-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku hanjabay inay ugaarsi ka dhan ah dadka dhaqaalaha ku taageera kooxda Al-Shabaab ay ka billaabi doonaan gudaha Soomaaliya. Wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada ay dalka Kenya ka wadaan, isagoo sheegay in laga adkaan doono kooxaha carqalada ku ah ammaanka dalka Kenya. “Waanu ugaarsan doonnaa argagixisada xataa Soomaaliya gudaheeda. Waxaan kula macaamili doonnaa gudaha iyo dibadda dalkayaga,” ayuu yiri Aadan Ducaale. Ducaale ayaa ku adkeystay in kooxaha amnigu ay si adag uga shaqeynayaan sidii ay uga adkaan lahaayeen mintidiinta iyo sidoo kale in ay bartilmaameedsanayaan maalgeliyayaashooda. Wuxuu sheegay in xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin uu ballan qaaday in Dowladda Kenya ay ka taageeridoonaan la dagaalanka argagaxisada dalka iyo gobolka xilli uu dhawaan socdaal ku tagay dalkaas. “Waxa uu halkan joogay laba maalmood. Waxaan wadaagnaa sirdoonka, waxaan ka wada shaqaynaa dalka, gobolka iyo Geeska Afrika si aan si go’aan ah uga hortagno kaabayaasha argagixisada,” ayuu hadalkiisa ku daray Ducaale. Hadalka Aadan Barre ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab ay dhowaanahan kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobollada ku teedsan xuduudda Soomaaliya. The post Aadan Barre oo ku hanjabay inay ugaarsi ka billaabi doonaan gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in argagixisada aysan marna ku guuleysan doonin hadafkooda, saacado kadib markii qarax ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee Ankara uu dhaawacay laba sarkaal oo boolis ah. Qaraxa xooggan ee ka dhacay bannaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo uu xigay holac ballaaran, ayaa waxaa laga maqlay dhowr km ka baxsan goobta weerarka. Mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay Kooxda Kurdish-ka ee PKK, oo Turkey iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ay u aqoonsan yihiin argagixiso, taasi oo sanado badan wadday dagaal muqaawo oo ka dhan ah Ankara. Degmada la beegsaday ayaa hoy u ah dhowr wasaarado oo kale iyo baarlamanka Turkey, oo shalay galab dib loo furay, islamarkaana qorshuhu ahaa in Erdogan uu khudbad ka jeediyo. Xaasidka khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta ma aysan gaarin hadafkooda, waligoodna ma gaari doonaan,” ayuu Erdogan u sheegay baarlamaanka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka fuliyey ay abaare 9:30 am gaari ganacsi ku yimaadeen albaabka laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayna fuliyeen weerar bam. PUNTLAND POST The post Erdogan: Argagixisadu marna kuma guulaysan doonaan Hadafkooda appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Awcali (Fardhiye) ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay marti qaad rasmi ah ka helay Villa Somalia, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Sida laga soo xigtay xubno ku dhow, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casumay Hoggaamiye Firdhiye. Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo Muqdisho kadib casumaadda uu ka helay Ra’iisul wasaare Xamza. Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa la kulmaya Madaxda dowladda Federaalka iyo sidoo kale Beesha Caalamka, gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho. Dhinacyada ayaa la filayaa in uu kala hadlo Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadanimo islamarkaana uu ka dalbado Hay’adaha kala duwan in ay ka hawl-galaan Gobollada SSC-Khaatumo. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa horraantii bishii September looga dhowaaqay magaalada Laascaanood kadib markii ciidamada deegaanka ay dagaallo halkaas ka dhacay uga guuleysteen ciidamada Somaliland. SSC-Khaatumo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay maamul doonaya inuu ka mid noqdo maamullada fedraalka Soomaaliya, hase yeeshee Puntland iyo Somaliland ayaa labadaba wali sheegta in deegaanada maamulka ay ayaga hoos tagaan. Ma cadda haddii Firdhiye uu madaxda dowladda federaalka kala hadli doono arrimaha federaalka iyo in kale. The post Xog: Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo lagu casuumay Muqdisho – Yaa u yeeray? appeared first on Caasimada Online.
-
Saynisyahannada ayaa ogaaday in ragga loo sameeyo radiotherapy si looga daweeyo kansarka qanjirka ay mari karaan hannaankan oo aan aad u awood badneyn. Marka loo eego natiijada tijaabada oo lagu sameeyay ilaa 900 oo qof oo kansarkoodu uusan aad ugu faafin xubnaha kale, xaddiga radiotherapy ayaa la yareyn karaa ilaa boqolkiiba 75. Tan ayaa micnaheedu yahay in tirada la sameynayo radiotherapy, oo qiyaastii ah ilaa 20, lagu soo koobi karo shan. Prof Nicholas van As, oo ka tirsan Istibaalka Royal Marsden ee ku yaalla magaalada London, oo daraasaddan sameeyay, ayaa sheegay in warka uu “cajiib” u yahay bukaannada. Prostate Cancer UK, oo ah urur aan dowli ahay oo ka howlgala dalkaas, ayaa sheegay in radiotherapy oo la yareeyo ay wax ka tari karto yareynta cadaadiska hannaanka caafimaadka ayna beekhaamin karto lacag iyo waqti. Inkastoo xaddiga habkan daaweynta ee halkii jeerba uu kordhayo marka hannaankan cusub la maro, bukaannada ayaa guud ahaanba laga yareyn doonaa habkaas. Marka habkan la maro, boqolkiiba 96 ragga loo sameeyay ilaa shan jeer ayaa lagu ogaaday in kansarkii uu ka baxay, halka kuwa sida caadiga ah loo daweeyay uu ka yaraaday boqolkiiba 20. Natiijada tijaabadan ayaa lagu wadaagi doonaa shirka Bulshada Mareykanka iyo kooxda ASTRO oo arrimahan ka shaqeysa ee ka dhici doona San Diego. Prof van As ayaa sheegay in baaritaankiisa uu “horseedi doono isbeddel aad u weyn”. Alistair Kennedy-Rose, oo 64 jir ah, ayaa ogaaday inuu qabo kansarka qanjirka sanadkii 2014 markii baaritaan dhiigga oo laga qaaday uu muujiyay arrintan. Mar uu la hadlayay BBC, ayaa Kennedy-Rose wuxuu yiri: “Ma jirin wax calaamado ah, marka aad baan ula yaabay inaan ogaado inaan kansar qabo.” Kennedy-Rose, oo qeyb ka ahaa tijaabadan ayaa maray shan jeer oo radiotherapy ah, lagumana sameyn daaweynta hoormoonka. Wuxuu ku qeexay daaweynta loo sameeyay: “Daaweyntu aad ayay u fududeyn. Ma jirin wax saameyn taban ah wax walbana si degdeg ah ayay u dhaxeen, waxaan awooday inaan nolosheyda sii wato. “Si degdeg ah ayaa la ii daaweeyay xitaa ma aanan dareemeyn inaan kansar qabo.” Beekhaaminta daawada Prof van As ayaa sheegay inuu rajeynayo in hannaanka caafimaadka ee UK uu si degdeg ah ula qabsan doono habkan. “Boqollaal kun oo kulamada radiotherapy ah ayaa guud ahaan dalka laga baajin karaa. “Tan waxay aad faa’iido ugu tahay hannaanka caafimaadka qaranka, oo cadaadis badan uu saaran yahay.” Gudaha UK, hannaanka caadiga ah waxaa ka mid ah 20 kulan oo radiotherapy ah, balse dalalka qaar, sida Mareykanka waa ilaa 40. Arrin kale oo muhiim ah oo tijaabadan ku jirta ayaa ah in midna ragga gaarayay 874 ee ka weyb qaatay aan la siin waxyaabaha lagula tacaalo xanuunkan ee hoormoonka testosterone lagu xoojinayo. Maaddaama kansarka qanjirka uu caadi ahaan sababo hoormoonkan, bukaannada ayaa la siiyaa waxyaabahaas. Waxaana taas ka dhashay daal, dhidid badan iyo ragannimada oo hoos u dhacda. Simon Grieveson, oo ah ku xigeenka agaasimaha baaritaanka ee Prostate Cancer UK, ayaa yiri: “Waa cajiib sida daaweyntan cusub ay ugu guuleysatay inay ka fiicnaato tan caadiga ah waliba si degdeg ah. Kennedy-Rose ayaa kula talinaya ragga inay si joogto ah isu baaraan: “Waa muhiim inay ragga da’doodu ka badan tahay 50 sano ay maraan baaritaankan. “Haddii kansarka xilli hore la ogaado, daaweynta waa laga gaari karaa iyadoo saameyntuna yar tahay.” Qaran News
-
Golaha Guurtida oo Taageeray Xabad Joojinta Cali-saahid Burco (Qaran news)- Xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtidda JSL oo ergo ahaan u jooga magaaladda Burco ayaa soo dhaweeyay go’aanka xabad joojinta ah ee ay soo saareen beelaha shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Cali-saahid ee gobolka Togdheer. Xildhibaanadani oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Burco, ayaa soo dhaweeyay go’aamadda ay soo saareen odayaasha, iyo waxgaradka labadda beelood ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaamadda Cali-saahid, iyo Balli Samatar, ee gobolka Togdheer. Sidoo kale waxay xildhibaanadu ugu baaqeen madax dhaqameedka labadda beelood in ay dhaqan geliyaan go’aanka Xabad joojinta ah ee ay soo saareen labadooda dhinac. Waxa kaloo ay ergadan golaha Guurtida Somaliland ka tirsani ku bogaadiyeen anay xukuumadda doorkii ay ka qaadatay heshiisiinta labadaa beelood. Xildhibaan Dayib Xasan Boobe, oo u hadlay ergadaasi xildhibaanadda Guurtidda ah ayaa sheegay in ay ergo ahaan soo dhawaynayaan baaqa xabad joojinta ah ee ay madax dhaqameedka labadaa beelood soo saareen. Waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ka soo jeedinaynaa baaq aanu ku ayidayno go’aankii xabad joojinta ahaa ee shalay (doraad) ka soo baxay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaamadda Cali-Saahid, iyo Balli Samatar, baaqaasi nabadda ah waanu soo dhawaynaynaa. Xukuumadii oo meesha wax ka dhaceen u baxday, iyo madax dhaqameedkii labadda beelood, iyo baaqa xabad joojinga ah ee ay waxgaradka labadda beelood soo saareen ba waanu soo dhawaynaynaa”. “Waxaanu soo dhawaynayaa go’aanka xabad joojinta ah ee ay gaadheen labadda beelood ee shaqaaqadu dhex martay, iyo beesha Gogosha dhigtay, iyo beesha kale ee la qaadatay ba” ayuu yidhi xildhibaan Dayib Boobe. Geesta kale xildhibaanada Guurtida ayaa u mahad naqeen cid kastoo ka qayb qaadatay xal u helid shaqaaqadda deegaamadda Cali-Saahid, iyo Cali Samatar, xukuumadda talladda haysa, maamulka gobolka Togdheer, iyo ka degmadda Burco, iyo madax dhaqameedka kale ee ka qayb qaatay. Madashii ku dhawaaqista go’aanka xabad joojinta ee ay isla qaateen madax dhaqameedka labadda beelood ee dhaqaaqadu ku dhex martay deegaamadda Vali-saahid, iyo Balli Samatar, oo ka dhacay magaaladda Burco, waxaa goob joog ka ahaa madax dhaqameedka labadda beelood ee shaqaaqadu dhex martay, maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, guddiga nabad-geliyadda ee gobolka Togdheer, iyo sidoo kale xubnahan xildhibaanadda ergadda ah ee ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland. Waxaanay sheegeen ergadan xildhibaanadda Guurtidu in ay taageerayaan go’aankaasi, iyagoona soo jeediyay in xabad joojintu ay sideedda u dhaqan gasho. Dhinaca kale xildhibaanadan ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland waxay baaq nabadeed u direen beelaha ku diriray degmadda Ceel-Afweyn, oo ay ugu baaqeen in la joojiyo. Waxaanay yidhaahdeen “Waxa kaloo aanu baaqayagan uga faa’iidaysanaynaa shaqaaqooyinka kake ee dalka ka jira, haday tahay ta Ceel-Afweyn ka taagan, oo u dhaxaysa laba beelood oo walaalo ah. Iyada na waxaanu ku baaqaynaa in la joojiyo colaadaasi”. Qaran News
-
Masuuliyiin Sameeyay Kormeer Sannadle ah ee oo ku Wajahan Maamul Daadejinta Hargeysa(Qaran news)-Wefti ay Hoggaaminayaan Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaraddaha Waxbarashadda Iyo Caafimaadka oo ay qayb ka ahaayeen Xafiiska Championka, Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Qaar kamida Haayadaha Mashruuca Maamul Daadajinta Waxbarashada Iyo Caafimaadka ayaa Kormeer ku tagay magaalada Gabiley. Weftigan ayaa waxa Xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka magaalada Gabiley, waxaana halkaa lagu siiyay Warbixin la xidhiidha Waxbarashadda Iyo Caafimaadka. Ugu danbayntiina Weftigan Iyo Saraakiishan ayaa kormeer kusoo maray qaar kamida Iskuuladda Iyo Xanaanooyinka. Iyagoo ku amaanay Dawladda Hoose Degmada Gabiley qaabka ay u wado Maamul Daadajinta Waxbarashadda Iyo Caafimaadka. Qaran News
-
Cali Guray oo Odorasay Kaalinta Ururrada Prof. Samatar iyo Dirawal ka Geli Karaan Hirdanka Doorashooyinka Hargeysa(Qaran news)- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka faallooday mustaqbalka Urur siyaasadeedyada Hilaac iyo Horseed ee ay kala hoggaamiyaan Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal). Cali Guray wuxuu saadaal ka bixiyay labadaas urur ee diidan isa saarka doorashadu waxa ay ka mudan karaan doorashooyinka, wuxuuna qoraalkiisu u dhignaa sudan:- “MUXUU SAMEEYAA NINKA HANGOOL FIICAN ARKA IN UU GOOSTANA JECEL BALSE GANTADIINA GEED KAGA TAALO FARAARIHIINA GEED KALE? WAA XAALADDA SAAXIIBKAY CABDILLAHI IYO PROF SAMATAR HAYSATA Doorasho waxa lagu geli karaa keliya Xeer Baarlaman oo dhaqangal ah. Xeerkiina waa kan la wado inta badan saamlayduna ay Isla ogol yihiin. Ninka Musharrax Madaxwayne doonayaa marka hore xaq buu u leeyahay. Balse waxa ka horaysa in Ururkiisu tartan la galo Xisbiyada iyo Ururrada kale kuna guulaysto in uu u gudbo Xisbi Qaran. Fursadaana Waxa heli kara urur keliya ama ugu badnaan laba Urur. Haddii nidaamka Doorashadu noqon lahaa saddexda ugu codka bataa tirada guud ee codbixinta taasi laga yaabaa in fursad ay u noqon lahayd Prof Samater (Hilaac) oo Codka uu ka heli karo Awdal Iyo Maroodi Jeex oo keli ahi ay ka badan lahayd Urur kale Inta uu ka helo Afar Gobol iyo ka badan. Hilaac mar kasta haddii laba Urur ay Xisbiyo u Gudbi karaan Waa hubaal in mid uu isaga noqon karo. Haddii WADDANI Iyo KULMIYE ay xejistaan xisbinimadooda markaa hal Urur oo keliya ayaa laga yaabaa in uu Beddeli karo Xisbiga Saddexaad ee UCID. Cabdillahi Darawal Haddii ay doorashada Madaxtooyadu soo horayn lahayd oo ka dib ta Ururrada la qaban lahaa Rejediisu way dhaami lahayd sida hadda ay tahay. Xataa Haddii Ta Ururrada ee ay kaga dhegtay la soo horaysiiyo rejediisu may dhaanteen sida ay hadda tahay. Mar kasta waxa ka horaynaya laba xisbi iyo Laba Urur. Sida ay hadda Xaaladda Somaliland tahay wixii inta badani isla ogoshahay iyo Xeerka Doorashooyinka loo wada hoggaansamo ayuun baa wax xal la odhan karo jira. Xal Kale ma jiro ee Waxba yaanay ka Warwareegin lama huraan waa Caws Jiilaal Baa La Yidhi.” Qaran News
-
Si looga fogaado muran iyo isjiid-jiid siyaaseed, loona ilaaliyo hufnaanta iyo daah-furnaanta hannaanka dhismaha Goleyaasha Deegaanka, loona dhowro himilada dimuqraadiga ah ee codbixiyaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay iftiiminaysaa qodobada hoos ku xusan. 1. FARIISINTA IYO DHAARINTA GOLEYAASHA DEEGAANKA DEGMOOYINKA Fariisinta iyo dhaarinta Golaha Deegaanku waxay ku ansaxaysaa in ay seddex meelood oo labo meelood (3/2) tirada guud ee Golaha Deegaaku dhaartaan Fadhigana joogaan, taas oo ku dhisan darajooyinka Degmooyinka sida, A, B iyo C. kuna cad shaxdaan hoose. A. Degmada ah darajada A, oo ka kooban 33 xubnood, waa in ay Golaha Fadhiyaan, dhaarta dastuuriga ahna maraan 22 xubnood ah oo ah seddex meelood oo labo Meelood (3/2) tiradaa Guud ee xubnaha Golaha Deegaanka Degmada. B. Degmada ah darajada B, oo ka kooban 27 xubnood, waa in ay Golaha Fadhiyaan, dhaarta dastuuriga ahna maraan 18 xubnood ah oo ah seddex meelood oo labo Meelood (3/2) tiradaa Guud ee xubnaha Golaha Deegaanka Degmada. C. Degmada ah darajada C, oo ka kooban 21 xubnood, waa in ay Golaha Fadhiyaan, dhaarta dastuuriga ahna maraan 14 xubnood ah oo ah seddex meelood oo labo Meelood (3/2) tiradaa Guud ee xubnaha Golaha Deegaanka Degmada. 2. DOORASHADA GUDDOONKA GOLAHA DEEGAANKA. Guddoonka Golaha Deegaanka waxaa lagu dooranayaa 50+1 tirada guud ee Golaha Deegaanka sida uu qabo qodobka 29-aad ee Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland(LR.7). farqadihiisa 1-aad, 2-aad ama habraaca farqadda 3-aad ee qodobka 29-aad. Haddii laga maarmi waayo. 3. Si loo xaqiijiyo hannaankaan waa in magaca oo seddexan laga buuxiyaa lagana saxiixaa xubnaha Golaha Deegaanka ee fadhiga Golaha jooga una diyaarsan Dhaarta Dastuuriga ah. Dhammaad The post War-saxaafadeed: Dowladda Puntland oo iftiimisay Habraaca dhismaha Goleyaasha Degaanka appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay suuq ku yaalla xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle, kaas oo dhaliyay khasaare aad u xoogan. Dabkan ayaa ka billowday Foorno lagu sameeyo Buskudka iyo Xalwada, taas oo ku taalla dhhinac koonfureed xaafadda Hantiwadaag, wuxuuna geystay khasaare hantiyeed. Dabka ayaa baabi’iyay Foornada iyo sidoo kale goobo kale oo u dhowaa, balse ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaasi. Dadaallo kala duwan oo ay sameeyeen dadka deegaanka ayaa keentay in markii dambe lagu guulaysto dabkan oo baaxadiisu aad u weyneyd, balse laga hortagay. Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay dabkaasi, waxayna sheegeen in bubur xoogan uu soo gaaray goobaha qaar ee suuqa. Sidoo kale waxa ay sheegeen in dabka uu saacado qaatay, isla-markaana ay ugu wacan tahay, dab damis yari iyo sidoo kale waqtiga oo ahaa xilli habeen ah. Jowhar ayaa leh hal baabuur oo dab damis ah, kaas oo mararka qaar ganacsatadu ka cowdaan inuu soo daaho, xilli loo baahdo gurmadka deg-degga ah. 28-kii bishii bishuu August ayay aheyd markii uu isla suuqaan ka kacay dab xoogan oo ka dhashay koronto, kaas oo baabi’iyay goobo ganacsi oo ku yaalla suuqa magaalada Jowhar. Waxaa kasoo horreeyay oo ,aalmo ka hor sidaan oo kale dab xoogan uga kacay suuqa Darwiish oo ku yaalla magaalada Beledweyne, kaas oo geystay khasaare xoogan. The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dab ka kacay suuqa Jowhar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Safiirka Somaliland ee Jabuuti oo Lagu Soo Dhaweeyay Xarunta Baarlamaanka Jabuuti Jabuuti(Qaran news)- Safiirka Somàliland u fadhiya Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Jabuuti. Furitaanka kalfadhiyada ayaa lagu soo casuumaa diblomaasiyiinta caslamka ee fadhigoodu yahay Jabuuti. Danjire Cabdifataax ayaa muddadii uu ahaa Wakiilka Somaliland u fadhiya jabuuti ka shaqeeyay inuu xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal. Danjire Cabdifataax ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta baarlamaanka Jabuuti, wuxuuna ahaa diblomaasiyiinta dalalka caalamka ee lagu martiqaaday kulankaas. Qaran News
-
Faysal Cali Waraabe oo Shaaciyay Inay Somaliland soo Afjarayso Qalalaasaha Laascaanood Sweden(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale ku celiyay in ay Somaliland dhawaan soo af-jarayso qalalaasaha ay kooxaha huwantu ka wadaan gobolka Sool. Waxaanu sheegay Eng. Faysal, in ay Somaliland ka go’an tahay sidii loo soo gebagebayn lahaa colaadda ay kooxaha argagixisadda isa soo baahaystay ka wadaan magaaladda Laascaanood. “Arrinta qalalaasaha Laascaanood ka taagan, waanu soo gebagabaynaynaa insha ALLAAH. Si dhakhso ah ayaanu u soo dhamaynaynaa hawshaasi” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo hadal ka jeediyay xaflad ka dhacday dalka Finland, oo uu safar shaqo ku marayo. Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa kaloo uu ka hadlay sidii ay iskaashi u wada yeelan lahaayeen dawladaha jamhuuriyadda Somaliland, Soomaaliya, iyo Jabuuti, taasoo uu tilmaamay in ay wax tar weyn u yeelanayso Geeska Afrika. Waxaanu yidhi “Somaliland iyo Soomaaliya maaha beello maaha, ee waa laba dawladood, ee taa ha la ogaado. Saddexdii dawladood ee Soomaaliyeed ee Somaliland, Soomaaliya, iyo Jabuuti, saddexdu ba waa in ay is-baaysi samaystaan, oo ciidamo difaac wada samaystaan, oo marka wadan la soo weerraro uu ka kale u gurmato, ayaynu samaysanaynaa. Waana wax weyn saddex dawladood oo Soomaali ah, oo ku wada jirta ururka midawga Afrika AU-da, UN-ka, iyo IGAD. Markaa ta la hor taagan yahay waa taa”. Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa kula dar-daarmay masuuliyiinta, siyaasiyiinta, aqoon yahanka Soomaaliya in ay taageeraan dawladda mada weyne Xasan Sheekh, oo uu tilmaamay in lagu waddo qorsheyaal lagu fashilinayo. “Waxaan idinku dar-daarayaa madaxweyne Xasan Sheekh, bar-bar istaaga. Qorshe weyn baa ku socda, oo la doonayo in dawladiisa lagu fashiliyo. In cid kale idiin taliso guul ku keeni maysaan, waa in aad idinku tashataan. Sidii aanu anagu nabadda ku keenay oo kale waa inaad dariiqeedii martaan” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID. Qaran News
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa ku casuumay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka soo bandhigista dib u eegista iyo wax ka badalka Sharciga Ciidanka Boliiska (Sharci Lam 2 ee Dec 1972) iyo Xeerka Ciidanka Boliiska (Xeer Lam 14 ee 04 Jan 1973). Guddiga dib u eegista iyo wax ka badalka Sharciga iyo Xeerka Boliiska ayaa Xeer ilaaliyaha u soo bandhigay habraacyadii uu soo maray, iyaa oo uu Xeer Ilaaliyuhu uu ka talo bixiyay sharciga. Dib u eegista Sharciga iyo Xeerka Boliiska ayaa qeyb ka ah dib u habeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah hagaajinta hay’adaha Ammaanka iyo Adeegga dadweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhamaadkii sanadkii hore ee 2022, waxaa magaalada Washington D.C. shir madaxeed ku dhex marey madaxda qaaradda Afrika iyo madaxweynaha Maraykanka, Biden. Ulajeedada shirkaa ayaa aheyd sidii loo kordhin lahaa iskaashiga danaha caalamiga ah iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya qaaradda Afrika iyo Mareykanka. Source: Hiiraan Online
-
Maxay yihiin shaqsiyaadka ay qabteen ciidanka SSC-Khaatumo?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada SSC-Khaatumo, gaar ahaan kuwa xasilinta ee magaalada Laascaanood ayaa howl-gallo kala duwan ka sameeyay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood. Howl-galladan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Laascaanood ayaa waxay ciidanka kusoo qabteen dad dhowr ah. Shakhsiyaadkan ayaa ku eedaysan in aysan u hoggaansamin “nidaamka dowliga ah” ee kal hore Laascaanood looga dhawaaqay, sida ay sheegeen saraakiisha amniga SSC. Saraakiisha ciidanka ayaa sidoo kale waxay sheegeen in shaqsiyaadka ay ciidanka ku qabteen howl-galladii u dambeeyay loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee maamulkaasi. “Sharciga ayaa la horgeyn doonaa, waxaana go’aan ka gaaraya garsoorka,” ayey u sheegeen warbaahinta maxaliga ah. Arrintaan ayaa imaneysa xilli ciidanka la magac baxay xasilinta ee Laascaanood ay maalmihii dambe ay wadeen howl-gallo culus, kuwaasi oo qoryaha looga xareeyay qaar kamid ah dhalinyarada Laascaanood oo qoryahooda la dhex marayay magaalada. Si kastaba, markii ay xoogagga SSC ka adkaadeen ciidamada Somaliland, ayaa waxaa Laascaanood lagu dhisay maamul la yiraahdo Khaatumo, kaas oo doonaya in xubin uu ka noqdo maamullada xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, balse weli diidmo adag iyo gacan ka hadal ayay kala kulmayaan Somaliland. The post Maxay yihiin shaqsiyaadka ay qabteen ciidanka SSC-Khaatumo? appeared first on Caasimada Online. -
Xisbiga UCID oo ka Warramay Wufuud ay la Kulmeen Hargeysa(Qaran news)- Masuuliyiinta Xisbiga UCID ayaa la kulmay wufuud caalamiya oo dalka timi. Sidaasna waxay ku sheegeen qoraal ay soo saartay UCID oo u dhignaa sidan:- “Masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa maanta magaalada Hargaysa kula kulmay wafti ka socday qaramada Midoobay iyo Dalka UK. Waftigan ayaa waxaa kala hogaaminayay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing iyo Safiirka Dawladda Ingiriiska Mr Michael Nithavrianakis iyo masuuliyiin kale oo wehelinayay. Waxaana labada dhinac kaga wada hadleen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan, arrimaha Bariga, Doorashooyinka iyo qodobbo kale. Masuuliyiinta xisbiga UCID ka socotay, ayaa kala ahaa, Xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Xuseen Ciise, Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur(Shiine) Iyo Af-hayeenka xisbiga Maxamed Bilaal.” Qaran News
-
Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegay in la fashiliyey gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha Qarxa, kaas oo kusoo wajahnaa magaalada sida laga soo xigtay maamulka. Guddoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi ayaa uga mahadceliyey ciidanka Amniga shaqada adag ee ay bulshada u hayaan iyo fashilinta weerarka ku soo wajahnaa magaalada. Guddoomiyaha ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka u feejignaantooda arrimaha amniga isla markaana ay muujiyaan howlkarnimo dheeraad ah. La soco wixii faahfaahin dheeraad ah ee ka soo kororta dhacdadan. Source: goobjoog.com
-
Suldaanka Cismaan Suldaan Cali oo soo Dhaweeyay Go’aankii Wakiillada Hargeysa(Qaran)- Suldaan Cismaan Suldaan oo ka.mid ah Salaadiinta beesha West Burco Clan ayaa bogaadiyay go’aanka golaha Wakiilladu ku xalaaleeyeen isa saarka doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda. Suldaanku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in horumarka iyo wadajirka Somaliland laga wada shaqeeyo. Suldaan Cismaan wuxuu sheegay in qoddobadii dhinacoida khuseeyay wixii ugu weynaa oo ah in inamadii cadhooday laga soo dejiyo Buurta Gacanlibaax ay si sharaf leh u hirgashay, wuxuuna amaanay dhallinyaradii ka aqbashay go’aankii odayaashu ula tageen. Waxa kaloo uu ku baaqay in si xalaal ah loogu tartamo doorashooyinka oo aan la warwareejin, wuxuuna ballan qaaday in qofkii ku guulaystaaba ay la shaqeyn doonaan oo uu ýahay reer Somaliland. Suldaan Cismaan wuxuu axsaabta iyo ururrada u soo jeediyay inay wadajir iyo midnimo wax ku doonaan. Qaran News
-
Kismayo (HOL) - Somali security forces seized a car filled with explosive devices following a security operation in the Dolow district of the Gedo region on Sunday, according to the local official. Source: Hiiraan Online
-
Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in degmada Doolow ee gobolkaasi lagu fashiliyay qarax culus oo ay soo diyaarisay kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ammaanka degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa fashiliyey qaraxaas, ayaga oo gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha qarxa. Inkasta oo weli la xaqiijin bartilmaameedka gaariga qaraxa ee la fashiliyay qorshihiisa, balse laamaha ammaanka ayaa laga soo xiganaya in kooxda u socotay inay ku gumaaddo shacabka degmadaasi. Guddoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi oo si kooban uga hadlay arrintaan ayaa wuxuu uga mahad-celiyey ciidanka amniga shaqada adag ee ay bulshada u hayaan iyo fashilinta shirqoolada kooxda oo ku soo aruurtay qarax uun, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada ammaanka in la joogteeyo shaqada adag isla markaana ay muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeraad ah. Qaraxa la fashiliyay ayaa imanaya xilli maleeshiyada Al-Shabaab ay maalmihii u dambeeyay culeys soo saareen gobolka Gedo, ayada oo bar-kontorool ka sameystay waddada xiririisa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo. Si kastaba, Kooxda oo wajaheysa guluf culus oo isku garabsanayaan ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan, ayaa sida muuqata xilligaan culeyska saareysa goobaha aysan markii hore ku xooganeyn, xilli laga xoreeyay deegaano badan. The post Sawirro: Gaari qaraxyo laga soo buuxiyay oo la fashiliyey appeared first on Caasimada Online.
-
Qatar Charity boosts capabilities of Somali disaster agency
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qatar Charity inaugurated the headquarters of the Somali Disaster Management Agency (SoDMA) in the presence of Dr Abdullah bin Salem Alnuaimi, ambassador of Qatar to Somalia, Mohamuud Moallim, director of SoDMA, and Khalid Abdulla Alyafei, director of the Emergency and Relief Department at Qatar Charity, in addition to other Somali government officials. Source: Hiiraan Online -
Ankara (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay in weerar lala beegsaday meel u dhow xarunta baarlamaanka dalkaasi ee magaalada Ankara Axadda maanta ah ay ku dhaawacmeen laba askari oo booliis ah. Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo uu daba socday holac aad u xooggan ayaa laga maqlay meel dhowr KM u jirta goobta uu weerarku ka dhacay. Wasaaradda ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka qaaday ay 9:30 kii subaxnimo ee waqtiga dalkaasi gaari ku yimaadeen afaafka hore ee iridda laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayna qaadeen weerar Bambaano oo ay ugu yeertay “mid argagixiso ah” “Nin ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyay kan kalena waa la toogtay” ayay wasaaraddu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada iyadoo intaa ku dartay in laba askari ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen. Goobta la beegsaday ayaa martigelisa dhowr wasaaradood iyo baarlamaanka Turkiga, kaasi oo lagu wado in maanta uu kalafadhiyadiisa ku bilaabo khudbadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay sheegeen warbaahinta Turkiga. Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. The post Turkiga oo war kasoo saaray qaraxii ka dhacay Ankara iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI oo ka Qabsoomay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Shirka Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Shirka oo uu guddoomiyanayay kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac waxaa lagu lafo guray xaaladda guud ee Somaliland. Musharraxa madaxweynaha Xisbiga mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xubnaha Guddida Fulinta, xoghayeyaasha, Xildhibaannada iyo masuuliyiinta shirka ka qayb galay warbixin waafi ah ka siiyay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, wadajirka bulshada iyo doorashooyinka, waxaanu madaxda xisbiga ku wargeliyey in si buuxda loola jaan qaado jidka doorasho ee dalku qaaday. Masuuliyiinta xisbiga iyo xildhibaannada xisbiga ee baarlamaanka qaarkood ayaa kulanka ka soo jeediyay warbixino iyo talooyin wax ku ool ah oo ku aaddan qorshaha xisbigu ku wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo midnimada bulshada reer Somaliland. Qaran News
-
Alle ha u naxariistee oday Xaamud Siciid Jaamac ayaa ku geeriyooday rasaas saaka ka dhacday magaalada Carmo ee Gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in is rasaasayn kooban dhex martay marxuum Xaamud iyo ciidanka Booliiska taas oo sababtay geeridiisa. Is rasaasaynta ayaa bilaabatay kadib markii ciidanka Booliska isku dayeen in ay qabtaan marxuumka oo gaari watay islamarkaana qori sitay. Taliska Booliska Puntland weli faahfaahin kama bixin dhacdadan uu ku geeriyooday Xaamud Siciid oo kamid ahaa odayaasha deganka Carmo. PUNTLAND POST The post Oday Xaamud oo ku geeriyooday is rasaasayn ka dhacday degmada Carmo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii masuuliyiintii dowladeed ee loo haystay musuq-maasuqa, kaasi oo dhawaan ay soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir. Xeer Ilaalinta ayaa shaaciyay in uu si hordhac ah u dhameystiray habraaca racfaan qaadashadiisa ee uu ka qaatay xukunnaddaasi, sida uu ku yiri bayaan Xeer Ilaalinta kasoo baxay maanta. “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu Racfaan waafaqsan qoddobada 210, 212, 213 216 227 XHCS, MGB/D-DL/10442023, MGB/DDL/938/2023, kuna taariikhaysan 28/09/2023, kana soo baxay maxkamadda gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaalinta Qaranka. Tallaabadan ayaa ka dhigan in Xeer Ilaalinta aysan ku qancin xukunadda maxkamadda ka gaartay masuuliyiinta dowladeed ee uu horay xafiiska ugu soo eedeeyay xatooyo dadweyne. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maalmo kahor xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo loo haystay masuq-maasuq, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada Muqdisho. Raggan oo isugu jiro agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka. Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa ku dhowaaqay xukunka lagu ridday raggan, ayada oo qaarkood lagu waayay dambiga lagu soo eedeeyay. Mas’uuliyiinta dib loogu celiyay xoriyadooda ayaa waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashoo hore ee wasaaradda shaqada. The post Xeer Ilaalinta oo racfaan ka qaadatay xukunkii xubnaha loo haystay musuq-maasuqa appeared first on Caasimada Online.
