Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horreysay sameysay qirasho lama filaan ah oo la xiriirta dagaalkii dhawaan ka dhacay Awdheegle kadib markii kooxda ay weerar ku qaadeen xerooyinka ciidanka dowladda ku leeyihiin halkaasi. Kooxda ayaa sheegtay in dagaalkaas looga dilay illaa 7 xubnood oo kamid ahaa dagaal-yahaanadii weerarka ku qaaday xerooyinka Awdheegle ee ciidanka, sida uu warbaahinta afka kooxda ku hadasha u sheegay Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan. Cabdisamad oo Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu qiray in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha drones-ka Turkiga iyo Mareykanka oo markii dambe kusoo biiray dagaalka Awdheegle, ay sababeen dhimashada xubnahaasi. “Dagaal hadduu dhaco waa lagama maarmaan in naf baxeyso… Markii dharbaaxo culus la gaarsiiyay oo xeryahoodii laga saaray waxaa usoo gurmaday diyaaradahoodii meeshii waxaa (lagu dilay) illaa toddoba ruux,” ayuu yiri Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan. Waxa uu intaas kusii daray “(Ciidanka) saddex xerro ayuu meeshaas kulahaa oo uu deganaa, maanta waa looga aarguday dadkay dhibaateynayeen waana u digniin una dambeyn mayso, xaaladdana waa degan tahay wax culeys ahna kama jiro.” Ninkaan Al-Shabaab ugu magacaaban Shabeellaha Hoose ayaa sidoo kale waxa uu guullo ka sheegtay dagaalka ay kula jiraan dowladda, xilli muddooyinkii dambe kooxda laga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim u ahaa, oo ay awoodi waayeen inay sii difaacdan. Qirashadan ay sameysay kooxda ayaa noqoneysa mid lama filaan ah, maadaama badanaa kooxda looga baran inay tabiso khasaaraha kasoo gaara dagaalka, iyada oo inta badan guullo aan la xaqiijin ka sheegan jirtay weerarada ay fuliso. Dhinaca kale, Dowladda federaalka ayaa sheegtay in dagaalkii Awdheegle lagu laayay in ka badan 60 xubnood oo Shabaab ah, “Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa si feejignaan leh waajibkooda u gutay.” Sidoo kale waxay dowladda sheegtay markaas in dagaalkaas kooxda looga furtay hub iyo saanad milater oo badan, islamarkaana si buuxda looga hortegay in shacabka iyo ciidanka waxyeelo gaarsiiyaan. Al-Shabaab ayaa iyaduna dhankeeda sheegatay inay cagta marisay saldhigyadii degmada Awdheegle, ayna dishay ugu yaraan 59 askari, ayna cagta mariyeen ciidankii halkaas deganaa, sida ay hadalka u dhigtay kooxdu. Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba, Maalmihii ugu dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howl-gallada ka wada gobollada dalka. The post Al-Shabaab oo qirasho lama filaan ah ka sameeyey dagaalkii Awdheegle appeared first on Caasimada Online.
  2. Lamu (Caasimada Online) – On Sunday, a Kenya Defence Forces (KDF) lorry hit an explosive device in Baure, Lamu County, injuring fourteen military personnel, according to the military statement. The attack was attributed to Al-Shabab militants believed to be hidden within the expansive Boni Forest, rendering the Kenya Army technical vehicle to ruins. The injured personnel were immediately transported to the nearest medical facilities for urgent treatment. The KDF, in an official statement, decried the actions of the assailants. “KDF condemns the criminals who disrupt movement and sabotage socioeconomic stability in the area. Further, KDF calls upon residents to share information with the security agencies on these criminal elements who lurk in their communities,” the statement read. Alarmingly, this was not an isolated incident. Merely a day prior, a similar tragic event unfolded in Baragoni, where two construction workers suffered life-threatening injuries after their vehicle met with a devastating explosion from a road-planted bomb. Despite their efforts, local law enforcement’s subsequent operation did not result in any arrests. A Region under siege The vicinity around the Kenya-Somalia border is no stranger to terror attacks. Just last August, the region mourned the deaths of over 10 individuals, victims of separate terror-driven onslaughts. Furthermore, dozens of residences were set aflame in the violent episodes. These continuous threats have led the state to impose a dusk-to-dawn curfew in the affected areas, aiming to bolster operations targeting these insidious terrorists, many of whom are believed to be operating out of the Boni Forest. Yet, these terrorists, with their arsenal of firearms and explosives, continue to wreak havoc, particularly around the Kenyan border, causing numerous casualties. Broader implications The increasing frequency and brutality of these assaults have pushed the Kenyan government to halt its plans to reopen the Kenya-Somalia border. A move indicates the severe implications these attacks have on the safety of the region and its socioeconomic prospects. Consequently, several developmental initiatives have been put on an indefinite hold, underscoring the broader repercussions of this continuous conflict. In conclusion, the continuous strain of terrorism, particularly from Al-Shabab, remains a pressing issue for the region. As security forces strategize their next steps, the hope remains for a future free from the shadow of fear and violence. The post Al-Shabab’s surge sends shockwaves to Kenya’s shore appeared first on Caasimada Online.
  3. Addis-Ababa (Caasimada Online) – A new intelligence report suggests that the Somalia-based extremist force, Al-Shabab, is focusing on Ethiopia and its armed contingents within the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). A rigorous analysis from the Terrorism Monitor (TM) noted on September 8: “Al-Shabab is increasingly threatening Ethiopia amid the escalating conflict between its militants and Ethiopian and other foreign troops in Somalia.” With Ethiopia’s pivotal role in the African Union’s intervention against Al-Shabab, this group perceives Ethiopia, the mightiest neighbor, as a significant impediment to its overarching goal of gaining dominance over Somalia. TM’s in-depth study links the group’s heightened hostility towards Ethiopia to its ambitions. Indeed, the consistent mentions of Ethiopia in Al-Shabab’s propagandistic materials raise the specter of unforeseen assaults on the populous African nation. An alarming statement from al-Qaeda’s General Command on June 19 urged the global Islamic community to stand alongside Al-Shabab in Somalia, explicitly targeting Ethiopia for alleged transgressions. Ethiopia’s response In a move that likely fueled Al-Shabab’s enmity, on March 2, 2023, the Ethiopian Government resolved to deploy supplementary forces to Somalia, a decision made independent of its obligations under ATMIS. Notably, Caasimada Online’s March issue highlighted that Kenya and Djibouti, Ethiopia’s neighbors, committed to fortifying their military presence in the area as Al-Shabab’s onslaughts increasingly targeted foreign troops, including Ethiopians. Subsequent to these ominous signals, tensions palpably rose along Ethiopia’s frontier. TM aptly cited Ethiopia’s retaliatory measures against Al-Shabab, especially after the latter assaulted the border town of Dollo. Furthermore, given Ethiopia’s current internal political dynamics, the nation seems to be an attractive target for Al-Shabab. The extremist group appears poised to exploit any chink in the armor, capitalizing on Ethiopia’s internal discord and instability. Who is Al-Shabab? For those unfamiliar, Al-Shabab stands as a formidable Sunni Islamist military and political faction primarily rooted in Somalia but with a presence extending across East Africa. Notably, it plays a salient role in the protracted Somali Civil War, ingeniously integrating elements of Somali nationalism into its Islamist mission. The Africa Defense Forum’s September 6, 2023 edition, referencing Foreign Policy Magazine, disclosed that Al-Shabab’s forces might comprise nearly 14,000 combatants. Astonishingly, this figure nearly doubles its strength from three years prior. However, it’s worth noting that not all are seasoned warriors; many are coerced child soldiers. There’s no public acknowledgment from the Ethiopian Government about the brewing storm. However, given the imminent and mounting threats, a proactive and robust response is both anticipated and crucial for regional stability. The post From Somalia to Ethiopia: Al-Shabab’s dangerous pivot appeared first on Caasimada Online.
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa shalay si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud. Ciidamada huwanta ayaa deegaanka la wareegay kadib markii ay halkaasi saacado kahor isaga baxeen dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay ka warheleen gulufka kusoo wajahnaa. Qabashada Ceel-garas oo ay markii ugu horeysay baahisay warbaahinta dowladda federaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay haatan “halkaasi ka wadaan howl-gal sifeyn ah.” Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka hadal warka ku saabsan in Ceel-garas ay ka baxday gacantooda. Haddaba, Maxay ka dhigan tahay qabashada Ceel-garas? Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku tilmaamtay qabashada Ceel-garas “guul-weyn oo laga gaaray dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.” Qabashada Ceel-garas ayaa ka dhigan in kooxda Al-Shabaab lagu go’doomiyay deegaanada Jowlo, Bargaan iyo Jacfar oo weli gacanta ugu jirta kooxda. Fallanqeeyaasha ayaa sidoo kale qaba in tallaabadan ay ka dhigan tahay in howl-galka milateri ee Al-Shabaab ka dhanka ah uu weli yahay mid waxtar leh oo lagu cirib-tirayo argagixisada ku sugan deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug. Howl-galka Ceel-garas lagu qabtay ayaa waxa uu kusoo aadaya, iyada oo dowladda ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda. Si kastaba, Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rejo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Qabashada Ceel-garas oo ka dhigan in Al-Shabaab lagu go’doomiyey 3 deegaan appeared first on Caasimada Online.
  5. Sudan's military leader, General Abdel Fattah al-Burhan, has visited Eritrea’s capital, Asmara, for an official meeting with President Isaias Afwerki. Source: Hiiraan Online
  6. Fourteen military personnel were Sunday injured after their lorry ran over an improvised explosive devise in Baure, Lamu county. Source: Hiiraan Online
  7. U.N. human rights chief Volker Türk said Monday that Russia’s withdrawal from the Black Sea Grain Initiative and Russian attacks on Ukrainian grain facilities have pushed food prices “sky high” in many developing countries. Source: Hiiraan Online
  8. Al-Shabaab, an Islamist military and political group seems to be engaged in whetting its sword against Ethiopia and its military force under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). A publication, Terrorism Monitor (TM) (Vol. 21 Issue 18) wrote on 08 September that, “Al-Shabaab is increasingly threatening Ethiopia amid the escalating conflict between its militants and Ethiopian and other foreign troops in Somalia”. Source: Hiiraan Online
  9. Fartun Ali Warsame has been earning a weekly income of $200-250 selling her farm produce including maize, sorghum, beans, and lemons. Source: Hiiraan Online
  10. At least three people were killed, including a lawmaker and a local municipality staffer, in a bomb blast in Somalia's central state of Galmudug on Monday, a security official confirmed. Source: Hiiraan Online
  11. Somali National Army (SNA) forces on Monday regained full control of the al-Shabab stronghold El Garas in the central state of Galgaduud, a government official said. Source: Hiiraan Online
  12. The Khayrhaye Somali Cultural Museum is thought to be the 1st of its kind in Canada Source: Hiiraan Online
  13. Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa shaaciyay inuu xabsiga ka sii daayay laba kamid ah maxaabiistii Somaliland ee ay kusoo qabteen dagaalkii 25-kii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in labadaas maxbuus ay sii deysay uu dhaawacooda cusla, islamarkaana ay ku wareejisay hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas oo ayadu hore u booqatay maxaabiista Somaliland ee gacanta ku hayso SSC. “Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu ku wargelinayaa cid kasta oo danaynaysa in aanu sii deynay laba maxbuus ‘oo ay ku qabteen’ 25-kii August ee dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada SSC iyo maleeshiyaadka Somaliland, labada maxbuusna dhaawacyo culus ayay qabaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay SSC-Khaatumo. “Waxaa isku afgaranay in aan ku wareejino Laanqayrta Cas (ICRC), taas oo ku salaysan bini’aadantinimo, iyada oo hubinaysa inay helaan daryeelka ugu fiican ee la heli karo.” Sidoo kale waxay sheegtay inay ka go’an tahay in maxaabiista dagaalka ee gacanta ku hayso lagula dhaqmo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed. SSC-Khaatumo ayaa waxa kale oo ay “aad u bogaadisay” doorka muhiimka ah ee ICRC-du ay ka ciyaareyso taakuleynta maxaabiista, kuwaasi oo lagu soo qabtay dagaalkii dabaqayaadii August ee ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Somaliland ayaa dagaalkaas looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga. Si kastaba, Somaliland ayaa horay ugu eedeysay SSC-Khaatumo in si arxan darro ah ula dhaqantay maxaabiista gacanta ku hayaan, halka taasi bedelkeeda ay SSC sheegtay in maxaabiistas si wanaagsan loola dhaqmo, iyada oo u ogolaatay inay booqato hay’adda ICRC. The post SSC-Khatumo oo sii deysay qaar ka mid ah maxaabiistii Somaliland kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  14. Ceelbuur (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jihada waqooyi uga dhaqaaqay magaalada Ceelbuur, iyagoo la hawlgalaya ciidamada kale ee jihooyinka bari iyo koonfureed kaga sii siqaya magaaladaasi. Ciidamadan, oo Isniintii ka qalab qaatay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa cagta saaray waddada aadda deegaanka Wabxo, oo qiyaastii 43km u jirta Ceelbuur. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hadda masaafo yar u jiraan deegaanka Ceelgorof, oo ku dhow Wabxo. Ciidamadan ayaa waxaa horkacaya Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, Taliyaha Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada la faray in ay si buuxdo isugu furaan waddada xiriirisa magaalooyinka Maxaas iyo Ceelbuur. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay inaanan dib loogu laaban doonin Ceelbuur, iyadoo aan Al Shabaab laga kicin deegaanada ku teedsan. Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay si garbo siman isugu fidinayaan deegaanada, tuulooyinka iyo dhulka hawdka, si looga sifeeyo sida uu yiri cadowga. Wasiir Shiiqow oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in muddada ka harsan bishan September lagu soo afjari doono Shabaabka Galmudug. Shabaabka ayaa mar kale wajahaya guluf ballaaran oo dhul iyo cirba leh. The post Sawirro: Ciidanka Xoogga Dalka oo jiho cusub uga dhaqaaqay CEELBUUR appeared first on Caasimada Online.
  15. Somaliland iyo EU-da oo ka Wada Hadlay Wada Shaqeynta Deegaanka Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa kulan la qaatay wefti ka socda xafiiska Midawga Yurub ee loo yaqaan EUCAP oo uu hoggaaminayo Madaxa xafiiskaasi ee Somaliland Mr. Brendan Kenny. Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo bilaabi lahaa Siyaasada deegaanka Badda JSL. Kulanka oo ahaa kii saddexaad ayaa ku soo dhammaaday is fahan wanaagsan iyo in shaqada la bilaabo. Qaran News
  16. Guddida Wakiilladu u Saareen Talo-bixinta Doorashooyinka oo la Kulmay Ururrada Siyaasadda Hargeysa(Qaran news)-Guddida iswaafajinta xeerarka doorashooyinka golaha Wakiillada JSL, ayaa fadhigoodii 8-aad oo maanta galinkii dambe waxa ay kulan la qaateen ururrada siyaasada Somaliland. Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddidaasi xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayay gudida iyo xubnaha ururrada siyaasaddu isla gorfeeyeen meelaha ay Xeerarka doorashooyinka dalku uga baahan yihiin in wax ka bedel loogu sameeyo iyo sidoo kale aragtidooda la xidhiidha arrimaha doorashooyinka. Ururrada kulankan ka qayb galay, ayaa ka kala socday KAAH, BARWAAQO, MIDEEYE, RAJO, TALO-WADAAG iyo WAABERI. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daah-furtay mashruuc cusub oo ku kacaya 11.4 Milyan dollar, kaasi oo laga fulinayo isbitaallada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Mashruucan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo adeegyada deg-degga ah ee caafimaadka ee isbitaallada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, waxaana mashruucaan maalgalinaya bangiga adduunka. Mashruucan oo loogu magac daray “xoojinta adeegyada deg-degga ah ee caafimaadka ee cisbitaallada federaalka iyo gobolka” ayaa sida qorshuhu yahay waxaa la soo marsiin doonaa hay’adda Qaramada Midoobay ee caafimaadka adduunka (WHO). Dowladda federaalka ayaa sheegtay in mashruucaan uu yahay barnaamij dhamaystiran oo taageeraya ka soo kabashada masiibooyinka, iyada oo kor loo qaadayo u adkaysiga mustaqbalka. “Waxaan bilownay shaqo muhiim ah oo lagu xoojinayo daryeelka caafimaadka deg-dega ah ee Soomaaliya anagoo adeegsanayna mashruuca soo kabashada dhibaatada Soomaaliya. Marka la tayeeyo tas-hiilaadka, tababarka shaqaalaha iyo isku xirka adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri Cabdi Tawane oo asagu ah maamulka mashruuca kasoo kabashada dhibaatooyinka Soomaaliya. “Waxaan dhiseynaa awood waarta si aan uga jawaabno dhibaatooyinka caafimaadka iyo u adeegidda muwaadiniinta dalka oo dhan. Taageeradan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa nidaamka daryeelka caafimaadka Soomaaliya hadda iyo mustaqbalkaba.” Barnaamijkan ayaa sidoo kale ujeedkiisa u weyn lagu sheegay in uu seeska u dhigo daryeelka caafimaad ee dalka oo dhan iyo in la taageero xuquuqda aasaasiga ah ee caafimaadka dhammaan Soomaalida marka lagu jiro xaaladdan adag. Si kastaba, Mashruucaan oo ah mid muhiim ah ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli nidaamka caafimaad ee dalkeenna uu la tacaalayo dhibaatooyin badan oo kala duwan. The post DF oo billowday mashruuc ku kacaya $11.4 milyan oo… appeared first on Caasimada Online.
  18. Boqolaal ka mid ah dhalinyaradii jabhada Gacanlibaax ayaa ku soo qul qulaaya magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kuwaasi oo ka faa’iidaystay cafiskii ay xukuumadda Somaliland u fidisay dhawaan Sidoo kale ay ku qanceen taladii iyo waanadii ay siiyeen gudiga beelaha West Burco Clan iyo wax garadka beeshaasi ee ku sygan deegaanka Go’da. Sidoo kale gudoomiyihii jabhadaasi ayaa gabi ahaanba iskaga tagay goobtaasi iyada ay jabhadaasi qar qarka hada u saarantahay in ay kala dareeraan ayaa waxa jira in ay intaas yari ee soo hadhay ay samaystaan Gudoomiye wada hadalada soo gabo gabeeya si halkaasi si buuxda looga soo dhamaado. Xubnaha ilaa hada buurta Gacanlibaax ku sugan ayaa shaaciyay in ay Gudoomiye u doiran doonaan afhayeenkii Jabhadaasi Axmed Cali Haybe Dhanka kalena gudiga beelaha West Burco Clan ayaa sheegay in ay arinka ay u tageen uu hada meel fiican maraayo. Dadweynaha beelaha West Burco Clan ee dagan shan gobol oo kamid ah gobollada Somaliland ayaa soo dhaweeyay kala dirista jabhadaasi iyaga oo raacaaya heshiiskii dhawaan la gaadhay, waxana ay dadweyne badani joojiyeen taageeradii ay siin jireen jabhaddaasi iyada oo la qaatay heshiiskii la isku afgartay. Qaran News
  19. Moqokori (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa ka sheekeeyey sida uu ku bilowday halgankii lagu xoreeyey gobolka Hiiraan, isagoo soo bandhigay qisada sidii uu dagaalka ku soo galay Taliye ku xigeenkii ciidanka Danab Xasan Tuure oo markii dambe lagu dilay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Sanbaloolshe ayaa sheegay inuu wacay Xasan Tuure oo Jowhar jooga, heystana 150 askari oo Danab ah, isla markaana uu ka codsaday in Cali Jeyte uu dagaalka ku garab siiyo, si loo furo jidka Beledweyne ilaa Matabaan oo Shabaab ay jareen. “Xasan Tuure wuxuu maalinkaas igu yiri diyaar ayaan ahay ee madaxda iga sareysa la xiriir, Odawaa ayaan u tegay, Madaxweynaha ayuu ii diray, Xasan Sheekh anigaa u tegay, waana ogolaaday, sidaas ayuu ku bilowday howlgalkii,” ayuu yiri Sanbaloolshe. Xasan Tuure iyo Cali Jeyte dhowr bilood oo dagaal qaraar ay kula jireen Al-Shabaab kadib, waxaa u suurta gashay inay ka adkaadaan Shabaab-kii joogay bariga gobolka Hiiraan, iyagoo xoreeyey dhamaan deegaanada bari ka xiga wabiga Shabeelle oo beesha Xawaadle ay degto. “Hiiraan markii uu soo xoreeyey Xasan Tuure oo Galgaduud u gudbay ayaan maalin kale dardaarankii ugu dambeeyey ku kala qaadanay Hotelka Decale ee Muqdisho, wuxuu ii sheegay inuu socdo, wuxuuna igu yiri, ‘Galgaduud hadaan aado, labo ayey mid noqonee, askarta aan wato in la wada laayo ama inaan Shabaab ka soo taqaluso’ labadaasna dhib kuma qabo,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo ka sheekeeyey dardaarankii ugu dambeeyey ee Xasan Tuure. Sanbaloolshe oo hadalkaan ka sheegay Moqokori ayaa xusay in dardaarankii Xasan Tuure ay ku jirtay in dagaalkii ay ku xoreeyeen Hiiraan uu u galay dhamaan umadda Soomaaliyeed sidii cowga looga dul-qaadi lahaa, isla markaana uu codsanayo hadii uu dhinto in aan la qabiileyn halgankaas. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu codsaday in Xawaadle uusan difaac gelin ee beelaha kale ay ku garab siiyaan sidii ay isaga kici lahaayeen cadowga ku habsaday, inta uu noolyahana uu isagu sii wadi doono dagaalka ilaa uu ka ciribtiro argagixisada. “Hadaan dhinto qabiilkeyga iyo Soomaali oo dhan madaxeeda ayaan dagaalkaan u galaye hala sii wado oo dagaalka yaan la joojin, dagaalka yaan xuduud loo yeelin, yaan la qabiileyn, hana la ii soo aaro, ayuu Xasan Tuure igu yiri, walaahi kalaan been ah kuma darin,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo Moqokori ka sheegay dardaarankii Xasan Tuure. Ugu dambeyntii Sanbaloolshe ayaa beeshiisa Xawaadle ka socday inay difaaca ka baxaan oo dagaalka galaan, “Walaahi ma jirto cid idinka geesisan ee qaraaboy dagaalka gala,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. Allaha u naxariistee Taliye Xasan Tuure oo dardaarankaan laga reebay wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii iyo abaanduulihii ciidamada kumaandooska Danab, weerar culus oo Shabaab ay ku qaadeen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay dhowr bilood ka hor. Hoos ka daawo The post Daawo: Sanbaloolshe oo shaaciyey dardaaran cajiib ah oo Xasan Tuure uu ka reebay appeared first on Caasimada Online.
  20. Awdheegle (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa galabta gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo shalay si weyn loogu laayey Khawaarijta Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday ciidanka dowladda. Taliyaha oo ka baxay Shabeellada Dhexe ayaa halkaas ku tegay amar uu bixiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidankii ka dagaalamay Awdheegle dalacsiiyey. Dhamaan ciidankii ka dagaalamay Awdheegle ee shalay cashirka u dhigay Al-Shabaab ayaa la dalacsiiyey min laba darajo, taasi oo ciidanka u noqotay fursad dhif iyo naadir ah. “Waxaan rabaa ciidamada labada guuto ka kala tirsan ee shalay halkaan guusha ka dhaliyey, cashirkana u dhigay Khawaarijta, in la sii soo qoro magacyadooda, waxaa la dalacsiiyey mid laba darajo,” ayuu yiri Taliyaha xoogga. Wuxuu sidoo kale ciidanka gaarsiiyey hambalyo iyo bogaadin uu kaga siday Madaxweyne Xasan Sheekh oo taliyaha ku amray inuu ciidankaas deg deg ugu tago oo min laba daraji dalacsiiyo. “Waxaan idiin balan qaadayaa in dalacaadaan kadib aan qiimeyno kala sareynta ciidanka alif ilaa seddaxle, darajo kasta lacagteeda ayaad qaada doontaan,” ayuu yiri. Sidoo kale Taliyaha Xoogga ayaa sheegay in liiska saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka dagaalanay Awdheegle uu u gudbi doono madaxweynaha, si ay u helaan abaal-marinta ay mudan yihiin. “Guusha aad gaarteen Khawaarijta niyad jab ayey ku riday, waxaan kai mid Nuurdugle, dhamaan dhulkaas waa isaga baxeen markii ay ku niyad jabeen sida aad u jebiseen,” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii Taliyaha xoogga ayaa saraakiisha iyo ciidanka xasuusiyey in nin kasta maalinta uu joogo uu qarankaan u adeego, “Dalkaan ninba maalin ayuu u soo dagaalamay, inta aad nooshihiin dhiigiina haku nasteen shacabka walaalihiin ah,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo min labo darajo dalacsiisay ciidankii shalay Shabaab ku laayey Awdheegle appeared first on Caasimada Online.
  21. Ceelgaras (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa galabta tegay deegaannada Ceel-Garas iyo Ceel-lahelay, saacado kadib markii maanta ay ciidamadu Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaanka Ceelgaras oo muhiim u ahaa dowladda. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo garabkiisa uu taagan yahay Taliye Mahad Salaad ayaa Ceelgaras kula hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in deegaankaasi uu ka mid ahaa deegaamada ugu muhiimsan ee kooxdu ay ka joogtay Galmudug. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyey xildhibaanadii iyo askartii maanta ku geeriyootay qaraxa, intii uu socday howlgalka lagu qabtay Ceelgaras, sidoo kale wuxuu farriin u diray beelaha. “Waxaan baaq u dirayaa beelaha aan weli ka soo qeyb gelin dagaalka, walaalayaal ka soo qeyb gala howlgalka, waan ognahay in caqabad aysan jirin, laakiin waa la kala hor diyaar garoobay, marka yaan loo kala harin halgankaan,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa carrabka ku adkeeyey in dagaalka Al-Shabaab aan maanta lagu fiirsa karin ciidanka qaranka oo kaliya, isagoo beelaha ka codsaday inay abaabul sameeyaan oo ka dhabeeyaan abaabulka uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh oo marti u ah reer Galmudug. “15 Sano deegaanadii u duleysnaa ayaan maanta joognaa, guul iyo Soomaaliya oo Khawaarij la’aan ah ayaa noo muuqata waana gaari karnaaye yaan la isku fiirsan dagaalkaan uu Madaxweynihii Jamhiuuriyadda u joogo Galmudug inuu hoggaamiyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Qoor Qoor. Qoor Qoor, waxaa safarkaan ku wehliyey Taliyaha NISA iyo Wasiirka Gaashaandhigga, masuuliyiintaan ayaa 3-dii habeen ee lasoo dhaafay ku sugnaa furinta Ceel-lahelay. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo saakay ka dhaqaaqay Ceel-lahelay ayaa gudaha u galay deegaanka Ceelgaras oo muhiim u ahaa Al-Shabaab, halkaas waa isaga baxday kooxdu, laakiin waxay ka buuxiyey miinooyin. Howlgal miino baar ah ayaa tan iyo maanta ka socday Ceelgaras, waxaana intii uu howlgalkaasi socda miino dishay laba xildhibaan oo ka kala tirsanaa baarlamaanka Galmudug iyo golaha deegaanka Dhuusamareeb, sidoo kale askari ayaa la dhintay labadaas masuul, askar kalena waa dhaawacmeen. Hoos ka daawo Qoor Qoor The post Daawo: Qoor Qoor, Mahad Salaad iyo Wasiir Jaamac oo gaaray Ceelgaras oo maanta… appeared first on Caasimada Online.
  22. If you cannot read that message click here. Egalement disponible en Français PRESS RELEASE Africa Urges Customized Climate Services for Building Climate Resilient Continent By strengthening the entire climate services value chain, the Programme improves the accuracy and accessibility of timely weather and climate information for decision-making, adaptation, and risk mitigation at all levels Access Multimedia Content VICTORIA, Seychelles, September 11, 2023/ – (Qarannews)- The 3rd OACPS and 1st African Union ClimSA Forum will gather more than three hundred delegates from African, Caribbean and Pacific (ACP) countries, as well as partners of the Intra-ACP Climate Services and Related Applications (ClimSA) programme. Delegates will develop solutions to challenges facing climate service providers and users in Africa as they address climate change. Organized within the framework of the ClimSA Programme, this multi-stakeholder platform aims to strengthen effective collaboration between producers and users of climate services through stakeholder engagement. The forum will be held in Seychelles from September 11–13, 2023 under the theme “Bridging Bridges for Climate Services: Advancing Stakeholder Dialog to Enhance Regional Resilience in Vulnerable Countries.” Download document (1): https://apo-opa.info/3PeGr5z Download document (2) : https://apo-opa.info/46255xe ​Download document (3) (FR): https://apo-opa.info/3PbhBnq Harsen Nyambe Nyambe, Director of Sustainable Environment and Blue Economy at the African Union Commission, stressed the importance of dialogue between producers and users of climate information. “For Africa to build climate-resilient economies and communities, it is imperative that countries strengthen their capacities to generate and deliver reliable, timely and tailored climate information services. This can only be achieved if producers and users of climate information services engage in effective dialogue. The 1st African ClimSA Forum provides a unique platform for this engagement,” said Director Nyambe The European Union-funded ClimSA Programme is notably implemented under the Intra-ACP Coorporation – 11th European Development Fund Strategy. At the African Union Commission, the Programme supports the implementation of the Global Framework for Climate Services (GFCS) in Africa. The ultimate goal of the Programme is to foster sustainable development on the continent. By strengthening the entire climate services value chain, the Programme improves the accuracy and accessibility of timely weather and climate information for decision-making, adaptation, and risk mitigation at all levels. It also contributes to efforts towards achieving the goals of the Africa Agenda 2063 as well as achievement of the goals and targets of other global development frameworks including the Sustainable Development Goals (SDGs), the Paris Agreement on Climate Change, and the Sendai Framework for Disaster Risk Reduction, among others. Thomas Huyghebaert, Head of the Cooperation at the EU Delegation to the African Union, highlighted the longstanding collaborations and cooperation between the African and European continents on climate and environment. The ClimSA programme is a recent example of AU-EU collaboration. Mr. Huyghebaert stated, “As highlighted during COP27 in Egypt and last week at the Africa Climate Summit in Kenya, Africa is an active part of the solutions to the climate crisis. It is key to engage all stakeholders of the climate services value chain, in this 1st Africa ClimSA Forum, as to encourage and showcase more impact on the ground, and thereby further demonstrate the successful collaboration between Africa and Europe in the fields of Earth observations and Climate” In ACP regions, many economic sectors and livelihoods rely on climate and weather-related information. These sectors include agriculture, energy, health, water resources, fisheries, tourism, environment, and transportation. On the African continent, climate service providers, such as Regional Climate Centres (RCCs) and National Meteorological and Hydrological Services (NMHSs), deliver climate information services to this diverse user base. therefore, the ClimSA Programme enhances technical, infrastructural and human capacities of member states to support observations, climate monitoring, and forecasts. ClimSA also facilitates Africa’s smooth transition to the use of the Meteosat Third Generation (MTG) satellite products. During the three days of deliberations, the 2023 ClimSA Forum will address topics such as climate services and stakeholder engagement for building resilience in the ACP region, experiences in strengthening regional and national capacities in delivering and using climate services, and ClimSA’s contribution to building resilience to climate change, among others. This 2023 ClimSA Forum is jointly organized by the African Union Commission (AUC) in collaboration with the Government of Seychelles, the Organisation of African, Caribbean and Pacific States (OACPS) and the World Meteorological Organization (WMO) with the support of the European Union Commission. Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay mashaariic cusub oo laga hirgelinayo dalka. Mashaariicdan oo ah kuwa caafimaad ayaa kala ah Damal Caafimaad iyo Tallaalka COVID-19, kuwaasi oo laga hirgelin doono qaar kamid ah gobollada dalka. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay ku soo beegmeen waqti baahi weyn loo qabo oo deegaanno badan oo muddo dheer ay maamulayeen Shabaab-ka laga sifeeyey, islamarkaana ay dadku u baahan yihiin adeegyadii kala duwanaa ee dowladda. “Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go’an inay maalgeliso oo dhiirri-geliso caafimaadka maadaama uu aasaas u yahay nolosha bulshada, annagoo xoogga saarayna sidii aan u gaarsiin lahayn deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale waxa uu sheegay in mashaariicdani ay wax weyn ka beddeli doonaan marka ay hirgalaan tayada iyo baahida caafimaad ee xiligaan ka jirta dalkeenna. Mudane Xamza ayaa ku ammaanay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada sida ay mudnaanta u siineyso bixinta adeegyada muhiimka u ah caafimaadka dalka. Labadan mashruuc oo ay fulinayso dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku baxaya lacag ku dhow labo boqol oo Milyan oo dollar, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Waxa uuna ra’iisul wasaare Xamza ka dhawaajiyay in lagula xisaabtami doono hey’adaha hirgelinaya mashaariicdani ay ku baxeyso malaayiinta dollar, si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda. The post Sawiro: Xamza oo daah-furay laba mashruuc oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  24. Mogadishu (Commentary) — The Federal Government of Somalia aims to join the East African Community, but is oblivious to legal hurdles that pose a threat to the limited sovereignty of Somalia. A country with a draft constitution whose citizens have no clear citizenship rights – the draft constitution is based on the discriminatory 4.5 system in which some clans have lesser political and economic rights – is in a weaker position to reap membership benefits in a regional intergovernmental organisation. President Hassan Sheikh Mohamud (left, with EAC heads of member states) should make wider national consultations about joining EAC. Article 39 of the United Nations Charter states: “The Security Council shall determine the existence of any threat to the peace, breach of the peace, or act of aggression and shall make recommendations, or decide what measures shall be taken in accordance with Articles 41 and 42, to maintain or restore international peace and security.” António Guterres, the Secretary General of the United Nations, invoked this article as a reference at the London Somalia Conference of 2017. The threat that Somalia is believed to be posing to the global security does not stem from the political authority ( the Federal Government of Somalia), but from Harakat al-Shabaab al-Mujahideen, a proscribed, transnational organisation that does not view Somalia a sovereign nation state. The reason for placing Somalia under the Chapter 7 article pertains to the inability of the Federal Government of Somalia to protect itself against Al-shabaab Those institutional constraints should have alerted the Federal Government of Somalia leaders to the futility of pushing the agenda for Somalia to join the East African Community. The bigger threat to the sovereignty of Somalia, in its present state, lies in the standard Somalia foreign policy about inter-country borders, particularly those between Somalia and Kenya, Somalia and Ethiopia and Somalia and Djibouti. Somalia views its borders with the neighbouring countries as arbitrary — xudduud beenaadka, to use the accurate Somali phrase. No Somali government has revised this designation based on the contention that colonial administrations divided up Somali territories. With peacekeeping forces from Kenya and Ethiopia in Somalia under ATMIS, Somalis may find themselves in another scramble for its territories. Reviewing The Somali Peninsula: A New Light on Imperial Motives in Africa journal, the late I M Lewis wrote: “This handsome volume is an important contribution to the nineteenth and early twentieth century history of North-East Africa. Excellent use is made of the Foreign Office and India Office records of the period to show how, after the Italian defeat of the battle of Adowa in 1896, Italy, Britain and France sought to establish viable relations with Ethiopia. In the case of Britain particularly, this involved the abandoning of Somali clans whose independence the British government had undertaken to ‘protect’” The times are different but the scenario is almost the same. Somalia is now divided into clan fiefdoms, but boasts a Federal Government whose writ does not run throughout the country. Joining the East African Community, whose member states enjoy full sovereignty compared to Somalia whose political situation was, in 2013, described by the former UNSOM Chief Nick Kay as a “fragile state”, one rung above failed state, the s detrimental to the national interest of Somalia whose federal leaders expect to have their request to join EAC expedited. Entering into economic integration from the position of institutional and political weaknesses will have wider repercussions for the sovereignty of Somalia. A country that cannot protect its borders should not be allowed to join the East African Community. In 2009, Kenya took advantage of Somalia and persuaded Transitional Federal Government to sign a Memorandum of Understanding that questioned Somalia’s maritime territories. The intention to join EAC does not reflect the political situation obtaining in Somalia, a country whose citizens suffer under the practice of elite bargain and political marketplace. Somalia should explore joining the East African Community only when the Horn of Africa country is no longer seen as a threat to global security.ReplyReply AllForwardEdit as new The post How EAC Membership Can Undermine Somalia’s Sovereignty appeared first on Puntland Post.
  25. Xisbiga WADDANI oo soo Bandhigay Hay’ad Dawladeed 2022kii Khasaartay iyo Mashaariic lagu Bixiyay Sharci Darro Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa soo bandhigay mashaariic badan iyo Qandaraasyo ay dawladdu bixisay oo aan loo tartamin. Xoghayaha Arrimaha Bulshashadu wuxuu sheegay in aan loo tartamin qanaraasyada ilaa 11 dhaam oo lagu bixiyay qaab ka arradan daahfurnaanta. Sidoo kale wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay in ilaa 30 Gaadhi oo kuwa raaxada ah oo ay Xukuumaddu iibsatay sannadkii 2022kii oo aan qandaraaskooda la soo bandhigin. Maxamed Sidiiq Dhamme wuxuu sheegay in Hay’adda shaqaalaha Dawladdu ay qortay sanadkii 2022kii shaqaale 130 ah oo aan la naadin, loona tartamin. Sidoo kalena ay sifo sharciga ka baxsan shaqaale badan looga saaray xaashida mushahar bixinta iyo diiwaanka shaqaalaha, kuwaasi oo lagu bedeshay Shaqaale si gaar ah loo danaynayey tartan la’aan. Xoghaye Dhamme wuxuu sheegay jn sannadkii hore Hay’adda madbacadda Qaranku ay gashay khasaare Boqolkiiba Toddobaatan ah, taasi oo weji gabax ku ah Xukuumadda iyo Masuuliyiinta Madbacadda; xili lacag Hal milyan oo doolar ah madaxweynuhu ku kabay sannadkii 2021kii. Ugu dambeyn, wuxuu xoghayaha Arrimaha Bulshada WADDANI balan qaaday inuu soo bandhigi doono shaqaalihii dawladda ee ka qaybgalay shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, iyadoo xeerka shaqaaluhu ka mamnuucayo in hawlwadeenada dawladdu ku milmaan siyaasadda. Qaran News