Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Dhabancad oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa farriin culus u diray xubnaha Shabaab-ka ee ku sugan Koonfurta gobolka Mudug. Xildhibaan Dhabancad oo ku sugan jiidda hore ee furimaha dagaalka ayaa waxa uu ku booriyay dhalinta weli ka barbar dagaalameysa Shabaab ina ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda, ayna ka faa’iideystaan fursad cafis ee u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya. “Wixii Soomaali ah oo Al-Shabaab fikradooda qaba xil gaar ah dadka ka saaran, dadkooda ha soo raacan cafis ayaa la fidiyay waa lasoo dhaweyna. Waxaa yeeshaan inta goor goor tahay dadkiina kusoo biira oo is-dhiiba,” ayuu yiri Xildhibaan Dhabancad. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu xubnaha kooxda ee ku sugan aagga Laas-gacmey ugu hanjabay in ay jabin doonaan haddii aysan isa soo dhiibin, oo ay isku dayaan in deegaanka soo galaan, ama la-dagaalamaan ciidamada. “Dowladdii Soomaaliya go’aan ayay gaartay oo diyaarado ayay la timid marka caqli darrada waxa weeyi meel ban ah ninka taagan ee diyaarad kusoo socoto isaga ayaa isa-shirqoolay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Dhabancad. Dhabancad ayaa tilmaamay in xilligaan Soomaalida ay ku heshiisay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, uuna guuleysn doono dagaalka socda, oo guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda. Si kastaba, Mudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab oo iyagu weli ku harsan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaas, xilli uu socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda. The post Dhabancad oo farriin culus u diray Shabaab-ka ku go’doonsan… appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud. Ceel-garas ayaa waxaa maanta la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, kadib muddo ay halkaasi ka talinaysay kooxda Al-Shabaab. Masuuliyiintan ayaa bogaadiyay ciidamada Qaranka iyo xooggaga difaaca shacabka ee cadowga ka xoreeyey deegaano badan oo dhaca Bariga Galgaduud, waxaana ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in shacabka Ceel-garas laga dulqaaday cadowgii muddo dhibaateynayay. Qabashada Ceel-garas ayaa ka dhigan in la kala jaray marankii argagixisadii jirta jihadda Ceelbuur iyo kuwa jira Xiindheere iyo Qaayib. Tani ayaa ka dhigan in kooxda ay awoodi la’dahay inay ku dagaalanto dhulkii ay mudada fog haysatay, iyada oo dareensan culeyskii dowliga ah iyo midka shacbiga ah ee soo foodsaaray bilihii lasoo dhaafay. Shalay ayaa sidoo kale kooxda waxaa duqeymo looga laayay xubno badan, duqeymaha qaar waxay ka dhaceen inta u dhaxeysa Ceel-garas iyo Dhuusamareeb. Sidoo kale khasaare xooggan ayaa kooxda kasoo gaartay duqeyn ay la kulmeen markii ay shalay isku dayeen inay weeraraan ama ay galaan Awdhiigle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Si kastaba, howl-galka Ceel-garas lagu qabtay ayaa waxa uu kusoo aadaya, iyada oo dowladda ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda. Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rejo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Sawirro: Mahad Salaad iyo Qoor-Qoor oo gaaray degaan ay maanta qabteen ciidanka appeared first on Caasimada Online.
  3. Agaasimeyaal soo Kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaradda mac Nuur (Naakhuude) oo u wehelinaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta, ayaa kormeer wadajir ah ku tagay si dardargalinta dhismaha Dugsiga farsamadda gacanta ee Hargaysa( Hargeisa Technical Institute). Waxaan kormeer koodaasi ku wehelinaayay masuuliyiin kale oo ka kala socoday labada Wasaradood. Ujeeddada kormeer Kan ayaa daaranayd u kuur galida habsami u socodka dhismaha Dugsiga farasamadda gacanta ee hargaysa (Hargiesa Technical institute (HTI) oo dib-u-dhis lagu samaynayo lana casriyaynayo dhismaha dugsi oo la dhisay (1952). Masuuliyiinta aya waxa halkaasi ku soo dhaweeyay ingineerada gacanta ku haya dhismaha dugsi iyo Maamulka dugsiga, waxaanay warbixin ka siiyeen qayb dhismayaasha socda iyo heerka dhismuhu ay marayaan waxaanay mid mid u soo tusaneen dhammaan qaybaha ay ka socdaan dhismayaashu. Ugu danbaynta waxa ay halkaa masuuliyiintu uga mahad-naqeen Hay’adda GIZ tageerada wayn ee ay ka gaysatay hirgalinta mashruuca farsamadda gacanta ee ay iska kaashadeen dawladda Somaliland iyo GIZ. Waxaana dhowaan lagu wareejindoonaa Dugsiga farsamadda gacanta gaadiid ka kooban Afar bus, kuwaasi oo loogu talo galay in lagu soo qaado ardayda ka imanaya meelaha fog fog. gunaanadkii waxa halkaasi masuulliyintu kula dardaarmeen shirkada gacanta ku haysa dhismaha dugsiga in ay libin laabaan shaqadda ay gacanta ku hayaan, maadamo oo ardaydii dugsigani dhigan jirtay ay si ku meelgaadh wax ugu bartaan goobo kale. Qaran News
  4. Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa beeniyay in magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay soo galeen dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay horay u sheegtay xukuumadda Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay inay xaqiijisay in ka badan 600 oo dagaal-yahan, oo uu hoggaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole), oo kamid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab ay soo galeen magaalada Laascaanood labadii maalin ee ugu dambeysay. SSC-Khaatumo ayaa waxay arrinta ay sheegtay Somaliland ku tilmaamay “rafasho iyo beenihii ay Hargeysay waday sagaalkii billooda ee lasoo dhaafay iyo weliba af-lagaadadii joogtada aheyd ee ku haysay bulshada SSC, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay hoggaanka SSC-Khaatumo. “Somaliland waa in ay bulshada u soo bandhigtaa sida 609 oo argagixiso ah Laascaanood ku yimaadeen, ma cirka ayay kasoo dageen?, badda miyey kasoo galeen?, ma Hargeysa ayaa laga soo diray mise iyaga oo tiknikadooda wata ayey kasoo kicitameen bartamaha Koonfurta Soomaaliya?.” Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka SSC-Khaatumo, “Hoggaanka maamulka Somaliland waxaa caado u noqotay sagaalkii bilood ee tagay in ay bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka la horyimaadaan warbixino in lagu qoslo mudan, masuuliyaddana ka arradan, tii u dambeysayna kama duwana kuwii hore.” SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in arrintaan ay Somaliland ka leedahay weerarro ay ka fuliso deegaanadodda, taasi oo haddii ay dhacdo ay sheegeen inay uga jawaabi doonaan tallaabada ku haboon, wixii ka dhashana masuuliyadeeda ay qaadi doonto Somaliland. “SSC-Khaatumo waxay u fahantay in Somaliland qoraalkii u dambeeyay ugu gogol xaareyso weerarro ay ka fuliso deegaanada SSC.” Bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayso xuduudaheeda nabad-galyada iyo bad-qabka dadkeeda, ayna diyaar u tahay in ay kala shaqeyso hay’adaha amniga ee Soomaaliya, gobolka iyo kuwa caalamigaba ka hortaga halista argagixisada. Si kastaba, bayaanka SSC-Khaatumo ayaa imanaya ka gadaal markii ay Somaliland ugu baaqday beesha caalamka, dalalka deriska ah iyo ururada gobolka ee ay khusayso inay gacan ka geystaan la-dagaalanka “argagixisada iyo xagjirnimada” Laascaanood. The post SSC oo sheegtay qorshe ay Somaliland ka leedahay ‘arrintii ay faafisay’ appeared first on Caasimada Online.
  5. Dhusamareb (HOL) - The President of Galmudug Regional State, Ahmed Abdi Kariye, accompanied by the Minister of Defense, Abdulkadir Mohamed Noor, and the Chief of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Mahad Mohamed Salad, arrived in El-Garas, a small strategic town in the Galgadud region on Monday. Source: Hiiraan Online
  6. Guddidii is Waafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay Xisbiyada Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL ayaa fadhigoodii 7aad ee maanta kulan ka yeeshay saddexda xisbi Qaran. Shirkan oo uu Gudoominayey Guddoomiyaha Guddidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) waxay si gaar gaar ah ula kulmeen saddexd xisbi Qaran. Guddidu waxay ka dhegaysteen aragtidooda la xidhiidha xeerka doorashooyinka iyo go’aamadii ay soo saareen guddida beelaha bariga Burco ee la xidhiidhay in la isa saaro doorashooyinka. Guddida ayaa dhawaan aqalka Wakiillada u gudbin doona tallooyin la xidhiidha arrimaha doorashooyinka. Qaran News
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaano cusub oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Ciidamada huwanta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay halkaasi saacado kahor isaga baxeen kooxda Al-Shabaab. Ciidanka ayaa haatan halkaasi ka wada gudaha iyo hareeraha deegaanka howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka, kadib markii ay si nabad ah kula wareegeen Ceel-garas. Sidoo kale ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa isla maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanada Cadcadeey iyo Cadaan-laxeey oo hoostaga Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada isgarabsanaya ayaa sidaan oo kale si nabad ah kula wareegay gacan ku heynta deegaanadaasi, kuwaasi oo la sheegay inay iska baxeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab kadib markii ay ka warheleen howlgalka ku wajahnaa. Howl-gallada lagu qabtay deegaanadan ay maanta la wareegeen ciidamada huwanta ah ayaa kusoo aadaya, iyada oo dowladda ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda. Si kastaba, Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rejo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Ciidanka DF iyo shacabka oo la wareegay deegaano cusub kadib markii Shabaab ay… appeared first on Caasimada Online.
  8. Maxkamadda sare ee dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba hakisay xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka PEC ee dhawaan la ansixiyay. Go’aan ka soo baxday maxkamadda sare ayaa lagu hakiyay xubinimada Faadumo Siciid Axmed oo kamid ah guddiga PEC kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen xubno ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee Puntland. Maxkamadda ayaa sheegtay in ay soo gaartay dacwad ku saabsan in xubinnimada Faadumo Siciid aan loo marin habraacii sharciga ahaa ee magacaabista xubnaha guddiga PEC. PUNTLAND POST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo hakisay xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka ee PEC appeared first on Puntland Post.
  9. Waddanka Itoobiya ayaa todobaadkan xaqiijiyay dhamaystirka Biyo xidheenka ugu weyn Afrika iyo isku filaansho dhinaca Qamandiga ah. Labadani himilo ee ay xaqiijisay Xukuumadda Abiy Ahmed, ayaa Itoobiya uga dhigan guulo taarikhi ah oo saamayn ku yeelanaya dhaqaalaha Ethiopia iyo Soomaalidaba. Source
  10. Jabhada Buuralaydda Gacan-libaax oo si rasmi ah ugu wareejisay Guddoomiyaha guddida Beesha West Burco Clan Suldaan Caddogudde Gaadhigii ay Dawladdu lahayd ee ay shallay ka soo af-duubteen dhallinyarrada jabhaddu degmada Dhoqoshay. Source
  11. Mogadishu (HOL) - Galmudug regional state lawmaker and Dhusamareb local council MP were killed in a roadside explosion in the Galgadud region on Saturday, according to the Galmudug Presidency. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka dooday mooshin ku aadan xarigga Jeneraal Sheegow oo weli u xiran dowladda, kadib markii bishii hore lagu soo qabtay dagaal ka dhacay xaafadda Kaawo Godey oo ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta guddoomiyay kulankii maanta ayaa qabtay mooshinka wuxuuna sheegay in xildhibaanada qaar ay dalbadeen in lagu soo daro ajendaha. “Xildhibaano ayaa waxa ay soo jeediyeen mooshin ka hadlaayo Jeneraalkii xirnaa, marka arrintaas ayaa idin ogeysiinayaa ee ajendaha noo ansixiya” ayuu yiri Aadan Madoobe. Intaasi kadib waxaa hadalka qaatay Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana metala Jeneraalka lasoo xiray, wuxuu meesha ka akhriyay ujeedada mooshinka ay kasoo diyaariyeen arinta Jeneraal Sheegow Axmed Cali. “Ujeedo soo jeedin mooshin ku saabsan weerarkii lagu qaaday hoyga uu daganaa Jeneraal Sheegow Axmed Cali, Mudane guddoomiye adiga oo mahadsan noo ogolow inaan golaha sharafta leh hortiisa ka jeedino warbixinta weerarkii kooxo ka kala tirsan ciidanka Booliska iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ku qaadeen guriga Jeneraal Sheegow Axmed Cali, anshax xumadii sarkaalkaas sare loola dhaqmay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Caymoy. Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in weerarka kadib la bililiqeystay guriga Jeneraalka, isla-markaana loo gaystay dhibaato xoogan, sida uu hadalka u dhigay, “Waxaa intaa dheer in la bililiqeystay guriga uu Jeneraalka deganaa, sidoo kale waxaa burbur xoogan loo gaystay guryo ay dagan yihiin dad danyar ah” ayuu sii raaciyay. Dhankiisa Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo madasha ka hadlay ayaa isna codkiisa ku biiriyay arrinta Sheegow, wuxuuna sheegay in si khaldan loo soo xiray. “Markii lasoo qabanayay Sheegow si ka baxsan sharciga ayaa loola dhaqmay, qoorta ayaa la soo qabtay” ayuu baarlamaanka ka dhexe yiri Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego Ugu dambeyn waxaa dooda mooshinka soo xiray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shaaca ka qaaday in kiiskan uu lagu wareejinayo guddiga amniga ee baarlamaanka, si uu dabagal ugu sameeyo, wuxuuna faray in warbixinta uu ku soo celiyo isla Golaha Shacabka. The post BF oo ka dooday mooshinka arrinta Sheegow, kadibna go’aamiyay…. appeared first on Caasimada Online.
  13. Gaadhigii ay kooxda Gacalibaax ka soo afduubatay deegaanka Dhoqoshay ayaa goor dhawayd lagu wareejiyay gudiga beelaha West Burco Clan oo arinka gaadhigaasi ka galay wada hadal culus isla markaasina jabhadàasi u soo jeediyay in aan ficilkaasi oo kale aanu dib u dhicin. Gaadhigan oo ay lahayd wasaarada biyaha ayaa hada gacanta laga saaray gudoomiye ku xgeenka gudiga beelaha West Burco Clan Cali Fayr Xuseen oo gaadhigaasi uu hada gacantiisa ku jiro isla markaasina isagu la sheegay in uu u kaxayn doono magaalada Burco halkaasi oo ay xukuumaddu kagala wareegi doonto. Qaran News
  14. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka iyo shacab hubeysan ay qabsadeen magaalada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo horey gacanta ugu jirtay kooxda AlShabaab. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Dhuusamareeb, ayaa sidoo kale ku geeriyooday qarax miino oo ku qabsaday gaari ay wateen deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud. Qaraxan oo ahaa Miino ayaa qabsatay gaari ay wateen xildhibaan Hon Mohamed Mohamud iyo xildhibaan Cabdulaahi Ibraahim oo kala ah mudane ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabadda, Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Golaha deegaanka Dhusamareeb ay ka geeriyoodeen labada marxuum. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay Ceelgaras oo ay la wareegeen ciidamada dowladda appeared first on Puntland Post.
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo goordhow ka dhacay deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta laga saaray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo dhigay xildhibaano ka tirsan Galmudug oo ku socdaalayay halkaasi, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in baabuurka la qarxiyay ay la socdeen xildhibaan Maxamed Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug iyo xildhibaan Cabdullaahi Ibraahim oo isna kamid ah golaha deegaanka ee degmada Dhuusamareeb. Labada xildhibaan ayaa isla goobta ku geeriyootay, kadib markii ay la kacday miinada loo dhigay baabuurka ay saarnaayeen. Sidoo kale waxaa weerarkan uu khasaare dhaawac ah kasoo gaaray askar kale oo ilaalo ahayed labada xildhibaan ee ku geeriyootay qaraxaas. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna meesha kasoo qaadeen maydadka labada xildhibaan oo la geeyay magaalada Dhuusamareeb. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ka hadlay qaraxan, waxayna tacsi u direen ehellada labada xildhibaan ee lagu khaarijiyay qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, sida ay ku sheegtay qoraal ay goordhow ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka. AUN xildhibaanada geeriyooday ayaa kusii jeeday furimaha dagaalka, si ay u dhiirgeliyaan ciidamada Xoogga dalka ee howlgallada ka wada halkaas, una qiimayaan xaaladdooda. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro & dagaallo toos ah oo dhaliya khasaare kala duwan. The post Xildhibaano lagu dilay qarax ka dhacay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  16. The Federal Republic of Somalia signed the Comprehensive Nuclear-Test-Ban Treaty on 8 September in a signing ceremony in New York, bringing the total number of signatures to 187. Source: Hiiraan Online
  17. Baydhabo (Caasimada Online) -Cumar Maxamed Ismaaciil oo uu magaciisa afgarashadu yahay (Nuur), isla-markaana ah sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, balse la qabtay isaga oo ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ayaa shaaciyay xog ku aadan ku aadan xubno ay Shabaab u tababareen is qarxinta, si ay u fuliyaan weerarada is-miidaaminta ah. Cumar oo wareysi bixiyay ayaa marka hore ka sheekeeyay qaabka uu ugu biiray kooxda, wuxuu sheegay in markii hore deganaa Gaalkacyo, kadibna uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, isla-markaana uu ahaa Macallin Oline-ka Qur’aanka ku bara dad qurbe-joog ah. Intaas kadib waxa uu sheegay inuu lasoo xiriiray nin ay qaraabo yihiin, uuna ku tashkiiliyay Al-Shabaab, sidaasna uu ku aaday degmada Jilib oo uu ku soo qaatay tababar gaar ah. “Waxa uu tilmaamay in tababarka uu ku qaatay xero ku taalla tuulada Buulo Ooman, isla-markaana ay tiro ahaan gaarayeen in ka badan 200, oo isugu jiro Soomaali iyo Oromo. “220 nin ayaan ku galnay tababarka waxaa reer waqooyi ahaa 17 nin, Oromana waxaa ahaa oo nagu jiray 50 nin” ayuu wareysiga ku yiri Cumar Maxamed. Sidoo kale wuxuu sheegay in ragga lasoo tababaray ay ku jireen 60 nin oo gaar ah, isla-markaana loo tababaray qaybta is qarxinta, isaga oo sheegay in loo xiray dhar gooni ah. “Waxaa kale oo ragga ku jiray 60 nin oo ay dheheen waa rag is qarxinaayo oo iyagana darees gaar ah loo geliyay, kuwaas ayaa iyagana jiray” ayuu yiri Cumar Maxamed. Waxaa kale oo uu yiri “Marka uu tababarka noo dhammaaday waxaa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu magac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay”. Ninkan oo 40 jir ah ayaa hadda soo galay gacanta Hay’adda Nabad Sugidda Koonfur Gakbeed , wuxuuna sidoo kale ka sheekeeyay sida lagu qabtay. “Waxaa markii dambe naloo soo qaaday magaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan aniga uga soo kacay marka halkaan imid diyaarad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo raba inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu raaciyay. The post Xog: Al-Shabaab oo tababar usoo xirtay 60 nin oo loo diyaariyey inay is-qarxiyaan appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxda Jabhadda Buurta Gacan-Libaax ayaa shacabka raalligelin ka siiyay Gaadhi ay xubno jabhadda kamid ah ay kasoo afduubteen degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer. Taliye kuxigeenka Jabhadda Cawil Faarax Dalmar ayaa sheegay in arrintaas ay saxayaan. Source
  19. Laamaha Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay Cumar Maxamed Ismaaciil oo ka tirsanaa madaxda kooxaha argagixisada ah ee AS. Wararka ayaa sheegaya in shakhsigan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo halkaas oo uu doonayay in uu si dhuumaaleysi ah uga dhoofo. Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka hor ku biiristiisa AS uu ku sugnaa Muqdisho, ahaana macalin dadka wax ku bara Alaadaha fogaan aragga ee (Online Internet). Horjoogahan ayaa sida uu sheegay tababar ku soo qaatay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe islamarkaana uu shaqooyin kala duwan u soo qabtay kooxaha argagixisada ah. Laamaha Amniga Koonfur Galbeed ayaa durba baaris ku bilaabay shakhsigan gacanta lagu dhigay waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga. PUNTLAND POST The post Horjooge ka tirsanaa Alshabaab oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  20. Aadan Yabal (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Cirro ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu sii xoogeysanayo, wuxuuna digniin kama dambeys ah u diray shacabka weli ku sugan deegaanada Al-Shabaab. Taliyaha ayaa xusay in shacabka laga rabo inay ka dheeraadaan Al-Shabaab iyo goobaha lagu bartilmaameedsan karo, maadaama duulaan lagu yahay. “Shacabow waxaan idin leeyahay isaga dheerada meelaha Shabaab joogaan, dadkaas waa kuwa la beegsanay, waa la duqeyna bad iyo dhulba waa lagu beegsanaya ee hadad kusii dhex jirtaana dhibkii idin gaara idinka ayaa isku geystay shacaboow taas ogaada” ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta xoogga dalka Jeneraal Cabdullaahi Aaden Xuseen Ciro. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mas’uuliyadda wixii dhibaata ah ee ka dhashay howlgalkan in aysan qaadi doonin ciidamada Xoogga, loona baahan yahay in shacabku ay qaataan digniinta, ayna ka fogaadaaan meelaha ay joogaan xubnaha lala dagaalamayo “Haddii aadan ka fogaan wixii idin soo gaara idinkaa is yeelay, sidaas darteed beri diyaarad ayaa na duqeysay ama madfac ayaa nagu dhacay yaysan dhicin” ayuu mar kale yiri. Jeneraal Cabdullaahi Aaden Xuseen (Cirro) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay diyar u yihiin inay qaadaan gulufkii ugu dmabeeyay, si Al-Shabaab looga xoreeyo deegaanada ay hadda ka joogaan waddanka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyn culus oo todobaadkan ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa jiidda hore u joogo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Dowladda oo digniin kama dambeys ah u dirtay shacabka dhex deggan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ayaa ku dhawaaqay in Israel ay diyaar u tahay inay weerarto magaalada Tehran si ay u daba-gasho kuwa uu sheegay in ay ka danbeeyaan in ka badan 20 isku day oo Iran ay ku beegsatay danaha yahuudda ee caalamka. Isaga oo ka hadlayey shir amni, ayaa David Barnea waxa uu sheegay in Israel iyo xulufadeeda ay sannadkii tegay, 27 weerar ku fashiliyeen Yurub, Afrika, koonfurbari Asia iyo Koonfur America. “Shirqoolada ay wadaan kooxahan waxaa soo agaasimay, hagayey oo ka dambeeyey Iran,” ayuu Barne u sheegay shirka Reichman University ee Tel Aviv. “Ha qaldamina, kuwiinna go’aansaday inay soo diraan kooxaha. Ogsoonaada inaan idin heli doonno, oo caddaaladda la fulin doono si ay u wada arkaan dhammaan. Tani hadda kahor waa laga dhabeeyey, mustaqbalkana, waxaanu kor ugu qaadi doonaa heerka xiga” ayuu sii raaciyay. Israel ayaa Iran u aragta cadowgeeda ugu weyn, ayada oo xiganeysa baaqyada Iran ee ah burbirnta Israel iyo taageeradeeda dagaal-yahannada ku sugan meelo ku dhow xuduudda Israel. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Israel oo wacad ku maray in ay weerar ku yihiin caasimadda Iran appeared first on Puntland Post.
  22. Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa Hay’addaha Nabad Sugidda ee maamulkaasi ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhaba ku qabtay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ninka la qabtay oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Ismaacii, magaciisa afgarashadana uu yahay (Nuur) ayaa la qabtay, xilli uu usoo dhoofayay magaalada Muqdisho. Cumar ayaa qirtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna bixiyay wareysi muuqaal ah oo uu ku sheegay inuu yahay 40 jir, ku noolaa Gaalkacyo, kadibna usoo wareegay Xamar. Waxaa kale oo uu tilmaamay in kahor inta uusan ku biirin kooxda Al-Shabaab uu ahaa Macallin Oline-ka Qur’aanka ku bara dad qurbe-joog ah, sida uu ku caddeeyay wareysiga. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Al-Shabaab uu tashkiiliyay ninay qaraabo yihiin, sidaasna uu ku aaday degmada Jilib oo uu ku soo qaatay tababar muddo soconayay. “Xamar waxaa ka ahaa Macallin dad qurbe-joog ah ayaa Oline-ka Qur’aanka uga dhigayay aniga oo sidii u jooga waxaa ila soo hadlay nin aan qaraabo nahay oo nimankaa Shabaabka ah ninkaas oo la yiraahdo Maxamed Xasan, kadibna waxaan tegay Jilib” ayuu yiri Cumar. 40 jirkan ayaa sidoo kale xusay in tababarka uu usoo xiray Mahad Karataay oo kamid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, kadibna ay sameeyeen dhoolatus wayn. “Marka uu tababarka noo dhammaaday waxaa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu magac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay” ayuu mar kale wareysiga laga qaaday ku yiri Cumar Maxamed. Cumar Maxamed Ismaaciil oo Al-Shabaab looga dhex yaqaano Nuur ayaa sidoo kale ka sheekeeyay qaabka loo qabtay, wuxuuna tilmaamay in loo soo gooyay tikid, isla-markaana gacanta laga dhigay isaga oo doonayay inuu diyaarad kasoo raaco magaalada Baydhaba. “Waxaa markii dambe naloo soo qaaday magaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan aniga uga soo kacay marka halkaan imid diyaarad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo raba inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu raaciyay. Ugu dambeyn waxa uu ka dalbaday Koonfur Galbeed in ay cafis u fidiso, wuxuuna sheegay inuu khaldamay, isla-markaana uusan hadda gaysan wax dhibaato ah. “Maadaama aan qof Soomaaliyeed dhibaato u gaysan taliska Nabad Sugidda Koonfur Galbeed waxaan ka codsanayaa cafis waxaan ahay nin khalday” ayuu kusoo gabagabeeyay. Horay Koonfur Galbeed ayaa sidaan oo kale garoonka Baydhaba ugu qabatay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo doonayay inay kasoo dhoofaan garoonka magaaladaasi. The post Daawo: Sarkaal Al-Shabaab ah oo la qabtay isaga oo ka dhoofaya garoonka… appeared first on Caasimada Online.
  23. Hargeisa (HOL) – The anti-Somaliland government rebel forces abducted a vehicle belonging to the Ministry of Water from the Dhoqoshay district in the Togdheer region on Saturday. Source: Hiiraan Online