-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kale duwan ku ridday shakhsiyaad lagu soo oogay eedeymo ku aadan musuqmaasuq, kuwaas oo dacwadoodu ay soo socotay tan iyo bishii May 2023 oo la furay gal-dacwadeedka loo heysto lunsashada hanti dadweyne. Mas’uuliyiintaan xukunnada lagu riday ayaa ka kala tirsan Mas’uuliyiin katirsan, Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Wasaaradda Shaqaada iyo Arrimaha Bulshad Soomaaliya , Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Bangiga Dhexe, waxaana lagu riday xukuuno. Wadarta mas’uuliyiintaan ayaa ahaa 18 ruux, kuwaas oo 9 kamid ah la xiray, halka 9 kale ay maqnaayeen ama baxsad lagu sheegay Maxkamadeyntooda soo socotay bilihii la soo dhaafay, waxaana maxkamaddu ay qaadatay 9 fadhi oo kale duwan, kuwaas oo soo idlaaday. 1: Maxamed Aadan Cabdullaahi maamulka Bangiga dhexe, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa lagu xukumay 8 bilood oo xarig ah. 2: Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo ah qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa. 3: Abuukar Maxamed Cali oo ah maamulkii xafiiska canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 8 sanno oo xabsi ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada shaqo dowladeed. 4: Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa. 5: Cabdullahi Maxamed Cali oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa. 6: Cabdiwaaxid Mursal Ibraahim oo maqane ah, ahaa shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay dhamaan eedeymihii loo haystay, waxayna maxkamadu u celisay xoriyaddiisa. 7: Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim oo ah maqane, ahaana madax qaybeedka ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 9 sanno oo xarig ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada xafiis dowladeed si joogta ah. 8: Aadan Maxamed Cabdi,oo ah maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa. 9: Saabir Xasan Cabdinuur, oo ah madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka ayaa lagu xukumay saddex sanno iyo lix bilood oo xarig ah. 10: Cumar Macallin Nuur, oo ah agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isna lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah. 11: Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ah agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah. Waa markii ugu horeysay oo saraakiil lagu helay in ay ku dhaceen arrin la xiriirta Musuq-maasuq,lunsasho hanti dadweyne,lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyadii loo igmaday ay maxkamadda gobolka Banaadir ku rido xukun nuucaan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir oo ka qayb-galay shirka diyaarinta qorshe hawleedka sanadka ee mashruuca SHIIP oo ka furmay magaaladda Nairobi Ee dalka Kenya Waxaa shirka kasoo qayb galay Masuuliyiin ka kala socday hay’addaha dowladda Soomaaliya,Madax kasocotay Bangiga Adduunka oo maalgelinaya Mashruuca, Agaasimaha Guud iyo Qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud. Ugu dambayntii shirka ayaa inta uu socondoono waxaa lagu falanqayn doonaa qorsheyaasha hortabinta u leh mashruuca sanadka cusub & sidii loo fulin lahaa, Bankiga adduunka ayaa sanad walba Soomaaliya ugu deeqa mashaariic hormarineed oo laga fuliyo dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Badhaadhe (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah ee Danab ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Badhaadhe oo ka tirsan gobolkaas ee dowlad goboleedka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen deegaanada Buulo Xaaji, Beernasi iyo Cusbo oo ka wada tirsan gobolka Jubada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka. Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 1-6aad ee Danab Taliye Carab Dheeg Axmed oo hoggaaminayay howlgan ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale ay khasaare lixaadleh gaarsiiyaan Al-Shabaab ayna burburiyeen saldhigyo waa weyn oo ku lahaayeen halkaasi. Carab Dheeg Axmed ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in aaggaas ay ka saaraan maleeshiyada Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunka KMG ah ee Jubbaland. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab. Jubbooyinka ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolladaas oo la rumeysan yahay inay kasoo abaabulaan weerarada ay inta badan ka fuliyaan gudaha dalka. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo xoogiisu laga dareemayo gobollada dhexe, gaar ahaan Galmudug iyo HirShabelle. The post Ciidamada DANAB oo khasaare culus gaarsiiyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo loo haystay masuq-maasuq, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Raggan oo isugu jiro agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka. Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa ku dhowaaqay xukunka lagu ridday raggan, ayada oo qaarkood lagu waayay dambiga lagu soo eedeeyay. Mas’uuliyiinta dib loogu celiyay xoriyadooda waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashoo hore ee wasaaradda shaqada. Halkan hoose ka aqriso xukunka:- 1- Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ahaa agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah. 2- Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isna lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah 3- Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka ayaa lagu xukumay saddex sanno iyo lix bilood oo xarig ah 4- Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa. Sidoo kale maxkamadda ayaa xukuno ku ridday:- 1- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim oo ah maqane, ahaana madax qaybeedka ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 9 sanno oo xarig ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada xafiis dowladeed si joogta ah. 2- Cabdiwaaxid Mursal Ibraahim oo maqane ah, ahna shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay dhamaan eedeymihii loo haystay, waxayna maxkamadu u celisay xoriyaddiisa. 3- Cabdullahi Maxamed Cali oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa. 4- Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa. Waxaa sidoo kale la xukumay:- 1- Abuukar Maxamed Cali oo ahaa maamulaha xafiiska canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 8 sanno oo xabsi ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada shaqo dowladeed. 2- Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ahaa qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa. 3- Maxamed Aadan Cabdullaahi oo ah maamulaha Bangiga dhexe, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa lagu xukumay 8 bilood oo xarig ah. “Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u furan racfaan muddo ku siman inta uu sharcigu tilmaamay,” ayuu ugu dambeyntii yiri guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir. The post Daawo: Go’aan lama filaan ah oo laga gaaray mas’uuliyiintii loo haystay musuq-maasuqa appeared first on Caasimada Online.
-
Booliska Mbeere South, ee ismaamulka Embu ee dalka Kenya, ayaa gacanta ku haya labo wiil oo walaalo ah oo da’doodu tahay 19 iyo 30 jir, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay garaacis ku dileen nin ay hoyadood xiriir jaceyl kala dhaxeeyay, tuulada Itherembu, ee deegaanka Mariari. Taliyaha Boliska Koonfurta Mbeere Harrison Njuguna ayaa sheegay in Saraakiisha DCI-da ee Saldhigga Boliska ee Kiritiri ay bilaabeen baaritaano ay ku doonayaan inay ku soo fur-furaan waxa keenay dhimashada ninkan 45-jirka ah. “Waan haynaa labada walaalaha ah, waxaana ogolaansho weydiisan doonaa maxkamadaha sharciga ee Siakago si aan u sii haysano, anagoo wadno macluumaad dheeri ah oo horseedi doona baaritaan dhameystiran,” ayuu yiri Njuguna. Njuguna ayaa sheegay in mid ka mid ah walaalaha oo lagu magacaabo David Kinyua, oo 30 jir ah uu isku dhiibay booliska magaalada Kiritiri (20km u jirta guriga) halka midka kalena Kelvin Macharia (19 jir) laga soo qabtay gurigiisa isagoo hurda, waxaana gacanta ku dhigay taliyaha deegaanka iyo dadka tuulada. Sida uu sheegay qof tuuladaas ku nool oo arrinta si gaar ah u eegayay, labada walaalo waxay damceen inay eryaan Mwangi{Ninka la dilay}, oo guriga hooyadood soo galay habeenimadii Axadda si uu u seexdo, waxaana xigtay in ay dagaalameen caruurta iyo ninka hooyadood usoo haasaawe tagay. “Walaalaha waxay ka codsadeen ninka inuu baxo, laakiin Mwangi ayaa iska caabiyay, wuxuuna diyaar u ahaa dagaal, laakiin, nasiib daro, waxaa ka awood batay labadii walaalo ahaa iyagoo u adeegsaday budad ay dhowr jeer la dhaceen” ayuu yiri qofkaas tuulada kunool. Dhacdaan ayaa waxaa ay noqotay mid siweyn looga hadal haayo ismaamulka Embu ee dalka Kenya, waxaana socota baaritanno ay wadaan Booliiska oo ku aadan sababta keentay in ay dilaan ninka laba wiil ee isla dhalatay, kuwaas oo la sheegay inuu ninka hooyadood haasaawe kala dhaexeeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda gobolka Banaadir oo muddooyinkii ku howlaneyd dhageysiga dacwad loo heysto shakhsiyaad lagu eedeeyay lunsasho xoolo dadweyne ayaa soo gabagabeysay dhageysiga, iyadoo la filayo in goordhow maanta oo Khamiis ah ay dhawaaqo go’aanka maxkamadda. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud oo soo xiray fadhigii 9-aad ee ugu dambeeyay Maxkamadda ee dhageysiga dacwadda loo heysto eedeysanayaa ayaa sheegay in Maxkamaddu go’aanka ay dib kasoo sheegi doonto. Eedeymaha lasoo jeediyay ayaa waxaa inta badan ku lug lahaa mas’uuliyiin kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo hey’adda socdaalka Jinsiyadaha Soomaaliya mas’uuliyiintaan ayaa ahaa agaasimayaal kale duwan. Tirada eedeysanayaa ayaa waxaa Xeer ilaalintu shaacisay 6-dii bishii June ee sanadkaan, waxaana tiro ahaan ay ka kooban yihiin 18 eedeysane, waxaa gacanta dowladda ku jira 9 ruux, halka 9 kale ay maqan yihiin sida lagu shaaciyay bayaan Xeer Ilaalintu baasisay. Maxkamadda ayaa dhageusiga dacwadaan u fadhiisatay 9 fadhi oo kale waxaana ugu dambeyn laga sugayaa bari ay shaaciso naatiijada kama dambeysta ah ee go’aanka lagu qaadayo eedeysanayaasha loo heysto falal la xiraara musqmaasuq lunshao lageed. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidookale soo gebagebeeyey eedda uu u haysto eedeysanayaasha, wuxuuna Maxkamaddu ka codsaday in eedeysanayaasha ay ku hesho qodobadda lagu soo eedeeyey iyo in Maxkamaddu ku xukunto ciqaabta ugu sarreysa ee ku xusan qodobadda lagu soo eedeyey. Dhanka kale Qareenada difaacayey eedeysanayaasha ayaa dhankooda soo jeediyey geba-gebada difaacooda eedda xeer ilaalinta ay ku eedeysay eedeysanayaasha, waxay Maxkamadda ka codsadeen inay texgeliso codsigooda ku aadan in eedeysanayaasha xuriyadooda dib loo siiyo lana sii daayo. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud oo soo xiray fadhigii 9-aad ee ugu dambeeyay, isaga oo sheegay in Maxkamaddu ay go’aan u diray galkaan, gadaalna ay ka soo sheegi doonta ku dhawaaqista kiiskan 28 bisha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo garayo maagalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay saaka ka hor tagay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo lala damacsanaa magaalada Dhuusamareeb. Saraakiisha ciimadama ayaa la sheegay inay hayeen xogta gaadiidkaas iyagoo ku guulaysay in ay labada gaariba ay ka hortagaan isla markaana ku fashiliyaan bannaanka hore ee magaaladda Dhuusamarreeb, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidanka amniga. Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa ilaalada Madaxtooyada Qaranka ayaa ku sugan magaalada oo sugaya ammaanka guud, maadama uu halkaas bishii labaad uu ku sugan yahay magaalada madaxweynah Jamhuuriyadda Dr. Xasan Shiikh Maxamuud. Gawaaridaan qaraxa lagu soo raray ayaa kusoo aadaya, xilli dhowaan magaalada Baladweyne uu ka dhacay qarax gaari, halka mid kalena ciidanku ay ku guuleysteen in ay qabtaan, kaas oo la sheegay inuu kusii jeeday deegaannada dowlad goboleedka Galmudug. Deegaanada Galmudug ayaa muddooyinkii dambe waxaa si xowli ah kaga socday howlgallo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab kula dagaalamaya deegaanno dhaca gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Relative calm has returned to the historic Amhara city of Gondar in north-western Ethiopia after intense urban combat between government forces and local militia fighters over the weekend. Source: Hiiraan Online
-
Security chiefs from the Coast and North Eastern are meeting in Malindi, Kilifi County, to discuss terrorism and other security issues in the regions. Source: Hiiraan Online
-
Waxa saddex maalmood warar aan sugnayn la ii gu sheegaayay, maanta na xaqiiqadeeda aan helay, in Kornayl Muuse uu si dhuumasho ah Jabuuti u gu baxay. Muxuu ka doonay hadii ay ku gu soo dhacayso, waa su’aal meesha ku jirta, jawaabtu na ma adka. Wax xil leh buu ku maqanyahay. Nin dhuumasho ku baxay miyuu wax wacan ba shuqul ku leeyahay? Hadii wax hagaagsani jiraan, saw hadh cad ma baxeen oo weliba shir jaraa’id oo safarka ku saabsan na ma qabteen? Ilaa hadda inta la ii xaqiijiyay waa sidan: 1. Muuse hal baabuur oo rayid ah, oo plate number ka hay’adaha ee cas la gu xidhay, ayuu Berbera u soo raacay isaga oo moodaaya in uu qarsoomaayo, halkaas baanu diyaarad yar oo qarsoodi ah ka raacay ilaa Jabuuti, meel qarsoodi ah baanu ka degay. 2. Waxa uu soo saxeexay heshiis ciidanka Maraykan la gu siinaayo saldhig ciidan oo Berbera ah, laakiin Wasiirka Difaaca ee USA la ma kulmin. 3. Heshiiska saldhigga waxa ka la saxeexday Xassan Sheekh iyo Xoghayaha Difaaca ee USA oo booqasho Jabuuti ku yimid, Muuse na warqad gooni ah ayuu Xassan u saxeexay. 4. Muuse waxa uu Xassan ka dalbaday in heshiiskii midnimada ee Hargeysa iyo Muqdisho imika la galo, Xassan na waxa uu u sheegay in hawshaas dib loo dhigo. 5. Muuse waxa uu magacaabay saddex nin oo laba ka mid ahi yihiin Jaamac Muuse Jaamac iyo Dr. Bulxan, ka saddexaad na xaqiijintiisa ayaan ku jiraa. Saddexdaas nin ee aanu midkood weli ii caddayn, waxa uu u magacaabay hawsha heshiiska midnimada Hargeysa iyo Muqdisho, ee Madaxweynaha Uganda na uu odayga ka yahay in ay ka shaqeeyaan. Jabuuti waxa ka socda isaga oo kooban, oo koob ku jira waa intaas. Wasiirka Debedda ee SL, Mr. Ciise Kayd, hawshaas si buuxda ayaa banaanka loo ga dhigay, cid kale na hadalkeedba daa. W/Q Maxamed Haaruun Biixi Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka in ciidamada dowladda ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah oo la doonayay in lala beegsado gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, xilli uu bishii labaad ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo u tegay dagaalka Al-Shabaab. Ciidanka ayaaa fashiliyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo ay Al-Shabaab doonayeen inay gudaha u geliyaan magaalada Dhuusanareeb, si ay ugu qarxiyaan meelo bartilmaameed u ah. Qoraal lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi laga hortegay kadib xogo ay heleen ciidamada ammaanka. “Ciidanka ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Sidoo kale warbaahinta ayaa ku warrantay in gawaarida qaraxyada siday lagu fashiliyay bannaanka magaalada, taas oo keentay in weerarka sidaas looga hortago. “Ciidamada ayaa ku guulaystay in labada gaariba ay uga hortagaan isla markaana ku fashiliyaan banaanka hore ee magaalada Dhuusamareeb” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Qoraalka ayaa intaas kusii daray “Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha shacabka deegaanka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyay howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada Galmudug”. Maalmo kahor ayay ahayd markii xubnaha Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano kasoo jeeda Galmudug, kaas oo ay isna ka hortageen ciidamada ammaanka, kahor inta uusan gaarin goobta ay joogeen mas’uuliyiinta oo la sheegay inay bartilmaameed u ahayd kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo iyo duqeymo xoogan, kuwaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada dhexe. The post Daawo: Xogta laba qarax oo ka dhacay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
Luuq (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay culeys soo saareen waddada xiririisa Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay bar kontorool oo gaadiidka lagu canshuuro ka sameysteen deegaanka Geedweyne. Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) ayaa xaqiijiyay in Shabaabku ay ku sugan yihiin deegaankaasi. Gudoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in Shabaabka culeyska soo saaray waddadaasi ay yihiin kuwii dagaalka looga soo saaray Gobollada Dhexe. “Shabaab waxaa lagu qaaday hawlgal ballaaran oo ay qaadday Dowladda Somaliya, oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu horreyo, dhulkii muhiimka ahaa ay ka joogeen Dowlad Goboleedyada Galmdudug iyo Hirshabelle oo dhan ayaa laga qabsaday. Marka Gobolka Gedo wax dagaal ah kama uusan socon, dhaawacoodii iyo gurmadkoodii oo dhan halkan ayuu ku soo uruuray,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka. Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ciidamo u direen halka ay Shabaabku kaga sugan yihiin waddada labada degmo, balse ay waddadaasi ka taggaan, marka ay ka war helaan in ciidamada ku soo wajahan yihiin. “Markuu ciidan maro waddada way ka taggayaan oo xogtuna way helaan markii ciidanku soo baxayaan, mana joogayaan oo laguma gaarayo,” ayuu yiri gudoomiye Macallimuu. Waxa kaloo uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay ciidamo u dejin doonaan deegaanka Geedweyne, taas oo meesha ka saareysa joogitaankii Shabaab ee waddada Doolow iyo Luuq. “Talis guud ayaa waxaan ka dhigan doonnaa Geedweyne, sababtoo ah waxaa la go’aansaday in talis guud laga dhigo oo ciidamo la dejiyo, mar dhowna waan ka hawlgalaynaa,” ayuu yiri guddoomiye Macallimuu. Gudoomiye Macalimuu ayaa hoosta ka xariiqay in ay wadaan qorshe la doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro guud ahaanba Gobolka Gedo. “Annaga xagayaga hawlgalkii weli muusan bilaabanin, laakiin amarkiisa wuu baxay, mar dhow waxaan jacelnahay tallaabooyin adag in la qaadi doono, lagana waayi doono guud ahaan gobolka oo dhan, haddii Ilaahay raali ka noqdo,” ayuu yiri Macallimuu. Waa Shabaab iyo caadadii in marka meel laga soo saaro ay goob kale culeys soo saaraan. The post Al-Shabaabkii laga saaray Gobollada Dhexe oo culeys saaray gobolka Gedo – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Debdamiska oo Gurmad ka Galay Shil Baabuur oo ka Dhacay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Gaadhi noociisu ahaa Vitz ayaa shil ku galay agagaarka Beerta Xorriyada magaalada Hargeysa. Ciidamada Dabdemiska ayaa si degdega goobtaa ku gaadhay waxaanay gaadhigaasi halis galin karayay haamo gaas oo hor yaalay meherado ku yaalay goobtaas, kuwaasi oo dhibaato weyn u geysan lahaa dadka iyo hantida goobtaa taalay. Hadaba ciidanka Dabdemisku wuxuu ganacstada farayaa kuna adkaynayaa inay ka waantoobaan haamaha gaasta ee la dhigayo meheradaha hortooda kuwaasoo khatar weyn galin lahaa naf iyo maalba. Qaran News
-
Xaafadda Sheekh Cumar oo Yeelatay Jid Laamiya Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ayaa ku guuleysatay dhismaha jidka Xaafada Sheekh Cumar. Waa guulaha iyo midhaha ay gaadhay dowladda hoose ee Hargeysa. Qaybaha kala duwan ee dadweynaha degan xaafada Sheekh Cumar ayaa si weyn u soo dhaweeyay hirgelinta dhismaha jidkani. Taariikhda waa markii koowaad ee xaafadani ay yeelato jid laamiya oo isku xidhaya, degmooyinka Gacma-dheere iyo 31‐ka May. Dadyowga xaafada Sheekh Cumar Carruur iyo Ciroole, aad bay ula dhaceen sida ay ugu hagar baxeen masuuliyiinta dowladda Hoose iyo cidda ay u wakiisheen dhismaheeda. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caaismada Galmudug oo lagu soo dhaweeyay. Saalax ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane Xirsi Gani, Lataliyaha Amniga Ra’iisul wasaaraha Mudane Kamaal Gutaale iyo Mas’uuliyiin kale. Mas’uuliyiintan ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo madax kale,kadibna waxaa loo soo galbiyay gudaha magaalada, gaar ahaan qasriga madaxtooyada. Ujeedka socdaalkooda ayaa ah inay qayb ka noqdaan gulufka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo lale waxa ay kulamo kala duwan la qadan doonaa Madaxweynaha Qaranka, Madaxda Galmudug iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka. Horay waxaa magaaladan booqasho ugu tegay guddoomiyeyaasha labada Gole ee baarlamaanka, kuwaas oo madaxweynaha kula soo kulmay xafiiskiisa KMG ah, ayagoo kala soo hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo guulaha waa weyn ee laga gaaray. Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab. Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya kacdoon weyn oo iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo dadka deegaanka, kaas oo uu jeedkiisu yahay in looga adkaayo Al-Shabaab. The post Sawirro: R/W ku xigeenka dalka oo ka dagay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Booliska dowladda Puntpand ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan xubin ajnabi ah oo ka tirsan argagixisada Daacish. Hawlgal qorshaysan oo Booliska Puntland ka fuliyeen nawaaxiga degmada Ufayn ee Gobolka Bari ayay ku qabteen Axmed Xuseen Ibraahim oo ka tirsan Daacish. Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in xubinta Hawlgalkas lagu qabtay uu ka soo jeedo dalka Suudaan. “Hawl-galka oo laga fuliyey Gobolka Bari gaar ahaan agagaarka Degmadda Uffeyn ayaa lagu qabtay xubin sare oo ka tirsan ISIS/Daacish oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan” ayaa lagu yiri Qoraalka. Taliska Booliska Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in maleeshiyaadka Daacish ay kordhiyeen xubnaha ajaanibta ah ee uga imaanaya dibadda si ay uga garab-dagaallamaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo gacanta ku dhigtay xubin ajnabi ah oo ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka dhuuntay wasiiradiisa ku sugan Nairobi ayaa sida wararku xaqiijinayaan keligiis shirar hoose la yeeshay wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Madaxweyne Deni ayaa Nairobi kula shiray qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka gaar ahaanna Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo uu kala hadlay arrinaha mashaariicda Horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo. Wakiilada uu la kulmay Madaxweynaha Puntland waxaa kamid ah wakiilka Midowga Yurub Karin Johansson iyo saraakiil ka socotay hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sida ay wararku tilmaamayaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo shirar hoose Nairobi kula yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Laba qarax oo baabuur ayaa saaka aroortii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay waddo aada garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, halka kan labaad uu ka dhacay meel u dhow bar kontorool. Wararka ayaa sheegaya in labada qarax la fashiliyay ka hor inta aysan gelin gudaha Dhuusamareeb halkaas oo uu yoolkooda ahaa. Ciidamada ayaa la sheegay in ay hayeen xogta gawaaridaas waxaa ayna ku guulaysteen in labada gaariba ku fashiliyaan bannaanka magaalada. Magaalada Dhuusamareeb waxaa muddo laba bilood ku dhow ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada abaabulka dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka AS. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta laba qarax oo ka dhacay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada amniga ee Azerbaijan ayaa Arbacadii sheegay inay xabsiga dhigeen hoggaamiyihii hore ee xukuumadda gooni u goosadka ah ee gobolka Nagorno-Karabakh, xilli uu isku dayayey inuu u baxsado dhinaca Armenia. Tallaabadan ayaa ku soo aadday, iyada oo milateriga dalkaasi ay hawlgallo ka wadaan gobolkaas, ka dib markii ay gacan-ku hayntiisana kala wareegeen kooxaha ka soo jeeda qowmiyadda Armenia. Ciidamada xuduudda ilaaliya ee Azerbaijan ayaa si rasmi ah u shaaciyey xariga Ruben Vardanyan, iyaga oo doonaya inay muujiyaan sida xukuumadda Azarbaijan ay gacanta ugu hayso gobolka Nagorno-Karabakh. Hoggaamiyahan ayaa loosoo duuliyey dhinacaas iyo caasimadda Baku, halkaas oo masuuliyiinta dalkaasi ay ka go’aan gaari doonaan wixii laga yeelayo. PUNTLAND POST The post Azerbaijan oo gacanta ku dhigtay hoggaamiyihii hore gobolka Nagorno-Karabakh appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda gobolka Banaadir oo muddooyinkii ku howlaneyd dhageysiga dacwad loo heysto shakhsiyaad lagu eedeeyay lunsasho xoolo dadweyne ayaa soo gabagabeysay dhageysiga, iyadoo la filayo in barrio o khamiis ah lagu dhawaaqo go’aanka maxkamadda. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud oo soo xiray fadhigii 9-aad ee ugu dambeeyay Maxkamadda ee dhageysiga dacwadda loo heysto eedeysanayaa ayaa sheegay in Maxkamaddu go’aanka ay dib kasoo sheegi doonto. Eedeymaha lasoo jeediyay ayaa waxaa inta badan ku lug lahaa mas’uuliyiin kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo hey’adda socdaalka Jinsiyadaha Soomaaliya mas’uuliyiintaan ayaa ahaa agaasimayaal kale duwan. Tirada eedeysanayaa ayaa waxaa Xeer ilaalintu shaacisay 6-dii bishii June ee sanadkaan, waxaana tiro ahaan ay ka kooban yihiin 18 eedeysane, waxaa gacanta dowladda ku jira 9 ruux, halka 9 kale ay maqan yihiin sida lagu shaaciyay bayaan Xeer Ilaalintu baasisay. Maxkamadda ayaa dhageusiga dacwadaan u fadhiisatay 9 fadhi oo kale waxaana ugu dambeyn laga sugayaa bari ay shaaciso naatiijada kama dambeysta ah ee go’aanka lagu qaadayo eedeysanayaasha loo heysto falal la xiraara musqmaasuq lunshao lageed. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidookale soo gebagebeeyey eedda uu u haysto eedeysanayaasha, wuxuuna Maxkamaddu ka codsaday in eedeysanayaasha ay ku hesho qodobadda lagu soo eedeeyey iyo in Maxkamaddu ku xukunto ciqaabta ugu sarreysa ee ku xusan qodobadda lagu soo eedeyey. Dhanka kale Qareenada difaacayey eedeysanayaasha ayaa dhankooda soo jeediyey geba-gebada difaacooda eedda xeer ilaalinta ay ku eedeysay eedeysanayaasha, waxay Maxkamadda ka codsadeen inay texgeliso codsigooda ku aadan in eedeysanayaasha xuriyadooda dib loo siiyo lana sii daayo. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud oo soo xiray fadhigii 9-aad ee ugu dambeeyay, isaga oo sheegay in Maxkamaddu ay go’aan u diray galkaan, gadaalna ay ka soo sheegi doonta ku dhawaaqista kiiskan 28 bisha. Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaciyey inuu socdo abaabul dagaal oo culus oo lagu xoreynayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ee beeshiisa. Nabadoon Xaad oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhamaan Soomaalida ka dalbaday in Madaxweynaha ay ku garab istaagaan dagaalka uu hoggaaminayo ee furinta uu u joogo. “Dagaalka Khawaarijta waa inaan dhammaanteen daacad ka noqono oo dowladda lagu gacan siiyo” Nabadoon Maxamed Xasan Xaad. Xaad oo ku hadlay afka beelweynta Mogadishu Clan ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dagaalka, “Si buuxda ayaan ugu istaagnay dagaalkaan wax kasta ayaana ku bixi doonaa,” ayuu yiri. Xaad ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu bilaaba doono dagaal saf balaaran ah oo shacabka iyo ciidamada dowladda ay is garab soca doonaan, si loo gaaro deegaanada ku jira gacanta Khawaarijta Al-Shabaab. Wuxuu ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka Al-Shabaab, “Dowladnimada Soomaaliyeed ayaa salka loogu dhigayaa dagaalkaan, haka raadinina dan gaar ah, daacad halaga wada noqdo dagaalkaan, sidaas ayaan ku baaqeynaa anagoo odayaasha Mogadishu Clan ah,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoonka ayaa sheegay in dagaalkaan uu yeeshay natiijo wanaagsan oo deg deg ah, isagoo tusaale u soo qaatay sida ay u joogsadeen qaraxyadii sida joogtada ah uga dhici jiray caasimadda Muqdisho. Nabadoon Xaad ayaa ka mid ah odayaasha gobolka Galgaduud ka abaabulaya doolaanka lagu xoreynayo deegaanada ay Galgaduud ka degaan beelaha Murusade iyo Duduble oo dhamaantood gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Xaad oo war culus ka soo saaray dagaalka Shabaab iyo abaabulka socda appeared first on Caasimada Online.
