Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi. Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankaan uga wada-hadlay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidii loo sii joogteyn lahaa. Mudane Xamza ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada. Danjire Al-Rumaithi ayaa mahad-celin kadib, wuxuu xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha ku bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale waxa uu adkeeyey danjiraha sida ay dowladda Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada uu siiyo Soomaliya. Danjire Al-Rumaithi ayaa ugu dambeyntii ra’iisul wasaare Xamza soo gaarsiiyey casuumaadda shirka isbeddelka cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha DECEMBER 2023. Si kastaba, Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa haatan leh xiriir wanaagsan, kaasi oo aad u xumaa muddadii uu madaxweyne dalka ka ahaa Farmaajo, oo dowladdiisa ay ka door biday Qatar oo ay is-hayaan, balse Xasan Sheekh ayaa isbaheysi weyn ka dhigtay Abu Dhabi markii dib loo doortay. The post Sawirro: Maxay aheyd farriinta uu Axmed Al-Rumaithi soo gaarsiiyay Xamza? appeared first on Caasimada Online.
  2. EU foreign ministers on Monday gathered in the Ukrainian capital for an informal meeting, marking the first joint meeting of all 27 member states outside the EU. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo mads’uuuliyiin kale ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay geerida ku timid AUN marxuum cali Ugaas Cabdulle oo maanta ku geeriyooday isbitaalka Digfeer, kaasoo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, sidoo kalena dhalay Ugaaska Beesha Mudulood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas. Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey nabadaynta iyo horumarka dalkeenna Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa ee uu dalkeenna soo maray, Alle ha u naxariistee Cali Ugaas ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Safiirka dalka Talyaaniga iyo Duqii Magaalada Muqdisho Sanadkii 1987-1990, “Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiis, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooda Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka. Xamza ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas. Sidoo kale waxaa ka hadlay geerida ku timdi marxuumka inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, madax dhaqameedyada iyo qayabaha kala duwan ee bulshada. Marxuum Cali Ugaas ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen Duqii Muqdisho iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga. The post Madaxda dalka oo war kasoo saartay geerida duqii hore ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. Xilli wadamada Afrika qaarkood siweyn looga hadal haayay in wadamo dhowr ah oo aan Muslimiin aheyn ay dhaqan galinayaan sharci ahaanshiyaha dadka isku jinsiga ee isku galmooda, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhowaan madaxweynaha Uganda uu ku gacan seeray markii la hor keenay. Maxkamadda dastuuriga ee dalka Uganda ayaa bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah sharciga dadka isku jiinsiga ee isu galmooda oo laga dhaqan galiyay dalkaas, bishii May ee sanadkan, kadib markii uu saxiixay madaxweyne Yoweri Museveni. Sharcigaas ayaa ciqaab adag ku soo rogaya dadka isku jiinsiga ee wax iska doona, waxaana kamid ah in qofkaas lagu fuliyo xukun dil ah. Waxaana kaba sii daran hadii qofku galmo ku qasbo carruurta iyo dadka nugul, inuu marayo wadadaas dilka ah. Dadka gudbiyay dacwaddan, oo isugu jira kooxo shakhsiyaad ah iyo qaar kamid ah ha’yadaha u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa ku doodaya in sharcigaas la meel mariyay iyadoo aan laga wqeyb gelin dadka shacabka ah isla markaana uu ku xad gudbayo xuquuqda xornimada iyo dastuurka. Tallaabadan ay Uganda ku ansixisay sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ee isu galmooda, ayaa waxay sababtay in qaar kamid ah waddamada reer galbeedka ay joojiyaan kaalmihii dhaqaale ee ay siin jireen dalkaas isku ku dhaqma arrintaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dhusamareb (HOL) - The clan leaders from Habargidir, Murusade, and Hawadle have agreed to unite for a massive military operation against al-Shabab following a high-level meeting in Wara Dhumale village in the Galgadud region on Saturday. Source: Hiiraan Online
  6. Luuq (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee degmada Luuq ee ay soo magacowday Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kuwaas oo uu wareegto kusoo magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan. Sayid Aadan ayaa shalay xilalkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Luuq, Cali Kadiye iyo guddoomiye ku xigeenkii koowad ee degmadaasi Jeelle Xuseen Cabdi, wuxuuna u magacaabay mas’uuliyiin cusub, sida lagu shaaciyay wareegtada haatan soo baxday. Daahir Muxumed Nuur (Caato) ayaa waxaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee Luuq, halka guddoomiye ku xigeenka 1-aad isna loo magacaabay Jabarti Isaaq Aadan. Munaasabad ka dhacday degmada Luuq, ayna ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa xilalka kula wareegay maamulka cusub ee lasoo magacaabay, inkastoo guddoomiyihii hore ee degmada Luuq, Cali Kadiye uu ka maqnaa munaasabadaasi. Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Gedo Mudane Cismaan Nuur Xaaji (Macallimuu) oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isbedalka maamul ee dhacay iyo magacaabista maamulka cusub ee degmada Luuq. “Qof la beddalo maanta ma bilaabaneyso horay ayay u jirtay waa la beddalay maamulkii degmada, waxaana lagu beddalay maamulkaan cusub” ayuu yiri Macallimuu. Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay xubnaha cusub inay ka shaqeyaan horumarka deegaanka iyo wax ka qabashada ammaanka guud. “Waxaan rabnaa in bulshada si wanaagsan loo maamulo, waana filayaa in si wanaagsan loo maamuli doono, annaga magaaladaan waxaan u rabnnaa nabad-gelyo” ayuu sii raaciyay. Dhankiisa guddoomiyaha cusub Daahir Caato oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan madaxda ka sarreysa ee gobolka iyo Jubbaland. “Waxaan kula shaqeyn doonaa madaxda iga sarreysa awooddeyda iyo kartideyda inta uu ilaahey i siiyay” ayuu isna yiri guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay. Gobolka Gedo oo muddo ku jiray go’doon siyaasadeed ayaa waxaa dhowaan ka dhacay isbeddal maamul, waxaana si buuxa gobolka ula wareegtay Jubbaland oo markii hore laga diidanaa degmooyinka gobolkaasi, taas oo keentay inuu soo dhmaado khilaafkii dheeraa. The post Jubbaland oo isbeddalkii ugu horeeyay ku sameysay maamulka degmo ka tirsan GEDO appeared first on Caasimada Online.
  7. Jowhar (HOL) - A massive fire engulfed a market in Jowhar town, the interim capital of the Hirshabelle regional state, on Saturday night. Source: Hiiraan Online
  8. Duqeymaha diyaaradaha Ruushka ay ka fuliyeen ee gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine habeenimadii xalay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof lix kalana waa ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan laba carruur ah, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Oleksandr Prokudin. Kyiv ayaa sheegay in Moscow ay qaaday ugu yaraan 10 gantaal iyo 89 weerar oo cirka ah oo ka dhacay Ukraine maalintii la soo dhaafay. Taas ayaa keenta in Ruushka uu la kulmo eedeynmo ku aadan dambi dagaal, sida dhwaan laga soo gudbiyay madaxweyne Vladimir Putin. Warbin lasoo saaray ayaa lagu sheegay iney jiraan warbixinno ku saabsan adeegsiga gantaallada S-300 oo noqday kuwo soo noqnoqda dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, waxaana inta badan loo adeegsaday dhulka ay degan yihiin dadka rayidka oo waxyeello sababay. Yevgeny Prigozhin oo ku dhintay shil diyaaradeed 40 maalmood ka hor maanta oo Axad ah, ayaa taageerayaashiisa ku tilmaameen inuu ahaa geesi waddaniyad u leh Ruushka inkasta oo uu ahaa hoggaamiye calooshood u shaqeystayaal ah saameyntiisii dagaalka. Duqeymaha diyaaradaha Ruushka ay ka fuliyeen gudaha Ukraine ayaa wali sii soconaya, xilli dowladaha reer Galbeedka ay wali sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan Ruushka eek u aadan joojinta weerarrada uu ku hayo dhulka ay degan yihiin dadka Rayidka ah oo saameyn reebtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ree howlgallada ka wada deegaanada Galmudug. Xubnahan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 30 ayaa waxaa ku jira horjoogayaal sar sare, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahaan ay iska soo dhiibeen furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga deegaanka Bulacle oo bari ka xiga Dhuusamareeb. Saraakiisha milatariga ee aan la xiriirnay ayaa shaaca ka qaaday in lasoo dhaweeyay xubnahaan, isla-markaana ay haatan ku jiraan gacanta dowladda, waxayna intaasi ku dareen inay mari doonaan habraaca loogu talagalay xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa raggan kasoo baxay Al-Shabaab iyo horjoogayaashooda ay wataan hub ay kala goosteen kooxda, ayada oo lagu soo dhaweeyay duleedka Dhuusamareeb. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnahan ayaa kamid ah raggii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Galgaduud, waxayna horay dhibaatooyin ugu gaysteen shacabka. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay arrintaan ka hadasho, soona bandhigto xubnaha isa soo dhiibay oo tiro ahaan noqonayo kuwii ugu badnaa oo hal mar soo goostay. Tani ayaa qayb ka ah xubnaha kasoo tegaya Al-Shabaab, kuwaa soo aad usoo kordhayay maalmihii lasoo dhaafay, waxayna ku timid cadaadiska ay kala kulmaan howlgallada iyo duqeymaha ka soconaya qaybo badan oo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya guluf dagaal oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, loogana qabsaday dhul ballaaran. The post Xog: Horjoogayaal iyo xubno kale oo isku soo dhiibay DF appeared first on Caasimada Online.
  10. Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan saddex caruur ah ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen gudaha dalka Mexico, kadib markii saqafka sare ee Kaniisad uu soo dumay xilli ay socotay xaflad, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka. Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalo xeebeedka Ciudad Madero ee waqooyi bari ee gobolka Tamaulipas maalintii Axadda, arrintaan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii saqafka Kaniisadda uu gabow ahaa oo uusan dayactir helin muddo. “Nasiib darro, 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen. Dadkan, shan ka mid ah waa dumar, laba rag ah iyo saddex carruur ah,” Americo Villarreal, oo ah guddoomiyaha gobolka Tamaulipas, ayaa u sheegay saxafiyiinta goobta ku sugnaa. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in lagu guuleystay in lasoo wada saaro dadkii ku geeriyooday goobta oo la helay Meydadka, isaga oo raaciyay in dadka dhaawaca ay gaaraan ilaa 60 ruux, halka ay jiraan ilaa sedex ruux oo halis ku jira. “Shaqaalaha gurmadka ayaa isku dayayay inay ka soo saaraan meydka qof dumar ah oo burburka ku jira, balse tirada dhimashada ayaan la fileyn inay intaasi ka badato, maadaama dhammaan dadkii la la’aa la wada helay”, ayuu raaciyay hadalka. Ugu yaraan 60 qof ayaa laga daweeyay dhaawacyo, Villarreal ayaa sheegtay, iyadoo 23 ay wali ku jiraan isbitaal “Laba qof ayaa qaba dhaawacyo halis ah, noloshooda waxaa laga yaabaa inay halis ku jirto,” ayuu kisoo gabagabeeyay hadalkiisa. Jose Armando Alvarez, oo ah hoggaamiyaha kiniisadda maxalliga ah, ayaa ku sheegay muuqaal la soo dhigay baraha bulshada in “saqafka kaniisadda uu dumay intii lagu jiray dabaaldegga Eucharist”, isaga oo tilmaamay in laga taxadari doono dhismaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ciidanka Dab-demiska Berbera ayaa habeenimadii xalay demiyay dab Qabsaday Markab, yaalay dekedda Berbera. Ciidanka ayaa ku guuleystay badbaadinta hantidii markabkaas iyo xakamaynta dabkaas, Mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Source
  12. Maxaas (Caasimada Online) – Qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartAmaha Soomaaliya ayaa u heshiiyay kooxda Al-Shabaab, kadib shirweyne ka dhacay deegaanka Waradhuumale ee gobolka Galgaduud. Shirkan oo aha mid xasaasi ah ayaa u dhexeeyay Beelaha Habargidir, Murusade iyo Xawaadle, waxaana sidoo kale ka qayb-galay xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan. Saddexdaan beelood ayaa ku heshiiyay inay meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab, ayna iska kaashadaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Hiiraan. Xubnaha shirka ka qayb-galay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna si wadajir ah u wada geli doonaan dagaalka socda. Cali Jayte oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa ka hadlay heshiiskooda, wuxuuna sheegay in Beelaha Xawaadle, Murusade iyo Habargidir ay isku raaceen in si wadajir ah looga wada qeyb-aato la dagaalanka Al-Shabaab, isaguna uu wax ka hoggaamin doono dagaalka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilligan la joogo watigii la’iska dulqaadi lahaa Al-Shabaab, ayna muhiim tahay inay u wada midoobaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed. “Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen bulshada ku nool gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, maanta waxaa la jooga xiligi aan iska dulqaadi laheyn, waxaan ka koobanahay sadax beelood waa inaan dhulkeena ka xureyna oo beenta ay Diinta anagana naga sheegaan aan soo afjarno” ayuu yiri Cali Jayte Cismaan. Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah Xildhibaanada kulanka qeybta ka ahaa ayaa xusay in go’aanka ay gaareen saddexda beelood uu yahay midkii lagu soo gabagabeyn lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda Galmudug iyo HirShabelle. “Waa markii ugu dambeysay, wax badan ayaa isku imaanay oo aan wada-hadalnay, welina nimankii waa joogaan, laakin waa inay maanta ugu dambeysaa hadalka oo aan iska kicino nimanka” ayuu isna yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar. Si kastaba, gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda guluf xoogleh oo ku aadan la dagaalanka Al-Shababa, kaas oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda. The post Habar-gidir, Murusade iyo Xawaadle oo ku heshiiyay in… appeared first on Caasimada Online.
  13. Xilli abaabulka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu marayo heer gabagabo ah, ciidankuna ay qorshenayaan in ay qaadaan duulaanno kale duwan ayaa waxaa soo baxaya isbaheysiga ay beelaha yeelanayaan si ay isaga garabsadaan dagaalka Al-shabaab. Kulan u dhaxeeyay beelaha Habargidir, Murusade iyo Xawaadle oo ka dhacay deegaanka Wara dhumale ee gobolka Galgaduud, ayaa looga dhawaaqay isbaheysi ay yelanayaan beelahaan, xilli la sheegay inuu beesha Duduble ay kusoo biireyso, sida wararku sheegayaan. Kulanka oo ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiiro, Siyaasiyiin horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa looga hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli ciidanku ay ku wajahan yihiin bariga gobolka Galgaduud. Cali jeyte Cismaan oo dhowaan loo doortay madaxweynaha Hiiraan State oo ka hadlay goobtaas ayaa sheegay in sadaxda beelood ee Xawaadle, Murusade iyo Habargidir ay isku raaceen in si wadajir ah looga wada qeyb qaato la dagaalanka kooxda Al-Shabaab. “Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen bulshada ku nool gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaa la jooga xiligi aan iska dulqaadi laheyn, waxaan ka koobanahay sadax beelood waa inaan dhulkeena ka xureyna oo beenta ay Diinta anagana naga sheegaan aan soo afjarno” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan. Masuuliyiinta beelaha ee ka qeyb galay kulanka waxay dhamaantood sheegeen iney u diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah oo hagar la’aan ku jirto loo wada galo dagaalka Al-shabaab lagu ciribtiraayo. Kulankaan sadaxda beelood ku dhexmaray deegaanka Wara dhumale waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan gobolka Mudug looga dhawaaqay sidaan oo kale isbaheysi ay ku jiraan beelaha Sacad, Surre, Saleebaan iyo Saruur oo dagaalka ku jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Israa’iil ayaa heshay meydad tahriibayaal ah oo ku qaraqmay xeebaha dalkeeda, ka dib markii sida la sheegay dooni la degtay ay xeebta kusoo caariday. Saraakiisha xeebaha ee dalkaas ayaa sheegay in maydadka la helay ay 7 kamid ah kasoo jeedaan Soomaaliya iyo hal Turki ah. Ilaa hadda ma cadda sababta dadkani u geeriyoodeen. Warbaahinada qaar ayaa qoraysa inay muhaajiriintu doonta ka dageen, kaddib markii ay xeebta usoo dhowaadeen. Warar kale ayaa sheegaya in doontu cillad farsamo ay soo waajahday, kaddibna ay degtay. Booliiska Israa’iil ayaa billaabay howlgal ballaadhan oo ay ku baadigoobayaan cid kasta oo laga yaabo in ay doonta saarnaayeen. Muhaajiriin badan oo isku dayay in ay Yurub ka galaan badda Mediterranean-ka, ayaa nolashooda ku waayay ama halis weyn galiyay. dhacdadii ugu dambeysay ayaa ahayd, 78 qof oo la waayay markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Mediterranean-ka bishii June. Ciidamada Liibiya ayaa soo badbaadiyay 100 ruux oo la sheegay in ay ka soo ambabaxeen dalka Liibiya ayna ku wajahnaayeen dalka Talyaaniga, kuwaasi oo ka yimid dalka Masar. Dadka dhintay waxaa ka mid ah tahriibayaal u dhashay dalalka Masar, Pakistan, Syria iyo qaar ka soo jeeda dhulka Falastiin. Source
  15. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa siweyn uga weeerarkii ka dhacay caasimadda Ankara, isaga oo ku tilmamay fal “Argigixiso”, waxaana uu carabka ku dhuftay in aysan marna ku guuleysan doonin hadafkooda, sida uu hadalka u dhigay. Saacado kadib markii qarax ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee Ankara uu dhaawacay laba sarkaal oo Boolis ah, kadib markii laba ruux ay weerareen dhismaha, halka uu isqarxiyay mid kamid ah, ciidanka ammaanka ayaa toogtay mid kale. Qaraxa xooggan ee ka dhacay bannaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo uu xigay holac ballaaran, ayaa waxaa laga maqlay dhowr km ka baxsan goobta weerarka lagu qaaday, taas ayaa keentay in ciidanka Booliiska dalka heegan la galiyay. Mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay Kooxda Kurdish-ka ee PKK, oo Turkey iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ay u aqoonsan yihiin argagixiso, taasi oo sanado badan wadday dagaal muqaawo oo ka dhan ah Ankara. Degmada la beegsaday ayaa hoy u ah dhowr wasaarado oo kale iyo baarlamanka Turkey “Xaasidka khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta ma aysan gaarin hadafkooda, waligoodna ma gaari doonaan,” ayuu Erdogan u sheegay baarlamaanka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka fuliyey ay abaare 9:30 am gaari ganacsi ku yimaadeen “albaabka laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayna fuliyeen weerar bam.” “Mid ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyey. Kan kale waxaa dilay xabbad madaxa looga dhuftay kahor inta aanu helin fursad uu isku qarxiyo,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ali Yerlikaya. Weerarka lagu qaaday qaaday dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha dalka Turkiga ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan madaxweynaha Turkiga uu talada dalkaas hoggaaminteeda uu ku guuleystay markii sedexaad uu hoggaaminayo Turkiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. In a heartwarming and inspiring ceremony held on Saturday evening 30th September at the Hamdaan Hotel in Hargeisa, a remarkable new chapter unfolded for the special needs community in Somaliland. The occasion marked the official opening of the Life Line Center, a state-of-the-art facility dedicated to providing comprehensive care and support for special needs children. The grand inauguration was graced by the presence of esteemed dignitaries, including Mr. Ahdihakim Sead Bustaale, the Deputy Education & Science Minister, who officiated the event. Source: Hiiraan Online
  17. Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka Soomaliyeed G/ sare Dayax Cabdi Cabddulle oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale ayaa gaaray deeeganka Biyacadde ee gobalka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo fadhigodu yahay deegaanka ayaa halkaas ku soo dhaweeyay Wafdiga taliyaha, waxaana ujeedka socdaalkiisa lagu sheegay dardar galinta howlgalka Al-shabaab looga saarayo dalka ee ka socda gobolka. Degaanno katirsan Shabeellaha dhexe waxaa ka soconayo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab,halkaa oo sheegay in xubno ka tirsan kooxda lagu dilay, gaar ahaan deegaanno hoos taga magaalada Mahadaay ee Jiinka Wabiga Shabeelle. Safarka taliya ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kormeerrada taliska ciidanka xoogga dalka ay ku sameynayaan deegaannada ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka, taas oo loogu kuurgalo xaalada ciidanka iyo howlgallada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Jean Paul Kubwimana, a Rwandan resident, is engaged in a lucrative greenhouse farming venture after receiving support from the Sustainable Agricultural Intensification and Food Security Project (SAIP), a project funded by the World Bank. Source: Hiiraan Online
  19. Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka ka socda degaan lagu magacaabo Balli-soofe oo ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan dhexmaraya laba maleeshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Galdogob iyo Bandiiradley ee gobolka Mudug. In ka badan 6 ruux oo labada dhinac ah ayaa ilaa iyo hadda ku geeriyooday dagaalka waxaana ku dhaawacmay tiro kale sida laga soo xigtay dadka degaanka. Wararka ayaa intaas ku daraya in xiisad beeleed oo maalmihii u danbeeyay halkaas ka taagnayd ay sababtay dagaalka labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed oo xooggan oo ka socda duleedka degmada Galdogob appeared first on Puntland Post.
  20. The Organization of Islamic Cooperation (OIC) and several Islamic countries condemned the terrorist attack in the Turkish capital Ankara on Sunday. Source: Hiiraan Online
  21. The migrants in question are not believed to have come onto land, but are believed to have drowned. Source: Hiiraan Online
  22. The player had expressed desire to represent Kenya, but it appears that Somalia has beaten Kenya to the punch with this unexpected call-up. Source: Hiiraan Online
  23. Qaramada Midoobay ayaa ka digeysa dhibaatooyin caafimaad iyo macluul daran oo ka dillaaci karta waddanka South Sudan oo xilli ay sidoo kale dhici karto in xaaladda dalkaasi ay uga sii darto duufaanta El Niño, oo ah cimilo wadata kuley iyo roobab xad-dhaaf ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 6.3 milyan oo dadka South Sudan ah ay la il-daran yihiin gaajo aad u daran, iyada oo in ka badan 9 milyan oo ka mid ah dadka dalkaas oo 12 milyan ah ay ku tiirsanaan doonaan gargaar bani’aadannimo. Qoraal kasoo baxay hey’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa lagu sheegay in abaaraha iyo gaajada daran ee xilligaan jirta ay sii adkeyn karto nolosha Malaayiin reer Sudan ah, kuwaas oo ku nool dhulka miyiga ah iyo gobolka Daarfuur. “Daraasiin carruur ah ayaa dhimanaya maalin kasta – taasoo ka dhalatay iskahorimaadkan ba’an iyo feejignaan la’aanta caalamiga ah. Waxaan ka hortagi karnaa dhimasho badan, laakiin waxaan u baahanahay lacag si wax looga qabto, helitaanka kuwa u baahan, iyo wax walba oo ka sarreeya, joojinta dagaalka.” Ayaa lagu yiri warbixinta. Qoraalka kasoo baxay WHO ayaa sidoo kale lagu sheegay in dunida maskac iyo lacgtaba ay isugu geyso sidii loo badbaadin lahaa caruur badan oo reer Sudan ah oo dhiobaato ugu jira in ay u dhigtaan gaajo iyo nafaqo darri, oo wajahaya xaalad adag. “Dunidu waxay haysataa macne iyo lacag si looga hortago mid kasta oo ka mid ah dhimashadan jadeecada ama nafaqo-xumada,” ayuu yiri madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Filippo Grandi, maanta oo hadlayay. South Sudan ayaa waaxaa wali ka taagan qulqullatooyin ku saleysan dhanka Qoomiyadaha, waxaana si joogta ah uga dhaca dagaallo, kuwaas oo ay hormuud u yihiin reeraha ay kasoo kala jeedaan madaxweynaha iyo ku-xigeenka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Ciidamada Badda ee dowladda Senegal ayaa sheegay Axaddii in ay joojiyeen labo doonyood oo kale oo ay la socdeen tahriibbayaal gaaraya 262 qof kuwaas oo doonayay in ay mar kale tahriibaan. Wadarta doomaha la qabtay tan iyo Khamiistii ayaa noqonaysa 5, waxayna tirada ku tahriibbaysa ahaayeen 600 oo qof. Dad ka la soo badbaadiyay ayaa isugu jira 26 haween ah iyo 13 caruurra oo aan qaan gaadhin, sida ay barta X ku sheegeen ciidamada badda ee Senegal. Talaabaddan lagu joojiyay doomaha tahriibka ayaa imaanaya xiligan xagaagga oo qulqulka tahriibku kordhay, kuwaas oo doonaya qaaradda Yurub. Goobjoog News Source: goobjoog.com