-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa kulan doceed ku yeeshay magaalada Riyaad oo uu ka socdo Shirka Sacuudiga iyo Afrika. War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Kulan doceed la qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrik ee Riyaad. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrik ee Riyaad”. “Labada Madaxweyne oo ka wada halday xaaladda gobolka ayaa adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya, waxayna isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal” ayaa lagu yiri Warka Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eretariya oo ku kulmay dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, iyada oo xoogga lagu saaray xaaladda gobolka musiibooyin ka dhashay roobabka da,aya. Shirka waxaa lagu soo bandhigay xaaladihii ugu danbeeyay gobolka iyo saameynta dhibaatada ka daran ee dhalan karta roobabka iyo daadadka El-Nino ee ka da’ay Muqdisho, soo celinta Nadaafada & Bilicda iyo dar-dargelinta Amniga Magaalada Muqdisho, xilligaan oo lagu jiro roobka dayrta oo siweyn u da’aya. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kale duwan oo maamulka gobolka ah uu qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir ee xilligaan wajahaya roobabka. Shirkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ay ka da’een roobaab xooggan, kuwaas oo biyo dhigay inta badan caasimadda Muqdisho, waxaa ay kala gooyeen qeybo kamid ah degmooyinka gobolka, iyadoo ay socoto biyaha laga qaadayo waddooyinka. Source: goobjoog.com
-
Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa Sabtidii sheegay inay hub cusub u adeegsanayso weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, iyad oo rasaasta la isweydaarsanayo ee xadka koonfureed ee Lubnaan ay sii xoogaysanayso, xilli Israa’iil ay dagaal kula jirto kooxda Xamaas ee Gaza. Sida Sayyed Hassan Nasrallah uu ku sheegay khudbadiisii labaad ee telefishinka laga sii daayay tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil, waxay toddobaadkii la soo dhaafay, kooxda ay Iran taageerto ay “xoojiyeen ficilkooda “hoggaanka Lubnaan marka loo eego tirada hawlgallada, bartilmaameedyada iyo nooca hubka,” Dhaqdhaqaaqa Muslimiinta Shiicada ah ayaa markii ugu horeysay adeegsatay gantaalada Burkan, isaga oo intaa ku daray in gantaalahaas ay qaadi karaan “culus dhan 300-500 kiilogaraam.” Hezbollah ayaa billowday inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “markii ugu horreysay taariikhda iska caabbinta” gudaha Lubnaan, sida uu sheegay Nasrallah, isaga oo intaas raaciyay inay gudaha Israa’iil ku duuli jireen “diyaaradaha wax basaasa” maalin kasta, qaarkoodna ay gaareen Haifa, Acre iyo Safed. Hadalka Nasrallah waxa uu dhaliyay digniin ka timid wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo sheegay in muwaadiniinta Lubnaan “ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan ficilka Xisbubllah” wuxuuna raaciyay: “Waxa aan ka samaynayno Gaza, waxaan sidoo kale ku samayn karnaa Beirut”. Tan iyo markii Xamaas ay 7-dii Oktoobar weerar ku qaadday Israa’iil marinka Qaza, xuduudda koonfureed ee Lubnaan waxaa sii xoogaysanayay is-weydaarsiga weerarrada oo u dhexeeya Israa’iil iyo Hezbollah, oo xulafo la ah kooxda Falastiiniyiinta, taas oo kicinaysa cabsida laga qabo in uu dhaco dagaal ballaadhan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa. Goobjoogaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qofka is qarxiyay uu doonayay inuu beegsado ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa halkaasi, balse waxaa ka shakiyay ciidamada ammaanka oo rasaaseeyay, kadibna uu sidaas ku qarxay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadii ku sugnaa goobta ay kala carareen, taasina keentay inay ka badbaaday weerarkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Kuliyadda Jaale Siyaad ayaa 24-kii Luuliyo ee sanadkan uga dhacay weerar kan lamid ah oo lagu dilay askar badan, kadib markii uu isku dhex qarxiyay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana weerarkaasi ka dhashay tuhun xoogan oo loo soo xiray saraakiil ka tirsan dowladda federaaalka ah ee Soomaaliya. The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay xaalad halis ah oo ka jirta xarunta ugu weyn ee caafimaadka Qasa ee Al-Shifa oo ay ka jirto laydh la’aan, cunto yari iyo biyo la’aan ba’an. Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in “rasaasta joogtada ah iyo qaraxyada” ee ka dhacaya agagaarka cisbitaalka ay “sii xumeeyeen xaaladihii hore ee halista ahaa” iyo in Al-Shifa “aanu hadda u shaqeyn sidii cisbitaal oo kale”. Milateriga Israa’iil ayaa ku celiyay inay “diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan” daad-gureynta tobannaanka dhallaanka ah ee nugul ee lagu xanaaneeyo xaruuntan, lana geeyo cisbitaal kale. Madaxa qaliinka ee Al-Shifa, Dr Marwan Abu Sacda, ayaa BBC-da u sheegay in ilmihii saddexaad ee dhawaan dhashay uu u dhintay maadaama aan la hayn adeegyadii ay ahayd in carruurtu ay helaan marka ay dhashaan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa xalay shir deg-deg ah ku yeeshay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimacaale (Madaale) iyada oo ay u dhammaayeen maamullada degmooyinka. Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay roobabkii xooganaa ee maalmihii u dambeeyay ka da’ayay Muqdisho oo sababay culays xoogan iyo burbur. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka kadib la hadlay waraabinta ayaa ka warbixiyay shrkooda, wuxuuna sheegay in ka hadleen wax ka qabaashada xaaladaha ka jira gobolka. “Waxaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ka qabsoomay shirkii degmooyinka iyo maamulka sare, shirkaas oo ahaa mid deg-deg ah, loogana hadlaayey xaaladaha guud ee ka jira magaalada Muqdisho, gaar ahaan roobabka” ayuu yiri guddoomiye Yabooh. Sidoo kale wuxuu intaasu ku daray inay la socdaan dhibaatada ka dhalatay daadadka ku dhuftay magaalada Muqdisho, ayna maamul ahaan haatan wadaan dadaallo xoogan. “Waa roobab aad iyo aad culayskooda u wata, faa’iidadoodana wata, dadku waa u baahnaayeen roobabka, laakiin daadad iyo biyaha kasoo rogmaday culaysbaa ka yimid, marka culayskaas ayaan rabnay in degmooyinka ay isla wadaagaan” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wxuuu hoosta ka xariiqay inay ku howlan u gurmashada dadka ay dhibaatada soo gaartay qaadista biyo gooyay waddooyinka muhiimka ah ee caasimada. “Shirkuu wuxuu ku saabsanaa gurmad guud oo loogu talagalay heegan la geliyo maamulka gobolka Banaadir sida uu u dhan yahay” ayuu mar kale yirihi guddoomiye ku xigeenku. The post Daawo: Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay shir deg-deg ah + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI - Kenya is grappling with the aftermath of floods caused by ongoing El Nino rains that have killed at least 38 people and displaced about 30,000 across the east African country in the last two weeks, according to the Kenya Red Cross (KRC). Source: Hiiraan Online
-
Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU: Heavy rains that triggered flash flooding in Somalia have caused around half a million people to flee their homes and killed more than 30 people, a minister said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa dowladda Puntland ugu baaqday in ay doorkeeda ka qaadato hirgelinta heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyo colaadda labada maamul ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo. Baaqaas waxa jeedisay ereyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Liang oo Sabtidii ka hadlaysay magaalada Garoowe halkaas oo ay kulan kula yeelatay madaxda sare ee Puntland. “Waxaan Puntland ugu baaqaynaa in ay doorkeeda ka qaadato dhiirrigelinta in labada dhinac ay khilaafkooda ku xalliyaan si nabadgelyo ah si loo hubiyo in aanu gacan-ka-hadalku mar kale kor u kicin”. “Waa in ay jiraan tallaabooyin lagu soo celinayo is-aaminaadda oo la halmaala is-dhaafsashada maxaabiista sidaa daraaddeed in Puntland ay doorkeeda qaadato iyada oo adeegsaneysa xiriirka sokeeyenimo ee qabaa’ilka si loo hubiyo in waddo nabadeed lagu socdo” ayay tiri marwo Catriona Liang. Waxay sidoo kale Puntland ku amaantay in ay marti-gelisay in ka badan 100,000 oo rayid ah kuwaas oo bara-kacay markii ay socdeen dagaalladii Laascaanood “Waan ogsoonahay in ay taasi ahayd mas’uuliyad aad u weyn waxaana Puntland uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay u qaabishey dadkaa” ayay sii raacisay. Dagaalkii ugu dambeeyey ee dhinacyada oo 9-kii bishan dhacay ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac, waxaa sidoo kale jira gaadiid laga qabsaday Somaliland. Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde. The post QM oo Puntland ka dalbatay in Somaliland iyo SSC ay… appeared first on Caasimada Online.
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Guddoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir ay wadaan dedaalo lagu yareynayo qasaaraha ka dhasha daadadka ay roobabku keeneen, waxeyna tilmaantay in bilicda & nadaafada Gobolka ay tahay mid waajibineysa in ay ka qeybqaataan dadka u damqanaya Gobolka. “Masiibadu waa dhowr nuuc, mid na waa mid ILLAAHEEY uu keenay mid na waa mid bulshada ka dhex imaaneysa, waxaad arkeysaa guri 3 milyan lagu dhisay oo hortiisu ay dhiiqo ka buuxdo, ma aha maamulka gobolka shaqadiisa inuu wax ka qabto,” ayeey tiri Jawaahir oo shalay saxaafadda kula hadleysay gurigeeda, waxeyna intaasi ku dartay in Magaalada ay jireen goobo biyo-fadhiisid ah xilligii Dowladdii Kacaanka. “Xilliyada ay da’aan roobabka waxaa jira dad kaga faa’ideysanaya in ay qashinka guryaha u yaal ay daadadka raaciyaan, taas oo dhibaato weyn horseedeysa,” ayeey tiri Jawaahir waxeyna u mahadcelisay howlwadeena gobolka Banaadir oo ay ku tilmaantay dad mar walba u taagan in ay bulshada u qidmeeyaan. “Magaaladan oo cabsi ah ayaa ku nooleyn, maanta waxeey soo ceshaneysaa maqaamkii ay xaqa u laheyd ee caasimadnimo, waxaan rajeynayaa in ay ka mid noqoto caasimadaha ugu qurxoon dunidda,” ayeey tiri Jawaahir oo intaasi ku dartay in Muqdisho aysan ku doorsaneyn Washington iyo Amsterdam. Mar ay ka hadleysay arrimaha xuquuqda haweenka waxey sheegtay in ay jiraan xadgudubyo joogta ah oo ku dhaca haweenka. “Gabadhu marka ay shaqo doonato waxaa dhacda mararka qaar in la yiraa; wax uun iigu beddel, waxaa kale oo jira tacadiyo ka soo gaara dhanka siyaasada,” Ayeey tiri Jawaahir oo intaasi ku dartay in waddan dhibaatooyin soo maray sida Soomaaliya oo kale ay ka dhici karaan tacadiyo nuucaas ah. HOOS KA DAAWO WAREYSIGA JAWAAHIR OO DHAMMEYSTIRAN: The post Daawo Jawaahir Baarqab: 12 jir ayaa la kufsaday, ninkii kufsaday wuxuu ka mid yahay… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa ay kulan gaar ah kula qaateen Wakiilo iyo Masuuliyiin ka kala socday hay’addaha deeqaha bixiya ee wadamada islaamka iyo Ururka iskaashiga islaamka (OIC ). Kulankaan oo deg-degdeg ahaa ayaa ku saabsanaa Isku-dubbaridka Bani’aadamnimada ee kuwa ay saameeyeen El-Niño, waxaana lagu soo bandhigay Xaalada Guud ee Saameeynta Fatahaadaha iyo Barakaca dadka dagan deeganada ay fatahaada ka dhacday. Shirkaan ayaa looga hadlay hababka jawaab celinta deg -degdega ah iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay, intaa waxaa dheer oo kulankaan looga hadlay iskuduwidda iyo in hay’addaha ay ka qayb-qaataan Dib-u-dejinta dadka barakacay iyo nafaqeeyntooda iyada oo la saarayo ogaanshaha mudnaanta iyo baahiyahooda. Hay’ aduhu waxay balan qaadeen inay si deg deg ah uga jawaabi doonaan, qaybna ka noqon doonaan jawaab celinta deg -degdega ah iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay. PUNTLAND POST The post Kulan ku saabsan Gurmadka Fatahaadaha El-Niño oo lagu qabtay xarunta Hay’adda SODMA appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan ka Tirsan Wakiillada oo la kulmay Mudane Ka Tirsan Baarlamanka UK London(Qaran news)- Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, oo ka tirsan golaha Wakiiladda JSL ayaa kullan la yeeshay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska. Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, oo safar shaqo ku jooga dalka UK, ayaa mudanahan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ee uu la kulmay waxa uu kala hadlay arrimo ku saabsan qadiyadda aqoonsiga Somaliland. Kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Shefeild, ayaa xildhibaan Khadar Cali Xakiin, waxa uu mudanahan ka tirsan baarlamaanka UK, uga mahad celiyay sida uu u garab taagan yahay qadiyadda aqoonsi raadinta JSL. Waxaanu sheegay Khadar Cali Xakiin, in mudanahani uu ahaa xildhibaankii u horeeyay ee aqoonsigii golaha Deegaanka Shefeild, u gudbiyay, isla markaana uu si weyn uga soo shaqeeyay hawshaasi. Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, waxa uu tilmaamay in kulankaasi ay mudanahan isku la soo qaadeen sidii uu u sii wadi lahaa dedaalka uu ugu jiro hawsha aqoonsi raadinta Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi. Qaraxa oo ahaa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay isgoyska Ceelasha Biyaha, waxaana ka dhashay dhaawaca laba askari, sida aan xogta ku helnay. Ciidamada la qarxiyay ayaa sidoo kale howlgal ka sameeyay xaafado ka tirsan Ceelashaha Biyaha, balse ma jirto cid ay usoo qabteen qaraxaasi loo dhigay. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsan ciidamada dowladda. Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, deegaan weynaha Ceelasha Biyaha ee Shabeelaha Hoose. Weerarkan waxaa ka horreeyay qarax todobaadkii hore lagu xiray xarun ay shirkadda Hormuud ku leedahay xaafada Jabad Geele ee deegaankaasi, kaas oo dhaliyay burbur. Weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada dhankooda ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. The post Faahfaahinta qarax ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Beirut (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay inay hub cusub u adeegsanayso weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, iyad oo rasaasta la isweydaarsanayo ee xadka koonfureed ee Lubnaan ay sii xoogaysanayso, xilli Israa’iil ay dagaal kula jirto kooxda Xamaas ee Gaza. Sida Sayyed Hassan Nasrallah uu ku sheegay khudbadiisii labaad ee telefishinka laga sii daayay tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil, waxay toddobaadkii la soo dhaafay, kooxda ay Iran taageerto ay “xoojiyeen ficilkooda “hoggaanka Lubnaan marka loo eego tirada hawlgallada, bartilmaameedyada iyo nooca hubka,” Dhaqdhaqaaqa Muslimiinta Shiicada ah ayaa markii ugu horeysay adeegsatay gantaalada Burkan, isaga oo intaa ku daray in gantaalahaas ay qaadi karaan “culus dhan 300-500 kiilogaraam.” Xizbollah ayaa billowday inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “markii ugu horreysay taariikhda iska caabbinta” gudaha Lubnaan, sida uu sheegay Nasrallah, isaga oo intaas raaciyay inay gudaha Israa’iil ku duuli jireen “diyaaradaha wax basaasa” maalin kasta, qaarkoodna ay gaareen Haifa, Acre iyo Safed. Hadalka Nasrallah waxa uu dhaliyay digniin ka timid wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo sheegay in muwaadiniinta Lubnaan “ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan ficilka Xisbubllah” wuxuuna raaciyay: “Waxa aan ka samaynayno Gaza, waxaan sidoo kale ku samayn karnaa Beirut”. Tan iyo markii Xamaas ay 7-dii Oktoobar weerar ku qaadday Israa’iil marinka Qaza, xuduudda koonfureed ee Lubnaan waxaa sii xoogaysanayay is-weydaarsiga weerarrada oo u dhexeeya Israa’iil iyo Hezbollah, oo xulafo la ah kooxda Falastiiniyiinta, taas oo kicinaysa cabsida laga qabo in uu dhaco dagaal ballaadhan. The post Xizbullah oo hub cusub u adeegsatay weerarro culus oo ay ku qaadday Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Masuuliyiin Kormeeray Dhaamka Qool Buulale Hargeysa(Qaran news)-Maamulka degmada Sallaxley iyo mas’uulyiin kale ayaa kormeeray dhismaha dhaamka Qool-Buulale. Kormeerkan oo ay iska kaashanayeen, Wasaarradda Horrumarinta Biyaha, Hay’adda Actionaid iyo Maamulka degmada Sallaxley ayaa ku saabsanaa xog-xogaalimadda dhamaaka Qool-Buulale ee degmadda Sallaxley. Gebo-gabadii dhamaan Mas’uuliyinta dawladda, Hay’adda iyo maamulka ayaa isla qaatay in la da dajiyo dhismaha dhaamka lana ilaaliyo tayadda dhismihiisa. Qaran News
-
Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay inay hub cusub u adeegsanayaan weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, iyad oo rasaasta la isweydaarsanayo ee xadka koonfureed ee Lubnaan ay sii xoogaysanayso, xilli Israa’iil ay dagaal kula jirto xarakada Xamaas ee Gaza. Sida Sayyed Hassan Nasrallah uu ku sheegay khudbadiisii labaad ee telefishinka laga sii daayay tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil, waxay toddobaadkii la soo dhaafay, kooxda ay Iran taageerto ay “xoojiyeen ficilkooda “hoggaanka Lubnaan marka loo eego tirada hawlgallada, bartilmaameedyada iyo nooca hubka”. Dhaqdhaqaaqa Muslimiinta Shiicada ah ayaa markii ugu horeysay adeegsatay gantaalada Burkan, isaga oo intaa ku daray in gantaalahaas ay qaadi karaan culus dhan 300-500 kiilogaraam. Hezbollah ayaa billowday inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn markii ugu horreysay taariikhda iska caabbinta gudaha Lubnaan, sida uu sheegay Nasrallah, isaga oo intaas raaciyay inay gudaha Israa’iil ku duuli jireen “diyaaradaha wax basaasa” maalin kasta, qaarkoodna ay gaareen Haifa, Acre iyo Safed. Hadalka Nasrallah waxa uu dhaliyay digniin ka timid wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo sheegay in muwaadiniinta Lubnaan ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan ficilka Xisbubllah wuxuuna raaciyay: Waxa aan ka samaynayno Gaza, waxaan sidoo kale ku samayn karnaa Beirut. PUNTLAND POST The post Kooxda Xisbullah oo sheegtay in ay hub cusub u adeegsatay weeraro ka dhan ah Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
In the wake of the establishment of the enduring Somali government in 2012, marked by the adoption of the Provisional Constitution that introduced a federal political structure, the Federal Government of Somalia (FGS), and five Federal Member States (FMS), Somalia embarked on an unwavering journey of successive national reform initiatives. These endeavors focused on constructing robust government institutions, laying the groundwork for national development programs, and reestablishing connections with international financial institutions. One of the pivotal initiatives supporting these governmental aspirations is the Recurrent Cost and Reform Financing (RCRF) Project, initiated in 2014 and funded by the World Bank. This project has played a vital role in fortifying government legitimacy by assisting the Federal Government of Somalia (FGS) and Federal Member States (FMS) in enhancing their resource management systems, intergovernmental fiscal frameworks, and the delivery of essential services in healthcare and education. The RCRF Project encompasses four primary components: recurrent cost financing for resource management reform, the reinforcement of intergovernmental fiscal relations, funding for core government functions, and the establishment of fundamental educational and healthcare service delivery mechanisms in eligible FMS. Additionally, it emphasizes citizen engagement and feedback. Throughout the implementation of this program, the RCRF Project has successfully provided financial support to over 11,500 individuals across Somalia, including 1,400 female health workers (FHWs) actively engaging communities on matters related to maternal care, family planning, immunization, nutrition, and other medical requirements. It has also funded 3,850 teachers to bolster local education reform efforts, as well as approximately 6,000 civil servants. The figures illustrating individual payroll support are provided below. Figure 1: RCRF Salary Support Breakdown per entity On another front, the project has played a pivotal role in the establishment of the Intergovernmental Fiscal Forum (IGFF), consisting of two platforms: the Intergovernmental Technical Level and the Finance Ministerial Level (IGFFTC FMFF). These platforms are designed to enhance intergovernmental relations and harmonize the efforts of government entities to promote fiscal cooperation and economic reforms. The IGFF program has achieved several significant milestones, including the creation of a grant allocation and fiscal transfer mechanism that ensures transparency and equity in the allocation of funds between the FGS and FMS. Furthermore, the IGFF has been instrumental in the distribution of functional and revenue assignments among the three levels of government, a process successfully concluded during the National Coordination Committee (NCC) meeting in March. Other noteworthy achievements include the agreement on a unified sin tax rate policy, the signing of a Memorandum of Understanding between the FGS and the World Bank to enhance data transparency, monitoring, and reporting, as well as the facilitation of intergovernmental dialogues that have resulted in a consensus on the adoption of a unified Chart of Accounts. Figure 2 FGS and FMS Finance Ministers meet with President Hassan Sheikh in 2023 In an effort to engage with the public, the RCRF Project has been instrumental in the establishment of a government-owned-and-led citizen engagement center known as the Talo Wadaag Center. This initiative aims to strengthen government-citizen relations and foster public trust in government service delivery. The Talo Wadaag Center facilitates two-way communication between the government and the public through various direct channels, including SMS, robocalls, agent calls, social media platforms such as WhatsApp, Facebook, and Twitter, as well as television and radio. This initiative has reached a diverse range of beneficiaries, including 850 Female Health Workers, 14,000 household heads, 1,000 pregnant mothers, and 1,700 teachers across the country. Additionally, the center plans to extend its reach to more marginalized community members, including nomadic communities in remote areas and individuals with disabilities, building on the success of the initial citizen engagement campaign, which reached over 17,500 beneficiaries. This effort has contributed to enhancing project transparency, accountability, and participatory governance throughout Somalia. By further strengthening the citizen engagement initiative, the project embraces the theory of change and the social contract framework, amplifying the availability and transparency of social services in all beneficiary states. In line with the principles and guidelines of the World Bank’s Environment and Social Framework (ESF), the project has heightened national awareness of gender-based violence (GBV) and devised the GBV Action Plan, which prioritizes survivor-centric responses and accountability. Moreover, given the weak legislation and regulation of labor laws in Somalia, the RCRF Project is bridging the gap by addressing labor and security risks faced by women, such as sexual exploitation, abuse, harassment (SEAH), and other forms of violence occurring during the recruitment or retention of female workers in both healthcare and education services. To facilitate this, the project has established the grievance redress mechanism (GRM), allowing the public to submit grievances. Since the center’s official launch in 2022, the project has recorded 169 GRM cases, of which 125 were effectively resolved, boasting a success rate of 74%. This mechanism has led to behavioral change within communities, as evidenced by the weekly submission of GRM cases. As the project continues its implementation, governmental entities continue to rely on RCRF’s support across various dimensions, including the decentralization and localization of reform efforts, the reinforcement of the government’s reform agenda through incentive-based mechanisms, support for intergovernmental fiscal relations, and increased investments in social service delivery. The RCRF Project continues to set a remarkable example through its capacity to shape political governance and institutional development in the fields of social service delivery and governance. Authors: RCRF Project Implementation Unit (PIU) Twitter: @RcrfSomalia Email: – rcrfpiucommunication@gmail.com The post Navigating the Future: The Impact of the Recurrent Cost and Reform Financing (RCRF) Project on Political Governance and Societal Transformation Through Institutional Reform in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan ku sii jiri karin xaaladaan uu ku tilmaamay “ceebta” isagoo sababeeyey waxa kalifay in Soomaalidu ceebowdo. Wuxuu sheegay in dalkaan uu yahay qani balse dadka Soomaaliyeed uu heysto faqri ay ayagu sabab u yihiin, “waxaan nahay dal ceebeeye yaal, anaga waxaa naga fiican dalkeena, waa inaan xaaladaan ka baxno,” ayuu yiri. R/Wasaare Xamza wuxuu intaas ku sii daray in dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan imtixaan aan dhamaad laheyn, “dalkeena oo qani ah ayaa waxaa nagu dhaceysa musiibo kasta, waxaana nalooga dhigayaa imtixaan si aan qaladkeena aan u saxno, balse ma saxno, waa inaan towbad keeno dhamaanteen,” ayuu yiri. Xatooyo, xishood la’aan, musuq maasuq iyo wax kasta oo xun ayuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku dhaqmaan, sida qabyaalad, tuugnimo, 4.5 “mushkiladaha na heysta wax la tiri karo maaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Wuxuu sheegay in tan ugu daran ay tahay eexda, taas oo ka soo bilaabata guri kasta oo Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay sida dadka Soomaaliyeed ay ugu dhaqmaan qabiilka iyo nidaamka 4.5. “Qofka Soomaaliga ah ee maanta jooga hadii uusan wasiir, Janan ama xildhibaan laheyn wuxuu aaminsan yahay in shaqo kasta ee uu doonto uusan heli karin, idinkuba waa ogtihiin, waa adag tahay inuu shaqo helo qofkaas,” ayuu yiri Xamsa Barre. R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa cadeeyey in hadda ay dagaal ugu jiraan sidii qof kasta oo Soomaali ah uu shahaado ugu heli lahaa shaqada uu u qalmo, iyadoo meesha laga saarayo nidaamka qabaliga ah ee 4.5. “Waa inaan soo gabagabeyno 4.5 waa meesha ay nooga soo dhacday dowlad xumada, habaarka iyo dhibaatada ugu weyn, xalkeeda ayaana ku mashquulsanahay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre. Hoos ka daawo The post Daawo: Xamza oo sheegay inuu ogaaday halka Soomaalida ay ‘cuqubadu ka heysato’ appeared first on Caasimada Online.
-
Shaxda Qaaxo midabo badanaa bal eeg ■ Maalin waa Ceelfwayn Bicide iyo S Yonis ■ Maalin Cali Saahid. Hy Iyo Ciise Muse ■ Maalin Waa Arab iyo Cabane Yusuf ■ Maalin Waa Ciise Muse Reer Dahir. Mashruuca u weyni waa kaas ka socdda Gobolka Sool. Dadkeenuna ma fahmin. ● Dhulbahantena waa kuwa Tuuloyinka gubaya. ● Wersengalina Dareera iyo waa dhuxulayaal ● Awdal TIIH baa ka socdda Somaliland Fitnadda Ka socota Waa Mashruuc. Waxaana Hogaaminaya Labadda Korneyl. Degaan walba colaad baa ka socota Nuux Tanina Baa Ku saddex ah Mashuurcan Ciidankii Qaranka waad aragtaan. Jahwareerin. Dhinac walba waa loo dhigey. Hadaba dadku miyuu walan yahey. Waar dadku haka tashadaan nabadooda. Xukumadduni nabad kama shaqeyneyso. Umaddana waa la jahawareerinaya. Maantadii dalku waa gaajoonayaan. Sixir bararku hadal ma leh. Xaraashka dhulka danta guud aragte. Xagaa loo socdda. Heybadii Dowladdnimaddu wey luntey. Dadka badhna waa yaaban yahey. Badhna waa amusan yahey. Badhna waa la waaley oo waa GALA DAGAALKA. Waxeynu u bahanahey in caqligu shaqeeyo eynu xaqiiqda wajahno dalka laga badbaadiyo xukumaddan fashilantey. Ninkii aan intaas fahmeyni Waa nin aan habeen jirin Hon-Envoy Abdirizak Diinaari diinaari1960@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa weerar ku qaaday dowladii dhexe ee Kacaanka, isagoo sheegay in wax kasta ay Soomaalida ka qaldameen xiligii ay dalkaan hoggaamineysay. Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay been isku sheegeen oo ilaa hadda ay ku hadaaqaan “xiligii ay jirtay dowladii dhexe ayaan fiicneyn” balse wuxuu dadkaas weydiiyey “hadii dalkaan ay ka jirtay dowlad fiican, maxaa sidaan inoo galay?” Wuxuu sheegay in Soomaalidu ay xornimada ugu hor qaadatay Afrikaanka, balse ay maanta ugu liidato oo dadkii ka dambeeyey ay ka hor mareen. Sababta ay taasi ku dhacday wuxuu ku sheegay inay tahay beenta ilaa hadda ay isku sheegaan dadka Soomaaliyeed, isagoo dadkiisa kula taliyey inay runta u soo laabtaan. “Dadka qaar waxay amaanaan dowladii lasoo dhisay 60-kii, oo maxaa loo afgembiyey hadii ay fiicneed? Anigaa idiin sheegayee wax dowlad ah oo aan soo dhisanay ma jirto ee been ayaan isku sheegnay,” ayuu yiri Xamsa Barre. Wuxuu sheegay in wax kasta natiijada laga fiiriyo, “maxaan halkaan u taaganahay oo dalalkii aan xoriyada ka hor qaadanay ay u hor mareen? Markii hore ayaan been wax ku dhisanay ee hadda runta ma isku sheegnaa?” Ayuu yiri. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sidaani ay tahay ceeb isla markaana aan lagu sii noolaa karin, “ waxaan faqri lama dhaho aan ku jirno ee waa ceeb, dalkaan waan ceebeynay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. R/Wasaaraha ayaa hadalkaan ka jeediyey Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya ko lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo saaray Warmurtiyadeed. Hoos ka daawo The post Daawo: Xamza oo weerar culus ku qaaday dowladihii tiisa ka horeeyey ee dalka soo maray appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiye Xirsi oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Bristol Bristol(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo socdaal ku jooga Ingiriiska ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Bristol oo taageereyaasha xisbigaasi ku soo dhaweeyeen. Guddoomiyuhu wuxuu u mahadceliyay waxgaradka ku soo dhaweeyay Bristol, wuxuuna sheegay in dadka reer Somaliland gudo iyo dibadba ay ku kala jiraan axsaabta kala duwan, hase ahaatee waxa ka dhexeeyaa uu yahay Qarannimada oo la wada leeyahay. Guddoomiye Xirsi wuxuu sheegay in Sonaliland ay Soomaalida dheerayd, waxna ku noqotay nabadgelyada waxaanu ku dooday in nabadgelyo lagu wajaho xaaladda colaadeed ee ka taagan bariga Somaliland. Sidoo kale xubno ku hadlayey magaca taageereyaasha WADDANI iyo jaaliyadda Somaliland waxaanay sheegeen in martiqaadka Bristol iyaga ka yimid oo ay dooneen inay isa sii arkaan Guddoomiyaha ka hor inta aanu u ambo-bixin Somaliland. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dagaalkii dhowaan ka dhacay Buqdharkayn ee gobolka Sool ayaa tilmaamay in ujeed gaar ah laga leeyahay, isla markaana la doonayo in lagu dabar jaro reero gaar ah. Faysal Cali Waraabe ayaa xusay in dagaalkaas ay soo qaadeen waxa uu ku tilmaamay cadow soo duulay oo uu ugu yeeray G21, isaga oo ku eedeeyay in ujeedka kooxdan uu yahay inay dabargoyso beesha Isxaaq, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay ciidanka SSC-Khaatumo inay gubeen tuulada Buqdharkayn, taasina ay cadeyneyso cadowtinimada ay u hayaan Somaliland. “Arrinta ka dhacday deegaankaasi waxay muujinaysa siyaasada iyo u jeedada ay leeyihiin cadawga inagu soo duulay, ee isbahaystay ee G21, waa dabargoynta reer Sheekh Isaxaaq” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan ciidankooda. Waxaa kale oo uu baaq u diray ciidanka, isaga oo ka dalbaday in aysan ku xadgubin dadka shacabka ah iyo hantidooda. “Shacabka Somaliland waxan leeyahay hala taageero ciidankeena, difaaca qaranka iyo xuduudeena, yaan loo dhaqmin siday u dhaqmeen, yaan guryaha la gubin, yaan maatida la dilin, yaan maxaabiista la dhibaatayn” ayuu mar kale yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo todobaadkii hore uu mar kale dib u qarxay dagaalka u dhexeeyay SSC iyo Somaliland oo isku haya gacan ku hayta gobolka Sool. The post Faysal Cali Waraabe oo waji cusub u yeelay dagaalka SSC iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
