Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tan iyo markii Canada ay sheegtay in wakiilo ka tirsan dowladda India ay kaalin ku lahayaeen dilka hoggaamiye Siikh oo ka dhacay ciidda Canada, xiriirka diblomaasi ee labada dal ayaa xumaaday, heer hadalku uu gaaray saafadda. Waxaa hadda la is-weydiinayaan kaalinta Mareykanka uu ka cayaari karo muranka u dhaxeeya laba ka mid ah xulufadiisa, oo weli socda, xilli dhowaan Ra’iisulwasaaraha India Moddi iyo Biden ay isku afgaareen shirkii G20 ee Delhi Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Khamiisti la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda India Subrahmanyam Jaishankar. Illaa hadda, Mareykanka kama hadal haddii uu kaalin dhex-dhexaadin cayaarayo. “Kama hadli doono waxa ay isugu sheegeen wada sheekeysi diblomaasi oo gaar ah. Waxaan ka hadlayaa waxa aan oranayo ama aynu dhaheyno. Taasina waa, waxaan ku boorineynaa inay ka wada shaqeeyaan baaritaanka Canada,” waxaa sidaas yiri Matthew Miller oo ah afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa Aqalak Golaha Wakiilada Canada iyo doceedka Shirka Golaha Guud ee QM ka sheegay in wakiilo ka socday dowladda India ay kaalin ku lahaayeen dilka Hardeep Singh Nijjar, oo si dhiifoon ugu ololeyn jiray dal Sikh leeyihiin oo ka madax-banaan India, kaasi oo lagu dilay duleedka magaalada Vancouver bishii June. Inkasta oo dowladda India ay Nijjar u aragtay argagixiso baxsad ah, haddana waxay tuhunka Canada ugu yeertay “doqonnimo.” Hase yeeshee Jaishankar waxa uu sheegay in India ay diyaar u tahay inay eegto caddeymaha. “Weli waxaynu u baahannahay inaan ogaanno faah-faahinta, laakiin waxay dhalineysaa su’aal ku saabsan madax-banaanida dhuleed, iyo in dimoqraadiyadda ay ilaalin karto muwaadiniinteeda, iyo in dimoqraadiyadaha ay is-aamini karaan,” ayuu yiri Leland Lazarus oo ah cilmi-baare amni oo ka tirsan Jaamacadda Florida International University. Ayada oo aan iska fogeeneyn Canada oo xulufo muhiim u ah, sidoo kale dan ayaa ugu jirta Mareykanka inuu ku dhowaado New Delhi, sida uu sheegayo Patrick James, oo ah khabiir ku takhasusay xiriirka caalamiga ah oo ka tirsan Jaamacadda University of Southern California. “Inaan laga caraysiin India oo lala saaxiibo India xilli ay jiraan walaacyo dhab ah oo ku saabsan haddii uu jiro kheyraad ku filan oo lagu xakameyn karo isbahaysiga Shiinaha iyo Ruushka oo hadda u muuqda mid aad u xooggan,” ayuu yiri Patrick James oo ah fallanqeeye xiriirka caalamiga ah oo ka tirsan Jaamacadda University of Southern California. Ayada oo bulshooyinka Sikh ee qeybo kala duwan oo caalamka ah ay dalbanayaan jawaabo, saraakiisha Mareykanka ayaa ku booriyey India inay Canada kala shaqeyso baaritaanka, waxayna carabka ku adkeeyeen in caburinta xuduudaha ka baxsan ee meel kasta oo caalamka ah ay walaac ku tahay wahsingotn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. The United Nations Security Council on Monday approved a Kenyan-led mission aiming to bring stability to Haiti, a year after leaders in the violence-ravaged Caribbean nation first pleaded for help. Source: Hiiraan Online
  3. Garowe (HOL) - Puntland Regional State Planning Minister Mohamed Said Faroole has accused President Hassan Sheikh Mohamud of involvement in deadly inter-clan fighting in the Mudug region. Source: Hiiraan Online
  4. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-Gauddud ku soo dhaweeyey Wasiiiro,Xildhibaano Saraakiil katirsan Maamulka goleyaasha maamulka, waxaana loosoo galbiyay gudaha magaalada Baydhabo. Wafdiga Wasiirka waxaa qayb ka ah Wasiirada Warfaafinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasinka Warfaafinta Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale. Ujeedka Safarka Wasiirka ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shir wadatashi ah oo Wasiirada Warfaafinta dowladda Federaalka kuwa dowladd Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo magaalada uga furmaya wasaaradaha heer federal iyo heer gobol. Shirka ayaa muddada uu socdo waxaa looga hadli doonaa wadashaqeynta wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaana siweyn loogu gorfeyn doonaa sidoo kale fulinta heshiisyadii hore dhinacyadu ay usoo gaareen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarshada dalkaasi Youssef Al-Bunyan. Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha hiddaha iyo dhaqanka iyo in ay is kaashi ka yeeshaan tayaynta waxbarshada asaasiga ah ee labada dal, xilli dowladda Sucuudiga muddooyinkii dambe ay xiriir fiican la laheyd dowladda Soomaaliya, tan iyo isbedelkii hoggaanka dalka. Wasiir Faarax ayaa sidoo kale kulan la yeeshay guddoomiyaha xarunta howlaha gargaarka iyo bini’aadannimada ee Boqor Salmaan, Dr; Cabdalla Bin Cabdi Casiis Ar-rabiica, iyagoo ka wada hadlay sidii loo laba jibaari lahaa taageerada ay boqortooyada Sacuudiga u fidiso dowladda Soomaaliya Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xarunta samafalka ugu mahd celisay taageerada ay Soomaaliya u fidiso sida Waxbarshada, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyada kale ee asaasiga ah, wasiir Faarax ayaa siweyn loogu amaanay inuu wax badan ka qabtay waxbarashada dalka tan iyo markii la magacaabay. Dowladda Soomaaliya oo ku jirta ururka Jaamacadda Carabta ayaa dowladda Sucuudiga waxaa ay qeyb ka tahay dowladaha ka taageera dhinacyo kale duwan, kuwaas oo intooda badan ku qotoma hormarinta arrimaha bulshada iyo kaabayaasha muhiimka u ah sida Waxbarashada Caafimaadka iyo kuwa kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Lafta-gareen ayaa halkaasi kulamo kula yeelan doona madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu halkaasi u jooga soo afmeerida wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab. Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarka Lafta-gareen ee Dhuusamareeb ayaa yimid ka gadaal culeyska siyaasadeed ee uu ka wajahayo mucaaradkiisa, islamarkaana uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb kula kulmay siyaasiyiinta ay is-hayaan Lafta-gareen. Kulamada Xasan iyo Lafta-gareen ayaa waxaa lagu lafa-guri doona dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah iyo buuqa siyaasadeed ee ka taagan doorashada kursiga Lafta-gareen, xilli muddo kooban ay u harsan tahay. Xasan oo iska lahaa dalabka u yeerista Lafta-gareen, ayaa muhiimad gaar ah siinaya sidii gulufka Al-Shabaab ka dhanka ah looga bilaabi lahaa Koonfur Galbeed, ayada oo saameyn ku yeelan hardanka siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi. Sidoo kale kulamadaas kadib, Lafta-gareen ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ay ka wada-hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda iyo wada-shaqeynta labada dhinac Lafta-gareen ayaa xilligaan wajahaya culeys siyaasadeed uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana doorasho la aado bilaha soo socda. Xubnahaan oo isugu jiray guddoomiyeyaashii hore ee golaha shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Gabeed ayaa dhawaan waxay madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmeen Dhuusamareeb, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda Koonfur Galbeed. Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan, waxayna sidoo kale magaalada Muqdisho ku qabsadeen xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, taasi oo ay kaga dhawaaqeen go’aanno culus oo ka dhan ah Lata-gareen, oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka. Si kastaba, Doorashada maamulka marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab. The post Madaxweyne Lafta-gareen oo safar u ah Dhuusamareeb iyo xogta socdaalkiisa appeared first on Caasimada Online.
  7. Hay’adaha caalamiga ah iyo qaarka mid dawladaha Geeskuba waxa ay ka digayaan isbeddel cimileed oo khatartiisu baahi karto, oo ay ka mid tahay duufaanta El Niño. Meelaha xeebaha iyo dhulka Wabiyada ee Soomaaliya ayaa ka mid goobaha khatartaas wajihi kara, xilli sidoo kale lagu dhawaaqay in laga fogaado dhulka Dooxooyinka ah. Marka taas laga tago muddooyinkii u danbeeyey isbeddelka cimillada oo adduunka oo dhan saamaynaya ayaa laga qaylo dhaamiyay oo dhibaatooyin badan laga wajahayaa. Soomaaliya meelaha si gaar ah loo saadaalinayo ayaa ah dhulka xeebaha ah, dadka ka ag dhaw meelaha webiyadu maraan iyo goobaha biyo mareennada ah. Magaalooyinka Beledweyne, Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha wasaaradda cimillada iyo deegaanka Soomaaliya ay si gaar ah uga digayso in ay saameyn karto. Sidoo kale magaalooyinkii markii horeba caanka ku ahaa fatahaadaha iyo daadadka ayaa iyana la saadaalinayaa in ay la kulmi karaan isbeddel cimileedka El Niño. Dadka deggan meelaha khatarta ka dhici karto waxaa ugu muhiimsan ee lagula taliyo ayaa ah inay helaan xogta isla mar ahaantaana la socdaan fariimaha ka imanaya dawladda iyo hay’adaha ay khusayso. Arrimaha muhiimka ah in la fuliyo marka aad khatarta El Niño dareento waxaa kamid ah: Ka bax gurigaaga haddii aad dareento in ay khatar tahay: Haayadda Ttravel insurance ayaa ku doodaysa in qofku kolka uu ogaado in dhismuhu khatar yahay ay lagama maarmaan tahay in uu ka baxo. Sii qaado waxyaalaha muhiimka haddii aad ka baxdo gurigaaga: Haddii ay qasab noqoto in aad ka baxdo gurigaaga, sida ay soo jeediyeen waaxda ka hortagga masiibooyinka ee Maraykanka, isku day in aad sii qaadato qalabyadan muhiimka ah: • Saddex maalmood oo cunto iyo biyo ah • Daawooyinka muhiimka ah • Toosh • Baytariyada dabka • Lacag • Qalabka gargaarka degdega ah ‘haddii aad haysato’ Calaamadayaso goobta badbaadada: Haddii ay kugu qasabto in aad guurto ama ka baxdo hoygaagii waa in ay kuusii qorshaysnaataa halka aad aadi doonto, si aanay marka u danbaysa xaalad lama filaan ahi kuu qabsan. Ugu dambeyn talo saarashada Alle Waa talada ugu weyn Ee Aan bixino. W/Q/ Salmaan Bashiir Source: goobjoog.com
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa ka qayb-galay shirweyne gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika. Madasha uu Biixi ka qayb-galay ayaa ah furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative), kaas oo looga hadlayo arrimo muhiim ah. Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika, kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan. Wasiir Biixi Imaan Cige oo furitaanka khudbad ka jeediyay waxa uu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgelinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska. Sidoo kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo isugu markii ugu horreysay ka qeybgalaya shirkaan ayaa shaaca ka qaada inuu si diiraan usoo dhaweeyee shirka. Dhankiisa wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya Mudane, Axmed Shide oo ah guddoomiyaha sanadkan ee iskaashiga wasiirada maaliyadda ee Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay dowladda federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay kala shaqeyn doonaan, sidii inta dhiman guul looga gaari lahaa, si Soomaaliya ay uga soo kabsatay deymaha malaayiinka ee lagu leeyahay. Si kastaba, shirka sanadkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Soomaaliya ay horumarweyn ka sameysay dhanka dhaqaalaha iyo dakhliga gudaha oo ay si weyn loogu boggaadiyay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Somalia oo ka qayb-gashay shir ay waddamada Geeska Afrika ku yeesheen Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  9. Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladda deegaannadii shalay uu ka dhacay dagaal beeleedka ay saaka ka deggan tahay sidii hore, inkastoo wali ay is hor-fadhiyaan meleeshiyaadkii dagaallamay oo aan lagu guuleysan in la kala qaado. Shalay dagaalkii dhacay oo aad u xooganaa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 ruux oo labada dhinac ah, halka 50 kale oo labada dhinac ay soo gaareen dhaawacyo kale, kuwaas oo labada dhinac ah, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo halkaasi. Wararka laga helayo deegaannada miyiga ah ee dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegaya in gurmad ay helayaan dhinacyada dagaallamaya kaas oo uga imaanaya deegaannada ay ka soo kala jeedaan labada beelood ee gobolka Mudug wada dega. Maamullada gobolka ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in si wada jir ah ay uga shaqeynayaan sidii dagaalka loo joojin lahaa, oo xaaladda dib loogu soo celin lahaa sidii hore, waxaana dagaalkaan uu sababay dilal siyaabo kale duwan u dhacay. Waxaa sidoo kale socda dadaallo ay dhankooda wadaan waxgaradka labada dhinac oo ay ku doonayaan in lagu joojiyo dhiigga daadanaya iyo dagaalka labada dhinac, waxaana siweyn looga dareemayaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob. Gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe beelaha wada dega waxaa dhex yaallay heshiis ay ku wada noolaayeen, kaas oo dhinacyada ay ku kala nabad geli jireen, waxaana cabsi laga qabaa inuu mar kale dagaalka uu dib u qarxo labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda dalka, ayaa soo jeediyay arrimo dhowr ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyntii waxa uu sheegay in guubaabada dagaalka ay tahay inay ku jeedo askariga dhimanaya ee dagaalka ku jira, qaddiyada loo dirarayo iyo caddaynta cadawga lala dagaalayo. Waxa uu dhaliilay in warbaahinta ay buun-buuniso siyaasiyiinta, ayna tahay in kaamirada iyo warbaahinta lagu jeediyo geesinnimada askarta dhimaneysa ee u dhaawacmeysa xoreynta dalkeenna. “Anaga waxaa rabnaa in cidda mudnaanta la siinayo ee la buun-buuniyo dagaalka inay noqoto askariga dhimanaya weeyi. Annaga siyaasiyiin ayaa nahay, laakiin haddii kaamirada iyo warbaahinta dagaalka lagu galayo siyaasiga maanta dhan lagu jeediyo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dagaalka macno ma yeelanayo haddii aan askariga dhimanaya, kan dhaawacmaya iyo kuwa iska dhinac dagaalamaya. Mida labaad waxaa waaye in warbaahinta ku jirto waaye maxaa loo dagaalamay, howl-galka qeexitaankiisa, in maanta dhan anaga nagu daba jiro oo uu na sawiro ma ahan.” Sida muuqata Cabdiraxmaan ayaa la dhacsaneyn dhaqanka muddooyinkii dambe ay siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dowladda iskaga dayanayaan, kaasi oo ah in warbaahinta dowladda loo adeegsado sidii magac loogu heli lahaa dagaalka socda, ayada oo socdaalkooda uusan macno badan u sameynayn gulufka socda. In la dhiiri-geliyo ciidanka, ayna masuuliyiinta aadan furinta waa arrin wanaagsan, hase yeeshe dhaqankaan ayaa wax badan ka duwaneyn mashruuca la magac baxay “igu sawir iyo iga gaarsii” oo aan macno badan soo kordhineyn. Si kastaba, Wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shababa oo haatan dardar ku socda ayaa waxaa kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda. Sidoo kale waxaa kooxda tan iyo markii uu billowday dagaalka looga laayay xubnihii u badnaa oo ay ku jiraan horjoogayaal, sidoo kale waxaa dowladda usoo galay madax ka tirsan kooxda iyo xubno sanado ka barbar dagaalamayay, kuwaasi oo ka faa’iideystay cafis ay dowladda u fidisay. Hoos ka daawo muuqaalka CC Shakuur The post Daawo CC Shakuur: Kaamirada dagaalka ha laga leexiyo siyaasiyiinta oo… appeared first on Caasimada Online.
  11. African leaders are advocating for a fair and standard global financial setup, using the just concluded United Nations General Assembly (UNGA) to drive the point home. Source: Hiiraan Online
  12. DUBAI, United Arab Emirates (AP) — A Saudi soccer team refused to play a match in Iran on Monday because of the presence of busts of a slain Iranian general placed on the sidelines, Saudi state media reported. Source: Hiiraan Online
  13. Doolow (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo kooxda Al-Shabaab doonaysay inay ka fuliso gobolka Soomaalida ee Itoobya. Weerarka ayaa waxaa fashiliyey ciidamada Itoobiya ee fadhiggoodu yahay degmada Doolo-ado ee gobalka Liibaan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, sida uu sheegay Sarreeye Guuto Getachew Habtamu, oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya ee ee fadhiggooda yahay Doollo-Ado. “Kooxda argagixisada ah ayaa doonaysay in ay weerarka ku fuliso 6 jeerigaan oo ay kiimiko iyo walxaha qarxa kasoo buuxiyeen iyo 3 kun oo rasaasta bireenka ah, si ay ugu waxyeeleeyaan Hantida umada iyo shacabka rayidka ah ee ku dhaqan degmada Doollo-Ado ee gobolka Liibaan,” ayuu yiri taliyaha. Waxa uu intaas ku daray “Hase ahaate waxaa halistii argagixisadu soo maleegtay ka hortagay oo gacanta ku dhigay ciidamada difaaca qarabka iyo ciidanka ammaanka ee degmadaasi Doollo-Ado.” Sidoo kale Sarreeye Guuto Getachew Habtamu oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya ee ee fadhiggooda yahay Doollo-Ado ayaa sheegay in Al-Shabaab ay marar badan isku dayeen inay gudaha Itoobiya ka geystaan burburin hantiyeed iyo falal argagixisonimo. Al-Shabaab ayaa marar badan qaraxyo la beegsatay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, hase yeeshee kooxda ayaan inta badan ku guuleysan inay qaraxyo ka sameyso gudaha Itoobiya, si la mid ah dalka Kenya oo tobaneeyo qarax ay ka fulisay. Al-Shabaab ayaa 17-kii waxay ciidamada Itoobiya dagaal xooggan kula gashay gobolka Bakool. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid. Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari. Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.” The post Qaraxyo Al-Shabaab ay ka fulin rabtay gudaha dalka Itoobiya oo la fashiliyey appeared first on Caasimada Online.
  14. The Food and Agriculture Organization (FAO) of the United Nations said Monday its Somalia Water and Land Information Management (SWALIM) Unit is ramping up mitigation measures, including mapping out flood-prone areas ahead of the expected El Nino rains. Source: Hiiraan Online
  15. Kenyan-born defender Abdi Muya Salim who plays for Orlando City in the US Major Soccer League has been called up to the Somali national team for the coming World Cup qualifiers. Source: Hiiraan Online
  16. U.S. House Speaker Kevin McCarthy is facing an extraordinary referendum on his leadership of the House of Representatives after a conservative member of his own conference, a longtime critic, moved to trigger a vote on whether he should remain at the helm. Source: Hiiraan Online
  17. When someone yelled "Gunshots!" in the middle of celebrations for the newly-married bride and groom, Fowsia Hussein had a difficult choice to make. Source: Hiiraan Online
  18. Jowhar (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa weli hawlgal ka wada dhul beereedka Ciid Ciidka ama Jimbilow oo ka tirsan deegaanka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay bilaabeen wejigii ugu dambeeyay ee hawlgalka lagu soo afjarayo maleeshiyada Al-Shabaab ee ku jira godadka ay kol sii horreysay ka qoteen beeraha halkaasi ku yaala, ka dib markii Axaddii ay gaareen ciidamo gurmad ahaa. Maleeshiyada oo ka soo gudubtay daanta galbeed ee Webiga Shabelle ayaa dhanka bari ee jiinka webiga u timid, sidii ay gabaad uga sameysan lahayd deegaanka Cali Fooldheere, hase yeeshee ciidamada oo bartimihii bishii September dagaal kala hortegay ayaa la sheegay inay ku khasabtay in ay qaarka hoose la galaan godadkii ay ka sii diyaarsadeen beeraha Ciid Ciidka. Ciidamada oo markii horeba ku hareereysnaa godadkaasi ayaa hadda wada, sidii ay u soo afjari lahaayeen mintidiinta Al-Shabaab, si ay meesha uga saaraan khatarta loo arko in joogistoodu ku tahay amniga iyo xasilloonida gobolka. Taliyaha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) ayaa Axaddii gaaray deegaankaasi, isaga oo ka mid ahaa Saraakiil Militariga ka tirsan oo hoggaamineysay gurmad ciidan oo goobo kala duwan ka soo kala baxay. Taliyaha ayaa la sheegay in uu la wareegay hoggaaminta hawlgalka la doonayo in halkaasi looga sifeeyo mintidiinta. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay Isniintan u muuqdaan kuwo foodda sii gelinaya goobaha ay ku yaallaan godadkaasi, walow ay Shabaabku iska caabin xoogan sameynayaan. Godadka ay ka dagaalamayaan Shabaabka waa kuwo ay ka hoos qoteen geedaha la harsado ee ku dhex yaala beerahaasi, iyada oo ay dad badanina is tuseen in waqti qaadan doonto, sidii halkaasi looga saari lahaa. Shabaabka ayaa isku dayaya, sidii ay halkaasi u soo joogi lahaayeen, bacdamaa uu deegaanku yahay mid ku wanaagsan gabaadka, ayna ka soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah. Taliska Militariga ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii kooxaha argagixisada looga kicin lahaa aagagga ay ka dagaalamayaan. Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray deegaanka Biyacadde ee gobolkaasi. Taliyaha ayaa kormeer ku sameynaya fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin deegaankaasi. Taliyaha ayaa la sheegaya in uu ku wajahan yahay deegaanka Cali Fooldheere, oo uu uga sii gudbi doono deegaanka Ceelbaraf, oo hoostagga Degmada Mahadaay. Qorshaha ayaa ah in ciidamadu ay duleedka Ceelbaraf ka xiraan waddada gasha dhulka hawdka iyo midda kale ee tagta webiga. Ceelbaraf oo qiyaastii 20km dhinaca qorax u dhac kaga beegan webiga ayaa la damacsan yahay in jihadeeda galbeed laga jaro marinka ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan inay isaga kala gooshaan Gobolka Shabellaha Dhexe iyo deegaanada Galmudug. Qorshahan ayaa qayb ka ah guluf ballaaran oo toddobaadka soo socda la filayo in ciidamadu ay ka bilaabaan Gobolka Galgaduud, waana istiraatiijiyadda dagaal ay ciidamadu dib ugu laabanayaan goobihii ay soo banneeyeen daba-yaaqadii bishii August. The post Wararkii ugu dambeeyay Shabaabka ku go’doonsan gobolka Shabeellaha Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magalaada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle. Kulaankaan ayaa waxaa looga hadlay qaban-qabada shirka Madasha isku-duwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo Baydhabo ka furmaya Mmaalmaha soo socda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulankaan. Sidoo kale kulankaan ayaa diirada lagu saaray xaalada El-Niño ee wadankeena ku soo wajahan, taasi oo wadata roob xoogan sababi kartana fatahaado iyo daadad, islamarkaana ay dhawaan digniin kasoo saartay hay’adda SODMA. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb-galaya, Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Wasiiradda Gargaarka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka. Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka KGS. Dhawaan ayay aheyd markii Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ay digniin kasoo saartay roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka. SODMA ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay. “Roobabka loo saadaaliyay gobollada Bari, Sool, Sanaag, Waqooyi-Galbeed, Nugaal, Hiiraan, Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbadda Dhexe waxa ay gaysan karaan khatar cabirkeedu sareeyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda SODMA gaar ahaan xarunta ka digista halis wareedka. Xarunta ayaa uga digtay bulshada inay ka fogaadaan meelaha qatarta uga imaan karto, maadaama laga cabsi qabo in uu gobollada dalka qaarkood ka da’o roobab mahiigaan ah. Roobabkan laga digay halista ka dhalan karta ayaa la sadaalinayaa in gobolladaasi ka da’aan asbuuca ugu horreeya bisha October 2023. Hay’adda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in xarumaha kala duwan ee hay’adda ay mar walba u taagan yihiin inay bulshada Soomaaliyeed siiyaan digniino looga hortagayo dhibaatada. The post Sawirro: Ujeedka kulan ka dhacay madaxtooyada K/G appeared first on Caasimada Online.
  20. Hargeysa(Qaran)-Kulan lagu daah-furayay Qiimaynta iyo Qaabaynta Nidaamka Casriga ah ee Maamulka Xogta Shaqaalaha Hawlgabka ayaa saaka ka qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Kulankankaasi oo uu si rasmi ah uu u furay Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo qoyska iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ayaa waxa ka soo qaybgalay Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda iyo masuuliyiin kale. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa halkaas kaga hadlay muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay qaranka gaar ahaan shaqaalaha hawlgabka iyo in nidaamkani uu qayb ka yahay xeerka iyo siyaasadda hawlgabka ee dhawaan ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen. Guddoomiyuhu waxa uu u mahadnaqay cid kasta oo ka soo shaqaysay hawshan haddii ay noqoto mid farsamo ama mid maamulba. Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay nidaamka hawlgabka qaranku iyo in ay tani tahay tallaabo hore loogu qaaday dhinaca dawladnimada maadaama aynu yeelanay nidaam hawlgab oo rasmi ah. Waxa uu Wasiirku masuuliyiintii halkaa joogtay ku boorriyay in ay kala shaqeeyaan Hay’adda Shaqaalaha sidii nidaamkaas loo hirgelin lahaa. Masuuliyiinta kale ee halkaa ka hadashay ayaa sheegay in tani ay tahay fursad qaali ah oo u baahan in laga faa’iidaysto. Khubarrada kala shaqeyn doontaa Hay’adda nidaamkan casriyeynta Hawlgabka ayaa iyaguna madasha ka hadlay kuna dheeraaday inay si hagar la’aan ah hawshaasi u fulin doonaan. Nidaamka Casriga ah ee Maamulka Xogta Shaqaalaha Hawlgabku waxa uu noqonayaa ka ugu wayn ee xagga maamulka Hawlgabka si loo gaadho ujeeddooyinkii laga lahaa,waana mid ku dhisan hannaanka Tiknoolajiyada Casriga ah, kaas oo ku xidhan xog-kaydiye loogu talagalay. Qaran News
  21. Wasiirka Ciyaaraha oo Tababar la Xidhiidha kobcinta Dadka Nugul ku soo xidhay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Cabdiraxiin Xirsi Jaamac Dhooble ayaa maanta tababar u soo xidhay dhallinyaro laba cisho ahaa oo lagu tababarayey sidii loo kobcin lahaa ka qeyb qaadashada iyo ilaalinta bulshada baahiyaadka gaarka qaba. Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Maxalliga ah ee Somaliland Y-PEER oo kaashanaysa wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha JSL Iyo Hay’adda Qaramada midoobay ee UNFPA.waxaana uu ku saabsanaa Tababarkani sidii loo kobcin lahaa ka qeyb qaadashada iyo ilaalinta bulshada baahiyadka gaarka qaba. Tababarkan ayaa waxaa dhammaan kasoo qeybgalay ururadda dhallinyaradda u adeega. Wasiirka Ciyaaraha ayaa dhalinyaradaas ugu baaqay inay aqoontii ay kasbadeen ku dabaqaan shaqo maalmeedkooda. Qaran News
  22. Wasaaradda Waxbarashada oo Caddaysay in Macalimiinta ku-meel Gaadhka ah ee Awdal aanay buuxin Shuruudihii lagu Shaqaaleysiin lahaa Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa maanta hor tagey guddida joogtada ee golaha guurtida JSL. Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)’, waxa kulanka uu ku hortagey golaha ku wehelinayay masuuliyiinta kala duwan ee wasaaraddaasi. Wasiirka ayaa guddida faahfaahin ka siiyay xaalada guud ee waxbarasho ee dalka, waxaanu sheegay inay hadda fiican tahay. Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan qorshayaal horumarineed oo ay ku dardargelinayaan adeeg bixinta waxbarasho ee dalka. Geesta kale waxa uu xusay in macalimiinta barnaamijka shaqo Qaran ay ka hawlgalaan degmooyinka dalka si dadka xoolaha dhaqatada loo gaadhsiiyo adeegyada waxbarasho, waxa uu intaas ku daray in macalimiinta ka soo baxda Kuuliyadda Tabbabarka Macalimiinta ay u kala diraan degmooyinka B-da ah, waxaanu intaas raaciyay in macalimiinta ay u sameeyeen Liisan ay ku hawlgalaan. Wasiir Toorno ayaa tilmaamay in aanay macalimiinta gobollada Awdal iyo Sellel, ee ku meel gaadhksla ugu shaqaynayay wasaaradda aanay buuxin shuruudihii ay ka wasaarad ahaan ka doonayeen si loogu ogolaado imtixaanka qiimeynta ee hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland. Qaran News
  23. Boorame(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda JSL ayaa xadhiga ka jaray Dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyey Xabsiga Dhexe ee Gobolka Awdal. Agaasimaha Guud Waxa Xafladda Xadhig ka Jarka Xabsiga Dhexe Boorama ku welinaya Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Dalxiiska, Taliyaha Asluubta JSL, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta, Xoghayaha Dagmadda Borama, Masuuliyiinta Ugu sareeya Maxkamadda Gobolka & Xeer-ilaalinta Waxa Si Qotodheer uga waramay Marxaladihii uu soo Maray Dhismahan Cusub ee Xabsigu, Masuul Ku Hadlayey Afka Shirkada Binaysay dhismahan (National Constraction and Contrac Company) Md Eng cabdirashid xaashi, ayaa Sheegay Inuu Dhismahan yahay Dhisme Casriya oo Ka kooban Lix Hool, & Xafiisyo. Waxa Hadalka iska daba Qaatay Masuuliyiintii Wasiiradu ugu Horeeyeen oo Aad ugu Mahadceliyey Madaxwaynaha Jamhuuriyaha Somaliland Md: Muse Biixi Cabdi Oo Kaalin Muuqata Ka Geystay Dhismahaa Casriga Ah ee Xabsiga. Sidoo Kale Waxa Lagu Amaanay Taliyaha Guud Ee Ciidanka Asluubta iyo Wasiirka Caddaaladda inay Kaalin Muuqda Ka Gaysteen Mudadii uu socday Dhismahan Maanta Xadhiga Laga Jaray. Qaran News
  24. New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla magaalada New York Isniintii, halkaas oo garsooraha maxkamaddaasi uu gacanta ku hayo dacwad keeni karta in la baabi’iyo shaqooyinkiisa ganacsi ee uu ku leeyahay gobolkaas, isla markaana laga mamnuuco Trump iyo labadiisa caruura inay wax ganacsiya oo dambe ay ka furtaan gobolka. Dacwadda loo haysto Trump, oo haatan maraysa meel hordhac ah, ayaa waxaa soo oogay xeer ilaaliyaha gobolka New York Letitia James. Kiiskan ayay eedaysanayaal ka yihiin madaxweynihii hore ee Trump, labadiisa wiil, Shirkaddiisa Trump, iyo xubno kale, waxaana dhinacyadan loo haystaa illaa lix fal dembiyeed oo kala duwan. Eedaha loo haysto ayay ka mid yihiin, ka beensheegidda diiwaanada ganacsiga, shirqooloo lagu been abuurayo xogaha ganacsiga, soo saaridda warbixino maaliyadeed oo been abuur ah, shirqoollo lagu been abuurayo warbixinada maaliyadeed, khiyaanada caymiska iyo qodobo kale. Xeer ilaaliyaha gobolka New York ayaa ku eedeeyey in xubnaha dacwadda lagu soo oogay, inay si joogto ah u bixiyeen warbixino maaliyadeed oo marin habaabin ah, isla markaana been abuur ah, iyaga oo la wadaagayey dhinacyada ay wada-shaqeeyaan, kuwaas oo ay ku jiraan bangiyada ay ka doonayeen deymaha. Maxkamaddan ayaa bilaabantay maalmo uun ka dib markii uu xaakinka Arthur F. Engoron uu amar ku saabsan in Trump iyo eedaysanayaasha kiiskan ku wehelinayaa inay ku kaceen “marar kala duwan khiyaano” la xidhiidha warbixinadooda maaliyadeed. Arrintaas awgeed waxaa xaakinku amar ku bixiyey in la joojiyo dhammaan ruqsadaha ganacsi ee Trump iyo eedaysanayaasha kale ay ku leeyihiin gobolka New York. Trump ayaase isagu iska difaacay eedaha loo jeediyey isaga oo sheegay inaanu wax dembiya gelin oo la xidhiidha, dhammaan eedaha loo jeediyey. Trump ayaa ku tilmaamay in si gaar ah ay u beegsanayso xeer ilaaliyaha madowga ahi, isla markaana ay ka dambeyso arrimo siyaasadeed. Trump ayaa sidoo kale weeraray xaakinka Engoron. Isha:VOA The post Hantida Trump ee gobolka New York oo la xayiray xilli uu shalay hortagay maxkamad appeared first on Caasimada Online.
  25. Guddida West Burco Clan iyo Salaadiinta Arab oo Kulan ku Yeeshay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)- Guddida beesha West Burco Clan ayaa maanta kulan la yeeshay salaadiinta iyo Madax dhaqameedka beesha Arab. Guddida iyo salaadiinta West Burco Clan iyo dhigooda beesha Arab ayaa la sheegay inay wada qadeeyeen isla markaana kulan albaabadu u xidhnaayeen ka yeesheen xaaladda siyaasadeed ee dalka. Wax tafaasiil ah lagama bixin waxyaabihii labada beelood isla qaateen, hase yeeshee waxa ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga beelahaas walaalaha ah iyo sidii la iskaga xaal waraysan lahaa duruufaha siyaasaddeed, amni iyo bulsho ee JSL. Qaran News