Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne Laftagareen, waxayna hadda kulamo uga bilowdeen Dhuusamareeb oo fadhi u ah madaxda ugu sareysa dalka. Qorshaha safarka Madaxweyne Laftagareen ayaa ah inuu qayb galo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Dhuusamareeb ka furmaya. Madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka ayaa ku soo wajahan Dhuusamareeb saacadaha soo socda, si ay uga qeyb galaan meertada 7-aad ee golaha wadatashiga qaran oo lagu qabanayo Dhuusamareeb. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre galabta soo gaaraya Dhuusamareeb, si uu uga qeyb galo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Inkastoo aan la shaacin goorta uu furmayo shirkaas, hadana Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa saacadaha soo socda iska xaadirinaya Dhuusamareeb. Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahad Salaad ayaa horay ugu sugnaa Dhuusamareeb oo xudun u noqotay qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab. Shirka Dhuusamareeb uga furmaya madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa noqonaya kii 7-aad ee madaxdu ay isugu imaaneyso tan iyo markii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh. Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Al-Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aami doono qorshaha xiga markii Galmudug laga nadiifiyo argagixisada. Howlgalka sifeynta Khawaarijta ee Galmudug ka socda ayaa hadda meel xasaasi ah maraya, waxayna ciidamada xoogga dalka kaabiga ku hayaan degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, halkaas oo lagu wado in saacadaha soo socda ay gudaha u galaan. The post Sawirro: Madaxweyne Lafta-gareen oo Dhuusamareeb gaaray iyo ujeedka safarkiisa appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa galabta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas deegaan u noqotay madaxda ugu sareysa dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah inuu Dhuusamareeb uga qeyb galo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Inkastoo aan la shaacin goorta uu furmayo shirkaas, hadana Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa saacadaha soo socda iska xaadirinaya Dhuusamareeb. Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahad Salaad ayaa horay ugu sugnaa Dhuusamareeb oo xudun u noqotay qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab. Shirka Dhuusamareeb uga furmaya madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa noqonaya kii 7-aad ee madaxdu ay isugu imaaneyso tan iyo markii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh. Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Al-Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aami doono qorshaha xiga markii Galmudug laga nadiifiyo argagixisada. Howlgalka sifeynta Khawaarijta ee Galmudug ka socda ayaa hadda meel xasaasi ah maraya, waxayna ciidamada xoogga dalka kaabiga ku hayaan degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, halkaas oo lagu wado in saacadaha soo socda ay gudaha u galaan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed fadhi u ah howlgalkaan ayaa dhowr toddobaad Dhuusamareeb ku sugan, waxaana Al-Shabaab Galmudug jooga la isugu geeyey meelo kooban, qorshaha dowladda ayaa ah in waqti kooban lagu soo afjaro dagaalyahanada kooxda ee Galmudug ku sugan. The post Xog: R/W Xamza oo galabta u baxaya safar gudaha dalka appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howl-gal qorsheysan oo xalay lagu dilay dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay howl-gal qorshaysan ka fuliyay Beerta Sheekhow oo 16 KM qiyaastii u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka. Howl-galkan oo yimid kadib xog ay heshay NISA ayaa waxaa lagu dilay 27 ka tirsan Khawaarijta, kadib markii la ogaaday inay isku aruursanayeen Beerta Sheekhoow ee degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale waxaa lagu burburiyay howl-galkaan saanad ciidan iyo fariisimihii kooxda Al-Shabaab ee ku yaalay halkaas, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay dowladda federaalka. Dhinaca kale, illaa iyo shan ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howl-gal qayb ka ahaa howl-galka sifaynta Jiinka wabiga oo ka dhacay deegaanka Basra, kadib markii NISA oo kaashaneysa saaxiibada caalamka ay ogaatay koox Khawaarij ah oo doonayay inay arbushaan ciidanka. Dagaal-yahaanadaasi ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa lagu laayay halkii ay isku abaabulayeen, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidamada dowladda, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. Sidoo kale ciidamada huwanta ayaa kooxda ka sifaynayaan dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen. The post Faah-faahinta howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  4. Las Anod (HOL) - SSC-Khatumo forces have captured two strategic military bases on the outskirts of Las Anod town following a fierce clash between the Somaliland army and SCC forces on a Friday morning. Source: Hiiraan Online
  5. Markets and residential areas in the city of Nyala in the Sudan’s Darfur region have turned into battlegrounds in the last few days, staff working for Médecins Sans Frontières (MSF) say. Source: Hiiraan Online
  6. Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa guulo horleh ka sheegatay dagaalkii maanta dib uga qarxay Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC. SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in saaka ciidamadeeda ay guulo isdaba joog ah ka gaadheen dagaalo dhex-maray ciidanka Somaliland, iyaga oo shaaciyay inay qabsadeen saldhigii ugu weynaa Somaliland ee Goojacadde. “Waxaanu hadda taaganahay Goojacadde, Alle saaka waana guuleeyay, nimankiina waa carareen Goodi ayay sii socdaan, hada halkan aynu taaganahay waa taliskoodii ugu waynaa ee ay deeganada SSC ku lahaayeen,” ayuu yiri mid kamid ah ragga hoggaaminayay ciidanka SSC. Goojacadde ayaa ahaa saldhigii ugu waynaa ee Somaliland ku lahaayeen aagga Laascaanood, sidoo kalena waxa uu ciidamada Somaliland u ahaa xarun caafimaad oo weyn oo lagu dabiibo dhaawacyada. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu imika sii xoogaystay, ayada oo ciidamada SSC ay durba soo bandhigeen maxaabiis iyo gaadiid ay ka qabsadeen ciidamada Somaliland. Sida muuqata dagaalkan oo saaka xili hore bilaabmay ayaa ciidamada Somaliland lagu gaadhsiiyay jab xoogan, waana markii ugu horeysay ee ciidamada SSC-Khaatumo ay qabsadaan saldhigyadaan muhiimka ah. Dagaalka ayaa weli soconaya waxaana laga dhursugayaa halka uu ku dhamaado iyo in ciidamada SSC-Khaatumo ay gacanta ku sii hayn doonaan goobahan muhiim ka ah ee ay qabsadeen iyo in dib loo durjin doono. Sidoo kale majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo la xiriira dagaalka saaka iyo guul-darada la sheegay inay kasoo gaartay, waxaana lagu wadaa in goordhow war-murtiyeed kasoo saaran xaaladda. Si kastaba, Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid kacsan, waxaana ay dagaallo ku dhexmarayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC, ayada oo fashilmeen isku-dayo dhowr ah oo la rabay in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan halkaas. The post DEG DEG: SSC-Khaatumo oo sheegtay inay la wareegtay taliskii ugu weynaa Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo isgarabsanaya ayaa kaabiga ku haya degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay ku jiraan diyaar garowgii u dambeeyay ee howl-galka ballaaran ee lagu xoreynayo Ceelbuur, xilli ay xalay ku hoydeen duleedka degmada. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa shalay waxay si buuxda ula wareegeen tuulada Dac oo qiyaastii 17 KM u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, halkaasi oo laga cayriyay dagaal-yahaanadii halkaas ku sugnayd mudada dheer. Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidan oo kale maalmihii lasoo dhaafay la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale ciidamada huwanta ayaa sidan oo kale maalmihii lasoo dhaafay la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne ee gobolka Galgaduud. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saddex jiho ka kulaalaya Ceelbuur, iyada oo qorshuhu yahay in saacadaha soo socda gudaha loo galo magaaladaas. Ceelbuur ayaa kamid aheyd magaalooyinkii lagu qabtay howl-galkii Badweynta Hindiya ee muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo qeyb ka ahaayeen AMISOM, waxaana bishii March 2014 la wareegay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda oo is garabsanaya. Hase ahaatee, Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay April 2017, markii ay ka baxeen ciidanka AMISOM ee Itoobiya ka socday iyo ciidanka dowladda. Waxaana xusid mudan in sagaal sano kadib gulufka lagu qabanayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ay keli ku yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo iska kaashanaya. The post Ciidanka DF iyo shacabka oo kaabiga ku haya CEELBUUR appeared first on Caasimada Online.
  8. Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa saaka oo Jimce ah si buuxda ula wareegay Taliskii Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde. Taliskan oo ahaa kan ugu weyn ee Ciidamada Somaliland ku leeyihiin Gobolka Sool ayaa rasmi ah u galay gacanta SSC-khaatumo sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Qabasashada Gooja-cadde ayaa soo deg degtay kadib markii subaxnimadii hore ee saaka Ciidamada SSC dagaal culus ku qabsadeen Taliskii Maraaga ee laga difaaci jiray Gooja-cadde. SSC ayaa war kooban oo ay soo saareen ku sheegay in ay sidoo kale dagaalka ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo maxaabiis. PUNTLAND POST The post Ciidamada SSC oo gacanta ku dhigay Taliskii Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde appeared first on Puntland Post.
  9. Kenya plans to begin construction in 2025 of a $13.8 billion high-speed electric railway from its Indian Ocean port of Lamu to Ethiopia and South Sudan. The 3,000-kilometer (1,864-mile) standard-gauge railway will link the new port to the central Kenyan town of Isiolo, and branch into three to Addis Ababa, Juba and Nairobi, according to the Lapsset Corridor Development Authority, the agency in charge of the project. Bloomberg Qaran News
  10. Las Anod (HOL) - The SCC-Khatumo administration reported on Friday that the SCC forces have captured the Maraaga area previously controlled by the Somaliland army in the disputed Las Anod town. Source: Hiiraan Online
  11. Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa maanta dib uga qarxay dagaal xooggan, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Dagaalkan ayaa saaka ka socda aagga bari ee magaalada Laascaanood, ayada oo durba lagu eedeeyay xukuumadda Somaliland inay soo qaadeen weerarka. Hoggaanka SSC oo bayaan kooban soo saaray ayaa Somaliland ku eedeeyay inay weerar kusoo qaaday, iyaga oo adeegsanaya madaafiic iyo tikniko culus. “Maleeshiyada maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland ayaa weerar xoogan ku soo qaaday magaalada Laascaanood, iyaga oo adeegsanaya madaafiicda iyo tikniko, maleeshiyada Muuse Biixi ayaa weeraradan qorsheysan ka soo qaaday duleedka bari iyo galbeed ee Laascaanood,” ayaa lagu yiri bayaanka SSC. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Shacabka SSC-Khaatumo iyo ciidankooda ayaa jilbaha u aasay, dibna ugu celiyay maleeshiyada soo duushay meelihii ay markii hore weerarka ka soo qaadeen.” SSC-Khaatumo ayaa durba guul ka sheegatay dagaalka saaka dib u qarxay, kaasi oo illaa hadda socda, iyada oo sheegtay in ciidanka Somaliland laga qabtay maxaabiis iyo gaadiid dagaal, sida lagu sheegay bayaanka SSC. “Shacabka SSC-Khaatumo iyo maamulkoodu waxay heegan u yihiin sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba uga difaaci lahaayeen, islamarkaana maleeshiyada Somaliland deegaankooda uga sifayn lahaayeen,” ayaa markale lagu yiri bayaanka. Marka laga yimaado sheegada SSC-Khaatumo, lama oga weli khasaaraha dhabta ah ee dagaalka saaka dib uga qarxay Laascaanood, kaasi oo si gaaar ah uga socda dhinaca Maraaga ee magaalada, oo ciidamada Somaliland ay saldhig ku leeyihiin. Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo la xiriira dagaalka saaka iyo sheegashada SSC-Khaatumo, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo aadan war-murtiyeed kasoo saaran xaaladda. Si kastaba, Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid kacsan, waxaana ay dagaallo ku dhexmarayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC, ayada oo fashilmeen isku-dayo dhowr ah oo la rabay in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan halkaas. The post Dagaal xooggan oo saaka ka socda Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  12. Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in saaka uu dagaal culus ka socdo Bariga magaaladaas, gaar ahaanna aagga Maraaga oo ah wadada isku xirta magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe. Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas maadaama uu dagaalku bilowday arroortii hore ee Jimcaha maanta, abaaro shantii iyo labaatan daqiiqo. Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii dagaal xooggan oo khasaare badan geystay uu ka dhacay isla aagga Maraaga iyo Xargaga, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan labadana dhinac ee ku dagaalamaya Laascaanood. Wararka ayaa intaas ku daraya in la kala qabsaday hub ay ku jiraan taangiyo. Wixii war ah oo ka soo kordha dagaalka, halkan ayaan idinkala socodsiin doonaa. Qaran News
  13. Hargeisa (HOL) - A clash between two respected traditional elders, Sultan Saleban Boqor Osman—also known as "Habar"—and Sultan Mahad Aresh, resulted in Sultan Mahad Aresh sustaining injuries in Hargeisa, the capital of Somaliland, on Thursday. Source: Hiiraan Online
  14. Maamulka SSC-khaatumo ayaa war rasmi ah ka soo saaray dagaal saaka ka socda jiidda magaalada Laascaanood. SSC-khaatumo ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay weerar xooggan ku soo qaaday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. War-saxaafadeed ka soo baxay SSC ayaa lagu sheegay in dagaalka oo weli socda lagaga qabsaday Somaliland gaadiid dagaal iyo maxaabiis balse lama faahfaahin tiradooda. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Somaliland laga la wareegay goobo badan oo ku yaalla jiidda Maraaga”Waxaana guulweyn laga gaadhay dhinaca maraaga, oo malayshiyada Somaliland goobo badan lagala wareegay”. PUNTLAND POST The post SSC-khaatumo oo war ka soo saaray dagaal saaka ka socda jiidda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  15. TikTok CEO Shou Zi Chew announced plans Thursday for a Nairobi office to bolster content moderation in Africa as called escalate to ban the app. Source: Hiiraan Online
  16. Interior Cabinet Secretary Kithure Kindiki has announced the government will open up six roads around Boni Forest to step up the war against suspected al Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
  17. Somalia’s ban on TikTok, which is set to take effect on Thursday evening, has outraged many users who make a living off the app. Bilaal Bulshaawi, one of the prominent faces on Somali social media, says the app has totally transformed his life. Source: Hiiraan Online
  18. Senior officials of the African Union, Somalia, and the United Nations have started consultative meetings to deliberate on the upcoming second phase of the troop drawdown in September, the AU mission said. Source: Hiiraan Online
  19. Sahan Journal, a nonprofit news organization serving immigrants and communities of color in Minnesota, has been honored with the INNovator Award at the 2023 Nonprofit News Awards (INNYs) for its project “Tani waa su’aashayda.” The award recognizes innovative initiatives that reshape the landscape of nonprofit journalism and engage communities effectively. Source: Hiiraan Online
  20. Inside the U.S.-led training program which aims to finally eradicate al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  21. HE Prof. Ahmad Al-Tayyeb, Grand ‎Imam of Al-Azhar, received Thursday Sheikh Yusuf Ali Aynte, Chairperson of the Somali ‎Scholars Association (SSA) at Al-Azhar Headquarters. Source: Hiiraan Online
  22. The CS Interior Kithure Kindiki has made if clear that, Kenya is planning to re-open Kenya Somalia border despite the ongoing challenges of security. Source: Hiiraan Online
  23. Egyptian forward Mohamed Salah has agreed to a blockbuster move to Saudi Arabian club Al-Ittihad, according to the channel beIN Sports. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah waxay dowladda federaalka ay barbar waday qorshaha xasilinta iyo isku-duwida arrimaha gargaarka. Qorshahaan ayaa dowladda ku waday dardar horleh, si deegaanadaasi loo gaarsiiyo adeegyada muhiimka iyo gargaar bini’aadannimo, kadib sanado badan oo ay ku jireen gacanta kooxda Al-Shabaab. Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta guddoomiye kulan heerkiisu sareeyey, kaasi oo looga hadlay xasilinta iyo isku-duwida arrimaha gargaarka deegaanada Al-Shabaab laga xoreeyey iyo kuwa qorshaha dowladda ugu jira in dhawaan la xoreeyo. Kulankaan ayaa waxa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka socday xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, hay’addaha deeq-bixiya, hay’adaha islaamka ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo xubno kale oo ka socday maamul goboledyada dalka. Hay’adda SODMA ayaa soo bandhigtay qorshaha guud ee ay ka leedahay ka jawaabista iyo gurmadka deeganada Galmudug ee dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale, sidii ay bulshada ku nool goobahaas si isku mid ah loogu gaarsiin lahaa gargaar iyo adeegyada aas-aaska u ah bini-aadamka madaama bulshada halkaasi ku nool Khawaarijta dhib badan ay ku haysay. Shirkaan ayaa qeybiyiisa dambe sidoo kale looga hadlay in loo diyaar garoobo dufaan, dabaylo iyo roob wadato oo laga cabsi qabo in ay ka dhacdo qeybo dalka kamid ah. Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda. Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay. Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda. The post DF Soomaaliya ‘oo dardar ku wada’ qorshe barbar socda DAGAALKA Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah ee Wagner (Vagner) Yevgeny Prigozhin, ayaa kamid ahaa toban qof oo saarnaa diyaarad gelinkii danbe ee Arbacadii ku burburtay Ruushka. Dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay geerida Prigozhin oo bishii June sameeyey isku day afgambi oo ka dhan ah ciidamada Ruushka. Diyaaradda dhacday ayaa imanaysa iyada oo warbaahinta Ruushku ay wariyeen in General sare oo ku xirnaa Prigozhin laga qaaday xilka taliyaha ciidamada cirka ee dalkaasi. Diyaaradda burburtay ayaa waxaa saarnaa saddex duuliye iyo toddoba qof oo rakaab ah, waxaana ay ka kacday magaalada Moscow, iyada oo kusii jeedday magaalada St. Petersburg. Waxay ku dhacday meel 100 KM dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Ruushka. Muxuu salfaday hoggaamiyaha Wagner ee geeriyooday? Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Prigozhin salfatay deg-degii uu kusoo koray sallaanka awoodda xukunka Ruushka, isagoon lahayn waaya-aragnimo siyaasadeed oo ku filan oo ka badbaadin karta siyaasadda loolankeedu adag yahay ee shirqoolkeeduna badan yahay. “Prigozhin, waxay is qabteen ragga awoodda badan qaarkood sida; wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka, waxayna ku guulaysteen, iyagoo waayo-aragnimo la’aantiisa ka faa’iidaysanaya in ay odayga qoorta u geliyaan, geedkii uu degdega ku soo korayna, degdeg kaga dejiyaan,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook. “Machiavelli ayaa laga hayaa mar uu ka hadlayey nasiibka xukunka, haddii adigoon u diyaarasanayn xukunka nasiib u hesho, wuxuu la mid yahay adoo helin oo kale, balse waxay u badan tahay in aad saaxada siyaasadda kaa baxdo ilaa abid, ama uu ku salfado, nasiib darro Prigozhin tan danbe ayaa ku dhacday.” Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran; Dadaal inta uu ka qabo magaciisa ayuu ka diiwaan geliyey labo diyaarad oo isku eg oo aan la kala garan karin, isku waqtina kacaya, wuxuu kaloo samaystay nin u muuqaal eg oo aan isaga laga aqoon oo uu diyaaradaha midkood ku qoray, sidaas oo ay tahayna waxaa loo badiniyaa in uu diyaaradda dhacday saarnaa. Yevgeny Prigozhin wuxuu ahaa madaxii shirkadda amniga Wagner ee awoodda badan leh, wuxuu kaloo saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Waxaa jira rag kale oo Madaxweynaha ku dhow awood badanna leh sida wasiirka difaaca, Sergei Shoigu, taliyaha ciidanka militeriga Valery Gerasimov, agaasimaha nabadsugidda gudaha, General Alexander Bortnikov, madaxa sirdoonka dibadda Sergey Naryshkin iyo taliyaha ilaalada qaranka Viktor Zolotov. Raggaasi waxaa ku wada daaban maalqabeenno iyo warbaahin is wata. Nidaamkaas oo (Oligarchy) loo yaqaan hay’adaha dawladda (national institutions), waxaa awood badan shakhsiyaadka. Laakiin Prigozhin wuxuu kuwaa kale kaga duwanaa in uu degdeg ku soo koray sallaanka awoodda xukunka Ruushka, isagoon lahayn waaya-aragnimo siyaasadeed oo ku filan oo ka badbaadin karta siyaasadda loolankeedu adag yahay, shirqoolkeedu badan yahay, odayga awoodda haystana uu yahay ma seereeye, raga ku hareeraysana ay yihiin kuwo ficiltan iyo is barabixis ka dhexeeyo, kuna beratama daacad ahaanshaha Duqa, iska ilaaliya, iskuna ilaaliya. Prigozhin, waxay is qabteen ragga awoodda badan qaarkood sida; wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka, waxayna ku guulaysteen, iyagoo waayo-aragnimo la’aantiisa ka faa’iidaysanaya in ay odayga qoorta u geliyaan, geedkii uu degdega ku soo korayna, degdeg kaga dejiyaan. Machiavelli ayaa laga hayaa mar uu ka hadlayey nasiibka xukunka, “haddii adigoon u diyaarasanayn xukunka nasiib u hesho, wuxuu la mid yahay adoo helin oo kale, balse waxay u badan tahay in aad saaxada siyaasadda kaa baxdo ilaa abid, ama uu ku salfado,” nasiib darro Prigozhin tan danbe ayaa ku dhacday. Halkaa waxaa ku jira xikmadii laga wariyey Sayidinaa Cumar Bin Khadhaab Allaha ka raali noqdee ee ahayd; “Waaya-aragnimo yeesha inta aydaan wax xukumin.” The post Muxuu salfaday hogaamiyihii Wagner ee geeriyooday? appeared first on Caasimada Online.