The post PUTIN oo ka hadlay geerida Prigozhin “Wuxuu sameeyey khaladaad badan balse…” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inuu la wareegayo geerashyada iyo guryaha laga soo tuuro ama lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa ee qalqal-gelinta amniga u adeegsato kooxda Al-Shabaab. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa sheegay in maamulka uu diiwaan-gelinayo dhamaan geerashyada iyo goobaha lagu xareysto gawaarida ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka gobolka uu diiwaan-gelin ku sameyn doona dhamaan guryaha aan la daganeyn iyo kuwa qabyada ah ee ku yaalla caasimada, taasi oo qeyb ka ah xaqiijinta amniga caasimada. “Iyada oo la fulinayo go’aamadii kasoo baxay shirkii uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre 22-kii August 2023, ee looga hadlayay dardar-gelinta iyo xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho, wuxuu maamulka gobolka Banaadir uu diiwaan-gelin ku sameyn doona dhamaan garaashyada la isticmaalo iyo kuwa aan la isticmaalin ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo goobaha lagu xareysto gawaarida, gaar ahaan degmooyinka iyo deegaanada dhaca fooraha magaalada sida; Kaxda, Dharkenley, Deyniile, Daaru-Salaam, Yaaqshiid, Garasbaaley, Heliwaa iyo Gubadley.” Waxa uu intaas kusii daray “Maamulka gobolka waxa uu diiwaan-gelin ku sameyn doona dhamaan guryaha aan la daganeyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo kuwa darbiyada ay ku wareejisan yihiin.” Sidoo kale waxa uu maamulka faray mulkiilayaasha garaashyada ku yaalla degmooyinka dhaca fooraha magaalada in aan laga dhex fulin karin falal lidi ku ah amniga caasimada, sida in wax laga soo dhex tuuro ama lagu farsameeyo waxyaabaha qarxa. “Mulkiilayaasha guryaha aan la daganeyn iyo kuwa darbiyada ku wareejisan waxaa looga digayaa in dhexdooda laga fuliyo falal lidi ku ah amniga, sida in wax laga soo dhex tuuro ama in lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa.” “Darbiyada ku wareejisan dhulalka aan deegaanka aheyn waxaa cidda mulkiyadeeda iska leh lagu wargelinayaa in darbigaas ka dheereyn karin hal mitir, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa iyo waxa dhexdiisa ka socda si aysan u dhicin in laga dhex fuliyo falal ammaanka qalqal-gelinaya.” Afhayeenka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in goobahaasi kor ku xusan haddii lagu dhex sameeyo arrimaha looga digay ee carqaladeynaya amniga caasimada, uu maamulka gebi ahaanba la wareegayo, ayada oo cidda mulkiyadda iska lehna lala tiigsan doono sharciga. The post Maamulka gobolka oo shaaciyay inuu la wareegayo goobo ku yaal Muqdisho haddii… appeared first on Caasimada Online.
-
Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo dhaawac rasaas ah u geystay Suldaan Mahad Caraj. Labada suldaan oo kamid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa waxa gacan kahadalkooda dhaliyey kadib markii ay warbaahinta hadalo isku waydaarsadeen. Waxa xusid muddan in Suldaan Saleebaan uu hore dhaawac madaxa ah ugu geysan Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland. Dhaawaca Suldaan Mahad oo ahaa mid sahlan kadib markii uu suldaan saleebaan Baaskoolad u adeegsaday. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadsa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun kasoo saartay kiis loo heystay xaasaska rag ka tirsan Al-Shabaab, kuwaa soo la horgeeyay maxkamadda, isla-markaana dhageysatay eedda loo soo jeediyay. Haweenkan iyo darawalka waday ayaa la qabtay 21-kii April ee sanadkan 2023-ka, xilli ay kasoo laabteen deegaanka Kunyo-barrow oo ay ugu tageen raggooda oo ka tirsan Al-Shabaab, waxay xilligaas kusoo dhaceen bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa NISA. Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen haweenkan ayaa laga helay agabka laga sameeyo qaraxyada, sida moobeelo, diinamooyinka dabka dhaliyo, biro iyo fiilooyin. “Gaariga Layla Calaawiga ah qalabka saarnaa wuxuu ahaa 69 moobeel oo niiclayaal ah, siddeed xirmo isteeg oo koola maastaro ah, 7 kashawiito, 5 bokis oo kaloofis ah oo marka waxyaabahaas la sameyn lahaa gacmaha la gashan lahaa ah, mid kamid diinamooyinka dabka dhaliya, biro iyo fiilooyin yar yar” ayuu yiri baaraha kiiska ee Maxkamada Ciidamada. Intaasi kadib maxkamadda ayaa sideedii August Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa Xukunka oo ugu dambeyn maanta soo baxay ayaa waxaa u dhacay darawalka baabuurka waday oo lagu magacaabo Yusuf Cali Nuune ayaa waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday. Sidoo kale maxkamadda ayaa go’aamisay in Muqdisho aysan ka bixi karin 5-ta haweenka ah muddo laba sana ah, taas o ah ilku haynta Boliiska, axayna kala yihgiin Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi Dhanka kale, maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Si kastaba, horay Maxkamadda Ciidamada ayaa sidaan oo kale u xukuntay haween iyo rag lagu helay inay la shaqeeynaayeen kooxda Al-Shabaab. The post Maxaa lagu xukumay xaasaska Al-Shabaab ee lagu qabtay gaarigii qaraxa siday? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo tababar ku qaaday Xerada Tababarka Ciidanka ee TurkSom. Xamza ayaa ka qayb-galay munaasabad si heer heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Kuliyadda Tababarka ee TurkSom, taas oo uu sidoo kale joogay safiirka Turkiga. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa u hambalyeeyay saraakiisha cusub ee la tababaray, wuxuuna kadib u jeediyay dardaraan culus. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xiritaanka tababarkooda uu ku soo aadey xilli muhiim ah oo uu dalku ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana baahi weyn loo qabo saraakiil dhalinyaro ah oo hoggaamisa ciidanka difaaca Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u howlgeli doonaan, isla-markaana looga baahan yahay inay u adeegaan dalka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed. “Waxaan idin-kula dardaarmayaa in aad si degdeg ah u howl gashaan isuna diyaarisaan in aad dalkiinna iyo dadkiinna ugu adeegtaan si daacad ah, qaybna aad ka noqotaan dadaallada dalka looga cirib tiraayo Khawaarijta.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza. Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay dib-u-dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareegga sugidda amniga dalka. Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga iyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiya taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan tababarrada ay siinayaan ciidanka X.D.S, isagoo u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyey dadaalka ay muujiyeen, una rajeeyay in ay kaalin wax ku ool ah ka geystaan dagaalka. The post Sawirro: Xamza oo tababar usoo xiray saraakiil cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Suldaan Saleebaan Habaar ayaa goordhawayd bastoolad ki dhuftay suldaan Mahad Cararj oo ka mid ah salaadiinta beesha Isaxaaq Carre. Toogashadan ayaa galabta ka dhacday Hudheelka Kaah oo ay isugu soo galeen labada suldaan. Ma cada ilaa hada waxa sababay isku daygan dil hase ahaatee waxa ay dadka qaar sheegayaan in toogashadaasi ay salka ku hayso shirar ay labada Suldaan iskaga soo hor jeedeen oo lagu kala qabtay magaalada Hargeysa kuwaasi oo midna xukuumadda lagu taageeraaya xaga Suldaan Mahad uu shirkaasi ka soo hor jeedsaday oo uu sheegay in aan ragaasi ayna matalin beeshiisa Labadan suldaan ayaa ka soo wada jeeda beesha Isaxaaq Carre Suldaan Mahad ayay wararku sheegayaan in uu dhaawac ka soo gaadhay lugaha mana cada ilaa hada xaaladiisu sida ay tahay in kasta oo ay wararka qaar sheegayaan in aanu halis ku jirin. Ciidanka booliiska ayaa goordhawayd xabsiga u taxaabay suldaan Saleebaan Habaar oo loo haysto toogashadaasi Suldaan Habaar ayaa hore weerar gacan ka hadal ah hore ugu gaystay xildhibaan Gurije Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tababar usoo xidhay ciidan cusub, kuwaasi oo dhameystay tababar muddo u socday. Ciidanka cusub ayaa dhan 530 (shan boqol iyo soddon) askari oo tababar ku dhammaystay dugsiga tababarka ee Madheera ee degmada Mandheera, waxayna iskugu jiraan boolis, asluub iyo dhallinyaro shaqo qaran ah. Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa sidoo kale waxay madaxweynaha hortiisa ku sameeyey gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayaan xirfadihii la baray muddadii ay carbiska ku jireen. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen gobollada Togdheer iyo Saaxil, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Abdaal ee degmada Mandheera. Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Abdaal oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada Mandheera, cuqaasha, waxgaradka iyo haldoorka bulshada ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kaga hortegay jihada bari ee magaalada Abdaal, iyaga oo safaf dhaadheer u taagnaa waddada dheer ee magaalada hormarta. Soo dhaweynta kaddib waxaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ay shacabkii soo dhaweeyey kala hadleen goob loo diyaariyey, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahad-naqayo shacabkii soo dhaweynta usoo baxay, lagagana sheekaynayo waxyaabihii ay xukuumaddu ka hirgelisay. Madax-dhaqameed deegaanka kasoo jeeda oo ay kamid yihiin Ugaas Caydaruus, Suldaan Shabcaan, Suldaan Cali Saleebaan, suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Chief Caaqil Khadar Jaamac Caarre oo halkaas ka hadlay ayaa shacabka reer Abdaal uga mahadnaqay soo dhaweyntooda, ayaga oo kula dardaarmay inay midnimadooda adkaystaan, horumarka degmadana u midoobaan. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray ayaa waxa uu kula dardaarmay bulshada degmada Mandheera inay nabadda iyo wada-jirkooda ilaashadaan, “Dhammaanteen waa inaynu nabadda iyo horumarka gacmaha isu qabsannaa, is jeclaanno oo wax wada qabsannaa.” The post Sawirro: Madaxweyne BIIXI oo tababar usoo xiray ciidan cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in weli ay xiran yihiin qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso, cabsi laga qabo darteed kooxda Daacish ee ku sugan dhulka baraleyda Galgala. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in arrintaan ay gooni u tahay shirkadaha ka shaqeeya qalabka dhismaha, kadib markii uu is faham waa soo kala dhex-galay iyaga kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay lacago ka qaado ganasatada Boosaaso. Muddo todobaad ah ayaa waxaa xiran xarumaha ganacsiga shirkadaha Towfiiq, Gufurre, Horseed iyo Oomaar, kuwaas oo albaabada la’isugu dhuftay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Saddex shirkadood ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan in la gubi doono xarumahooda, si lamid ah shirkadihii dhawaan lagu gubay magaaladaasi. Khilaafka soo kala dhex-gaay ganacstada iyo Daacish ayaa yimid, kadib markii ay kooxda ku amartay inay ganasatadu bixiyaan lacago canshuuro oo boqolaal kun oo dollar ah, haddii kalena ay la kulmi doonaan weeraro, hanjabadaas ayaana keenay inay xiraan mehradahooda. Lacagta ay Daacish ku soo rogtay goobaha ganacsiga ee hadda xiran ayaa u dhexeyso 300,000 illaa 500,000 oo dollar sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee saameynta ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga magaaladaas. Qaar kamid ah ganacsatada ay saameysay arrintaan ayaa sidoo kale shalay kulan la yeeshay maamulka gobolka Bari, iyaga oo u gudbiyay cabashadooda, si wax looga qabto, maadaama arrin ammaan darteed ay u xireen goobahooda ganacsi ee Boosaaso. Ma’aha markii ugu horreysay oo ay Daacish ay xirto ganacsiga Boosaaso, waxayna dhacday dhowr jeer oo hore, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi. The post DAACISH oo xirtay qaar ka mid ah ganacsiga Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha. Shirka ayaa waxaa ugu horreyntii lagu ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda. Xubnahaas ayaa kala ah Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow), Faysal Cabdulaahi Warsame iyo Maxamed Xasan Cumar. Sidoo kale golaha wasiirada ayaa maanta kulankooda ku meel-mariyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka. Golaha ayaa sidoo kale warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga mira dhaliyo hiigsiga 2060. Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo qaaday arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka. Wasiirada ayaa warbixin la xiriirta wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah Al-Shabaab ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Labada wasaaradood ayaa golaha la wadaagay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. Soomaaliya ayaa waxaa xilligan si dardar leh uga socdo guluf dagaal oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in lagu tir tiro Al-Shabaab. The post Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyay qaraar cusub iyo xubno ka mid noqonaya… appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in ganacsiga Boosaaso uu qarka u saaran yahay in uu xirmo kadib markii ay ganacsatada hanjabaado u jeediyeen kooxaha Argagixisada ah. “Waxaa nasiib darro aad u weyn ah in Ganacsigii waddanka uu qarka u saaran yahay in uu wada xirmo, iyada oo shirkadaha qaar ee ku yaala xarunta ganacsiga Dowladda Puntland ee Boosaaso ay u xiranyhiin hanjaabaadyo uga imaanaya Ururada Argagixisada ah” ayuu yiri Xasan Abgaal. Ex. Wasiir Xasan Shire ayaa xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni ku eedeeyay in ay ku fashilantay sugidda Amniga shacabka canshuur-bixiyaasha ah ee Boosaaso”Waxaa meesh ka baxay Dowladdii canshuurta qaadaysay iyo Laamhii Amniga ee loo xil saaray Ilaalita nafta iyo maalka Shacabka Puntland, taas oo ay sabateeda leedahay Xukuumadda wakhtigu ka sii dhammaanayo oo gabtay in ay bixiso mushaaraadka Ciidanka”. Siyaasigan ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay wajahayso xaalad hubanti la’aan ah oo isa saaran, Amnigii oo maraya meel khatar ah oo noloshii dadka iyo ganacsigii oo qiil qiil galay iyo Ciidankii iyo Shaqaalhii oo aan in muddo ah wax xuquuq ah aan qaadan. “Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa Shacabka Reer Puntland, Isimada Dhaqanka iyo Siyaasiinta Reer Puntland in muddada 4 bil ah ee Xukuumaddan u hartay aan dalka lagu fiirsan karin oo uu dalku nooga baahany yahay samata bixin deg-deg ah, iyada oo aan u jeedno daruufaha aadka u adag ee Amni, dhaqaalo xumo iyo hubanti la’aan ee uu wajahayo Dalku” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Xasan Abgaal oo sheegay in ganacsigii Boosaaso qarka u saaran yahay in uu xirmo appeared first on Puntland Post.
-
Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolkaasi, xilli ay soo kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada dowladda ka wadaan halkaasi. Xiisaddan ayaa timid, kadib markii ay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgal ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi. Howlgalladan ayaa si gaar ah uga socda aagga magaalada Wabxo, waxayna ciidamada Danab weerareen deegaanka Ceel Gumad Gaal oo u dhow magaaladaasi. Sidoo kale waxaa halkaas ka dhacay dagala u dhexeeyay ciidamada Danab iyo Xoogaga Al-Shabaab oo haatan dib loo sii raxayo, marka la eego gulufka ku socda ee Galmudug. Dagaalkan ayaa waxaa barbar socotay duqeyn iyo madaafiic lagu garaacay duleedka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan. Taliye ku xigeenka ciidanka kumaandooska Danab, Maxamed Sheekh oo ka hadlay howlgalldaas ayaa sheegay in duqeynta ay la eegteen saldhigyo ay Al-Shabaab ka difaacayaan degmada Ceelbuur, isla-markaana ay ku gaarsiiyeen khasaare xoogleh. Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Dac oo ka tirsan isla gobolkaasi, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, waxaana ujeedka uu yahay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanadaasi. Horay ciidamada huwanta ayaa waxay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. The post Dagaal iyo duqeyn ka socda duleedka Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.
-
(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!) Dalka inuu Dumo waxaa ka Daran Dadkiisa oo Doqomooba! Waxaa muhiima marka aynu ka hadleyno xilka iyo waajibaadka dhallin-yarrada ka saaran dalkeena burburay inaynu fahamno dabeecadaha iyo khataraha inooga soo wajahan dalalka aynu deriska nahay ee waliba marar badan aan maqleyno handdadaad iyo damaca waalan ee kaga jira dalkeena guud ahaan ama qeybo ka mid ah, waxaa kaloo muhiim ah inaynu fiirino, xaaladaha gadaal ka riixaya ama keenaya dammacaas iyo haddii aan qeyb ka nahay xaalladahaas. Mid waan garan karnaa Labada dal ee aan ood wadaagta nahay labadaba waxay khatar ku yihiin dalka Soomaaliya siiba waqtigaan hadda la joogo oo dalkii intuu burburay siyaasiyiin faro badan oo aan xil-kas ahayn ama dhab ahaantii KHaa’inul-Wadhan u badan ay taladii ummadda gacantoodii gashay, marka aan sidaas leennahay waxaa tusaale kugu fillan oo daliil cad u ah sida aysan u kala jecleyn shisheeyaha dalka iska soo galay oo aysan marna uga hadleyn, sida aysan wax xanuun ah ama culeys ah ugu heyn kumanaanka qof ee maalin kasta ka soo tallaabaya xudduudaha Itoobiya, sida ay dekadahii iyo xeebaha dalka ugu hibeynayaan dalal shisheeye (ma siin karaan oo dalka dadkii lahaa baa u jooga, laakiin waxay ku tusaysaa dimmad la’aantooda, iyo dhagarta ay dalka ka galeen.) Waa Yaab mana yara! Waxaa wax laga argagaxo ah dhallin yaro dalkooda sida uu u baab’asanyahay arka, oo hubaal ay tahay inay ka wada danqanayaan oo aan haddana wax talo ah ka lahayn, oo aan wax dhaqdhaqaaq ah iyo wax xiriir ah aan lahayn. Dantu waa talo, dalku waa dad, dudmmada iyo in la kala irdhoobo waxay wax tareysaa cadowga inoo soo tashaday (guud ahaan waxa isugu yeera Beesha Caalamka, gaar ahaa dalalka Itoobiya, iyo Kenya oo uu Ismaaciil Cumar Geelle la socdo). Dabeecadaha iyo nidaamyada siyaasadeed ee dadyowga dalalka deriska inala ah waa kuwa aad uga duwan kuwa mujtamaceena Soomaaliga ah. Kala duwanaanta ugu weyn waxay ka imaanaysaa dalalkaas waa dalal shacabkooda ama dadkoodu gumeystihii la soo dhaqmay haddii ay tahay mid uu guumeystay ama mid uu la sameystay xiriir uusan dhaqankiisu ka marneyn gumeysi rumeysanna inaan la gumeysan iyadoo waliba gacanta biisha ay tahay gumeystayaashii qaaradda soo galay ee guumeystay, taasi macnaheeda waxaa weeye in mujtamacyada dalalkaas iyo siyaasiyiintooda aysan kala qaloon, isl markaasna aysan ku dhibsan waxyaabo badan oo innaga siyaasigeena iyo mujtamac ahaan aan ku geysano ama ku dhibsano, sidaa daraaddeed ayeey dalalkaas iyo gumeystuhu, ama magaca cusub waxa Beesha Caalamka isugu yeera ay saykoloji ahaan ka dhaadhacsantahay inay isaga kaaya dhowyihiin, waxaana taas sii xoojinaya waxyaabo badan oo aan innagu gaar uga nahay oo ay iyagu wadagaan baa jira sida Diinta. Marka dabeecadda guud ee siyaasadeed ee dalalkaas ay sidaas tahay waad garaneysaa sida aysan u sahlaneyn waxa laga filan karo inaan garano… maxaa yeelay waxyaabaha inooga immaan kara waa waxyaabo badan oo ay la wadaagaan dalalka ay sidaas isugu daabanyihiin. Marka haddii ay sidaas tahay, sidee bay suuro gal ku noqoneysaa in xudduudaha dalka u furnaadaan kumanaanka qof ee maalin kasta ka soo talaabaya xuddudaha Itoobiya?! Kuwaas oo aan la ogeyn waxa ay u socdaan, waxa ay yihiin, caafimaadkooda, ma askar hubeysan baa? Bal adigu ka waran mas’uuliyad darradaas! Intaas dhallinta Soomaaliyeed waligeed waa ka garasho dheereyd! Tani doqonimo laguma tilmaami karo… Dalka inuu dumo waxaa ka daran dadkiisa oo doqomooba! Waxaa loo baahanyahay dhallin-yarrada xataa haddii aysan sidii ay rabeen wax u qaban kareyn in mar kasta mujtamaca feejignaan geliyaan, oo dareenka iyo dhiillada u muuqata ay ku baraarujiyaan… Waa ay wanaagsantahay in dalalka deriska ah lagula dhaqmo siyaasad nabad gelyo iyo saaxiibnimo, waxaanse meesha laga saari kareyn shardiga ah inuu jiro xiriir midkaas la mid ah oo dhankooda laga helo. Dabeecadaha dalalka aan deriska nahay iyo dhaqanka ay leeyihiin guud ahaan waa mid aad uga duwan midkeenna, tusaale ahaan labada mujtamaca ee Itoobiya iyo Kenya waxaan innaga ugu qiimeysannahay waxa ay innagu qiimeeyaan gumeystayaashii aan la dagaallanay ee aan dalkeena ka saarnay, wax kasta oo heshiis ama cahdi ah oo aan la galnana waxaa ay ku miismayaan aragtida ay dalalkaas guud ahaan inanga qabaan, sidaas daraadeed heshiis kasta ama ballan kasta oo ina dhex marta ma aha mid ay u qiimeyniyaan si madax bannaan, mana aha mid laysku haleyn karo!…tusaalaha kale ee muhiimka ah ee sida cad kuu tusaya kala duwanaanta dhaqanka siyaasadeed ee innaga iyo dalalka aan deriska nahay waxaa ka mid ah Soomaaliya waxay si bareer ah oo heer dowladeed ah u taageeri jirtay dhammaan gobonimo doonkii Afrika, oo xataa dalalka qaarkood ay u taba baraysay ciidamo hasa yeeshee iyagu hab dhaqanka siyaasadeed ee noocaas ah ma laha, waase laga yaabaa inay khubaro dalalkooda u dhashay oo si shakhsi oo iskood ah gacan u siin jireen gobanimo doonka dalalkii Afrikaanka ahaa ee la gumeysanayay!…middaas waxay ku tuseysaa farqiga u dhexeeya dabeecadaheena siyaasadeed iyaga iyo inanga!.. Marka dhibaatada u weyn ee dalka heysata waxay tahay in dhallin-yarradii ay kaalinteedii siyaasadeed gabtay, iyo xataa noloshii mujtamac doorkii ay ku lahaayeen, waxaana soo baxay dayac dhan kasta ah oo dalkii siyaasad ahaan iyo nolol ahaan saameeyay, waliba intaas kuma eka ee markii ay kaalintoodii baneeyeen ayeey hadana qaarkood nolol iyo magac ka raadiyaan u adeegidda shisheeyaha, wax badan oo dhibaato ah oo shisheeyaha dalka iska soo galay uu u geysto nolosha iyo dhaqanka dalka waxaa sabab u ah xogo ay bixiyaan dhallin-yarrada noocaas ah, oo iyagu badankood iska sheekeeya iyaga oo aan ogeyn khataraha xogaha ay bixinayaan… Wax iyadana xasuusin mudan, in maanka lagu hayo shisheeyaha joogitaankiisa dalka isagoo aan hoos immaaneyn mus’uuliyad qaynuun ah oo uu maamulka ogyahay waxay khatar iyo wax yeelo ku tahay marka laga soo tago amniga guud ahaan dhaqanka iyo qaab nololeedka bulshada, waxayna irridaha u fureysaa ama soo jiidaneysaa khataro kale oo ay iyagu marti gelinayaan! Waxaa intaas dheer waxay meel ka dhac iyo qiimo jab ku tahay dadka iyo dalka!…Yaa mali jirayeey bay taagantahay?!…sheeko kasta oo lala yeesho ajnabiga dalkii soo buuxiyay macnaheeda waxaa weeye sir qaran oo baxday!… Nin diplomats shisheeye ah baa xaafadaha iska wareegaya, odey dhaqammeed isaga tegaya, iskuul iska dhex gelaya, ilmo yar-yar u sheekeynaya ama la ciyaaraya!….KHatar!…KHatar!…dhallin-yardu waa inay ku dhex dhacaan oo ay weydiiyaan wuxuu yahay iyo wuxuu ku joogo, ee ma aha inta kursi loo dhigo in shaah la siiyo!…. Dhallin-yarradu waa inay qaadataa kaalin kasta oo ah ilaallinta dadkooda iyo dalkooda, marka lagu daro sida xaalka dalka maanta yahayna ka hadalba ma lahan! La Soco Beri The post Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 4aad appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda. Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey xubnaha oo kala ah:- Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow) Faysal Cabdulaahi Warsame Maxamed Xasan Cumar. Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga midho dhaliyo hiigsiga 20260. Golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka. Dhanka kale Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. The post Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay xubno kamid ah Guddiga Sare Bangiga Dhexe appeared first on Puntland Post.
