Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “Dadka Laascaanood Iskugu soo Hadhay waxaan ku meteli Karaa Rah Xareed Jooga” Cali Guray Hargeysa(Qaran news)- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay inuu ku meteli karo dadka Laascaanood iskugu soo hadhay ay ka dhigan yihiin Rah xareed jooga. “Kolkaan eego dadka Laascaanood iskugu soo hadhay waxaan ku meteli karaa uun Rah Gu’ jooga xareed ku jira” ayuu yidhi Cali Guray Waxaanu intaas ku daray “Laakiin Rahaasi wuxuu moogan yahay in Jiilaal dhaharan doono oo uu sidiisii dhoobada ku dhegi doono oo uu juuqda gabi doono.” Waxa kaloo uu ku dhaliilay inay ku jiraan wishiiri iyo faan. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan xiisad xoogan ay ka taagan tahay xerada Xalane, gaar ahaan ilinka hore ee Madina Gate, kadib markii ay goobta ka dhacday shaqaqaaqo sababtay dhimasho. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in muran uu soo kala dhex-galay muwaadin Soomaaliyeed oo goobta ku sugnaa iyo askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kadibna uu ninka Soomaaliga ah toorey ku dilay askariga. Sidoo kale ciidamada Uganda ee ku sugnaa goobta ayaa iyaguna sidoo kale toogasho ku dilay ninka Soomaaliga ah ee tooreyda wax ku dilay. Xaaladda goobta ah ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana goobta buux dhaafiyay ciidamo fara badan oo isugu jiro Soomaali iyo kuwa howlgalka ATMIS ee ku sugan xerada Xalane. Sidoo kale waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa waddadaan oo dhinac marta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah iyo jawaabta deg-degga ah ee ay bixiyeen ciidanka ATMIS. Xerada Xalane ayaa waxaa ka shaqeeya shaqaale badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo subixii gala, galabtiina kasoo baxa, iyaga oo markasta mara baraha hubinta ee xarada. The post DEG DEG: Xiisad culus oo ka taagan xerada Xalane kadib markii ay is dileen… appeared first on Caasimada Online.
  3. Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in aanay Somaliland dawlad sii ahaanayn haddii aanay ku jirin Sool. Xoghayuhu wuxuu sheegay in Somaliland gobolka Sool iyo Xuduudaha dalka ku gaadhay caqli iyo maskax. Xoghaye Khadar Xuseen wuxuu sheegay in dagaal dambe aanu xal keenayn, hase ahaatee uu Somaliland u horseedayo khasaare siyaasadeed iyo mid bulsho, wuxuuna sheegay in xoogii la adeegsaday uu horseeday in Somaliland dib ugu soo noqoto halkii ciidanka Qaranku ka dhaqaaqay 2002dii. Xoghaye Khadar wuxuu ku dhaliilay Xukuumadda in aanay xal ku dayin markii bishii December ay Laascaanood ka bilaabmeen mudaharaadyadii shacbigu kaga soo horjeedeen dilalkii khaarajinta ahaa. Qaran News
  4. Taliye Cusub oo loo Magacaabay Sirdoonka Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Sirkoonka. Madaxweynuhu wuxuu u magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Sirdoonka Maxamed Buur Casharaar. Taliyaha cusub ayaa ka soo jeeda gobolka Awdal, waxaanu xilkan hore u soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale oo uu muddo dheer ahaa, waxa kaloo uu isna soo qabtay Taliye kuxigeenka Hay’adda sirdoonka Qaranka. Taliyaha cusub ee sirdoonka ayaa ah nin waayo aragnimo badan u leh hay’adda sirdoonka oo uu muddo dheer ka shaqeyn jiray. Qaran News
  5. Dab ka Kacay Suuqa Badhtamaha Burco Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco Dab ka Kacay Badhtamaha Suuqa Burco ayaa damiyay abaaro 3:00 habeenimo dab ka kacay Badhtamaha Suuqa weyn ee Burco, kaasi oo ahaa Shoodh Laydh. Ciidanka Dab-demiska ayaa isla markiiba goobtaa gaadhay , waxaana ciidamadu iyagoo adeegsanaya qalabka dabdeminta dabkaa ku xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay. Dhanka kale ciidamada ayaa dabkaa ka xakameeyay Meherado waaweyn oo goobtaa ku yaalay iyo guud ahaan suuqa intiisa kale. Ma jirin dhaawac iyo dhimasho dabkaasi sababay waxaa dhankooda iyaguna goobjoog ahaa Ciidanka Booliska magaalada Burco oo si fiican ula shaqeeyay ciidamada Dabdemiska. Ugu dambayn ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan shirkadaha Korontada in ay ka taxadaraan halista xadhkaha laydhka iyo guud ahaan korontada, Isla markaana dibuhabayn ku sameeyaan xadhkaha keeni kara khatar, kuwaasi oo dhex mara dhirta ama u dhaw goobo ganacsi. Qaran News
  6. A country that is still grappling with the impact of state collapse should not be rushing to join a community whose member states have a lot in common institutionally and politically Mogadishu (Comment) — Somalia poses the most difficult ethical challenge to global politics in the 21st century. A country that does exercise full sovereignty and whose federal institutions are protected by African peacekeeping forces seeks to join the East African Community. The Federal Government of Somalia does not control the whole country, but seeks to make Somalia a member state of EAC. Somalia has no national currency, and its sovereignty is, according to a Kenyan journalist, “fluid”. At the London Conference of 2017 António Guterres, the Secretary-General of the United Nations, said that ATMIS forces “are in Somalia to respond to global threat”. It is not only institutional disparities that prevent Somalia from becoming an equal member of the East African Community, it is the nature of politics practised in Somalia that predisposes Somalia to become an economic underdog in EAC. The relevant comparison we can make pertains to Somalia and Kenya. In Somalia property rights do not exist, whereas in Kenya a legal system made up of the common law, customary law and the Islamic law makes Kenya a preferable investment location for Somalis compared to their homeland. A country that is still grappling with the impact of state collapse that shook the foundations of the nation state in 1991 should not be rushing to join a community whose member states have a lot in common institutionally and politically. Oblivious: President Hassan Sheikh Mohamud (left, with EAC heads of member states) turns a blind eye to institutional weaknesses that other EAC member states can exploit to keep Somalia in a cycle of underdevelopment. Somali economists who object to Somalia’s initiative to join EAC point to the fiscal fall out should the membership be formally consummated. Somalia will not be able to tax imports from EAC member countries, a decision that will further reduce the meagre tax revenues the budding Somali federal institutions collect to supplement the national budget. The export capacity of Somalia is severely limited, which makes the country a dumping ground for imports from EAC member countries. Somalia has a weaker industrial base compared to EAC member countries, a situation that other countries with competitive manufacturing sectors can exploit at the expense of the rudimentary industries of Somalia. No nation-wide consultations have been made with Federal Member States about the initiative to join EAC nor was independent economic advice sought to explore the pros and cons of a war-torn country joining EAC. It is an appalling case of sovereignty misuse to seek to expedite Somalia’s membership in EAC. In Somalia a discriminatory political system known as 4.5 exists in which the armed clans have granted themselves full citizenship rights to have political representation via federal member states, the control of districts among other ill-gotten political privileges. President Hassan Sheikh Mohamud defended this notorious system in his PhD dissertation (“Examining the Challenges of Clan Politics in Statebuilding: A Case Study of Somalia”) to institutionalise deepening political and inequalities, and opposition to restorative justice. Somalia’s International Partners, whose policy is based on preventing ungoverned spaces emerging in Somalia, has a moral obligation to address sovereignty misuse by the incumbent administration. Representative democracy is not in place in Somalia; elite bargain reigns. The national interest of Somalia is best served when leaders tread carefully and commit themselves to restitution policies, political equality and genuine nation-building initiatives instead of seeking headlines. The Federal Government of Somalia should not be allowed to make a mockery of the sovereignty of Somalia. Ali S. Aweys is a former employee of the Central Bank of Somalia The post Why Somalia Should Not Join EAC appeared first on Puntland Post.
  7. Xarunta Libin waxa ay ol'olaysaa doorka ka qaybqaadashada haweenka ee dib-u-diska iyo metelaadda. Source: goobjoog.com
  8. Shacabka Degmada Madheera oo 500 oo Neef o Adhi ah ugu deeqay Ciidanka Qatanka Hargeysa(Qaran news)- Badhasaabka gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi ayaa masuuliyiinta iyo waxgaradka degmada Madheera kala wareegay 500 oo neef oo adhi ah iyo Agab kale oo iskugu jiray dhar iyo bagaash. Badhasaab Cali Case wuxuu uga mahadceliyay deeganka Madheera kaalmada ay soo gaadhsiiyeen ee ay ugu talogaleen ciidanka Qaranka. Cali Case wuxuu sheegay in kaalmadaasi ay tahay tii ugu ballaadhnayd ee loogu deeqay ciidanka Qaranka ee difaaca ugu jira dalka. Toddobaadkii hore degmada Laaso-dacawo ee isla gobolka Saaxil ayaa ciidanka ugu deeqday adhi ka badan 200 oo neef oo adhi ah. Qaran News
  9. Tababar Goleyaasha Deegaanka Looga Furay Burco Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo kaashanaysa Hay’adda UN-HABITAT ayaa Tababar uga furtay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Tog-dheer, qaar ka mid Xildhibaanada Goleyaasha Degaanka ee dalka. Tababarkan oo Socon doona muddo shan casho waxaa uu ku saabsan yahay Xalinta khilaafaadka Goleyaasha Degaanka ee dalka (Conflict Management Training for Local Councillors). Muddada uu socdo ayay Xildhibaanadu ku baran doonaan sida loo xaliyo khilaafaadka Goleyaasha Degaanka. Agaasimaha Waaxda Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Maxamed ayaa furay shirkan saaka waxaana ka soo qayb galay maayirka iyo Maayir Ku xigeenka Degmada Burco. Qaran News
  10. Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay tobannaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo maanta ka dhacay xaafad ku taalla koonfurta caasimadda Suudaan ee Khartoum. Guddiga wax iska caabinta oo ka mid ah kooxihii abaabuli jiray bannaanbaxyada dimuqraadiyad doonka ah haddana ka shaqeeya gargaarka xilliga dagaalka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in abaaro 7:15 subaxnimo ay diyaarado militari duqeeyeen agagaarka suuqa Qouro. Isbitaalka ayaa dhanka kale soo saaray baaq degdeg ah oo ku socda dhammaan xirfadlayaasha caafimaadka ee magaalada in ay tagaan oo ay gacan ka geystaan daweynta tirada sii kordheysa ee dadka dhaawaca ah ee imaanaya halkaasi. Tan iyo 15-kii April, Suudaan waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidanka qaranka iyo kuwa gurmadka degdegga ah ee RSF. Ku dhawaad 7,500 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka socday mudada ku dhow shan bil, sida lagu sheegay qiyaas ay soo saartay hay’adda ACLED ee ka faalloota isku dhacyada hubaysan. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Khasaaraha duqayn ka dhacday Caasimadda Suudaan appeared first on Puntland Post.
  11. Bardaale (Caasimada Online) – Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay weerar ay Al-Shabaab Sabtidii shalay ku qaadeen degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in laga hortegay weerar ay soo qaadeen Al-Shabaab, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyay halkaasi. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay iska caabiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, isla-markaana jab iyo khasaare ay kala kulmeen Bardaale. Sida wasaaraddu sheegtay waxaa dagaalka lagu dilay horjoogihii xubnaha weerarada soo qaaday iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab War kooban oo kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in iska caabinta lagu dilay hogaamiyihii kooxda iyo maleeshiyaad kale oo katirsanaa Alshabaab. “Xalay, Ciidanka Xoogga Dalka, oo ay taageerayaan dadka deegaanka, ayaa ku guuleystay inay iska caabiyaan weerar ay maleeshiyada Khawaarijta ku soo qaadeen degmada Berdaale ee gobolka Baay,” ayay tiri wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in haatan ay dagan tahay xaaladda degmada, ayna gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka. Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guullo ka sheegatay weerarkaasi, waxayna sheegtay in muddo kooban la wareegtay saldhigga ciidamada dowladda, ayna sidoo kale gaarsiisay khasaare culus. Inta badan xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla halkaasi. The post Wasaaradda gaashaandhigga oo war kasoo saartay jab Shabaab lagu gaarsiiyay Bardaale appeared first on Caasimada Online.
  12. Turkish President Recep Tayyip Erdogan on Sunday met Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman in India for talks. Source: Hiiraan Online
  13. NEWCASTLE, England -- Great Britain's Mo Farah capped his illustrious competitive racing career Sunday with a fourth-place finish at the Great North Run half-marathon. Source: Hiiraan Online
  14. Warbaahinta Israel ayaa baahiyay qorshe ay sheegeen in wasaaradda arrimaha dibeda ee dalkaas ay ku dooneyso inay xiriir kula yeelato Soomaaliya, iyaga oo sheegaya inay kulamo dhexmareen madax sare oo ka kala socda Soomaaliya iyo Israel. Waxay warbaahintu intaas ku dartay inay qorshaha xiriirka labada dal uu salka ku hayo heshiiska Abraham kaas oo fure u ahaa in uu hagaago xiriirka Israel ay la leedahay Imaaraatka Carabta, Baxreyn, Morocco sanadkii 2020kii. Heshiikaas oo madaxda Falastiin ay ku tilmaameen in uu yahay ‘qiyaano’ ayaa balaariyay xiriirka dublumaasiyadeed iyo kan ganacsi iyo isu-socod ee dalkaas ay la leeyihiin Israel. Laakiin heshiiskaas ayaa Israel ku qasbayay inay hakiso qorsheha muranka dhaliyay ee ay ku qabsaneyso qyeb cusub oo ka mid ah daanta galbeed. Israel ayaa hadda dedaal ugu jirto xiriir ay la yeelato dalalka Islaamka oo uu ku jiro dalalka uu dadka badan dunida muslimiinta ee Indonesia, Mauritania, iyo Niger. Sida uu faafiyay wargeyska Israel ee Israel Hyaom, waxaa qorshaha balaarinta heshiiska Abraham 2020 kaalin weyn ku leh Xoghayaha Arrimada Dibeda ee Mareykanka Antony Blinken, La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Mareykanka Jake Sullivan, iyo Ergayga gaarka ah ee Amos Hochstein. Dowladda Raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ilaa iyo hadda ku guuleystay inay xiriir la yeelato dalal dhowr oo Muslim ah oo ku yaal Afrika, oo ay ka mid yihiin Chad oo safaarad ka furatay Israel, iyo Sudan oo wasiirka arrimaha dibeda ee Israel ee hadda xilka haya uu noqday kii ugu horreeyay ee booqda dalkaas Xiriirka Soomaaliya iyo Israel iyo warbaahinta Israel Soomaaliya iyo Israel weligood ma yeelan xiriir dublimaasiyadeed, iyada oo Soomaaliya ay ka mid ahay dalalka ugu mayalka adag ee sida weyn u taageera qadiyadda Falastiin ilaa berrigii xorriyada. Laakiin dhowr ka mid ah warbaahinta Israel ayaa si kordheysa u tebinayay in madaxda Soomaalida ay muujiyeen inay danyenayaan xiriir ay la yeeshaan Israel. Wargeyska Times of Israel ayaa horey u baahiyay in labadii madaxweyne ee ugu dambeysay, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ay la kala kulmeen Raysal wasaaraha Israel Netanyahu 2020kii iyo 2016kii. Wargeyska oo soo xiganaya dublumaasiyiin aysan shaacin magacyadooda ayaa tilmaamay in labada madaxweynaha ay safar qarsoodi ah ku tageen Tel Aviv xilliyo kala duwan iyaga oo kulan la yeeshay Benjamin Netanyahu. War kale oo la faafiyay sanadkii hore ayaa sheegay in markale madaxweyne Xasan Sheekh uu safar qarsoodi ah ku tagay Israel xilli uu booqasho ku joogay Imaaraatka Carabta bishii Juun ee sanadkii hore. Warkaas ayaa soo baxay kadib markii xubnaha waftiga madaxweynaha la socday lagu karantiilay hoteelkii ay ka tageen Imaaraatka kadib markii laga helay fayruska Karoona, taas oo kordhisay maalamaha safarka madaxweynaha ee dalkaas oo markii hore loo qorsheeyay labo cisho. Afhayeenkii madaxweynaha ee xilligaas Cabdikariim Cali Kaar ayaa beeniyay warkaas, isaga oo sheegay in uusan jirin wax xiriir dublumaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Israel. Xafiiska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa iyaga na dhankooda beeniyay in madaxweynuhu booqday Israel, iyaga oo ku tilmaamay warka Wargeyska Times of Israel mid aysan wax ba ka jirin. Laakiin wasiirkii arrimaha dibeda ee Soomaaliya ee xilligii dowladdii Farmaajo, Axmed Cawed ayaa BBC u sheegay in uusan xaqiijin karin ama uusan beenin karin safarkaas. Waxa uu tilmaamay in madaxweyneyaasha Soomaaliya ay galaan safaro iyo howlo aysan wasiiradda arrimaha dibeda ku wehlin ama aysan wax kala socon, isaga oo si gaar ah u tilmaamay inay jiraan safaro iyo howl badan oo khuseeyay wasaaradda arrimaha dibeda oo xilligii uu xilka hayay aan wax badan looga sheegin, kuwaas oo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea. “Way dhici kartaa sababtoo madaxda Soomaalida ayaan aqaan, oo meelwalba ayay u geli karaan wax walba oo ay u arkaan dantooda,” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawed oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya intii u dhexeysay Janaayo 2018 ilaa Nofeembar 2020. Qaran News
  15. Gaalkacayo (Caasimada Online) – Dhaqaatiirta iyo bahda caafimaadka ee ka howlgala gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta isugu soo baxay magaaladaasi, iyaga oo si adag uga hadlay dilkii loo gaystay Allaha u naxariistee Dr. Sakariye Cabdi Jaamac oo xalay aano qabiil darteed loogu dilay waqooyiga Gaalkacyo. Dhaqaatiirta oo hadal siiyay warbaahinta ayaa si xoogan u cambaareeyay falka dilka ah ee loo gaystay Dr Sakariye oo kamid ahaa dhaqaatiirta dhalinyarada ah ee ku sugan halkaasi. Sidoo kale waxa ay ku dhawaaqeen shaqo joojin mudo saddex maalmood ah, iyaga oo ku muujinayo, sida ay uga xun yihiin dilka arxan darrada ah ee loo gaystay saaxibkooda. Go’aanka dhaqaatiirta ayaa isla maanta dhaqan-galay, waxaana lasoo wariyay in haatan la xiray qaar ka mid ah isbitaalada Gaalkacyo, waxaana kaliya sii shaqayn doono qaybaha loogu adeego bukaanada jiifka ah iyo dadka la soo kulma xaaladaha deg-degga ah. AUN dilka dhaqtarka ayaa waxaa fuliyay nin hubeysan oo watay qoray Ak47 ah, kaas oo ku dhex-dilay xarun caafimad oo uu maamule ka ahaa oo lagu magacaabo Alxaramayn. Waxaa sidoo kale dilka sida uu u dhacay duubtay kaamirada CCTV oo ku xirnayd xarunta caafimaadka ee lagu dhex-dilay marxuumka, iyadoo muuqaalka lagu baahiyay Internet-ka. Ninka hubeysan ee dilka fuliyay waxaa sidoo kale la socday laba nin oo kale oo la aaminsan yahay inay qayb ka ahaayeen falka dilka ah, kuwaas oo kaamirada ay soo qabatay, waxayna u ekaayeen kuwo gacan ku dhiiglaha siinaya tilmaam ku aadan dhaqtarka. Arrinta argagax leh ayaa ah in muuqaalka laga arkay ninka hubeysan oo toos u tooganayaa marxuumka, isaga oo gudaha u galay xarunta, isla-markaana toos ugu bilaabay xabadda. The post Dhaqaatiirta Gaalkacyo oo go’aan culus ku dhowaaqay kadib dilkii Dr Sakariye appeared first on Caasimada Online.
  16. Tel Aviv (Caasimada Online) – Israeli Foreign Minister Eli Cohen is ardently working on establishing normalized ties with Somalia, a country that has consistently voted against Israel in international forums, according to Israeli Media. Despite not having historical diplomatic relations with Israel and prohibiting Israelis from entering its territories, Somalia has demonstrated multiple interests in creating diplomatic bridges with the Jewish nation. This newfound curiosity might be linked to Somalia’s strategic location near the Red Sea’s entrance and its proximity to the Arab Peninsula, especially amidst Israel’s waning relations with Eritrea. Direct efforts to build these relations can be traced back to 2016 when Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu held talks with the Somali president in Nairobi. Following this, the discussions mostly continued in indirect channels involving diplomats of lower stature. The internal Israeli debate However, as per Hebrew media, this move faces internal opposition. Tzachi Hanegbi, the Head of the National Security Council, as The Times of Israel reported, voiced concerns against establishing ties with Somalia. He highlighted that Israel might not benefit significantly by aligning with a country facing severe economic challenges. This standoff further accentuates the existing rift between the National Security Council and the Foreign Ministry, with disputes emerging since 2014. The tension was ignited recently with news leaking about a confidential meeting between Cohen and his Libyan peer, Najla Al-Mangoush. Reliable sources suggest that Cohen also had probable interactions with close confidants of Somali President Hassan Sheikh Mohamud. The post Tensions rise as Israel courts diplomatic ties with Somalia appeared first on Caasimada Online.
  17. Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel Eli Cohen ayaa qorsheynaya inuu xiriir la yeesho Soomaaliya, balse waxa uu wajahayaa diidmo ka imaneysa Golaha Amniga Qaranka, waxaa sidaas qoray warbaahinta Israel. Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, madaxa Golaha Amniga Qaranka, Tzachi Hanegbi ayaa kasoo horjeeda xiriir lala yeesho Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in Israel aysan wax dan ah ugu jirin xiriir ay la yeelato mid ka mid ah dalalka “ugu dhaqaalaha liita” caalamka. Si kastaba, Cohen ayaa rajeynaya inuu xiriir la yeesho Soomaaliya, si uu u helo codka Soomaaliya ee masraxyada caalamka, halkaasi oo Soomaaliya ay ka codeyneysay Israel. Wargeyska ayaa qoray in xiisad ay ka dhex oogneyd Golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda, taasi oo soo taagneyd tan iyo 2014, markaasi oo awoodda laga wareejiyey wasaaradda arrimaha dibedda, loona gacan geliyey golaha. Wargeyska ayaa intaas ku daray in xiisadda ay sii xoogeysatay kadib markii shaaca laga qaaday kulan sir ah oo dhex-maray Cohen iyo wasiirka arrimaha dibedda Libya Najla Al-Mangoush laba toddobaad kahor, kulankaas oo ka dhacay Roma. Times of Israel ayaa soo xigtay inay u muuqato in Cohen uu la kulmay kaaliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Cohen ayaa isku dayayey inuu dhiso xiriir dhex-mara Israel iyo Soomaaliya oo weligeed aan xiriir la yeelan Tel Aviv, islamarkaana aan dadka Israel u ogoleyn inay soo cag dhigtaan Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Nairobi 2016, hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyey, kaliya wada-hadallo aan toos aheyn ayaa dhex-maray diblomaasiyiin ka kala socota labada dhinac. Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin warbixinta wargeyska Times of Israel, balse Villa Somalia horey ayey u beenisay inay wax xiriir ah dhex-mareen labada dhinac. Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv. Israel ayaa bishii August 2020 waxay xiriir la sameysatay dhowr dal oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Bahrain. Sidoo kale bishii October, Sudan ayaa ku biirtay dalalka xiriirka la sameystay Israel. The post War cusub oo kasoo kordhay qorshaha ay Israel xiriir kula yeelaneyso Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  18. Mogadishu (HOL) - Al-Shabab militants launched an attack on a Somali military base in the Awdheegle district of the Lower Shabelle region on Sunday morning. Source: Hiiraan Online
  19. Leego (Caasimadam Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen tuulooyin dhowr ah oo dhaca agagaarka magaalada Leego ee gobolkaasi oo ay daganaayeen dad xoolo dhaqato ah. Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana kasoo jeeda beesha degta halkaas ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaday dadka deegaanka, isla-markaana ay gubeen illaa 10 tuullo oo ku yaallay halkaasi. Caanooy ayaa shaaca ka qaaday in dhibato xoogan ay ka jirto halkaasi, isla-markaana ay barakac sameeyeen dadka deegaanka. “Musiibo weyn ayaa waxa ay ka dhacday tuulooyin hoostaga magaalada Leego illaa 10 tuulo ayay Al-Shabaab gubeen, dadkii deganaana waxa ay u gaysteen barakac, dhibaato iyo xadgub fara badan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Caanooy oo la hadlay Somali Cable. Sidoo kale wuxuu ugu baaqday shacabka inay hubka qaataan oo ay iska dhiciyaan xubnaha kooxda Al-Shabaab ee muddada dheer dhibaatada ku haya. “Dab wax ka xun maleh, ilaah ayaa wax ku ciqaaba ilmihiina oo hurda, waayeeladiina oo jiifa ninka aqalka dhinaca kale dabka uga soo qabtay qoray qaado ee meel alaalo meesha uu joogo Al-Shabaab ka daba teg oo ka aarso” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale Xamza Xaadow oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa isna si adag uga hadlay arrintaan, isaga oo ku baaqay in la’iska celiyo Al-Shabaab. “Hurdo kuuma taallo inta maamooyinkaas guryahooda lagu gubay iyo ilmahaas sawirkooda na horyaallo waa inaad qoriga qaadataan, waana inaad Shabaab meel kasto oo aad ku aragtaan la dirirtaan” ayuu isna yiri Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Xamza Xaadow ayaa sidoo kale xusay in kooxda Al-Shabaab aysan laheyn arxan, loona baahan yahay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay iska dhiciyaan. “Khawaarijto ma laha arxan, gargaarna aysan u lahayn Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan” ayuu mar kale yiri Xamse Xaadow. Waa markii labaad oo ay Al-Shabaab gubayaan tuulooyinkan oo hoos yimaad deegaanka Leedo, waxayna sidaan oo kale horay ugu sameeyeen sanadkii 2020-kii. The post Al-Shabaab oo gubay tuulooyin ku yaalla Shabeelaha Hoose appeared first on Caasimada Online.
  20. Awdheegle (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ayaa guul ka sheegtay dagaal ay ciidamada Xoogga dalka la gaareen xubnaha weerarka soo qaaday. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab oo ku billowdo qaraxyo. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay xubnaha Al-Shabaab ay goobta uga carareen maydadka 20 xubnood, kadib dagaalkii saaka ka dhacay halkaasi. Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale warisay in weli ciidamadu ay wadaan tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee Al-Shabaab kasoo gaaray dagaalka Awdheegle. “Saraakiisha ciidammada ayaa hadda wada tira koobka qasaaraha rasmiga ah ee saakay lagu gaarsiiyey Khawaarijta dagaalka degmada Awdheegle” ayuu lagu yiri qoraalka dowladda. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Hoose. Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Maalmihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan howlgallada ka wada inta badan gobollada dalka. The post Dowladda Somalia oo sheegtay inay 20 Shabaab ah ku dishay dagaalkii Awdheegle appeared first on Caasimada Online.
  21. . Tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay 2,000 oo qof kadib dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Marooko ee waqooyiga Afrika. Dhaawaca ayaa isna kumanaan ah oo ka badan tirada dhimashada. Dhul-gariirkan ayaa ka mid ahaa kuwii ugu mashaqada badnaa ee qarnigan dhaca. Source
  22. Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan Baarlamanka dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba isaga baxay xisbiga xukuumadda ee KAAH. Qoraal kooban oo uu xildhibaan Dhaashane u diray xisbiga xukuumadda ee Kaah ayuu ku caddeeyay in uu iska casilay kamid ahaanshaha golaha dhexe ee Kaah. Cabdiqani Dhaashane ayaa sidoo kale caddeeyay in uu gebi ahaanba isaga baxay xisbiga Kaah sababa isaga u gaar ah dartood balse sharraxaad kama bixin. Wararka madax-bannaan ayaa xaqiijinaya in xildhibaan Dhaashane uu ku biirayo xisbiga Shaqaalaha ee Puntland si uu guddoomiye uga noqdo. PUNTLAND POST The post Xil. Cabdiqani Dhaashane oo isaga baxay xisbiga Xukuumadda Puntland ee KAAH appeared first on Puntland Post.
  23. Galkacyo (HOL) - A gunman, dressed in a security uniform, killed a young and prominent doctor inside his health center in Galkacyo town, located in the Mudug region on Saturday evening. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay u tartameysa xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka, kaas oo ay ah mid muhiim ah, waxaana u sharraxan xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo hadda ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya. Xildhibaannada oo u warrantay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in muddo dheer ay ku hamineysay inay gasho tartankan oo kale, si ay wax ugu qabto dalka. “Muddo waa ku naaloonayay, dalkana waxaan ugu soo noqday inaan xilal waa weyn ka qabto, ama caalamka aan wax uga taro, marka in badan ayaa ka fakirayay inaan xilkaas qabto, si aan Baarlamaankeena iyo waddanka wax ugu taro” ayay tiri Marwo Cabdi Bashiir. Musharrax Marwa Cabdi Bashiir ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujisay ku guuleysiga xilkan, ayada oo shaaca ka qaaday inay haysato fursado badan. “Ma jiro hadda wax caqabad ah oo aan oran karo way i hortaagan tahay, fursaddana way badan tahay, waana ku rajo weynahay inaan helno” ayay hadalkeeda sii raacisay. Sidoo kale waxa ay ka hadashay muhiimada uu xilkan u leeyahay Soomaaliya, haddii loo doorto hoggaanka Baarlamaanka Aaduunka, waxayna sheegtay in fursado badan laga helayo, sida in Somalia ay kusoo noqoto saaxada caalamka, korna uu u kaco baasaboorka. “Xilkaas Soomaaliya waxay ka faa’iidaysaa inay kusoo noqoto saaxadda, inuu baasaboorkeennii kor u qaado,” ayay mar kale tiriMarwa Cabdi Bashiir. Dhanka kale, guddoonka sare iyo xildhibaanada baarlamaanka oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u taageeray musharaxnimada xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, iyaga oo u rajeeyay guul weyn. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlayay kulankii shalay ee Baarlamaanka ayaa gabagabadii ka sheegay in Xildhibaanadda loo sameyn doono olole qaran isla-markaana waxa uu tilmaamay in Baarlamaanada saaxibka la’ ah Soomaaliya laga codsan doono inay garab istaagaan, si ay cod uga hesho, uguna guulaysato xilkaas culus. The post Rajada Somalia ee ku guulaysiga xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka appeared first on Caasimada Online.
  25. CAF has agreed to postpone the TotalEnergies Africa Cup of Nations Côte d’Ivoire 2023 Qualifier match between Morocco and Liberia following the earthquake in Morocco which resulted in more than 800 people losing their lives and hundreds injured. Source: Hiiraan Online