-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada amniga, gaar ahaan booliska iyo nabad sugidda ka howlgala Galmudug ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan ninkii dilay Cabdullahi Cali Hudey oo ay walaalo ahaayeen taliyaha booliska Guriceel Cismaan Cali Hudey. Ninka lasoo qabtay ee loo heysto dilkii maxuumka waxaa lagu magacaabaa Cabdisalaam Cali Axmed, kaas oo hadda ku jira gacanta hey’adaha amniga. Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin iyo Taliyaha NISA ee Galmudug Feysal Caanood ayaa warbaahinta xaqiijiyey in lasoo qabtay ninkii geystay dilkaas. In lasoo qabto gacan ku dhiiglaha waxay suurta gashay caawa, kadib howlgallo culus oo maalmahaan ka socday deegaano badan oo la aaminsanaa in ninkaan uu ku dhuumanayo. Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa habeeno ka hor dadka reer Guriceel iyo beeshiisa ugu baaqay in aysan sameyn wax falcelin ah, isla markaana ay ka war sugaan hey’adaha amniga, isagoo wacad ku maray inay soo qaba doonaan gacan ku dhiiglaha. Allaha u naxariistee Cabdullahi Cali Hudey waxaa la dilay goor habeen ah isagoo ku sugan gudaha dukaan uu ku lahaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dadka reer Guriceel ayaa aad uga xumaaday dilka wiilkaas, iyagoo sameeyey banaanbaxyo waaweyn oo lagu muujinayey xumaanta dhacday iyo in la joojiyo dilalka salka ku haya aanada qabiilka. Ninka la soo qabtay waxaa ku socda baaritaan ay ku wadaan hey’adaha amniga, maadaama uu jiro tuhun la xiriira in kooxda Al-Shabaab ay ku lug leedahay, waxaana baaritaan kadib la hor geyn doonaa maxkamadda ciidamada, si kiiskiisa go’aan looga gaaro. The post Ninkii dilay Taliyaha Booliska Guriceel walaalkiis oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaan saameynta iyo fataahadda Wabiga Dadka ku nool deegaanada uu fatahaada ka geystay wabiga Shabeelle ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in kannaalada biyaha Wabiga gudbiya ay sababeen fataahadda, waxayna saameyn xooggan ku yeesheen dalaggii Beeraha ee dhawaan la beeray Sidoo kale degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo deegaanka Jannaale ayaa iyana laga soo sheegayaa in webiga Shabeelle uu ku fatahay, inkastoo aan ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah laga soo warin. Fatahaadaha ay geysanayaan wabiyada mara dalka iyo daadadka ka dhashay roobka deyrta ayaa saameyn culus ku yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ku nool inta badan degmooyinka iyo deegaanada koonfurta Soomaaliya. Magaalooyin ay ugu horeeyaan Beledweyne iyo Baardheere ayey ka dhaceen fatahaadaha ugu daran, waxaana iska soo daba dhaceysa qeylo dhaanta dadka dalbanaya in la caawiyo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya, kulankaas waxaa looga tashaday sidii loogu gurman lahaa dadka fatahaaduhu saameeyeen. Xasan Sheekh oo shir guddoomiyey kulanka ayaa ku ku boorriyay xukuumadda in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta iyo gurmadka muwaadiniinta ku dhibaatoobay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in la caawiyo dadka ku dhex go’doonsan magaalooyinka ay biyuhu harqiyeen, waxaana maalmihii lasoo dhaafay doomo loo diray degmooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo oo fatahaada ugu daran ay saameysay. Hoos ka daawo dardaarankii Madaxweynaha The post Daawo: Fatahaado cusub oo ka hilawday Sh/Hoose iyo Xasan Sheekh ka hadlay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kalmad uu dhawaan ka jeediyay shirka madaxda dalalka Islaamka ee ka dhacay Sacuudiga, wuxuu ku xoojiyay sida adag ee Soomaaliya u diidan tahay xasuuqa ka socda magaalada Gaza. Madaxda dalalka Islaamka ayaa baddi lagu dhalleeceeyay inay awoodi waayeen inay mowqif adag ka qaatan xasuuqa ku socda dadka reer Falastiin, kuwaas oo laga dilay in ka badan 10 kun oo qof hal bil gudaheed. Iyadda oo dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu noqday hoggaamiyihii ugu mowqifka adkaa ee ka hadla arrinta magaalada Gaza, haddana waxaa markale dunida eegaysay sida madaxweyne Xasan Sheekh markale u qeexo mowqifka dowladdiisa. Hadalka madaxweynaha iyo midka ra’iisul wasaaraha saddex dhinac waa iskaga mid, halka ay hal qodob ku kala duwanayeen. Villa Somalia waxay sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu codkiisa ku biiriyay sida Soomaaliya u diidan tahay xasuuq isir sifeynta ah ee ka socda magaalada Gaza. Xasan Sheekh wuxuu kale oo xalka ku xiray dowlad madax-banaan oo ay Falastiin leedahay, taasi oo caasimadeeda tahay Qudus. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in madaxda dalalka Islaamka go’aan mideysan ka qaatan waxa ka socda magaalada Gaza, oo uu ku tilmaamay wax ka baxsan bini’aadanimada iyo xeerarka caalamiga ah. In Soomaaliya si walba oo ay dagaallo iyo dhibaatooyin u hayaan in aanay marnaba ka gorgortameyn garab istaaga reer Falastiin, ayuu sidoo kale sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Saddexda dhinac ee Xamza iyo Xasan Sheekh iska yeesheen marka qadiyadda Falastiin laga hadlayo, ayaa kala ah; 1. In magaalada Gaza uu ka socdo xasuuq aan la aqbali karin oo isir sifeyn ah. 2. In Soomaaliya xalka u aragto in la helo dowlad madax-banaan oo ay Falastiiniyiinta leeyihiin oo xarunteedu tahay Qudus. 3. In xaalad kasta oo ay Soomaaliya ku jirto in aanay ka gorgortameyn garab istaaga reer Falastiin. Waxaa jira hal qoddob oo ra’iisul wasaare Xamza soo hadal qaaday, balse uusan taaban madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waana kooxda Xamaas. Marka la isku geeyo labada hadal ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, nuxurku waa in Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagto reer Falastiin, oo aanay meel dhexe ka istaagin qadiyadda maanta ugu weyn caalamka. Madaxda caalamka ayaa baddi si weyn u cambaareeyay xasuuqa ka socda magaalada Gaza, laakiin Israa’iil taas waxba kama beddelin, waxayna weli sii wada dhibaatada joogtada ah ee ay ka geysaneyso Gaza. Duulaankaan lagu xasuuqayo dadka rayidka ah ayaa meel cidlo ah soo istaajiyay sheegashadii dalalka Reer Galbeedka ee ilaaalinta xuquuqda aadanaha. The post Saddex ay Xasan iyo Xamza ka sinaadeen iyo hal arrin oo ay ku kala duwanadeen appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa qiimeynta iyo gurmadka muwaadiniinta ku dhibaatoobay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka. Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre warbixin ku saabsan gurmadka iyo samata-bixinta dadka waxyeelladu ay soo gaartay, dadaaladaas oo ay ka mid tahay in Xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay waxyeellada ka dhalatay duufaanta El-nino. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta iyo gurmadka, waxa uuna ku baaqay in kor loo qaado wacyigelinta iyo feejignaanta dadweynaha, gaar ahaan deegaannada laga filanayo fatahaadaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u faray Gobolka Banaadir oo qeyb ka ahaa shirkan in ay kor u qaadaan fayo-dhowrka iyo isu-socodka, maadaama roobab joogta ah oo da’ay ay saameeyeen nolasha dadka Caasimadda, waxa uuna xusay shaqada adage ee loo baahan yahay in la qabto. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir-gudoomiyay Kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland oo Kormeeray Madaarka Hargeysa Hargaysa (Qaran news): Guddoomiyaha haayadda Dhawrista Tayadda Qaranka JSL Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta soo kormeeray garroonka diyaaradaha caasimadda Hargaysa ee Cigaal Airport. Kormeerkaasi ayaa guddoomiyuhu waxa uu ku soo indho indheeyay hanaanka baadhitaanadda badeecooyinka ee madaarka diyaaradaha Hargaysa. Guddoomiiyaha iyo masuuliyiinta la socday waxay halkaa warbixinno ku siiyeen xubnaha wakiilka u ah hay’adda Dhawrista tayadda iyo sidoo kale madaxda garroonka diyaaradaha. Qaran News
-
Maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamaayay deegaanka Ceel-afweyn oo heshiis laga gaadhay Hargeysa(Qaran news)- Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay in dableydii hubaysnayd ee labada ardaa ee wada dega Ceel Afweyn la gartay in labadaba lagu qarameeyo ciidanka Qaranka. Badhasaabku wuxuu sidaas ku she egay xaflad ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Cerl Afweyn, halkaasi oo lagu dhaarinayay waxgaradka labadii ardaa ee shaqaaqadu ku dhex martay isla markaana loo ksla qaaday kharashkii aaska. Badhadaabka Sanaag wuxuu sheegay in shaqaaqada Ceel afweyn soo noqnoqotay iyadoo horena dhawr jeer heshiisyo loo gaadhay, wuxuuna ugu baaqay waxgaradka labada beelood inay fuliyaan heshiisyada nabadda ee la gaadhay. Waxa iyaguna halkaas ka hadlay madaxdhaqameedka beelahaasi oo ballan qaaday inay fulinayaan heshiiska ay gaadheen, nabad iyo walaalnimana ay ku wada noolaanayaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah, kaasi oo uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan gurmadka socda ka dhageystay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo sheegay in xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay El-Niño. Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu ku ammaanay xukuumadda dadaalka ay gelisay samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka iyo daadadka, isaga oo ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda. Sidoo kale waxa uu ku baaqay in dadka looga digo inay ka fogaadaan goobaha qatarta ah, sida meelaha godan iyo goobaha biyo mareennada ah. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, oo kulankan aan caadiga ahayn ka qayb-galay ayaa wuxuu Golaha warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen gobolka Banaadir iyo dadaalka la xiriira arrintan ee uu wado maamulka gobolka. Ugu dambeyntiina waxaa kulanka golaha lagu meel-mariyey xeer-nidaamiyaha nidaamka xaqiijinta macaamilaadka maaliyadeed iyo hubinta tayada Isgaarsiinta, kaasi oo looga gol-leeyahay in lagu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira la-socodka iyo kor-joogteynta macaamilaadka iyo tayada adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
David Cameron returns to UK government as foreign secretary
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
David Cameron has returned to government as UK foreign secretary, in a stunning comeback for the former prime minister that highlighted Rishi Sunak’s willingness to take risks as he looks to revive his political fortunes. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Telefiishanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maalin kahor baahiyay warbixin xasaasi ah oo banaanka keentay xaqiiqada dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhalatay roobabkii u dambeeyay ee ka da’ay caasimada. Warbixintan ayaa waxaa daaha looga fayday tayo xumada waddooyinka cusub ee muddooyinkii dambe uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgelinayay caasimada, kuwaasi oo horey u raacay biyaha roobka. Telefiishanka Qaranka ayaa saacado kadib ka saaray warbixinta muuqaalkaas dhamaan bogaga uu ku leeyahay baraha bulshada, waxaana la rumeysan yahay in tallaabada uu qaaday maamulka Telefishanka Qaranka ay ku timid dalab ka yimid maamulka gobolka, oo si weyn u dhibsaday warbixinta muuqaalkaasi. Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Waddooyinkii cusbaa ee uu hirgaliyay maamulka gobolka Banaadir oo horey u raacay biyaha Roobka,” ayaa waxay bulshada Soomaaliyeed ku tilmaameen tallaabada looga saaray bogaga Telefishanka Qaranka iyo guud ahaan warbaahinta dowladda ay tahay mid indhaha looga lalinayo xaqiiqada jirta, iyo dhibaatada biyaha iyo waddo xumada ee ka jirta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay? “Telefishanka qaranka waa ku ceeb inuu ka saaro warbixin taabaneysa xaqiiqooyinka burburka waddooyinka lagu cunay dhismahooda malaayiinta dollar, ee sida Makeup-kii loo mariyay laamiga!. Dalkii waa mashruuc!,” ayuu yiri Ismaaciil Hefaw. Cabdiraxmaan Macallim: “Ha ka saaraan waxay nasii tusaysaa shaqada naloo haayo iyo hagardaamada nalagu wado. Waxaa ceeb aheyn ukordhin mayso.” “Dhibaatada jirta waxaa waaye in laamiyadii hore ee jajabay in caro kaliya lagu kor shubo kadibna laami uun lagu shubay waana qiyaano qaran!,” ayuu yiri Axmed. Cabdulqaadir Dulyar: “Roobabku waa la xisaabtanka shirkadaha dhisa wadooyinka.” “Waxaa yaab leh in laamigii dowladdii kacaanka uu weli sii nool yahay halka midkii dhawaan la dhisay uu burburay. Halkan waxaad ka ogaanaysaa in kacaanku diktaytarba ha ahaadee in uu waddani ahaa dal dhiska u hagar baxay,” ayuu yiri Hurre. Nuuradiin Cabdikaafi: “Roobku waa fashiliyaha shirkadaha waddooyinka noo dhisa.” The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay arrin uu sameeyay Telefishanka Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Dhexe iyo dowlad-goboleedyada ayaa hadda qaadanaya ciidan boolis ah oo gaaraya afartan kun oo ciidan ah. Ciidankaan cusub ayaa waxaa labaatan kun oo kamid qaadanaya dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shaaciyay in ciidankan cusub ee booliska ah ay la wareegi doonaan booska ciidanka ATMIS, ee hadda Soomaaliya ku jooga howl-galka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Sidoo kale waxa uu sheegay ra’iisul wasaaraha in ciidankan booliska ah ay yeelan doonaan sharuudo adag marka ay timaado qaadashadooda, maadaama ay yihiin kuwii beddelaya ATMIS, ayna kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan ammaanka guud ahaan dalka. Dhammaadka sanadkan ayaa lagu wadaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in warbixin looga dhageysto Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ammaanka. Arrimahan ayaa imanaya xilli Golaha Ammaanka ee QM uu dhawaan si rasmi ah u hakiyay bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Golaha ayaa muddo saddex bilood ah hakiyay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS. Go’aankan ayaa yimid ka gadaal markii dowladda Soomaaliya ay gudbisay codsi ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka, si ay xilligaan gacan uga geystaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. Codsiga Soomaaliya ayaa waxaa taageeray Midowga Afrika iyo dhammaan dalalka ku deeqay ciidamada xoogga dalka. Kadib dhinacyada ayaa isku raacay in muddo 90 maalmood ah oo saddex bil ah dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya. Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ee 2024 ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidamada Soomaalida, taasi oo hadda la isla fahmay in dib loo dhigo 3-bilood kaliya. The post Soomaaliya oo diyaarineysa ciidankii ATMIS beddeli lahaa, xilli isbeddel ku yimid… appeared first on Caasimada Online.
-
Fadhigii Golaha Guurtidda oo maanta u Baaqday Kooram La’aan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Fadhigii Golaha Guurtidda oo u Baaqday Kooram La’aan Hargeysa(Qaran news)- Fadhigii Golaha Guurtidda ee saaka ayaa baaqday kadib markii kooramka fadhigu u buuxsami waayay. Kooramka Goluhu wuxuu ku furmaa 42 Xildhibaan oo ah kala badh mudaneyaasha Golaha. Guddoomiyaha Guurtidda Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in lacagta gunada ah laga jaro xildhibaan kasta oo segsaaga fadhiyada golaha. Kalfadhiga 83aad ee Golaha Guurtidda waxa horyaala ajande xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xeerka doorashooyinka. Qaran News -
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kal-fadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey akhriska 2-aad ku sameeyey Xeeraka Dakhliga Cashuuraha Berriga Puntland ayaa Golahu warbixinta ka dhegeystay, tasoo la la xiriirtey latashiyo uu la yeeshay dhammaan Hay’adaha uu khuseeyo Xeerka iyo wax-ka-bedelka Godobo kamid ah Xeerka. Intaas kadib, Golahu wuxuu guda galay ka doodista Xeerka qodob-qodob, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland. Xeerka dhakhliga Cashuuraha Berriga Puntland ayaa ujeeddadiisu tahay in la tayeeyo qaabka dhakhli uruurinta iyo cashuuraha Berriga Puntland iyo in muwaadiniintu ay bixiyaan cashuuraha ku waajibey ee waafaqan Xeerarka Cashuuraha Puntland, si dawladdu u fuliso adeegyada kala duwan ee loo qabto shacabka. Dooddda wax-ka-bedelka Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga Puntland ayaa socon-doonta ilaaa maalinta berri oo ku beegan 14 November, 2023 si waafaqsan Qodobka 58-aad ee Xeerka hoosaadka Golaha Wakiillada. The post Baarlamaanka Puntland oo dood ka yeeshay Wax ka beddelka Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax maanta ka dhacay afaafka hore ee xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaasi oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa. War ka soo baxay Taliska ciidanka dhulka XDS ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ay toogteen dhagar-qabe waxyaabaha qarxa isku soo xiray, oo doonayay inuu waxyeelo gaarsiiyo ciidanka. Taliska ayaa shaaciyay in ninkaan uu qorshihiisa ahaa oo uu doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga galo xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Bayaanka kasoo baxay Taliska ayaa sidoo kale waxaa lagu cadeeyay in uusan jirin wax khasaare ah oo gaaray ciidanka, marka laga reebo dhagar-qabihii naftii haliga ahaa ee ciidanku toogteen inta uusan is qarxin. “Ciidanka Qaranka habeen iyo maalin waxeey u taagan yihiin inay ka hortagaan dhagarta khawaarijta iyo ciribtirkooda,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri bayaanka kasoo baxay Taliska ciidanka dhulka XDS. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Is-miidaamiyaha ayaa doonayay inuu beegsado ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa halkaasi, balse waxaa ka shakiyay ciidamada ammaanka oo rasaaseeyay, kadibna uu sidaas ku qarxay. Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa 24-kii Luuliyo ee sanadkan waxaa uga dhacay weerar kan lamid ah oo lagu dilay askar badan, kadib markii uu isku dhex qarxiyay nin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Weerarkaasi ayaa waxaa la xasuusta inuu ka dhashay tuhun xooggan, ayada oo xilligaasi loo soo xiray saraakiil ka tirsan dowladda federaaalka ah ee Soomaaliya. The post Taliska ciidanka xoogga oo war kasoo saaray qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA), Maxamuud Macallin Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadanimo ee haatan ka jirto gudaha dalka. Maxamuud Macallin ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ay sii baaheyso, isla-markaana ay yartahay taageerada iyo caawinaada ka imaaneyso beesha caalamka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in meelaha ay kasoo yeereyso qaylo dhaanta ay kamid tahay dhulka Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in shacabka ay lasoo xiriiriyaan dowladda. “Waxaa jiro dhul aysan gacanta ku hay dowladda oo ay joogaan cadowga, waxaa ku nool dad Soomaaliyeed waxaa waayay daruufaha uu dalka ku jiro oo xanuunka badan, waxaana wax gaarsiin kartaa oo kaliya meelaha uu amniga ka jiro” ayuu yiri Maxamuud Macalin. Guddoomiyaha SoDMA ayaa sidoo kale qiray in dadkaas aysan waxba u qaban karin, sababo la xiriira ammaanka, wuxuuna ugu baaqay inay kasoo barakacaan halkaasi. Meelaha laga soo wacay waxa uu tilmaamay in kamid yihiin Jubbooyinka oo ay si weyn ugu xoogan tahay kooxda Al-Shabaan “Waxaan leenahay Call Center, meel kasta ayaa laga soo wacaa waxaa laga soo wactamaa dhulka ay Shabaabka haystaan sida Jubbada Hoose iyo dhulal badan oo runtii Shabaabka haystaan qaylo badan ayaa kasoo gaareyso laakiin waxba looma qaban karo, illaa ay kasoo baxaan ama Ilaahey uu cadowgaas ka saaro” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha SoDMA. Maxamuud Macallin ayaa intaasi kusii daray “Waxa la haystaa aad ayay u yar yihiin, baahiduna aad ayay u badan tahay”. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay roobab dabaylo wata iyo fatahaado ay sameeyeen wabiyada Jubba iyo Shabelle oo ku fatahay dhul aad u ballaaran. The post Shacabka ku dhaqan dhulka Al-Shabaab oo farriin usoo diray DF + Jawaabta appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa fashil kusoo dhammaaday shirkii dalalka Jaamacada Carabta ee Sabtidii lagu waday in go’aano laga soo saaro. Shirkan ayaa markii danbe loo bedalay shirka wadajirka ah ee dalalka Islaamka & Carabta oo markii hore la qorsheeyey inuu dhaco Axaddii shalay. Dalalka Jaamacada Carabta ayaa murrankooda dhex geeyey dalalka Islaamka kadib markii la isku mari waayey go’aano adag oo ay rabay in la qaato dalalka qaarkood. Go’aanadaasi oo ay kamid ahaayeen in cunaqabateyn la saaro Israa’iil, sida xayiraada Hawada iyo militariga. Qorshahaasi ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa in Mareykanka loo diido inuu isticmaalo saldhigyada ku yaalla dalalka Carabta ama halkaas uu hub usii mariyo Israa’iil. Go’aanadan oo cadaadis xoogan saari lahaa Mareykanka iyo Israa’iil ayaa waxaa diiday 9 waddan oo kala ah: Sacuudiga Masar Jordan Jabuuti Imaaraadka Baxreyn Sudan Marooko Muritaaniya Dhamaan dalalkan ayaa ah kuwa xidhiidhka diblumaasi la sameystay Israa’iil marka laga reebo Sacuudiga iyo Jabuuti oo iyagu ah dalal martigeliya ciidamada Mareykanka oo ay xayiraadan saameyn lahayd. Source
-
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Sulaymaan Maxamuud iyo Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa Qaahira kulan miro dhal ah kula qaatay wasiirka caddaaladda dowladda Masar, Mudane Cumar Marwaan. Kulanka Labada wasiir ayaa looga hadlay iskaashi dhanka arrimaha Caddaaladda, sharciyadda iyo garsoorka oo ay yeeshaan labada dowlad ee walalaha ah. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud oo dhigiisa Masar uga mahad celiyay casuumaadda milgaha leh, ayaa bogaadiyay horumarka dhanka adeegyadda cadaaladda iyo garsoorka ee dalka Masar. Wasiirrada Caddaaladda ee labada dowladood ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka taariikhiiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo sida ay labada dowladood ee walaalaha ah ugu heelan yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada badan, waxa ayna isla garteen in la kala saxiixdo heshiis is-afgarad ah. Source: goobjoog.com
-
Riyaad (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub gelinkii dambe ee Axaddii ku kala saxiixday magaalada Rayaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo haatan ku sugan caasimada Riyaad, sida ay xaqiijisay wasaaraddu. “Dalkeenna (Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya) iyo Boqortooyada Sucuudigu waxaan Heshiis Iskaashi Amni ku kala saxiixannay magaalada Riyaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu faahfaahiyay heshiiskan, ayada oo lagu sheegay inuu ku saabsan yahay iskaashiga amniga labada waddan, si sare loogu qaado. Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay in heshiiskan uu wax weyn ka tarayo dhanka iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. “Heshiiskan Iskaashiga Amniga waxaa labada dal u kala saxiixay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga. Heshiiskani wuxuu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayaa iskaashiga amni ee labada dal” ayaa la raaciyay. Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, isla-markaana xilligan taageero kala duwan siisa dowladda federaalka Soomaaliya. Si kastaba, heshiiskan amniga ku saabsan ayaa kusoo aaday, xilli ay haatan dowladda dhexe ay dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, si looga saaro dalka oo dhan. The post Muxuu yahay ujeedka heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia iyo Sacuudiga? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirar dhowr ah uga qeyb galayay magalaada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa halkaas kulamo duuceedyo kula qaatay madaxii kasoo qeyb gashay shirarka ka dhacaya Riyaad ee Afrika iyo Carabta isugu jira. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrik ee Riyaad, kaas oo looga hadlayay iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga. Labada Madaxweyne oo ka wada halday xaaladda gobolka ayaa adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya, waxayna isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal, xilli labada dowlad ay xiriirkooda dib soo celiyeen. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan dooceed la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaaq Mudane Abdul Latif Rashid oo hoggaaminayey wafdiga dalkiisa ee ka qeyb-galay shirka dalalka Islaamka, kaas oo siweyn loogu gorfeeyay xaaladda murugsan ee heysata bulshada reer Falastiin. Soomaaliya iyo Ciraaq oo leh xiriir dhaqan iyo mid bulsho ayaa waxaa ay ka wada-hadleen is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalka, maadaama muddo ay la dagaalamayeen AS iyo AlQaacida, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ku ah Islaamka. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga, taas oo xoojineysa xariirka soo jireeenka ah ee labada dowladood sidoo kale ka dhiseysa dadaal wadajir ah oo dhanka amniga ah, kadib shirarkii madaxweynaha dalka uga qeyb galay Riyaad. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa heshiiska u saxiixay Soomaaliya, halka dhinaca Sucuudigana uu u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Boqortooyada Sucuudiga uu u sixiixay wasiir Faisal bin Farhan Al Saud,Al Sacuud. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayo iskaashiga amni ee labada dal galeen, xilli Boqortooyada Sucuudiga ay qeyb ka tahay dowladaha sida gaarka ah u taageera dalka Soomaaliya. Magaalada Riyaad ee daka Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxaa dhowaan ka dhacay shir Maalgashiga Soomaaliya iyo Sucuudiga, kaas oo madaxweyaha dalka uu kusoo bandhigay fursadaha ka banana hadda Soomaaliya, kuwaas oo u baahan maalgalin caalami ah sida uu ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirka. Xiriirka Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid soo wanaagsanaanayay tan iyo markii xukunka dalka markale uu kusoo laabatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Sucuudiga ayaa qeyb ka ah dalalka carbeed ee loo iibgeeyo xoolaha laga qaado Soomalaiya oo sanad walba taga. Source: goobjoog.com
-
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee dalku leeyahay kaas oo muddo lagu waday horumarin iyo tijaabooyin hirgalintiisa. Howlgalkan hawada sare ee Jabuuti waxaa wadajir loogu dhisay ka dib iskaashi dhex maray Djibouti iyo Center Spatial Universitaire de Montpellier ee Faransiiska. Koox la soo xulay oo ardayda reer Jabuuti ah ayaa noqday qayb ka mid ah geeddi-socodkii laga bilaabo diyaarinta naqshada ilaa dhammaystirka farsamada iyadoo ay haganayaan injineerro khabiir ah oo jooga Faransiiska. Dayax gacmeedkan oo lagu magaaco Djaibouti-1A ayaa soo aruurinaya xogaha iyo macluumaadka ku saabsan isbaddalka cimilada iyo cilmi baarisaha Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jabuuti Nabiil Maxamed Ahmed oo ka hadlay hirgalinta mashruucan ayaa xusay inuu dalka u yahay fursad bilow ah oo ay ku horumarinayaan cilmi baarisyda “Waxaanu diyaarinay dhammaan waxyaabihii lagama maarmaanka u ahaa in mashruucan lagu guuleysto oo ay ugu horreyso xulashada ardayda Jabuuti soo saaraan si ay u sameeyaan horukac dhanka tiknoolajiyada taas oo horseedaysa in Djibouti ay awood u leedahay inay soo saarto dayax-gacmeedka oo ay hawada u dirto dayax gacmeedkan” ayuu yiri Nabiil Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan dayax gacmeedka ay jabuuti ugu tababarteen ilaa 10 qof oo isugu jira Imgineero iyo farsamayaqaano iyagoo sidoo kale horumarin lagu sameeyey habka soft wareka. Dayax gacmeedkan waxaa uu dalka Jabuuti ka caawin doonaa inay helaan xogta dalka waqtiyada loo baahan yhay gaar ahaan heerkullka, roobabka, gaar ahaan xaddigga biyaha roobabku dhigaan. Sidoo kale waxaa kaalin weyn ka tarayaa dayax gacmeedkan sida kor loogu qaado beeraha oo si wanaagsan loola socdo isbeddellada deegaanka ee waddanka oo dhan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa toos u daawanayey xilligii hawada loo dirayey dayax gacmeedka dalkiisu u diray hawada sare. Dayax gacmeedka ayaa sanadkan 2023-ka maray tijaabo adag isagoo Jabuuti ku tilmaamtay horumar dhanka tecnolajiyada oo dalku gaaray Dalkan ku yaala bariga Afrika ayaa xusaya horumar tignoolajiyada ah oo muhiim ah taas oo muujinaysa guul weyn oo u soo hoyatay isku filnaanta tignoolajiyadda Djibouti iyo horumarka sayniska. Waxay u oggolaanaysaa Djibouti inay door firfircoon ku yeelato bulshada hawada sare ee caalamka oo ay wax ka qabato caqabadaha ka jira xudduudaheeda. Dhacdadan taariikhiga ah waxay ka dhacday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Vandenberg dalkuna wuxuu hamigan galiyey muddo sanadaa. Ma aha markii ugu horreysay ee ay Jabuuti hawada hiigsato. Horraantii sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku dhawaaqay in Jabuuti ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay Afrika ee dekad ka fura hawada. Madaxweynaha ayaa horraantii January bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in dalkiisa uu qorsheynayo dekaddan hawada sare laga dhisayo, iyadoo lala kaashanayo shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Hong Kong Aerospace Technology. Waa mashruuc weyn oo dalkan Geeska Afrika ku yaalla uu ku horumarinaypo dhaqaalihiisa. Jabuuti ayaa in muddo ah ku tiirsaneyd dhulkeeda istaraatiijiga ah ee Badda Cas ku xeeran, waana mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu mashquulka badan adduunka. Qaran News
