Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Raagaceelle (Caasimada Online) – Ciidamada ATMIS ayaa saldhigii ay ku lahaayeen Degmada RaagaCeelle ee Gobalka Sh/Dhaxe ku wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka, waxaana munaasabada wareejinta saldhigaas goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay ATMIS ayaa lagu yiri “Ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa hadda loo daabuli doonaa gobollo kale oo Soomaaliya ka mid ah, si ay u xoojiyaan ammaanka, iyadoo la eegayo hakadka joojinta saddexda bilood ah ee ay dalbatay DFS.’’ Dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in muddo la hakiyo heshiiskii bixitaan ka ciidanka ATMIS oo meelaha qaar ka baxay bilihii lasoo dhaafay, taas ayaa keentay in ciidamada qaar loo raro saldhigyo kale, waxaana maanta lagu bilaabay kuwii joogay Raagaceelle. Warqadd ku taariikheysneyd 19-kii Septembar ayaa waxa ay dowladdu ku codsatay n 90 maalmood dib loo dhigo wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS oo qorshuhu ahaa in dalka looga saaro illaa 3,000 oo askari, marka la gaarao dhammaadka September. “Waxay dowladda Soomaaliya codsaneynsaa in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Sababta ayaa waxa ay dowladdu xiligaas ku sheegtay inay haatan dagaal xoogan kula jirto Al-Shabaab, kaas oo mararka qaar khasaare xoogan uu kasoo gaaro ciidanka Xoogga dalka. Waxaa kale oo qoraalkan saldhig looga dhigay in xilligan xaaladda taagan aysan saamaxeyn in dalka ay ka wada baxaan ciidamada howlgalka ATMIS. Dhawaan, madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan ka duulaya ayaa u dhoofay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas u aaday inuu madaxweyne Geelle kala soo hadlo in ciidamadiisa ay sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb oo uu hadda ka socda abaabulka dagaalka. Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidanka Xoogga dalka, taas oo hadda la isla fahmay in dib loo dhigo 3-bilood kaliya. The post Sawirro: Ciidanka ATMIS oo maanta faarujiyey saldhig kale iyagoo aan ka baxeyn dalka appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed 27 qodob ka kooban, kaas oo mid mid loogu dul-istaagay waxyaabihii dowladda u qabsoomay toddobaadkaan. Bayaankaan oo toddobaadle ah oo Arbaco kasta ka soo baxa wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ka akhriso hoos, isagoo dhameystiran: 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Mudane Aden Barre Duale oo ay ka wadahadleen iskaashiga labada dal. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyaad warbaahinta kala hadlayey ayaa ku baaqey in loo midoobo ciribtirka Khawaarijta Al Shabab, xilli la xusayo sannad guuradii 6aad ee ka soo wareegtay xasuuqi Khawaarijta Al Shabaab ay ka geysteen xaafadda Soobbe ee magaalada Muqdisho. 3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Sweden u fadhiyi doona Soomaaliya , Mudane Joachim Waern. 4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay aqoon is weydaarsi ay ka qeyb galeen Golaha Wasiirada oo lagu lafa gurayey hirgelinta nidaamka dowladnimada casriga iyo hufnaanta maamulka. 5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee lagu soo tababarey dalka Eritrea, kulana dardaarmey inay gutaan waajibaadka ka saran dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab. 6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka toddoobaadlaha ee Golaha Wasiirada, isla markaana ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo barnaamijyada kale ee siyaasadeed ee dalka horyaalla. 7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah furay olole dhiig loogu shubayo Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al Shabab. 8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey Masjidka Madaxtooyada ayaa amaanay doorka shacabka ee dagaalka Al Shabab, sharaxaadna ka bixiyay sida looga wada qeyb qaadanayo barnaamijka dib u habeynta siyaasadda dalka. 9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jarey laba waddo oo dib loo dayactiray oo ku yaalla magaalada Muqdisho. 10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo si rasmi ah u furay Xarunta Tubsan ee la dagaalanka fikirka xagjirka. 11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay oo khudbad ka jeediyay shirka jiheynta dowladnimada casriga ayaa ku adkeeyay Golaha Wasiirada xaqiijinta ahdaafta saldhigga u ah dowladnimada ee ay kow ka tahay isla xisaabtanka iyo daah furnaanta. 12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan kula yeeshay Muqdisho Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Mudane Aden Barre Duale. 13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee dalka. 14- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku began 12-ka October u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed. 15- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah ee Bill & Melinda Gates oundation Ahna Madaxa Guddiga La Socodka cudurka dabeysha, Dr Chris Elias. 16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka ee matallaadda goleyaasha dowladda. 17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay kulan farsamo oo ku saabsanaa amniga, caddaaladda iyo dowladd wanaagga, kaas oo ku salaysan barnaamijka qaran ee xasilinta. 18- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub. 19- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo bogaadiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidamada degaanka ee Khawaarijta ka saarey degaannada Ciid-Ciidka iyo Jimbiloow. 20- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo kormeeray talisyada ciidanka dowladda ee koonfurta Mudug. 21- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo ciidamada degaanka ayaa hawlgal amni xaqiijin ka sameeyay deegaannada Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere ee degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada Dhexe. 22- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Mudane Yusuuf Xuseen Jimcale ka qeybgaley xus loo sameeyay shuhadadii ku naf waayey weerarkii 14 October. 23- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Bankiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika, oo ka dhacay dalka Morocco. 24- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama oo ka tacsiyadeeyay geerida wariye Cabdifataax Macallim Nuur oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho. 25- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macalin oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Cadaaladda ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq. 26- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi ayaa dalka Turkiga kaga qeybgalay Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika. 27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgali milateri oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degmooyinka Waajid, Rab-dhuure, Luuq Ganaane, iyo Yurkud ==============DHAMMAAD============== The post DF oo war-saxaafadeed 27 qodob ah ka soo saartay xaaladda dalka (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  3. Ismaandhaaf siyaasadeed ayaa Puntland ka jira ku saabsan nooca doorashada ku habboon in Madaxweyne lagu soo doorto sanadka soo socda. Dadka u dhuundaloola siyaasadda Puntland way ka warhayaan waxyaabaha sababay ismaandhaafka. Maadaama siyaasiyiinta Puntland ay si cad u taageereen in dooraashooyin degmooyin si nabad ah u dhacaan ka sokow dhowr degmo oo doorasho ka qabsoomi weysay, waxaa xusid mudan in aysan jirin koox si cad uga ololaysay in dadka Puntland golayaal degmo soo doortaan kaddibna naatijada doorashooyinku noqoto waddada loo marayo sharciyeynta xisbiyada Puntland ay yeelatay. Si labada dhinac isku haya siyaasadda Puntland ay uga heshiiyaan nooca doorashada, mabaadii’dan soo socota, oo ay labada dhinacba aamminsan yihiin, in si rasmi ah la iskugu raaco si caqabadda doorashada madaxtooyada looga gudbo ayaa loo baahan yahay. Puntland waxay soo bandhigtay habka federaalka hase ahaatee kuma aysan dhaqmin tan iyo 2004 markii dowladdii federaalka ku meelgaarka ahayd la dhisay. Ku dhaqmi-waaga federaalka wuxuu Puntland dadkeeda seejiyay fursado dhaqaale iyo kaalin siyaasadeed oo waxay dadka qaar isa su’aalaan in Puntland ka sugayso dowladda federaalka inay noqoto tusaalaha ku dhaqanka habka federaalka. Haddii ay sidaasi tahay, Puntland dooddeedii awood aan caasimad qaran ku urursanayn in loo baahan yahay waxay noqnonaysaa mid dadka federaalka u qareema ee Puntland aysan difaaci karin. Mabaadii’dan soo socda oo ay garwadeenka siyaasadda ee Puntland isku raacsan yihiin ayaa asaas u noqon kara heshiis laga gaaro nooca doorashada la aadayo sanadka soo socda: 1- In dadka Puntland yeeshaan fulin, sharcidejin, garsoor iyo hantidhowr madaxbannaan (dowladda isbeddelka soo badhigtay ku salaysan doorashooyinkii dhacay ayuu saaran yahay xilka soo bandhigista abuurista hay’adaha dhowraya xuquuqda siyaasadeed ee dadka Puntland sida ka dhowrista kheyraadka wadareed lunsasho, ka dhowrista ku adeegashada awoodda siyaasadeed, iskugu geynta ciidammada Puntland hal meel oo laga xukumo oo siyaasiga xilka haya dano gaar ah u adeegsan karin). 2- In habka awood-daadejintu noqdo mid si cad u muujinaya waxa awood-daadejintu noqonayso, sida ay uga duwanaanayso habkii hore oo ahaaa mid awooddu ku urursan tahay xafiiska fulinta (madaxtooyada). 3- In labada dhinac isku raacaaan inay wada leeyihiin (wadaagaan) hannaanka uu isbeddel siyaasadeed ugu dhacayo habka Puntland lagu maamulayay 18kii sanad ugu dambeeyay — taas macnaheedu waa in mucaaradka Puntland ay kaalin dhismo-kalkaalid (constructive) ku leeyihiin isbeddelka socda maadaama ay si cad u taageereen doorashooyiinkii degmooyinka laakiin ay ka biyo-diideen wax-ka-beddelkii dastuurka Puntland uu baarlamaanka Puntland sameeyay. 4- In Puntland yeelato xisbiyo aysan koox ku adeeganin, xisbiyo aan hubaysnayn. 5- In uu diyaarsan yahay ama la diyaariyo sharciga dowlad lagu soo dhisayo haddii doorasho Madaxtooyo ay dhacdo oo dadku soo doortaan Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen, iyo xildhibaanno: tirada xisbiyada badan waxay muujinaysaa inay aad u suurtowdo in xisbi uusan aqlabiyad helin. Waa inay caddahay boqolley % ahaan tirada codadka xisbi uu dowlad aqlabiyad leh ku soo soo dhisayo marka xisbiyadu tartamaan. 6- Waa in labada dhinac ku heshiiyaan in doodaha siyaasaddu noqdaan kuwo hufan, run ku salaysan, wixii ra’yi la sii suntado. Si qodobbadan isku raacsanaantoodu u noqoto mid rasmi ah waxaa lagama-maarmaan ah in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni la hadlo dadka Puntland isaga oo sheegaya in mabda’a in Isbeddel kasta oo siyaasadeed ku dhaca habka Puntland isku maamusho uu noqon doono mid dowladda xilka haysa aysan siyaasad ahaan ku ololayn karin, inuu qiro in dadka isbeddelka dhaliilaha inuu leeyahay qaba ay Puntland la jecel yihiin horumar. Ismaandhaafku waa calaamad muujinaysa in Puntland aysan koox gaar ah gacanta ugu jirin, keliya tahay maamul federaal u qareema laakiin awooddu ay Madaxtooyada ku ururusan tahay, ma aha tusaale maamul wanaag. Xaajo rogrogis kama maaranto. Sidaas darteed Mucaaradka Puntland waxaa la gudboon inay sharxaan sida habkii hore ee 66 u dhowrayo xuquuqda siyaasadeed ay xisbiyada soo baxay summadda u yihiin si awood daadejin loo helo inkastoo dowladda muddo xileedkeedu dhammaanayo looga fadhiyo faahfaahinta ka mirodhalinta mabda’a kowaad (kor ku xusan). Mucaaradku kaalin weyn oo kaliya kama qaadan karaan toosinta dhabbaha uu isbeddelku ku socdo, waxay wax badan ku biirin karaan dadaalka Puntland ugu gudbi karto hab isla xisaabtan iyo awood-daadejin ku salaysan. Fiiro gaar ah: Xogta qormadani ay ku salaysan tahay waxaa diyaariyay dad doonaya in xal laga gaaro ismaandhaafka siyaasadeed ka jira Puntland. Ma jiro qof si gaar ah u sheegan kara. Wax waa lagu biirin karaa, wax waa laga saari karaa. The post Xal waa loo heli karaa ismaandhaafka siyaasadeed ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta ka qayb-galay munaasabadda daah-furta xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka kooxda Al-Shabaab. Roobow ayaa marka hore boggaadiyay doorka madaxweynaha ee ku aadan dagaalka lala galay kooxda ee ku aadan dhanka milatariga iyo midka dhaqaalaha. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ay iyadana qaadatay doorkeeda, isla-markaana ay abaabushay shirar ka dhan ah Al-Shabaab. “Madaxweynaha markuu yiri, nimankaan waa la dagaalamayaa, dagaalka tooska ah, dagaalka dhinaca dhaqaalaha, iyo kan fekerkaba, XJF howl weyn bay iska saartay. Waxaa la qabtay shirweyn oo culimada Soomaaliyeed isugu yimaada, xukun bayna soo saareen kii baana lagu dhaqmaa,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda awqaafta xukuumadda Soomaaliya. Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horay uga tirsanaa hooggaanka kooxdan ayaa soo bandhigay tallooyin saddex ah oo uu sheegay in lagu soo afjari karo Al-Shabaab. Wasiirka ayaa ku taliyay in lagu qaado dagaal toos ah, ama lala galo dood cilmiyeed ku aadan Diinta amaba in lala furo wada-hadal, si loo qanciyo. “Fikirkan oo kale marka uu dalka ka dhaco saddex arrimood waa lagu soo afjaraa dagaal toos ah, dood ay culimadu la galaan nimankaas iyo wada-hadal lala furo si loo qanaciyo” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka. The post Daawo: Roobow oo shaaciyay saddex hab oo lagu soo afjari karo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya . Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, goleyaasha kala duwan iyo bulshada Koonfur-galbeed, kuwaas oo ku suganaa Garoonka diyaaradaha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed ayaa xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagag saarayo Al-shabaab ee deegaannadaas. Koonfur Galbeed ayaa dhowaan waxaa looga dhawaaqay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab wajigiisa labaad, waxaana durba deegaannada ka bilowday dhaqdhaqaaqyo ciidanku wadaan. Safarka madaxweynaha ee Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli xasarad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada ay ka dhextaagan tahay maamulka iyo mucaaradka, iyadoo doorashada dhici doonto 2024. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Beledweyne (HOL) - A gunman killed a prominent businessman named Hassan Mohamud Osoble, also known as Hidiri, in the Mahas district of the Hiiraan region on Wednesday, residents say Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha oo Xilkii ka Qaaday Badhasaabkii Togdheer iyo Badhasaab kuxigeenka Togdheer Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida Gudoomiyeyaasha iyo ku xigeenada Gobolada Dalka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. 1. Ku: Maxamed Diiriye Xayd; Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha 2. Ku: Muxumed Xasan Jaamac; Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer. Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay gudoomiye iyo ku xigeen cusub. Waxaanay u dhignayd sidan:- Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; 1. In Mukhtaar Cabdi Cabdillahi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2. In Maxamed Nuur Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  8. Saldhiga Degmada Axmed Dhagax oo 6 Nin oo haystay Laba Harimacad Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka saldhiga degmada Axmed Dhagax, ayaa gacanta ku soo dhigay 6 eedaysane, laba Harimacad oo ay ka ganacsanayeen oo ay doonayeen inay dalka ka dhoofiyaan iyo gaadhigii lagu siday. Haramicadyadan ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay sameeyeen ciidanka saldhiga booliska degmada Axmed Dhagax iyaga oo kaashanaya ciidanka Xuuranka. Taliyaha saldhiga degmada Axmed ayaa sheegay in degaanka Baliga-cas laga soo qabtay Harimacadyadan iyo raggi watay, waxaanu intaas ku daray inay usuuragalisay wada shaqaynta ay bulshada la leeyihiin, waxaanu ku ammaanay bulshada sida ay markasta u garab taagan yihiin ciidamada. Waxaanu yidhi. “Qaybta ii qaabilsan xuuranka ayaa soo sheegay Harimacadyadan aanu soo qabanay, degaanka Baliga-cas ayaanu ku soo qabanay, waxa kale oo aanu ku soo qabanay 6 maxbuus oo siday labadan Harimacad, waxaanay u siteen labada Harimcad ganasci ahaan, waxaanay doonayeen inay geeyaan xeebta inta kadibna ay sidaasi ku gudbiyaan, gaadhigii lagu siday oo Indha-cade ahaana waanu soo qabanay, bulshada ayaa aad noogala shaqayay soo qabashada Xayawaankan, bulshada waxaan leeyahay waa Khayraadkii dalkeena cid idinka lihi majirto ee aan wada ilaashano, balse in aynu lacag ku soo beddelano aad ayay mushkilad u tahay,” “Hawlgal ay ciidanka boolisku ka sameeyeen Xaafada Axmed Dhagax, waxa ay ku soo qabteen laba Harimacad oo yar yar oo ganacsi ahaan loo watay, waxa laga soo qabtay Baliga-cas, eedaysanayaashi lagu soo qabtayna waala hayaa, sharciga ayaa la horgeyn doona”Ayuu yidhi sarkaal ka tirsan ciidanka boolisku. Agaasimaha waaxda Duurjoogta ee wasaaradda degaanka iyo isbeddelka cimillada Somaliland, ayaa sheegay in Harimacadku uu yahay khayraadkii dalka, isla markaana aan la iibsan karin, laga ganacsan karin, sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogtu, Xeer Lr. 96/2015, waxaanu intaas ku daray in sharciga la horgeyn doono eedaysanayaasha, Harimacadyada iyo gaadhiga lagu sidayba, balse inta ka horraysa ay iyagu booliska kala wareegayaan xannaanayntooda iyo daryeelkoodana ay iyagu gacanta ku haynayaan. Waxaanu yidhi.“Ciidanka saldhiga degmada Axmed waan uga mahadcelinaya hawlgalkii ay sameeyeen ee ay ku soo guulaysteen, Harimacadku, waa khayraadkii dalka, lama iibsan karo, lagama ganacsankaro, sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogtu, Xeer Lr. 96/2015, Duurjoogtu waxa ay qiimo ku leedahay duurka ee halkeeda haloo daayo, cidkasta oo ficil xun kula kacdana sharciga ayaa lala tiigsanaya, labadan Harimacadna waxa ay ka mid yihiin waxa la yidhaahdo marag muujinta, si ku meelgaadha ayaanu gacanta ugu sii hayn doona, marka danbena maxkamadda ayaanu horkeeni doona.” Qaran News
  9. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, isaga oo ka ambabaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxaa gaaroonka diyaarada Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Sidoo kale waxaa soo dhaweynta qayb ka ahaa ku simaha gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS, wasiiro, golayaasha maamulka Koonfur Galbeed, maamulka gobolka Baay, kan degmada Baydhaba saraakiisha hay’adaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan magaaladaasi. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa waxaana kadib loo galbiyay dhanka qasriga madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu ku bilaabayo kulamo xasaasi ah. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Socdaalka madaxweyne Xasan Shekh ayaa ah dardargelinta bilaabida wajiga 2-aad ee dagaalka dalka looga saarayo Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa madaxweyne Laftagareen iyo qayba kale ee maamulkaas kala hadli doono xiisadda siyaasadeed ee ka taagan doorashada maamulkaasi, si xal loogu gaaro, maadaama ay walaac muujinayaan xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda halkaasi. Lama oga inta uu qaadan doono safarka madaxweynaha, waxaase loo badinayaa in dhowr cisho uu sii joogi doono Baydhaba, marka la fiiriyo culeyska ka taagan magaaladaasi. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan uun kasoo laabtay Galmudug, isaga oo muddo laba bilood ah soo joogay magaalada Dhuusamareeb oo uu ka hagayay dagaalka Shabaab. Waxaa sidoo kale uu booqday degmooyin ka mid ah HirShabelle, sida Maxaas iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi. Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u tegay Baydhaba, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May, hase yeeshee safarkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay Koonfur ka taagan tahay xiisad ka dhalatay doorashada iyo mida dagaalka Al-Shabaab. The post Sawirrro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Baydhaba + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi uu horkacayay wasiirka difaaca dalka Kenya Aadan Bare Ducaale oo saaka yimid Muqdisho. Madaxweynaha ayaa Aadan Barre Ducaale kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo dhibaato ku hayso labada waddan. Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli dadaalka uu socda, uuna muhiim yahay in ciidamadu ay gaaraan dhulka ay weli maamulaan xubnaha kooxda Al-Shabaab. Wasiirka difaaca Kenya ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageerida halganka lagula dagaalamayo Shabaab. Waxaa kale uu ballan qaaday inay Soomaaliya ka taageeri doonaan dhanka ammaanka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda ee haatan ka socda gudaha dalka. Kenya ayaa kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay qayb ka tahay dagaalka Al-Shabaab, maadaama ay dalkeeda ka fuliso weeraro. Si kastaba, dowladda Kenya ayaa hore uga mid aheyd heshiis ay dalalka safka hore ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasi oo dhigayay in ciidamo ka socda oo ka madax-banaan ATMIS ay qeyb ka noqdaan wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan. The post Muxuu madaxweyne Xasan kala hadlay Aadan Barre Ducaale? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  11. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in ay si dhaw ula socdaa dhaqdhaqaaqyada dagaal iyo ficillada colaadeed ee ka imaanaya Somaliland kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan dhulka miyiga ah. SSC-Khaatumo ayaa ku wargeliyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu Taariikh 14-kii October 2023 ku baaqay in uu abaabulayo dagaal beeleedyo, isagoona ballanqaaday inuu colaad ka hurin doona degaannada oodwadaagta laga yahay ee u dhexaysa Ceerigaabo illaa Buuhoodle. “Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo colaad hurinta ay Soomaalilaan waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo ay Soomaalilaan damacsan tahay” ayaa lagu yiri war ka soo baxay SSC-Khaatumo. Sidoo kale Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku wargeliyay Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha derisyadooda, islamarkaana u hoggaansan yihiin xeerarka caalamiga ah iyo qarraaradii Golaha Ammaanka Qaramada midoobay. “Maamulka SSC-Khaatumo waxay hoosta ka xarriiqayaan in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo dhan, daandaansi kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaasoo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisu” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay SSC. PUNTLAND POST The post SSC-Khaatumo “Somaliland waxay hurinaysa colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka dhaca miyiga” appeared first on Puntland Post.
  12. Somalia rejected an appeal from Ethiopia to enter into negotiations with a view to granting it access to a Red Sea port. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed last week warned that his country’s lack of access to a harbor is a potential source of future conflict and called for efforts to address the issue in order to safeguard regional stability. Ethiopia lost its direct access to the sea in 1993 when Eritrea gained independence after a three-decade war. While Somalia is “highly committed” to enhancing peace, security, trade and integration, it isn’t interested in providing access to a strategic asset such as a port, State Minister of Foreign Affairs Ali Omar said in a text message. “Somalia’s sovereignty and territorial integrity — land, sea and air — as enshrined in our constitution, is sacrosanct and not open for discussion.” In a televised lecture on Oct. 13, Abiy said Ethiopia had “natural rights” to directly access the Red Sea, and if it was denied this “there will be no fairness and justice and if there is no fairness and justice, it’s a matter of time, we will fight.” He suggested his government could grant shares in its Grand Ethiopian Renaissance Dam in return for similar stakes in ports in neighboring countries Eritrea described the prime minister’s comments as “excessive” and said “the affair has perplexed all concerned observers.” Alexis Mohamed, senior adviser to Djiboutian President Ismail Omar Guelleh, said Abiy’s position was a longstanding one albeit now delivered in a much more forward manner. “Djibouti will wait for Ethiopia to propose a peaceful means to access the Red Sea, while recognising that Djibouti has always been open to have good relations with neighboring countries and notably Ethiopia,” he said by phone. He noted Djibouti’s openness to already provide access to Ethiopia’s navy Source Bloomberg Qaran News
  13. DUBAI, United Arab Emirates, October 18, 2023/ -(Qarannews)- The inaugural edition of SuperBridge Summit Dubai (https://SuperBridgeDubai.com/) closed at Dubai’s iconic Museum of the Future, with a focus on the opportunity presented by large infrastructure projects needed across Africa, how venture capital funds are navigating the evolving investment landscape, and the burgeoning prominence of digital assets and their pivotal role in shaping the future of the financial landscape. In her opening remarks presented by an AI avatar video on the second morning, Vanessa Xu, Co-founder, SuperBridge Council and Executive Chairman & CIO, VS Partners reflected on the vision of SuperBridge, as a “platform to discover and celebrate forward looking practical solutions, that are spread across disciplines, geographies and perspectives”, and the success of the previous day. Afternoon sessions on the first day included a conversation on the ethics of AI with Dr.Hong Jiang Zhang, Advisor to the Beijing Academy of AI, a session on the practical real-world applications of AI which included insights from Henry Haijan He, Executive Director and CFO, Kingsoft Cloud; an Executive Panel on the future of urban living, including Dr. Chao Wang, Founder and CEO of Ambilight; and a fireside chat on unleashing sustainability innovation. Xu then looked ahead to the agenda for the second day of “cutting-edge conversations on digital assets, venture capital, and frontier technologies and geographies that have the potential to reshape global markets”. In a panel session titled ‘Africa’s Underrated Opportunity: Challenging Perceptions Through Partnerships’, ministers from Africa discussed the transformation of cities. Making life easier for everyday people across the continent was discussed by regional leaders including H.E. Dr. Sahar Nasr, former Minister of Investment and International Cooperation in Egypt, H.E. Dr. Ghita Mezzour Morocco Minister of Digital Transition and Administration Reform and H.E. Aurelie Adam Soule, Benin Minister of Digital Economy and Communications. Sharif El-Badawi CEO of Dubai Future District Fund, Abdulrahman Al Jiffry, Partner of 500 Global, Dr. Bing Xiang, Founding Dean and Professor of China Business and Globalization of Cheung Kong Graduate School of Business then discussed the strategic approaches of VC funds for navigating the evolving investment landscape in a Panel titled ‘Global Investment Slowdown: Navigating Promising Sectors Executive Panel Discussion’, identifying promising investment opportunities and the key trends shaping investment decisions in today’s challenging landscape. Sarah Cocker, CNBC TV anchor, moderated a high-level panel entitled titled ‘Scaling Ventures: Navigating Global Markets with VC Funds and Tech Accelerators’, with leading VC managers discussing exciting market expansions across the region. Noor Sweid, Managing Partner of Global Ventures, Ruby Lu, Managing Partner of Atypical Ventures, Seena Amidi, Managing Partner of Plug and Play, and Jack Selby, Managing Director of Thiel Capital, outlined funds and tech accelerators shaping the future of innovation with interesting insights on the forces to succeed in global economies. The day and the Summit wrapped up with an interactive panel discussion led by Marcel Kasumovich, Deputy Chief Investment Officer for Coinbase Asset Management, focused on the digital assets unlocking potential in an evolving technological and regulatory landscape. Holding the power to revolutionize financial services, Marcel explained the pivotal role of digital assets to drive unprecedented opportunities for industries to enhance value delivery for customers. A pioneering initiative by KAOUN International, a subsidiary of Dubai World Trade Centre (DWTC), and the SuperBridge Council, the SuperBridge Summit Dubai was held in partnership with the 43rd edition of GITEX Global, the world’s largest and most influential tech event hosted in Dubai, attracting 180,000 tech executives and investors from 180 countries. The date and location of the next SuperBridge Summit will be announced soon; please follow www.SuperBridgeDubai.com for further updates. Qaran News
  14. Xildhibaan ka Tirsan Guurtidda oo ka Hadlay Damaca Dekedda Saylac ee Itoobiya Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Ibraahim Sheekh Maxamuud Xirsi, oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay damaca Raysal wasaaraha Itoobiya ee dekadda Saylac, waxaanu sheegay in aanay jirin deked Somaliland u haysa Itoobiya, balse dekedda Itoobiya ay tahay ta Eriteriya. Geesta kale xildhibaanku waxa uu bulshada ku nool magaalada Hargeysa, ka waaniyay taageerada ay u muujinayaan Raysal wasaaraha Itoobiya ee ku saabsan doonista dekedda Saylac. Xildhibaan Ibraahin, waxa uu xildhibaan Maxamed Abiib, ku wargeliyay in go’aan ka gaadhista dekedda Saylac ay leedahay xukuumadda Somaliland iyo dadka degaanku, waxaan uga digey in uu ka hadalkeeda ka waantoobo. Xildhibaan Ibraahim waxa uu xukuumadda Somaliland ka codsaday in aanay ku deg degin doonista Raysal wasaaraha Itoobiya ee dekedda Saylac. Waxaanu yidhi.“Raysal wasaare Abiye waxa uu sheegay in dadkiisu sannadka 2030-ka ay noqonayaan 130 Milyen, balse inay bila bad noqdaana ma dhici karto ayuu yidhi, waxaan leeyahay Raysal wasaare Itoobiya badda Eriteriya ayay leedahay, hadday xumaan ku doonayso iyo hadday xoog ku doonaysaba, wax Somaliland ah oo bad ku leedahayna majirto, taasina xukuumadda iyo dadka degaanka ayay u taala.” Geesta kale xildhibaanku waxa uu bulshada ku nool magaalada Hargeysa, ka waaniyay taageerada ay u muujinayaan Raysal wasaaraha Itoobiya ee ku saabsan doonista dekedda Saylac. Waxaanu yidhi.“Bulshada badan oo degan magaalada Hargeysa ayaa hor yaacaya arrinta Abiyi, waxaan leeyahay Raysal wasaaraha waad lunsan tahay ee badaadii ayaad garan laadahay ee badaadii Eriteriya ayay ku taala. Xildhibaan Ibraahin, waxa uu xildhibaan Maxamed Abiib, ku wargeliyay in go’aan ka gaadhista dekedda Saylac ay leedahay xukuumadda Somaliland iyo dadka degaanku, waxaan uga digey in uu ka hadalkeeda ka waantoobo. Waxaanu yidhi.“Xildhibaan Maxamed Abiib waxaan leeyahay aqal aanad lahayn miyaad kireyn, mise cidbaad siin, waa may soowmaaha sidaasi uunbaan u arka, degaankii laga soo doortay ee Ruqi iyo Saylac ayaad kala garan laadahay ayaan isleeyahay.” Xildhibaan Ibraahim waxa uu xukuumadda Somaliland ka codsaday in aanay ku deg degin doonista Raysal wasaaraha Itoobiya ee dekedda Saylac. Waxaanu yidhi.“Dowladda Somaliland waxaan leeyahay yaan lagu deg degin arrinta Raysal wasaaraha Itoobiya ee damaciisa Dekadda Saylac, Somaliland laydh iyo biyo toona ugama baahna Itoobiya,” Qaran News
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya mudane Aadan Barre Ducaale ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee lagu ciribtirayo argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageeridda halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta. Safarka wasiirka difaaca dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladdu dhowaan ay ku dhawaaqday in howlgallo ka dhan ah Al-shabaab lagu qaadi doono deegaannada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo la qorsheeyay in laga qaado wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab. Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkaan dambe lahaa xiriir wanaagsan, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhanka amniga, ganacsiga iyo isku socda muwaadiniinta, waxaana Aadan inta uu Source: goobjoog.com
  16. Beledweyne (HOL) - The police commander of Beledweyne town, Ahmed Ali Adan, has vehemently opposed his dismissal by the Hirshabelle Police Commissioner, Hassan Dhicisow, setting the stage for a power in the regional state. Source: Hiiraan Online
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Kulan qado sharaf ah hoygiisa ugu sameeyay Wasiirka Difaaca dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo maanta soo gaaray Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Difaaca Kenya ayaa ka wada hadlay xoojinta amniga labada dal iyo sidii wadajir la’isaga kaashan lahaa ciribtirka iyo la dagaallanka Argagixisada. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay dhibaatada argagixisadu in ay saameyn ku wada leedahay waddamada gobolka, ciribtirkooduna uu wax weyn ka beddellayo amniga, nolosha iyo horumar ka tisqaada gobolka. Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale, ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah AS, wuxuuna ballan qaaday in dowladdiisu ay kaalin muuqata ka qaadan doonto sidii loo soo afjari lahaa kooxaha Argagixisada. The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya appeared first on Puntland Post.
  18. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Beledweyne, taas oo ka dhalatay xilka qaadis ay HirShabelle ku sameysay taliyihii saldhigga booliska magaaladaasi Xidigle Axmed Cali Aadan. Taliyaha xilka laga qaaday ayaa horyimid tallaabadaas oo uu qaaday taliyaha booliska maamulka HirShabelle Xasan Dhicisoow oo sheegay inuu xilkaas u magacaabay sarkaal kale oo lagu magacaabo Dhamme Cabdullaahi Maxamuud Siyaad. Sababta keentay xilka qaadista ayaa waxaa lagu sheegay in taliyuhu uu wax ka qaban waayay xaaladaha ka jira magaalada Beledweyne ee u dhexeeya maamulka gobolka iyo kan Hiiraan State oo uu dhowaan ku dhawaaqay guddoomiye hore Cali Jayte Cismaan. Xidigle Axmed Cali Aadan oo ah ninka xilka laga qaaday ayaa ku doodaya in HirShabelle aysan xilka qaadi karin, isla-markaana uu yahay taliye federaal ah oo uu soo magacaabay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, haddana uu xilka ka qaadi karo isla isaga uun. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli uu yahay taliyaha booliska Beledweyne, maadaama uu sheegay in aysan soo gaarin warqad xilka looga qaaday oo ka timid Muqdisho. “Aniga waxaan ahay Booliis Fedaraal waxaana halkaan ku imid magacaabis heer Fedaraal ah, xilna igama qaadi karto Hirshabeelle awoodna uma lahan sharcina maba ahan, mana arag warqad kasoo baxday Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo sarkaalkaan lagu soo magacaabay ” ayuu yiri taliye Axmed Cali Aadan. Arrintan ayaa keentay in maanta dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemo magaalada Beledweyne, taas oo u dhexeyso labada dhinac. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo madaxda sare ee HirShabelle oo ku aadan xiisadda ka dhalatay xilka qaadista taliyaha booliska degmada Beledweyne. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay ka digayaan inay arrintu faraha ka baxdo, haddii aan la heli cid kale oo soo kala dhex-gasha raggaasi. Beledweyne ayaa waxaa horay ay ula daalaca dhexeyso daruufpo ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cali Jayte oo isna ku dhawaaqay maamul la yiraahdo Hiiraan State. Si kastaba, Llama oga sida ay waxa noqon doonaan, balse arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. The post Xiisad cusub oo ka qaraxday Beledweyne kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalkeenna Mudane Joacim Waern oo dowladdiisa u soo magacowday Soomaaliya inuu ku matalo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Danjire Joacim Waern in uu ka miro Dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, dhanka kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal ka dhaxeeyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay sidii dowladiisa ay door weyn kaga qaadan lahayd in dalalka caalamka Soomaaliya ka taageeraan dagaalka ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiran sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab oo deegaanno badan laga saaray. Dowlada Sweden ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya waxaana labada dhinac ay la leedahay xiriir soo jireen ah, kaas oo muddo soo dhisnaa, Sweden ayaa mashaariic dhowr ah ka fulisay Soomaaliya kuwaas oo la xiriiira arrimo bulshada safiirkaan ayaa kamid ah kuwa sanadkaan soo gaaray Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay howlgelinta xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan, taas oo muhiim ah la dagaallanka Shabaab. Munaasabadda lagu daah-furayay xaruntan oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Safiiro ka socday saaxiibada caalamka iyo marti sharaf kale. Xamza oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu daah-furayaya xarunta ayaa shaaca ka qaaday in la wiiqay awooddii kooxda Al-Shabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Tubsan looga fadhiyo sidii ay u ciribtiri lahayd afkaarta gurracan ee kooxaha ay uga been sheegayaan diinteenna suubban. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale usoo jeediyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabisay Al-Shabaab in ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee ay dowladdu siinayso, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan dadkooda. Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kula dardaarmay hoggaanka Tubsan in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Al-Shabaab ay baraan afkaar suubban oo ku saleysan nabadda iyo waddaniyadda. Xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan oo dhowaan loo kordhiyay ayaa waxaa agaasime looga dhigay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo horay usoo noqday wasiirka amniga gudaha iyo xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn kasoo hoyeen ciidamada huwanta Soomaaliya. The post Sawirro: R/W Xamza oo daah-furay xarun muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Kulan qado sharaf ah hoygiisa ugu sameeyay Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo maanta soo gaaray Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Difaaca Kenya ayaa ka wada hadlay xoojinta amniga labada dal iyo sidii wadajir la’isaga kaashan lahaa ciribtirka iyo la dagaallanka Al-shabaab, kaas oo wajigiisa labaad dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay dhibaatada argagixisadu in ay saameyn ku wada leedahay waddamada gobolka, ciribtirkooduna uu wax weyn ka beddellayo amniga, nolosha iyo horumar ka tisqaada gobolka. Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale, ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, wuxuuna ballan qaaday in Dowladdiisu ay kaalin muuqata ka qaadan doonto sidii loo soo afjari lahaa kooxaha Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay howlgelinta xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee hey’adda Tubsan oo Muqdisho laga higelayay. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in la wiiqay awooddii Khawaarijta ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Tubsan looga fadhiyo sidii ay u ciribtiri lahayd afkaarta gurracan sida uu hadalka u dhigay, isagoo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee ay dowladdu siinayso. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hoggaanka Tubsan in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Al-shabaab ay baraan afkaar suubban oo ku saleysan nabadda iyo waddaniyadda, taas uu xusay in ay keeni karto in laga fogaado fikirkaas. Munaasabadda Xarunta Qaran ee Tubsan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Safiiro ka socday saaxiibada caalamka iyo marti sharaf kale, waxaana xarigga ka jaray ra’iisulwasaaraha Soomalaiya Xamse Cabdi Barre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Uganda is set to host the East and Central Africa Football Associations (CECAFA) Under-15 Championship in November. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeyntii Israel ka geysteen Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza. Duqeyntan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, maadama isbitaalka yaalleen boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo kamida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bayaanka ay soo saartay oo ku qornaa afka Carabiga ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah. Bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto sharciga caalamiga iyo xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah.” Bayaankan ayaa sidoo kale si cad loogu xusay in duqeyntaas ay fuliyeen ciidamada gumeystaha, ayna masuuliyadeeda leedahay Israel, oo ayadu durba billowday inay dafirto arrintaasi. Dad ka badan 500 oo qof oo u badan haween iyo caruur ayaa ku dhintay duqeynta xalay ay Israel la beegsatay Isbitaalka magaalada Gaza ee Al-Ahli Arab Hospital. The post DF oo bayaan culus kasoo saartay duqeynta Israel, kuna baaqday… appeared first on Caasimada Online.
  25. Somalia rejected an appeal from Ethiopia to enter into negotiations with a view to granting it access to a Red Sea port. Source: Hiiraan Online