-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Dowladda Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey xafladda daahfurka ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa TPSS uu marag u yahay ahmiyadda ay Xukuummada #DanQaran siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa dalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sanduuqa TPSS ku tilmaamay hindise togan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduuqa TPSS. Wuxuuna beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii hindisahani u noqon lahaa mid miro dhala. Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro. Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballanqaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabbagelinta Sanduuqa TPSS, si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso dadweynaha Soomaaliyeed. Munaasibadda daahfurka Sanduuqa TPSS oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, Diblomaasiyiin, qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta. Barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo taadeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo daah-furay Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
The Government of the Republic of Somaliland Security Forces have confirmed that approximately 600 insurgents led by Fuad Mohamed Qalaf (Shangole) one of the leaders of the Al-Shabaab have entered Las’anod, Somaliland in the last couple of days has sparked growing concerns among authorities and citizens. Sources have shared that the objective of the visit by Shangole is to train the local militants on how to prepare explosives and how Al-Shabaab can create a base in the mountains of Erigavo. Mr. Kaysar informs the EU institutions and the international community that in the past few months, Las’anod has witnessed a disturbing increase in attacks, recruitment efforts, and the spread of extremist propaganda. These activities undermine the efforts made by the government and security forces to maintain law and order in the area. The rise in violent incidents and extremist ideologies poses a significant threat to the peace and stability of Somaliland and the region as whole. He also expresses his deep concern as these incidents jeopardize the social fabric of the community and country. The rise in extremist activity not only affects the security of Las’anod but also has the potential to spill over into neighboring regions, further destabilizing the area. He also informs the EU institutions and the international community that the Government of the Republic of Somaliland, in collaboration with the security forces, is taking urgent measures to address this critical situation. Efforts are being made to enhance intelligence gathering, strengthen border security, and improve coordination among security agencies to counter the threat posed by Al-Shabaab and other extremist groups. Mr. Kaysar calls upon the international community, neighboring countries, and relevant regional organizations to provide support and assistance in combating terrorism and extremism in Las’anod. Cooperation and collaboration are essential in effectively addressing this pressing issue. “The collective efforts of the international communities and the Government of the Republic of Somaliland is crucial in overcoming this threat and restoring peace and stability to Las’anod.” – he explains. Mr. Kaysar affirms the commitment of the Government of Somaliland to the safety and security of its citizens and its will to take all necessary measures to counter extremist activities, as the Government of Somaliland stands firm in its determination to protect the values of peace, unity, and harmony that are the foundation of our country. Qaran News
-
Shirweynaha Waaxda Dhulka oo ka Furmay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Shirweynaha Waaxda Dhulka ee Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa maanta ka furmay Hotel Maansoor exe magaalada Hargaysa. Waxaa shirkan ka soo qayb galay Maayirka Caasimadda, Xoghayaha fulinta, shaqaalaha waaxaha dhulka, shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Geosol. Waxaa si adag looga doodday xal u helidda caqabadaha soo noq-noqda ee waaxda dhulka, waxaa war-bixinno iyo talooyin laga dhagaystay agaasimaha waaxda dhulka, maamulaha shirkadda Geosol, qaar ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka, gudddoomiyayaasha degmooyinka Caasimadda iyo xubno kale oo muhiim ah. Sidoo kale waxaa shirkan ka soo qayb galay Maayirradii hore ee Caasimadda Cabdiraxmaan Solteco iyo Eng Jiciir oo talooyin, tusaalayaal, khibrad, iyo waayo aragnimo, wixii ay u soo joogeen ka warramay kuna soo kordhiyey Shirweynaha Waaxda Dhulka Dawladda Hoose ee Hargaysa. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii mucaaradka Koonfur Galbeed ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa inta badan ka qayb-galay xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed waxaana looga hadlay doorashada maamulkaas iyo dagaalka Shabaab. Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in madaxweyne Laftagareen uusan diyaar u ahayn doorasho, sidoo kalena uu ka gaabiyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Sidoo kale wixii ka dambeeya 1-da bisha November, waxaa bayaankaan lagu sheegay in Laftagareen uusan door ku yeela doonin geedi socodka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna lamid noqon doonaa musharaxiinta kale Haddaba sidee looga falceliyay go’aanka mucaaradka Koonfur Galbeed? Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada koonfur Galbeed ayaa teegeeray war murtiyeedka mucaaradka, wuxuuna sheegay inuu kusoo aaday xilli loo baahnaa, wuxuuna ku eedeeyay maamulka hada jira inuu sidiisaba gaabiyay. ‘Waxaan u arkaa war murtiyeed tafaftiran oo waaqici ah, kana hadlaayo waxyaabaha maanta jira haddii ay ahaan lahayd dib u xoreynta dowlad goboleedyada iyo guud ahaan dhulka dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasadda murugsan ee K/Galbeed” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu ka baxay heshiiskii horay loo galay ee ku aadanaa in doorashada la guda galao, iyada oo lagu bilaabayo soo xulista xildhibaanada. “Waxaan caddeyneynaa in Laftagareen uu ka baxay heshiisyo uu horay ula gaaray mucaradka, doorasho marabo ninkaasi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxa kale oo uu yiri “Cabdicasiis wuxuu ka shaqeeyay maja-xaabintii fikirkii iyo dadaalka madaxweynaha JFS ee lagu xoreynaayay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed” . Dhankiisa Cabdisataar Xasan Cali oo kamid ah siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay tallaabada mucaaradka, wuxuuna sheegay in war murtiyeedka ay soo saareen uu caqabad ku yahay dagaalka haatan ka socda gudaha dalka. “Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayuu xagal daacinayaa War-murtiyeedka kasoo baxay shirka musharaxiinta iyo siyaasiyiinta KGS ee magaalada Nairobi” ayuu yiri Cabdisataar. Sidoo kale Cabdisataar ayaa yiri “Waxaan tuhunsanahay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu kamid yahay dadka abuuraayo xaaladdaas si dagaalka Al-Shabaab la’isaga dhaafo”. Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo siyaasadeed, mana muuqdo u diyar garow doorasho, waxaana intaas usii dheer dagaalka lagula jiro Shabaab. The post Falcelin xoogan oo ka dhalatay go’aanka mucaaradka Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Mas’uuliyiinta amniga ee Muqdishu ayaa sheegay inay ciidamadu ka hortageen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof isa soo miidaamiyey maanta. Baabuurkaasi ayaa ku qarxay bar kontrool oo ku taalla duleedka degmada Dayniile ee Muqdishu oo ay ciidamada ka waardiyeeyaan amniga magaalada. Mas’uul ka tirsan degmada Dayniile oo lagu maacaabo Cali Cabdi Faarax ayaa warbaahinta u sheegay in shan askari ay ku dhaawacantay weerarka, ciidankuna ay fashiliyeen. Waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu jiro ugu yaraan qof rayid ah oo ku dhaawacmay weerarkaas. Ururka al-Shababa ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Amniga Muqdisho oo fashiliyay qarax ismiidaamin ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Dayniile, Cali Cabdi Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ka ka bixiyay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay gudaha degmadaasi. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarax ayaa waxaa lagu weeraray xarunay ciidamada xasilinta caasimada ku leeyihiin halka loo yaqaano Dhista oo ku dhow agagaarka degmada Dayniile, sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenku. Cali Cabdi Faarax ayaa xusay in ciidamada ay markii istaajiyeen gaariga, balse uu ka dhaga adeegay amarka, kadibna rasaas lagu furay ay keentay inuu meesha ku qarxo. ‘Gaariga istaag ayaa la dhahay, markii uu diidayne rasaas ayaa lagu furay, kadibna wuu qarxay oo sidaas ayaa lagu fashiliyay” ayuu yiri Cali Cabdi Faarax. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 5 askari iyo sidoo kale qof shacab ah oo waddada marayay. “Qaraxa waxaa nooga dhaawacantay 5 askari, sidoo kale waxaa dhaawac 1 qof oo shacab ah wax kale oo dhibaato ah ma jiro” ayuu yiri guddoomiye ku ixgeenka amniga Dayniile. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in qaraxaan loo waday magaalada Muqdisho, balse ay iyagu ka hortageen, wuxuuna sheegay in ay tahay markii labaad. “Waa qaraxii abaad ee la fashiliyo waxaa dareemee in loo safri rabay magaalada, balse waa laga hortegay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Faarax Cabdi. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo dhanka kale ay howlgallo amni xaqijin ah wadaan ciidamada dowladda. Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaallada ka socda gobollada dalka, ayaa u muuqato inay iyaduna culeys soo saartay Muqdisho oo ay ka fulineyso weeraro culus. The post Wararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha qaraxii Dayniile appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in mar kale diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo culus maanta ka fuliyeen Galmudug oo uu haatan ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Shabaab. Duqeyntan dhanka cirka ah oo ka dhacday tuulo u dhaxeysa deegaanada Ceel-Garas iyo Ceel la helay ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah, ayada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug, Mudane Cali Baashi Cabdulaahi (Gacanbir) oo la hadlay BBC-da ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkaasi, isaga oo sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab. Cali Baashi ayaa xaqiijiyay in duqeyntan lagu khaarijiyay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Galmudug oo la yiraahdo Khaliif Gaambe iyo xubno kale. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la burburiyay laba gaari oo Cabdi Bile ah oo ay la socdeen sarkaalka la dilay iyo maleeshiyaad kale oo iyagana meesha ku dhintay, inkastoo uusan shaacin tiradooda. Sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta lala beegsaday xili uu aaggaas ka waday abaabul ciidan. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowlad goboleedka Galmudug. Weerarkan dhanka cirka ah ayaa kusoo aadayo, xilli haatan guluf culus oo ka socda Galgaduud iyo Mudug, kaas oo khasaare weyn lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, ujeedka ah in Al-Shabaab laga sifeeyo deegaanadaasi, waxaana howlgalka xoreynta iska kaashanayaa ciidanka Xoogga kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah. The post Khaliif Gaambe iyo xubno oo kale lagu dilay duqeyn ka dhacday GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada toddoba ka mid ah xubnaha sare ee kooxda AlShabaab, oo ay sheegtay in lagu dulay howlgallo dhowaan dhacay. War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in lix ka mid ah xubnahaas lagu dilay weerar 10-kii September ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Xubinta 7-aad ayey NISA sheegtay in lagu dilay deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud, oo u dhow magaalada Dhuusomareeb, 11-kii September. NISA waxay sheegtay in howl-gallada lagu dilay xubnahan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka. Halkaan ka akhriso magacyada 1- Sheekh Cabdullaahi, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle. 2- Cali Timajilic, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle. 3- Bashiir Dheere, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle. 4- Cabdiqafaar, oo loo yaqaanay Macallin Nadaara, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle. 5- Shaaciye Maxamed Cali, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle. 6- Sakariye Maxamed Bashiir, oo loo yaqaanay Cadnaan ama Sandheere, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle. 7- Axmed Cali Daahir Shuuke, oo lagu dilay hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud. PUNTLAND POST The post NISA oo shaacisay magacyada iyo sawirada 7 sarkaal oo Shabaab laga dilay appeared first on Puntland Post.
-
Kampala (Caasimada Online) – After a two-decade-long anticipation, the Bank of Uganda has finally endorsed its first Islamic Banking institution. This groundbreaking approval introduces a dual banking system in Uganda, where clients will have the luxury of accessing both traditional and Islamic Banking services. Out of the many, Salaam Bank emerges as a pioneer, having already established its mark in nations such as Kenya, Somalia, and Djibouti. The bank has a year to initiate its operations. Once up and running, Salaam Bank will be supervised by the Bank of Uganda as a premier financial entity. This inclusion escalates the count of commercial banks in the country to a commendable 26. At a recent event in Kampala where the official licensing took place, Deputy Governor of the Bank of Uganda, Michael Atingi-Ego, remarked, “I am confident that Salaam Bank has the expertise and resources to manage these risks.” This statement emphasizes the bank’s robust infrastructure, even though he noted that every new venture inherently has its share of risks. Islamic Banking: The Sharia perspective Guided by the tenets of Sharia law, Islamic Banking steers clear from the acceptance or payment of interest. It mandates the sharing of profits and losses and prevents financial institutions from diving into derivatives due to their inherent unpredictability. Addressing this unique structure, Dr. Atingi-Ego highlighted that the prohibition of interest rates makes Islamic Banking “a more sustainable form of banking, and it is well-suited to the needs of many Ugandans.” The residents of Uganda have long grappled with soaring interest rates, which hover around a substantial 26 percent. The introduction of Islamic Banking is a monumental stride that aims to enhance financial inclusivity. A paradigm shift in Uganda’s financial landscape Salaam Bank’s pioneering move is not merely a new banking alternative. However, it sets a standard for other institutions to develop their Islamic Banking offerings. In the past, several banks exhibited interest in presenting Islamic Banking services. Their ambitions, however, were curtailed by the need for more essential frameworks like the Central Shari’ah Advisory Council. Elaborating on this, Finance Ministry Permanent Secretary Ramathan Ggoobi said, “The passing of pertinent tax bills between 2022 and 2023, including Income Tax, Value-added Tax, Stamp Duty, and Excise Duty, and the repeal of the Central Shari’ah Advisory Council’s necessity, have facilitated the launch of Islamic Banking.” Ggoobi also urged citizens to understand that Islamic Banking isn’t an attempt to propagate Islam. Instead, he emphasized its importance in revolutionizing Uganda’s economic landscape, particularly for those businesses that have been hesitant to embrace mainstream banking because of the interest rates. The post Islamic Banking breaks ground in Uganda with Salaam Bank appeared first on Caasimada Online.
-
The 10-1 final score of the first Somali Youth Soccer League final Sunday in Faribault wasn’t the most important thing. It was more about the smiles and exercise. Source: Hiiraan Online
-
Hodan Artan is patching up the roof of her home, sewing together pieces of fabric of different colours with a blue string. Source: Hiiraan Online
-
London (Caasimada Online) – On the evening of June 6, 2021, London, Ontario, was the backdrop for a horrifying act. As the Afzaal family—a father, mother, daughter, grandmother, and a young son—enjoyed a peaceful walk, tragedy struck. Nathaniel Veltman, 22, allegedly drove his truck into the family, killing four of them. The sole survivor was the couple’s nine-year-old son, now left to grapple with the trauma of that fateful night. Salman Afzaal, 46, his wife Madiha Salman, 44, their 15-year-old daughter Yumna, and 74-year-old grandmother, Talat Afzaal, met a brutal end that evening. Through Sarah Shaikh, Prosecutors presented that Veltman had meticulously planned this attack three months in advance. They detailed how he accelerated “pedal to the metal” towards the family, with the vehicle’s surge onto the sidewalk shrouded in a dust cloud. The motive? Shaikh said Veltman targeted the family “because they were Muslims.” Inside Veltman’s mind: A dark ideology unveiled During the investigation, the disturbing depths of Veltman’s beliefs came to light. Sarah Shaikh told the jury that upon being apprehended, Veltman admitted to having been inspired by the 2019 Christchurch shootings, where a white nationalist massacred 51 people. On his computer, authorities discovered two versions of a manifesto titled “A White Awakening.” Veltman’s own words to detectives were chillingly straightforward. “I don’t regret what I did. I admit that it was terrorism. This was politically motivated, 100%,” he reportedly stated. Equipped with body armor, a helmet, and concealed bladed weapons in his vehicle, Veltman appeared prepared for even more violence. Shaikh’s account of the aftermath was harrowing, highlighting Veltman’s audacity. He purportedly approached a taxi driver at a nearby mall, confessing, “It’s me. It was me that did it. Tell them I did it and come and arrest me.” Implications for Canada’s counter-terrorism laws Canada was left reeling in the aftermath of the attack, with shockwaves of grief and calls for action against Islamophobia echoing across the nation. More significantly, Veltman’s trial might reshape how Canada prosecutes far-right extremism. Canada’s anti-terrorism laws, sculpted post the September 11 attacks, demand the Crown demonstrate that an accused’s actions were fuelled by politics, religion, or ideology, aiming to instill public fear. Traditionally, this legislation tackled violence linked to Islamist extremism. However, Veltman’s trial, now shifted to Windsor from London, represents one of the first instances where the law confronts suspected far-right motives. As Canada watches closely, this trial, expected to span eight weeks, stands not only as a judgment for a man and a heinous act but also as a testament to Canada’s resolve against all forms of extremism. The post Canadian trial spotlights rise of far-right extremism appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo kasoo cararay furimaha dagaalka, oo gudaha usoo galay magaalada Muqdisho ayay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka. Maamulka gobolka Banaadir oo shaaciyay in la qabtay xubnahaan ayaa sheegay inay doonayeen in falal amni daro ay ka geystaan magaalada Muqdisho, xilli guluf culus oo kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah uu ka socda dalka. “Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo si dhuumaalaysi ah usoo galay Wartanabadda ayaa howl-gallada kusoo qab-qabanay,” ayeu tiri Seynab Xaabsey oo ah guddoomiyaha degmada Wartanabadda oo sheegtay in howl-gallada amniga lagu xaqiijinayo lagu soo qabtay raggaasi. Sidoo kale waxay sheegtay in laamaha ammaanka ay ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsan kooxda, kuwaasi xog ku heleen inay soo galeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Waxay ugu baaqday shacabka ku nool caasimada inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago dhagaraha uu cadowga maleegayo, xilli lagu soo jabiyay furimaha dagaalka. Dowladda ayaa hore u sheegtay in xubno badan oo firxad ah, kana tirsan kooxda Al-Shabaab ay soo galeen caasimada, kadib culeys ay kala soo kulmeen gobollada dalka. Si kastaba, waxaa Muqdisho muddooyinkii dambe ka socday howl-gallad amni oo dhankasta ah, taasi oo ugu horeeyo baaritaanada lagu sameynayo guri kasta oo ku yaalla Muqdisho iyo nawaaxigeeda, midaas oo wax badan ka tartay amniga caasimada. The post Xubno Al-Shabaab ah ‘oo ka yimid furinta dagaalka oo lagu qabtay’ Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya xoogaga deegaanka, ayaa hawlgal ballaaran ka wada Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo qayb ka ah hawlgalka kale ee ka socdo Bariga Gobolka Galgaduud. Hawlgalka ayaa ah mid ay ciidamadu kula wareegayaan deegaanada ay maleeshiyada Al-Shabaab ka maamulaan gobolkaasi. Ciidamada ayaa Talaadadii la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xiinlabi, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyadaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku sii jeedaan deegaano ay ka mid yihiin Caad iyo Cammaara, oo Shabaabku ay ku xoogan yihiin. Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka, oo ay kaabayaan Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee fadhigoodu yahay Degmada Wisil, ayaa la sheegay inay kaabiga ku hayaan deegaanka Bacaadweyne, halkaasna la filayo in ay uga sii gudbaan dhanka deegaanka Shabellow. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidan kale oo ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere ay weerar ku yihiin deegaanada Jowle, Dhalwo iyo Ceel Cabdi. Garab kale oo ka mid ah ciidamada ayaa ku wajahan deegaanada Dabagalo iyo Dumaaye, oo hoostagga Degmada Xarardheere. Caasimada Online ayaa saraakiil kasoo xigatay in ciidamada lugta ay ku adkaan doonto in si dhakhsi ah ay ula wareegaan Dumaaye iyo Dabagalo, haddii ay deegaanadaasi ku yaallaan dhul hawd ah. Saraakiisha Militariga ayaa sheegay in ciidamada ay dhanka cirka ka taageeri doonaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, taas oo sahli karta in ciidamadu ay galaan deegaanadaasi. Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa mar kale shacabka ugu baaqay inay isaga fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Shabaabka. Ciidamada is garab socdo ayaa laga dhawraya in maalmo kooban ku soo afjaraan Shabaabka Gobolka Mudug. Shabaabka Galmudug ayaa wajahaya gulufkii ugu ballaarnaa, ka dib dhowr iyo toban sano oo ay ka hawlgalayeen Gobolada Galgaduud iyo Mudug. The post Wararkii ugu dambeeyey ciidamada qaranka oo la wareegay degaano dhowr ah appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa magacaabay xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Dikreetadaan oo lagu magacaabay sagaal xoghaye oo hoggaamiyaha Khaatumo uu sheegay in baahi loo qabo, xubnahaan ayaa lagu xushay khibradda, aqoonta, iyo mas’uuliyadda loo baahanyahay, sida lagu sheegay dikreetadaan. 9-ka xubnood ee loo magacaabay Xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa kala ah: Mudane Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta Mudane Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda Mudane Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga Mudane Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska Markii ay xoogagga SSC ka adkaadeen ciidamada Somaliland, waxaa Laascaanood lagu dhisay maamul la yiraahdo Khaatumo, kaas oo doonaya in xubin uu ka noqdo maamullada xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, balse weli diidmo adag iyo gacan ka hadal ayay kala kulmayaan Somaliland. The post Aqriso magacyada: Xubnaha golaha fulinta maamulka SSC-Khatumo oo la magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland Diblomaasiyiinta Caalamka Gaadhsiiyay Tacadiyada Huwantu u Geysteen Maxaabiistii Ciidanka Qaranka Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland ayaa kulamo la xidhiidha xad-gudubka xuquuqda maxaabiista Ciidanka Qaranka ee kooxaha huwantu hayaan la wadaagtay diblamaasiyinta caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Ciise Keyd Maxamuud oo uu weheliyo ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika iyo IGAD Mudane. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo kulan la yeeshay wakiilada safaaradda Somaliland ku leeyahiin dalalka Ingiriiska, Itoobiya, Jabuuti, Kenya Taiwan, Turkey, Imaaraadka Carabta iyo wakiiladda Hay’adaha Caalamiga ah sida Qarammada Midoobay, Midowga Yurub iyo hay’adda ICRC. Kulanka ayaa la sheegay in Wasiir Ciise u gudbiyey wakiiladda Dublamaasiyiinta sida xun ee loola dhaqmay maxaabiista lagu qabtay Laascaanood. Wasiirku waxa uu la wadaagay walaaca xukuumadda ee ku xad-gudbida xuquuqul insaanka ee maxaabiista. Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Ciise Keyd ayaa ku boorriyay diblamaasiyiinta inay si degdeg ah wax uga qabtaan xaaladdaha. Kulanka ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii xukuumaddu soo saartay warbixinno la xidhiidha ku-xadgudubka maxaabiista iyo ula dhaqanka hannaan ka baxsan xeerarka caalamka ee maxaabiista iyo anshaxa diinta islaamku jideysay. Qaran News
-
Dallada SONSAF oo ka Hadlay Talooyin ay u Gudbiyeen Guddida Is Waafajinta Doorashooyinka Hargeysa (Qaran news)-Guddoomiyaha Dallada jileyaasha aan Dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF Md. Anwar Cabdiraxmaa Warame ayaa ka hadlay kaalinta ay ururrada bulshada rayidka ah ee Jamhuuriyada Somaliland kaga jiraan taageerida nidaamka dawliga ah iyo Horumarintiisa. Md. Anwar Cabdiraxmaan, guddoomiyaha dallada SONSAF waxa uu ka warramay kulan ay maanta Hargeysa kula qaateen guddida farsamo ee golaha wakiilladu u magacaabay is waafajinta doorashooyinka, kuwaas oo maalmihii u dembeeyey kulamo kala duwan ku lafo gurayay sidii looga bixi lahaa xaallada lagu jiro. Guddoomiye Anwar oo ay weheliyaan xubno ka tirsan dallada Sonsaf iyo masuuliyiin kale ayaa tilmaamay inay guddida u gudbiyeen qoraal xambaarsan talo soojeedin la xidhiidha sidii la isu waafajin lahaa xeerarka dalka iyo goaankii guddida dhexdhexaadinta, isaga oo guddoomiye Anwar hoosta ka xariiqay in ay ururrada bulshada rayidka ahi mar walba garab joogaan guddida goluhu saaray iyo guud ahaanba hay’adaha dawliga ah ee wada shaqayntu ka dhaxayso. Guddoomiyaha SONSAF, Mr. Anwar waxa uu sidaas ku sheegay qoraal kooban uu ku baahiyey degelkiisa barta xidhiidhka bulshada ee Facebook. Qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan; “Waxa aanu maanta kulan xog-iswaydaarsi iyo wada-tashi ah la yeelanay Guddida gaarka ah ee Golaha Wakiilada Somaliand u xilsaareen in ay isasoo waafajiyaan talo -soojeedintii ergada dhexdhexaadinta iyo Xeerarka doorashooyinka Somaliland. Ururada Bulshada rayidka ah ee Soomaalilaand waxa ay guddida hab qoraal ah iyo hadalba kula wadaageen guddida talo-soojeedimo la xidhiidha sida ugu habboon ee Xeerarka iyo talada ergada la isu waafajin karo, iyo qodobada ku jira xeerarka doorashooyinka ee u baahan in waxka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo. Ururada Bulshada rayidka ah ee Soomaalilaand waxa ay marwalba u taaganyihiin sidii ay taageero farsamo ugu biirin lahaayeen hay’adaha dawliga ah” Qaran News
-
Abaanduulaha Ciidanka Qaranka oo Gobolka Hawd ka Gudoomay 600 oo Neef oo Adhi ah Hargeysa(Qaran news)-Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale Afguduud iyo Taliyaha hawlgalinta Ciidanka qaranka Sarreeye guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan Cabdidheere ayaa Maamulka Gobolka Hawd kala wareegay Kaalmo xoolo nool ah oo ay ugu deeqeen Ciidanka qaranka Somaliland. Munaasibad lagu qabtay taliska guud ee Ciidanka qaranka Somaliland ee Magaalada Hargeysa oo kaalmada xoolaha ah oo ahayd adhi ay kula wareegeen Ciidanka qaranku ayaa waxa ka soo qaybgalay Abaanduulaha Ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud Taliyaha hawlgalinta Ciidanka qaranka Sarreeye guuto, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan Cabdidheere Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Yurub Abiib Cabdi iyo Guddoomiyaha Gobalka hawd Ceeleeye Xuseen Aadan. Abaanduulaha Ciidamada qaranka Somaliland Sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud oo kaalmada adhiga kala wareegay ayaa sheegay in dadweynaha Somaliland garabtaaganyihiin Ciidanka qaranka.Waxaanu yidhi”Aniga iyo hogaamada Ciidamada qaranka waxaan ka gudoomay 600 oo Neef oo adhiya oo nalagu wareejiyay oo Gobolka hawd ugu deeqay Ciidamada qaranka.xaga dawlad ahaan Ciidamada taakulada way isku filanyihiin, hase ahaatee dadweynahayagu iyaga oo jecel ciidan kooda way garabtaagan yihiin oo iyaga oo degmo iyo Gobolba,”. Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa waxa uu tilmaamay in gobalka hawd barbar taaganyihiin Ciidanka qaranka.Waxaana uu yidhi”Waxa aad naga guddoontaan deeq adhiya oo Gobolka Hawd ugu deeqay Ciidamada qaranka,waxa aanu barbar taaganahay Ciidanka qaranka waayo ciidanku waxay ilaaliyaan sharafteena,”. Guddoomiyaha Gobolka Hawd Ceeleeye Xuseen Aadan ayaa ku ammaanay Gobolka hawd ee deeqdan adhiga ah ee ay ugu deeqdeen ciidanka qaranka,waxaanu yidhi”Hadaanu nahay Gobolka Hawd waxa aanu ku wareejinaynaa Ciidamadd qaranka 600 Neef oo adhiya,waxaana uga mahadnaqayaa shacabka GobOlka Hawd oo isku xilqaamay in ay garabistaagaan Ciidanka qaranka,”. Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Yurub Abiib Cabdi ayaa waxa ay uga mahadnaqeen dadweynaha Gobalka Hawd adhigan ay ugu deeqeen Ciidamada qaranka Somaliland. Qaran News
-
Madax Dhaqameed ka Hadlay Durirta Ceel Afweyn Ceerigaabo(Qaran news)-Madaxdhaqameed ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa ka hadlay nabadaynta beelaha walaalaha ah ee Ceel-afweyn oo shaqaaqo soo noqnoqotay ay dhex martay. Waxaanay sheegeen in labada beelood ba looga baahan yahay in ay ALLE ka baqaan oo ay hirgeliyaan nabadda ay qaateen. Waxaa kale oo Madaxdhaqameedku caddeeyeen in ay ku taageersan yihiin go’aamadii ay soo saareen gudidii nadadaynta Ceel-afweyn isla markaana taageersan yihiin Maamulka Gobolka Sanaag iyo ciidamada qaranka ee hawsha nabbadaynta ah u jooga Ceel-afweyn. Waxaanay labada beeloood ee Walaalaha ah ku adkeeyeen in ay ka daayaan naxdinta joogtada ah ee ay ku hayaan bulshada Somaliland ee maalin kasta warka dhiillada lihi uu ka soo gaadhayo Ceel-afweyn. Suldaan Cawil Faatax oo ka hadlay kulan ay Madaxdhaqameedkaasi warbaahinta u qabteen,ayaa sheegay in ay labada beelood ku ammaanayaan in ay qaateen Xabbad joojinta ay wada qaateen waxaanu ku adkeeyay in ay ku dhaqmaan oo aan halkaa qaylo dambe kasoo yeedhin. Waxaa kale oo uu caddeeyay in Madaxdhaqameedka shirkaa karaa’id ka hadlay in ay taageersan yihiin go’aamada ay soo saareen gudida nabadaynta u jooga Ceel-afweyn iyo maamulka gobolka Sanaag iyo ciidamada Qaranka oo nabadaynta Ceel-afweyn si naf hurnimo ah ugu guntaday. Waxaanu yidhi. “shir ay yeesheen waayeelka,madaxdhaqameedka iyo waxgaradka gobolka Sanaag waxaa ka soo baxay baaq nabadeed oo ay u dirayaan beelaha walaalaha ah ee colaaddu ku dhex martay Ceel-afweyn. Imika xabadi ma socoto laakiin waxaa la ogyahya in colaadi ka jirto deegaankaas,waxaanu leenahay waxaanu garab taagannaay waayeelka ku sugan ee nabadaynta u jooga iyo maamulka gobolka iyo degmada iyo ciidamada qaranka ee ku sugan una jooga nabadaynta Ceel-afweyn. Waxaanu baaq u diraynaa beelaha walaalaha ah ee Ceel-afweyn oon ugu baaqayno in ay nabadda qaataan oo ay hirgeliyaan xabbad joojinta ay ku dhawaaqeen ay hirgeliyaan oo ay ALLE ka cabsadaan ooay walaalnimadooda eegaan oo duruufaha ay ku jiraan ay eegaan oo ay waxkasta oo jira dhulka dhigaan oo la joojiyo colaaddaa.” Suldaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “cid kasta oo colaaddaa hurinteeda ku hawlan na hadday qurbe jog tahay iyo hadday cid kale tahayba waxaan leenahay colaadda hurinteeda joojiya oo ALLE ka cabsada oo dhiigga daadintisa ka waantooba.waxaa kale oo Madaxdhaqameedku isla gartay in aan baaqaa lagu joogin ee wixii kale ee la qaban karayo na la qabto hadday tahay in Meesha la tago oo madaxdhaqameedka gobolka Sanaag oo isu dhan ay degmada Tagaan oo ay hawshaa nabadaynta qaybtooda ka qaataan. Waxaanu leenahay oo aanu adkaynaynaa nabad gelyadu qof kasta waa u dan,ALLE na wuxuu dadka siiyaa amni iyo iimaan qofka amni waayaa Iimaan na ma helo salad na ma tukado,qofka Muslimka ahna dhiigiisu waa xaaraam. In qofka loo dilo qabyaalad in qofka loo dilo waa reer Hebel oo uu loo dilo reerka uu yahay waa diin la’aan. Waxaan leenahay booq ayaad ku tihiin gobolka Sanaag iyo Somaliland ba waxaan idiinku baaqaynaa in aad colaadda joojisaan oon wax dambe dhicin.” Madaxdhaqameedka kale ee shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa dhammaantood isku wada raacay baaqa nabadeed ee ay dirayaan isla markaana soo jeediyay in la joogo xilligii reer Ceel-afweyn loo talin lahaa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqidsho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan caasimada. Qaraxa ayaa oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lagu dhuftay bar-koontarool oo ay ciidamada dowladda, gaar ahan kuwa Boolis Milataro ku leeyihiin halkaasi, waxaana goobta laga maqlay rasaas. Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkan is-miidaaminta ah, balse waxaa weli kascsan xaaladda goobta oo ay gaareen ciidamo dheeraad ah. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, inkastoo ay socdaan gurmayo iyo baaritaano ay wadaan ciidanka amniga. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, ayada oo shaacisay inay beegsatay xero ciidan oo ku taalla halkaas, sida ay hadalka u dhigtay. Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay in dagaalyahanno ka tirsan kuweeda ay weerar toos ku galeen xerada ayna weli ka dhex dagaalamayaan. Horraantii bishan ayay aheyd markii ciidanka amniga ay isla degmada Dayniile ku fashiliyeen gaari siday qaraxyo, kadibna ay nolosha ku qabteen raggii waday. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo dhanka kale ay howlgallo amni xaqijin ah wadaan ciidamada dowladda. Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaallada ka socda gobollada dalka, ayaa u muuqato inay iyaduna culeys soo saartay Muqdisho oo ay ka fulineyso weeraro culus. The post Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
