-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dadka la Nool HIV/AIDS-ka oo la Kulmay Komishanka Qaranka u Qaabilsan Xannuunka Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta Koomishanka Xakameynta HIV/AID iyo qaar ka mida bulshada la nool xannuunka HIV/AIDS, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa. Kulankan ayaa mudadii uu socday masuuliyiintu ay warbixino la xidhiidha xaalada dadka qaba xannuunka HIV/AIDS kaga dhageysteen, sidoo kale waxa kulankan diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadiilahaa wacyiga bulshada la nool xanuunka HIV/AIDS-ka, iyo sidii dhamaan qaybaha kale ee bulshada ay isu dhexgali lahaayeen, loona faham siin lahaa bulshada in HIV/AIDS-ku uu la mid yahay xannuunada kale ee bulshada ku dhaca. Kulankan waxa shir-guddoomiyay agaasimaha wacyigalinta iyo abaabulka Maxamed X. Yaasiin Siciid, iyo xubno ka tirsan waaxda wacyigalinta. Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo joogto ah oo komishanku ugu talo-galay in kor loogu qaado wacyiga bulshada isla markaasna meesha looga saaro takoorka ay la kulmaan bulshada la nool xanuunka HIV/AIDS-ka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo ka kala howlgalayay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haystay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooto xoolow dadweyne. Raggan oo isugu jiro, agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale caadi ah ayaa qaarkood la xukumay, halka kuwa kalena dib loogu celiyay xorriyadooda. Dadka la fasaxay ee dambiga lagu waayay waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kaas oo xilka laga qaaday inta uu xirnaa iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo xilkaas uga horeeyay. Labada ninba maxkamaddu waxa ay caddeysay in lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna sidaas ugu soo celisay xoriyaddooda. Haddaba maxaa laga yeelayaa mas’uuliyiinta dambiga lagu waayay? Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isugu horay u iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah musuqa ayaa u sheegay in cid kasta oo lagu helo dambi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ciddii lagu waayana la abaal marin doono. Xasan Sheekh ayaa markaas shaaca ka qaaday in mas’ul kasta oo hortegaa maxkamadda, laguna waayo dambiga uu kasii dalici doono booska iyo meesha uu hadda joogo. “Waa la baarayaa haddii uusan lahayn musuq-maasuq tiimbare ayaa la siinayaa waana dalacayaa weliba meeshii uu joogay meel kasii sarreyso ayuu tegayaa aamin waayay illeen maxkamaddii ayaa soo tiri ninkaan waxba ma xadin” ayuu horay u yiri madaxweyne Xasan. Dhankiisa, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa ka hadlay qaddiyadaan, wuxuuna xukuumadda ugu baaqay in mas’uuliyiinta lagu waayay eedda ee ay sii deysay maxkamadda gobolka inay ku celiso shaqadooda, si ay usii wadaan. “Xukuumadda waxaa ku waajib ah qofkii danbi lagu waayay in shaqadiisii lagu celiyo ammaanna loogu daro, si ay u kala duwnaadaan iyaga iyo kuwii danbi lagu helay يسمي رد الاعتبار في القانون” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook. Si kastaba, waa markii ugu horeysay oo saraakiil lagu helay in ay ku kaceen arrin la xiriirta musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo lacag dhaqid ay maxkamadda gobolka Banaadir ku rido xukuno adag, islamarkaana ay fasaxday kuwa kale oo dambi lagu waayay. The post Maxaa laga yeelayaa mas’uuliyiinta DF ee dambiga lagu waayay? appeared first on Caasimada Online.
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidamada dadka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta fashiliyeen maleeshiyaad qaraxyo ku aasayey waddooyinka dadka shacabka ah adeegsadaan. Ciidanka deegaanka oo howl-gal ka sameynayay deegaan hoostaga degmada Xarardheere oo dhanka galbeed kaga beegan, ayaa ka dul-dhacay Shabaab-ka ku howlanaa qaraxyada miino aasida. Xooggaga howl-galkan fuliyey ayaa goobta lagula dhuftay qori saban ah labadii xubnood ee miinada aasayey, kuwaas oo hilbohooda inyar oo kamid ah ay soo bandhigtay warbaahinta dowladda. Sidoo kale waxaa koox ilaalo u aheyd, kuwaasi oo dowladda sheegtay in lasoo afjaray ayaa laga dhaawacey ilaa saddex xubnood oo kale. Xubnaha la dhaawacay ee maleeshiyaadkaan ayaa markii dambe goobta ka baxsadey, ayada oo ciidamada ay ku guuleysteen inay dhowr miino oo kale kasoo saaraan jidkaasi, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Maalmo kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Xarardheere ay gacanta ku dhigeen nin ay Al-Shabaab usoo dirsatay sahminta waddooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug, oo ay sanado badan ka talineysay kooxda Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey dhowr deegaan ayaa hada gobolka Mudug uga haray deegaano aad u yar, waxaana laga cabsi qabay inay soo qaadaan weerarro rogaal celis ah. Balse toddoobaadkii u dambeeyay ayaa waxaa kooxda aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaal-yahano aad u badan. Si kastaba, kooxda ayaa weli muujineysa inay awood u leedahay fulinta falalka amni darro ayaa marar kala duwan qaraxyo la beegsada waddooyinka ay adeegsadaan ciidamada iyo weeraro gaadmo ah, kuwaasi oo guullo aan la xaqiijin ka sheegtaan. The post Sawirro: Ciidanka deegaanka oo ka dul-dhacay Shabaab qaraxyo aasayey kadibna… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo rogay lacag cusub, oo aysan la qabin inta badan degmooyinka gobolka Banaadir. Dadka degan degmada oo aan marka hore loo sheegin ayaa waxay ku warheleen in laga rabo lacagtaan cusub, taasi oo maamulka degmada uu ku waajibiyay in ay bixiyaan lacagtaas oo dhan $40. Lacagtaan ayaa waxaa lagu sheegay tiro koob cusub oo macnaheedu yahay in lagu ogaado dadka degmada degan, taasi oo qaarkood fajiciso ku noqotay dadkii muwaadiniinta ahaa oo horay looga diiwaan-geliyay degmada . Sida ay ogaatay Caasimada Online, lacagtaan waxaa loo kala qeybiyay laba dhinac, kuwaasi oo kala ah qofkii kireysta ah oo bixinayo $15 halka $25 kale laga rabo mulkiilaha guriga, halka qofka mulkiilaha isla gurigiisa degan laga rabo wadarta lacagtaan gaareysa $40. “Dhowr qof oo aan awoodin in ay bixiyaan lacagtaan, kuwaasi oo u badnaa dad jilicsan ayaa lagu xayiray xarunta degmada, halka dadkii awooday ay dhiibeen qaarna ay damiin ku baxeen,” sida ay noo xaqiijiyeen dadka goobta lagu xayiray oo haween u badnaa. Sidoo kale waxay sheegeen in lacagtaan cusub ee maamulka degmada uu soo rogay aan inta badan laga qaadin dadka xriirka la leh dadka ka shaqeeya degmada ama masuuliyiinta gobolka xiriirka la leh. Caasimada Online oo xiriir la sameysay qaar kamid ah maamulka sare ee gobolka Banaadir, waxna ka waydiinay waxa uu kala socdaan arrimahaan ayaa inoo sheegay in aysan waxba kala socon lacagtaasi lagu soo rogay dadka degan degmada Wadajir. Hase yeeshe waxay xuseen in gudoomiyaha gobolka Banaadir uu si toos ah ula macaamilo gudoomiyaasha degmooyinka gobolka, isaga oo aan la socodsiin qaybaha ay quseyso. Si kastaba, dadka ku nool degamada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa la gaar noqday dhibaatooyin aysan qabin inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo kaga yimaada maamulka degmada. Dhibaatooyinkaas ayaa u badan lacago “magac sameys ah” oo lagu soo roggo dadka degmada, kuwaasi oo marba qaab iyo qorshe cusub ku yimaada. The post Dadka ku nool degmo XAMAR ka tirsan oo lagu soo rogay lacag cusub (Xog) appeared first on Caasimada Online.
-
Warar hor dhac ah ayaa kasoo baxaya khasaraha uu dhaliyay qarax maanta ka dhacay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo garaay dad shacab ah sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo halkaasi. Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu si gaar ah uga dhacay meel aan sida uga fogeyn suuqa lagu iibiyo Hilibka oo ku yaala bartamaha degmada Buula burte, waxaana lasoo warinayaa sidoo kale inuu jiro khasaare kale duwan oo ka dhashay. Maamulka degmada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la xaqiijiyay geerida 5 ruux oo shaca ah, halka sidoo kale ay jiraan dhaawaca 14 kale, qaraxa ayaa waxaa hor istaagay askar ku sugnaa meel u dhow suuqa degmada. isgaarsiinta magaalada hawada ka baxday ayaa dib ugu soo laabatay, degmada ayaa waxaa sidaan oo kale hore uga dhacay qaraxyo kale duwan oo khasaare sababay, maamulka degmada ayaa ku baaqay in dagaalka Al-shabaab loo midoobo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
There is not much left to debate on the dangerous aspect of al-Shabab’s demonic doctrine that proclaims Islamic values and functions as mindless terrorists or bloodthirsty hoodlums, at best. At its core, al-Shabab is what it is. However, in recent years it has been transforming away from its original monolithic nature. Aside from becoming decentralized franchises with mercenary style function, it has infiltrated the Somali government, intelligence, and the traditional clan structure. That said, it would be naïve to assume that al-Shabab is the only source of violence and insecurity in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta howlgal qorsheysan ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Bari ee maamulkaasi. Howlgalkan oo ka dhacay degmada Uffeyn ayaa waxaa lagu soo qabtay xubin ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay taliska booliska Puntland ayaa waxaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi, waxaana lagu sheegay in ninka lasoo qabtay uu kasoo jeedo dalka Suudaan. Sidoo kale waxa ay booliska shaaciyeen sawirka ninkan oo ay sidoo kale magaciisa ku sheegeen Axmed Xuseen Ibraahim. “Howlgalka oo laga fuliyey Gobolka Bari gaar ahaan agagaarka Degmadda Uffeyn ayaa lagu qabtay xubin sare oo ka tirsan ISIS/Daacish oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan” ayaa lagu yiri Qoraalka. Booliska ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in xubnaha ajaaniibta ee ku biiraya kooxda Daacish ay sii kordhayaan, taas oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Dhowaan ayay aheyd markii ay Puntland shaaca ka qaaday in sarkaal kale oo ajanbi ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeday dalka Yemen, laguna magacaabo Maxamed Saalim Maxamed uu u dhintay kadib kuleyl iyo gaajo soo wajahday, kaas oo ka tirsanaa isla kooxda Daacish, Maydka ninkaas ayaa laga soo helay nawaaxiga degmada Dhudhub, balse ma cadda illaa iyo hadda ujeedkiisa iyo halka uu ku socday intaba. Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraha Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka amniga. The post Puntland oo gacanta ku dhigay ajnabi ka tirsan kooxda DAACISH appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Qorshaynta oo la Kulmay Hay’adaha ka Shaqeeya Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka JSL Mudane, Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee ka hawlgala gudaha dalka jsl. Kulankan wasiirku la qaatay hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, ayaa intii uu socday lagu lafa guray doorka ay daneeyayaasha Somaliland ka taageera dhanka horumarka ku yeelan doonaan shir waynaha Madasha horumarinta dhaqaalaha ee heer Qaran, kaas oo la qorsheeyey in uu magaalada Hargeysa ka qabsoomo 14/15, October, 2023. Sidoo kale kulankan ayaa mudada uu socdo lagu lafa-guri doona caqabadaha hortaagan xallinta mushkiladaha dhaqaale ee Waddanka haysta iyo sidii loogu heli lahaa Xal-waara. Qaran News
-
Beledweyne (HOL) - At least six people were killed and more than four others wounded in a suicide car bombing in the Bulaburde district in the Hiiraan region, just days after a deadly al Shabab attack killed over 30 people and in Beledweyne, the region's capital. Source: Hiiraan Online
-
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax khasaare kale duwan dhaliyay oo maanta ka dhacay degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan, kaas aad u xoogganaa oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada. Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu gaar ah uga dhacay meel aan sida uga fogeyn suuqa lagu iibiyo Hilibka oo ku yaala bartamaha degmada Buula burte, waxaana lasoo warinayaa sidoo kale inuu jiro khasaare kale duwan oo ka dhashay. Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa iyo waliba nooca uu yahay, maadama isgaarsiinta magaalada hawada ka maqa tahay, degmada ayaa waxaa sidaan oo kale hore uga dhacay qaraxyo kale duwan oo khasaare sababay. Qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmo kar sidaan oo kale qax uga dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhaliyay khasaare kale duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo ku noolaa Nuur Xawaad degmada Baladweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dawladda Hoose oo Olole Nadaafadeed ka Fulisay Caasimada Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Dowladda hoose ee caasimada Hargeysa ayaa olole nadaafadeed ka sameysay gudaha caasimada dalka ee Hargeysa. Ololahan nadaafadeed oo uu hoggaaminayay duqa caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa ahaa olole nadaafadeed kaasi oo ay ka fuliyeen shan goobood oo waa weyn. Goobaha maayirka caasimada iyo shaqaalaha dowladda hoose hoose oo is garabsanaya ay ka sameeyeen ololaha nadaafadeed ayaa kala ah dooxa weyn ee Hargeysa, Baliga Xaafada Daami, Dhaamka Jigjiga yar ama (Xera Digaagta), degmada Axmed Macalin Haarun iyo degmada Maxamed Mooge. Ololahan nadaafadeed ayaa lagu nadiifiyaa dhammaan Qashinka goobaha muhiimka yaala, kaasi oo laga dhigo goob lagu nasan karo ama indho qabatin leh, si looga fogaado xannuunada laga dhaxlo nadaafad darada. Ololahan nadaafadeed ayaa Dawlada hoose iyo shaqaalaheedu waxa ay magaaladda ka fuliyaan bil kasta todobaadka u danbeeyay maalinka Khamiista ah, kaasi oo ujeedadiisu tahay in la helo magaalo nadiifa ah oo caafimaadka u wanaagsan. Qaran News
-
Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo Ambo-bixiyay Kooxo Caafimaad
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo Ambo-bixiyay Kooxo Caafimaad Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Dr. Axmed Cali Maax, ayaa xarunta wasaaraddaas ka ambabixiyey kooxo dhakhaatiir ah oo ka hawlgeli doona daaweynta iyo daryeelka xoolaha. Dhakhaatiirtan ayaa muddo toban cisho ah daaweyn doona xoolaha daweynta iyo nafaqaynta u baahan ee ku nool gobolladda iyo degmooyinka dalka Somaliland,. Agaasimaha Waaxda Caafimaadinta Xoolaha ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdiqani Xaamud Cawaale, ayaa tilmaamay in goboladda Maalinta berri ah laga wada bilaabi doono daaweyntii joogtada ahayd. Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Dr Axmed Cali Maax, ayaa sheegay in dhakhaatiirta ka qayb qaadan doonta daweynta iyo nafaqaynta xooluhu ay tiro ahaan dhan yihiin 160 dhakhtar, waxaanu xoolaha dhaqata ka codsaday inay ka faa’ieystaan. Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in dhakhaatiirtani ay daaweyn u sameyn doonaan, xoolo gaadhaaya 500,000 oo neef, iyada oo ay ka faa’idaysan doonaan 25,000 oo qoys, waxaana la daaweyn doonaa 55,000 oo neef. Wasiir Sulub waxa uu sheegay in dhakhaatiirta kala duwan iyo kalkaaliyeyaalba ay Barnaamijkan ka qayb geli doonaan, iyaga oo adeegsanaaya gawaadhi gaadhaysa 40 gaadiid ah. Qaran News -
Jabuuti (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in guud ahaan dalka Jabuuti, caasimada iyo gobolada kaleba laga dareemay dhul-gariir dhexdhexaad ah oo cabbirkiisu yahay 5.2 magnitude. Dhul-gariirkan ayaa dhacay saaka aroorti hore saacadu markay ahayd 4:22 xiliga Geeska Afrika. Wararka hor-dhaca ah ayaa shegaya in dhul-garirkan oo heerkisu ahaa 5.2 aysan jirin dhismayaal ku bur-buray iyo wax dhimasho ama dhaawac ah uu geystay sida ay xaqijiyen hay’adaha cilmi barista dalka Djibouti CERD. War ka soo baxay wasaaradda waxbaarashada ee dalka Jabuuti ayaa lagu shegay in ardayda dhamaan laga fasaaxay dhugsiyada waxbarashada. Sida laga soo xigtay bogga internet-ka ee hikersbay.com markii ugu dambeysay ee Jabuuti uu dhul gariir ku dhufto waxay ahayd 15 sano ka hor maalin Talaado ah, bishuna ay tahay Abriil 29, 2008 abaare 3:07 aroornimo. Dhul gariirkan ayaa cabirkiisa lagu qiyaasay 5 magnitude. Dhul-gariirkii ugu xoogganaa ee ka dhacay aagga Jabuuti ayaawaxaa cabirkiisa lagu sheegay 6.2. Sidoo kale Dhulgariirkii ugu dambeeyay ayaa laga diiwaan geliyay dalka Jabuuti saaka aroorti. BBC. The post Wararkii ugu dambeeyay dhulgariirka ku dhuftay JABUUTI appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta, Guddoomiye ku xigeenka SoDMA iyo dhamaan madaxda kale ee hay’adda,waxaana Guddoomiyaha looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka El-Niño. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhamaan Shacabka Soomaaliyed si gaar ah shacabka Caasimada ugu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan,kana xajimi badan kuwii hore,lagana fogaado goobaha biya mareenada ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xisbiga WADDANI oo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku Mashquulsan Yahay sidii uu neesha uga saari lahaa Xubintooda Komishanka Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI Maxamuud Aadan Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu ku mashquulsan yahay sidii uu meesha uga saari lahaa xubinta komishanka Doorashooyinka. Xoghayuhu waxa uu sheegay in xisbi ahaan aanay aqbalaynin in guddi uu iska xushay madaxweynuhu loo diro inay baadhasn komishanka Doorashooyinka. “Madaxweynaha waxa ku taagan oo kaar ku haya xubinta Komishanka ee Xisbiga WADDANI oo uu guddi u saaray annagana waxa kaar nagu haya arrintii ciidanka Qaranka ee aan ilaa hadda,”ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta Maxamuud Aadan Jaamac Galaal. Mr.Galaal wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu siyaasad xumo u jabiyay cuddudii ciidanka Qaranka Somaliland. Waxa kaloo uu intaas ku daray in mafaxweynuhu weli hor istaagi kari la’yahay ciidammadii qaranka. Qaran News
-
Buuloburde (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhoweyd qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay afarta gees ee magaaladaasi. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay suuq lagu iibiyo hilibka oo ku yaalla xaafadda Indho-ceel ee degmada Buuloburde. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin, isla-markaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta, waxaana haatan socda gurmad deg deg ah. Ugu yaraan illaa 6 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Buuloburde oo faahfaahin ka bixiyay qaraxaasi. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo iyaguna howlgallo ka bilaabay halkaasi. Buuloburde ayaa kamid ah degmooyinka ay ka socdaan abaabulka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Kooxda Al-Shabaab ayaa indhowaanahaan weeraro ku heysay shacabka gobolka Hiiraan, waxayna aheyd maalmo kahor markii weerar is-miidaamin ay ka fuliyeen Beledweyne. Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug, kaas oo lagu jabiyay Al-Shabaab. The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Buuloburde appeared first on Caasimada Online.
-
Jabuuti oo Laga Dareemay Dhul Gariir Jabuuti(Qaran)-Dalka Jabuuti waxa laga dareemay Dhul-gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 4.7, saacadu markii ay ahayd 4:20 subaxnimo sida ay sheegtay Xarunta cabirka dhul-gariirada Maraykanka ee USGS. Xarunta ayaa intaasi ku dartay in ubucda dhul-gariirkani ay tahay meel 3.5 km waqooyi bari kaga beegan Magaalada Jabuuti. Qotoda dhul-gariirka ayey xaruntu ku tilmaantay in ay jirto 12 km, balse ma jirto faah-faahin intaas ka badan oo soo baxday. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Abuukaate Cabdullahi Dudaaye oo kamid ah qareenada u doodayay 11 sarkaal oo ay maanta xukuno kala duwan ku ridday maxkamadda gobolka Banaadir, qaarna ay sii deysay ayaa ka hadlay go’aanka ay maanta gaartay maxkamaddu. 11-ka sarkaal ee la xukumay ayaa sugu jiray agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda. Sidoo kale waxaa raggan loo haystay eedo ka dhan ah musuq, lunsasho hanti dadweyne, lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyadii loo igmaday. Abuukaate Dudaaye oo ka hadlayay xukunka maxkamadda ayaa yiri “Gari laba nin kama wada qosliso, hadii gar la galo qofna way farxi doontaa, qofna ma farxi doonto”. Sidoo kale wuxuu soo dhoweeyay in la sii daayo qaar kamid ah eedeysanayaashii uu u doodayay, kadib markii lagu waayay wax dambi ah. “Sida uu u dhacay xukunka marka laga fiiriyo in dadka aan qareenada u ahaynn saddex qofood oo kamid ah ay caawa xaafadooda u hooyanayaan dhankaas marka laga eego waa ku qanacsanahay” ayuu yiri Abuukaate Cabdulaahi Dudaaye. Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan u doodista ragga kale ee la xukumay, ayna dacwaddooda la aadi doonaan hay’adaha kale ee ku shaqada leh. “Arrinta la xiriira qaar kamid ah eedeysanayaasheena xoriyadooda aynan haysan weli ayada oo laga amab qaadaayo qodobada ay maxkamaddu ay tiri waanu ku helnay waa arrin ku qancideeda iyo ku qancid la’aanteeda qaab loo yiraahdaa jirtee qaabka loo yiraahdo aan u dhihi doono ilaah haddii uu yiraahdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waa markii ugu horeysay oo saraakiil lagu helay in ay ku kaceen arrin la xiriirta Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo lacag dhaqid ay maxkamadda gobolka Banaadir ku rido xukun nuucaan oo kale ah, waxaana weli jira eedeysanayaal kale oo dibad joog ah, kuwaas oo iyana ay dacwad ka taallo maxkamadda, isla-markaana ay socoto doodeeda. The post Abuukaate Dudaaye oo ka falceliyay go’aanka maxkamadda gobolka appeared first on Caasimada Online.
-
Dhul-gariir cabbirkiisa lagu sheegay 4.7 ayaa laga dareemay magaalada Jabuuti ee caasimadda waddanka Djibouti, sida ay sheegtay Xarunta cabbirka dhul-gariirada Maraykanka ee USGS. Dhul-gariirkan laga dareemay Jabuuti ayaa la sheegay in aanu wax khasaare ah gaysan, iyadoo xuddunta dhul-gariirkuna ay ahayd meel 3.5 km waqooyi bari kaga beegan Magaalada Jabuuti. Source
-
GALMUDUG oo war cusub kasoo saartay qaraxyadii Dhuusamareeb
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmuddug Abshir Cabdi Shiiqow oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii saaka ka dhacay duleedka Dhuusamareeb. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadaas oo labo ahaa la fashiliyay, isla-markaana ay ka hortageen ciidamada booliska iyo kuwa milatariga ee ku sugan halkaasi. Sidoo kale waxa uu sheegay inay boggaadin mudan yihiin ciidamada ammaanka ee isku dhigay labada baabuur ee ku qarxay duleedka caasimada Galmudug. “Waxaan u mahadcelineynaa oo aan aad u amaaneynaa geesiyaasheenna oo runtii isku dhigay gaadiidkaas miineysnaa, ayaga oo bad-baadinayo shacabkooda” ayuu yiri. Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sidoo kale sheegay in qaraxyadaan ay ku dhaawacmeen 2 qof, isla-markaana aysan jirin wax dhimasho ah, sida ku sheegay shirkiisa jaraa’id. “Khasaaraha ka dhashay aad ayuu u kooban yahay Axlm, laba qof ayaa dhaawac soo gaaray, mana jiraan wax dhimasho ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa dhanka kale, farriin u diray dadka shacabka ah, wuxuuna ugu baaqay inay doorkooda qaataan, kuna biiraan dagaalka Al-Shabaab. Weerarkan la fashiliyay ayaa kusoo aaday, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku sugan yahay Dhuusamareeb oo uu u tegay dagaalka adag ee lagula jiro kooxd Al-Shabaab. Maalmo kahor ayay ahayd markii xubnaha Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano kasoo jeeda Galmudug, kaas oo ay isna ka hortageen ciidamada ammaanka, kahor inta uusan gaarin goobta ay joogeen mas’uuliyiinta oo la sheegay inay bartilmaameed u ahayd kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo iyo duqeymo xoogan, kuwaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada dhexe. The post GALMUDUG oo war cusub kasoo saartay qaraxyadii Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
