-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bu’aale (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo ka gaysteen degmada Bu’aale ee gobolkaasi, gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa bartilmaameed, isla-markaana lala eegtay xarun uu shir uga socday xubnaha Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeyntan uu khasaare kala duwan kasoo gaaray xubnaha Shabaab ee ku shirayay halkaasi, balse ma cada inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Mareykanka, gaar ahaan taliska AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi ka dhacday degmada Bu’aale. Dhanka kale, Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan dhanka cirka ah ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala eegtay dad shacab ah, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaartay. Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta lagu burburiyay guryo ay dagaanayeen dad rayid ah, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin karo. Saddexdii bishaan ayay aheyd markii sidaan oo kale Al-Shabaab lagu duqeeyay Bu’aale, waxaana la beegsaday saddex goobood oo kal ah:- 1-Dhismaha xarunta degmada 2- Xero tababar oo dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bu’aale – aagga masjidka Dabaqa 3-Dhismo ku yaallo buundada Bu’aale oo xubnaha Khawaarijta ee Al-Shabaab ku shirayeen. Si kastaba, Duqeymaha dhanka cirka oo ay inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, ayaa kaalin mug leh ka qaata dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo howl-galka socda ee dalka looga xoreynayo kooxda. The post Diyaaradaha Mareykanka oo duqeeyay goob ay ku shirayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Buuloburde (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socdo duleedka degmada Buuloburde ee gobolkaaasi, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Dagaalka ayaa soo billowday abaare 9:00 subaxnimo ee saaka, wuxuuna soconayaa illaa iyo hadda, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdp aagga deegaanka Jicibow oo hoosta degmada Buuloburde, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 15 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Dagaalka waxaa hoggaaminaya taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Janaraal Faarax Cali Waasuge (Kooshin) iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka Hiiraan. Ujeedka ayaa ah in xoogaga Al-Shabaab laga saaro deegaanada jinka wabiga Shabelle ee mara gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen howlgallo culus. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka, ayada oo gurmadyo ay sii gaarayaan aagga lagu dirirayo. Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, kadib markii lagu bilaabay wajiga koowaad dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka. The post Daawo: Dagaal culus oo ka socda duleedka Buuloburde appeared first on Caasimada Online.
-
Weftigii Madaxweyne Kuxigeenka oo Go’aan ka soo saaray Kulamadii ay la yeesheen Waxgaradka Awdal Hargeysa(Qaran news)- Weftigii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo tan iyo 19kii bishan ku sugnaa gobolka Awdal ayaa go’aamo ka soo saaray kulamadii ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada. Go’aankaasi oo uu warbaahinta u akhriyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Md. Siciid Xasan Habane waxayna u qornaayeen sidan:- 1 Waxa la isla gartay in laga wada shaqeeyo adkaynta nabadgelyada, guud ahaan gobolka. 2 Waxa kale oo la isla qaatay in la caddeeyo bulshadana la xasuusiyo, bulshada gobolkani inay ka mid yihiin bulshaweynta JSL, yihiina dadkii aasaasay Somaliland, taariikh fogna ku leh, aanay jirin wax la yidhaahdo Awdal State iyo cidkale oo sheegan karta oo ka arrimin karta arrimaha gobolkan iyo danihiisa. 3 Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Waftigu dhageystay waxa ay ka qaadeen wixii tabasho ee mihiim ah ee la isla qiray, waxa wafti ahaan iyo xukuumad ahaan laga wada shaqayn doona sidii wax looga qabanlahaa. 4 Waxa waftigu bulshada ka codsanayaan dhambaalada iyo erayada aan wanaagsanayn, ee kala qaybin kara bulshada wada degan gobolka qaybaheeda kala duwan xasarad iyo xajiimeyna ku abuuri kara in laga fogaado, qof, koox iyo cidkasta oo arrimahaasi ku lug lihi inay ka waantoobaan, oo ay iska ilaaliyaan. Gaba-gabadii waftigu waxa ay ku baaqayaan adkaynta midnimada, wada jirka iyo danaha bulshada in laga wada shaqeeyo. Gaba-gabadii waxa uu waftigu u mahadnaqaya qaybaha kala duwan ee aanu soo sheegnay, cidkasta oo kala shaqaysay hawsha waftigu u joogay magaalada Borama maalmihii la soo dhaafay. Qaran News
-
Flash floods caused by heavy rains have killed at least four people in Somalia, said the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) in its latest situation report. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismaha Waddada Laamiga Via Liberia ee Degmada Waaberi oo lagu dhisay isku-tashiga Bulshada iyo Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar. Munaasabadda Xarigjarka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Maamulka Degmada Waaberi. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay ka qeyb qaataan Amniga iyo horumarka dalka si gaar ah Caasimadda, waxaana uu tilmamaay in bulshada laga rabo ilaalinta wadada. Mashruuca ku dhiso dalkaaga hal doolar oo dhowaan uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka ayaa lagu hirgeliyay dhismayaasha wadooyin badan oo caasimadda ah, kuwaas oo intooda badan dayactir lagu sameeyay, waxaana mashruucaan uu noqday mid wax badan ka badalay Muqdisho. Source: goobjoog.com
-
Warsaxaafadeed:ciidanka Booliska oo ka hadlay Nin loo Qabtay dil xalay ka dhacay Hargeysa War-saxafadeed : Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Dable C/raxmaan ibraahin Aadan ina Saynab Maxamed 21jir oo ku eedaysan inuu xalay Abaarro 8:20 habeenimo Xaafadda Baddacas ku dilay Marxuum-Mustafe ibraahin Aadan ina Koos Aadan 33 jira, Ciidanka Booliska ayaa hawlgal iyo dedaal ay sameeyeen saaka subaxnimadii gacanta kusoo dhigay eedeysanahan , waxaana lagu soo qabtay Deegaanka Aw-barkhadle ee bariga Magaalada Hargaysa isagoo hubkiisa wata markii Ciidanka Boolisku hareeriyeenna is dhiibay , waxaanu hadda ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska , iyadoo si degdeg u horgeyn doonno Sharciga. Dhanka kale waxa Ciidanka Boolisku gacanta kusoo dhigeen Eedaysane Maxamed Baashe Muuse ina Safiya Xasan 25jir oo kamid ahaa xubnihii la socday oo ku eedaysan ina gacan siiyeen Eedaysanahan dilka gaystya , waxaana sidoo kale Ciidanka Boolisku ku raad-joogaan laba eedaysane oo baxsad ku maqan oo aan wali la aqoonsan. Taliska Ciidanka Boolisku waxuu tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii , qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Mustafe Ibraahim Aadan. Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor usii qaadaan lashaqeynta Ciidanka Booliska. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir. Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliska iyo Nabad-Sugidda, waxayna ku dagaalameen agagaarka isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidanka NISA ayaa dagaalka lagu dilay, waxaana sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen askar kale oo ka tirsan laba ciidan. Sidoo kale waxaa is rasaaseynta dhex martay labada dhinac ku dhaawacmay qof kale oo shacab ah oo marayay waddada, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Ma cadda illaa iyo hadda sababta dhalisay dagaalka labada dhinac, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkaasi. Xaaladda ayaa haatan deggan, inkastoo dagaalkan uu saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka, dadka iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla halkaasI. Inta badan ciidamada dowladda dhexdooda ayaa inta badan ku dagaalama gudaha caasimada, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa rayidka. Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay ayaa shacabka ku dhaqan caasimada waxa ay ka nasateen xabadihii tirada badnaa, iyo dagaallada dhexmara ciidanka dhexdooda, taas oo ku timid kadib qorshe ay la timid dowladda dhexe oo ku aadan qaabeynta ciidanka amaanka. The post Faahfaahin ku saabsan dagaal maanta ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta ka furmay shirweyne xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimaha caafimaadka dalka. Shirkan oo ah kii shanaad ee caafimaadka Soomaaliya waxaa si wadajir ah u furay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadan. Wuxuu shirku socon doonaan muddo laba cisho ah, ayada oo ay ka qayb-galayaan wasiiradda caafimaadka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, agaasimayaal iyo khuburo sare oo dhanka caafimaadka ah. Mudada uu socda shirka ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa waxa ka dhaqangalay qodobadii horey uga soo baxay shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubaland iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo aas aas u ahaa horumarinta caafimaadka iyo ka dhabeynta hiigsiga dhow ee isbadalka caafimaadka iyo daryeelka bulshada. Sidoo kale waxaa shirka lagu soo bandhigi doonaa howlaha hortabinta leh ee horyaala wasaaraddaha caafimaadka dowlad goboleedyada iyo wixii ka qabsoomey daadejinta barnaamijka caafimaadka ee heer dowlad Goboleed. Madasha waxaa ka hadlay madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in maamulkiisa uu ka go’an yahay horumarinta caafimaadka si ay bulshaada Soomaaliyeed u hesho caafimaad dhamaystiran iyadoo laga amba qaadayo geediga horey usoo socdey ee caafimaadka. Dhankiisa wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ay la shaqeyn doonta wasaaradaha caafimaadka ee maamul goboleedayada, si bulshada u gaaro adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in mashaariicda horyaalla wasaarada caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya la gaarsiin doono wasaaradaha dowlad goboleedya, The post Sawirro: Shir xasaasi ah oo DF iyo maamullada uga furmay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Somaliland oo soo saartay Lix Qoddob oo wax lagaga Qabanayo Sicir Bararka Hargeysa(Qaran)- Guddida wax ka qabashada sicir bararka ee Xukuumadda Somaliland magacowday ayaa soo saaray lix qoddob oo la xidhiidha wax ka qabashada sicir bararka. Go’aamadan ayaa la xidhiidha xoojinta isticmaalka shilinka Somaliland iyo fududeynta maalgelinta ganacsiyada yaryar. Sidaas waxa Guddidu ki sheegeen warsaxaadadeed u qornaa sidan:- Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Puntland oo maanta shir deg-deg ah ku yeeshay magaalada Garoowe, kadib go’aannadii kasoo baxay guddiga doorashada maamulkaasi ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan jadwalka doorashada ee la shaaciyay. Dallada mucaaradka Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saartay shirkaas ayaa waxaa lagu sheegay inay horay uga digeen tallaabada la qaaday iyo muddo kororsiga Saciid Deni. “Dalladu waxa ay horay uga digtay damaca madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo ah muddo kororsi aan sharci aheyn, ayada oo uu dhammaan baalmaray heshiisyadii bulsho ee dowladda Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen xubnaha mucaaradka. Mucaaradka ayaa gebi ahaan qaadacay go’aanada uu soo saaray guddiga doorashada PEC oo xalay ku dhawaaqay jadwal doorasho oo muran xoogan dhaliyay. Xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Dalladan ayaa waxa ay nasiib darro ku tilmaameen arrintan iyagoo shaaciyay in jadwalka uu dhaafsiisan yahay mudo xileedka madaxweynaha, uuna keeni karo muddo kororsi aan dhammaad laheyn, sida ay hadlaka u dhigeen. “Waxay dalladu nasiib darro u aragtaa, iyadoon heshiis lagu ahayn doorasho la’isla ogol yahay in beeg uu madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ku dhisay si baalmarsan dastuurka dowladda Puntland ay soo saarto jadwal doorasho oo dhaafsiisan muddo xileedka hay’adaha dowladda, taas oo ay dalladdu u aragto muddo kororsi aan dhammaad laheyn” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka ay soo saartay Dallada Mucaaradka Puntland. Sidoo kale waxa ay dalab culus u direen Isimada Puntland iyo waxgaradka deegaanka, iyaga oo ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan Deni, si looga hortago qorshihiisa. “Haddaba Dalladu waxa ay ugu baaqeysaa Isimada Puntland iyo waxgaradka kale in meel looga soo wada jeesto madaxweynaha xilligiisa dhammaadka yahay ee Saciid Cabdullahi Deni oo doonaya in Puntland burburiyo kuna gorgortamo nabadda iyo xasiloonida ay dadka reer Puntland haystaan” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka mucaaradka. Jawaabta mucaaradka ayaa timid, ayada oo xalay guddiga doorashada Puntland uu ku dhawaaqday jadwal xasaasiyad dhaliyay, kaas oo lagu sheegay in doorashada waqtigeeda laga dhigay 25-ka bisha labaad ee sanadka soo socda, taasoo ka dhigan in doorashadii dhici lahayd siddeeda January 2024 meesha laga saaray, taas oo ay diideen mucaaradka. Si kastaba, lama oga sida ay arrintu dhaqan doonto, waxaase haatan laga war dhowrayaa mowqifka Isimada Puntland oo iyaguna haatan shirweyne ku leh magaalada Garoowe. The post Mucaaradka PUNTLAND oo qaadacay go’aannadii guddiga doorashooyinka + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe: 24 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 24-ta October, 2023, kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. 2. Waxaa S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. 3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. -DHAMMAAD- The post Dikreeto: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo ku xigeenkiisa labaad oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
JOHANNESBURG, South Africa, October 24, 2023/ -Qaran news- As part of GE Vernova’s (https://www.GEVernova.com/) commitment to support communities in areas it operates in, GE Vernova’s Steam Power business, is proud to announce the handover of the Botleng Extension 6 Community Health Centre, a first-of-its-kind primary healthcare facility in Delmas, Mpumalanga, South Africa. The clinic was officially handed over to the Mpumalanga Department of Health and marked by an official opening ceremony in Nkangala District of Victor Khanye Local Municipality. The Botleng Extension 6 Community Health Centre represents an approximated R75 million investment towards the turnkey construction and full equipment kitting of the clinic in efforts to uplift the local healthcare infrastructure. The clinic will play a critical role in meeting the growing healthcare demands of the community and its surrounding areas. Up to 100 000 local beneficiaries will have access to comprehensive primary healthcare services including 24-hour emergency care, maternity, dentistry, eyecare, medical dispensary, and mental healthcare services. While Botleng Extension 6, part of a rapidly growing settlement in Victor Khanye Local Municipality was being serviced by a mobile clinic with restricted services that visits the area twice a week, the new clinic will alleviate the community’s burden of travelling great distances to access quality healthcare services. The state-of-the-art facility boasts of a cutting-edge maternity ward equipped with premium GE Healthcare ultrasound/V-scan equipment, ensuring precision healthcare for expectant mothers and their babies. In addition to this, GE Healthcare will roll-out technical, clinical, and soft skills training programmes for nurses and midwives at the clinic, enhancing the quality of healthcare services. Premier of Mpumalanga, Refilwe Mtshweni-Tsipane expressed the provincial government’s gratitude for this significant contribution to the healthcare infrastructure in the region. “This facility will be heralded and safeguarded by generations to come. Not only has it exceeded our standard infrastructural requirements but should be used as a benchmark for public service and infrastructural excellence,” Mtshweni-Tsipane stated. “Thank you for leading by example and being a prime example of how private public partnerships can significantly aid our efforts and serve as catalysts for sustainable employment opportunity creation in our communities.” In line with its continuous strategy to empower local businesses, GE Vernova’s Steam Power business supported local businesses and communities throughout the construction process where GVK-Siyazama Construction served as the principal contractor, overseeing construction activities. A minimum of 30% of the work was sub-contracted to local Small and Medium-sized Enterprises (SMEs), and the general workforce was sourced entirely from the local community and empowered through accredited trade and skills development trainings. It was critical for the clinic’s design approach to incorporate ecologically conscious solutions like rainwater harvesting, energy-efficient fittings and low maintenance landscaping throughout the construction process. Speaking at the opening ceremony, Emmanuel Thouet, GE Vernova’s Steam Power SSA Regional Leader, expressed the company’s commitment to driving social change through public-private partnerships. ” Over the years, large infrastructure projects have provided us opportunities to create jobs and develop the critical skills needed to drive continuous growth in the energy sector. We recognize that for us to make a sustainable impact, we must be deliberate in our efforts to support social change,” he stated. “Through our expertise and innovation, we are able to address social challenges by creating shared value. We are proud to be part of this transformative project that will significantly improve the social and economic vitality of the Botleng Extension 6 community.” Zandile Shange, Eskom General Manager for Kusile Power Plant Project, expressed her enthusiasm for the community-centric partnership Eskom enjoys with GE Vernova’s Steam Power business in delivering this essential healthcare facility. ” Health and wellness are fundamental human rights for all South Africans,” Shange said. “The Botleng Extension 6 Community Health Centre represents a crucial step in providing accessible healthcare services to the people of this region. We are proud to be part of this initiative, which aligns with our mission to support the well-being of our communities and in accordance with one of our core values, ‘Sinobuntu’.” The Botleng Extension 6 Community Health Centre stands as a testament to the power of collaboration between industry leaders, government agencies, and the community to address critical healthcare needs and uplift local communities. Distributed by APO Group on behalf of GE. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Beergidiid ee gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabadsugidda gobolka Hiiraan iyo ciidamo maleeshiyaad ah. Maleeshiyaadka oo qaab qabiil u abaabulna ayaa lagu soo waramaya inay ka careysnayeen dad ehelkooda ah oo saldhiga deegaankaasi lagu xiray, kuwaasi loo haysto arrimo la xariira dhac gaadiid. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu yimid kadib markii ciidanka maleeshiyaadka ah ay weerar kusoo qaadeen saldhiga deegaanka, si ay u soo furtaan dadka ugu xirna halkaasi. Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaasi uu ku dhintay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale. Xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, kadib markii ay odayaal iyo waxgarad ay ku soo baxeen shaqaaqadan, ayna kala dhex galeen labada dhinac ee saaka halkaasi ku dagaalamay. Arrintan ayaa imaneysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay deegaanada gobolka ay kusoo badanayeen kala dhaca gaadiidka, taasi oo hadda muuqata in ciidanka dowladda ay wax ka qabashadeeda soo fara-galiyeen. The post Faah-faahinta dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay HIIRAAN appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho dadka waxay ka cabanayaan dhaqaale xumo, halka lacag malaayiin dollar ah oo ay argagixisada leedahay ay sanado badan kamid aheyd lacagaha wareega ee yaalla caasimada. Kooxda ayaa ku jirtay ganacsiyada dhulka, dhoofka iyo soo dejinta badeecadaha kala duwan, dhismayaasha dabayaqada casriga ah, kirada hoteellada, iibka gaadiidka iyo ganacsiyo kale. Dowladda waxay sheegtay asbuucan in 150 Milyan dollar oo lacag ah laga xayiray argagixisada, iyada oo sidoo kale la xiray 350 akoon oo ay argagixisada ku laheyd bangiyada kala duwan ee dalka. Lacagta 150 Milyan ee ay dowladda ka xayirtay argagixisada ama ka hor istaagtay waa inta la arkay, laakiin waxaa soo baxaya inay jiraan lacago intaan ka badan oo kooxda loogu shaqeynayay oo istaagay, markii dowladda ku qaaday dagaalka dhaqaale ee rasmiga ah. Marka Muqdisho la eego markii 150 Milyan la xayiro, 150 kalena laga yaabo inay iyagu la cabsadeen oo ay joojiyeen ku shaqeynteeda ama ay baxsadeen kuwii ku shaqeynayay, waa wax la filan karey in la dareemo saameynta lacagtaasi xooggan ee wareegi jirtay in hal mar istaagtay ay ku yeelan karto suuqyada. Waxay tani caddeyn u tahay sida argagixisada u dhex gashay dhiigga ganacsatada Muqdisho, kuwaasi oo lacagtii iyaga laga dhacay ama qaar saaxiibadood ah laga dishay dib loogu dhiibtay si ay ugu shaqeeyaan. Kooxaha argagixisada waxaa la sheega inay dulsaar siin jirtay dadka ugu shaqeeya lacagaha ay ka dhaceen shacabka Soomaaliyeed. Lacagta argagixisada ka dhacday shacabka Soomaaliyeed ee xayiran ama weli Xamar lagu dhex qarinayo waa inay dowladda u sameeysa qorshe gaar ah, dadka dhaqaalaha caasimadda maamullana waa inay isku diyaariyaan kobac dhaqaale oo ay argagixisada ka madhan tahay, ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya mawduucan. Waa adag tahay in dalkaan halkiisi hore lagu sii hayo oo ay argagixisada sidii umadda caadiga ah saameyn weyn ugu yeelato ganacsiga dalka. Sida ay hore u sheegeen laamaha amniga ee dowladda federaalka ah waxaa xiran xubno badan oo argagixisada lacago u kala wareejiyay, oo dadkaasi umadda Soomaaliyeed leynaya kala macaamilay wax dhaqaale ku saabsan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u soo saaray amar uu ku mamnuucayo in wax dhaqaale ah lagala macaamilo argagixisada. Tan iyo xilligaas kooxda waxay wajahday dhaqaale xumadii ugu weyneyd tan iyo 2009-kii sida ay warinayaan dadka daraaseeya xaaladaha argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya. Dadka Soomaalida ayaa badi si weyn u bogaadiyay burburinta dhaqaale ee ay dowladda ku wado argagixisada. Dowladda federaalka ah waxaa sidoo kale laga rabaa inay abuurto jawi dib u kobciya suuqa oo wax ka beddela xaaladda ganacsiga iyo hal abuur dadku kaga soo kaban karaan saameynta dhaqaale ee ka dhalatay dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday kooxaha argagixisada. Waxa kale oo muhiim ah inay dowladda curiso qaab aanay markale argagixisada saameyn ugu yeelan karin ganacsiyada Muqdisho. The post Dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab oo saameyn weyn ku yeeshay ganacsiga XAMAR appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka Africom ee Soomaaliya. Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay waxay si weyn uga hadleen dagaalka Al-Shabaab iyo sidii loosoo gebogabeyn lahaa Wajiga 1aad ee dagaalka, iyadoo dowladda Maraykanku ay taageero ay ka siiso dhinaca circa ah ciidanka Dawladda iyo kuwa deegaanka ee ku jira howlgalka ka socda gobollada dalka. Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadooMadaxweynaha iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen dagaalkan, maadama ay gacanta ku dhigeen deegaanno istaariiji ah oo laga saaray kooxda. Kulankan oo sdoo kale uu ka qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibrahim Sheekh Muxiyadiin, ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aaddan in dagaalka kooxda loo midoobo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo taas ka mug weyn si loo soo gebagebeeyo dagaalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muddo ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ka abaabulayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in Al-Shabaab laga saaray inta badan gobolka Mudug, howlgalkuna uu u soo wareegayo Bariga Gobolka Galgaduud inta xilli roobaadka ah. Source: goobjoog.com
-
Dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aaddan Jadwalkii mudda kordhinta dowladda ee uu shaaciyay guddiga doorashada Puntland ee PEC. Guddiga PEC oo qaabilsan hirgelinta nidaamka qof iyo cod ayaa xalay sheegay in doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada loo asteeyay in ay qabsoonto 25 Feb ee sannadka 2024, taas oo ka dhigan in mudda kordhin loo sameeyay dowladda. Haddaba, dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka oo maanta shir ku yeeshay Garoowe ayaa gebi ahaanba ka horyimid, islamarkaana sharci-darro ku tilmaamay mudda kordhinta uu guddiga doorashada ee PEC u sameeyay dowladda. Dallada mucaaradka ayaa ka digtay in tallaabadan ay horseedi karto qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo Puntland ka dhaca, waxaana ay mas’uuliyadda wixii ka yimaada dusha ka saareen madaxweynaha mudda xileedkiisu gabaabsiga yahay ee Siciid Deni. Mucaaradka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland in meel looga soo wada jeesto damaca mudda kororsiga ee madaxweyne Deni, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. PUNTLAND POST The post Mucaaradka Puntland oo gebi ahaanba ka horyimid mudda kordhinta guddiga PEC u sameeyay dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyay laba askari oo ka kala tirsanaa ciidamada booliska iyo xoogga dalka, kuwaasi oo horay dilal u gaystay. Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa lagu kala magacaaba Yuusuf Isaaq Nuur Aadan iyo Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol), waxaana horay xukunno dil ah oo ah qisaasta marxuumiinta ay dileen ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Ex-Dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa maanta magaalada Baydhaba loogu oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan loo arkin meydkiisa. Sidoo kale, Ex-Dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jir ah. Dilka Sheekh Cali ayaa yimid kadib markii marxuumka uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo lagu Maxkamadeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. The post Yuusuf Isaaq iyo Boqol oo maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta appeared first on Caasimada Online.
-
Somaaliya Mar Kale DHiig waa Loogu Wan-Qali! Abiy, Seylac ma meel laga dhintay baa markaad qabsanayso?! Waa badannahay Soomaali laguma xuuxiyo! dalkana dadkii Lahaa waa joogaan, dadka Soomaaliyeedna nabad baryi maayaan! Abiy Axmed ama dowladda Itoobiya damaceeda foosha xun ma aha mid iyada ka yimid, Soomaaliduna ma ha dad ay Itoobiya u gooddiso ama u caga jugleyso, dadkuna waxba kuma kala dhex qarsoona, Abiy Axmed oo qalbi caruurnimmadiisu ay tahay mid dibad yaal ah wuxuu u sheekeeyaa baarlamaan iyo gole wasiiro oo uu ku heysto awood iyo ciidan, waxaan dhaqan ka ah dalka Itoobiya kolba qofka madaxda ka noqda in waxa isagu uu sameeyo ay wadanka sharci ka yihiin, maxaa yeelay Itoobiya waxaa ka jiray Imbardooriyad (Empire) ay ku hoos dulmanyihiin qoomiyado kala duwan oo aysan jirin wax ay wadaagaan haddii ay tahay; isir, diin, dhaqan, iyo afba, kuwaasoo ay si xoog ah ku qabsatay, iyadoo gacan ka heleysa guumeystihii ku soo duulay qaaradda Afrika oo ay xiriir la lahaayeen isla markaasna ay isku xireysay diinta masiixiga, iyo guumeystayaasha oo fahamkoodu ahaa inay u adeegsadeen siyaasadooda ku aaddan qaaradda Afrika siiba gobolka Bariga Afrika. Siyaasadda noocaas ah oo si weyn u dhaqan gashay waxay dabeecad ahaan Itoobiya gaarsiisay horumar xagga xiriirka caalamiga ah, iyo inay saaxiibo badan ku yeelato caalamaka, hasa yeeshee taasi kuma macneysneyn in Itoobiya dhaqan ahaan ay ka guuri kareyso liidnimmada ay mujtamac ahaan dareemeysay ee ah inaysan ka maarmi kareyn gacanta dalalka shisheeyaha ah, waana halkaas meesha ay ka bilaabaneyso colaadda aan dhammaadka lahayn ee Itoobiya iyo dhexeeya Soomaaliya. Abiy Axmed, oo aan ahayn shakhsi buuxa ama mararka qaarkood laga shakin karo caqligiisa iyo hankiisa qofnimo, ayna ka muuqato inuu dareemayo in wax la dheeryahay wuxuu ku maanshoodaa inuu isagu been isu sheego, inuu is ammaano, iskuna qanciyo wax uu ogyahay inaysan waxba ka jirin. Wuxuu dalkiisa u dumiyay oo dagaalo ku galay ilaa haddana u wadaa dagaalladaas in Ayeeydii ay ugu riyootay isaga oo boqor ka noqday Itoobiya!…Wuxuu maalin maqlay islaanta asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadaha Koonfurta Itoobiya ee Jendayi Frazer oo leh “wax dhici kara ma aha in boqol iyo toban million inay bad la’aan ahaadaan,10 million ay heystaan badda ugu dheer qaaradda Afrika” hadalkaasoo run ahaantii markii ay dheheysay la oran karo wuxuu salka ku hayay nacayb ay qarsan weyday oo ay u heysay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo dhambaal ay u direysay cadowga Soomaaliyeed ee soo jireenka ah dhinaca kalana ahaa dhiiri gelin iyo inay arrintaas ku garab taagantahay Itoobiya!…DHaqanka Jendayi Frazer oo ahaa mid ka arradan guud ahaan xeerarka diplomat-siyadda ayaa u muuqday mid ay dowladda Mareykanka ugu soo bareertay qarannimmada Soomaaliya!! Waxaana xusid mudan in maanka lagu hayo arrintu inaysan ahayn Seylac iyo waxa ay dadka ka hadlayaan, hasa yeeshee hadalka uu Abiy Axmed ku celcelinayo ka turjumaya khariidaddii 2019kii la soo dhigay bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, ee dalkii Soomaaliyeed oo dhan uu ku daray Itoobiya. Hadal heynta Badda-Cas ee Abiy Axmed, iyo in mar kasta uu golaha shacabka ee dalkiisa maalin kasta ugu khudbeeyo “Xoog baan ku qabsanayaa Badda-Cas” ma aha caqli cusub iyo fikrad maanta ku dhalatay Abiy ee waa fikrad qeyb ka ahayd damacii guumeystihii kala qeybiyay Soomaaliya, oo iyagu rumeysnaa in Soomaaliya ay ka mid noqoto meel ay u maamusho gacanta Itoobiya, waxaana la wada ogyahay in guud ahaan Reer Bariga iyo Reer Galbeedkaba ay ka dhaadhacsaneyd wax badanna dhegaha Itoobiya ugu shubeen inay mas’uul ka yihiin Bariga Afrika, haddii ay tahay xagga sir-doonka, amniga iyo guud ahaan danaha reer galbeedka, waana hadalkaas oraahda uu Abiyi Axmed ku soo celceliyo sidii shimbirtii Bag-Bagaa’a (Parrots) marka uu leeyahay “Waxaan sugeynaa ammaanka Badda-Cas!” waxaana xusid mudan in waxa loogu yeero Qarammada Midoobay iyada oo gacanta ku haysa dalka Soomaaliyeed aysan marna waxba ka oran warkaas meel ka dhaca ku ah qaranimmada Soomaaliyeed, waxayna taas ku tusaysaa inay qeyb ka tahay oo ay fududeynayso shirqool weyn oo cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya uu la damacsanyahay Soomaaliya, isla markaasna cuno qabtaynta hubka ee dadka Soomaaliyeed saaran ay qeyb ka ahayd istaraatiijiyadda barnaamijka uu hadda ku shaqeynayo Abiy Axmed. Ma aha in dadka Soomaaliyeed aysan fahamsaneyn ama aysan dareensaneyn ujeeddada laga lahaa cunaqabteynta hubka ee la saaray dadka Soomaaliyeed muddada dheer, hasa yeeshee shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku kalsoonyahay inaan lagu maquunin karin xoog iyo hub, sida taariikhda ina bareysana shacabka Soomaaliyeed geesinimmada dhaqanka u ah waxaa u dheer oo Alle ku maneystay dhallin-yaro ku dhalatay dagaalyahanimo dabeecad ahaana u taba baran colaadaha iyo dagaalka, weligoodna uusan cadow ka guuleysan. Sida muuqata dagaalka uu naadiyay Abiy Axmed, ee waliba isaga iyo xulufadiis ay muddo ka soo shaqeynayeen ma noqon doono mid ku ekaada sida isaga ay la tahay gudaha Soomaaliya wuxuuse noqonayaa mid laysku wareysto gudaha dalka Itoobiya. Abiy Axmed, oo tallada Itoobiya qabtay bishii April 2018, isagoo oo sanad dhameysan buu wuxuu bilaabay ololaha colaadda ah iyo hadal hayntiisa ah inuu qabsanayo dekadaha Soomaaliya!…Waxaa isagana arrintaan dhiiri geliyay oo khayaannay ammaannadii ay umadda u dhiibatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga markaas aha madaxweynihii xilligaas kaasoo si cad oo aan kala har lahayn isugu dhiibay Abiy Axmed, iyadoo sida dad badan ay rumeysanyihiin ama ay tilaamayaan ujeeddadiisu ahayd in ciidamo kursiga ku ilaaliyo ka helo, wuxuuna la galay heshiisyo qarsoodi ah oo ilaa iyo maanta aysan jirin mas’uul la ogaa ama talo ahaan waxa ay heshiisyadaas ahaayeen, waxaa xusid mudan in dhagarta intaas la eg aysan xildhibaannadii golaha shacabka ee Baarlamaankii 10aad iyo guddoomiyahoodii Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo ninkii Ra’iisal wasaaraha dalka ahaa ee Xasan Cali Kheyre dhammaantood la oran karo aamusnaan bay ku taageereen iyadoo uu Abiy ku celcelinayo shir kastana uu ka sheegayo in Farmaajo uu 4 dekedood Soomaaliya ka siiyay!…waxaana hubaal ah in mar un khaa’inul wadhanka maxkamad la hor keeni doono. DHallin-Yarradu dagaal ha ogaadaan! saraakiishii hore ee ciidammada colaaddu waa kow! Maamulladan Itoobiyaanka ku soo yaacay Ha Saaraan! Abiy Axmed, wuu ogyahay xaqiiqada Itoobiya iyo Soomaaliya ka dhexeysa inaysan ahayn midda uu kula sheekeystay ama uu u sheegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuuna ogayahay inaysan Itoobiya qaadan kareyn dal iyo deked iyo dadka Soomaaliyeed, waxaase meesha ku jira fikrad been ah oo uu iska dhaadhiciyay oo ku salaysan inay Soomaaliya tahay dad iyo dal burburay oo shacab ahaan ay is khilaafsanyihiin! Waa qarnigii 21aad, wali taliska maan gaabka waa ka waantoobi la’yahay caqligii uu waligiis ku jabi jiray, wuxuuna si bareer ah isaga indho tirayaa xaqiiqda colaadihii labada dal dhex maray, oo uu ogyahay wixii ku dhacay dagaalkii ugu dambeeyay 1977kii, iyadoo ay waliba u soo hiiliyeen illaa 7dal oo uu hoggaaminayay midowgii Soviet. Si kastaba ha ahaatee dhallin-yarrada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waa inay heegaan galaan waliba sida ugu dhaqsaha badan oo ay u dhaqaaqaan xudduudaha iyo goobaha la qiyaasayo inay furimo colaadeed noqonayaan, waa in la aadaa oo lagu biiro abaabulka ka socda gobolka Awdal. Waxaa sidoo kale saraakiishii iyo ciidammadii hore iyo kuwa cusub iyo dhammaan inay kaalintoodii difaaca dalka ay hoggaamiyaan oo ay hor kacaan. Waxaa iyadana ceeb ku ah dowladda Soomaaliyeed inay wali aamusantahay iyadoo si bareer uu cadow u soo haliilayo qeybo ka mid ah dalka… waxaana soo jeedin wanaagsan in si dhaqso ah dalka looga saaro saraakiisha safaaradda Itoobiya iyo xafiisyada uga furan maamul-goboleeddada dalka iyo guud ahaan ciidammada dalka ka jooga. Odayaasha Dhaqanka iyo guud ahaan shacab weynaha waa inay isu taagaan difaaca dalka, gacan ka geystaan diyaar garaynta tabaabushaha colaadaha muuqda, iyo inay dalka ka saaraan Itoobiyaanka askarta aha ee muddada lagu soo guraayay. Eritrea iyo Soomaaliya dantaa Waajibkooda mid ka dhigeysa! Waxaa arrin wanaagsan ah in ciidamo Soomaaliyeed oo badankood taba-baran ay maanta ku suganyihiin dalka Eritrea, sida muuqatana damac Abiy Axmed wuxuu ku soo dhammaanayaa colaad aan maalmo iyo bilo ku dhamaaneyn, inkastoo shaki la’aan ay noqoneyso meeshii ugu dambeysay ee uu ku soo dhammaan lahaa magaca Itoobiya iyo boqornimmada uu ku calwasaadayo. Dadka Soomaaliyeed waxaa hor yaala inay si dhaqso ah oo aan dib u dhigasho lahayn ugu diyaar garoobaan cadowga dalka gudihiisa fadhiya xudduuddiina kaga soo duulaya, cadowga ay waligood yaqaaneen tabar darridiisa si kasta oo loo caawiyo oo guumeystuhu u soo taakuleeyo Itooobiya la bari maayo Soomaaliya! Waxaana arrin lagu qosla ah qaynuunka cusub ee Jendayi Frazer ay bartay Itoobiya ee uu maalin kasta ku celcelinayo Abiy Axmed, Waa badannahay! 150,000,000, million baan nahay marka waa qasab inaan bad xoog ku helno!…Soomaaliya jiritaankeedu baryo kuma dhisneyn, dunida balaayiinta ay ku nooshahayna baryo kuma joogin, marka Abiy iyo ayeeyadiisa u riyootay inay intaas ogaadaan baa loo baahanyahay! Waxaa iyadan talo wanaagsan ah in dalalka Badda-Cas leh; Soomaaliya, Eritrea, Masar, Djibouti, Sacuudiga, Yemen, ay ogaadaan oo ka wada hadlaan go’aan wada jir ahna ka qaataan xaaladaha iyo xasilooni darrada ka dhalan karta damaca waallan ee Itoobiya isugu sacabbo tumeyso, wada hadalka noocaan ah ayaa waxaa loo baahnyahay inay dowladda Soomaaliyeeda iyada marti geliso. Waxaa si gaar ah dowladda Soomaaliyeed ay ugu baahantahay inay heshiis iskaashi xagga ammaanka badaha ay la gasho dalalka Masar iyo Eritrea, waliba si dhaqso ah, waxaana suuro gal ah in ciidammada Soomaaliyeed ee taba barka ciidanka badda ku dhameystay dalka Eritrea iyo kuwa Eritrea inay si wada jir ah ugu hawl galaan sugidda ammaanka Badda-Cas laga soo bilaabo Eritrea ilaa biyaha Soomaaliya. Waxaa shaki la’aan ah Itoobiya inay wali rumeysantahay sidii dagaalkii 1977kii waxaa kuu soo hiilinaya 7dii dal midowgii Soviet, iyadoo aan waliba ognahay in Abiy Axmed meel kasta uu tago uu tuugsanayo hub iyo qalab ciidan iyo waliba haddii uu helayo ciidan u dagaalama, balse way adkaan doontaa hiilkii iyo gurmmadkii uu helay 1977dii inuu helo, iyo inay dalalkaas ciidamo ugu deeqaan, waxaana aad u yar inta laysku haleyn karo heshiisyada lala galo Abiy Amed, middaas lafteeda oo aan iyadan dhiiri gelineyn in la aamino. W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Abiy Axmed Colaad buu ku baaqay, Soomaaliduna Nabad baryi meyso! appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniin horleh oo la xiriirta duufaanta El-Niño, taasi oo ku aadan waxyeelo xooggan oo ka dhalan karta roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka. Waxaa weli socda digniinaha ay bixinayaan mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa hay’adaha gargaarka ee ku saabsan roobabka xoogga leh ee la filayo inay dalka ka da’aan xilligan deyrta iyo weliba inay biyaha webiyada dalku kor u kacaan, islamarkaana keenaan fatahaado. Agaasimaha Waaxda Saadaasha iyo Kormeerka Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayaradka ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in roobabka la saadaaliyay qaarkood ay billowdeen, ayna sababeen fatahaado. “Meelo fara badan oo webiyada ka fog waxaa ka dhacay fatahaado, aan marki hore la fileyn oo soo deg degay, sida magaalada Baydhabo oo uu roob xajmigiisa le’eg yahay ka da’ay 250mm, uuna sababay khasaare xoog leh. Sidoo kale magaalooyin ay kamid yihiin Luuq iyo Beledweyne ay ka dhaceen fatahaado aan aheyn kuwa webiyada balse ayay sababtay roobka,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu muujiyay walaaca la xiriira khasaaraha roobab toddobaadyada kusoo food leh qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan ku jiheysan yihiin deegaanada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. “Deegaanada ku teedsan webiyada waxaa jiray barnaamij loo diyaariyay muddo hore oo laga sameeyo dhismayaal, waxaa kale oo jira u diyaargarow sidii looga faa’iideysan lahaayeen sidii dhismayaashaas u yareeyaan fatahaadaha webiyadda.” Waxa uu sheegay in dadaallo kala duwan ay ugu jiraan sidii ay u yareyn lahaayeen khatarta roobabka la saadaalinayo, isaga oo bulshada deegaanadaasi faray inay ka fogaadan aagga webiyada iyo meelaha qatarta uga imaan karto. “Dayrtan hadda ah waxaa saadaalinaynay muddo lix bil kahor in la heli doono roobab xajmiga loogu tala-galay ka badna ka di’i doonaan. Khatarta waxay iskugu jirta sare u kaca webiga oo sababeen roobabka ka yimid Itoobiya iyo sidoo kale roobab lixaad leh oo xajmigii uu ku di’i jiray ka badan uu ka da’ay gudaha Soomaaliya.” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadyaddii u dambeeyay ka digeysay dabeylo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan dalka, taasi oo keentay isbadalka cimilada ee El-Niño, oo la saadaalinayo inay kusoo wajahan tahay meelo badan oo kamid ah dalka. The post Digniin horleh oo laga soo saaray halis kusoo wajahan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
“Qofka jaahilka ah waa qofka aan magaciisa qori karin, si la mid ah dalka aan u diiwaangashneen muwaadiniintiisa waa dal jaahil ah.” Bishii aynu soo dhaafnay waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir heer qaran ah oo laba maalin socday, kaas oo lagu daah-furayey nidaamka cusub ee aqoonsiga qaranka, sidoo kale waxaa lagu xusayey maalinta aqoonsiga caalamiga ah oo ku beegan 16 Setembar. Shirka ka dib waxaa baraha bulshada qabsaday, dadweynuhuna isla dhex mareen doodo la xiriira waxa uu yahay kaarkan aqoonsiga qaranka iyo dhibaatooyinka jira ee uu xalka waara u noqon karo. Mid ka mid ah doodahaasi waxay leedahay aqoonsiga qaranka waxa uu wax ka qaban doonaa tashwiishka ku furan qofka aad tahay, kana hortegayaa in aad magacyo kala duwan yeelato. Yacni, waxa uu sahlayaa in si fudud lagugu aqoonsado, lana heli karo raadkaaga. Si kale u dhig, dooddu waxay leedahay waxaa meesha ka bixi doona in magacyo kala duwan aad akoon ku furato, baasaboorna ku dalbato. Madaxweynaha JFS, Xasan Shiikh Maxamuud isaga oo ka hadlaya muhiimadda aqoonsiga qaranku leeyahay waxa uu yiri “Haysashada kaar aqoonsi oo heer qaran ah waxay udub-dhexaad u tahay [horumarka dalka] dhinac walba.” Ugu yaraan, qof kasta oo muwaadin ah waxa uu yeelan doonaa nambar isaga u gaar ah (unique id number), laguna aqoonsan doono maalinta la siiyo ilaa inta uu ka dhimanayo. Cid kale oo la wadaageyso ma jireyso, waxaana laga qaban doonaa xogtiisa shakhsiga ah sida farahiisa, afartiisa magac, deegaankiisa iwm. Hadalhayntii ka dhalatay kaarka aqoonsiga waxa uu gaaray figta sare ilaa uu ka noqday wax dadka oo dhan ay ka hadlayaan ama ku sheekeystaan. Waxaan idin la wadaagayaa sheeko yar oo ku saabsan dood dhex maraysay waardiyaal oo aan ku dul-kufay aniga oo ka soo baxaayo mid ka mid ah bangiyada dalka ka furan. Midkoo akteyda taagan wuxuu ku dooday kaarkan cusub waa muhiim, waxa uuna caddeynayaa qofka aad tahay. Kan kale, isagana wuxuu leeyahay kaarka waxba kama duwana kii 1970yadii ee minishiibiyo teysaro la dhihi jiray, waxna ma soo kordhin doono. Cabbaar intaan dhageystay ayaan ka codsaday in aan doodda wax ku darsado. Waxaan ku dhahay aqoonsiga qaranka waa hanti iyo xaq aasaasi ah oo uu qofka muwaadinka ah leeyahay, waxa uuna xaqiijinayaa, tixraacna u yahay qofka aad tahay. Dalal badan oo isticmaala ayaa jira, horumar la taaban karana ka gaaray. Waxaa ka mid ah India, Pakistan, Estonia, Malawi, Rwanda, South Africa iwm. Haddaba, qormadan waxaan si gaar ah diiradda ugu saarayaa kaarka aqoonsiga qaranka iyo saameyntiisa ku aaddan horumarka dalka. Marka hore, waxaan si kooban hordhac uga bixinayaa aqoonsiga qaranka iyo halka uu ka yimid taariikhiyan. Marka xigta, waxaan si kooban u dulmarayaa waxtarka uu kaarkan u leeyahay horumarka dalka, si gaar ahaaneed wax ka qabashada sugnaan la’aanta macaamiisha ama wax afka ingiriisiga lagu dhaho KYC. Qaybta dambe, waxaan kaga hadlayaa caqabadaha aan la iska indhotiri karin ee ku gadaaman oo ay tahay in isha lagu haayo, lagana sii gaashaanto. Waa maxay aqoonsi qaran? Aqoonsi qaran oo dhijitaal ah waxaa loola jeedaa hannaan aqoonsi oo ku shaqeeya tiknoolojiyad, taas oo qabata xogta qofka, iyada oo laga damacsan yahay ujeeddo ah in qaab danabeysan (digitalized) loo sugo, aqoonsado, loona sharciyeeyo waxa uu qofku yahay, waxaana intaas dheer kaydinta xog-dhalyada (biometric) qofka iyo maareynta aqoonsiga. Dhanka kale, sanadkii 2015 dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midowbe waxay isla garteen, iskuna waafaqeyn in la dejiyo yool gaar ah (SDGs 16.9) oo si cad u dhigaya in dadka adduunka ku nool oo dhan la siiyo aqoonsi sharci ah marka la gaaro 2030, iyada oo la tixgelinayo ahmiyadda uu aqoonsigu u leeyahay horumarka aadanaha dhan kasta sida ganacsi, maamul wanaag, amni, karaan bulsho iwm. Nasiibwanaag, dalkeena Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalkaas saxiixay. Iyada oo taas laga duulayo ayaa sanadkii 2020 waxaa la bilaabay hirgelinta nidaam aqoonsi qaran oo dhijitaal ah si loo hubsado gaarista yoolkaas. Sidoo kale, waxaa sharci lr 009 lagu dhisay Hay’adda NIRA oo sharciyan awood u leh diiwaangelinta dadweynaha iyo maareynta aqoonsiga qaranka. Taariikhda nidaamka aqoonsiga casriga ah oo kooban Dowladdii Faransiiska ee uu hoggaaminaayey Napoleon waxay soo saartey kaar aqoonsi oo loo yaqiinay kaarka aqoonsiga Napoleon, kaas oo laga lahaa laba ujeeddo: (1) In lagu xaddido dhaqdhaqaaqa shaqaalaha. (2) In shaqaalaha aysan beddelan karin shaqadooda iyada oo aysan oggolaansho ka heysanin shirkaddii ay ka shaqeynayeen. Dhanka kale,qarnigii 20aad, dalka Jarmalka waxa uu ahaa mid ka mid ah dalalka ugu dimuqraaddisan, isu-dulqaadashada iyo xorriyadda taalla Yurub; marka laga eego dhanka bixinta adeegyada bulshada. Herman Göring oo ka tirsanaa xisbigii Naasiga ayaa isaga oo tilmaamaya ujeeddadii laga lahaa hirgelinta kaarka aqoonsiga dalka Jarmalka waxa uu yiri “Haddii la hirgeliyo nidaamka diiwaangelinta dadweynaha (Volkskartei -ID card) waxa aynu xaqiijin karnaa la socodka dhaqdhaqaaqa shacabka Jarmalka.” Dalalkii muddo hore bilaabay isticmaalka nidaamka aqoonsiga waxaa ka mid ah dalka Shiinaha oo koobiyeeyey qaabkii Napoleon u hirgeliyey mashruuciisii diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta kaarkiisa. Madaxweynihii hore ee dalka Shiinaha Mao waxa uu hirgeliyey nidaamkii aqoonsi ee Napoleon isaga oo ka lahaa laba ujeeddo: In uu kula socdo dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha iyo si aysan u beddelan shaqooyinkooda iyaga oo aan oggolaansho heysanin. Dalka Shiinaha waxaa ka jiray laba nidaam oo diiwaangelin ah: Midda koowaad waxaa loo yaqiinay Dang-an, waxaana lagu kaydin jiray xog nololeedka shakhsiga ah ee shaqaalaha. Kan labaad, isaga waxaa la dhihi jiray Dossier, waxaana lagula socon jiray aragtida shaqaalaha, mawqifkooda iwm. Nidaam kale oo deegaameysi ah ayaa jiray, waxaana laa yaqiinay diiwaangelinta guryaha-household registration, waxaana loogu talaggalay in lagu kaydiyo xogta ku saabsan meelaha ay degan yihiin shaqaalaha. Xilliga casriga ah Dagaalkii labaadee adduunka wixii ka dambeeyey waxaa la hindisay kaarar aqoonsi. Sanadkii 1938, sharcidejiyaashii dalka Ingiriiska ayaa ansixiyey xeer la dhaho “Xeerka Diiwaangelinta Qaranka,” kaas oo shacabka dhan ku waajibiyey in ay qaataan kaarka aqoonsiga. Sanadkii 1940, dowladdii Faransiiska iyadana waxay bilowday in ay sameysato nidaamka aqoonsiga qaranka. Si la mid ah, dalalka Giriiga iyo Poland. Sanado badan ka dib kaarka aqoonsiga dadweynaha waxa uu ku fiday qaaradda Aasiya. Dalalkii qaatay waxaa ka mid ahaa Hong Kong iyada oo hirgelisay sanadkii 1949 si ay u xoojiso madaxbannaanideeda, una xaddiddo soo galootiga ka imaanaya Shiinaha. Si la mid ah, waxaa nidaamka aqoonsiga hirgeliyey dalalka kala ah Taiwan sanadkii 1949, South Korea iyo Singapore iyaga oo ka lahaa dano dhaqaale iyo mid amni. Kobcinta dhaqaalaha Kaarka aqoonsiga qaranka waxa uu bangiyada iyo xawaaladaha dalka ka caawinayaa in ay kala saaraan macaamiishooda saxda ah iyo kuwa magacyada beenta ah wato iyaga oo si fudud ku ogaan kara qofka saxda ah maadaama xogtiisa gaarka ah sida farihiisa, magaciisa, iyo meesha uu degan yahay ay ku kaydsan yihiin xarunta xog-kaydinta nidaamka aqoonsiga qaranka, gacantana ay ku hayso Hay’adda Aqoonsiga Qaranka & Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA) oo mas’uul ka ah diiwaangelinta, maareynta xogta, iyo bixinta kaarka. Waxaa bangiyada iyo xawaaladaha loo furayaa adeegga hubinta (verification services) oo ah mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan oo ay bixiso hay’adda. Waxaa meesha si fudud uga bixi doona dad badan oo hadda bangiyada ku isticmaala magacyo kala duwan. Dhanka kale, waxaa jirta deraasad ay sameysay McKinsey, kaas oo ku saabsan aqoonsiga qaranka iyo waxa uu ku kordhin karo waxsoosaarka dalalka soo koraya. Natiijada deraasaddaasi waxay leedahay marka la hirgeliyo aqoonsiga qaranka boqolkiiba lix waxa uu kor u qaadayaa waxsoosaarka dalka. Sidaas darteed, waxaa la filayaa in aqoonsiga qaranka Soomaaliya uu sare u qaadi doono tirada macaamiisha bangiyada iyo xawaaladaha oo labaduba lafdhabar u ah nidaamka maaliyadeed ee dalkeena. Marka laga yimaado dhanka kobaca dhaqaalaha, waxaa kaloo jira faa’iidooyin kale oo uu wato kaarkan, waxaana ka mid ah qodobadan hoos ku xusan: In loo wada sinnaado fursadaha ka imaanaya kororka dhaqaalaha dalka In fursad iskummid ah loo helo adeegyada bulsho sida caafimaadka iyo waxbarashada dalka Ilaalinta carruurta In la hagaajiyo, fursadna loo helo barnaamijyada lagu taageerayo bulshada qaybteeda danyarta ah Xoojinta maamul wanaagga Fududeynta Isdhexgelka dhaqaale ee gobolka iyo caalamka Caqabadaha ku gadaaman nidaamka aqoonsiga Aqoonsiga qaranka dalkeena waxa uu wax la qabaa dhammaan aqoonsiyada kale ee ka jira dalalka soo koraya sida kuwa Afrika marka ma jiri doono caqabado isaga un ku kooban. Tusaale, caqabadaha walaaca badan laga qabo waxaa ka mid ah in qaybo badan oo bulshada ka mid ah gaar ahaan kuwa danyarta ah ee aan awoodin iibsashada kaarka laga tego ama aysan qaadanin badankood, halkaasna ay kala kulmaan dhib ah in aysan fursad u helin adeegyada shirkadaha gaarka ah bixiyaan iyo kuwa dowladda. Sidoo kale, waxay caqabad kale ka imaan kartaa dhanka xogta shakhsiga ah iyo in lagu xadgudbo ama loo isticmaalo dano gaar ah oo aan ahayn tii uu sharcigu oggolaa. Caqabadaha u gaarka ah dalalka soo koraya sida dalkeena oo kale ah waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusan: Nidaamka diiwaangelinta madaniga oo laciif ah Internet-xumo iyo kaabayaasha kale oo aan la heli karin Akhrinta iyo qoraalka oo hooseysa U nuglaansho weerarada dhanka internet-ka Si caqabadahaasi looga gudbo, waxaa lamahuraan ah in sare loo qaado xawaaraha internet-ka dalka, lana xoojiyo diiwaangelinta madaniga ah, sidoo kale la dhiirrigeliyo barnaamijyada kor loogu qaado wacyiga akhris-qoraalka bulshadeena sida bandhigyada carwooyinka buugaagta, maktabadaha iwm. Ugu dambeyn, nidaamka aqoonsigu waxa uu udub-dhexaad iyo tiir adag u yahay horumarka ay ku talaabsanayso dowladnimadeena dhan walba sida sare u qaadista waxsoosaarka dakhliga gudaha, dowlad wanaagga, fududeynta canshuuraha, waxa uu sugayaa, tixraacna u noqonayaa qofka aad tahay. WQ: Xasan Mudane, La-Taliye ka tirsan Hay’adda Aqoonsiga Qaranka & Diiwaangelinta Dadweynaha (NIRA) Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay aqoonsiga ay dowladda federaalka siisay SSC-Khaatumo. Xijaar oo wareysi siiyay Telefishanka Universal ayaa waxa uu tilmaamay in guushii ay ka gaareen dagaalka Somaliland ay uga muhiimsan tahay aqoonsiga ay SSC ka heshay dowladda federaalka. “Aqoonsigii dowladda federaalka ah ma ahan aqoonsi SSC-Khaatumo kaliya ee waa aqoonsi Soomaaliyeed, aqoonsigii calanka iyo midnimadii oo xoogeysatay waaye,” ayuu yiri taliyihii hore ee ciidamada Booliska. “Guushii milatari ahaan aan gaarnay waxaa ka weyn aqoonsiga dowladda federaalka ah. Waan uga mahad-celinaynaa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, wasiirada, xildhibaannada iyo wasiir Fiqi.” Sidoo kale waxa uu sheegay in SSC-Khaatumo ay u mideysan yihiin maamulkooda, islamarkaana ay labada sano ee kumeel-gaar ah uga soo bixi lahaayeen wixii shaqo ah ee laga rabo, sidii ay maamul-goboleed rasmi ah u noqon laheyd. “Labadaas sano waa in wax walba lagu dhameeyo oo aan la deg degin. Waxaa rajeynayaa in ay kasoo bixi doonaan hoggaanka maamulka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xijaar. Xijaar ayaa ka dhawaajiyay in shaqada ugu horreysa ee maamulka ay tahay dejinta canshuuraha deegaanada ay gacanta ku hayaan, si loo helo dhaqaale gudaha ah oo usoo xarooda SSC-Khaatumo. “Waxaa la dejinayaa system-kii canshuuraha loo dejin lahaa, sida ka war haysaan Somaliland waxaa magaalada Laascaanood kasoo geli jiray dhaqaale badan oo Hargeysa iyo Burco loo qaadi jiray.” Xijaar ayaa kamid ahaa shaqsiyaadkii qorshaha iyo talo-bixinta kulahaa guushii SSC-Khaatumo kasoo hoysay dagaalka Somaliland, taasi oo horseeday in maanta ay ka taliso inta badan deegaanadeeda oo sanado badan ka arrimin jirtay xukuumadda Somaliland. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 19-kii bishaan ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo markaas uu hareer taagna hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa sheegay in dowladda ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo, kaasi oo dhigayay in aysan ka tirsaneyn maamullada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda federaalka. “XFS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii Isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laascaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, islamarkaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas dhisteen,” ayuu shirka jaraa’id ku yiri Wasiir Fiqi. Mowqifka dowladda federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi. The post XIJAAR oo shaaciyay qorshaha SSC-Khaatumo kadib aqoonsiga dowladda appeared first on Caasimada Online.
