-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Daadadka xooggan ee ku dhuftay dalka Liibiya ayaa dilay in ka badan 6,000 oo qof, iyada oo 10,000 oo qof oo kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Liibiya. Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa sheegtay in fatahaadaha ka dhashay daadadku inay si xun ugu dhufteen dhinaca bari ee dalkaas, iyaga oo barakiciyey in ka badan 30,000 oo qof. Hay’adda IOM ayaa intaas raacisay in inta ugu badan ee dadkan barakacay ay ku noolaayeen magaalada Derna oo ay daadadku khasaare xooggan u geysteen. Halka kumanaan kun oo qof oo kalena ay ka barakaceen magaalooyin ay ku jirto Benghazi. Laba biyo xidheen oo u dhowaa magaalada Derna ayaa fatahay, taasoo uga sii dartay xaaladda. Illaa haatan xog sugan lagama heli karo khasaaraha ka dhashay daadadkan, maadaama ay xukuumado iska soo horjeedaa ay ku loolamayaan awoodda dalkaas. Masuuliyiinta qaarkood ayaa aamintan in tirada dhimashadu ay laba jibaarmi karto. Source
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa saddex milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo sidoo kale loo yaqaano (Cikrama). Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $3 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan. Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Cabdiqaadir Cikrama uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka ee kooxda. “Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $3 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Cabdikadir Maxamed Cabdikadir. Cabdikadir waa hogaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan, waxaana uu soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka.” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka. Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Haddii aad hayso xog ku saabsan ninkan, noogu soo gudbi mid ka mid ah nambarada hoose ku qoran adigo isticmaalaya Signalka, Telegramka, WhatsAppka, ama khadka Tor. Waxaad ku guuleysan kartaa abaalmarin”. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in ninkan uu qorsheeyay weeraro dhowr ah, sidoo kalena uu qoray dhalinyaro Kenyaan oo ku biiray kooxda Al-Shabaab. “Cabdiqaadir waxa uu sidoo kale agaasimay qorshe hore oo weerar oo al-Shabaab. Wuxuu isku duba ridey qorista dhalinyarada Kenyaanka ah inay Al-Shabaab ku soo biiraan oo wuxuuna abbaanduule u ahaa ciidamada Al-Shabaabka Kenyaanka ee ka dagaalama Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka. Waxaa sidoo kale Mareykanka uu xayiraad saaray hantida ninkan, wuxuuna sidoo kale ka digay in lala macaamilo, maadaama loo aqoonsaday argagixiye caalami ah. “Dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Cabdikadir hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Abdikadir la sameeyaan, Taas waxaa dheer, waa dembi in si oggaal ah al-Shabaab loogu fidiyo, ama la isku dayo ama loola shaqeeyo” ayaa lagu yiri. Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacago malaayiin ah u dul dhigay xubno kamid ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay hoggaamiyaha guud ee kooxdaas, ninka lagu magacaabo Axmed Diiriye Cali oo loo yaqaan Abuu Cubeyda, kaasoo mar kale madaxiisa la dul-dhigay abaalmarin lacageed oo dhan illaa $10 milyan oo dollarka Mareykanka ah. The post Mareykanka oo $3 milyan ku raadinaya Cabdulqaadir Cikrama appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia and Italy on Wednesday launched a new fund to help enhance peace and stability as part of efforts to foster unity and collaboration. Source: Hiiraan Online
-
The UN envoy to Sudan, Volker Perthes, has announced that he's resigning. Source: Hiiraan Online
-
Dab xooggan saaka qabsaday degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dab xooggan ayaa saaka oo Khamiis ah ka kacay degaanka Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag. Dabka oo aan weli la xaqiijin waxa sababay ayaa sida wararku sheegayaan ku sii fidaya degaankaas oo caan ku ah qodashada macdanta. Goob-joogayaal ku sugan Milxo ayaa laga soo xigtay in ilaa iyo hadda la demin la’ yahay dabka islamarkaana aysan helin gurmad ku filan demintiisa. Wararka ayaa intaas ku daraya in khasaare baaxad leh uu ka dhashay kaas oo marba marka ka danbaysa sii kordhaya. PUNTLAND POST The post Dab xooggan saaka qabsaday degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post. -
Somali National Army (SNA) backed by international partners on Wednesday killed 30 al-Shabab militants in a joint offensive operation at several areas near El-Garas town in Galgaduud region, central Somalia, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Over the last month or so, President Hassan Sheikh Mohamud (HSM) has been leading the fight against Al-Shabab from the frontlines as the first-round offensive against the terrorists is nearing its completion. With the second-round offensive that will shift the battle to the southern regions of Jubaland and South-West State now on the horizon, attention is turning to the stabilization of large swathes of liberated territories across the central regions. While the gallant Somali National Army (SNA) recently suffered reversible setbacks attributed to tactical errors that the President himself acknowledged, HSM’s resolve in his total war against the Al-Qaeda aligned terror group remains firm and unrelenting. Victory is within sight, and it won’t be long before the terrorists are totally annihilated and uprooted from Somali soil. Source: Hiiraan Online
-
The Chinese Embassy in Somalia on Wednesday awarded a six-year-old Somali boy whose painting was among the top 10 winners of the "My Dream" painting competition, which was co-hosted by the secretariat of the Chinese Follow-up Committee of the Forum on China-Africa Cooperation, the China Manned Space Engineering Office, and the Chinese missions in Africa. Source: Hiiraan Online
-
Daadadka xooggan ee ku dhuftay dalka Liibiya ayaa dilay in ka badan 6,000 oo qof, iyada oo 10,000 oo qof oo kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Liibiya. Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa sheegtay in fatahaadaha ka dhashay daadadku inay si xun ugu dhufteen dhinaca bari ee dalkaas, iyaga oo barakiciyey in ka badan 30,000 oo qof. Hay’adda IOM ayaa intaas raacisay in inta ugu badan ee dadkan barakacay ay ku noolaayeen magaalada Derna oo ay daadadku khasaare xooggan u geysteen. Halka kumanaan kun oo qof oo kalena ay ka barakaceen magaalooyin ay ku jirto Benghazi. Laba biyo xidheen oo u dhowaa magaalada Derna ayaa fatahay, taasoo uga sii dartay xaaladda. Illaa haatan xog sugan lagama heli karo khasaaraha ka dhashay daadadkan, maadaama ay xukuumado iska soo horjeedaa ay ku loolamayaan awoodda dalkaas. Masuuliyiinta qaarkood ayaa aamintan in tirada dhimashadu ay laba jibaarmi karto. PUNTLAND POST The post Tirada dhimashada daadadka Libya oo kor u dhaaftay 6,000 oo qof appeared first on Puntland Post.
-
“Dawladda hoose duminmayso, cid duminaysana kama warhayno. Habeenimo ayay bilaabeen, haddaae waannu ka joojinay. Dee ciddii duminaysayna way iska soo bixi doontaa. shacabkuna hantidooda ha ilaashadaan” Waxa sidaas yidhi xildhibaan Yaasiin Cumar yare oo ka tirsan golaha deegaanka oo barxadda khayriyada ee dumintu ku socotay su’aalo lagu waydiiyay, halkan hoose ka daawo Source
-
Guddida Wasiirrada Marinka Berbera oo Shir ku Yeeshay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Guddida Horumarinta Marinka Berbera ayaa maanta yeeshay kulankoodii isku-dubbaridka ahaa ee ay kaga wada-hadleen ka faa’iidaysiga marinka. Waxaana kulankaa shirgudoominayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamuud Xasan Sacad, waxaana ku wehelinayay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Gaadiidka iyo qaar kamida Guddida sare ee hormarinta marinka. Waxaana lagaga wada hadlay sidii loo hormarin lahaa isla markaana looga faa’iidaysan lahaa Marinka Berbera. Qaran News
-
WAR-SAXAAFADEED: Somaliland oo Mar Kale Qaylo-dhaan ka soo Saartay Kooxaha Argagixisada ee ku soo Qulqulaya Laascaanood. Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku celisay in kooxaha argagixisadu ay ku soo ququlayaan Laascaanood. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ay soo saartay Wasaaradda Daakhiliga, kaasi oo u qornaa sudan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay marlabaad u caddaynaysaa Shacabkeeda iyo Beesha Calaamkaba sida joogtada ah ee Kooxaha Argagixisada ahi ugu soo qulqulayaan Magaalada Laascaanood. Sidii ay horeyba u caddaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, taasoo ahayd in ay Magaalada Laascaanood soo galeen in ka badan 600 oo ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah wixii ka dambeeyey 25 bishii August. Haddaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxay maanta bulshada u caddaynaysaa iyo Caalamkaba meelaha ay ka soo galeen Magaalada Laascaanood kooxaha Argagixisada ah, kuwaasoo hadafkoodu yahay in ay khalkhal geliyaan xasiloonida Geeska Afrika. 1- Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Magaalada Laascaanood iyo Buuhoodle waxay ka soo degeen Buuraha Silsilada Golis, gaar ahaana Buuraha ku xeeran Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu magcaabo GALGALA, waana meelaha ay ku xoogan yihiin Kooxaha Al-shabab iyo Daacish. 2- Qaybta labaad ee ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Laascaanood, ayaa ah kuwo ka soo guurey Gobolada Dhexe ee Soomaliya, Sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo meelo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaliya, kuwaasoo qaarkood lagu soo jebiyey dagaalada ka socda Somaliya. 3- Qaybta Saddexaad oo ah kuwa ugu badan ayaa ka soo baxay Xeryo tababar oo uu leeyahay Abdi Madoobe oo ah Wakiilka Kooxda Al-Shabaab ee Buuhoodle. Xeryahan tababarka ayaa ku yaalla Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Buuhoodle iyo Degaanka Shululux, halkaas oo Cabdi Madoobe ku soo tababaray boqolaal Dhallinyaro ah oo uu ka dhaadhiciyey fekerka xagjirninada ah ee Al-Shabaab. Cabdi Madoobe ayaa ah wakiilka ururka Al-Shabaab ee degaanada Buuhoodle iyo Laascaanood, waxaa uu ka mid ahaan jirey ilaaladii gaarka ahayd ee Hogaamiyihii Ururka Al-Shabaab Aadan Xaashi Caydhow, waxaa uu ku dhaawacmay Cabdi Madoobe dagaaladii Muqdisho ka Dhacay, kuwaasoo u dhexeeyey kooxdii Maxaakiimta islaamiga ahayd iyo Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho. Cabdi Madoobe iyo kooxaha kale ee Argagixisada ah ayaa wada qorsheyaal dagaal oo ka dhan ah guud ahaan xasiloonida Geeska Afrika. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin Dawladdimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay ku soo duuleen kooxaha Argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xuduudeheeda iyo shacabkeeda.” Qaran News
-
Shir ku Saabsan Xakameynta Tacadiyada ka dhanka ah Dadka la Nool HIV/AIDS oo lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda caafimaadka Somaliland qaybteeda xakamaynta xanuunka HIV/AIDS-ka ayaa qabatay kulan lagu gorfaynayay Sidii wax looga qaban lahaa xadgudubka ka dhanka ah dadka la nool xanuunkaas. Kullankaas waxa kale oo lagaga hadlay sidii bulshadana loogu baraarujin lahaa in ay ula dhaqmaan sida ugu haboon waxaana kulanka kasoo qayb-gelay Cusbitaalada gaarka loo leehayay iyo kuwa dawliga ah si layskugu xidho Cusbitaalada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahba. Waxa kale oo kullankaas lagu falanqaynayay qaabka ugu haboon ee loo wadaagi karo xogta iyo Sida loola tacaalayo bukaanka laga helo xanuunka HIV/aidska. Madaxa qaybta xakamaynta xanuunka HIV/AIDS-ka Sayd ismaaciil Xasan isaga oo ka waramay kulankan iyo ujeedadiisa hoostana ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in ay isku xidhmaan sidoo kalena wadaagan xogta iyo Khibraddaha kala duwa Cusbitaalada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahiba. Agaasimaha Waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Daahir Bahdoon oo si rasmi ah u furay kulankan ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimada kulanka isagoo sheegay in ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku si guud masuul uga tahay Caafimaadka dalka, isagoo xusay ka Wasaaradd ahaan iyo sida ay u dhiirigelinayaan in la iska kaashado sidoo kalena la isku xidho xarumaha Caafimadka ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Qaran News
-
Ururka Qareenada oo Caqabada Sharciga u Gudbiyay Guddida iswaafajinta Doorashooyinka Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL ayaa Fadhigoodii 14aad waxa ay xarunta golaha kula kulmeen Ururka qareenadda Somaliland (SOLLA) Fadhigani oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi intii uu socday waxa ay Ururka qareenadu soo jeediyeen dhammaan caqabadaha iyo gal daloolooyinka ku jira Xeerarka doorashooyinka dalka iyagoona sidii loo sixi lahaa ay gudida usoo gudbiyeen. Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada oo ku xisaabtamaya wakhtiga ay haystaan ayaa sii wadi doona kulamadani labbada galinba ay la qaadanayaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha Siyaasadda. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 6-sargaal oo ka tirsan waaxda Canshuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Saraakiishaan ayaa ku eedeysan kiisas musuq-maasuq ama xatooyo xoolo dadweyne, sameynta Documents been Abuur, qaadasho laaluush iyo ku takri-fal awoodda xafiisyo dowladeed, sida ku cad warqadda magacyadooda loogu gudbiyey maxkamadda. Dhammaan eedeysanayaashaas waxay ka howlgelayeen xafiiska canshuuraha beriga ee degmada Wartanabadda, waxayna kala yihiin: 1 – Cabdi Maxamed Diirshe oo ahaa maamulaha xafiiska canshuuraha berriga wasaaradda maaliyadda ee degmada Xamarjajab, horayna u soo ahaa madixii xafiiskaas ee degmada Wartanabadda. 2 – Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim maamulihii xafiiska canshuuraha berriga wasaaradda maaliyadda ee degmada Wartanabadda. 3 – Cabdulqaadir Maxamed Cali, Qasnajigii canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda. 4 – Maxamed Ibraahim Xuseen, Kaaliyihii xafiiska qasnajiga canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda. 5 – Xasan Maxamed Cali, oo ahaa Hubiye xafiiska canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda. 6 – Xidigle Isaaq Xasan Macalin, oo ahaa Taliyaha laanta ilaalada canshuuraha berriga ee ciidanka booliska u joogay degmada Wartanabadda. Ugu dambeyntii xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu gacanta ku hayo baaritaanka dacwado kale oo musuq maasuq la xiriira. “Markii ay soo dhamaadaan baaritaanada socda, waxaan u gudbi doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka. The post Xeer-ilaaliyaha oo maxkamad u gudbiyey 6 mas’uul oo hal xafiis xatooyo ka sameeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in mar kale diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeyn xoogan ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi, gaar ahaan magaalada Ceel Cadde ee gobolkaasi. Korneel Aadan Rufle oo kamid ah dadka deegaanka, isla-markaana in muddo ah ka qaylo dhaaminayay dhibaatooyinka ka jira gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay duqeymahaasi. Waxa uu tilmaamay in la beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa aagga Ceel Cadde, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho, dhaawac iyo burburba leh. Sidoo kale Aadan Rufle ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan wiil iyo gabar isla dhashay oo kala ahaa sideed sano jir iyo lix sano jir. “Degmada Ceel Cadde bartamaha gobolka Gedo raxan diyaaradaha Kenya ah ayaa waxa ay ka sameeyeen gumaad naf iyo maalba leh meeshaa waxaa ku dhintay laba canug oo saqiir ah, Aamino Cabdirisaaq Xuseen & Maxamed Cabdirisaaq Xuseen oo isla dhashay” ayuu yiri. Korneelka oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in dhaawac uu soo gaaray illaa 10 qof, sidoo kalena diyaaradaha ay burburiyeen xarumhihii muhiimka ahaa ee magaaladaasi. “Waxa dhaawacmay dad ku dhowaad 10 qof ah, waxaa burburay xarumihii muhiimka ahaa ee degmada, sida ceelsha, korontada, bakhaarada raashinka iyo masaajida” ayuu raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu baaq dheer u diray dowladda federaalka iyo Jubbaland oo uu ka dalbaday inay wax ka qabtaan dhibaatada ay Kenya ku hayso shacabka gobolka Gedo. Ceel Cadde ayaa waxaa horay uga dhacay weerar askar badan looga laayay dowladda Kenya, kaas ooay ka dambeysayAl-Shabaab, waxaana tan iyo markaas ay duqeymo xoogleh ku socdeen magaaladaas iyo tuulooyinka ku xeeran oo la rumaysan inay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab oo inta badan soo weerara ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS. The post KENYA oo duqeyn ku dishay shacab ku sugnaa GEDO appeared first on Caasimada Online.
-
Wisil (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa saacadihii lasoo dhaafay isku maray inta badan furimaha dagaalka ee gobolka Mudug iyo Galgaduud. Safar ay kaga baxeen Dhuusamareeb ayey masuuliyiintaasi isaga gudbeen degmada Baxdo, deegaanka Xin-labi oo maalin ka hor laga xoreeyey Al-Shabaab. Ugu dambeyntii Qoor Qoor iyo Mahad Salaad ayaa xalay ku hoyday furinta xigta degmada Wasil oo saldhig u ah ciidamada xoreynaya Bacaadweyn iyo deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Mudug. Labadaan masuul ayaa fursad u helay inay la kulmaan oo habeen la hoydaan shacabka deegaanka Xil-labi oo Shabaab intii ay jireen ay u talinayeen, deegaankaas ayaa dhulkii la xoreeyey uga duwnaa in shacabkii ku noolaa uusan hal qof ka raacin Al-Shabaab. Dadka reer Xin-labi oo soo saara Cusbada ayaa markii ay Shabaab isaga carareen deegaankaas waxay isku diyaariyeen inay soo dhaweeyaan ciidamada dowladda, taas oo ka yaabisay ciidamadii arki jiray inay tagaan deegaano cidlo ah oo shacabkii ku noolaa ay Shabaab ka daba-carareen. Deegaannada Dhag-haye iyo Laas-gacaney oo hoos taga degmada Wisil ayey gaareen Qoor Qoor iyo Mahad Salaad oo safar ku maraya furinta, labadaas deegaan oo aad ugu dhow Bacaadweyn ayaa gacanta dowladda soo galay labadii maalmood ee u dambeysay. Qoor Qoor iyo Mahad Salaad oo wasiirka gaashaandhigga uu wehliyo ayaa horay seddax habeen u joogay deegaanada Ceel-lahelay iyo Ceelgaras oo bari ka xoga Dhuusamareeb, halkaas oo laga saaray Khawaarijta Al-Shabaab. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa weli ku sugan Ceel-lahelay oo ka mid ah furimaha ugu khatarta badan oo Shabaab ay ka dhowyihiin, halkaas wuxuu Wasiir Jaamac ku hoyday habeenkii 5-aad. In madaxdu tagto furimaha dagaalka ayaa wax weyn uga dhigan ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee dagaalka ku jira, waxaana muuqata in masuuliyiinta muhiimka u ah dagaalka Al-Shabaab aysan waayahaan u shaqa tegin xafiisyadoodii, taas oo soo dedeji karta in laga guuleysto kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha Galmudug oo mudo bil ah duurka ku jira ayaa isku maray furimaha aagga Waxbo, gaar ahaan degaanka Burujeed ee koonfurta Galgaduud ilaa degmada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug, tani waxay muujineysaa in loo soo wada jeestay dagaalka Khawaarijta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu helay masuuliyiin ku garab taagan dagaalka uu hoggaamintiisa kaga soo guuray Madaxtooyadii Qaranka. The post Sawirro: Mahad Salaad iyo Qoor Qoor oo Galmudug ka wada qorshe muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Tirada dhimashada ee daadadka Liibiya oo dhaaftay 6,000 qof
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Tripoli (Caasimada Online) – Daadadka xooggan ee ku dhuftay dalka Liibiya ayaa dilay in ka badan 6,000 oo qof, iyada oo 10,000 oo qof oo kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Liibiya. Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa sheegtay in fatahaadaha ka dhashay daadadku inay si xun ugu dhufteen dhinaca bari ee dalkaas, iyaga oo barakiciyey in ka badan 30,000 oo qof. Hay’adda IOM ayaa intaas raacisay in inta ugu badan ee dadkan barakacay ay ku noolaayeen magaalada Derna oo ay daadadku khasaare xooggan u geysteen. Halka kumanaan kun oo qof oo kalena ay ka barakaceen magaalooyin ay ku jirto Benghazi. Laba biyo xidheen oo u dhowaa magaalada Derna ayaa fatahay, taasoo uga sii dartay xaaladda. Illaa haatan xog sugan lagama heli karo khasaaraha ka dhashay daadadkan, maadaama ay xukuumado iska soo horjeedaa ay ku loolamayaan awoodda dalkaas. Masuuliyiinta qaarkood ayaa aamintan in tirada dhimashadu ay laba jibaarmi karto. The post Tirada dhimashada ee daadadka Liibiya oo dhaaftay 6,000 qof appeared first on Caasimada Online. -
FOR IMMEDIATE RELEASE. Hargeisa-13/09/23- The Government of the Republic of Somaliland addresses the recent influx of Al-shabaab terrorists into Lasanood, emphasizing the continuous threat they pose. Following a previous communication from the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, over 600 Al-shabaab terrorists entered Lasanood after August 25th, 2023. The Ministry of Interior aims to provide further clarifications on the entry points used by these terrorist groups, whose objective is to destabilize the entire Horn of Africa region. 1- The first group of terrorists arrived in Lasanood and Buhoodle from the Galgala mountains, known as strongholds for Al-Shabaab and ISIS. 2- Another group came from south-central Somalia, particularly, Lower and Middle Shabelle following their defeated by the recent campaign waged by the federal government of Somalia. 3- The largest group originated from training camps operated by Abdi Madobe, the representative of Al-Shabaab in Buhoodle. These camps, which are located in the Horufadhi and Shululux areas have been used as training ground for Al-shabaabs foot soldiers and the indoctrination of villagers with extremist ideologies. Abdi Madobe is a former personal bodyguard to Aden Hashi Cayrow, the former Al-Shabaab leader, he sustained injuries during his involvement with terrorist activities. The Government of the Republic of Somaliland is going to lunch targeted, surgical operations to ensure the safety and security of the residents of Lasanood and Buhoodle and the wider HoA region. Qaran News
-
Sheekada Garoonka Kubada Kollayga ee Jig-jiga Yar. A. Meeshu waa saddex Garoon 1. Garoonka Kubadda Cagta ee Dhallinta (Casaanka) 2. Garoonka Cagta ee Xanaanada Dhalinta ka soo horeeya (Buluuga)- Waxaa dad gaar ah lagu wareejisay xukuumadii hore ee Kulmiye (2010-2017) 3. Garoon Kubadda Kollayga ee Dhallinta (Cagaarka)- Waxaa dad gaar ah ku wareejisay Xukuumada Kulmiye ee hadda B. Shalay Maxaa dhacay? Wasiirkii hore ee ciyaaraha ayaa dhagax dhigay garoonka cagta ee dhalinta (casaanka) isagoo sheegay in laga dhisayo garoon kubadda kollayga ah oo ay wasaaraddu maalgalinayso [taas oo macnaheedu yahay in Garoonkaa laba loo qaybinayo oo cag iyo kolay uu noqon doono]. Saacaddo kadib markii uu halkaa dhagaxa dhigay Wasiir #Qambi xilkii baa laga qaaday ninkaa. Miyaa la isticmaalay wasiirka mise isagaa wax isticmaalay? Waa inoo dhiman tahay jawaabta suaashaasi. Waxaa kale oo halkii kubadda kolleyga (Cagaarka) oo ay ku hoos qarsoon tahay garoonka xanaanadu (buluugu) laga taagay boodh sheegay iyo ganacsade reer Hargeysa ahi uu ka dhisayo guryo gamacsi. C. Maanta Maxaa dhacay? Waxaa mudaharaad iskugu soo baxay dhallinyarada reer Jigjiga yar ee hore ugu ciyaari jirtay Garoomaddan, kuwa imika iyo dhalinyarada Xaafadda STATE-HOUSE-Ka oo ah kuwa iyaguna ku ciyaaray iyagoo gooyay boodhkii ganacsadaha xukuumadana uga digay iney cid gaar ah ku wareejiso garoomadaas oo ah kuwa keliya ee noociisa ah ee ku yaal xaafadda Jigjiga yar iyo degmada ibrahim Koodbuur. Ugu dambayntii guriga gaarka ee Madaxwayne Biixi ayaa u muuqda ama 500 oo talaabo ay u jiraan garoomadani. Allaa Mahad leh Xamse Khayre. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 30 qoddob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah. Warbixinta toddobaadlaha ee DF ayaa waxaa lagu soo qaatay howl-galladii u dambeeyay ee ka dhanka Al-Shabaab iyo safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee furimaha dagaalka. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaankaas, iyagoo isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.” Hoos ka aqriso; Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Arbaco, 13 September, 2023. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu laabtey Dhuusamareeb kadib markii uu booqdey degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu kula kulmey hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka iyo bulshada si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al Shabaab. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaankaas, iyagoo isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta. 3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay booqasho rasmi ah ku tageen dalka Qatar, kulamana la soo yeeshay dhigiisa Ra’isulwasaaraha Qatar iyo qaar ka mid ah mas,uuliyiinta dalkaasi. 4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Qatar, Salem bin Hamad Al Nabit, oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca amniga iyo dagaalka Khawaariijta. 5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar. 6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar, kula kulmay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababar uga soconayo. 7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan u soo daatay ee dalka looga sifeynayo cadowga Khawaarijta ah. 8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray mashaariicda horumarinta tallaalka caabuqa COVID-19. 9- Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo dhiggiisa Dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan shir guddoomiyay shir ay labada dal ku kala saxiixdeen heshiis iskaashiga ganacsiga labada dal. 10- Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay xaaladaha amni ee dalka, iyada oo lagu ansixiyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Ethiopia iyo Turkiga. 11- Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciiidanka Xoogga Dalka ay in ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ku dileen dagaalka ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. 12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa kormeer ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose isla markaana dalacsiin u ballanqaadey ciidamadii fashiliyay weerarkii Khawaarijta Al Shabab. 13- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo bogaadiyay jabkii Khawaarijta loogu geystay Aw-Dheegle. 14- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo dalka Qatar kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha kula yeeshay dalka Qatar Mudane Ali Bin Ahmed. 15- Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Turk-Som tababar ugu soo xiray Ururka 12-aad ee ciidanka Gorgor ee kuwaas oo ku biiri doona guutada 18-aad ee ciidanka. 16- Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay magaalada Ceel-garas ee gobalka Galguduud. 17- Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Sirdoonka Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeer ku tagay magaalada Ceel Garas oo dhowaan laga xoreeyay Al Shabab. 18- Ciidamada Xoogga oo Khawaarijta ka xoreeyay Deegaanka Ceel-Lahelay iyo tuulooyin kale. 19- Haweeney iyo labo Carruur ah ayaa ku geeriyooday qarax Khawaarijta ay ku qariyeen guri ku yaalla degaanka Ceel Lahelay. 20- Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tagay degaano hoostaga Aadan Yabaal iyo Ruunirgood si uu u dhiiragaliyo Ciidanka Qalabka Sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al Shabab. 21- Ciidanka amaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay dhagar qabe Khawaarijta ka tirsan oo magaciisa la yiraahdo Cumar Maxamed Ismaaciil oo damacsanaa in si dhuumaalaysi ah uu uga baxo garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo. 22- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Deegaanka Baraag Cali Gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug howlgal ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab. 23- Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeeray baraha koontarol ee laga sugo amniga caasimadda 24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa booqday taliska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku leeyihiin Degmada Xarar Dheere. 25- Wasiirka Hawlaha guud XFS Mudane Ismaaciil Sh Bashiir ayaa sheegay in dowladdu diyaarisay qorshaha dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha sida waddoyinka deeeganada laga xoreeyay khawaarijta. 26- Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Sooomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheeegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidanka qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ay ka fuliyeen Galmudug in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta Al- Shabaab. 27- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi,oo xarunta Saadka iyo Taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka gaarsiiyay deeq raashiin lagu taageerayo ciidanka qaranka ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. 28- Ciidanka amaanka magaaalada Bardaale ee gobolka Bay oo dilay horjooge Cabdi Salaad oo hoggaaminayay koox Khawaarij ah oo soo qaaday weerar gaadma ah. 29- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo la hadlay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha bulshada ayaa ku baaqay in loo istaago ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee weli ka dagaalamaya deegaanada Galmudug. 30- Ciidanka Xoogga Dalka oo toddobaadkan guulo isdabajoog ah ka soo hoyay dagaalka lagu ciribtirayo Al Shabab ee ka socda Galmudug. The post DF oo soo saartay bayaan 30 qodob ka kooban iyo ‘waxyaabaha looga hadlay’ appeared first on Caasimada Online.
