Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United States’ Embassy in Addis Ababa announced on Monday that Ervin Massinga, United States Ambassador to Ethiopia, met with Ethiopian Defense Force Chief of Staff, Field Marshal Berhanu Jula in the Ethiopian capital, Addis Ababa. Source: Hiiraan Online
  2. ROME, OCT 30 - Somalia's SONNA and Italy's ANSA on Monday signed a cooperation agreement that enables the two news agencies to have access to each others' contents and exchange them to use on their respective information platforms. Source: Hiiraan Online
  3. A leading Turkish bank, Ziraat Katilim, has opened a branch in Mogadishu, becoming the first foreign bank to operate in Somalia in over a half-century, officials said. Source: Hiiraan Online
  4. Wargeyska Financial Times, ayaa soo bandhigay xog ku saabsan dadaallada Israa’iil ay ku dooneyso in la barakiciyo Falastiiniyiinta Qasa. Warbixinta wargeyska waxaa lagu sheegay inuu Netanyahu ku cadaadinayo waddamada Midowga Yurub in ay Masar ku cadaadiyaan in ay qaabilaan qaxootiga Qasa. waxaa aragtidan lagu soo bandhigay shirkii Midowga Yurub ee toddobaadkii hore, iyadoo ay riixayaan Czech Republic iyo Austria. Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa sheegay in hindisahan uu hadda yahay mid aan macquul ahayn maaddama ay Masar si cad u diidday qorshaha lagu rarayo Falastiiniyiinta. Qodobkan waa mid sidoo kale ay Carabtu ka mideysanyihiin oo ay diiddeen, balse ma cadda haddii cadaadiska iyo dadaallada ay arrintan ku bixinayso Israa’iil uu beddeli karo go’aanka Masar. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo doonaysa in ay Masar u qixiso Falastiiniyiinta Qasa appeared first on Puntland Post.
  5. Wararka ka imaanaya duleedka Oog ayaa sheegaya in halkaas lagu go’doomiyay maleeshiyaad yar oo taabacsan Mahad Cambaashe. Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe oo weli ku harsan dhinaca Somaliland islamarkaana degaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sool ayaa lagu soo warramaya in ay wajahayaan cadaadis ba’an. Wararka ayaa tilmaamaya in maamulka Somaliland uu shaki xooggan ka muujinayo in maleeshiyaadka Mahad Cambaashe qaarkood hubka la goostaan taas oo keentay in waardiye laga qabto. ” Afarta jiho ayaa ciidamo laga dhigay maleeshiyaadka Mahad Cambaashe hoggaamiyo si aysan hubka ula goosan kadib markii laga shakiyay qaarkood in ay u baxsadaan dhinaca SSC-Khaatumo” ayuu noo sheegay qof xog-ogaal ah. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay Somaliland isu diyaarinayso in ay dagaal rogaal celis ah ku qaado dhulka SSC ee xabbada lagaga soo saaray. PUNTLAND POST The post Somaliland oo go’doomisay maleeshiyaada uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe appeared first on Puntland Post.
  6. Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay gantaallada lidka taankiyada ku weerareen ciidamada duulaanka ah ee Israel, xilli ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu uu ku gacan sayray baaqyo ku aadan in la hakiyo dagaalka Marinka Gaza. Israel ayaa ballaarisay duullaanka dhulka ah ee ay ku qaaday Marinka Gaza, si ay uga aargudato weerarkii ay Xamas ku qaaday 7-dii October oo lagu dilay in ka badan 1400 oo israa’iiliyiin ah. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada Israel ay beegsadeen dhinaca koonfur waqooyi ee Gaza, balse ay iska cabin xooggan kala kulmeen dagaal-yahannada Xamas. Guutada Al-Qassam, oo ah gabarbka militari ee Xamas ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay isku dhaceen ciidamada duullaanka ah, aagga koonfureed ee Gaza, ayna la beegsadeen in ka badan 105 gantaallada lidka taankiyada ah. Dagaal-yahanada ayaa sidoo kale laba taanki oo ciidamada Israel ay leeyihiin ku beegsaday waqooyiga Gaza, sida lagu sheegay bayaanka Al-Qassam. Dhinaca kale, mas’uuliyiinta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in tirada dhimashada shacabka ay duqeymaha ku dileen ciidamada Israel ay gaartay 8,306, oo ay ku jiraan 3,457 caruur ah. Saraakiisha QM ayaa sidoo kale sheegay in in ka badan 1.4 milyan oo qof oo ka mid ah shacabka gaaraya 2.3 ee Gaza ay hadda yihiin hoy la’aan. Khasaaraha dhimasho ee sii kordhaya ayaa qasbay in Mareykanka, oo ah xulufada koowaad ee Israel, iyo dalal kale ay ku baaqaan in la hakiyo duullaanka, si loo ogolaado in gargaarka uu gaaro Gaza. Si kastaba, Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in Israel aysan ogolaan doonin xabad-joojin ay la gasho Xamas, ayna sii wadi doonto duullaanka. “Baaqyada ku saabsan xabad-joojinta waa baaqyo ah in Israel ay isku dhiibto Xamas. Taasi ma dhici doonto,” ayuu yiri Netanyahu. Si kastaba, xeel-dheerayaasha militari ayaa sheegaya in ciidamada Israel ay si tartiib ah ku wadaan duullaanka dhulka ee ay ku qaadeen Gaza, taasi oo qeyb ka ah ayada oo Israel ay eegeyso suurta-galnimada wada-xaajood lala galo Xamas oo gacanta ku haysa 239 oo Israa’iiliyiin ah. The post Xamas oo weeraro culus ku ekeysay ciidamada Israel ee duullaanka ku ah GAZA appeared first on Caasimada Online.
  7. Taiwan oo Agab Caafimaad ku wareejisay Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta agab Caafimaad kala wareegay Safaaradda dalka Taiwan. Xafladda agabkan Caafimaad lagula wareegayay oo ka qabsoontay hall-ka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa waxaa kasoo qayb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Safiirka Safaaradda Dalka Taiwan, agaasime ku xigeenka Cusbitaalka guud ee Hargaysa, Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Wasaaradda, saraakiil ka socotay Safaradda Taiwan, Shaqaalaha Caafimaadka mudan iyo marti sharaf kale. ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Agaasime ku xigeenka Cusbitaalka guud ee Hargaysa, isagoo ka waramay agabkan Caafimaad iyo sida uu uga qayb-qaadan doono dadaalada ka socda Cusbitaalka. sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay oo ka waramay agabkan Caafimaad iyo waxyaabaha uu ka kooban yahay, Safiirka Safaaradda Taiwan ee Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in ay marwalba diyaar u yihiin inay Wasaaradda kala shaqeeyaan arimaha Caafimaadka, agabkan Caafimaadna uu ka mid yahay taageerada joogtada ah ee ay Taiwan siiso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah ugala wareegay agabkan Caafimaad Safaaradda Taiwan ayaa uga mahadceliyay taageerada ay marwalba la garab taagan yihiin Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, isagoo xusay in uu qalabkan Caafimaad wax-weyn ka tari doono dadaalada ay Wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista adeegyada Caafimaadka ee dhaman Cusbitaalada dalka. markay Xafladu soo dhamaatay ayaa waftigu wuxuu soo kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargaysa gaar ahaan Waadhka Carruurta yaryar si ay ugu kuur galaan, adeegyada iyo shaqada ka socota halkaa. Qaran News
  8. Kenya is to end visa requirements to all African visitors by the end of the year, President William Ruto has said. “It is time we… realise that having visa restrictions amongst ourselves is working against us,” he told an international conference. Visa-free travel within the continent has been a goal of the African Union (AU) for the past decade. While there are regional deals and bilateral arrangements, progress towards no restrictions has been slow. Only Seychelles, The Gambia and Benin offer entry to all African citizens without a visa, according to a 2022 AU-backed report. But according to Africa’s Visa Openness Index – which measures the extent to which each country in Africa is open to visitors from other African countries – most countries are making progress towards simplifying entry processes and dropping restrictions to some other nations. In 2022, Kenya was ranked 31st on the index out of 54 states. President Ruto told an audience in Congo-Brazzaville that it was bad for business. “When people cannot travel, businesspeople cannot travel, entrepreneurs cannot travel, we all become net losers. “Let me say this: As Kenya, by the end of this year, no African will be required to have a visa to come to Kenya,” he said to loud cheers from the conference delegates. “Our children form this continent should not be locked in borders in Europe and also be locked in borders in Africa.” He was speaking at a summit aimed at protecting some of the world’s largest rainforests. The AU launched its African passport in 2016. The idea behind the passport is for all African citizens to be able to travel throughout the continent without visas – but it is still not widely available. This is in part because of concerns about security, smuggling and the impact on the local employment markets. If dropping all visa restrictions is currently a step too far, the Visa Openness Index report recommends a number of other measures. These include lowering fees, making visa on arrival standard for African visitors and implementing a secure e-visa system. Bbc Qaran News
  9. Komishanka Maamul Wanaagga oo la Kulmay Masuuliyiin ka Tirsan Hay’adda Qaxoontiga Hargeysa(Qaran news)-Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka ayaa kulan la yeeshay xubno ka socday Ha’yadda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Gudida Barakacayaasha ee Hargeysa. Kulanka masuuliyiinta ayaa daarana xoojinta wada shaqaynta iyo falaqayn lagu sameeyay xaaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin bulshada kala duwan ee ku nool Barakacayaasha Magaalada Hargeysa. Warbixino kala duwan oo la iswaydaarsaday kadib waxaa kulanku ku soo dhamaaday isafgarad iyo sidii loo sii xoojin lahaa hawlaha wax lagaga qabanayo caqabadaha ka jira barakacayaasha magaalada Hargeysa. Qaran News
  10. Ankara (Caasimada Online) – Dalladda Qurbajoogta Ururrada GalMudug ee Yurub, ee magaceeda loo soo gaabiyo GEDAN oo ay ku middeysan yihiin ururro ka dhisan waddamada Yurub 29-kii October 2023 Magaalada Kemer-Antalya ee dalka Turkiga ku doortay Guddoomiye cusub oo ay dalladaasi yeelan doonto 4-ta sanno ee soo socota. Xaflad aad loo soo qabanqaabiyay oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah wakiilada ururada ku middeysan GEDAN, laguna qabtay Hooteelka Rich Melissa, ayaa Guddoomiye cusub loogu doortay Xuseen Maxamed Axmed (Xuseen Khadhiib) oo fadhigiisu yahay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland, halka Guddoomiye ku-xigeenna loo doortay Aadan Ibraahim. Xubnaha kale ee la doortay waxaa ka mid ah Xoghaye iyo Xisaabiye, waxaana fadhigaasi kelmado ka jeediyay xubno ka tirsan Guddiga cusub ee la doortay, marti sharaf iyo Guddoomiyihii hore ee dalladda Faarax Aadan Yuusuf. Faarax Aadan Yuusuf oo ahaa aasaasihii dalladda, ayaa khudbad qiimo badan oo uu kulankaasi ka jeediyay ku sharaxay marxaladihii ay soo martay GEDAN, isaga oo dhinaca kalena u hamablyeeyay Guddiga cusub, kuna booriyay in ay middeeyaan bulshada GalMudug ee ku dhaqan Yurub. “Gedan oo ah dallad ay ku middeysan yihiin ururada fadhigeedu yahay Yurub ee reer Galmudug way 3 sanno jirsatay, waxaa ALLE mahadii ah inaan shaqo fara badan ka soo qabanay sidii loo middeyn lahaa xoogga, maskaxda iyo fikirka waxgaradka GalMudug ee Yurub, waan ku guuleysanay ilaa xad, waxaana caawa dalladii aan guddoomiye cusub ugu dooranay Xuseen Khadhiib oo aan ku kalsoonahay inuu dardargelin doono howlaha dalladda,” ayuu yiri Faarax isaga oo u mahadceliyay shaqsiyaad uu ku tilmaamay saaxiibada dalladda oo haddeeysan garab geli lahayn aysan meesha ay joogto soo gaari laheyn. “Waxaan halkan uga mahadcelinayaa dalladda PEDAN oo si milgo leh inoo garab istaagtay, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa C/fitaax Janna-gale, Xuseen Daahir Ibraahim, Maxamed Madar iyo Cabdirisaaq Sheekh Adduun oo aan leeyahay Gedan abaalkiina ma iloobi doonto,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore Faarax dheere. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda GalMudug Cali Ciid oo qadka taleefanka kaga qeybqaatay xaflada ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha cusub Xuseen Khadhiib iyo guddigiisa fulinta, wuxuuna Xuseen ku tilmaamay shaqsi howlkar ah. “Haddaad tihiin Gedan Dowladda GalMudug way idin garab taagan tahay, albaabkeeduna wuu idiin furan yahay. Waxa ugu yar ee la idinka sugayo waa in Magaalooyinka aad deggan tihiin iyo Magaalooyinka GalMudug aad mataaneysaan,” ayuu yiri Cali Ciid, isaga oo dhinaca kale xusay in deegaan kasta horumarkiisa in ay u kaceen dadka ka soo jeeda ee aqoonyahanka ah. Barnaamijka waxaa xiriiriye ka ahaa Maxamed Cali oo ahaa Guddoomiyaha ururka African-European Development Agency, wuxuuna ku dhiirageliyay Guddiga cusub in ay horseed ka noqdaan intii karaankooda ah horumarka GalMudug. “Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qeybgalo shirkan lagu dooranayo guddiga cusub ee Gedan, waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub inuu ILLAAHEEY kula garab galo, waa mas’uuliyad cusub,” ayuu yiri Maxamed Cali. Guddoomiye ku-xigeenka dalladda Aadan Ibraahim Xaaji oo ka mid ah aqoonyahanadii aasaasay dalladda, wuxuu dhinaciisa sheegay in ay ka go’an tahay guddigoodu in ay middeeyaan maskax-maalka reer GalMudug ee ku dhaqan Yurub, kaddibna ay diirada saari doonaan horumarka deegaanada GalMudug. “Ujeeddada loo aasaasay Gedan waxeey aheyd waxgarad u damqaday, kana damqaday sidii GalMudug dadkeedu u heli lahaayeen adeegyada muhiimka u ah nolosha bini’aadamka oo ay ugu horreeyaan caafimaadka, waxbarashada iyo in kor loo qaado wacyiga bulshada. Gedan waxeey xoogga saari doonti meel kasta oo ay tabari dhigto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,” ayuu yiri Aadan Ibraahim, isaga oo u mahadceliyay Guddoomiyihii hore Faarax Yuusuf oo uu ku tilmaamay shaqsi naftiisa u huray Dalladda GEDAN. Xisaabiyihii hore ee Gedan Xassan Liisho oo mar kale xilkaasi loo doortay, kana mid ahaa aasaasayaashii Gedan, ayaa ku nuuxnuuxsaday in la joogo xilligii GalMudug dadkeedu ay gacmaha is qabsan lahaayeen. Qoraa sare Cabdcasiis Cali Ibraahim (Cabdicasiis Xildhibaan), oo ahaa afhayeenkii Wasaaradda Amniga Xukuumadii RW Xassan Cali Kheyre ayaa abaabulka iyo isku-dubaridka kulankan qeyb weyn ku lahaa, isaga oo ku dhiirageliyay Guddiga cusub in bog cusub u furaan horumarinta deegaanada GalMudug, iyada oo laga tisqaadayo in la maalgeliyo maskaxda dhalinyarada. “Dhalinyaradu waa laf dhabarta horumarka. Soomaaliya in ka badan 70% waa dhalinyaro, wacyigelin ayeey u baahan yihiin dhalinyaradu, dalkeenu waa barwaaqo,” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan oo sidoo kale u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Gedan Faarax, sidoo kalena u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub iyo ku-xigeenkiisa Xuseen Khadiib iyo Aadan Ibraahim. The post Daawo: Dalladda Qurbajoogta GALMUDUG ee Yurub oo dooratay hoggaan cusub appeared first on Caasimada Online.
  11. The recent establishment of the first international bank in Mogadishu, Somalia, marks a significant milestone in the country's financial landscape. Ziraat Katilim Bank of Turkey has opened its doors in the heart of the nation's capital, breaking a 50-year hiatus in foreign financial institutions' presence. This remarkable development brings to light the reformation of Somalia's financial sector, shedding light on the promising investment and development opportunities that lie ahead. Source: Hiiraan Online
  12. Kenya is to end visa requirements to all African visitors by the end of the year, President William Ruto has said. Source: Hiiraan Online
  13. Beledweyne (Caasimada Online) –Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo hadda loo magacaabay hoggaamiyaha ciidamada Macawiisley ee Shabaab kula dagaalamaya gobollada dalka ayaa shaaciyey halka ay ku dambeyso qadiyadda maamulkii uu ku dhawaaqay ee Hiiraan State. Cali Jeyte oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qadiyadii Hiiraan State lagu balamay in dib loo dhigo ka hadalkeeda, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh tegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in kulankaas ay ka soo qeyb galeen inta badan masuuliyiinta beesha Xawaadle ku metesha dowladda federaalka, isla markaana uu Madaxweynuhu codsaday in dib loogu dhigo qadiyad kasta oo la dagaalanka Shabaab aan aheyn. “Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in qadiyadaha kale dib loo dhigto oo dagaalka Shabaab la galo, marka qadiyadii Hiiraan State sidii ayey u taagan tahay, mana ahan qadiyad aan jeebka kuwato ee waa qadiyad ay beesha Xawaadle ka mideysan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte. Hadalkaas wuxuu sheegay in Xawaadle uu ka aqbalay Madaxweynaha, iyadoo isla fadhigaas lagu go’aamiyey oo Madaxweynuhu soo jeediyey in Cali Jeyte laga dhigo hoggaamiyaha Macawiisley oo dhan, gobol kasta oo ay joogaan. “Aniga magacaabideydu waxay salka ku heysaa isfahamkii Xawaadle iyo Xasan Sheekh ku dhexmaray Maxaas, ma jiraan wax kale, madaxweynuhu wuxuu naga codsaday in wixii aan khuseyn dagaalka Al-Shabaab dib loogu dhigo, waana ka aqbalnay,” ayuu yiri Cali Jeyte. Intii ay socdeen kulamada Maxaas wuxuu Cali Jeyte sheegay in miiska lasoo saaray su’aal ah yaa hoggaaminaya dagaalka, “Madaxweynaha ayaa yiri Cali Jeyte ayaa hoggaaminaya intii kale ee meesha joogtana waa ku raacday, marka magacaabidda aad arkeysaan maalintaas ayey dhacday ee hadda raami ayaa laga dhigay ee wax cusub ma jiraan,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in ciidamada qaranka ay lee yihiin hoggaan maamula oo dagaalka geliya, balse isaga loo dhiibay ciidamada Macawiisley oo ah shacabkii iska diiday ficilada Khawaarijta ee hubka qaatay. “Siyaasadda ka hadalkeeda in dib loo dhigo oo dagaalka la galo ayaa nala qumanaatay maalintaas ee wax kale oo is bedelay ma jiraan, Hiiraan State waxay aheyd qadiyad umadeed dukaan Cali Jeyte leeyahay maahan, marka waxaan shalay qabnay ayaan qabnaa. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Jeyte oo shaaciyey sababta uu uga haray qadiyadii beeshiisa ee Hiiraan State appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa markii ugu horeysay fasiraad cusub ka bixiyey hadalkiisii ahaa “ilaahow adigaan Abgaal iga dhigin” kaas oo toddobaadkii hore uu soo dhigay bartiisa Facebook. Cosoble ayaa sheegay in hadalkaas uusan xumaan kala jeedin ee uu raadinayey sifo uu qaladkooda ku muuji karo walaalaha Abgaal ee isku dilaya aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe. Wuxuu sheegay inuu aad ula socday dadkii aragtida ka dhiibanayey qoraalkiisa, isla markaana ay u badnaayeen dad la fahmay sida uu u dhigay hadal oo aheyd ‘caraadin’ si walaalahaan is dilaya ay u dareemaan inay qaldan yihiin. Dhinaca kale, Cali Cosoble oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa la weydiiyey inuu raali gelin siinayo dadka ka xumaaday hadalkiisii oo gabdhaha Abgaal ay ugu horeeyaan, gabdhahaas waxaa ku jirta Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Banaadir oo jawaab adag warbaahinta u marisay Cosoble. “Walaashey Jawaahir Baarqab hadalkeedii wax cuqdad ah kama qabo, ayadana waan aqaan oo qof xun maaha, waa qof wanaagsan, laakiin waa bini’aadam oo sidaa wax u tiri in uusan kuula fahmin waa dhici kartaa, marka walaalaahey waxaan leeyahay raali ahaada,” ayuu yiri Cali Cosoble. Wuxuu sheegay inuu daawaday gabdho ay ugu horeysay Jawaahir Baarqab oo si adag uga jawaabaya qoraalkiisii, balse wuxuu sheegay in kulankaas ujeedkiisa uusan aheyn mid isaga loogu jawaabayey, sidaas darteed wuxuu codsaday in arrintaan hoos loo dhigo. “Sida uu muuqatay gabdhahaas waxay isugu yimaadeen inay baaq u diraan walaalaha dagaalamayey, arrintaana meesha ayey ka dhalatay ee inay Cali Cosoble u jawaabaan uma qaban kulankaas gabdhuhu, hadana waxaan codsanayaa in gabdhaha Xawaadle ay ku sii kalsoonaadaan guddoomiyahooda Jawaahir oo arrinta intaas lagu ekeeyo,” ayuu yiri madaxweyne Cali Cosoble. Cali Cosoble ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalada qabaa’ilka ee mar kasta ka dhaca deegaanada Abgaal, wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in beelaha Soomaaliyeed ay noqdaan sida beeshiisa Xawaadle oo ah walaalo aan is dilin. Ugu dambeyntii Cosoble wuxuu aad ugu mahad celiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamada amray inay beelaha kala dhex galaan, sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada lagu dagaalamay loo diray maxkamadda ciidamada, si loo kala saaro dadkaan dirirtoodu soo noqnoqotay. Hoos ka daawo The post Daawo: Cosoble oo u jawaabay Jawaahir Baarqab, fasiraadna ka bixiyey qoraal ay dhibsadeen Abgaal appeared first on Caasimada Online.
  15. Beledweyne (Caasimada Online) –Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa ka hadlay xilka cusub ee madaxweynaha Soomaaliya uu u magacaabay, sidoo kale Cali Jeyte ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay Cali Jeyte u magacaabay u qaabilsanaha xafiiska Madaxweynaha ee ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley. Cali Jeyte ayaa galabta sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh uu u igmaday, isagoo balan qaaday in masuuliyadiisa la dagaalanka Al-Shabaab uu si buuxda u gudan doono. “Xilkaan waan ku faraxsanahay, waana uga mahadcelinayaa Madaxweynaha qaranka, Ilaahey waxaan ka baryaa inuu xilkaan nagu asro oo uu noo fududeeyo gudashada waajibaadka naloo igmaday,” ayuu yiri. Sidoo kale hoggaamiye Cali Jeyte ayaa farriin u diray dhamaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, isagoo ka dalbaday inay qolo walba doorkeeda ka qaadato dagaalka Al-Shabaab, si looga guuleysto cadowga. Dhanka kale, haweenka ayuu Cali Jeyte ka dalbaday inay dagaalka ka qeyb galaan, isagoo sheegay inay qaadan karaan door aad u weyn, qof kasta oo Soomaali ah ayuu sidoo kale Cali Jeyte ugu gacan haatiyey dagaalka kooxda. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto waqtigii ugu xumaa, wuxuuna tusaale u soo qaatay dhalinyarada is qarxineysa, “Wax la dhowran karo kama socdaan dalkeena, wiil hooyo Soomaaliyeee dhashay ayaa Bam lagu soo xiraa maalin kasta, waxaana lagu laayaa dadkeena,” ayuu yiri Cali Jeyte. Ugu dambeyntii Cali Jeyte wuxuu yir, “Soomaaliya waxaa rabsho ka wada cunug hooyadiis iyo aabihiis dhalaya meher iguma aadnaa dhalin, diina ma taqaaniin ee anigaa diinta aqaan, Al-Shabaab waxay la yimaadeen wax aan la arkin oo aan la maqlin.” Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Jeyte oo war ka soo saaray xilkii uu Xasan Sheekh u magacaabay appeared first on Caasimada Online.
  16. Upon independence in 1960, the Somali Republic adopted a parliamentary system of government with an executive prime minister and ceremonial president. The system worked well until the army forces led by Major General Siad Barre overthrew the government and replaced it with a dictatorial system of government which was ousted by rebels in 1991. When the TFG was formed in 2000, nonetheless, the parliamentary system of government was restored. That system of government is still in place and the current FGS has a prime minister and president. However, President Hassan Sh. Mohamoud has voiced his concern about this hybrid Parliamentary-Presidential system and expressed his desire to do away with the prime minister’s post and replace it with an executive president and vice president. In this short piece, I shall shed light on the pros and cons of this current hybrid system of presidential-parliamentary vis-à-vis presidential system in light of our recent history and experiences. Source: Hiiraan Online
  17. The banking industry in Somalia has undergone significant transformations in recent years. With the country recovering from years of conflict and instability, there has been a growing need for a robust and reliable banking system to support economic development. Until now, Somalia has been largely dependent on local banks that have limited international reach. However, the landscape is about to change with the introduction of Somalia's first international bank. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Dajib Erdogan. Labada madaxweyne ee labadaba dib loo soo doortay ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ugu muhiimsaneyd dagaalka Soomaaliya ay kula jirto kooxaha argagixisada. Diyaaradaha aan duuliyaha saarneyn ee Turkiga ayaa si fiican uga qeyb qaatay in argagixisada laga saaro inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, laakiin wax door ah kuma laheyn dagaalada ka socda Galgaduud iyo Mudug. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa in muddo ah raajicineysay in Turkiga si buuxda uga qeyb qaato dagaallada socda, gaar ahaan midka hadda yaalla Galgaduud iyo Mudug, taas oo la sheegay inay labada dhinac hore iskula fahmeen, kulanka Xasan iyo Erdogan uu taas xoojiyay. Illo dowladeed ayaa laga soo xiganaya in gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya la geeyay halka ay ka bilaabaneyso masaafada ay diyaaradahan Turkida ka duqeyn karaan goobaha ay argagixisada kaga harsan tahay gobollada Mudug iyo Galgaduud. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto dagaalka, markaan wuxuu haystaa dhowr fursadood oo intii hore ka xoog badan. Waxaa kamid ah ciidan illaa 7 kun ah oo tababar uga yimid, fursadda labaad waa illaa 5 kun oo Macawiisley ah oo dowladda u billowday gunno, iyaduna ay hagi doonto howlgaladooda iyo midda saddexaad oo ah dib u qaabeynta ciidankii hore ugu jiray dagaalka. Midda kale ee aadka muhiimka u ah waa kaalinta la isku raacay ee diyaaradaha Turkida ka qaadan doonaan dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli muujinaya rejo xoog badan oo ku saabsan in Soomaaliya uu ka dulqaadi doono argagixisada, inta lagu jiro muddo xileedkiisa. Illaha dowladeed ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan dib loogu laaban doono dagaalka waxayna muujiyeen fursad aad uga xoog badan intii hore. Turkiga waxay ku jiraan dalalka gacanta hagar la’aanta ah u fidiyay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarada ciidanka. Marka indho caalami ah lagu fiiriyana Turkiduna dhowr waddan oo dhibaatooyin ka jireen ayay xalkeedo ka qaateen kaalin aan hagrasho lahayn. Waxaa jirta fikrad ah in haddii Turkida ay awood 100% galiyaan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto argagixisada inay sahli doonto in argagixisada deg deg looga adkaado. Ciidanka Macaawilseyda ee dib ugu laabanaya dagaalka iyaduna waa fursad kale oo aan la dafiri karin tiiyo ay dadka Soomaalida ay weli muujinayaan in argagixisada laga adkaado, xilli la isla qirsan yahay fursadaha ugu dhex jira dadka iyo dalka in argagixisada laga adkaado. The post Isbeddelka dagaalka Al-Shabaab iyo kaalinta cusub ee Turkiga appeared first on Caasimada Online.
  19. Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shalay, xalay iyo ilaa maanta ay ka da’ayaan roobab xoogan oo dabelyo wata, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah dadka deegaanka.. Guddoomiyaha maamulka degmada Grabahaarey Iimaan Cadow Kaarshe oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degmadaasi, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada laba qof iyo dhaawacyo intaasi ka badan. Iimaan Cadow ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay kusoo dumeen dhismayaashii ay daganaayeen, wuxuuna tilmaamayn inay gurmad u sameeyeen. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in biyuhu ay jareen buunadadii magaalada oo muhiim u ahayd isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha. “Garbahaarey roobab baa ka da’ay, roobabkii guryana waa dumiyeen dadkii ku jiray wuu ku dhintay, togii la’isaga gudbi jiray oo magaalada dhex mari jiray iyo buundadii lagu kala socon jiray waa gooyeen marka khasaarooyinkaas aa soo gaaray” ayuu yiri Imaan Cadow. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in weli ay xaaladdu cakiran tahay, isla-markaana ay da’ayaan roobabka oo saameynta ugu badan ku yeeshay qoysaska danta yar. “Weli roobabka waa socdaan ilaah ha u saqiro dadka intiisa kale, inta dhaawacantay allaha u booga dhayo, intii dhimatayna allaha u naxariisto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada soo gaartay, si loo caawiyo. “Hadda waxaa ku jirnaa dadaaladdii aan wax kaga qabaneynay dadka dhaawaca ah intii dhimatayne waa la duugayaa laba nin baa dhimatay” ayuu mar kale yiri Iimaan Cadow. Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo horay dowladda federaalka iyo Jubbaland ay digniino uga soo saareen roobabkan iyo xaaladda El-nino oo la sheegay inay kusoo wajahan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhulka xeebaha, meelaha ku yaallaan togaga iyo wabiyada. The post Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay roobab ka da’ay Garbahaarey appeared first on Caasimada Online.
  20. Bankiga Ziraat Katilim ee Turkiga ayaa laan ka furtay magaalada Muqidsho, isaga oo noqday bankigii ugu horreeyey ee caalamai ah ee Soomaaliya ka howl-gala in ka badan 50 sanno kadib, waxaa sidaas Axaddii sheegay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Bankiga Dhexe Soomaaliya ayaa sheegay in howlgelinta bankigii ugu horreeyey ee shisheeye ee Soomaaliya ay xoojin doonta qeybta maaliyadda ee dalka, ayada oo kordhineysa fursadaha dhaqaale iyo gacancsi ee u dhaxeeya dalka iyo saaxiibadiisa ganacsi. “Laanta cusub ee Bankiga Ziraat Katilim ee Soomaaliya waxaa la filayaa inay bixiso adeegyo banki oo shirkadeed oo kala duwan oo ay siiso ganacsiyada, hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha horumarinta,” ayuu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku yidhi bayaan uu ka soo saaray Muqdisho. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa bishii July 2022 waxa uu siiyay laba ruqsadood oo shaqo laba banki oo caalami ah – Ziraat Katilim Bank iyo Banque Misr ee Masar – kadib hanaan codsi oo ballaadhan. Ziraat Katilim waa banki ay dawladda Turkey leedahay, oo xubin ka ah Kooxda Ziraat Finance Group, oo ka hawlgasha 20 waddan oo kala duwan, lehna 15 shirkadood iyo 27 laamood oo dibadda ah. Source
  21. The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Deputy Force Commander in charge of Support and Logistics, Major General Peter Muteti, has ended a two-day official visit to Jubaland State to assess the welfare of troops stationed in Dhobley. Source: Hiiraan Online
  22. Hargeysa(Qaran news)-“Biriijka dumay wuxuu ahaa ciid iyo dhoobo la isa saaray,” sidaa waxa yidhi Xoghaye ku-xigeenka Gaadiidka Mudane Maxamed Cali oo kormeeray Biriishka roobku waxyeeleeyay ee Cabaad weyne ee ku yaalla jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera. Maxamed Cali wuxuu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ninkii maalin ka hor dooxaasi la tagay, waxaanu tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi ay isku darsatay maamul xumo iyo isla xisaabtan la’aan. Ku xigeenka Xoghayaha Gaadiidka xisbiga WADDANI wuxuu sheegay biriishkaas oo ay maalgelisay Dawladda Imaaraadka Carabtu uu u dumay farsamo xumo waxaanu ku sifeeyay dhoobo iyo ciid la isa saaray. Waxa kaloo uu xusay inkasta oo dalku leeyahay injineero tiro badan, hase ahaatee xukuumaddu ay biriishyada iyo dhismeyaasha ku aamni waydo oo ay u dirato injineero shisheeye ah oo kuwa reer Somaliland ka khibrad badan yihiin. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in lala xisaabtamo dadkii dhisay biriishkaasi oo Somaliland u soo jiiday khasaare ballaadhan. Qaran News
  23. Garowe (HOL) - Puntland's opposition group has accused President Said Abdullahi Deni of declaring a new conflict to retain power just a day after the President held a meeting with military officials. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya kumanaan ruux oo argagixasada gumaaday ayaa la iska aasay, iyada oo aan loo aarin, xasuus loo sameyn ama aan waxba la iska weydiinin. Dhabahaas wuxuu argagixisada siiyay dhiiranaan ay dhib cusub ku geystaan. In dadka ay dulmiga ku leyso kooxda dib xusuustooda loo abaabulo, magacyadooda marwalba afka lagu hayo oo lagu dhiirado in munaasabado tacsi ah loo qabto, waxay dadka xasuusinaysa dulmiga iyo dhibaatada argagixisada. Waxay dhiira-gelin u tahay inta u istaagtay inay umadda ka dulqaadan dhibaatada argagixisada, waana cadeynta in aan si fudud lagu iloobi doonin dulmigooda, iyagana waxay fahamsiineysa heerka baraaruga bulshada. Maanta oo kale hal sano kahor 29-kii October 2022 argagixisada waxay qarax labaad la beegsatay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo illaa boqol qof ku dhinteen. Dadka ay halkaas ku leysay argagixisada waxay iskugu jireen shacab saarna gaadiid marayay laamiga Soobe, dad ka yimid ama u socday masaajidka Abubakar Sadiiq ee saaran laamiga Soobe. Qaar dadkaan kamid ah waxay ahaayeen kuwii ganacsiyada kulahaa hareeraha laamiga, waxaa kale oo ku jiray arday iyo waalidkood, kuwaas oo adeeg waxbarasho u doontay wasaaradda waxbarashada. Argagixisada waxay ku jawaabtay markii la weydiiyay sababta ay shacabkaas u gumaadeen in dowladda celisay oo ay xabadeysay gaarigii ay qaraxa ku sideen. Dhaqankaas ayay maalin walba ku laayan dad shacab ah. Xilliga ay qaraxa fulinayeen waxay aheyd waqti maleeshiyo badan looga laayay wejiga koowaad ee dagaalkii ka socday gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Waxaana qaraxaan lagu fasiray inay ugu aargudayeen maleeshiyadii laga laayay. Waa caadadooda in shacabka Soomaaliyeed ka aarsadaan marwalba oo maleeshiyo laga laayo maadaama uu dagaalka u dhaxeeyo argagixisada iyo shacabka Soomaaliyeed. Shuhadadii Soobe 2 waxaa maanta magacyadooda lagu qoray goobtii qaraxa si aan loo iloobin dulmigii lagu laayay, dadkana ay ugu duceeyaan marwalba oo ay halkaasi marayaan. Shacab badan oo isugu jiray dadkii ehelkoodii lagu laayay isgoyska Soobe 29 October 2022, arday, madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya qaarkood iyo xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb-galay kulankaas loogu duceynayay laguna xusaayay dadkii argagixisada ku leysay maanta oo kale hal sano kahor isgoyska Soobe. The post XAMAR oo dib usoo faageysa dulmigii gaamuray ee… appeared first on Caasimada Online.