Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taariikh kooban Marxuum Bashiir Axmed Xaddi Bashiir Xaddi Axmed wuxuu ahaa fannaan, mullaxan ka mid ahaa tiirarkii ugu waynaa ee casriyeey fanka Soomaalida. Bashiir waxa uu ku dhasahay magaalada Hargeysa, 1950kii. Dugsugiisii hoose waxa uu ku bartey Tog Wajaale, waxana uu ka mid ahaa ardeydii uu iskuulka qorey Maxamuud Axmed Cali, markii danbena Boorame ayuu ka sii watay waxbarashadiisii dhexe, halkaas oo uu uga gudbay iskuulkii NTEC – National Teacher Education Centre (ee markii danbe noqdey Lafoole). Isaga oo dhallinyar oo wali ku jira iskuulka ayuu bilaabay tumista kamanka, haseyeeshee macallimiintii u horreysey ee fanka ee uu la shaqeeyey waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Xudeydi. Wuxuu noqdey hormoodka laxanka. Riwaayaddii Hadimo, Gaaraabidhaan, Jeel iyo Jacayl iyo kuwa kale oo badan heesohooda isaga ayaa codka saaray. Wuxuu ahaa dadkii casriyeeyey Fanka Cusub. Bashiir Xaddi Axmed waxa uu ka mid ahaa bahda Musdanbeed ee abwaannada iyo fannaaniinta Somaliland. Alle ha u naxariistee maanta, 30 Seebtember 2023 ayuu ku geeriyooday magaalada Boorame oo uu muddadii danbe ku noolaa. Qaran News
  2. Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Awcali (Fardhiye) ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay marti qaad Rasmi ah ka helay Villa Somalia. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casumay Hoggaamiye Firdhiye sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay. Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo Muqdisho kadib Casumaadda uu ka helay Ra’iisul wasaare Xamse. Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa la kulmaya Madaxda dowladda Federaalka iyo sidoo kale Beesha Caalamka gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho. Dhinacyada ayaa la filayaa in uu kala hadlo Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadanimo islamarkaana uu ka dalbado Hay’adaha kala duwan in ay ka hawl-galaan Gobollada SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku casumay Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.
  3. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay soo saartay xukun lagu afmeerayo dacwad ciqaab ah oo lid ku ahaa shaqaalo dowladeed oo kala duwan oo ku eedaysnaa xatooyo xoolo dadweyne iyo been abuur dokumentiyo iyo shaabbad dowladeed. Eedaysanayaasha ayaa ka kala tirsanaa hay’ado ay ka mid yihiin: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Bangiga Dhexe. Eedaysanayaasha oo ahaa 11 qof ayay maxkamaddu waxay dambi ku waysay shan ka mid ah, halka ay ku heshay 6 kale dambiyo kala duwan. Laba ka mid ah lixda eedaysane ayaa lagu helay dambiyada xatooyada xoolo dadweyne iyo been abuur, waxaana lagu xukumay xabsi kala duwan oo ah 8 sano iyo 9 sano. Labada eedaysane ayaa u kala shaqaynayay Wasaaradda Maaliyadda qaybteeda Canshuuraha Beriga ah iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada qaybta rukhsadsiinta shaqaalaha shisheeye. Afarta eedaysane ee soo hartay kuwaas oo ka kala tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu riday xukunno ciqaabeed oo kala duwan. Xukunnada ciqaabeed ayaa u dhaxeeya 8 billood illaa 3 & lix billood. Waxaa xusid mudan in shaqaalaha la xukumay lagu waayay dambiyada xatooyo xoolo dadweyne, been abuur iyo lacag dhaqid. Dambiyada lagu helay ayaa ah kuwa aanan ku jirin eeddii uu soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud balse intii ay dacwaddu socotay Maxkamaddu ku qanacday inay galeen dambiyadaasi. Ugu dambayn, Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in racfaan u furan yahay ciddii aan ku qancin muddo aan ka badnayn 30 maalin. Goobjoog News Cabdi Gurbiye Cabdi Gurbiye Cabdi Gurbiye Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) –Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco deegaanada maamulkaas, isla markaana doorasho la aado bilaha soo socda ayaa maanta gaaray Dhuusamareeb, waxayna caawa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha looga hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh. Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, hadana u sharaxan madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti oo garbihiisa ay taagnaayeen siyaasiyiintii u raacday Dhuusamareeb ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho. Wasiir Fargeeti oo faahfaahin oa bixiyey waxyaabihii ay kala soo hadleen Madaxweynaha ayaa sheegay in ugu horeyn ay Xasan Sheekh kaga soo tacsiyeeyeen geesiyaashii ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee hoggaamintiisa uu u joogo magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale wasiir hore Fargeeti ayaa sheegay in Madaxweynaha ay u soo cadeeyeen inay ku garab taagan yihiin dagaalka Al-Shabaab, isla markaana dhawaan ay K/Galbeed ka bilaabi doonaan abaabul dagaal oo loogu diyaar garoobayo wajiga labaad ee dagaalka oo ka bilaaba doona Jubbaland iyo K/Galbeed. “Madaxweynuhu wuxuu warbixin naga siiyey dagaalka Khawaarijta, wuxuu noo sheegay inuu gabagabo ku dhowyahay wajiga koowaad, waan ku bogaadinay dadaalkiisa, waxaana ka balan qaadnay in doorkeena uu ka soo muuqa doono wajiga labaad oo ku aadan K/Galbeed iyo Jubbaland,” ayuu yiri Maxamed Aadan Fargeeti. Intaas kadib, wuxuu sheegay inay Madaxweynaha kala hadleen arrinta doorashada, iyagoo ka dalbaday in isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay qaataan doorka kaga aadan fulinta heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen ee Baydhaba looga gaaray muranka doorashada. “Waxaan Madaxweynaha dib u xusuusinay heshiiskii laga gaaray doorashada K/Galbeed, inagoo warbixin ka siinay fashilka maamul ee ka jira K/Galbeed, waxaan madaxweynaha la wadaagnay qorshaha safarkeena Baydhaba oo qaban-qaabo dagaal oo ka dhan ah Khawaarijta aan ka bilaabi doono iyo doorashooyinka soo socda,” ayuu yiri. Warbixintaas kadib wasiir hore Fargeeti wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu siyaasiyiintaan isla socotay ka codsaday inay siiyaan waqti oo mar kale ay wadatashi ugu soo laabtaan. “Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in qorshaheenii aysan waxaba iska bedelin, waxaan diyaar u nahay oo hormuud ka noqon doonaa dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada K/Galbeed, waxaan kaloo diyaar u nahay in doorashada K/Galbeed ay ku qabsoonto waqtigii lagu heshiiyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir hore Fargeeti. Hoos ka daawo The post Daawo: Siyaasiyiinta K/G oo shaaciyey hal arrin oo Xasan Sheekh uu ka codsaday appeared first on Caasimada Online.
  5. Maxaas (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo galabta Maqribkii ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaaka dhashay khasaare dhimasho ah. Dagaalkaas ayaa dhex maray ciidamo ka kala tirsan militeriga Soomaaliya iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo kuwada sugan degmada Maxaas. Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa labada ciidan ee dagaalamay uga kala geeriyootay dagaalka, waxaana socota waan-waan lagu xalinayo gacan ka hadalkii galabta ka dhacay Maxaas. In kastoo ay socdaan dadaalo lagu xalinayo xiisadaan, hadana waxaa waxaa caawa Maxaas ka taagan xiisad culus oo difaac ayey isugu jiraan ciidamadii dagaalamay. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii askari ka tirsan guutada Khaalid Binu Waliid ee xoogga dlaka uu maanta gudaha degmada Maxaas ku dilay nin ka tirsanaa ciidanka dib u xoreynta deegaanka. Ciidanka deegaanka oo ka carooday askariga la dilay ayaa weerar ku qaaday ciidamada guutada Khaalid Binu Waliid oo uu hoggaamiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus. Is rasaaseyntaas waxaa la xaqiijiyey in hal askari looga dilay guutada uu hoggaamiyo Ismaaciil Cabdimaalik, waxayna ciidanka uu hoggaamiyo sarkaalkaas dib ugu gurteen xerada ay ka degan yihiin degmada Maxaas. Goobjoogayaal ku sugan Maxaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanka deegaanka ay wadaan is uruursi xoog leh, iyagoo muujinaya dhiilo colaadeed, balse masuuliyiinta deegaanka iyo saraakiisha ciidanka guutada Khaalid Binu Waliid ayaa wada dadaalo lagu dejinayo xiisadda. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, dhimashada ayaa hadda ah hal iyo hal, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay is fara saaraan labada ciidan, balse waxaa socda dadaalo xoog leh oo xal loogu raadinayo xiisadaan. The post Dagaal culus oo galabta ka dhacay Maxaas iyo khasaare dhimasho ah oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
  6. Murrashax Cirro oo Bogaadiyay Golaha Wakiillada Hargeysa(Qaran news)- Murrashaxa Maxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa bogaadiyay xildhibaannada Golaha Wakiillada oo uu ku ammaanay inay qabyo-tireen xeerkii Doorashooyinka. Sidaasna wuxuu ku iftiimiyay qoraal uu soo saaray oo u qornaa sidan:- “Waxa aan hambalyo & bogaadin isku sidkan u dirayaa isla markaana u mahad celinayaa Shir-guddoonka & Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL oo maanta qaybyo tiray dhammaan xeerarka doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada, Axsaabta Qaranka iyo Ururada siyaasadda kuna ansixiyey cod aqlabiyad ah oo aanu Goluhu u kala hadhin. Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hormuud u noqdeen sharciyeynta doorashooyin dalkan inooga qabsooma si heshiis iyo wadar-oggol lagu yahay, waana arrin ay Shacbiga Somaliland filayeen in badan, sida oo kale Golaha Guurtida waxaa laga filayaa in ay waajibkooda iyaguna sida ugu dhakhsaha badan uga gutaan. Somaliland ha noolaato.” Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor Gor ayaa loo diyaariyey in mar kale ay ku soo laabtaan furimaha dagaalka, kadib nasiino iyo dib u habeyn maalmahaan loogu sameynayey magaalada Muqdisho. Xerada Jeneraal Daa’uud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta la isugu geeyey ciidanka Gor Gor oo hadda u diyaarsan inay ku laabtaan furimaha dagaalka, si ay dalka uga xoreeyaan Khawaarijta Al-Shabaab. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa maanta xerada Jeneraal Daa’uud ugu tegay ciidamada dagaalka loo diyaariyey ee Gor Gor. Guddoomiye Shuute ayaa ciidanka uga digay inay dhexdooda ku fiirsadaan askari xumeynaya sharafta ay ku dhex leeyihiin bulshada, isagoo kula dardaarmay inay iska dhex qabtaan askarigii sameeya dembi ama meel uga dhaca sharafta ciidankaan qiimaha badan. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ciidankaan faray inay Khawaarijta u dhigaan cashiradii ay sii jireen markii ay isku fara saaraan furimaha dagaalka oo hadda ay dib ugu laabanayaan. Dhinaca kale guddoomiye Shuute ayaa si gaar ula hadlay saraakiisha hoggaamisa ciidanka Gor Gor, isagoo ka dalbaday in iyagoo ka jawaabaya ficil uu sameeyey sarkaal kale aysan dayicin masuuliyadda ay u hayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii guddoomiye Shuute ayaa ciidanka Gor Gor ku amaanay doorka ay kaga jiraan ciidamada qaranka ee dagaalka adag kula jira argagixsada Al-Shabaab. Ciidanka Gor Gor ee hadda dib loo soo abaabulay ayaa ah kuwii kasoo baxay furimaha dagaalka, gaar ahaan bariga gobolka Galgaduud iyo qeybo ka mid ah Shabeellada Dhexe. Ciidankaan waxaa u soo dhamaaday fasax ay dowladu siisay, maadaama ay soo xoreeyeen dhul badan oo in ka badan hal sano ay ku soo jireen dagaal toos ah, hadda waxaa dib u qalabeysay dowladda, waxaana maalmahaan lagu soo celinayaa furimaha dagaalka. Hoos ka daawo The post Daawo: Gor Gor oo dagaal u diyaarsan iyo Shuute oo digniin siiyey saraakiisha iyo ciidanka appeared first on Caasimada Online.
  8. Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da’aan dalkeenna si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah Wabiyada, Dhulka buuraleyda ah, kuwaas oo labadoodaba ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad. Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay farriin digniin ah oo ku aaddan in la ga digtoonaado waxyeellada ka dhalan karta xaaladda El Nino. Sida oo kale, si ay u yaraato halista ka iman karta, waxa ay hay’addu bixisay digniino iyo talo-bixino xaaladda El-Nino toddobaadlaha ah ee 28 Sebteembar illaa 4 Oktoobar ee sanadkan 2023. Toddobada cisho ee soo socota oo ah usbuuca ugu dambeeyo bisha September iyo isbuuca ugu horeeya ee bisha October ee sanadkan waxaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee dalka hay’addu maareeynta iyo masiibooyinka qaranka ku wargelisay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurta-gal tahay in ay ka timaado roob mahiigaan ah oo isbuucaan la filayo inuu da’o. Roobabka la saadaaliyay gobollada Bari,Sool, Sanaa, waqooyiga galbeed, Nugaal, Hiiraan, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa la saadaaliyey in ay geysan karaan halis heerkeedu sarreeyo. Bulshada ku dhaqan gobolladaas ayaa loo gu baaqay in ay taxaddar gaar ah ka muujiyaan halista fatahaadda iyo daadadka roobka ka imaan karta. Dhammaan gobollada kale ee dalka, roobabka la saadaaliyay waxay geysan karaan khatar cabirkeedu dhex-dhexaad yahay, balse hay’addu waxay ku wargelisay dadka ku nool gobolladaas in ay haboon tahay in ay ka feejignaadaan Khatartaas El-Nino. Waxaa kale oo Bulshada ku dhaqan hareeraha jiinka wabiga looga digay in ay aad uga feejignaadaan saameynta daadadka roobka ku yeelan karo naftooda iyo maalkooda gaar ahaan dadka ku nool gobollada Bari,Sool, Sanaag, Nugaal, Waqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose, waxaa sidoo kale, looga digay in ay iska ilaaliyaan toggaga biyuhu maraan, taas oo Khatar gelin karta naftooda. Ugu dambeyn, Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka ayaa guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed uga digtay in aysan deegaameysan ama guryo ka dhisan meelaha biyo-mareenka ah si ay u badbaadaan. Source: goobjoog.com
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Jubbaland oo howlgallo ka sameeyay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay shaqsi lagu eedeeyay inuu qarax ka geystay gudaha magaaladaasi. Howlgallada ayaa daba socday kadib markii weerar loo adeegsaday bam gacmeed lagu qaaday guri uu magaaladaasi ka dagan yahay Maxmed Axmed Xayi oo ah taliyaha amniga garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo. Ciidanka ayaa daba kacay ninka weerar gaystay, kadibna nolosha kusoo qabtay, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale waxay saraakiishu intaasi ku dareen in tallaabo adag laga qaadi doono eedeysanaha, isla-markaana ay ku wareejiyeen hay’adaha ku shaqada leh. Qaraxa uu ku weeraray hoyga taliyaha garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa la sheegay in uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, marka laga tago burbur soo gaaray dhismaha. Laamaha amamaanka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inay howlgalladu sii socon doonaan, isla-markaana ay bartilmaameedsan doonaan kooxaha ku howlan amni darrada. Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland ayaa waxaa badanaa ka dhacay weeraro qorsheysan, dilal iyo qaraxyo ay ka gaysteen xubnaha kooxda Al-Shabaab. Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli haatan ay Jubbaland u diyaar garoobeyso duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, maadaama uu ka bilaaban doono wajiga labaad ee dagaalka socda. The post Nin qarax ka gaystay Kismaayo oo nolosha lagu qabtay appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Gabeed. Siyaasiyiinta ayaa u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Al-shabaab ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa Al-shabaab , isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah. Safarka mas’uuliyiintaan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaanahaan madasha Koonfur Galbeed kulamo ka dhan ah madaxweyne Laftagreen ay ka wadeen gudaha iyo dibadda, iyaga oo dalbanayay in la fuliyo heshiiskii la gaaray sidoo kalena la qabto doorashada madaxweynaha maamulkaasi xilli la gaaray waqtigii doorashada, kadib heshiiskii muddo kordhinta maamullada ee halka sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Deegaanka Cali-saahid oo Lagaga Dhawaaqay Xabad Joojin Burco(Qaran news)-Maamulka Gobolka Togdheer iyo Madaxda dhaqanka beelihi walaalaha ahaa ee dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay degaanka Cali Saahid ee Hawdka gobolka Togdheer ayaa ku dhawaaqay Xabad-joojin rasmiya iyo go’aamo saldhig u ah nabadgelyada. Madax dhaqameedka labada beelood ayaa sheegay inay gaadheen Xabad-joojinn rasmiya, isla markaana uu ka danbeeyo heshiis rasmiya oo aan soo noq noqosho lahayn, waxaanay dowladda ka codsadeen inay ku maamuusho heshiisyadaasi si ay u noqdaan kuwa dhaqan-galla, sidoo kale waxa ay u mahadnaqeen cidkasta oo gacan ka gaysatay in Xabad-joojintani hirgasho. Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahim (Nafaqo), ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan soo dhaweynayaan Xabad-joojinta ay ku dhawaaqeen madax dhaqameedka beelaha walaalaha ah ee ay dirirtu ku dhexmartay degaanka Cali Saahid ee hawdka gobolka Togdheer, waxaanu xusay in ay ka maamul ahaan ku maamulayaan go’aamada maanta siwada wada jirka ah ay u soo saareen madax dhaqameedku, ciddi ka hor timaadana ay tallaabo kaqaadi doonaan. Taliyayaasha qaybta booliska iyo asluubta ee gobolka Togdheer, ayaa sheegay inay siwada jira u soo dhaweynayaan Xabad-joojinta ay kala saxeexdeen madax dhaqameedka beelihii dhawaan dirirtu ku dhexmartay degaanka Cali Saahid ee Hawdka Gobolka Togdheer, waxaanay tilmaameen ka ciidan ahaan in ay la qaateen go’aamada lagu sugayo abniga ee la kala qaatay. Qaran News
  12. Madaxweyne kuxugeenka oo Shahaadooyin Gudoon Siiyay Dufcadii 6aad ee ka Aflaxday Jaamacada Rift Valley Hargeysa (Qaran)-Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qaybgalay Xafladda Qalinjabinta Dufcaddi 6-aad ee ka qalinjebisa Jaamacadda Rift Valley. Munaasibadii loo sameeyay qalinjabinta ardayda ka baxday Jaamacada Rift Valley, waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, waalidiinta, ardayda, maamulka jaamacada iyo mudan iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha jaamacada Rift Valley Ifraax Axmed Aadan, ayaa ardayda ku hanbalyaysay dadaalka ay sameeyeen iyo guusha ay ka gaadheen, waxa ay intaas ku dartay in ay fursado waxbarasho siiyaan dadka hayntoodu hoosayso, sidoo kalena ay arday heerka labaad ee waxbarashada jaamacada ah ay u direen dalka dibeddiisa. Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ardayda, waalidiinta iyo macalimiinta ku hanbalyeeyay dadaalka ay galiyeen ardayda maanta qalinjabisay, waxaanu ku booriyay inay waxbarashooda halkaasi ka siiwadaan. Gaba-gabadii waxa uu madaxweyne ku xigeenku shahaadooyinkii ay mutaysteen ku guddoonsiiyay ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Rift Valley. Qaran News
  13. Kismayo (HOL) - The second vice president of Jubbaland, Abdulkadir Haji Mohamud, has suspended Jubbaland's attorney general, Mohamed Sheikh Osman, following accusations of corruption and abuse of power. Source: Hiiraan Online
  14. Wasiirka Beeraha oo ka Hadlay Roobab la Filayo inay ka Da’aan Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Eng Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa ka hadlay roobab la filayo in ay dalka ka da’aan iyo arrimaha isbedelka cimilada ee jira. Wasiirka Beeruhu waxa uu sheegay in wasaaraddu ay marwalba diyaar u tahay in ay bulshada la socodsiiso isbedelka cimilada iyo saadaasha la filaayo, iyada oo kaashanaysa hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin. Wasiirka ayaa sheegay in la saadaalinayo dufaanta loogu magacdaray Aliino, taas oo ay barbar socdaan roobab Mahiigaano ah oo uu sheegay in ay sababi karaan daadad keeni kara dhibaatooyin waxyeelo geysan kara, saamaynna ku yeelan kara meelo adduunka kamid ah oo ay Somalilandna kamid tahay. Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in saadaashu sheegayso in Duufaanta Aliino la saadaalinayo bilaha October iyo November. Wasiirka ayaa sheegay in Duufaanta Aliino ay Somaliland kusoo gaadhi doonto hab roobaad lamid ah roobabkii da’ay dayrtii biyo badanta. Dadka reer Somaliland ayuu wasiirku usoo jeediyey in aanay ka qaadin wax cabsi ah, waxaanu beeraleyda ka codsaday in ay ka faa’iidaystaan xili roobaadyada la saadaalinayo . Qaran News
  15. Baashe Cawil oo kuu baaqay in la raaco is waafajinta Dooorashooyinka ee Wakiilladu ansu Ansixiyeen Hargeysa(Qaran) Danjire Baashe Cawil, ayaa ku baaqay in la aqbalo go’aamadii ay maanta soo saareen guddida isu-xilqaamay khilaafka doorashooyinka Somaliland. Akhri qoraal uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan “Mar haddii dhinacyadii arrintani khusaysay ay markii horeba ka aqbaleen ergada hawshan gashay in ay ku kalsoonaanayaan wixii goaamo ah ee ay soo saaraan, kalsooni buuxdana siiyeen. Waxa iminkana la gudboon in dhinacyada hawshani khuseyso aqbalaan go’aamadan ay kasoo saareen khilaafka taagan. Haddaba Waxaan si mug leh iyo miisaan leh u taageerayaa, una arkaa inay Maanta tahay maalin kale oo Wax-garadkeenu Taariikhda ku galeen in ay Qaranka ka badbaadiyaan dhibaatooyin dhaqan dhaqaale oo ay bulshadeenii reer Somaliland waajahayeen sannadihii u dambeeyay, sidaas darteed xaajo walba oo kale oo ay xisbiyo, ururo, muxaafad iyo mucaarad ay si gaar ah u rabeen waa inay ku liqaan una hoggaansamaan go’aamada Salaadiinta iyo Waxgaradka East Burco Clan isku xil qaameen ee ay soo saareen 27kii August, 2023 ay ku soo saareen go’aamadaas. Iyadoo golaha Wakiilladana aan ku bogaadinayo inay sharciyada waafajiyeen. Qaran News
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka badan 50 cisho ku sugan Dhuusamareeb ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed oo ugu tegay magaaladaasi. Madaxweynaha iyo xubnahan oo isugu jiray guddoomiyeyaashii hore ee golaha shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Gabeed waxay ka wada-hadleen arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladda Koonfur Galbeed. Ugu horeyn xubnaha mucaaradka ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo talooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka adag ee haatan lagu jiro kooxda Al-Shabaab. Xubnaha mucaaradka ayaa si gaar ah warbixintooda ugu muujiyay waalaca ka qaaban gaabiska ka jira doorashada iyo dhaqan-gelinta heshiiskii lagu gaaray Baydhaba, kaas oo ay garwadeen ka ahaayeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka. Dhankisa madaxweyne Xasan ayaa guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka ay dowladdiisa kual jirto Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa kooxda. Sidoo kale wuxuu adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha Koonfur Galbeed ee lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro guullo horumar leh. Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan waxayna shalay Muqdisho ku qabsadeen xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, taas oo ay ku shaaciyeen go’aano culus oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Laftagareen oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xusid mudan in la joogo xilli lagu balamay inay bilaabato doorashada, si loo soo xulo xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed. Si kastaba, Doorashada marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab. The post Xogta kulanka Xasan Sheekh iyo mucaaradka Koonfur Galbeed + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  17. Kismayo (HOL) - Jubbaland security forces foiled a planned al-Shabab terrorist attack in Dhobley district in the Gedo region on Saturday. Source: Hiiraan Online
  18. Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda degaanada dowlad-goboleedka Koonfur-gabeed. Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed oo Dhuusamareeb u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira AS ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka ciribtirka Argagixisada. Madaxweynaha oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa AS, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhuusamareeb ku qaabilay qaar kamid ah Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  19. Buuloburde (Caasimada Online) – Taliska qaybta 27-aad ee Xoogga ciidamada dalka Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay gobolka Hiiraan ayaa maanta qaaday tallaabo, kadib qaraxii ismiidamainta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay gudaha degmada Buuloburde. Taliyaha qaybta 27-aad Jeneraal Faarax Kooshin oo ay wehlinayaan mas’uuliyiinta degmada iyo xildhibaano ayaa maanta kormeeray amniga waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmadaasi, si ay u qiimeeyaan xaalada Buuloburde oo mararka qaar weeraraan Shabaab. Faarax Kooshin ayaa mid mid u tegay koontaroolada laga soo galo magaalada, wuxuuna ciidamada faray inay adkeeyaan amniga, si looga hortago dhibaato kale oo dhacda. Sidoo kale taliyaha iyo mas’uuliyiinta kale ee la socday ayaa booqday buudada degmada, xabsiga iyo goobtii uu qaraxu ka dhacay, si uu usoo arko xaaladda meesha ka jirta. Waxaa kale oo uu farriin u culus u diray dadka shacabka ah, isaga oo uu ugu baaqay inay ciidamada dowladda kala shaqeeyaan amniga degmadaasi. Buuloburde ayaa kamid ah degmooyinka ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Inta badan xubnaha kooxda Al-Shabaab ayaaa weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo waa weyn la beegsada magaalooyinka muhiimka ah ee ku yaalla gobolka Hiiraan, maadaama gobolkan uu xudun u noqday kacdoonka shacab ee haatan kusii fidaya dalka intiisa kale. The post Daawo: Ciidamada dowlada oo qaaday tallaabo culus kadib qaraxii Buuloburde appeared first on Caasimada Online.
  20. CAIRO, Egypt, September 29, 2023/ -(Qarannews)- “It Is time for Africa to take her destiny in her own hands and to determine her own developmental agenda. However, doing so will not be easy. It will require commitment, courage, and deliberate action. Traders need to seek out new market opportunities rather than the conventional route of turning to markets abroad”. Rallying words from Mrs. Kanayo Awani, Executive Vice President, Intra-African Trade Bank, Afreximbank (www.Afreximbank.com), in her opening remarks as she addressed delegates at the High-Level Business Roadshow in Algiers, Algeria. Mrs. Awani congratulated Algeria for becoming a Member State of Afreximbank in June 2022. She stated that the African Continental Free Trade Area “promises to revolutionise trade, reshape markets across the region, boost output in the manufacturing and service sectors, and fundamentally transform Africa’s economic structure”. She lauded the opportunities that it will provide to Algeria’s businesses. She also explained the broad range of Afreximbank programmes and initiatives that can facilitate Algeria’s intra-African trade, such as the Africa Collaborative Transit Guarantee Scheme, which will mean for example that goods going from Algiers, Algeria to Lagos, Nigeria, will not need “a Customs Bond on every border as is the case today.” She also discussed the Bank’s programmes that support trade-enabling infrastructure especially those that address mobility and connectivity (road, rail, air, maritime, ports and logistics). Speaking about the Intra-African Trade Fair, she said that it was created “to deal with the challenges of lack of access to trade and market information” and she praised the Algerian Government for deciding to hold a Country Day at IATF2023 in Cairo, saying that “it gives me confidence that Algeria is poised to lead the charge for African trade.” The High-Level IATF Roadshow in Algiers also featured an impactful panel session themed: ‘Seizing opportunities under the AfCFTA: Empowering Manufacturers, Exporters, Investors, and relevant industry players’ that provided a platform for insightful discussions on a range of trade-related issues. In his closing remarks, Mokhtar Gamil Tawfik Warida, Ambassador of the Arab Republic of Egypt in Algeria, informed Roadshow delegates that “Egypt is ready to welcome Algerian businesses and companies to participate in the Intra-African Trade Fair, conference, and exhibition from 9 – 15 November. Egypt and Algeria have strong potential, they have strong will and the capacity to be leaders of economic cooperation in Africa and to bring to fruition the pan-Africa Free Trade Area.” H.E. Mr. Youcef Cherfa, Minister of Transport, represented the Minister of Trade and Export Promotion, Algeria, at the Roadshow, while H.E. Wamkele Mene, Secretary-General, AfCFTA Secretariat, was represented by Hamadou Karidio, Head of AfCFTA Liaison Office, AfCFTA Secretariat. The informative Roadshow provided persuasive reasons for the Algerian business community to fully engage with the transformational opportunities created by the AfCFTA and to attend the Intra-African Trade Fair (IATF2023) which is being held from 9 to 15 November 2023 in Cairo, Egypt. The Algerian private sector has compelling opportunities to target a significant share of the forecast US$43 billion of trade and investment deals expected to be concluded at IATF2023 by joining the 1,600+ exhibitors and the 35,000+ buyers, visitors and conference delegates. To register to attend IATF2023, exhibitors, buyers, trade visitors and delegates should visit www.IntrAfricanTradeFair.com for their place at the event. Qaran News
  21. Golaha Golaha Wakiillada oo Ansixiyay Wasiir Cali Xoor Xoor Hargeysa(Qaran news)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyaf ah ku ansixiyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor). Fadhigii maanta oo uu guddoominayey Guddoomiye Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) waxa u codeeyay Wasiir Cali Xoor-xoor dhammaan xildhibaannadii fadhiga joogay oo ahaa 73 xildhibaan. Cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin. Sidaas ayuu ku ansaxay Wasiirka oo ay hore u diideen xildhibaanadu ansixintiisa. oo Ansixiyay Wasiir Cali Xoor Xoor Hargeysa(Qaran)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyaf ah ku ansixiyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor). Fadhigii maanta oo uu guddoominayey Guddoomiye Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) waxa u codeeyay Wasiir Cali Xoor-xoor dhammaan xildhibaannadii fadhiga joogay oo ahaa 73 xildhibaan. Cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin. Sidaas ayuu ku ansaxay Wasiirka oo ay hore u diideen xildhibaanadu ansixintiisa. Qaran News
  22. Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan xal waara laga gaaray khilaaf soo kala dhex-galay Korneel Barre Aadan Shire oo loo yaqaano (Hiiraale), kadib wada-hadallo xasaasi ah oo ay yeesheen labada dhinac. Khilaafkan ayaa isku beddalay xiisad dhalisay gacan ka hadal, kadib markii ciidamo taabacsan Korneelka iyo kuwa Itoobiya ay maalmo kahor isku rasaaseeyeen qaybo ka mid ah degmada Doolow, taas oo uga sii dartay xaaladda kacsan ee magaaladaasi. Kadib Barre Hiiraale iyo saraakiil ka socota ciidanka Itoobiya ayaa isugu yimid miiska wada-hadalka, taas oo keentay in arrinta lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in xaaladda la dajiyo, isla-markaana ciidanka la kala qaado, si aysan mar kale xabad uga dhicin halkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Korneelka loo ogolaaday inuu sii joogo degmada, maadaama horay ciidanka Itoobiya ugu amreen inuu ka ka baxo, taas oo keentay xiisadda. Dadaalladan guuleystay ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa mas’uuliyiinta degmada iyo waxgaradka deegaanka, ayada oo ujeedka uu yahay in xaaladda la qaboojiyo. Barre Hiiraale oo ah siyaasi caan ah oo kasoo jeedo gobolka Gedo ayaa dhowaan isugu sheegay inuu la dagaalami doono ciidamada Itoobiya, kadib wareysi uu siiyay BBC-da, wuxuuna ku eedeeyay inay dhibaato ka wadaan degmada, kuna amreen inuu ka baxo. Si kastaba, heshiiska labada dhinac ayaa si aad ah looga soo dhaweeyay degmada Doolow, maadaama maalmihii u dambeeyay ay xiisad ka taagneyd degmadaasi, taas oo hadda meesha ka baxaysa, maadaama khilaafkii u dhexeeyay labada dhinac uu soo dhammaaday. The post Xog: BARRE HIIRAALE oo la heshiiyay ciidanka Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  23. Mogadishu (HOL) - Somali military court sentenced two men to death on Saturday for killing several people in Galkacyo, the capital of the Mudug region. Source: Hiiraan Online
  24. Hay’adda Sirdoonka Nabadsugidda Qaranka ayaa soo qabatay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh “Saki” oo ah ganacsade kooxda Al-Shabaab dibadda u ga soo gadi jiray hubka iyo walxaha ay qaraxyada ka sameeyaan. Source: goobjoog.com
  25. Golaha Wakiillada oo Ansixiyay Isasaarka Doorashooyinka Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay isa saarka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda. Fadhigii maanta oo uu guddoominayay Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir (Fatatoon) waxa goluhu warbixin ja dhegaystay guddidii is waafajinta doorashooyinka ee goluhu hore u saaray, waxaanay guddidaasi golaha u soo jeedisay in la isa saaro labada doorasho iyadoo farsamo ahaan wax lagu daray qoddobada xeerka doorashooyinka. 64 xildhibaan ayaa ogolaaday soo jeedinta isa saarka doorashooyinka, halka 3 Xildhibaanna ay ka aamuseen, waxana diiday 7 Xildhibaan, sidaas ayuu ku meel maray xeerkaasi oo soo afjaray khilaafkii doorashooyinka ee muddada dheer ka taagnaa Somaliland. Qaran News