Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Musharixiinta mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan shaqaaqadii ugu dambeysay ee ka dhacday gudaha magaalada Garoowe. Ugu horeyn xubnaha mucaaradka ayaa sheegay inay cambaareynayaan dagaalkii u dambeeyey ee todobaadkii hore ka dhacay caasimada oo sababay dhimasho iyo dhaawac. “Dalladu waxay ka xun tahay isla markaana cambaaraynaysaa falkii ka dhacay barxadda caasimada Garoowe 07/11/2023, kaas oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen xubnaha mucaaradka Puntland. Sidoo kale mucaaradka ayaa dagaalkaas ku eedeeyay madaxweynaha Saciid Deni oo ay sheegeen inuu fidno ka abuurayo Puntland oo haatan wajahaysa xaalad hubanti la’aan ah. “Cawaaqib xumadii ka dhalatay dhacdadaas waxaa leh madaxweynaha xilkiisa ku dhammaadka yahay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo ay farriin u direen ciidamada ammaanka oo ay ugu baaqeen in aysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee maamulkaas, ayna ku ekaadaan howlaha amniga. Intaas kadib midowga musharixiinta mucaaradka Puntland ayaa dalbaday in xal loo helo xiisadda ka taagan Puntland, waxayna ugu baaqeen waxgaradka inay doorkooda qaataan. “Dalladu waxay ugu baaqeynaa dhaqanka, culimada, nabadoonada, cuqaasha iyo waxgaradka kale inay u istaagaan ka hortega fidnimada uu hurinaayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay” ayuu lagu soo gabagabeeyay qoraalka. Puntland ayaa haatan wajahaysa xaalad cakiran oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maamulkaas oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo Deni. The post Mucaaradka Puntland oo hal arrin dalbaday kadib dagaalkii Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. War rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ay hoggaaminaysay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Liang. “Kulanka ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii marwalba Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay, waxaa sidoo kale Kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gobolka Sool iyo Doorashooyinka Puntland sidii ay u dhici laheyd doorasho dimuqraadiya oo nabad ah” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada. Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Maanta Kulan la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  3. Wasaaraddda Beeraha Oo Magaalada Hargeysa Ku Qabatay Shir Ku Saabsan Caqabadaha Iyo Fursadaha Wax Soo-saarka Beeraha Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagu qabtay Shir ku saabsan Caqabadaha iyo Fursadaha Wax-soo-saarka Beeraha ee JSL. Kulankan oo soconaya muddo laba Maalmood ah, ayaa waxa soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Beeraha oo taageero ka helaysa Mashruuca Barwaaqo ee ay kala shaqayso Baanka Adduunka, ayaa waxa furay Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, waxaanu tafaasiil ka bixieyey ujeeddada Shirka loo qabtay iyo dedaallada ay Wasaaradda Beeruhu ugu jirto sidii Somaliland isku filaansho uga gaadhi lahayd dhanka Cuntada. Shirkan oo mudada uu soconayo lagu lafo-gurayo Caqabadaha iyo Fursadaha Wax soo-saarka Beeraha, aya waxa kale oo ka hadlay Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta, Diinta iyo Awaafta, Horumarinta Reer Miyiga, Wasiir ku-xigeenka Beeraha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, dhamaantoodna waxay ka warrameen sida ay muhiimka u tahay in gacmaha la isku qabsado sidii dalku u gaadhi lahaa isku filaansho dhanka Cuntada ah. Waxa xusid mudan in shirka ay ka qayb-galeen Madax ka socotay Safaaradda Taiwan ee Somaliland iyo qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Beeraha dalka, kuwaasi oo shirkan aad u soo dhaweeyay. Qaran News
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo caalamkaba in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah, si kor loogu qaado wax soo saarka dalka, taas oo horseedi karta isku filnaansho dhaqaale oo waara. Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka. Isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka. Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xame oo Maanta furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Garowe (HOL) - Puntland regional state leaders, led by Said Abdullahi Deni and Vice President Ahmed Elmi Karash, met with Catriona Laing, the Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia, in Garowe, the administrative capital of Puntland State, on Saturday. Source: Hiiraan Online
  6. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Nithavrianakis oo gaaray magaalada Baydhaba. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan daadadka ku dhuftay Baydhaba. Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirada qorshaynta, cadaaladda, gargaarka iyo howlaha guud, ayada oo la’isaga wareystay saameynta ka dhalatay fatahaadda. Waxaa sidoo kale kulankan lagu soo qaaday diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee la filayo inuu dhawaan ka billowday Koonfur Galbeed. Danjiraha dalka Ingiriiska ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa adkeeyay in socdaalkiisa Baydhaba uu la xiriiro sidii dowladdiisa ay kaalin ugu qaadan lahayd ugurmashada dadka uu saameynta ku yeelatay tatahaadda biyaha iyo sidii ay u taageeri lahayeen dadaalka maamulka Koonfur galbeed ee daadejinta adeegyada dowladda. Uk ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada siiya Soomaaliya, isla-markaana ka caawiyaan dhanka dhaqaalaha tababarada ciidamada iyo mashaarciida horumarineed. Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha uu sida daran u saameeyeen daadadka ka dhashat roobabkii ka da’ay Muqdisho, waxaana ugu sii daray magaalada Baydhabo oo ay ka barakaceen qoysas badan, kadib markii ay ku rogmadeen biyo aad u fara badan. The post Dalkii ugu horreeyay oo ballan-qaad u sameeyay reer Baydhaba + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  7. Mahadaay (Caasimada Online) – Xaalada dag oo dhanka nolosha ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay iskugu darsoomeen laba arrin oo kala ah fatahaadda wabiga Shabelle iyo daad ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’day degmadaasi. Dadka shacabka ah ayaa haatan bilaabay inay ka barakacaan daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay halkaasi, si aysan waxyeelo uga soo gaarin. Maamulka degmada ayaa sheegay in qoysaska barakacay ay haatan soo wajahday xaalad nololeed, isla-markaana aysan haysan wax ay cunaan iyo hoy intaba. “Mahadaay dhibaato ayaa ka jirto waxaa isugu darsoomay roob iyo fatahaadda wabiga Shabelle, dadkiina way ka barakaceen guryahooda” ayuu yiri Saalax Wiish oo kamid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka oo ka hadlay dhibaatada soo wajahay ayaa dalbaday in lala soo gaaro gurmad bani’aadamo oo deg deg ah. “Biyo ayaan ku dhex jirnaa, waxaan ku iri baahi waa na haysaa, beerihii waa soo go’een waxaan idinka rajeyneynaa gurmad” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka. Dhanka kale, waxaa degmada gaaray ma’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka HirShabelle, kuwaas oo ku baxay fataahadda ku dhufatay Mahadaay. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeeray xaafadaha ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadda, waxayna usii tageen qoysaska barakacay, si ay uga wareystaan xaaladdooda. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado bani’aadanimo oo dhashay fataahado iyo roobab daadad wata oo ka da’ay qaybo badan oo kamid ah dalka. The post Daawo: Laba arin oo sababay in laga barakacyo Mahadaay appeared first on Caasimada Online.
  8. Saacadihii ugu dambeeyay waxaa si weyn baraha bulshada u qabsatay sawirka haweeneey Sarkaal Booliis ah, taas oo nuujinaysay ilmo yar, kadib markii ay kula kulantay cunuga iyo hooyadiis xaalad adag, xilli ay ku gudo jirtay samatabixinta iyo gurmad loo fidinayay magaalo ay ku dhufteen duufaanno dalka Mexico. Elizabeth Dionisio Ambrosio waa Sarkaalad 33 jir ah naf ahaanteeda waa hooyo leh labo carruur ah, waxayna baadi-goobtay ilmaha oynaya, xilliga samatabixintu ay socotay, Dadaal dheer ka dib, waxaa ay aragtay hooyo iyo ilmaheeda oo afar bilood jira oo caawin dalbanaya, iyadoo soo gaartay agtooda. Hooyada ilmaha yar dhashay ayaa sarkaaladda u sheegtay in cunuggeeda uusan waxba cunin wax ka badan labo maalmood uuna la oynayo gaajo, waxaana ay intaas raacisay ineysan awoodin in ay nuujiso oo iyaduba ay baahi dareemayso, taas oo keentay in sarkaaladdu ay weydiiso in ay nuujiso cunuga yar. Sarkaaladda ayaa sawirro laga soo qaaday iyadoo darbi fadhisa dibadeedna nuujinaysa ilmaha yar, taas oo keentay in bulshada ay siweyn ugu wadaagto baraha la isticmaalo oo falcelinno kale duwan la isku dhaafsanayay, tallaabada ay qaaday sarkaaladda booliiska ah ee ku jirtay samatabixinta dadka dhiban. “Shaqodeeda shaqo ee muwaadiniinta iyo sare u qaadida magaca wasaaradda amniga muwaadiniinta ee Mexico, saaxiibkay Arizbeth Dionisio Ambrosio oo ka tirsan kooxda Zorros oo ilaalinayay nolosha ilmaha Acapulco, ayaa la dalacsiiyay,” barta bulshada ee X Isniintii” waxaa sidaas qoray wasiirka Caafimaadka. Arizbeth Dionisio Ambrosio ayaa arrintaan waxaa ay ku muteysatay Shahaado sharaf kaga timid isku darka wasaaraha amniga iyo caafimaadka, taas oo lagu sheegay in ay qaaday tallaabo muwaadinno oo ay ku badbaadisay ilmaha yar iyo hooyadooda, kuwaas oo ay la kulantay xilligii ay ugu mudneyd. Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalayay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda Soomaaliya gaar ahaan, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga Bulshada reer Falastiin ee duqeyntu ku socoto. Madaxweyne Xasan ayaa si gaar ah u dul istaagay xiriirka qotadadheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Sucuudiga iyo ahmiyadda sii xoojintiisa, waxaa uu tilmamay madaxweynuhu in Soomalaiya ay ka jiraan fursado dhaqaale wadaag ah, gaar ahaan dhinaca dhaqaalka xoolaha ee loo iibgeeyo wadamada carbeed,beeraha iyo kaluunka. “Soomaaliya waxaa ay u furan tahay ganacsiga iyo maalgashiga, kheyraadka Soomaaliya aad ayuu u badan yahay, warshadeynta nuucyadeeda kale duwan lagama faa’ideysan, laga bilaabo hadda waxaan rumeysanahy inaan hormuud u noqon karno caalamka dhanka Beeraha, kheyraadka iyo Xoolaha” Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dalalka carbeed waxaa hoos u dhac aad u xooggan uu ku yimid dhoofkii xoolaha noolaha, taas oo inta badan loo aaneynayey siyaadda iyo xiriirka labada dhinac oo madmadoow soo galay, laakiin madaxweyne Xasan ayaa qaaday tallaabooyin dib loogu soo celinayo. Madaxweyne Xasan ayaa hore u sheegay in dalka kheyraadkiisa dhanka xoolaha iyo beeraha la kobcin doono, waxaana jira in dowladda Shiinaha ay hore dowladda Soomaaliya ula gashay heshiis ballaaran oo lagu kobcinaayo beeraha dalka, taas oo sare u qaadaysa in dalka uu helo cunto ku filan iyo dhoofin intaba. Shirka Sucuudiga iyo Afrika ayaa kusoo aadaya xilli Shiinaha, Ruushka, Midowga iyo Maraykanka ay ku dayayaan in ay galaagan ku yeeshaan Afrika oo hadda soo kobceysa dhan walba marka la eego, waxaana jiray in shirar kale duwan oo caalamka ka dhacay lagu galay heshiisyo kale duwan oo Afrika ay la galeen. Source: goobjoog.com
  10. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay goobaha ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta iyo xal u helida saameynta ay reebeen roobabkaas oo dhowaan uu magacaabay guddoomiyaha, waxaana caasimadda ka socda dadaallo lagu hagaajinayo goobihii ay biyuhu dageen ee roobabka. Dhankooda, guddiga ayaa sheegay in inta badan goobihii ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda, iyadoona sidoo kale ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho. Duqa Magaalada mudane Yuusuf Madaale ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyo dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, in dib loosoo celiyo bilicda Caasimadda, in la gar-gaaro dadka ay saameynta ku yeesheen roobabkii da’ay iyo in loo diyaar garoobo kuwa soo socda. Source: goobjoog.com
  11. The inaugural Somali STEM Summit, a groundbreaking event dedicated to fostering education and innovation in Science, Technology, Engineering, and Mathematics (STEM), took place from the 7th to the 9th of November, 2023 at Hangar, Mogadishu International Airport. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa sheegay inay soo gaartay farriin uga timid shacabka Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in laba farriimood oo muhiim ah ay kasoo gaartay reer Muqdisho, ayna wax ka qaban doonto xukuumadda oo kaashaaneysa maamulka gobolka. Xamza ayaa sheegay in farriinta koowaad ay tahay in wax laga qabto saameynta ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimada oo burbur iyo dhibaatooyin ka geystay Muqdisho. “Dadka reer Muqdisho farriintiina waa nasoo gaartay, laba farriimood oo muhiim ah oo ay dadka Muqdisho soo direen ayaa jirta mid waxaa weeye biyahaas in wax laga qabto iyo daadadka magaaladaan mar walba kusoo rogmada” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale farriinta labaad waxa uu ku sheegay inay tahay dalab uga yimid shacabka oo ku aadan in dhagxaanta laga qaado waddooyinka xiran, maadaama uu soo hagaagay amniga degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna ballan qaaday in la fulin doono fariimahaasi. “Qodobka labaad waxaa weeye amniga magaalada haddii uu fiicnaaday in dhagxaanta la qaado iyagana waa fariimaha ka imaanaya bulshada, waxaana leenahay bulshada reer Muqdisho fariimihiinii wayna soo gaareen, waana la sameyneynaa” ayuu mar kale yiri. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale faray maamulka gobolka inuu wax ka beddalo qorshaha dhismaha waddooyinka, si xal waara loogu helo daadadkan soo laa laabtay. “Guddoomiyaha gobolka waxaa fareynaa inay u howlgalaan sidii wax looga qaban lahaa waan hubaa inay ku dhex jiraan oo aysan labadaan habeen seexanin oo ay aad u ordayeen, laakiin haddana waxaan u baahanahay sideedaba in magaaladan habka ay hadda biyuhu u fariistaan iyo laamiyada la dhisayo way is diidan tahay marka waxaanu u baahanahay habkii mariinada ahaa ee ay biyuhu u mari jireen ee saxda ahayd in la raadiyo” ayuu yiri. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xaaladaha ka dhashay fataahadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah dalka, isaga oo ku baaqay in laga qayb-qaato gurmadka. “Aan isku dayno inaan ka qayb qaadano dadkeena sidii loogu gurman lahaa, dowladdu way dadaaleysaa wixii tabar ah ma yareysaneyso” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: Farriintii reer Muqdisho oo gaartay R/W Xamza + Jawaabta appeared first on Caasimada Online.
  13. Muraayad laga dhex arki karo dhaqanka sooyaalka ah ee bulshada Soomaaliyeed Qisada buugga Godob iyo Geeri waa muraayad laga dhex arki karo dhaqanka sooyaalka ah ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan wada noolaanshaha toleed. Xiriirka dhaqan-bulsheed ee ka dhaxeeya sokeeyaha isku reerka ah waa mid guud ahaan ku salaysan is-xaqdhowr, is-taakulayn iyo is-xushmayn. Dhanka kale, waxaa dhici karta in xiriirka dadka isku tolka ah uu noqdo mid xun, waxaana halkaa ka dhasha is-nacayb, is-xasid iwm. Haddaba, markaad fiiriso erayada kor ku xusan waxaa kuu muuqanaya hor-kabaha (is) , oo ah horkabe erayada qaarkood horay looga kabo, kaasoo falka ku celiya qofka. Waxaa xusid mudan in inta badan ay noo muuqdaan ficiltanka iyo colaadda ka dhaxeysa beelaha kala haybta ah, laakiin sheekada Godob iyo Geeri waxay tilmaantay ficiltanka iyo is-quursiga ka dhexeeya beelaha isku reerka hoose isku ah. Haddaba, qormadani waxaaan rajeynaa inaan falanqayn kooban ku sameeyo qisada buuggaan. Waxaan jeclaystay inaan soo gudbiyo dareen iyo fikir waxay igu dhalisay sheekada buugga. Cinwaanku waa waa waxa ugu horreeya ee indhaheennu qabtaan, sidaa darteed waa waxa nagu dhaliya inaan go’aansanno buugga aan rabno inaan akhrinno. Cinwaanka buugga Godob iyo Geeri wuxuu marka horeba ku dareensiinayaa sheekada qoraaga Muxyaddiin Xuseen Ciid uu doonayo in uu soo tebiyo. Erayada Godob iyo Geeri waa kuwa qaafidaysan. Labada eray (Godob iyo Geeri) waxay wadaagaan xaraf-raaca G, iyo iyadoo eray walbaa ka kooban yahay shan xaraf, oo isugu jira shibbanayaal iyo shaqallo. Labada eray (Godob iyo Geeri) waxay qaataan qodobka (ta), oo tilmaama jinsiga dheddiga. Marka la eego qaybta macnaha erayada ee cilmi-afeedka (Semantic), erayga Godob waa erayada leh hal macne ka badan, waxaana erayadaas loo yaqaan ‘’Polysemy’’. Erayga Godob(ka) waxaa lagu macneeyaa balli aad u weyn oo wareegsan, oo in badan biyo ku jiraan. Dhanka kale, erayga Godob(ta) waxaa lagu macneeyaa aano, dakano iwm. Aano waxaa loola jeedao xumaan hore oo lays gaarsiiyay, oo in laga aarguto uurka lagu hayo. Qoraa Muxiyaddiin Ciid wuxuu ku sheegay qaybta horudhaca buuggiisa Godob iyo Geeri weerta hoos ku qoran: “qabyaalad iyo qabiil ayay qisadani ku baraysaa waxay kala yihiin, ayadoo qabyaaladda ku salaysay marka qabiilka sida xun loo adeegsado’’. Marka la eeego taariikhda, Soomaalidu waxay ahaayeen dad qaab-beeleed u wada degganaa. Soomaalida waxaa u suurtagashay inay helaan wada noolaansho toleed. Waa maxay haddaba tol? Soomaalidu waxay tiraahdaa tol waa tolane. Waxaa xusid mudan in dantu isku xirtay, iskuna toshay dadka isku tolka ah. Qaab-dhismeedka cutubyada buugga Godob iyo Geeri waa mid ka tarjumaaya cinwaanka iyo macnaha ballaaran ee uu xambaarsan yahay. Qisada buuggan waxaa lagala bixi karaa farriin la xiriirta dhaqanka dadka, kan xun iyo kan wanaagsanba. Qisada waxaa lagu qurxiyay murti, maamaah, iyo sarbeeb. Tusaale ahaan, cutubka kowaad waxaa lagu furay maahmaahdaan: “ inuu walaal macaan yahay, ninkii madi ah baa og’’. Qoraa Muxiyaddiin Ciid wuxuu u soo bandhigay si xirfadaysan jilayaasha sheekada, si ay ugu muuqdaan kuwa dhab ah. Waxaa iyadana qaddarin mudan magacyada jilayaasha sheekadan, oo kala ah; Diirshe, Kaarshe, Xasan Dhuux, Odowaa iwm. Jilayaasha iyo dhacdooyinka qisada Godob iyo Geeri waxay si xeel-dheeri ah u tilmaamayaan xumaha bulshadeenna ka dhex jira, taasoo lagu muujinayo sheeko dhex maraysa jilayaasha qisada. Xasan Dhuux waa jilaaga ugu weyn ee qisada Godob iyo Geeri, waana nin madi ah. Sida ku cad sheekada, Xasan Dhuux waxaa lagu sameeyay go’doomin. Waa marka hore, waxaa la xaqiray kaalintii Xasan Dhuux aabbihii (Odowaa) ku lahaa beesha Gurxan. Waa marka xigee, reerka Xasan Dhuux waa la quursaday, waxaana loo arkay qoys toddoba fac madi ahaa, oo aan mudnayn talo iyo garaadba in lagu qaddariyo. Haddii aynu eegno quursigan waxaa inoo muuqanaya inuu ka mid yahay xididdada qabyaaladda salka u ah. Sidoo kale, quursigan wuxuu ina xasuusinayaa gabaygii Cabdullaahi Suldaan Timacadde uu ku tilmaamay xumaha qabyaaladda, kaasoo ahaa: “anaa isir ah, anaa adag iyo yaa i gaara?’’. Gunnanad Waxaan rajeynaaa in qisada buugga Godob iyo Geeri tusaale iyo tusmaba u noqoto dood-wadaag la xiriira in laga gudbo xumaha qabyaaladda, loona gudbo bulsho ay ka dhaxeysa iskutiirsanaan iyo is-taageerid. Lafagurka: Prof. Cabdulqaadir Ruumi Email: ruumi65@hotmail.co.uk Qoraaga: Muxyadiin Xuseen Ciid Libaax-Barkade Daabicidda: Ciid Publishing Bogagga: 246 Sanadka: October 2023 | Daabacaadda Labaad Source: goobjoog.com
  14. Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil ay bilaabi doonto dhaqangelinta xabbad-joojin maalinle ah oo afar saacadood ah hawlgalkeeda milatari ee ka dhanka ah Xamaas ee waqooyiga Gaza. Ku dhawaaqidda afhayeenka golaha amaanka qaranka John Kirby ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada difaaca Israa’iil ay magaalada Gaza kula dagaalameen xoogaga Xamaas, waxaana magaalada iskaga cararay dad badan oo Falastiiniyiin ah. Kirby waxa uu sheegay in xabbad-joojintu ay siineyso Falastiiniyiinta wakhti ay ku baxsadaan, iyaga oo isticmaalaya laba waddo oo bini’aadantinimo, ayna ka dhigan tahay horumar la taaban karo oo lagu dhimayo khasaaraha dagaalka. Kirby waxa uu sheegay mar uu la hadlay warfidiyeenada: “Israa’iiliyiintu waxa ay nagu wargeliyeen in aanay jirin wax hawl-gal ah oo milatari oo ka dhici doona aagaggaas inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta, hawlgalkani waxa uu bilaabmayaa maanta,” isaga oo intaa ku daray in fikradda joojinta ay timid intii lagu guda jiray wadahadal u dhaxeeyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Israa’iil ayaa weerarkeeda qaadday iyada oo jawaab u ah weerarkii Xamaas ee ka dhacay koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar oo ay ku dhinteen in ka badan 1,400 oo qof oo u badnaa rayid. Xamaas ayaa sidoo kale qafaalatay ilaa 240 qof. Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo wadamo kale oo reer galbeed ah ayaa ururka Xamaas u aqoonsaday urur argagixiso. Source
  15. Booliiska Turkiga ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah hogaamiyayaasha ugu waaweyn caalamka ee ka ganacsada daroogada iyo hubka. Dritan Rexhepi oo ah 44 jir u dhashay dalka Albania ayaa waxa muddo baadi goobayey booliiska adduunka. Ninkan ayaa la sheegay inuu dhawaan dalka Turkiga kusoo galay baasaboor Kolombiyaan ah. Turkiga ayaa xogta ninkan ka helay Booliiska Talyaaniga oo baadi goobayey ninkan oo loo heysto ganacsiga daroogada, dilal, afduub iyo ganacsiga hubka. Hoggaamiyahan ayaa ah madaxa kooxda loo yaqaan Kompanio Bello oo awood badan kuleh dalalka Yurub iyo Koonfurta Ameerika. Ninkan ayaa hore uga baxsaday xabsiyo ku yaalla dalalka Beljimka iyo Talyaaniga. Source
  16. Salaadiinta beelaha Arab ayaa ka cudurtaay kulan uu Muuse Biixi ka dalbaday inuu la yeesho. Mawqif uu kulankaas ka qaatay Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ayaanay la qaateen madaxdhaqameedka kale ee beeshiisu, taas oo sababtay in Muuse lala kulansiiyo 7 caaqil oo aan matalaad dhab ah ka haysan dadkooda. Badhasaabka Hargeysa Tiimbaro, gudomiyaha rugta ganacsiga Jamaal Caydiid, Xildhibaan Raamboo iyo xoghayaha dawlada hoose Siciid Nuur oo kulankan abaabulkiisa lahaa ayaana xaga danbe kaga soo daray wasiirada arimaha dibeda iyo beeraha oo aan waxba kala socon ajandaha Shirka. Kulanka oo qabsoomay 08 November 2023 oo ku beegnayd maalintii Arbacadii ayaa lay xaqiijiyey in todobada caaqil iyo masuuliyiinta wehelinayey miiska la tageen sadex qodob oo ay isku afgaran waayeen Muuse Biixi ka dib markii uu madaxweynuhu si cad u diiday. Dhamaystirka waddada Balligubadle, inuu kala shaqeeyo sidii Tiimbaro u noqon lahaa gudoomiyaha guurtida iyo inuu ku taageero mawqif diidmo ah oo ay sheegeen inay ka qaadanayaan qodobadii lagu xaliyey muranka doorashooyinka ayey todobada caaqil iyo masuuliyiinta wehelinayey hor dhigeen Muuse Biixi. Madaxweynaha ayaa cuqaasha beelaha Arab ugu jawaabay inaanu dhamaystiri Karin waddada Balli-gubadle oo aanu hada u hayn dhaqaale diyaar ah, in Tiimbaro noqdo gudoomiyaha guurtida ayuu u sheegay inaanay ahayn wax isaga ku xidhan balse uu intii awoodiisa ah la dedaali doono. Qodobka doorashooyinka la xidhiidha ayuu Muuse Biixi kaga jawaabay inaanu isaguba ogolayn qodobadii ay East Burco Clan soo saartay oo sida Arab iyo Awdal Clan uga soo horjeedo, isaga oo xusay inaan hadana la joogin wakhtigii uu diidi lahaa maadaama oo golaha wakiiladu ansixiyeen, waxaanu xusay in reeraha diidan looga fadhiyo inay keenaan wixii ay xal u arkaan. Kulanka ayaa ku soo dhamaaday natiijo la,aan aan waxba laysla meel dhigin Source
  17. Iran ayaa ka digtay in baaxadda dhibaatada dadka rayidka ah ee ka dhalatay dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas ay si lama filaan ah u horseedi doonto ballaadhinta colaadda, xilli saraakiisha Gaza ay sheegayaan in Israa’iil ay duqeysay ama ku dhowdahay dhowr cisbitaal oo ku yaalla dhulka Falastiin. Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Iran Hossein Amir-Abdollahian ayaa dhalin kara walaac ku saabsan in dadaalka diblomaasiyadeed ee Washington iyo in ciidamada badda ee Mareykanka la geeyo bariga Mediterranean-ka ay awood u yeelan doonaan inay ka hortagaan colaadda inay sii carqaladeyso xasilloonida Bariga Dhexe. Amir Abdullahian ayaa u sheegay dhiggiisa Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, fiidnimadii Khamiista: “Ballaarinta baaxadda dagaalka ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Gaza, waxay lama huraan u noqon kartaa ballaarinta baaxadda dagaalka.” Telefiishanka dawladda Iiraan ee Press TV ayaa soo tebiyay faallooyinka, oo la sameeyay intii lagu jiray wada hadal taleefoon, Jimcihii. Duqeymaha iyo go’doominta Israa’iil ee Gaza bishii la soo dhaafay ayaa abuuray masiibo bini’aadantinimo, iyadoo kumannaan kun ay u raadsadeen daweyn iyo gabaad cisbitaallada yar ee weli furan, halka kuwa aagga dagaalku ka socdo ay ku sugan yihiin khatar aad u daran. “Gumaystaha Israa’iil waxay weerarro isku mar ah ku qaadeen tiro isbitaallo ah saacadihii la soo dhaafay,” ayuu afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Gaza Ashraf Al-Qidra u sheegay telefishinka Aljazeera. Qidra waxa uu sheegay in duqayn ay Israa’iil ka geysatay barxadda cisbitaalka Al Shifa oo ah kan ugu weyn magaalada Qaza uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse ma uusan bixin faahfaahin. Israa’iil ayaa sheegtay in Xamaas ay ku leedahay xarumo talis iyo godad dhulka hoostiisa mara Al Shifa, iyo isbitaallo kale sida Isbitaalka Indonesia, iyada oo eedeymahaas ay beenisay Xamaas. Source
  18. Waxaa shalay Jimcihii magaalada Riyadh ka furmay shirka iskaashiga Boqortooyada Sacuudiga iyo dalalka Afrika. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa khudbadiisa furitaanka kaga hadlay xaalada Falastiin isagoo cambaareeyey Israa’iil. MBS ayaa sheegay in Israa’iil ay dambiyo dagaal ka geysaneyso Marinka Gaza. Shirka ka furmay Riyadh ayaa diirada lagu saarayaa sare u qaadida ganacsiga ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Qaarada Afrika. Sacuudiga ayaa sheegay in $45 bilyan ay gelisay mashaariicda horumarinta 54 wadan ee Afrika. Sidoo kale hay’ada gargaarka Sacuudiga KSrelief ayaa la sheegay in lacag gaadheysa $450 milyan ku deeqday hawlaha gargaarka ee laga wado 46 wadan oo Afrikaan ah. Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dhawaaqay hirgelinta Mashruuca (King Salman Development Initiative) oo ay ku baxeyso $1 Bilyan. Mashruucan oo socon doona 10 sanno ayaa lagu kabayaa dalalka Afrika. Wuxuu sidoo kale sheegay in Sacuudiga uu maalgashi gaadhaya $25 Bilyan uu gelin doono Afrika. Source
  19. Shacabka lagu xasuuqay duqeynta Israel ayaa maanta oo Jimce ah gaadhay 11.078, in ka badan 4.500 ayaa ah carruur. Sidoo kale dadka duqeynta lagu dilay ayaa waxaa kamid ah 3,027 haween ah iyo 678 waayeel ah. Tiradda dhakhaatiirta iyo saraakiisha caafimaadka ee la dilay ayaa gaareysa 198, halka 53 gaadiidka ambalaasta ah la burburiyey. 135 oo ah goobaha caafimaadka ayaa la duqeeyey waxaana shaqada joojiyey 21 cisbitaal iyo 47 kale oo ah xarumaha caafimaadka. Diyaaradaha dagaalka ayaa shalay duqeeyey kumanaan kun oo shacab oo ka qaxayey Waqooyiga Gaza kuna sii jeeday Koonfurta. Ciidamada Israa’iil iyo gaadiidkooda dagaalka ayaa gaadhay gudaha Gaza, iyagoo go’adoomiyey cisbitaalada Al-Shifa iyo cisbitaalka carruurta Rantisi. Duqeyntii ugu ballaadhneyd ayaa shalay lala beegsaday waqooyiga Gaza, iyadoo weli dagaalo fool ka fool ah halkaasi ka socdaan. Source
  20. Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, kaas oo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah todobada dal ee uu hadda ka kooban yahay. Suudaanta Koofureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April ee sanadkii hore. Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeeda xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, taas oo hakad gashay illaa doorashadii Soomaaliya ka dhacday taas oo uu kusoo baxay madaxweynaha hadda haya talada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxmuud. Intaas ka dib madaxweynaha Soomaaliya ayaa bartamihii bishii June ee sannadkii tagay shir madaxeedka Ururkan kaga qayb galay magaalada Arusha ee xarunta u ah dalka Tanzania sidoo kalena ah xarunta hadda ee dalladdan. Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka dhanka dhaqaalaha iyo saameynta siyaasadeedba, waxaana taageeradeeda ay muhiim u tahay damaca Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC. Maxay ka faa’iidaysaa Soomaaliya ? Saddex ka mid ah waddamada dalladdan ku bahoobay ayaa Soomaaliya u diray Kenyana waxaa daga dad Soomaali ah oo ay dhiig iyo dhaqan wadaagaan Soomaalida kasoo jheedda Soomaaliya. Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa BBC-da uga jawaabay su’aashan, waxa uuna sheegay, in Soomaaliya ay faa’iidooyin badan ku qabi doonto ka mid noqoshada ururkan isagoo sheegay in ay Soomaaliya heli doonto suuq ganacsi uu baaxad weyn. “Waxaa loo baahanyahay in qofka Soomaaliga ah uu is weydiiyo maxaad ka gadi kartaa suuq saddex boqol oo milyan oo dad ah ama aad ka baran karta” ayuu yiri cabdisalan mar uu ka jawaabayey waxa ay ka helayso Soomaaliya, isagoo hadalka sii watana wuxuu yiri, “ saddex waxba waan samaysan karna, waxa ugu muhiimsan hadda eel aga hadlo waa helista cuntada, saddexda wax ee baahida cuntada tiri karana waan haysannaa.” Waxaa uu ergaygu ku tilmamay saddexda wax ee baahida cuntada looga boxo kuwaas oo uu sheegay in Soomaaliya ay dhammaan haysto, dhul-beereed, bad iyo xoolo. “Waxaan haysannaa sided milyan oo hectar oo dhul beereed ah kaas oo u baahan waraab, waxaan xoolaha oo ama adduunka ugu badan ama Afrika ugu badan, waxaa kale oo aan haysanna badda ugu dheer uguna kalluunka badan Africa” ayuu yiri Cabdisalan oo qaba in dhamaan waxyaabahaas uu soo sheegay loo suuq geyn karo suuqa Bulshada Bariga Afrika. Dhanka kale dadka Soomaalida ayaa dhammaan waddamadan ku leh ganacsiyo taasi oo sida uu ergaygu sheegay hadii ay Soomaaliya ku biirtu ururkan ay dadku heli karaan nidaam socdaal oo fudud. Mar uu ka hadlayay ergaygu waxa ay Soomaaliya u faa’iidayn karto bulshada ururka wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay shaqaale xirfadaysan sida kuwa caafimaadka iyo wax barashada, oo uu ku sheegay inay shaqaale badan ka faa’iidi karaan bulshada dalladdu kasokow in suuqa ay Soomaaliya keeni karto badeecada kor ku xusan. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu maamulkiisa uga jawaabayo xaalad soo wajahday Muqdisho oo ay ku dhufteen roobab daadad xoogan wata. Madaale ayaa xalay kormeer ku tagay goobaha ay biyaha dhigeen roobabkii ka da’ay Muqdisho, isaga oona warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta iyo xal u helida saameynta uu reebay roobabkaasi. Xubnaha guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in inta badan goobihii ay biyaha dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay caasimada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo nadaafada magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Dhankiisa guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay arrintan ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyaha dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay magaalada Muqdisho, sidoo kalena dib loosoo celiyo bilicda Caasimadd. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale guddiga heer gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo xaalad kasta oo soo kordhi karta, taasi oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qeybo ka mid ah gudaha dalka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado iyo roobab daadad wata oo ka da’ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Xaaladdan ayaa sababtay, dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen boqolaal kun oo qoys oo ay saameeyeen roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gudaha dalka. The post Sawirro: MADAALE oo tallaabo qaaday kadib xaaladda soo wajahday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa markii ugu horreysay muddo sannad ah si fool-ka-fool ah ula kulmi doona Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping Arbacada soo socota, sida uu shaaciyay Aqalka Cad. Kulankan oo si dhow isha loogu wada hayo, ayaa dhici doona inta uu socdo shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha APEC) oo furmay magaalada San Francisco Bay, wuxuu socon karaa saacado, kaas oo sidoo kale ay ka qeybgali doonaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka kala socda Beijing iyo Washington. Waxaa la filayaa inay ka hadlaan arrimaha caalamiga ah oo ay ugu horreyso dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, duulaanka Ruushka ee Ukraine, xiriirka North Korea iyo Ruushka, arrinta Taiwan iyo guud ahaan gobolka Indo-Pacific, xuquuqda aadanaha, darooga fentanyl-ka, sirdoonka macmalka ah, iyo sidoo kale ganacsi ku dhisan caddalad, sida uu sheegay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Biden. Saraakiisha Maraykanka, oo muddo sannad ah riixayay in shirkan la qabto, ayaa aaminsan in Beijing ay si firfircoon uga shaqaynayso sidii ay u wiiqi lahayd siyaasadda Maraykanka ee caalamka. The post Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Shiinaha oo Kulan gaar ah yeelanay Arbacada Todobaadkan appeared first on Puntland Post.