-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirka Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Shirka oo uu guddoomiyanayay kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac waxaa lagu lafo guray xaaladda guud ee Somaliland. Musharraxa madaxweynaha Xisbiga mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xubnaha Guddida Fulinta, xoghayeyaasha, Xildhibaannada iyo masuuliyiinta shirka ka qayb galay warbixin waafi ah ka siiyay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, wadajirka bulshada iyo doorashooyinka, waxaanu madaxda xisbiga ku wargeliyey in si buuxda loola jaan qaado jidka doorasho ee dalku qaaday. Masuuliyiinta xisbiga iyo xildhibaannada xisbiga ee baarlamaanka qaarkood ayaa kulanka ka soo jeediyay warbixino iyo talooyin wax ku ool ah oo ku aaddan qorshaha xisbigu ku wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo midnimada bulshada reer Somaliland. Source
-
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunno kala duwan oo ay Khamiistii ridday Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Banaadir. Qoraal goordhow kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in racfaan ka qaateen xukunnadii ay riday maxkamadda gobolka Banaadir, waxa ayna xeer ilaalinta sheegtay in ay dhameystirtay habraaca racfaan qaadasha. arrintan ayaa timid kadib markii ay banaanka timid cabashada ehelada xubnaha maxkamada ay sii deysay kuwaasoo sheegay inaan wali xabsiga laga sii deyn, iyagoo tilmaamay ineysan garaneynin sababta loo heysto. Si kastaba, Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Khamiistii xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo ka kala howlgalayay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haystay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne. Raggan oo isugu jiray, agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale caadi ah ayaa 5 kamid ah oo danbi lagu waayay la amray in lasii daayo, halka 6-da kalena oo la xukumay dib loogu celiyay xabsiga. Arrinta la yaabka leh ayase a ah in wali aan lasii deynin xubnihii xoriyadooda la amray in dib loogu celiyo maadaama lagu waayay dhamaan eedihii loo heystay. Xubnaha wali aan xoriyadooda helin waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kaas oo xilka laga qaaday inta uu xirnaa iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo xilkaas uga horeeyay. Sida xogaha aynu ku helnay, Guddoomiyaha Maxkamadda Saalax Dabbaan ayaa Khamiistii wuxuu sheegay inuu xanuunsanahyay warqadda dib u celinta xoriyada mas’uuliyiintanna uu qorayo Sabtida shalay ah, taasoo ilaa iyo haatan aan wax war ah laga heynin. Waxaana maanta laga war helay oo kaliya warqada xafiiska xeer ilalainta ay ku sheegeyso iney racfaan ka qaadatay xukunka maxkamada oo howsha hada uun ay bilow tahay. Abuukaate Dudaaye oo ahaa qareenka xubnahan wali xiran ayaa codsi sharci ah shalay subax u diray maxkamada gobolka Banaadir, taasoo ku aadan in lasii daayo, sida uu yiri Dudaaye waa laga qabtay warqadiisa laakiin kama aysan soo jawaabin, isagoo sheegay in xitaa ay sharci daro eheyd in habeenkii Jimcaha ay xabsiga ku hoydaan mas’uuliyiinta lasii daayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gabar ka tirsan askarta Isra’il ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii lagu eedeeyay inay xiriir gogol dhaaf (galmo) la sameysay maxbuus falastiini ah. Askariyadan shaqada laga joojiyay ayaa sheegtay in afar haween ah oo kale oo askar ah ay sidoo kale xiriir galmo la sameeyeen isla maxbuuskan. Warbaahinta Isra’il ayaa sheegtay in askariyaddu qiratay in ay xiriir galmo la sameysay maxbuuskan oo Falastiini ah, kadib markii lagu soo qabtay fal ay dad ku dhinteen oo uu geystay. Magaca askariyadda iyo maxbuuska ku xukuman xabsi daa’inka ayaan la shaacin. Maxkamad qaadeysay kiiskan ayaa amar ku bixisay in faah-faahin la xariirta arrrintaan iyo wixii lamid ah aan banaanka loo bixin Karin. Haweeneyda ayaa la sheegay inay hora uga soo tirsanayd milatariga Isra’il, taas oo ay inta badan soo maraan Israa’iliyiitu. Haweenka ayay qasab tahay inay ciidanka la shaqeeyaan 24 bilood, halka raggana laga doonayo 32 bilood. Source: goobjoog.com
-
Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ay haatan ku biireen dagaalka ka socda aagga deegaanka Cali Fooldheere oo dhaca duleedka degmada Mahadaay, halkaas oo ay muddo ku go’doonsan yihiin Shabaab badan. Ciidamada ATMIS ayaa lagu soo warramayaa inay maanta duqeymo ka bilaabeen halkaasi, kuwaas oo ay ku garaacayaan xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan dhulka howdka ah. Howlgalka xoogiisa wuxuu ka socdaa jiinka wabiga Shabelle, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Tallaabada ay qaadeen ciidamada ATMIS iyo duqeymaha wadaan ayaa timid, kadib markii ay todobaadyo badan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka Al-Shabaab kula dagaalamayeen dhulkaasi oo ah howd, hadane ay godad waa weyn ka qoteen Al-Shabaab. Dhulka oo ah mid aan la gelin karin, godad iyo buuro leh ayaa keentay inay gabaadyo ka dhigtaan maleeshiyada Al-Shabaab, wuxuuna howlgalku qaatay maalmo badan. Ujeedka ayaa ah in kor iyo hoos laga weeraro xubnahaasi, si meesha loogu soo afjaro, maadaama inta badan deegaanadii kale laga saaray kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo HirShabelle oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyadaasi. Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama wajiga koowaad ee howlgalka socda looga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobolkaasi. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, waxaana haatan dagaalka xoogiisa uu ka socda maamullada Galmudug iyo HirShabelle. The post ATMIS oo ku biirtay dagaalka lagu soo afjarayo Shabaabka ku go’doonsan Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Several rounds of mortar shells landed in the districts of Kaxda, Wadijir, and Dharkeenley in Mogadishu on Sunday morning, resulting in unknown casualties, residents say. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimada Online) – Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara, kaas oo ahaa “Weerar Argagixiso” oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan booliska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha. Labo nin oo weerarka soo qaaday ayaa ku yimid gaari ganacsi abaare 09:30 waxayna qaadeen weerarka, ayuu yiri Cali Yerlikaya. Cali Yerlikaya ayaa sheegay in qof weerarka soo qaaday uu isku qarxiyay afaafka hore ee dhismo wasaaradeed mid kalana “la fashiliyey. Qaraxa ayaa dhacay saacado uun ka hor inta aan dib loo furin kulanka baarlamaanka. Ma cadda cidda ay ahaayeen kooxda weerarka geysatay mana jirto cid sheegatay illaa hadda. Wararkii ugu horeeyay ee warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaya in rasaas laga maqlay aagga. Ciidamada Gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ciidamada Boolisku ay xireen dhowr waddo oo ku xeeran aagga. “Halgankeennu waa uu sii socon doonaa ilaa argagixisada ugu dambeysa laga saarayo,” ayuu Cali Yerlikaya ku soo qoray baraha bulshada. Xigasho: BBC The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Ankara iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
ANKARA – Labo askari oo ka tirsan booliska Turkiga ayaa ku dhaawacmay weerar culus oo rag hubeysan ay ku qaadeen meel kudhow dhismaha xarunta wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi. Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Cali Yerlikaya ayaa sheegay maanta oo Axad ah in labo argagixiso ah oo waxyaalaha qarxa isku soo xiray ay weerar ku soo qaadeen afaafka hore ee dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Ankara, isagoo intaa ku daray in mid ka mid ah raga weerar geystay uu ku dhintay qaraxa, halka kan kale na uu kudhaawcamay rasaas ay huwiyeen ciidamada amaanka oo goobta ka dhawaa. Warbaahinta Turkiga ayaa goor sii horeysay sheegtay in qarax laga maqlay agagaarka xarunta baarlamaanka iyo dhismayaal wasaaradeed, waxaana warbaahintu ay soo bandhigeen muuqaalo muujiyana dhismayaal burbursan oo daadsan waddo ku dhow wasaaradda arrimaha gudaha. Sida warbaahinta tabisay, Qaraxa ayaa dhacay saacado uun ka hor inta aan dib loo furin kulanka baarlamaanka, Mana cadda cidda ay ahaayeen kooxda weerarka geysatay iyadoo aaney jirin cid sheegatay illaa hadda. Muuqaal ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinaya askar, ambalaasyo, baabuurta dab damiska iyo baabuur gaashaaman oo isugu soo uruuray meel u dhow bartamaha caasimadda Turkiga, halkaasoo boolisku ay xireen dhowr waddo oo u dhow. Source: goobjoog.com
-
Muddooyinkii u dambeeyey waxaa muran ka taagnaa dhanka saami-qaybsiga beelaha iyo gobollada Somaliland. Si gaar ah labaatankii sano ee u danbeeyey, gobollada Sool, Sanaag iyo Awdal ayaa si gaar ah arrintaa wax uga tirsanayey. Waxaana u danbeeyey in Golaha Wakiillada Somaliland ay maanta qaraar gole ku ansixiyeen qodobbadii soo jeedinta xildhibaanada reer Awdal oo wax ka bedel lagu sameeyay. Go’aammadaas ayaa ay ka mid ahaayeen in Komishanka Doorashooyinku uu dib u eegis ku sameeyo goobaha cod bixinta ee Gobalka Awdal iyo sida oo kale in Madaxweyne Muusa Biixi dib u eego saamiga fulinta ee reer Awdal. Sidoo kale golaha ayaa ansixiyay in xukuumadda Somaliland ay si caddaalad ah u qeybiso mashaariic-da, iyada oo tix galin gaar ah la siinayo gobolka Awdal gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha. Sidee loo qaybsadaa golaha wakiillada ee Somaliland? Golaha wakiillada ee Somaliland ayaa lagu soo doortay doorashadii isasaarka ahayd ee dhacday ee sannadkii 2021. Waxaana ay gobol ahaan u kala metelaan tirada sidan ah: Gobolka Maroodijeex 20 kursi Gobolka Togdheer 15 kursi Gobolka Awdal 13 kursi Gobolka Sanaag 12 Gobolka Sool 12 kursi Gobolka Saaxil 10 kursi Si guud tirada xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ku fadhida sidii loo kala helay baarlamaankii ugu horreeyey 1960-kii, kuwaas oo ka soo kala yimi lixdii degmo ee Waqooyiga. Baarlamaankaas oo tiradiisu ahayd 33 ayaa laga soo dhiraandhiriyey sida oo kalena lagu saleeyey habka wax qaybsi ee golahaas hadda ku dhisan yahay. Golaha wakiillada ee Somaliland ayaa se sharci ahaan ah gole metelaadeed ayna dastuur ahaan ahayd sida ay sharciyaqaannadu in xubnaha golahaas iyo saamigooduba ku yimaaddo tirokoob guud oo la sameeyey. “Golaha wakiillada waxa ay ahayd dastuuriyan in uu ku salaysnaado tirkoob dadka lagu sameeyey, ka kale guurtida ayaa si kale loo qaybsan karaa ama loo sinnaan karaa” ayuu yidhi Guuleed Dafac oo ka mid ah sahrciyaqaannada Somaliland. Dhanka kale Guuleed Dafac ayaa qaba in taa hore lixdankii ay hadda wax isbeddeleen, sida kalena tuhummo reereed oo qabyaaladina aaanay ka madhnayn ay meesha ku jirto. “Dadkiina isbeddel oo sidii hore maaha, taa laftigeeduna tirakoob kuma salaysnayn ee Ingiriiska qiyaastiisa ayuun bay iskaga salaysnayd, intii ka danbaysana tirakoob ma dhicin, markaa dadkii way is wada tuhun san yihiin, qabyaaladdiina kama madhna. Markaa halkaas ayuu ka taagan yahay tuhummada xildhibaannada qaar qabaan.” Goormaa ayuu soo bilaabmay khilaafka iyo doodadaha saamiqaybsiga ee Somaliland? Khilaafka ku aaddan dhanka Saami-qaybsiga ayaa badanaa dooddooda la maqlaa xilliyada doorashada, inkasta oo gobollada darafyada Somaliland ay yihiin badanka cidda cabashadaas ka timaaddo. Sanadii 2005 markii u horraysay ee doorashadii Wakiillada ayaa khilaafkani aad u xoogaysatay xilligaas oo madaxweynihii wahtigaas Daahir Rayaale Kaahin, maxakamadda sare ka codasaday in ay u soo saraaan xeer sheegaya in doorashadan sideeda lagu galo, oo wixii ka danbeeya hawlahaas la xalliyo, sidaana lagu galay. Kaddib dib u dhacyo badan oo ku yimi doorashadii Golaha Wakiillada, mar kale, sannadkii 2020 iyo horraantii 2021 ayay soo cusboonaatay markii la muddeeyey doorashadii Golaha Wakiillada. Murankan siyaasadeed ee taagnaa wakhtigaas ayaa u kala baxayey laba qaybood oo kala ah habka dhismaha guddida doorashooyinka iyo xaddidaadda degaan doorashooyinka iyo saami qaybsiga kuraasta baarlamanka ee gobollada Somaliland. Sidii si la mid ah ayaa ayaa markii danbena lagu galay doorashadii, xilli muhiimadda la siinayey keliya in doorashadaa dib u dhacday qabsoonto, wixii tan ka danabeeyana la xalliyo hawlahaas. Taas oo ka dhigan in tabashadaasi weli taagan tahay. Muxuu ka tari karaa qaraarka la anxsixiyey maanta tabashooyinkaas ay soo jeediyeen xildhibaannada reer Awdal? Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa qaba in qaraarkani aasaas sharci siin doono xildhibaannada iyo degaammada wax tabanaya, kaas oo mustaqbalka horseedi doona in la furo dastuurka Somaliland oo ah halka ay aamminsan yihiin in ay u xanniban yihiin tabashooyinka gobolladaas. Dastuurka Somaliland ayaa ansixintiisa kaddib ay afti u qaadeen shacabka Somaliland sannadkii 2001-dii iyada oo boqolkiba 97 ay u codeeyeen. Waxaa se jirta tabashooyin badan oo ku aaddan, kuwaas oo muddooyinkii u danbeeyey aasaas u ahaa khilaafyo soo noqnoqday. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad iyo faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa haatan laga helayaa tiro madaafiic ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac., Hoobiyeyaasha ayaa tiro ahaan gaarayay illaa 8, waxayna qaarkood ku dhaceen guryo ay dagan yihin dad shacab ah oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay guryo ku yaalla xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad isku qoys ah oo deganaa guryahaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Dadka dhintay waxaa kamid ah hooyo xaamilo aheyd oo isbitaalka ku geeriyootay, waxaana sidoo kale dhaawac soo gaaray 4 qf oo kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicdaan laga soo tuuray dhanka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay tageen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xubnaha fuliyay weerarkan ay wateen gaari, isla-markaana ay hoobiyaha la fuuleen buur ku taalla degmada Kaxda, kadibna ay sidaas kusoo duqeeyeen qaybo kamid ah xaafadaha ku yaal caasimada. Waxaa sidoo kale degmadaas tegay ciidamo boolis oo uu hoggaaminayo taliyaha qeybta Galbeed, Gaashaanle Mohamed Abdulkadir Nuur Geedi (Mooshin), waxayna illaa iyo hadda ay howlgallo ay ku baadi goobayaan xubnaha Al-Shabaab ay ka wadaan halkaasi. Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa dhankooda innoo xaqiijiyay inay arkeen xubnaha Al-Shabaab oo saaran buurta, kadibna ridaya hub culus, taas oo keentay in cabsi xoogan ay dareemaaan shacabka oo mar dambe isugu soo baxay banaanada hore. Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, mana jiro wax faahfaahin ah oo illaa iyo hadda ciidamada boolisku ay kasoo saareen howlgalladooda iyo weerarka ka horreeyay intaba. Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka. The post Xogta halka laga soo tuuray hoobiyeyaasha maanta lagu gaaracay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarat magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Madaale ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxda Maamulka Magaalada Dhuusamareeb, Siyaasiyiin iyo xubno kale oo kamid ah bulshada deegaanka. Intaas kadib duqa magaalada Muqdisho ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxweyne Xasan Sheekhm Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale. Yuusuf Madaale ayaa waxaa u yeeray madaxweynaha oo halkaas ku sugan muddo ka badan 50 cisho, waxayna yeelan doonaan wada-hadallo gaar ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddoomiyaha gobolka ayaa wax laga weydiin doonaa xaalada ammaan ee kasoo kordhay Muqdisho, kadib markii ay ka dhaceen qaraxyo xoogan. Sidoo kale waxa ay labada mas’uul iska xog wareysan doonaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa iyo xubno Shabaab ah oo la sheegay inay soo galeen caasimada, kuwaas oo kasoo cararay furimaha dagaalka ee gobollada dalka. Horay Dhuusamareeb waxaa u tegay guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed oo iyagu shalay kulan lasoo yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Dhammaan, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa waxa ay qayb ka yihiin abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo dadka deegaanka. The post Duqa Muqdisho oo ka dagay Dhuusamareeb + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xasilinta SSC-Khaatumo ayaa hawlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay magaalada Laascaanood. Ciidanka ayaa hawlgalkooda ku qabtay shakhsiyaad ku eedaysan in aysan u hoggaansamin nidaamka dowliga ah sida ay sheegeen saraakiisha amniga SSC. Saraakiisha Ciidanka Xasilinta ayaa tilmaamay in hay’adaha garsoorka loo gudbin doono shakhsiyaadka ay ku soo qabteen hawlgalladan si sharciga loo mariyo. Ciidanka ayaa sidoo kale maalmahan qoryaha ka xereeyay qaar kamid ah dhalinyarada Laascaanood oo qoryahooda la dhex marayay magaalada. PUNTLAND POST The post Maxay yihiin shakhsiyaadka ay qabteen ciidanka Xasilinta SSC-khaatumo? appeared first on Puntland Post.
-
Maxaas (Caasimada Online) – Waxaa degan xaalada magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo saacadihii lasoo dhaafay ay ku dagaalameen ciidamada dadka deegaanka iyo guuto ka mirsan militeriga Soomaaliya oo Maxaas degan. Masuul ka tirsan maamulka degmada Maxaas oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay israsaaseyntii ka dhacday gudaha degmada Maxaas. Maamulka degmada Maxaas ayaa shaaciyey in laba nin oo dhinacyada dagaalamay ah ay ku dhinteen israsaaseynta, halka laba askari oo kale ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen. Wuxuu sheegay masuulka u hadlay maamulka degmada Maxaas, in markii hore uu dagaalkaasi ka bilowday dilka nin oday ah oo askari ka tirsan militeriga Soomaaliya uu ku dhex toogtay suuqa degmada, oo xiligaas aad u mashquul badnaa. Intaas kadib wuxuu sheegay in ciidamada deegaanka ay weerareen guutada Khaalid Binu Waliid oo askariga dilka geystay uu ka tirsanaa, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal culus oo xalay maqribkii kadib soo gaaray. Israsaaseyn xoog leh kadib, ciidamada Khaalid Binu Waliif ayaa dib uga gurtay goobta, waxayna ku aruureen xeryahooda, intaas kadibna waxaa magaalada ka bilaabatay waan waan ay wadaan masuuliyiinta deegaanka iyo saraakiil uu ku jiro Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo hoggaaminaya guutada Militeriga ah ee Maxaas dagaalka ku gashay. Ciidamada uu hoggaaminayo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa muddooyinkaan ku sugnaa degmada Maxaas halkaas oo si nabad ah ay ku joogeen, balse maanta ayey dadka ku nool magaaladaas kala kulmeen caro xoog leh. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xalay oo dhan waxaa Maxaas ka socotay waan-waan xal loogu raadinayo gacan ka hadalkii dhex maray labada ciidan ee kala ah guutada Khaalid Binu Waliid oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo maleeshiyaadka hubka qaatay ee dadka deegaanka oo dagaal adag la soo galay Khawaarijta Al-Shabaab. The post Wareysi: Maamulka Maxaas oo shaaciyey khasaaraha dagaalkii halkaas ka dhacay appeared first on Caasimada Online.
-
A Mombasa-based businessman who had been charged with supplying arms to al Shabaab terror group has been 'captured' in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Defence Cabinet Secretary Aden Duale has assured Kenyans resurgence of terrorist attacks will be defeated. Source: Hiiraan Online
-
Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal ka sameeyay agagaarka degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen deegaano hoos yimaada degmada Wanlaweyn, halkaas oo mararka qaarkood lagu arko xubnaha kooxda Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Ururka 4-aad ee guutada 16-aad Cabdullaahi Mustaf Cali (Madaale Qaran), oo sheegay inuu jeedkooda uu yahay baacsiga Al-SHabaab. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay isku fidiyeen dhul ballaaran oo ku yaalla halkaasi, si ay uga hortageen weerarada Al-Shabaab, una xaqiijiyaan amniga deegaanadaasi. Ciidanka ayaa sidoo kale inta ay howlgalka wadeen waxa ay la kulmeen qoysas reer guuraa ah oo ay soo barakaciyeen Al-Shabaab, kuwaas oo soo gaaray aagga Wanlaweyn. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka, kuwaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka. Wanlaweyn marka laga soo tego weerarada Al-Shabaab waxaa halis kale ku ah dagaal beeleedyada kusoo noqdnoqday degmadaas, kuwaas oo dhaliyay khasaare xoogleh. Inta badan dagaallada ayaa waxa ay dhex maraan maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan halkaasi, mararka qaarkoodna jidgooyin soo dhigta duleedka magaaladaasi. The post Ciidanka Danab oo howlgal culus ka fuliyay SH/HOOSE appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay guulaha maaliyadeed ee dowladdu gaartay. Biixi Imaan ayaa sheegay in ay ku guulayteen in dakhliga dowladda uu kordho 25%, taas oo ka dhigan in xukuumaddu ay ku filnaato in ay bixiso mushaaraadka, iyadoo aan u baahan kab miisaaniyadeed. “Labadii bilood ee hadda la soo dhaafay ugama nay baahan kab dibadda ah in aynu mushaaraadka bixino, dakhliga gudaha ayaa daboolay in aynu ku filnaano mushaaraadkeenna, runtiina 25% waa wax weyn, intaana kuma ekee waxaan rabnaa in kor loo qaado,” ayuu yiri wasiir Biixi. Wasiirka ayaa sheegay in markasta kab miisaaniyadeed uga baahan jireen dibadda, si loo bixiyo mushaaraadka, taas oo hadda looga maarmay in labadii bilood ee la soo dhaafay dowladdu ay ku guuleysatay in ay mushaarkeeda bixiso, iyadoo aan u baahan kab dibadda ah. Sidoo kale, wasiir Biixi Iimaan ayaa ugu baaqay shacabka in ay canshuurta bixiyaan lana xisaabtamaan dowladda, si loo helo daah-furnaan maaliyadeed iyo in in la dardar geliyo dib-u-dhiska dalka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka warbixiyay guulaha Maaliyadeed ee dowladdu gaartay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saaka kusoo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac. Hoobiyeyaashan ayaa si gaar ah looga dareemay degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda, ayada oo dadweynuhu ay kusoo waabaristeen hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in meelaha ay kusoo hoobteen hoobiyeyaasha ay kamid tahay xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir, halkaas oo lasoo wariyay khasaare kala duwan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dadka ay waxyeelada soo gaartay waxaa ku jiray kuwa isku qoys ah oo uu hoobiyuhu ugu tegay gurigooda, halkaas oo dhibaato ay kasoo gaartay. Sawirro laga soo qaaday xaafadda ayaa muujinaya xaalad kacsanaan ah iyo burbur soo gaaray mid kamid ah guryaha ku yaalla xaafaddaas oo uu hoobiyuhu ku dhacay. Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha, balse waxaa weli socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Sidoo kale shacabka ku dhaqan degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda ayaa dareemaya cabsi xoogan, maadaama halkaas laga maqlayo jugta madaafiicdan lagu garaacayo caasimada. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana meelaha qaar lagu arakayaa ciidamada ammaanka dowladda oo iyaguna bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culsu. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan iyo xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo magaalada Muqdisho. Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka. The post Hoobiyeyaal lagu garaacay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Qarax lagu tilmaamay weerar argagixiso ayaa saaka ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara. Qaraxa oo ismiidaamin ahaa waxa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan booliska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga. “Laba nin oo weerarka soo qaaday ayaa ku yimid gaari ganacsi abaare 09:30 waxayna qaadeen weerarka” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya. Cali Yerlikaya ayaa sheegay in qof weerarka soo qaaday uu isku qarxiyay afaafka hore ee dhismo wasaaradeed mid kalana la fashiliyey. Qaraxa ayaa dhacay saacado uun ka hor inta aan dib loo furin kulanka baarlamaanka. Ma cadda cidda ay ahaayeen kooxda weerarka geysatay mana jirto cid sheegatay illaa hadda. Wararkii ugu horeeyay ee warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaya in rasaas laga maqlay aagga. Ciidamada Gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ciidamada Boolisku ay xireen dhowr waddo oo ku xeeran halkaas. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee qarax ka dhacay dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Ha u qaadan in sanduuqyada waraaqaha lagu ridayo loo jeedo, safka iyo kala sugga, daadihinta doorashada daaha furan ay tahay mid siyaasadeed oo ka dhacday Garoowe. Waa doorasho u dhaxaysa laba arday oo kala hoggaaminayay labo urur/xisbi oo ardaydu isku qaybiyeen. Waxay labada arday u tartamayeen guddoomiyonimada guddiga ardayda dugsiga Nugaal sannad dugsiyeedkan 2023-2024. Habka doorashada, waxaa fursad la siiyay oo doorashadu u furnayd ardayda dugsiga sare dhigta oo dhan, wiilal iyo gabdhaba (Form1-4). Waxaana lagu xiray shuruudahan: 1) inay horay u lahaayeen khibrad hoggaamin sida horjooge fasal (kaabbe class) 2) inaan wax dambi ah ama dhib ahi (kiisas) ka oolin xafiiska akhlaaqda 3) inay imtixaankii ugu dambeeyay kaga soo gudbeen 70% iyo ka kor. Sidaasna labada arday oo jagada ku tartamayay ku soo baxeen. Ujeeddada doorashada qaabkan loogu qabtay waxay ahayd inay ardaydu ku bartaan is-doorashada iyo kala guuleysiga caafimaadka qabta (healthy democracy). Sida, inaan la kala caroon oo kan guulaystay iyo kan laga guulaystay wada shaqeeyaan, walaalo is-jecelyihiin, kan laga guuleystayna uu la shaqeeyo ardayga kale ee walaalkiis ah iyagoo u wada adeegi doona oo ka wada shaqayn doona danta ardayda guud ahaan. Waxaa codeynayay arday tiradoodu ahayd 479 arday oo dugsiga sare dhigta iyo ardayda fasallada 8-daad oo daawanayay doorashada si ay u sii bartaan dimoqraadiyadda iyo is-doorashadu waxay tahay. Waxaan farriintan uga danleeyahay inaan idinkula wadaago farxadda, walaaltinimada iyo niyad wanaagga ka muuqday ardayda oo dhan kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 15-19 sano. Ma jirin is-qabqabsi, kala xodxodasho ardayda, eexasho, fasal iyo arday u hiillin, heshiisyo hoose, is-gadasho iyo jifaysi toonna. Waxay si dabiici ah u ahayd doorasho xor iyo xalaal ah! Haddaba, waxay tani muujinaysaa in siyaasadda dal iyo dadka lagu hoggaamiyo iyo wixii si wanaagsan loo qabtaaba ay nolosha fudud yihiin haddii laga fogaado musuq-maasuqa ka dhasha hanti-boob, eex, danaysi, naf-jeclaysi iyo shakhsi magac doon ah oo is-caashaqa! Marka, su’aalaha ay tahay inaynnu is-weydiinno waxaa weeye maxay dadka qaan-gaarka ahi iyo ciddii xil-doon ahiba u garan la’yihiin waxa ardaydaasi garteen? Waa maxay shuruudaha lagu xiro qofkii xil-doon ah? Casharse ma ka baran karnaa ardaydan iyo da’yarta kale oo la midka ah oo weli damiirkooda iyo caqliyaddoodu fayowyihiin si dalkeenna iyo dadkiisu u badbaadaan una horumaraan? W/Q: Ruqia M. Farah The post Doorasho iyo Dimoqraadiyad dhab ah kaga dayo ardayda Dugsiga Nugaal! appeared first on Puntland Post.
-
Murrashax Cirro oo ka Hadlay Qoddobo ay kala Hadleen Wufuud ay la Kulmeen Hargeysa(Qaran news)- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka hadlay Wefti ka socday Qaramada midoobay iyo Ingiriiska oo ay maanta la kulmeen. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu baahiyay Murrashax Cirro oo u qornaa sudan:- “Xisbi ahaan, waxa aan kulan wada qaaddannay wafti sare oo ka socday Qaramada midoobay iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminayeen Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Ms. Catriona Laing iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska Danjire Michael Nithavrianakis. Weftiga ka socday Qaramada Midoobay iyo Safaaradda Ingiriiska waxa aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, arrimaha nabadgelyada ee Gobolka Sool, hannaanka doorashooyinka isku sidkan iyo dimuqraadiyadda, iyo ugu dambeyn arrimaha horumarinta Somaliland.” Qaran News
-
Wasiirka Warfaafinta oo Tacsi u diray Qoyskii Fanaan Bashiir Xaddi oo ku Geeriyooday Boorame Hargeysa(Qaran)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Isagoo ku hadlaya Magaciisa, iyo ka guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta wuxuu dhanbaal tacsi ah u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo Bahda Dhaqanka ee Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid alle ha u haxariistee Marxuum Bashiir Xaddi Axmed oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Boorama. Wasiirku waxa uu sheegay in Marxuumku kaalin mug leh ka soo qaadatay Marxaladihii kala duwanaa ee Fankeenu soo maray. Wuxuuna eebbe uga baryay inuu naxariistiisa jano ugu deeqo, Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan bah’da dhaqanka ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo. Qaran News
