-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Deegaanka oo la Kulantay Wakiilka UNHCR Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo uu weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda UNHCR. Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd in lagaga wada hadlo sidii wacyigalin dhinaca Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ah loo gaadhsiin lahaa Barakacayaasha iyo qeybaha nugul ee Hay’ada UNHCR ka shaqeyso. Waxa sidoo kale la isla soo qaadey qoddobo dhowr ah oo ku qotoma sidii labada dhinac ay uga wada-shaqeyn lahaayeen mabaadii’da ilaalinta Deegaanka iyo la qabsiga Cimilada. Kulanka ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday isfaham iyo in lagu balamay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac. Qaran News
-
Ruuska Boqolaal Qof Ka Daadgureeyay Nagorno-Karbaakh Russia(Qaran news)-Ruushka ayaa boqolaal ka mid ah dadkii deganaa gobolka Nagorno-Karabakh ka daadgureeyay hawlgalkii milateri ee Asarbayjan ka bilowday, kaasoo ay kula wareegeen 60 goobood oo ay joogeen ciidamada Armenia, iyadoo baaqyada xabbad joojinta ay sii socdeen. Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada nabad ilaalinta Ruushka ee ku sugan gobolka Nagorno-Karabakh ay daad gureeyeen in ka badan 1,800 oo qof oo degganaa gobolka lagu muransan yahay shalay oo Salaaso ahayd. Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada Ruushka ay si ku meel gaadh ah u siiyeen gargaar dad shacab oo laga soo daad gureeyay magaalada Karabakh, iyadoo ay u dheer tahay daryeel caafimaad, waxayna gacan ka geysteen daweynta dhaawacyada. Warfidiyeenada oo soo xiganaya ilo maxali ah oo ku sugan gobolka Karabakh ayaa sheegay in ciidamada Asarbayjaan ay duqeeyeen xaafado ka tirsan caasimada gobolkaasi ee Stepanakert. Qaran News
-
In the inspiring words of Abraham Lincoln, "Determine that the thing can and shall be done, and then you shall find the way." President Hassan Sheikh Mohamud has made the bold decision to lead the people of Somalia in reclaiming our beloved country from the grip of Al-Shabaab. Under President Hassan Sheikh Mohamud's leadership, we are filled with hope and confidence that victory is within our reach. The government has shifted its strategic objectives and is now focused not only on eliminating Al-Shabaab but also on implementing substantial measures to combat terrorism and bring stability to our nation. This is a challenging endeavour, but history has shown that success is possible, with one notable example being Sri Lanka, which managed to defeat the Liberation Tigers of Tamil Eelam (LTTE) after 25 years of conflict. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa galabta gaaray furimaha ay ciidamadu difaaca uga jiraan ee deegaanka Bulacle ee gobolka Galguduud. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ciidanka ku sugan deegaankaan oo bari ka xiga magaalada Dhuusamareeb wuxuu ku dhiirigeliyey halka ay Khawaarijta uga xoreynayaan dalka, isagoo ku dalbaday inay sii socdaan oo gaaraan deegaanada ay Galgaduud ka joogto kooxda Al-Shabaab. Xildhibaano kale oo heer federaal ah oo maalmahaan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa kormeerkaan ku wehliyey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna ciidamada geesiyaasha ah ku amaaneen sida ay dhaxanta iyo qoraxda ugu joogaan difaaca dalka iyo dadkooda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta ka soo degay Dhuusamareeb, isagoo ka yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu mari doono dhamaan furimaha ciidamada ee gobolka Galgaduud. Ciidamada uu maanta bariga Dhuusamareeb ugu tegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u badnaa geesiyaasha deegaanka ee hubka u qaatay inay dhulkooda ka xoreystaan kooxda Al-Shabaab. Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii laga soo tago inuu yahay ergayga madaxweynaha dalka u qaabilsan gurmadka abaaraha, waa xildhibaan golaha shacabka ku metela dadka dega Dhuusamareeb iyo Guriceel, taas ayaa sabab u ah inuu ayaga ka bilaabo dhiirigelinta ciidamada dagaalka kula jira Khawaarijta Al-Shabaab. Siyaasigaan oo lagu yaqaano mayal adeyg siyaasadeed ayaa hadda muujiya inuu aad ula dhacsan yahay hanaanka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, Madaxweynaha ayaa ajendihiisa koowaad ka dhigtay dagaalka kooxdaas. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa caawa ka soo noqday furinta wuxuuna ku hoyanayaa Dhuusamareeb, sidoo kale berri iyo maalmaha xiga wuxuu qorsheynayaa inuu tago furimo badan oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay kula dagaalamayaan argagixisada. Hoos ka daawo The post Daawo: CC Shakuur oo iska xaadiriyey furimaha dagaalka iyo qorshihiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Siciid Yuusuf Cabdi, Taliyaha Qaybta Cashuuraha ee Ciidanka Booliska JSL Cismaan Xaashi Daahir iyo madaxa waaxda tababarada ee Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin ayaa maanta tababar u soo xidhay 50 xubnood oo iskugu jira Guddoomiyayaal, Garsoorayaal, ku-xigeenno xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, qarreeno, saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee wasaaradda maaliyadda. Tababarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay sida loo xoojin karo hirgalinta xeerarka maaliyadda ee dib-u-habaynta iyo kaabista lagu sameeyay, waxaana muddadii uu socday lagu lafa-guray duruus kala duwan oo la xidhiidha xeerarkaasi iyo axkaamta la xidhiidha ee Shareecadda Islaamka. Xubnaha ka qayb galay tababarka ayaa geestooda is waydaarsaday khibradahooda la xidhiidha hay’adaha ay kala matalayeen, waxaanay kala faa’iideen qodobo door ah oo kaalin mug leh kaga jira habsami u socodka dacwadaha la xidhiidha cashuuraha. Ugu horayn Taliyaha Qaybta Cashuuraha ee Ciidanka Booliska JSL Cismaan Xaashi Daahir iyo Ku xigeenka Xeer-ilaaiyaha Guud ee Qaranka Siciid Yuusuf Cabdi ayaa dhankooda xusay ahmiyada uu tababarkani u lahaa xubnaha ka soo qayb galay, waxaanay hoosta ka xarriiqeen doorka shariifka ah ee uu ka qaadan doono shaqo maal meedkooda. Geesta kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa tibaaxay in tababarada ay ku kulmaan khuburadan oo kale ay hoggaamiyaan horumarka qaybihiisa kala duwan, waxaanu tibaaxay in aaraa’da ay soo jeediyeen xubnaha tababarka waddagayayna laga shaqayn doono sidii loo sixi lahaa. Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa ka waramay maraaxilkii xeerarkani soo mareen iyo halka ay maanta taagan yihiin, waxaanu khuburadii iyo xubnihii tababarka ka soo qaybgalay ku bogaadiyay sidii qiimaha lahayd ee ay aqoon-is-waydaarsiga uga qayb qaateen. Guddoomiyaha ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in khuburo ka kala socda hay’adaha dawladdu ay muddo saacado ah shan maalmood lafa-gur ku sameeyaan hirgalinta xeerarka maaliyada, isla markaana talo bixin ka sameeyaan dhinacyada ay ka dareemeen goldaloolooyinka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali ayaa sidoo kale xusay in baryahan danbe awoodda la saarayay tababarada iyo aqoon-is-waydaarsiyada takhasuska ah, kuwaasi oo diirada lagu saarayay hadba cilmiga “maadada” u baahan in laga sal-gaadho. Waxaanu Guddoomiyuhu xubnihii ka soo qayb galay ku booriyay in ay waaxda tababarada u soo gudbiyaan dhinacyada ay u baahanyihiin in takhasusyo dheeraad ah laga sameeyo, si tababaradan oo kale gobolada dalkana looga fulliyo. Wa bilaahi tawfiiq Ibraahim Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL. Source
-
Baabuurkii laga Dhacay Wakaaladda Biyaha Burco oo la Wareejiyay Hargeysa(Qaran news)-Waxa lagu guulaystay in la celiyo baabuurkii ay shalay dabley ka tirsan Buurta Gacan Libaax ka qaadeen maareeye kuxigeenka Wakaaladda Biyaha Burco. War aanu ka xaqiijinay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in gaadhigaas la wareejiyay oo ay geeyay magaalada Burco laguna wareejiyay wakaalada biyaha ee Burco. Warku wuxuu intaas ku daray in kooxdii gaadhigaas dhacday iyaguna ay ka faa’iidaysanayaan cafiskii dawlada Somaliland u fidisay iyo dadaalkii odayada dhaqanka ee beesha West Burco Clan waxana ay go’aansadeen oo qaateen in ay ka dhabeeyaan heshiiskii la gaadhay isla markaasina dib loogu qarameeyo ciidamada qaranka ee kala duwan Geesta kalena waxa socda dedaalkii ugu dambeeyay ee madaxda dhaqanku ku soo afjarayaan jabhada buurta Gacan-libaax, iyadoo dhallinyarada halkaas ku jirtayna ay aqbaleen talada odayaasha, waxana ay gudigu si dhakhso ah ay xukuumadda ugu wareejinaysaa gaadiidkii ay ay jabhadu haystay ee ay hore uga afduubteen dawladda wareejinta baabuurtaasi waa tallaabadii ugu danbaaysay ee lagu soo afjaraayay hawlahii buurta Waxa kaloo toddobaadkii hore dufcadii ugu horraysay ee jabhada gacan libaax ay ku biireen ciidanka qaranka oo lagu qarameeyay. Taasi oo ah tallaabo wax ku ool ah oo hore loo qaaday iyada oo la raacasyo heshiiskii dhawaan la gaadhay. Qaran News
-
Camaara (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo geesiyaasha deegaanka ayaa maanta Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Gaaday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug. Ciidamada ayaa u sii gudbay deegaanka Shabeelow oo Al-Shabaab u ahaa fariisin muhiim ah, waxaana ciidamada u suurta gashay inay kooxda ka xoreeyaan deegaanadaas, inkastoo iska cabin ay kala kulmeen. Howlgalkaas waxay ciidanku ku dileen 25 dagaalame oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo lagu burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen, sida lagu shaaciyey war ka soo baxay dowladda. Dhinaca kale, ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgallo lagu baacsaday Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Kuridhi iyo Qoriley oo dhaca galbeedka magaalada Camaara. Camaara oo ah magaalo weyn waxaa ku hareereysan dhowr tuulo, kuwaas oo weli lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab oo maalin ka hor laga xoreeyey Camaara, magaaladaas waxaa la xaqiijiyey in hal qoys uusan ka qaxin. Ciidamada ka dagaalamaya koonfurta gobolka Mudug ayaa caawa kaabiga ku haya deegaanka Caad oo ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah ee Shabaab ay weli kaga harsan yihiin gobolkaas. Beelaha Saleebaan, Sacad iyo Saruur ee Habargidir iyo beesha Surre ayaa ku bahoobay dagaalkaas, si ay deegaanadooda uga xoreystaan Khawaarijta Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya ayaa beelahaas kacdoomay u dirtay ciidan iyo masuuliyiin qaran. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa wacdare ka dhigay gobolka Mudug, deegaano aan abid Shabaab laga saarin intii ay jireen ayaa laga faro-maroojiyey kooxda, waxaana lagu sii bacsanayaa dhulka howdka ah. Maalmaha soo socda waxaa lagu taamayaa in dhamaan koonfurta gobolka Mudug laga wada xoreeyo kooxda Al-Shabaab, si ay u fududaato in Galgaduud laga xoreeyo kooxda, Galgaduud waxay ka joogaan magaalooyin ay ugu horeyso Ceelbuur, waana halka lagu soo gabagabey doono Shabaab-ka ka dagaalama Galmudug. The post DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab looga dilay dagaal maanta lagu xoreeyey labo deegaan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dolwadda Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixin toddobaadle ah oo ay ku faahfaahiso guulihii la gaaray iyo waxa u qabsoomay todobaadkaas, war-saxaafadeed 33 qodob ah oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu dul istaagay qodobo u badan dagaalka Al-Shabaab. Hoos ka akhriso bayaanka dowladda ee toddobaadkaan: 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Taliye Ku-Xigeenka Xoogga Dalka u magacaabey General Maxamed Nuur Ufurow, isla markaana Taliyaha Ciidanka Lugta u magacaabey G/le Sarre Dayax Cabdi Cabdulle si loo dardar geliyo hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta. 2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay saraakiisha guutooyinka Gorgor kana dhegeystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta. 3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson. 4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha ayaa ku baaqay in muwaadiniintu qaataan si loo sugo amniga loona horumariyo adeegyada dadweynaha. 5- Guddoonka labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya oo lagu soo bandhigay doorka walaalaha Jabuuti iyo taariikhda casriga ah ee dowladnimada Soomaaliya. 6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu horumar ka sameysay amniga kana shaqeynayso Soomaaliya ka caaggan argagixisada. 7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray sanduuqa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. 8- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay qaadashada warqadaha aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, oo lagu beegay maalinta caalamiga ah ee aqoonsiga dadweynaha 16 Sebtembar. 9- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada New York uga qaybgalaya Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. 10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada New York khudbad ka jeediyay kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee Caalamka, wuxuuna kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tallaabsanayo. 11- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada New York, kula kulmay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka. 12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daahfuray mashruuca soo Dib u Soo Kabashada Xasaradaha Soomaaliya. 13- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu meel mariyay heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika. 14- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ku ciribtirayaan Khawaarijta. 15- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka ay inta badan gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta, gacantana ku dhigay magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara, Qeycad, Xiin labi, Qodqod iyo deegano kale oo istaraatiiji ah. 16- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa kormeer ku tagay magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo laga saaray Khawaarijta. 17- Madaxweynaha Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye iyo Agaasimaha NISA Mahad Salad Maxamed oo gaaray deegaano laga saaray Khawaarijta oo Mudug ka tirsan. 18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa deegaanada Nuur-Dugle iyo Caddaan Laxey kula hadlay Ciidamada Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka ayaa adkeeyay iskaashiga ciribtirka Khawaarijta. 19- Ciidanka Qalabka Sida ayaa fashiliyay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo Khawaarijta ku weerareen deegaanka Laas-Gacamay oo hoos taga magaalada Bacaad Weyne oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Galmudug, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. 20- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ugu baaqay dadkii ay Khawaarijtu xoogga uga saareen deegaanada la xoreeyay ee Galmudug in ay dib ugu soo noqdan guryahooda. 21- Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhiiragalin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee degaanadii dhowaan laga xoreeyay ee gobollada Mudug iyo Galguduud. 22- Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho oo fulinaya howlgalo amniga lagu sugayo ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari laga so buuxiyay walxaha qarxa oo ay Khawaarijtu dooneysay inay shacabka ku leyso. 23- Maamulka Gobolka Banaadir oo raashin ay iska soo uruuriyeen bulshada caasimada ku wareejiyey Taliska Xoogga Dalka si loo dhiira galiyo hawlgalka ciribtirka Khawaarijta. 24- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe) oo ku sugan magaalada Riyaad ee Sacuudi Caraabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga Amiir Abdul-Aziz bin Saud, kuwaa oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta amniga. 25- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini), oo horay Xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September 11-keeda ee sannadkan. 26- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Ururka G77+China oo laba maalin ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba. 27- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska Bangiga ee dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay Nairobi. 28- Haweenka Magaalada Ceelguula ee Gobolka Mudug ayaa deeq taakulo ah oo iskugu jirtay xoolo, biyo iyo cunooyin ku wareejiyay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka. 29- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo bandhigtay hanaanka wadatashiga ee Istaraatiijiyada jiilka shanaad (5G). 30- Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Bakool. 31- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay duufaanta El-Nino. 32- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Bay ku dilay madaxii maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Bay Aadan Gardhuub iyo Maleeshiyaad uu watay. 33- Horjooge, Xasan Musdhaf Dhaayoow oo loo yaqaanno (Shiniyey ) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Baay. ==============DHAMMAAD============== The post DF oo soo saartay bayaan dheer oo lagu faahfaahiyey dhowr arrimood appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka dowladda, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo maalimihii dambe ay ka socdeen howlgallo ballaaran oo ay wadeen ciidanka huwanta ah. Ciidanka ayaa howlgalkoodii saakay kula wareegay wareeegay deegaanka Gaadday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug , ka hor inta aysan u gudbin deegaanka Shabeelow oo Al-shabaab u ahaa fariisin muhiim ah marka la joogo Mudug. Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagula wareegay labada deegaan ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay 25 ka tirsan Al-shabaab iyada oo la burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen, sida ay baahiyeen saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa. Ciidanka huwanta ah ayaa dhinaca kale ayaa hawlgal lagu howlgallo laga sameeyay deegaannada Kuridhi iyo Qorileey oo iyagana dhaca Galbeedka magaaalada Camaara, waxaana howlgalladaan ay ku soo aadayaan xilli gobolka ay ka socdaan howlgallo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan dadka waxay maqlaan madaxda degmooyinka gobolka Banaadir iyo kuwa maamul-goboleedyada, ciidanka deegaanka iyo horjoogayaasha kaamamka oo isku haysta kaararka gargaarka ee la siiyo dadka kusoo barakacay kaamamka ku yaalla guud ahaan gobollada dalka. Dad ka badan hal milyan ayaa ku jira kaamamka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sidoo kale Baydhabo waxay kamid tahay magaalooyinka ugu badan ee ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay, kuwaasi oo inta badan noloshooda ay ku tiirsan tahay waxyaabaha ay keenaan hay’ddaha samafalka. Laakiin sheeko aan qarsoneyn oo muddo soo jirtay ayaa ah in madaxda deegaanada ay musuq baahsan kula kacaan lacagaha joogtada loo siiyo dadka nugul ee degan kaamamka. Sheeko caan ka aheyd kaamamka Muqdisho, Baydhabo iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa hadda caalami noqotay oo ay xogteeda heleen hay’addaha bixiya gargaarka. Hay’addaha samafalka ayaa ogaaday in dadka nugul lagu qasbo inay bixiyaan kala bar lacagaha loogu tala-galay si kaararka loo siiyo, qaarna kaararkoodii ayaa dad kale oo aan barakac aheyn laga iibsaday. Musuqan ayaa la sheegay inay ku lug leeyihiin milkiilayaasha dhulka, maamulka degmooyinka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka. Baaritaan ay Qaramada Midoobay sameysay ayaa keenay in Midowga Yurub si kumeel-gaar ah u hakiyaan dhaqaalihii ay siin jireen hay’adda cunnada adduunka ee WFP qeybteeda Soomaaliya. Tallaabadan ayaa timid kadib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku tagrifal lagu sameeyay gargaarkeeda. Dalal badan ayaa taageera mashruuca cunnada adduunka ee WFP. Illaa 7 Milyan oo dollar oo Soomaaliya loogu tala-galay ayuu Midowga Yurub ku caafiyay WFP sanadkii lasoo dhaafay. Hakadka kumeel-gaarka ah ayuu isbeddelkiisa ku xirnaan doona sida loo kala shaandheeyo la howl-galayaasha ku sugan Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal u hadlay Midowga Yurub. Haddaba, sidee loo dhacaa lacagaha gargaarka ee Soomaaliya? Waxaa jira kaarar nooca shirkadaha isgaarsiinta ah oo la siiyo dadka kusoo barakacay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lacago loogu shubo dadka barakaca ah. Xogaha laga helayo ayaa sheegaysa in laba qaab loo musuq-maasuq, mid waa in dadka danyarta ah lagu qasbo in lacagta la kala barto oo ay bar iyagu qaatan, iyada oo barka kale ay qaadanayaan qofka degmada xukuma, horjoogaha kaamka, shaqaalaha samafalka iyo ciidanka. Habka labaad ee la isku dhaco waa diiwaan-gelin been abuur ah, oo kadibna keenta in kaararka laga iibsado dad aan barakac aheyn oo magaaladooda ka shaqeysta, kuwaas oo iibsanaya kaarar badan maadaama ay bil walba lacagta kusoo dhacdo. Waxa jira dad aan barakac aheyn oo haysta illaa 10 kaar oo ay iibsadeen, mid walbana bishii kusoo dhaceyso lacag u dhaxeysa 75 dollar illaa 120 dollar. Isagu halmar ayuu lacag dhowr boqol dollar ah ku iibsaday laakiin bil walba ayuu ka badan ka helaa. Kaararkan waxaa bixiya hay’adda kala duwan, waana midda keenta in lacagaha qaar socdaan afar billood oo xiriir ah, qaar lix billood oo xiriir ah, qaarna sanad iyo ka badan. Musuqan noocaan ah ee bahalnimada ah ayaa soo jiray ku dhawaad tobankii sanno ee lasoo dhaafay. Dowladda Soomaaliya uma badna in aysan xog ka hayn arrintaan laakiin weli wax tallaabo ah kama qaadin, waxayna soo gaartay in maanta ogaadan hay’addihii caalamiga ah. Saddex billood kahor WFP iyo USAID waxay hakiyeen cuntadii gargaarka aheyd ee ay siin jireen waddanka Itoobiya, si ay uga jawaabaan xatooyada baahsan ee lagu hayo gargaarka. Foolxumadan dhaaftay sharciga iyo bini’aadannimadaba ee waqtiga fog lagu dhacayay dadka kusoo barakacay kaamamka ku yaalla Soomaaliya , waana mid u baahan wax ka qabasho deg deg ah iyo inay dowladda iska saarto masuuliyad gaar ah. The post Xogta xatooyada ka socota dalka ee sababtay in Midowga Yurub uu hakiyo dhaqaalihii appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka, una warramay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo sababta uu u geli waayay. Jeneraalka ayaa sheegay in hadda uusan aheyn Xildhibaan ama Macawiisley, balse uu yahay Janan ka tirsan Xoogga dalka, haddii ay u bahaatana dowladda uu dagaalami doono. “Horta aniga Macawiisley maahi nin Jeneraal ah ayaan ahay, Xildhibaana maahi tuutaha waxaan qaadanayaa marka ay dowladdu i tiraah qaado ee aad dagaalka, markaas ayaan qaadanayaa oo la’i arki doonaa” ayuu yiri wareysigaan ku yiri Jeneraal Indhacadde. Sidoo kale wuxuu xusay in aysan jirin sabab uu hadda ku dagaal galo, isaga oo aan haysan amar kasoo baxay dowladda federaalka, laakiin waxa uu qiran inuu isagyu diyaar yahay. “Qaab inta aan tuute u qaato dagaalka u galo amarka dowladda la’aanteed ma jiro, dowladda ay i ogtahay way i taqaanaa, marka ay ii baahatana iida ayaa ii yeeraneem shaqada ay iiga baahato iyada ayaa ii daraneen, anne diyaar ayaan u ahay” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in loo fiirsado xeeladda dagaal ee lagu wajahayo kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay halis ku tahay dalka iyo dariska. “Waxay u baahan tahay dagaalka nimankan in la daraaseeyo sidii looga hortagi lahaana la gaaro, waana la sameyn karaa aniga aragtideyda” ayuu kusii daray. Jeneraal Indhacadde oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diraan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dagaalka Al-Shabaab. “Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa dagaalkan haddii aadan gelina waad dhimaneysaan way idin dilaayaan Shabaab, haddii aadan gelina xoolihiina ayay qaadanayaan” ayuu mar kale wareysigan ku yiri Jeneraal Yuusuf Maxamed Indhacadde. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guullo waa weyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan howlgallada ka socda Galmudug iyo HirShabelle. The post Indha-Cadde oo shaaciyay sababta uu u geli waayay dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka JFS ,Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa afaafka degmo xeebeedka Hobyo ku soo dhoweeyay Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan magaalada Hobyo. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiirka Kalluumaysiga Axmed Xasan waxaana socdaalka ku wehliyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al-caddaala, la taliyaha Madaxweynaha dalka, Sakariye Xasan Gaashaan, Senator Duniyo, Xildhibaan Saabbir Nuur Shuure ,Cabdisalaan Xaaji Dhabancad iyo Ganacsade Liibaan Axmed Xasan. Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay xarig jaraan mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay Degmada Hobyo, waxaana uu socdaalkooda uu ku soo aadayaa xilli mas’uuliyiintaan gobolka ay u joogaan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Suldaan Maxamed Muuse Cune oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha wada Degan Cali Saahid Hargeysa(Qaran news) Suldaan Maxamed Muuse Cune ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee wada degan Cali Saahid ee gobolka Togdheer oo mar kale shaqaaqo ka dhex dhacday dhawaan. Suldaan Maxamed Muuse Cune wuxuu sheegay in aanu wax lug ah ku lahayn colaadaas waxaanu beelaha deegaankaas dega ugu baaqay inay caqli ku shaqeeyaan oo walaaloobaan isla markaana aanu qorigu ahayn xal wax laga faa’iidayo. Suldaanku wuxuu intaas ku daray inuu khamiista u baxayo deegaankaas si uu nabadda uga shaqeeyo. Suldaanku wuxuu beeniyay dad uu sheegay inay xidhiidhiyeen soo dayntiisa iyo shaqaadii Cali Saahid dib uga bilabantay, waxaanu tilmaamay in aanu arrintaasi shaqo ku lahayn, hase ahaatee isagu uu u taagan yahay walaalaynta labadaas ardaa oo uu tilmaamay inay yihiin dad is dhalay oo aan sina u kala tagayn. Qaran News
-
Guddoomiyaha UCID oo Sheegay in Somaliland lagu soo Qaaday Duullaan Lagu Xidid Jarayo Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo difaaca dalka oo uu tilmaamay in uu ku soo duulay cadow doonaya inuu jiridaha u saaro Qarannimada Somaliland. Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in loo baahan yahay in gacmaha la isku qabsado sidii loo difaaci lahaa dalka. “Kuwa Maxaabiista gawracaya ee Laascaanood isku soo uruursaday, waxaan leeyahay, dhaqan Somali maaha,” ayuu yudhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Waxa kaloo uu Ganacsatada Wajaale ka tacsiyadeeyay khasaaraha soo gaadhay wuxuuna u soo jeediyay inay baananka lacagaha dhigtaan, waxaanu yidhi “Waxaan Tacsiyadeenayaa dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay dabkii Wajaale, ganacsatadana waxaan kula talinayaa inay dhigtaan lacagaha baananka.” “Waxaan leeyahay ciddii ka leexataa midaynta Somaliland, waxay la mid tahay kuwa ku soo duulay Qaranka” ayuu idhi Guddoomiye Faysal. Waxa kaloo uu bogaadiyay odayaashii dhaqanka ee ku hawlanaa sidii at buurta uga soo dejin lahaayeen jabhadii Gacan-libaax, wuxuuna yidhi “Waxaan bogaadinayaa Odayaashii muddada badan fadhiyay Gacan-libaax ee wanaagga ka shaqaynayay.” Sidoo kale wuxuu Guddida Habar-jeclo u soo jeediyay inay qabtaan shir Isaaq oo lagu midaynayo ummadda. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha ra’iisul wasaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya. Mashruucan oo ah mid muhiim ah ayaa waxa uu wax wayn ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, taasi oo qeyb ka ah hay’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xilligaan dowladda iyo shacabka ay dagaalka adag kula jiraan kooxaha argagaxisada ah. Mudane Saalax ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda. Waxa uu intaas ku daray in Khawaariijtu caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna xukuumadda Dan-Qaran dhinac waddo dagaalka Shabaab barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay. Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cirib-tirayaan khawaarijta. Sidoo kale mashruucan waa mid kaalin mug leh ka qaadanaya in la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah. The post DF iyo Bangiga Adduunka oo Muqdisho ka daah-furay mashruuc muhiim ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
ISTANBUL, Turkey, September 20, 2023/ -(Qaran news)- The International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) (http://www.ITFC-idb.org), a member of the Islamic Development Bank (IsDB) Group, has extended a Syndicated Murabaha Facility worth US$ 277 Million in favour of Turk Eximbank in accordance with its mandate of promoting trade among OIC member states. The partnership intends to boost export-oriented SMEs and private sector businesses in Türkiye and offer Sharia-compliant trade financing solutions. The agreement is positioned to act as a catalyst for firms, providing them with the trade finance options they need to take advantage of opportunities in foreign markets. This facility will boost the private sector’s ability to access trade finance funds by bridging the financial divide and supporting an environment favorable to economic growth and job creation. Commenting on the facility, Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC stated “As a long-term partner of Turk Eximbank, we share a common vision of supporting jobs and fostering socio-economic development in Türkiye. This new funding is intended to boost support for Turkish exporters, particularly SMEs, and will open up new possibilities for the growth of trade between Türkiye, OIC member nations, and its international trading partners. We are still dedicated to making investments to assist Turkish and regional economic growth notwithstanding the global crisis and its challenges.” Mr. Ali Güney, General Manager of Turk Eximbank also stated “As Turk Eximbank, being one of the main pillars of government’s export-led growth strategy and largest development bank in Türkiye, we will continue to work and further increase our efforts to support Turkish exporters. We consider ITFC our strategic partner on this front, and I am very pleased to see the strong relationship established between our institutions. We hope our cooperation will continue in the future as well. We express our gratitude for ITFC’s efforts on this successful transaction on behalf of Turkish exporters, and we hope to continue having access to Islamic trade finance funds through ITFC’s ongoing partnership to finance and support Turkish exports”. Since its inception in 2008, ITFC has approved around US$3.5 billion in financing for Turk Eximbank, a key partner in ITFC’s efforts to increase private sector development. The financing has also supported a vast number of exporters with a focus on SMEs represented by various sectors, including the textile, food and agriculture, construction, and automotive sectors. This financing arrangement serves as a notable demonstration of ITFC’s commitment to fostering economic growth and facilitating trade within member countries Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa markii ugu horreysay u kulmay si fool-ka-fool ah Talaadadii, xilli labada dal ay billaabeen inay hormariyaan xiriirkooda. Hogaamiyayaasha, oo wada-hadallo yeeshay intii lagu guda jiray shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay in midba midka kale uu dhawaan booqdo dalka kale, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Netanyahu. Taleefishinka Channel 12 ee Israel ayaa sheegay in Erdogan laga yaabo inuu doonayo inuu sanad-guurada 100-aad ee Jamhuuriyadda Turkey ee bisha dambe ku xuso inuu booqdo Masjidka Al-Aqsa. Weli ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan warbixintan. Xiriirka labadan dal ee horey xulufada u ahaa ayaa burburay kadib markii ciidamada Israel ay 10 qof oo Turkish ah ku dileen weerar ay ku qaadeen markab gargaar siday oo jebiyey xayiraad lagu soo rogay Gaza. Ankara ayaa cayrisay safiirka Israel, tallaabaadaas oo ay ka laabatay 2016, hase yeeshee waxay mar kale sidaas sameysay laba sano kadib, sababo la xiriira dilka tobanaan Falastiiniyiin ah oo ka qeyb-galay dibad-bax ka dhacay xuduudda Gaza. Israel, oo cabasho ka muujisay marti-gelinta Ankara ee hoggaamiyeyaasha Xamas, ayaa ku jawaabtay inay cayrisay safiirka Turkey, 2018. Booqasho uu bishii March madaxweynaha Israel Isaac Herzog ku tegay Turkey, oo ay ku xigtay booqashooyinka labada wasiir arrimo dibadeed, ayaa caawiyey in xiriirka uu soo hagaago. Erdogan iyo Netanyahu ayaa ka wada hadlay siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka iyo sidoo kale arrinta Israel iyo Falastiin, sida ay madaxtooyada Turkiga ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta X. Erdogan ayaa u sheegay Netanyahu in labada dal ay iska kaashan karaan dhanka tamarta, teknoolajiyadda, hal-abuurka, caqliga macmalka ah, iyo sidoo kale amniga internet-ka, ayey tiri madaxtooyada. Turkey ayaa sanadkii 2020 billowday dadaal xoog leh, oo ay ku hagaajineyso xiriirka dalal badan oo ay horey u xifaaltami jireen, sida Masar, Imaaraatka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo sidoo kale Israel. VOA + REUTERS The post Erdogan iyo Netanyahu oo markii ugu horreysay kulmay + Qoddobada miiska saaran appeared first on Caasimada Online.
-
Maleeshiya-beeleed hubaysan oo dhawaan lagu soo daabulay degaanka Qorilugud ee hawdka gobolka Cayn ayaa maanta dhaq dhaqaaq ciidan ka sameeyay degaankaas. Maleeshiyaadkan beelaysan ayaa maanta bilaabay in ay rasaas xooggan u ridaan dhinaca deriskooda reer SSC-Khaatumo, taas oo durba uga sii dartay xiisadda labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale maleeshiya-beeleedka hubaysan ay isku fidiyeen dhulka miyiga ah ee nawaaxiga degaanka Qorilugud. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa weli halkaas ku daabulaya maleeshiyaad horleh oo loo diyaarinayo in ay weeraraan dhulka SSC. Dhaq dhaqaaqa ciidan ayaa imaanaya, iyadoo Somaliland ku hanjabtay in ay dagaal rogaal celis ah ku qaadayso degaannada SSC si ay uga aar-gudato jabkii ka raacay Gooja-cadde. PUNTLAND POST The post Buuhoodle: Maleeshiyaad lagu daabulay Qorilugud oo dhaq dhaqaaq ciidan sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka oo Furtay Daabacada Liisamadda Gaadiidka Gobolka Saaxil. Hargeysa(Qaran news)-Munaasibad loo qabtay daahfurka daabacada liisamada gaadiidka waxa ka qayb galay agaasimaha guud wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Muuse Jaamac oo ay weheliyaan agaasimayaasha waaxyaha Liisamadda iyo Bugaagta daabacada iyo Wax-soo-saarka iyo Isu’duwaha wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka ee gobolka Saaxil Cabdimajiid Jaamac Maxamed. Sidoo kale waxa lagu soo casuumay guddoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil Maxamuud Hindi Aadan, taliyaha qaybta booliska gobolka Saaxil, taliyaha Ciidanka nabadgelyadda waddooyinka, Cuqaasha, waxgaradka, gaadiidlayda gobolka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha kala duwan ee dowladda Dhammaantood waxa ay qireen baahida weyn ee loo qabay adeega liisamada gaadiidka ee laga horgeliyay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Maxamed Abu Ayaan oo horey uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab haatan ku nool dalka dibaddiisa ayaa ka jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Mahad Karatay. Mahad Karataay ayaa dhawaan guullo waaweyn ka sheegtay dagaalka ay dowladda kula jirto, isaga oo hadallo dacaayad ah ka faafiyay dagaalka, xilli kooxda laga saaray deegaano horleh, kuwaasi oo sanado badan ka talineysay kooxda Al-Shabaab. Cumar Abu Ayaan ayaa sheegay in codka ay baahisay warbaahinta kooxda uu Mahad Karataay ka leeyahay inuu ismuujiyo, maadaama uu ku tilmaamay meyd nool, kadib markii hoggaanka sare ee kooxda ay Karataay ka fogeysay xukunka, kuna soo koobtay in meelahaas uu hadallo ka jeediyo, sida uu hadalka u dhigay. “Mahad Karatee wuxu ahaa nin damac weyn, waxaa aad ula dagaalamay Axmed Diiriye oo xataa waxaa la wareeray ilaaladiisa difaacda. Mahad Karatee waa laga fogeeyay waxkasta oo la xiriiray tallada Al-Shabaab,” ayuu yiri Abuu Ayaan oo wareysi siiyay Shabelle Tv. Waxa uu sheegay in Mahad Karatee uusan hadda waxba ka aheyn Al-Shabaab, maadaama si weyn loo dhimay saameyntii uu kulahaa kooxda, uuna u hadlayo si uu isku muujiyo oo kaliya. “Guusha waa naqaan dhulka uu shalay ka talinayay ayay maanta dowladda joogta, haddaba sidee ayuu ku guuleystay. Sidii loo waday waxaa lagula dagaalamayo meelo ay ku hareeraysan yihiin, waana tirsan yihiin meelaha ay ku sugan yihiin.” “Waxa guuleystay meel hore may qabsadeen waa maya meeshii ay iyaga haysteen ayaa lagu dagaalamaya oo la qabsanaya. Waxaa laga hadlaya meelaha ay joogaan sidii loo qabsan lahaa marka in uu guul sheegto ma ahan.” Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, Mahad Karatee ayaa marar dhowr ah kasoo muuqday warbaahinta kooxda, isaga oo dacaayad ka faafinaya dagaalka dowladda iyo shacabka wadaan ee kooxda looga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim ah. The post Cumar Abu Ayaan oo u jawaabay Mahad Karataay, “Waa meyd nool” appeared first on Caasimada Online.
