Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, wuxuuna ka dhacay xaafadda Nuur Xawaad, gaar ahaan nawaaxiga Warshadda Cabitaanka Horseed. Wararka ayaa sheegaya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay u dhowdahay bar-koontarool, sidoo kalena ay ku yaallaan goobo ganacsi iyo maqaayado ay ku sugnaayeen dad badan. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo u badan dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxaa jira burbur xoogan oo goobta soo gaaray, sida ay muujiyaan sawirro hadda laga soo qaaday magaalada Beledweyne oo ah halka uu weerarka ka dhacay. Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howl-galo la xiriira kooxihii ka dambeeyay weerarkan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdullahi Sufurow oo goobta kula hadlay Wariyeyaasha ayaa musiibo ku tilmaamay dhacdadan, wuuna sheegay in aan kasoo koobi karin khasaaraha ka dhashay qaraxaan oo isugu jiro naf iyo maal. Beledweyne ayaa waxaa horay weeraro xoogan oo qaraxyo ah uga fulisay Al-Shabaab, maadaama magaaladan ay xudun u tahay kacdoonka ka dhanka ah kooxdaasi. The post Faahfaahin ku saabsan khasaaraha qaraxii Beledweyne + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  2. Beledweyne (HOL) - At least two people have been killed and others wounded after a car bomb targeted a taxation and security checkpoint in Beledweyne, the capital of the Hiiraan region, on Saturday, residents say. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweyne Geelle oo Qaabilay Wasiirro ka Tirsan Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa masnta qaabilay wefti Wasiirro ah oo ka socda Xukuumadda Somaliland. Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciise Keyd iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) waxa ay madaxweynaha Jabuuti kala hadleen iskaashiga labada dal gaar ahaan Amniga iyo Ganacsiga waxa sidoo kale kulankaasi ku wehelinaayay wakiilka Somaliland ee dalka Djibouti mudane Ambasadoor Cabdifataax. Ma jiro tafaasiil dheeraad ah oo labada dawladood ka soo saareen socdaalka iyo kulamada weftiga Wasiirrada Somaliland la yeesheen madaxda Dawladda Jabuuti. Somaliland iyo Jabuuti waxa ka dhexeeyay xidhiidh saaxiibtinimo waxana labada dal ay leeyihiin safaarado midba midka kale ku leeyahay. Qaran News
  4. Wefti Maslgashadeyaal Sucuudiya oo Socdaal ku Yimid Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa maanta garoonka Cigaal International Airport kusoo Dhaweeyay Wefti Maalgashadayaal ah oo ka socda dalka Saudi Arabia. Weftigan oo u Jeeddada socdaalkoodu aheyd sidii ay Maalgashii ugu sameyn lahayeen xoolaha nool isla markanaa sidii Suuq loo iib geeyo lagu heli lahaa Xoolaha nool ee JSL ay qaniga ku tahay. Agaasimaha guud ayaa uga warbixiyay ahmiyada ay Somaliland u leedahay Maalgashiga iyo in ay soo dhawaynayso cid kasta oo dalka ka samaynaysa maalgashi. Qaran News
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Nairobi xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Universal. Shariif Xasan ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay howlgallada ka socda dalka ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, wuxuuna boggaadiyay doorka madaxweyne Xasan Sheekh. Siyaasigan oo rug-cadaa ah ayaa sidoo kale ka hadlay saamiga siyaasadeed ee dowladda federaalka, gaar ahaan qaybta Koonfur Galbeed oo uu aad u dhaliilay. Waxa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed lagu soo ooday xilka guddoomiyaha baarlamaanka, isla-markaana ay u heshiiyeen laba reer, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu marar badan waqti kaliya in ku kursigan uu noqdo wareegto, si ay u helaan xilalka kale, sida madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha. “Annaga maalin walba guddoomiye baarlamaan ayaa nala geeyaa, waxaana rabay guddoomiyaha baarlamaanka inuu dalka ka dhexeeyo,” ayuu yiri Shariif Xasan. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Mar walba waxaan rabay aniga inuu guddoomiyuhu noqdo wareegto, annagana aan mar noqon karno, qolo kalena mar noqon karto” Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in siyaasad ahaan loo riixo reer Koonfur Galbeed, balse dadaallo badan uu sameeyay balse uusan ku guulaysan. “Annaga meel ayaan nagula ooday oo laba reer ayaa noo heshiiyay, waxaana la yiri guddoomiye ayaa aadeysiin, marka in naloo dooro guddoomiyaha qof naloo keeno kursigana kaas ayaa leedihiin aniga inta aan ka diriraayay intaas ayay aheyd” ayuu yiri. Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday arrimaha Koonfur Galbeedm isaga oo xusay in ujeedkiisa uu yahay inay gaarto horumar, sidoo kale laga saaro kooxda Al-Shabaab. Koonfur Galbeed aniga waxaan ka rabaa inay dowlad ka dhisanto ay hano qaato, dadku inay nabad ahaan, Shabaabkaas laga adkaado,” ayuu hadalkiisa kusii daray. The post Shariif Xasan: K/Galbeed meel ayaa lagu ooday, waxaana u heshiiyay laba reer appeared first on Caasimada Online.
  6. Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo lagu eedeeyey iney kamid ahaayeen kooxda, sida laga hor cadeeyey fadhiga maxkamdda oo xeer ilaalintu ay soo bandhigtay. Xubnahan ayey Maxkamada Ciidanka Puntland ku kala xukuntay xukuno kala duwan, waxaana xusid mudan in dhammaantood ay yihiin rag, oo lagu soo oogay kamid ahaanshiyaha kooxda Daacish eek u sugan dhulka buuraha gobolka Bari, halkaas oo ay fariisimo ay ku leeyihiin. 1: Salmaan Faarax Maxamed waxay Maxkamadu ku xukuntay 15 sano oo xarig ah, halka 2: Mohamed Ahmed Mohamud waxaa lagu xukumay 10 Sano oo Xarig ah, iyadoo 3: Abdullahi Shire Mohamud oo ahaa Nabadoon Daacishta damiinta waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah. Maxkamadda ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ayaa marar kale duwan u fariisatay kiisas la xiriira rag loo heysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha Daacish iyo Al-shabaab oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya, waxaana xusid mudan marar badan lagu xukunno isugu jiro dil toogasho iyo xabsi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Baraawe (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ayaa maanta si wadajir ah howlgal culus uga wada magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkan ayaa ka socda gudaha degmada iyo duleedkeeda, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada ammaanka iyo kiuwa howlgalka ATMIS. Ujeedka howlgalkan ayaa waxaa lagu sheegay mid looga hortegayo weerarada abaabulan ee ay soo qaado kooxda Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkani, waxaana lagu sheegay in ay qayb ka qaadanayaan howlgallada ka socda Shabeelaha Hoose. ATMIS waxa ay intaasi ku dartay inay heleen xogo amni oo ku aadan dhaq-dhaqaaq ay wadaan Al-Shabaab, isla-markaana ay ka hortagayaan ciidankooda iyo kuwa dowladda. “Ciidamada isku dhafka ah ayaa sare u qaaday roondada ka dib markii warbixino sirdoon ay ogaadeen dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka ATMIS. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana aaggaas ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, ayadoo dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaas. Baraawe ayaa kamid ah meelaha ay sida halisya ugu hayaan xubnaha Al-Shabaab oo marar badan soo weeraray magaaladaas oo caasimad u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. The post Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga oo HOWLGAL ka bilaabay Baraawe + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  8. Xukuumadda Dan Qaran waxay ummadda Soomaaliyeed la wadaageysaa himilooyinkii u hirgalay muddada halka sanno ee ay jirtay, iyadoo ka duuleysa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Barnaamijka xukuumadda ee Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre. Dib-u-xoreynta iyo suggida amniga. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka xoreeyay ayaa cadowga Khawaarijta in ka badan 80-deegaan oo ka mid ah gobollada Galguduud, Mudug, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada hoose. Degmooyinka la xoreeyay waxaa ka mid ah Aadan-Yabaal, Xarar-dheere, Ceeldheer, Runir-Good,Ceelbuur iyo deegaanno kale oo istiraatiji ah. Waxaanna laga sifeeyay Khawaarijta la iskuna furay waddooyinka Baladweyne-Matabaan,Baladweyne-Buula-Burde, Baladweyne-Maxaas ilaa Buula-burte, Muqdisho-Runir-Good, Hobyo-Xarar-Dheere. In dhinaca dhaqaalaha lagala dagaallamo Khawaarijta waxay ka mid ahayd saddex jiho oo lagu ciribtirayo Khawaarijta, xagga ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirka, waxaa la xiray labo boqol iyo Konton Akoon oo ay isticmaali jireen Khawaarijta, iyadoo la baabi’iyay maxkamad beennaadii lacagaha baadda ah uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed. Deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta qeybo ka mid ah Dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa laga hirgeliyay istiraatijiyadda qaran ee xasillinta deegaannada la xoreeyay, waxaanna inta badan maamulo KMG ah loo dhisay deegaannadii la xoreeyay, kuwaasi oo laga howlgeliyay boqol toban iyo saddex Barnaamij oo kaabaya nolosha dadka sida adeegyada waxbarashada, caafimaadka, korantada iyo ceelal-biyood. Waxaa dadaal xooggan loogu jiraa sidii la isku bar bar wadi lahaa dib-u-dhiska ciidanka, kala wareegidda amniga dalka ee ciidanka ATMIS iyo ciribtirka Khawaarijta. Waxaa la dhisay lana qalabeeyay 10-kun oo ciidan oo laga qoray dhammaan gobollada Dalka, saddex boqol iyo lixdan ka mid ahna waa ciidanka sida gaarkanah u tababaran. Xukuumadda Dan-Qaran waxay ku guuleystay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay kala xaajooto halbeegyo la jaangooyay kuwaas oo lagu wada heshiiyay si ay u sahlaan qaaditaanka cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya tan iyo 1992. Xukuumadda Dan-Qaran waxay meel-marisay shuruucyo iyo nidaamyo lagu horumarinayo maareynta hubka, waxaanna lagu guuleystay xaqiijinta tobankii halbeeg iyo bartilmaameedyadoodi kuwaas oo lagu xiray qaadista cunaqabateynta hubka,iyadoo guddi khubaro ah oo ka socday xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay qiimeyn ku sameeyeen horumarka Dowladda Federaalka ay ka sameysay xaqiijinta halbeegyada iyo bartilmaameedyada lagu heshiiyay in ay hagaan qaadista cunaqabateynta hubka. Waxaa la diyaariyay qorshaha hirgelinta heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka oo golaha wadatashiga qaranka ay kaga heshiiyeen shirkii ka dhacay Baydhabo bishii Maarso, 2023. Xukuumaddu waxay dib-u-habeyn ku sameysay xarumaha dhaqan-celinta kuwa ka soo goosta Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay boqolaal lana geeyay xarunaha loogu talagalay ee dhaqan-celinta. Dhammeystirka Dib-U-Eegista-Dastuurka. Waxaa dib loo dhisay guddiga madaxa-bannaan ee dhammeystirka iyo hirgelinta dib u eegista Dastuurka , xukuumaddu waxay ku guuleysatay in golaha wadatashia qaranku heshiis uu ka gaaro qodobada dastuuriga ah ee wada-xaajoodka siyaasideed u baahan oo kala ah. Asteynta awoodaha heerarka kala duwan ee Dowladda, hannaanka cadaallada garsoor madax-bannaan, hannaanka federaaleynta maaliyadda dalka, hannaanka doorashooyinka dalka, hannaanka qaabka dhismeedka amniga qaranka iyo qaab dhismeedka Dowladda. Dorashooyinka iyo ka guurista nidaamka 4.5. Xukuumadda Dan-Qaran waxay xaqiijisay in ay qabato 7-kullan oo wada-xaajood siyaasadeed ah, kuwaas oo ay isugu yimaadeen madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul goboleedyada Dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Kullmadaas oo lagaga heshiiyay qodobo siyaasadeed oo muhiim u ah horumarka Dalka oo isugu jira qaab dhismeedka dowladda garsoorka, Doorashooyinka, hannaan maaliyadeed oo la isku raacsan yahay iyo qaab dhismeedka amniga qaranka. Xukuumadda Dan-Qaran waxay ku guuleysatay macluul ku soo aaddaneyd Dalka sanadkii hore, waxaanna la qaaday tallaaboyinkan. Qoondeynta miisaaniyad dhaqaale,mideynta gargaarka gudaha iyo dibadda iyo hirgelinta hay’adda SoMDA oo gaarsiisay in ku dhow boqol iyo labaatan kun oo qoys abaaruhu ay saameeyeen cunto iyo dawooyin. Xukuumaddu waxay ku guuleysatay soo samata-bixinta muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku go’doonsanaa Suudaan oo gaarayay 1771, muwaadin. Xukuumadda Dan-Qaran oo mudnaan siineysa maareynya isbedeelka cimilada waxay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, waxaanna la hirgeliyay istiraatijiyadda isbeddelka cimilada ee shanta sanno ee soo socota iyo qorshaha Soomaaliyada Cagaaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa maanta qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda. Wasiirka maaliyadda maamulkaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay kasoo horjeedo qorshaha deyn cafinta ee hadda socda, isaga oo sheegay in marka hore loo baahan yahay in heshiis buuxo oo loo dhan yahay la gaaro. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshahan ay Puntland u aragto khatar weyn oo lagu degdegayo, sida uu hadala u dhigay. Wasiirka ayaa ku baaqay in haatan la hakiyo deyn cafinta, kadibna la’isugu yimaado miiska wada-hadalka, si looga heshiiyo tallaabada xigta, maadaama Soomaaliya ay soo qaadanayso deymo balaayiin ah, haddii aan la heshiina ay horseedeyso dhibaato kale. “Annaga dooddeena waxaa weeye, si looga heshiiyo waxyaabahaan horudhac ah, dayn cafinta halla hakiyo oo halloo kaadiyo. Halla heshiiyo oo Soomaaliya miiska ha isugu timaado. Markii laga heshiiyo aas aaska, dayn cafintu ha dhacdo,” ayuu yiri Dhabancad. Dhabacad ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in Soomaaliya kusii jirto habka deeqaha la siiyo, inta laga hubinayo inta xal laga gaarayo khilaafka taagan. Tallaabada ay qaaday Puntland ayaa timid, ayadoo Jimicihii shalay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ay soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo ay ka muuqato in Somalia ay horumar ka gaartay deyn cafinta. IMF ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka. Si kastaba, Puntland ayaa waxaa xilligan khilaaf xoogan uu kala dhexeeya dowladda federaalka ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo saameyn ku yeeshay wada shaqeynta Garoowe iyo Muqdisho, maadaama aysan Puntand kasoo muuqday shirarkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ee ugu dambeeyay, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka. The post PUNTLAND oo qaaday tallaabo ka dhan ah DF, kana hortimid qorshaha… appeared first on Caasimada Online.
  10. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland qaybteeda Boosaaso ayaa xukunno kala duwan ku ridday xubno ka tirsan argagixisada Daacish. Maxkamadda ayaa xukuntay saddex xubnood oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Daacish kuwaas oo uu ku jiro nin nabaddoon ah. Nabaddoon Cabdullaahi Shire Maxamuud oo lagu helay in uu marar kala duwan damiintay xubno ka tirsan Daacish ayaa lagu xukumay shan sanno oo xabsi ah. Salmaan Faarax Maxamed oo ka tirsan Daacish islamarkaana ahaa qofkii u danbeeyay oo uu damiinto nabaddoon Cabdullaahi Shire ayaa isna lagu xukunay 15 sano oo xabsi ah. Sidoo kale Maxamed Axmed Maxamuud oo isna lagu helay kamid ahaanshaha argagixisada Daacish ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo xukuno kala duwan ku riday xubno ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.
  11. Qandaraasle kasoo shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda iyo tan Cadaaladda ee Mareykanka ayaa loo xidhay eedeymo ku saabsan inuu u basaasay dal kale, oo la rumeysan yahya inuu yahay Itoobiya. Abraham Teklu Lemma, oo ah muwaadin 50 jir Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa la xidhay 24-kii August, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu sirta difaaca qaranka siiyey dowlad shisheeye, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda. Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, kaasi oo boggiisa LinkedIn ku qoray inuu yahay taxliiliye teknoolajiyad, ayaa waxaa shaaca laga qaaday Jimcihii shalay. Bayaanka ay ku sheegtay xadhiga Lemma, Waaxda Cadaaladda kuma xusin dalka uu u basaasayey, hase yeeshee waregeyska New York Times iyo warbaahinta kale ee Mareykanka ayaa dalkaas ku sheegay Itoobiya. Sida ku xusan dukumenti uu qoray dambe-baare ka tirsan FBI-da, Lemma ayaa dhaq-dhaqaaqyadiisa basaasnimo fuliyey intii u dhaxeysay December 2022 iyo August 2023, isaga oo kumanaan dollar oo kaash ah ku shubtay akoonada bankiyo ku yaalla aagga caasimadda Washington DC. Lemma ayaa akhbaar sir culus ah ka min guuriyey daraasiin warbixino sirdoon ah oo yaalla Waaxda Arrimaha Dibedda, wuxuuna siiyey “sarkaal ku xidhan sirdoonka dal shisheeye,” isaga oo ku diraya aalad la isugu diro fariimaha sirta ah. Xogta ayaa waxaa ku jiray dukumentiyo, sawirro, qariidado iyo qoraallo xidhiidh la leh “Dalka ay quseyso.” Dokumentiga FBI-da ayaa soo xigtay farriimo la is-dhaafsaday September 2022, kuwaasi oo sarkaal ajnabi ah uu Lemma ku yiri “Waa xilligii aad sii wadi laheyd taageeradaada,” taasi oo Lemma uu kaga jawaabay inuu yidhi “waan fahmay.” “Xidhiidhada Lemma uu la sameeyay sarkaalka ajnabiga ah…waxaa ka mid ahaa in laga wada hadlay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Jabhad ku lug laheyd dagaal hubaysan oo ka dhan ah dowladda dalka ay khuseyso,” ayaa lagu yidhi qoraalka, iyadoo la rumeysan yahay in loola jeedo dagaalkii Tigray. Marka laga soo tago ka shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Lemma, oo haystay ogolaanshaha inuu ogaan karo sirta culus tan iyo 2020, waxa kale oo uu fallanqeeye maamulka qandaraasyada kasoo noqday Waaxda Caddaaladda. Itoobiya ayaa ah dal si weyn u hela gargaarka Mareykanka, waxaana bishii March halkaas booqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken. Lemma waxaa lagu soo oogay laba dacwadood oo basaasnimo ah iyo mid ah inuu si sharci darro ah u haystay macluumaadka difaaca qaranka. Eedeymaha basaasnimada ayaa lagu muteysan karaa xukun dil ah, halka eedda haynta macluumaadka uu ku muteysan karo ugu badnaan 10 sano ah oo xabsi ah. Source
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in weli ciidamada dowladda ay howlgallo culus ka wadaan gobollada dhexe ee dalka. Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanaya iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen deegaanada Miliqo iyo Baalal-dheer, isla-markaana ay beegsadeen saddex xarumood oo ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaanadaas. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in howlgalladaasi lagtu dilay ugu yaraan 27 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanadaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay cagta mariyeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu laayay howlgalkaasi. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug. Howlgalladan oo soo socday todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, ayada oo sidoo kale looga qabsaday dhul aad u ballaaran. Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaalkan wax ka hoggaaminaya, kaas oo u guuray caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. The post Ku dhowaad 30 Al-Shabaab ah oo howlgal lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ayaa kulamo dooceedyo waxaa uu la qaatay madax kale duwan, kuwaas oo kamid ah daneeyeyaasha arrimaha Sooaaliya. Kulamadaan ayaa intooda badan waxaa ay noqdeen kuwa mirodhal ahaa, waxaana dhammaantood looga hadlay xaaladaha guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, arrimaha gargaarka iyo dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo barnaamijka Deyn cafinta oo xilligaan ku jirta heer gabagabo ah . Kulanmkii Ra’iisulwasaare Xamse iyo Madaxweyne Joe Biden, Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa kulankoodda uga wada hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageeridda dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamada qaranka ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka, kadib howlka Afrika. Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale, iyadoo Soomalaiya ay soo gaartay heer gabagabo ah, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hey’adda lacagta adduunka IMF, kadib kulan kusoo dhammaaday Nairobi. Kulanmkii Ra’iisulwasaaraha iyo Antonio Guterres Antonio Guterres xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kulanka uu la qaatay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka dhignaa inuu ahaa kulan mirodhal noqday, waxaana diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ku aadan dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii ay ugu soo laaban laheyn saaxada arrimaha caalamka lagu gorfeeyo, tan iyo markii la hlay dowladda federalka 2012. Kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara, kaas oo dowladda Soomaaliya ay ku jirto sahankiisa gaaritaanka. Kulankii Ra’iisulwasaare Xamse iyo Agaasimaha hey’adda lacagta adduunka AMF Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirka koowaad ee xukuumadda Danqaran oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana kulankooda diiradda lagu saaray arrimaha Barnaamijka Deyn cafinta Soomaaliya, kaas oo soo gaaray heer gabagabo ah, go’aanna laga gaarayo bisha December 2023. Kulanka ayaa si gaar ah loogu gorfeeyey dadaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib, Agaasimaha IMF-ta ayaa dhankiisa ku ammaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay kula dagaallamayso musuqmaasuqa iyo horumarka laga sameeyay barnamijka deyn cafinta. Kulamadaan oo dhan ayaa waxaa ay saldhig u ahaayeen sidii dowladda Soomaaliya isbedelka ay sameysay dunida loogu soo bandhigi lahaa ee dhinac waliba ah, iyadoo xilligaan lagu jiro dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oomadaxweynaha Jamhuuriyadda bishii labaad uu ugu sugan yahay ,magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug uu ka hoggaaminayo dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa warbixin rasmi ah ka soo saartay heerka uu marayo barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya. Hay’adda ayaa shaacisay in ay Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii barnaamijka deyn-Cafinta. IMF waxay sheegtay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay sii waddo xoojinta hay’adaha dhaqaalaha, iyo horumarinta kobaca dhaqaalaha loo dhan yahay. Warbixinta ayaa tilmaantay in taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah ay lama huraan u tahay dadaallada deyn cafinta Soomaaliya. Dhinaca kale wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa soo dhaweeyay warbixinta hay’adda IMF ka soo saartay barnaamijka deyn cafinta dalka. PUNTLAND POST The post Hay’adda IMF oo shaacisay in Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii deyn cafinta appeared first on Puntland Post.
  15. Colaad beeleedyo kala duwan oo ka aloosan degaanno ka tirsan Somaliland ayaa saamayn taban ku yeeshay ciidamada maamulkaas. Dagaallada beelaha ee ka taagan Ceel-afweyn iyo Cali Saahid ayaa sida wararku sheegayaan saameeyay ciidamadii jabay ee Somaliland oo ku sugan duleedka Oog. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Somaliland ee ku sugan Oog ay bilaabeen in ay qaarkood u goostaan degaannada lagu dagaallamayo si ay u difaacaan beelahooda. Tan ayaa ka dhigan in colaadda beelaha ee gudaha Somaliland ay sii kala qeybisay ciidamadii ku jabay Gooja-cadde oo horaba uu dhex yaallay kala shaki uu sababay jabkaas ciidan. PUNTLAND POST The post Colaadda beelaha ee ka aloosan Somaliland oo samaayn ku yeelatay ciidamada maamulkaas appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS ee haatan Nabad Ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya, waxayna dalbaday in dib loo dhigo qorshaha lagu dhimayo ciidankan. Sida ku cad warqad uu la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya u diray danjiraha Albania Ferit, oo hadda ah madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, dowladda ayaa dalbatay in muddo kooban dib loogu dhigo qorshaha bixitaanka ATMIS. Warqaddan oo ku taariikheysneyd 19-kii Septembar ayaa waxa ay dowladdu ku codsatay n 90 maalmood dib loo dhigo wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS oo qorshuhu ahaa in dalka looga saaro illaa 3,000 oo askari, marka la gaarao dhammaadka September. “Waxay dowladda Soomaaliya codsaneynsaa in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Sababta ayaa waxa ay dowladdu ku sheegtay inay haatan dagaal xoogan kula jirto Al-Shabaab, kaas oo mararka qaar khasaare xoogan uu kasoo gaaro ciidanka Xoogga dalka. Waxaa kale oo qoraalkan saldhig looga dhigay in xilligan xaaladda taagan aysan saamaxeyn in dalka ay ka wada baxaan ciidamada howlgalka ATMIS. Dalabkan ayaa kusoo aaday, iayada oo todobaadkii hore ciidamada ATMIS ay wareejiyeen saldhiggii deegaanka Biyo-Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo ku yaalla duleedka magaalada Jowhar oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShabelle. Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan ka duulaya ayaa u dhoofay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas u aaday inuu madaxweyne Geelle kala soo hadlo in ciidamadiisa ay sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb oo uu hadda ka socda abaabulka dagaalka. Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidanka Xoogga dalka. The post Xog: Villa Somalia oo qaaday tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta bixitaanka ATMIS appeared first on Caasimada Online.
  17. Warbixinta ay jimcihii soo saareen IMF ee ahayd in Soomaaliya ay buuxisay dhammaan heerarkii deyn cafinta waa mirodhalka dadaallo ay Muqdisho wadday tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka hey’adda lacaga 2013-kii, deynta oo laga keenay US$5.2 Billion ayaa maanta taagan wax kayar US$600. Qoraalka IMF oo dhinacyo badnaa ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegistii 6-aad ee den cafinta ECF, ayna gaarayso marxaladda go’aanka December 2023, haddana go’aanka horyaallo Guddiga Sare ee Hey’adda IMF. Warbixinta waxaa ku xusnaa in inkasta oo ay Soomaaliya la tacaalayso abaaro, fatahaado, xawaaladihii oo yaraaday iyo amniga darro hadana ay ku guulaysatay dib u habeynta dhaqaalaha oo ay gaarayso barta deymaha lagu xafiyo December 2023-ka iyada oo wada hadallada labada dhinac ay u gudbeen marxaladdaasi kadib, lana filayo in markan uu dalku helo maaliyad loo isticmaalo mashaariic horumarineed oo dhinac walba ah, oo ay ugu horeeyaan kaabayaasha dhaqaalaha. Waaxaa muuqata in deymihii oo dhan la cafiyay kadib wada hadallada ay dowladda Soomaaliya la gashay hey’adaha iyo dalalka ku lahaa sida naadiga Paris. Kobac Dhaqaale: Sanduuqa waxaa uu warbixintiisa ku sheegay inuu la dhacsan tahay Soomaaliya, kobaca dhaqaalahana uu gaarayo ilaa 2.8 halka uu kordhay dhakhliga gudaha, waxaa kale oo lagu guulaysatay canshuurta laga qaadayo hey’adaha, la socodka iibka iyo hagaajinta nidaamka mushaaraadka iyada oo 2024-ka ay dowladda Soomaaliya ku filnaan doonto bixinta mushaaraadka shaqaalaha, kana maarmi doonto kab. Waxaa taasi barbar socda howlaha fiican ee Bangiga dhexe uu ka hayo horurminta dib u habeynta maaliyadda, sharciyaynta hey’adaha iyo kormeerkooda iyo weliba qaadista tallaabooyin wax looga qabanyo lacag dhaqista iyo maalgelinta argigixisada. Saadaalinta Hey’adda lacagta adduunka waxaa ka mid ah in marka laga soo tago mustqabalka fiican ee Soomaaliya sugaya ee deyn cafinta kadib hadana uu jiro horumar dhinac walba ah oo gudaha ah, 2024-kana la filayo horumar amni, mid dhaqaale iyo qaar kale. Guusha Aragtida Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Waxaa xusid mudan in barnaamijkan deyn cafinta uu abaabulkiisa lahaa madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligiisa hore soo celisay xiriira hay’adda lacagta adduunka IMF April 12, 2013, taasoo ay la gashay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska, lagana gudbay marxaladaha ugu horeeyay. 10 sano oo hannaanka deyn cafinta uu soo jiitamayay, waxaa lasoo gaaray xilligii ay Soomaaliya ka gudbi lahayd qaansheegad la sameeyay iyada oo aanay noolayn 75% dadka hadda nool, lagana fekeri lahaa mashaariic waaweyn oo horuramin iyo la jaanqaadidda caalamka ee dhinac walba. Guusha laga gaaray deyn cafinta awgeed, Soomaaliya waxaa u baryay waacusub, oo jiilka cusub heli doonaan fursado fiican oo dhinac walba ah, waxaana lagu wadaa in December sanadkaan Soomaaliya ay u noqoto waa ka duwan marxaladda hadda jirta oo bishaas laga dhamaanayo Deymaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia finds itself in a precarious situation. Even as the national army and its associated clan militias make significant headway against al-Shabab, forcing its fighters out of central Somali territories, the security outlook remains troubling. The reason is simple: despite losing their operational bases, displaced militants still threaten the nation’s stability. President Hassan Sheikh Mohamud’s August 2022 declaration of a “total war” against al-Shabab seems to bear fruit. The militant group, known for its ties with al-Qaida, has diminished its strongholds in central Somalia thanks to the combined efforts of Somali forces and international air raids. However, victory on the battlefield doesn’t necessarily translate to peace on the home front. Former deputy commander of Somalia’s National Intelligence and Security Agency, Ismail Dahir Osman, sounded cautionary. “Militants fleeing the front lines are dispersing into rural zones, and many stealthily infiltrate major cities, such as Mogadishu, our capital. They’re armed, dangerous, and have sinister plans,” he warned. Colonel Abdullahi Ali Maow, another former Somali intelligence official, shared Osman’s concerns. “The relocation of these militants is far from the endgame; it presents fresh hurdles for our burgeoning security units, especially in urban areas,” Maow opined. He added that these militants, akin to a frog, are adept at lying low to evade the prying eyes of the law. They intend to seek sanctuary in urban spaces to escape retribution. Fleeing militants The very nature of these fleeing fighters makes them a significant concern. Omar Abdi Jimale, a prominent Somali political and security analyst, explained, “These escapees possess years of combat skills coupled with zealous ideology. Such a combination makes them adept at launching terror activities in unfamiliar terrains.” Jimale illustrated their modus operandi, stating that they blend into the populace, recuperate, and strategize their next moves. Mahad Wehlie, another analyst, posited a different perspective, suggesting that the menace of these fleeing combatants, especially the lower-tiered ones, is lesser than the havoc they wreaked from their earlier strongholds. “Many try assimilating with locals, with many possibly relinquishing the militant path. But, the key for our security agencies is to reduce this threat to a level manageable by local enforcement and intelligence units, supplemented by community support,” Wehlie asserted. Comprehensive strategy But Maow, in his assessment, emphasized the gravity of the situation, stating that the total elimination of the threat would only be feasible if al-Shabab’s higher echelons and international affiliates were neutralized. “As long as their primary leaders and foreign recruits are functional, the peril from indoctrinated young Somali combatants remains. These top brass need to be neutralized – either incarcerated or eliminated,” he stressed. He advocates for a broad-based strategy, emphasizing international collaboration, enhanced intelligence interchange, and tackling the core issues spurring militancy in strife-torn zones. “The path to securing peace in Somalia, and by extension, the Horn of Africa and the world, hinges on collaborative endeavors between government security agencies and the Somali populace,” Maow added. In a related development, aiming to fortify the nation’s stance against al-Shahab militants, Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre announced plans to request the U.N. General Assembly to lift the prevailing international arms embargo on Somalia. This move, he believes, would bolster Somalia’s ability to decisively deal with al-Shabab – an entity designated as a terrorist organization by both the U.N. and the U.S. and one that has been in conflict with the Somali government for over a decade and a half. The post From strongholds to streets: Somalia’s shadow enemy appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin. Kulanka ayaa looga hadlay dadaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  20. Washington, DC: An International Monetary Fund (IMF) team, led by Laura Jaramillo, conducted discussions with the Somali authorities in Nairobi, Kenya on September 11- 21, 2023 and reached a staff-level agreement on the sixth review under the Extended Credit Facility (ECF) arrangement. This agreement is subject to approval of the IMF’s Executive Board. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Government of Somalia has formally requested the United Nations, appealing for a 90-day delay in the second phase of the departure of 3,000 troops by the end of September. This information came to light through a letter penned by Somalia’s national security adviser, Hussein Sheikh Ali. Addressed to Ambassador Ferit Hoxha of Albania, who currently holds the presidency of the UN Security Council, the letter verifies Somalia’s intent. Diplomatic sources confirmed the authenticity of this document, while another informant closely associated with the situation corroborated that such a request was indeed in motion. The African Union Transition in Somalia (ATMIS) has been on the ground since its establishment in April of the previous year. With a more aggressive directive than its predecessor, AMISOM, ATMIS’s gradual withdrawal ATMIS once boasted a substantial strength of 20,000 uniformed personnel sourced from nations like Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Uganda. However, in line with UN resolutions, ATMIS is slated for complete withdrawal by the end of 2024, ultimately handing the security reins to Somalia’s national army and police. This transition isn’t straightforward. The volatile political climate, notably the presence of the Al-Qaeda-affiliated group Al-Shabab, complicates matters. These militants have relentlessly sought to destabilize the internationally recognized government in Mogadishu for over 15 years. And despite significant strides, like driving the insurgents from Mogadishu in 2011, the Al-Shabab remains formidable, controlling vast territories in rural areas. In response, Somalia’s President, Hassan Sheikh Mohamud, inaugurated in May of the preceding year, has made unequivocal commitments to quelling the group’s influence. The need for a pause Recent events amplify Somalia’s plea. Since initiating a major assault against Al-Shabab in central Somalia last August, there have been achievements in collaboration with local militias and with support from AU and US airpower. As stated in the letter, Somali forces have successfully reclaimed towns and crucial supply pathways. Yet, late August bore witness to an unfortunate reversal. A significant assault on Somali troops in the Galguduud region culminated in the loss of multiple recently secured territories. As the letter poignantly emphasizes, this unexpected turn has “stretched our military forces thin” and uncovered weaknesses that require recalibration. Furthermore, while the ATMIS has progressed with its phased withdrawal, completing the first stage by June 30 and passing control of six bases to Somali forces, the unexpected setbacks raise questions about the timing. Lieutenant Colonel Philippe Butoyi, ATMIS commander in the state of Hirshabelle, acknowledged the evolving capabilities of the Somali forces, stating that they have effectively “attack[ed], seize[d] and hold ground.” The post Somalia seeks pause in AU troops departure appeared first on Caasimada Online.
  22. Kufsi wadareed ayaa ka dhacay beerta loo yaqaano Görlitzer Park ee magaalada Berlin ee dalka Jarmalka iyadoo eedeymaha ka dhanka ah tuhmanayaasha ay leeyihiin tafaasiil kala duwan. Falka oo ah mid ay dad badan oo reer Jarmal ah ka caroodeen ayaa waxa uu sababay buuq weyn. Eedaynta kiiskan kufsi wadareedka ah ee ka dhacay Görlitzer Park ee Berlin-Kreuzberg ayaa hadda ah mid si toos ah loo guda galay. Bartamihii bishii June, saddex nin ayaa la sheegay inay haweeney ku kufsadeen isla markaana qoyskeeda waxyelleeyeen xilli subaxnimo ah. Dembigu waxa uu noqday mid muuqda marka loo eego warbixinnada ay tebinayeen warbaahinta maxalliga ah. Iyadoo eedeymuhu ay ahaayeen kuwo culus, haddana markii hore ma aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay booliska iyo xafiiska xeer ilaalinta ee Berlin. Haweeney 27 sano jir ah isla markaana ah hooyo leh labo carruur ah midna uu yahay 4 jir halka ka kalana uu yahay 7 jir iyo ninka qabay haweeeyda ayaa waxa ay ku sugnaayeen beerta uu falkan ka dhacay. Lamaanuhu waxay ka yimaadeen Georgia Lamaanahan ayaa la sheegay in ay waqti ku qaadanayeen beerta halkaa oo ay isku dhunkadeen kadibna ay la kulmeen weerarkan lama filaanka ah. Labo nin ayaa ninkii qabatay oo garaacday halka nin kalana uu jir dilay isla markaana kufsaday haweeneyda. Haweeneyda la waxyeelleeyay ayaa carartay oo ka baxsatay burcadda, waxa ayna heshay caawimaad. kadib baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyay ayaa la helay shahwada ninkii kufsaday taasina waxa ay sababtay in gacanta lagusoo dhigo eedeysanaha kufsiga iyo jirdilka u geystan hooyadan. Eedeysanayaasha ayaa ah saddex nin oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Guinea. Eedeysanaha Soomaaliga ah ayaa la sheegay in dalka gudihiisa looga yaqaanno magacyo kala duwan iyadoo uu caan ka yahay xarumaha booliska aadna ay isku arkaan askarta. Ma haysto hoy uu ku diiwan gashanyahay waxana lagu tiriyaa in uu kamid yahay burcadda dhowrka mar loosoo xiray waxyeellada. Dhamaan sadexda tuhmane ayaa dhowr mar loosoo xiray waxyaabo la xiriira daroogo iyo weerarro ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Berlin. Taariikhda maxkamadaynta weli lama go’aamin Dad badan ayaa is weydiinaya saameynta ay Soomaalida ku yeelan karto ninkan Soomaaliga ah ee ku caan baxay waxyellada iyo in jaaliyadda Soomaaliyeed ay weli qaadeen tallaabo ka dhan ah. Axmed Kadiye oo kamida Soomaalida Jarnamlka ahna xubin firfircoon oo kamida jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi ayaan wax ka weydiinnay waxa ay jaaliyaddu ka ogtahay ninkan Soomaaliga ah iyo in ay horay u dheceen kiisas noocani oo kale ah iyo waliba in arrintan ay saameyn ku yeelan karto Soomaalida. Axmed oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri, “Ma jirto wax saameyn ah oo arrintan ay ku yeelaneyso Soomaalida Jarmalka inteeda kale, balse ninkan waxa uu nala wadaagaa magaca Soomaalinimo taasi oo marka ay warbaahinta dalkani ka hadlayaan ay kusoo cel celiyaan qof Soomaali ah ayaa sidaasi sameeyay, laakiin majirto caqabad kale oo ay dadka ku yeelaneyso”. Kadiye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “qofka marka uu daroogo isticmaalo ama uu yahay qof madaxa looga jiro wey dhacdaa in ay ku dhaqaaqaan falal noocani oo kale ah Soomaaliduna wey baraarugsantahay oo wax iska dhaca weyna dhici jireen waxaana ay u badnaayeen dad madaxa looga jiro” ayuu yiri. Axmed Kadiye oo ka hadlaya bal ninkan iyo waxa uu yahay ayaa yiri, “ninkan waa nin dalkan looga yaqaanno illaa tobanaan magac horayna waxaa loogu eedeeyay in uu yahay qof daroogada ka ganacsada, dambiyo badan ayaa horay loogu eedeeyay haddana waxa ay noqon kartaa in xukun adag lagu rido maadaama lagusoo qabtay arrin ay shacab badan si toos ah u arkayeen”. Xukunka eedeysaneyaashan ayaan la ogeyn waxa uu noqon doono marka lagu caddeeyo dhamaan eedeymaha loosoo jeediyay, hase yeeshee dalka Jarmalka iyo dalalka kale ee caalamkaba haddii qofku uusan ahayn qof madaxa looga jiro ama maskaxda ka xanuunsanaya waxa ay nqon kartaa in ay la kulmaan ciqaab adag ama xukun culus bbcsomali Qaran News
  23. New York (HOL) - Somali Prime Minister Hame Abdi Barre met with President Joe Biden of the United States at the United Nations headquarters in New York on Friday to discuss strengthening relations between the two countries. Source: Hiiraan Online
  24. Dhusamareb (HOL) - The political discord between Galmudug's regional President, Ahmed Abdi Kariye QorQor, and his Vice President, Ali Dahir Eid, has been resolved after President Hassan Sheikh Mohamud intervened in the issue to allow the military operations in Galmudug to continue. Source: Hiiraan Online
  25. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) ayaa sheegay in ciidamadu ay si degdeg ah ugu laabanayaan degmooyinkii iyo deegaanadii Gobolka Galgaduud ee ay ka soo baxeen daba-yaaqadii bishii hore. Ciidamada ayaa soo banneeyay Degmooyinka Ceeldheer, Galcad iyo Ceelbuur iyo deegaanada kala ah Masagawaa, Budbud iyo Wabxo, ka dib weerarkii xooganaa ee ay maleeshiyada Al Shabaab 26-kii bishii August ka gaysteen deegaanka Cowsweyne ee gobolkaasi. Taliyihii hore ee Qaybta 21aad ayaa sheegay in uu hadda socdo qaabeynta iyo qorsheynta, sidii ciidamadu ay dib ugu laaban lahaayeen goobahaasi. “Nimankan Khawaarijta waa ay dhammaanayaan, mar walbana waa la isku noqonaya, meel haddii ay wa xoogaa nafis ka helaana meelo badanoo aysan nafis ka helinin oo horey loogu sii soconayo oo laga saarayo ayaa jirta, kuwo badana waa laga qabtay,” ayuu yiri Taliyihii hore ee Taliska Qaybta 21aad. Waxa sidoo kale uu yiri “Mid ma dhaceyso sida xaqiiqada ah, dadka meesha ku jira ee Khawaarijta ah waxba kuma soo kordhaan. Marka la leeyahay wax bay dileen, ayaguna way la’daan, waa dhammaanayaan, waqtigooduna waa dhammaanaya, ayaguna waa ogyihiin.” Korneyl Xasan Maxamed Abuukar oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa iftiimiyay in ciidamadu ay haddaba go’doomiyeen maleeshiyadaasi, meel looga soo gurmanayana aysan jirin. Waxa uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay maalmaha soo socda dib ula wareegi doonaan degmooyinkii iyo deegaanadii ay horaan ka saareen Al Shabaab, balse markii dambe ay soo banneeyeen. “Meelaha yaryarka ah ee hadda ku jiraan waa laga saaraya, way dhammaanayaan maalinba tabarta ay leeyihiin, maalinta ku xigta ma lahan oo way ka liitaan, maalinta kale ee ku sii xigtana way ka sii liidanayaan,” ayuu Korneyl Xasan Jaamici. Korneyl Xasan Jaamici ayaa hoosta ka xariiqay in dadka reer Galmudug ay ka go’an tahay in ay si buuxdo isaga dulqaadaan maleeshiyada Shabaabka. “Dadkii deegaankan iska lahaa ee Ilaahay ku beeray meel kale oo ay aadayaan amaba ay u qaxayaan ma jirto, dhulkooda ayay ku dhammaanayaan ama Shabaab way ka saarayaan,” ayuu yiri Korneyl Xasan Jaamici. Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 5-tii bishan sheegay in ay jiraan Saraakiil loo xirxiray saldhigyadii ay ciidamadu dib uga soo gurteen. The post Saraakiisha oo war kasoo saaray ciidamada baneeyey saldhigyadii GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.