Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Breda (Caasimada Online) – Magaalada Breda ee waddanka Netherland waxaa lagu qabtay Sebtidii aqoon is-weydaarsi ay ka soo qeybgaleen in ka badan 200 dhalinyaro Soomaali ah oo ka kala yimid cirifyada dalkaasi. Aqoon is-weydaarsigan, oo ah kii ugu horreeyay noociisa, waxaa soo qabanqaabiyay hay’adda Kardo ee fadhigeedu yahay Magaalada Zwolle, waxaana qabsoomidiisa suurtageliyay “Oranje Fonds”. Cabduqaadir Cali (Nuune) oo ah Guddoomiyaha hay’adda Kardo, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay kulankan u soo abaabuleen ey tahay in ay kala faa’ideystaan dhalinyarada dalkan wax ku bartay, isaga oo intaas ku daray in ay qaar dhalinyarada ka mid ah oo dalkan ku bartay culuun kala duwan ay tusaale fiican u noqon karaan kuwa ku haminaya in ay ku daydaan. Kulanka waxaa si weyn uga dhexmuuqday gabdho Soomaali ah; waxaana dadkii ka qeybgalay ka mid ahaa Ganacsade Kadir Ahmed oo ah milkiilaha warshad soo saarta nuucyada kala duwan ee rootiga xalaasha ah. Sidoo kale, dadkii ka hadlay aqoon isweydaarsiga waxaa ka mid ah orodyahan Maxamed Cali oo guulo taariikhi ah ka gaaray tartanka orodada dalkan NL. “Nasiib wanaag waxaan leenahay dhalinyaro dalkan wax ku bartay oo ay ku jiraan dhaqaatiir, ganacsato, garyaqaanno, kuwa kaalin weyn kaga jira isboortiga & dhalinyaro ku guuleystay in ay meel fiican ka gaaraan waxbarashada, waxaan soo dhoweynayaa in dhalinyaradaasi la dhiirageliyo” Ayuu yiri C/qaadir Nuune oo ururkiisu uu soo qabanqaabiyay aqoon isweydaarsiga. “Waxaan dalkan imid 1992-dii, 10 sanno markii aan joogay ee aan waxbarashadeydii dhameystay waxaa igu dhacay “homesick” qofka dhalinyarada ah ee dalkan ku dhashay ama ku barbaaray mar walba waa inuu maskaxda ku hayaa inuu dalkeenii u baahan yahay in gadaal loo fiiriyo” Ayuu yiri Cabdulqaadir Nuune, isaga oo walaac ka muujiyay in dhalinyarada qaar uu ku yimid wax la yiraa “identity crisis”. “Dalkan waxaa caadi ah in mararka qaar adigoo isku haysta inaad tahay qof dalkan u dhashay in lagu weydiiyo; Waddankee ayaad u dhalatay.? Jawaabtaadu, marka ay noqotay waxaan u dhashay Netherland, mar kale ayaa lagugu celinayaa su’aashii oo lagu leeyahay: Asalkaaga/waalidiintaa waddankee ayeey ka yimaadeen.? Adigoo isku haystay inaad Hollandeys tahay ayaad ku qasbaaneysaa inaad sheegto dalka aad ka soo jeedo, marar badan bay dhacdaa, haddaadan adigu ku kalsoonaan inaad tahay Afrikaan ka yimid Geeska Afrika oo Soomaali ah, waxaa kugu dhacaya identity crisis” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, isaga oo ugu baaqay waalidiinta in ay caruurta inta ay yar yihiin u sharaxaan taariikhda wanaagsan ee dalkooda. The post Daawo: Aqoon is-weydaarsi Netherlands loogu qabtay 200 oo da’yar Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
  2. Waxa sii xoogaysanaya dadaallo nabadeed oo lagu joojinayo colaad beeleedda ka tagaan duleedka degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug oo ay weheliyaan odayaasha dhaqanka labada dhinac ayaa dadaal xooggan gelinaya baajinta dagaal danbe oo ka dhaca degaankaas. Dhinacyada ayaa ka shaqaynaya dhaqan-gelinta xabbad-joojin shuruud la’aan ah oo lagu baajiyo sii socoshada dagaalka labada beelood si loo bilaabo wada-hadal nabadeed. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada isku dhafka ah ee gobolka Mudug loo diray dhulkii lagu dagaallamay ee nawaaxiga degmada Galdogob si ay u kala dhex galaan beelihii diriray. Guddiyo wadajir ah oo ka socda Puntland iyo Galmudug ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay sii wadaa waan-waanta beelihii dagaallamay si loo dhammaystiro nabadaynta. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaal beeleedka Mudug appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxa arrimaha debedda ee Midawga Yurub Josep Borell ayaa sheegay in ururkoodu uu weli ku adkaysanayo taageerada uu u hayo Ukraine, isagoo ku dhawaaqay deeq cusub oo dhan illaa $5.25 billion oo dollar oo ay u fidinayaan Kyiv sannadka 2024. Borell ayaa deeqdan ku dhawaaqay intii uu socday shir jaraa’id oo ay wada qabteen wasiirka arrimaha debedda ee Ukraine Dmystro Kuleba. Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay Kyiv, si ay taageero ugu muujiyaan Ukraine. Kulankii ka dhacay Kyiv Isniintii, madaxa arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ku tilmaamay inuu ahaa mid taariikhi ah, kaas oo ay xulafada reer Galbeedku ay hareer istaageen Ukraine xilli ay ku jiro xaalad adag. Doorasho ka dhacday dalka Slovakia, oo xubin ka ah Midawga Yurub iyo Isbahaysiga NATO, waxaa ku guulaystay musharax taageersan Ruushka, halka golaha sharci-dejinta ee Maraykankuna ay miisaaniyadda si ku meel gaadh ah uga saareen, lacago loo qoondeeyey Ukraine. PUNTLAND POST The post Midawga Yurub oo shirkoodii u horeeyay ku yeeshay caasimadda Ukraine appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Eedeysanayaashii ay dhageysiga dacwadoodu socotay labada bilood ee toddobaadkii lasoo dhaafay maxkamadda gobolka Banaadir ay sheegtay in dambiga lagu waayey ayaa galabta laga sii daayey xabsiyadii ay ku xirnaayeen. Xubnahaan oo xabsiga ku jiray tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay oo maxkamaddu ay wax dembi ah ku weysay ayaa xabsiga ku sii jiray, waxaana la ogaaday in xukunkii dhacay uu racfaan ka qaatay xafiiska xeer ilaalinta. Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo Agaasimayaal kasoo noqday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee XFS iyo Aadan Maxamed Cabdi oo kuwada xirnaa CID iyo Cabdulqaadir Cabdi Socdaal oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ayaa dhammaantood la sii daayey sida ehelkooda iyo qareenadii u doodayeyba ay noo xaqiijiyeen. Sida la shaaciyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa dalbaday racfaan, waxayna kiiska raggaas u gudbiyeen maxkamadda darajada labaad ee gobolka Banaadir, taas oo la aaminsan yahay inay sabab u noqotay ragaas xabsiga lagu sii hayo. Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Faarax Cabdiraxman oo ka qeyb galay dood uu TV-ga Universal ku falanqeeyey kiiska masuuliyiinta dembiga lagu waayey ee weli xiran ayaa cadeeyey inay dalbadeen Racfaan oo maxkamadda darajada labaad ay u gudbiyeen dacwadooda. “Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, racfaan ayuu ka qaatay xukunkii maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana u gudnay maxkamadda racfaanka, in qofka la heysto uu xabsi ku sii jiro iyo in la fasaxana waa shaqo maxkamadeed,” ayuu yiri Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka. Xeer ilaaliye ku xigeen Faarax Cabdiraxman ayaa ka meer meeray markii la weydiiyey inay dalabadeen in raggaas ay xeer ilaalintu dalbatay in xabsiga lagu sii haayo, wuxuuna sheegay in xabsiga iyo qofka ku sii jiray ay maxkamaddu leedahay go’aankiisa. “Dalku waa furan yahay, maxkamadda ayaa laga yaabaa inay qiimeysay xaaladda lagu jiro, sababtoo ah dad la aaminay oo xitaa damaanad lagu daayey ayaa dib dambe loo waayey,” ayuu yiri Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Faarax Cabdiraxman. Hoos ka daawo The post Daawo: Ragii lagu waayey musuqa oo galabta lasii daayey iyo go’aan kale oo ka soo laabtay xukunka appeared first on Caasimada Online.
  5. MOGADISHU, Somalia — The Federal Government of Somalia’s recent progress in debt relief is a source of national encouragement, drawing commendation from The Somali Congress of Trade Unions (SOCOTU). Source: Hiiraan Online
  6. Maxaas (Caasimada Online) – Shalay waxaa deegaanka Waradhuumale ee gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Maxaas looga dhawaaqay is baheysi loogu magac daray Kulmis oo seddax beelood ay sameysteen. Beelaha kala ah Murusade, Cayr iyo Xawaadle ayaa halkaas uga dhawaaqay isbaheysi ay dagaalka Al-Shabaab isaga kaashanayaan, waxayna qorsheysteen inay xorey doonaan ilaa Galhareeri, balse maxaa dhacay? Sida ay ogaatay Caasimada Online furintii hadda waxaa ku sugan kaliya ciidamadii iyo masuuliyiintii ka socday beesha Cayr, waxaana dib uga laabtay furintaas masuuliyiintii iyo ciidamadii ka kala socday Xawaadle iyo Murusade. Isbaheysigii looga dhawaaqay Waradhuumaleh ayaa maalinkii koowaad lagu kala tegay talo la’aan, sida ay ogaatay Caasimada Online, masuuliyiin ay hoggaaminayaan Cali Jeyte iyo Xildhibaan Jacfar ayaa ku laabtay Maxaas, iyagoo raggii ay ka tageen u sheegay inay u soo dirayaan ciidan 100 askari ah. Dhankooda masuuliyiintii Murusade ee Guriceel ka baxay ayaa dib ugu laabtay Guriceel galabtii isbaheysiga lagu dhawaaqay habeenkeedii, iyagoo aan sheegin sababta ay dib ugu laabanayaan. Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka DF Xasan Macalin ayaa hoggaaminayey masuuliyiinta Murusade oo qiyaastii 10 qof iyo ciidan badan ku tegay furinta, sidii ayeyna ugu laabteen Guriceel, iyagoo aan furinta ku hoyan hal habeen. Masuuliyiintii beesha Cayr iyo ciidankiida oo markii horaba la isugu tegay deegaankooda Waradhuumaleh ayaa weli ku sugan furinta, iyagoo la yaaban sababta ay Murusade iyo Xawaadle uga dhabey la’yihiin balantii la galay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil xog ogaal ah. Masuuliyiintii iyo ciidamadii Murusade oo dhan ayaa isugu tegay Guriceel, Dhuusamareeb iyo Maxaas, waxaana lagu wareersan yahay sababta aysan dagaalka u soo geleyn, sida ay xogtaan ku soo gaartay Caasimada Online. In la dhiso isbaheysigaan waxaa lagu go’aamiyey shir uu Madaxweyne Xasan Sheekh Dhuusamareeb kula yeeshay siyaasiyiinta seddaxdaas beelood oo lagu daray Duduble oo aan imaan halkii looga dhawaaqay isbaheysigaan cusub oo ah deegaanka Waradhuumale. The post Xog: Isbaheysigii Murusade, Xawaadle iyo Cayr oo fashil ku dhow iyo hal beel oo furinta ku hartay appeared first on Caasimada Online.
  7. Garoowe: 02 Oct 2023: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash oo ku hadlaya Afka dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa marka hore uga tacsiyeeyey ehelada labada dhinacba dadkii ku dhintay dagaal beeleedkii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug isaga oo inta dhaawaca ahna Ebbe uga rajeeyey caafimaad. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay labada dhinacba inay u hogaansamaan dedaalada Nabadgelyo ee socda oo ay ugu horayso dhaqan gelinta xabad joojin shuruud la’aan ah islamarkaana ay ka dheeraadaan wax kasta oo sii hurinkara colaada. Talaabooyinka dowladdu qaaday. 1- Madaxweynaha oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee dowladda ka saaraan illaalinta Nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada waxay khadka Taleefanka ku wada hadleen Madaxweynaha dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ay isla garteen in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo xakamayn lahaa colaadaas, in labada dowladood diraan guddiyo taga deegaanadaas iyo soo celinta xasiloonidii deegaanka. 2- Dowladdu waxay magacowday guddi Wasiiro ah oo kala ah. -Wasiirka Gargaarka -Wasiirka Cadaalada -Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka -Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada. si ay udub dhexaad ugu noqdaan hirgelinta nabada iyo sidii looga dheeraan lahaa dhib kale oo halkaasi ka dhaca. 3- Ciidamada isku dhafka ah ee gobolka Mudug oo la kala dhex dhigay Beelihii Dirirtu dhexmartay. Ugu damabayn Madaxweynaha ayaa faray Ciidamada isku dhafka ah ee halkaasi ku sugan iyo Ciidamada kale ee Amniga inay xoojiyaan hawl-galada lagu xaqiijinayo Amniga deegaanka, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda Wanaagsan ee ay qaateen. DHAMMAAD The post Puntland oo go’aanno ka soo saartay dagaal beeleedka ka dhacay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  8. MOGADISHU, Somalia — Today marks a historic event as Bilan, the first-ever all-women media team in Somalia, earns a nomination for the prominent 2023 Index on Censorship Press Freedom Award in Journalism. This nomination shines a spotlight on the audacious women of Bilan who have overcome significant obstacles to carve out a space for female journalists in a country where reporting is fraught with danger. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU, Somalia — Today marks a historic event as Bilan, the first-ever all-women media team in Somalia, earns a nomination for the prominent 2023 Index on Censorship Press Freedom Award in Journalism. This nomination shines a spotlight on the audacious women of Bilan who have overcome significant obstacles to carve out a space for female journalists in a country where reporting is fraught with danger. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cali Nuur Shuute guuddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ka sheeheeyey qisada saaxiibkiis ay isla soo koreen oo dil toogasho ah uu ku xukumay. Shuute, markii uu xogtaan soo bandhigay wuxuu u khudbeynayey saraakiisha ciidanka Gor Gor ee xoogga dalka oo maalmahaan lagu abaabulayey magaalada Muqdisho, si loogu celiyo furimaha dagaalka. Guddoomiye Shuute oo ah nin sharciga ku ad-adag ayaa sheegay in saaxiibkiis ay isla soo koreen uu cunug yar dilay isagoo sarkaal ah, kadibna maxkamadda lasoo taagan. Baaritaan kadib waxaa maxkamadda u cadaatay in Shuute saaxiibkiis uu dilkaas u geystay si bareer ah, taas oo kaliftay in isagana uu ku xukumo dil. Mar uu sharaxay sababta uu sarkaalkaasi u dilay cunuga, wuxuu yiri “Sarkaalka saaxiibkey ah markii Maxkamadda la keenay waxaan weydiiyey sababta uu u dilay wiilka yar wuxuuna ku jawaabay ‘qorigii aan watay ayuu yiri biyo ayaa ka dhaca, ana xabad ayaan madaxa uga dhuftay’ sidaas ayuu ku dhintay wiilkii yaraa ee banooniga ciyaarayey,” ayuu yiri Shuute. Guddoomiye Shuute ayaa intaas ku sii daray in saaxiibkiis uu ku xukumay dil una sheegay in loo tooga doono sidii uu u toogtay cunuga yar, balse wuxuu sheegay in weli uu nool yahay ninkii oo reerkii cunuga dhalay ay cafiyeen. “Toogasho ayaan ku xukumay saaxiibkey aan jeclaa si loo qisaaso oo xadka looga oofiyo, laakiin nasiib ayuu lahaa oo reerkii ayaa cafiyey iyadoo tiirka loo sii wado, ninkaas aad ayaan u jeclaa oo saaxiibo isku qaaliya oo isla soo koray ayaan aheyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shuute. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkaas ay weli saaxiibo yihiin oo uu u yimaado, laakiin ciidanka laga saaray “Waa ii yimaadaa mar kasta, dadka aniga iyuu iigu jecelyahay, waxaan ku canaantay ciidan dambe ha isku gelin, hadaaba qofkii ku caaya madaxa xabad uga dhufaneyso,” ayaan iri ayuu yiri Shuute. Guddoomiyaha ayaa saraakiishii uu u khudbeynayey ee GOR GOR wuxuu ka dalbaday inay meel iska soo dhigaan ‘nin jecleysi’ oo sharciga ciidanka ay ku dhaqmaan, taariikhdu ay u xusto. Hoos ka daawo qisadaan The post Daawo: Shuute oo shaaciyey qiso ku kaliftay inuu dil ku xukumo saaxiibkiis appeared first on Caasimada Online.
  11. Guddoomiye Xirsi oo shaaciyay inay xoojinayaan dad Kasbashada Ummadda Somaliland London(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inay xoojinayaan dedaalkooda cod kasbashada bulshada. Guddoomiyaha WADDANI oo socdaal ku jooga Ingiriiska ayaa hadal uu u jeediyay taagereyaasha xisbigaas wuxuu ku sheegay in dalku u jihaystay dariiqa doorashooyinka. “Taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay, haddii aynu doorasho sugaynay dalku wuxuu u jehaystay doorasho ee aan iska dayno hadal tirada oo u diyaar garowno doorasho, aan dalka midnimadiisa ka shaqayno,” ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi. Isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Waxaynu wax ku noqon karayna dadkii ina dooran lahaa oo meel u wada jeeda. Waxaynu ka shaqaynayna wixii doorasho, nabad galyo iyo midnimo wax ka taraya.” Qaran News
  12. Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay weheliyaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqii hore ee Muqdisho oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa shaqsi dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo iyo dal jacayl, taasoo uu caan ku ahaa intii uu noolaa. Salaadda Janaasada marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda , ehellada marxuumka iyo dadweyne . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Markab Yaallay Dekedda Berbera oo dab qabsaday oo la Bakhtiiyay Berbera(Qaran news)- Ciidanka Dab-demiska Berbera oo xalay demiyay dab Qabsaday Markab, yaalay dekedda Berbera. Ciidanka ayaa ku guuleystay badbaadinta hantidii markabkaas,xakamaynta iyo daminta dabkaas,markabka. Mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Guddoomiyaha Degmada Berbera ayaa isaguna dhankiisa hawlgalkaa joogay. Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab. Qaran News
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegaya in haatan soo galeen deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo todobaadkii u dambeeyay ay ka soo gudbayeen dhinaca Webiga. Ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa la sheegaya in howl-gallo ka dhan ah xubnahahan soo galay deegaankaas ka fuliyeen halkaas, kuwaasi oo ah dagaallo toos ah iyo duqeymo. Maamulka HirShabeelle oo sheegay inay la socdaan xogta xubnahan Shabaabka ah ayaa sidoo kale ku goodiyay guluf culus oo ka dhan ah Shabaab. Wasiirka Amniga Maamulka Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo arrinkaan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ciidamada huwanta faray iney feejignaan dheeri ah muujiyaan. Al-Shabaab ayaa doonaysay in dagaal-yahano badan ay soo geliyaan inta u dhaxeysa deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, xilli marxaladd xasaasi ah uu marayo dagaalka ka dhanka ah kooxda. Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida ba’an loogu laayay dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa laga qabsaday dhul ballaaran oo kooxda ay sanado badan gacanta ku haysay. Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda. The post War ka cusub Shabaab gudaha u galay degaan hoostaga Mahadaay appeared first on Caasimada Online.
  15. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre, along with the speakers of the Somali parliament and former government leaders, attended the funeral prayer for the former mayor of Mogadishu, Ali Ugas Abdulle, in Mogadishu on Monday afternoon. Source: Hiiraan Online
  16. In a heartwarming and inspiring ceremony held on Saturday evening 30th September at the Hamdaan Hotel in Hargeisa, a remarkable new chapter unfolded for the special needs community in Somaliland. The occasion marked the official opening of the Life Line Center, a state-of-the-art facility dedicated to providing comprehensive care and support for special needs children. The grand inauguration was graced by the presence of esteemed dignitaries, including Mr. Ahdihakim Sead Bustaale, the Deputy Education & Science Minister, who officiated the event. Source: Hiiraan Online
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Goldogob ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan. Maleeshiyo beeleedka oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan maamulka Puntland iyo Galmudug, ayaa waxa uu dagaalkooda salka ku haya muran dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla. Deegaanka ay haatan dirirtu ka dhacayso ayaa lagu magacaba Dalsan, wuxuuna ku yaalla meel ku dhow xuduudka Itoobiya, waxaana maamul ahaan laga xukumaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, waxaana lagu soo waramay in ugu yaraan 5 qof ay galaafatay dirirtaan. Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in ciidamo ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ay ku baxeen colaadda, si loo joojiyo dirirta u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed. Labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa horey heshiis loo dhex dhigay, ayada oo shirar loogu qabtay Bandiiradley iyo Galgodob, kaasi oo ay uga heshiiyeen colaad dheerayd oo u dhaxeysay labada dhinac. Dagaal beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq-noqda deegaanada gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee gobolkaas ay dadaal ku bixiyaan sidii meesha looga saari lahaa murannada sababa gacan ka hadalka. The post Dagaal beeleed xooggan oo ka socda Galdogob appeared first on Caasimada Online.
  18. Murrashax Cirro oo Qaabilay Wiil Naafo ah oo uu Waxbarashadiisa ku Tabcay Hargeysa(Qaran news)-Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa hoygiisa ku qaabilay Maxamed Haldoor oo ah wiil dhallinyaro ah oo maanta ka qalin jebiyay heerka 1-aad ee jaamacadda. Musharraxa ayaa Maxamed ku bogaadiyay dadaalka uu muujiyey ee uu aqoontiisa kor ugu qaaday. Maxamed Haldoor ayaa dhankiisa waxa uu shaahado sharaf mahadnaq ah guddoonsiiyay Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Maxamed ayaa musharraxa u sheegay in uu kaalin weyn ka qaatay waxbarashadiisa gaadhi uu musharraxu hore u guddoonsiiyay, islamarkaana uu mahadcelin iyo abaal weyn uga hayo. Murrashax Cirro ayaa taageera dadka nugul iyo dadka saboolka ah ee kaalmo doin ugu taga. Qaran News
  19. Xisbiga WADDANI oo Xoghaye Cusub u Magacaabay Gobolka Saaxil Hargeysa(Qaran news)-Kusimaha guddoomiyaha, ahna guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Mudane Saleebaan Ducaale X Jaamac ayaa magacaabay xoghayaha xisbiga ee gobolka Saaxil. Qoraallkaasina isagoo dhammaystiran wuxuu u qornaa sidan:- Qaran News
  20. Shirkadda Dahabshiil oo ugu Deeqay 300.000 oo Doolar Dadkii Hantidoodu ku Gubatay Suuqa Wajaale Hargeysa(Qaran news)-Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ugu baaqay 𝐠𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐭𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥𝐞 iyo dhammaan qof walba oo awoodaa in uu door weyn ka qaato taakuleynta walaalahoodda ku hanti beelay iyo kuwii ka shaqayn jirayba suuqa wajaale ee dabku ganacsigoodda baabiiyay. Munaasibad qaadhaanka loogu ururinayay ganacstadii hantidoodda ku waaayay dabkii suuqa wajaale, ayaa maamulaha 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩 𝐡𝐚𝐥𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 $𝟑𝟎𝟎,𝟎𝟎𝟎 oo ay kaga qayb qaadanayaan deeqaha loo ururinayo Ganacsatadii ku waxyeeloobay musiibadda dabka ka kacay Suuqa ganacsiyeedka Tog-Wajaale. Qaran News
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii joogteyn lahaa. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada. Danjire Al Rumaithi ayaa mahadcelin ka dib, wuxuu Xukuumadda ku bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, wuxuuna adkeeyey sida ay Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada uu siiyo Soomaliya. Danjire Al Rumaithi ayaa ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamsa soo gaarsiiyey casuumaadda shirka isbeddelka cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha DECEMBER 2023. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Mogadishu (HOL) - Somalia, the fragile Horn of Africa nation that narrowly averted famine last year is now bracing for an unusual climatic twist, with the threat of wetter-than-usual rainfall. Source: Hiiraan Online
  23. Hantidii ku Gubatay Wajaale oo la Shaaciyay Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in hanti u dhiganta $5,300,000 ay ku gubatay suuqa degmada Wajaale ee dhawaan qaybo kamid ahi gubteen. Xubno kamid ah golaha wasiirada iyo madaxda gobolka Gabilay oo maanta gaadhay suuqa gubtay ee Wajaale, ayaa ku dhawaaqay khasaaraha, iyadoo halkaa sidookale lagaga dhawaaqay lacago dib loogu maalgalinayo dadkii ku hanti waayay dabka. Ururka Dowladaha Hoose ee Somaliland ayaa lacag dhan $600,000 ku wareejiyay guddida ay xukuumadda Somaliland u xilsaartay kasoo kabashada khasaaraha uu dabku gaystay. Dhinaca ganacsatada shirkada Dahabshiil ayaa ku dhawaaqday in ay gurmadka kaga qaybqaadanayso $300,000, halka shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ay iyadna balanqaaday in ay bixinayso $150,000, waxaana la rajaynaya in saacadaha soo socda ay shirkado iyo ganacsato kale ku dhawaaqaan gacanta ay ka gaysanayaan dib usoo celinta suuqa. Suuqan ayaa ah ka labaad ee Somaliland ugu wayn marka laga yimaado suuqii Waaheen ee gubtay kaasi oo hada ku jira xaalad dib u dhis ah, isla markaana gubashada suuqyadan ayaa samayn ku yeelatay dhaqaalaha Somaliland. Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Majlis Shuurada Qatar ayaa maanta doorasho ku qabsaday xarunta Villa Hargeysa. Xubnaha guddiga ayaa maanta iska dhex doortay guddoonka guddigaas ee dhinaca Soomaaliya, waxayna doorashada ku dhacday hab gacan taag ah. Waxaa guddoomiye loo doortay Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortaySenator Axmed Maxamed Saciid (Irbad). Sidoo kale xubnaha guddiga xoghaye u doortay Senator Ayaan Aadan Cabdullaahi. Xubnaha la doortay ayaa ballan-qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Baarlamaan iyo shacabka walaalaha ah ee Labada dal. Guddigan ayaa waxaa 24-kii bishii hore si wada-jir ah u magacaabay guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi. Magacaabida guddigan ayaa waxa uu guddoonka labada Aqal u cuskaday qodobka 14(6) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka iyo qodobka 7(7) ee Xeer Hoosaadka Aqalka Sare oo dhigaya in Guddoomiye Gole kasta uu mas’uuliyadda saaran ay kamid tahay xiriirinta Baarlamaanka Adduunka. Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo. Sidoo kale xukuumadda Dooxa ayaa taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Doorasho maanta ka dhacday Villa Hargeysa appeared first on Caasimada Online.