-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku tagay dalka Burundi ayaa kulammo mirodhal ah kula qaatay madaxweynaha dalkaa ahna guddoonka dalladda bulshada Bariga Afrika Evariste Ndayishimiye, iyada oo gebogabadii laga soo saaray warmurtiyeed: Qodobada Warmurtiyeedka ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa; (1). Waxaa ay si saaxiibtinimo leh labada Madaxweyne u yeesheen kulan fool-ka-fool ah, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee adag ee aan ku koobneyn labada dawladood oo keliya, balse sidoo kale ka dhexeeya labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya. (2). Labada Madaxweyne waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, waxayna adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ku saleysan kalsoonida iyo danaha guud ee labada dowladood iyo shacab. (3). Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhiggiisa Burundi Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ku ammaanay dadaalkiisa aan daalka lahayn ee uu gacanta kaga geysanayo dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay bogaadiyeen Ciidanka Burundi, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ee ku sugan furimaha ee la dagaallamaya kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab. (3). Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye doorka uu ka qaatay dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo iyadoo loo sii marayo geeddisocodka Nairobi iyo sidoo kale doorka Burundi ee hawlgalka nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. (4). Mudane Evariste Ndayishimiye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi wuxuu uga mahadceliyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya booqashada shaqo ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Burundi, wuxuuna ku ammaanay dadaalladiisa aan daalka lahayn ee uu ugu jiro nabadda, amniga, dimuqraaddiyada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (5). Labada Madaxweyne waxay ammaaneen dhisidda Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC) si loo dajiyo qaab dhismeed iskaashi labo geesood ah oo u dhaxeeya labada dal, iskaashi dhinacyo badan taabanaya, sida ganacsiga iyo maalgelinta, dhisidda karaanka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dalxiiska, gaashaandhigga iyo amniga, wada xaajoodyada siyaasadda, si looga faa’iideeyo labada dal iyo dadka ku nool. (6). Si loo sii xoojiyo, loo qoto dheereeyo isla markaasna loo dardargeliyo iskaashiga dhow ee u dhaxeeya labada dal, labada madaxweyne waxay hoosta ka xarriiqeeen baahida degdegga ah ee loo qabo in mustaqbalka dhow la qabto kulan uu yeesho Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC). Sidaas awgeed, waxay labada madaxweyne fareen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda inay qabanqaabiyaan kulanka Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga labada dal. (7). Arimaha heerka gobol, labada madaxweyne waxay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay ajandaha 2030 ee Qaramada Midoobay, ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, kan 2050 ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo hirgelinta Heshiiska Ganacsiga ee hal suuq loogu abuurayo ganacsiga iyo adeegyada waddamada qaaradda Afrika AfCFTA) (8). Labada Madaxweyne waxay xoojiyeen mudnaanta ay siinayaan arrimaha hortabinta u leh Dallada Bulshada Bariga Afrika EAC ee 2022-2026, kuwaas oo ay ka mid yahiin, hirgelinta Kastamka mideysan (SCT), in waajibaadka heer gobol lagu saleeyo duruufaha maxaliga ah, si waafaqsan hab-raaca suuqa Mideysan ee dallada EAC, xoojinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo maamul wanaaga gobolka. (9). Labada dhinac waxay sidoo kale dib u eegid ku sameeyeen xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee wadajirka u saameynaya, oo ay ka mid yihiin xaaladaha Koongo DRC iyo Suudaan. Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamku ee dadaallada heer gobol ee hadda socda kuwaas oo ku qotoma in xal siyaasadeed oo dhammaystiran laga gaaro xiisadda Koongo DRC si waafaqsan is afgaradyadii Nairobi iyo Luanda. Arrimaha Suudaan, labada Hogaamiye waxay isla qaateen baahida degdega ah ee loo qabo in xabadda la joojiyo si loo fasaxo gargaarka bini’aadantinimo iyo in xal waara loogu helo colaadda Suudaan iyadoo loo marayo wadahadal iyo iskaashi. (10). Arrimaha Caalamiga ah, Labada Madaxweyne waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee adduunka ee ay ku soo badanayaan colaadaha tooska ah ee u dhexeeya Waddamada iyo Dagaallada dadban ee ka socda gobollo dhowr ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka ay khusayso in ay adeegsadaan hannaan Diblomaasiyadeed oo ay ka mid tahay wada-hadal, gorgortan iyo iskaashi si xal nabadeed loogu helo caqabadaha amni ee soo wajaha adduunka xilligaan aadka u adag. (11). Labada Madaxweyne waxay kaloo adkeeyeen in la ixtiraamo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee ku aaddan maaraynta colaahada hadda ka socda adduunka, waxayna Labada Madaxweyne baaq u direen dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha soo noqnoqday ee adduunku inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan, loogana gudbo sababaha wiiqaya dadaallada horumarineed ee caalamiga ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagebadii safarkiisa shaqo waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste NDAYISHIMIYE, Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi soo dhawaynta iyo maamuuska ay ku qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ee soo gaaray Jamhuuriyadda Burundi. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan ay xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo howlgallada socda. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaana soo qaban qaabiyay taliska ciidmada Asluubta Soomaaliyeed. Waxaa kulankan goobjoog ahaa taliyaha ciidamada Xoogga, Ibraahim Sheekh Muxyidiin , taliyaha Booliska Sulub Axmed Firin iyo taliyaha Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Taliyaha ciidanka Asluubta oo kulankan isagu qabtay ayaa sharraxay ujeedka ay isugu yimaadeen, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa wadatashi iyo is xog wareysi guud. “Xafladdaan waxa ay ku saabsaneyd inay madaxdu is aragto, ciidamada hadba heerka ay marayaan si ay ula socdaan oo la’isku ogaado,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Asluubta. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin oo kulankan uga mahadceliyay taliyaha Asluubta, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in la badiyo kulamada noocaan oo kale ah. “Waxaan leenahay taliyaha ciidanka Asluubta aad iyo aad ayaan uga mahadcelineynaa, waxaan leenahay habeen walba hanoo sameeyo waan imaaneynaa” ayuu yiri taliyuhu. Dhankiisa taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah ciidanka Asluubta ugu amaanay shaqada ay hayaan, maadaama xabsiyada ku hayaan Shabaab badan. “Ciidanka Asluubta waa ciidan dul-qaad badan oo nimanka aad ogtihiin waxaan isku hayno oo isku ceersanayno waddooyinka iyo duurka ayaa iyaga oo nool nool aad meeshaan ku hayaan oo ay subax walbo arkayaan” ayuu yiri Taliye Sulub Axmed Firin. Waxaa kale oo sii raaciyay “Waxaan rajeynayaa in ciidankan uu noqdo ciidan hela xuquuqda uu ku leeyahay qaranka iyo ixtiraam gooni ah”. The post Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo kulan ku yeeshay Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah kaasi oo ku saabsan xaaladda Biyaha kusoo fatahay Degmada Gaalkacyo iyo Sidii wax looga qaban lahaa saameynta ka dhalatay . Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Gaalkacyo ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka, Iyadoo Kulanka ay sidoo kale ka qeybgaleen Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Shirka waxaa looga hadlay: 1. In magalaada biyaha laga saaro. 2. Sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa. 3. Sidii loogu gargaari laha dadka waxyeeladu kasoo gaartay. 4. Iyo Qorshaha wakhtiga dheer ee xalka biyaha magalaada. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa muujiyey sida dhow ee Dowladdu ula socoto xaaladda Roobabka, gaar ahaan daadka kusoo rogmaday Gaalkacyo, iyadoo hore Dowladdu Guddi Wasiiro ah u dirtay Gaalkacyo, hadana waxaa la qorsheynaya sidii magaalada looga saari lahaa xaaladda fatahaad ee ka jirta. The post Puntland iyo Ha’adaha Gargaarka oo kulan degdeg ah ka yeeshay Fatahaadda Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Israa’iil ay tahay “dowlad argagaxiso ah” oo dambiyo dagaal ka geysatay Gaza, kuna xad-gudubtay sharciga caalamiga ah, isagoo sii xoojiyey dhaleeceynta isdabajoogga ah ee uu u jeedinayo hoggaamiyeyaasha Israa’iil iyo taageerayaashooda reer galbeedka. Isagoo ka hadlayay laba maalmood ka hor booqasho la qorsheeyay inuu ku tago Jarmalka si uu ula kulmo Chancellor Olaf Scholz, Erdogan ayaa sheegay in ololaha milatari ee Israel ee ka dhanka ah kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ka mid yihiin “weeraradii ugu khiyaamada badnaa ee taariikhda aadanaha” iyadoo ayna “xad lahayn” taageero ay ka helayso Israa’iil reer galbeedka. Waxa uu ku baaqay in hoggaamiyayaasha Israa’iil lagu xukumo dembiyo dagaal, lana horkeeno maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, wuxuuna ku celiyay aragtidiisa – iyo mawqifka Turkiga – in Xamaas aanay ahayn urur argagixiso, balse ay tahay xisbi siyaasadeed oo ku guulaystay doorashooyinkii ugu dambeeyay. Britain, Mareykanka, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Xamaas u arka koox argagixiso ah. Ankara waxa ay martigelisay qaar ka mid ah xubnaha Xamaas, waxayna taageertaa in xal laba dawladood ah laga gaadho colaadda Israel iyo Falastiin. “Iyadoo ay jirto naxariis darada loo duqeynayo dadka rayidka ah ee lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda marka ay u guurayaan meelo kale, waxay si dhab ah u noqoneysa dowlad argagixiso ah,” ayuu Erdogan ka sheegay baarlamaanka isaga oo ka hadlayay Israa’iil. “Hadda waxaan si kal iyo laab ah u leeyahay in Israa’iil ay tahay waddan argagaxiso ah.” ayuu raaciyay Erdogan. Wuxuu intaas ku daray: “Marna kama xishooneyno dadka aan ku qanacsaneyn inaan sheegno xaqiiqda ah in xubnaha Xamaas ee ilaaliya dhulkooda, sharaftooda iyo noloshooda marka loo eego siyaasadaha qabsashada ay yihiin dagaalyahanno iska caabin ah, sababtoo ah dadka qaar ayaa ku qanacsanayn arrintaas.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Khamiis ah 16-ka Novermber guda gashay kiiska dacwad musuq ah oo loo haysto 14 mas’uul oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo badankood ah maqanayaal. 13 kamid ah mas’uuliyiintan ayaa ‘u baxsaday’ dalka dibaddiisa, halka eedeysanaha 14-aad oo lagu magacaabo Abshir Maxamed Cali uu goobjoog yahay dhageysiga dacwaddan. Mas’uuliyiintan ayaa kala ah:- 1-Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, 2-Cabdulqaadir Cali Cilmi (Cabdul) oo labaduba ahaa agaasimeyaashii hore ee hay’adda socdaalka Jinsiyadda, 3-Cismaan Xasan Cosoble oo isna ahaa ku xigeenkii hore ee agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka, 4-Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda dakhliga ee wasaaradda maaliyadda, 5-Cabdikaafi Xasan Maxamed oo ahaa agaasimihii hore ee maamulka iyo maaliyadda hay’adda socdaalka 6-Cabdiraxmaan Macxaed Cali (Caadle) agaasimihii hore ee waaxda ajaaniibta hay’adda socdaalka 7-Abuukar Xasan Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska qaadasha Visada iyo hubinta Visaha ee waaxda ajaaniibta ee hay’adda socdaalka 8-Maxamed Xuseen Nageeye oo ahaa sarkaal ka tirsanaa qaybta qaadashada Viso kordhinta ee hay’adda socdaalka 9– Abshir Maxamed Cali oo ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska diiwaangelinta iyo hubinta lacagta ee hay’adda socdaalka, 10-Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa agaasimhii hore ee waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, 11-Maxamed Idiris Axmed oo ahaa madaxa qaybta canshuuraha dadban ee wasaaradda maaliyadda, 12-Cabdullaahi Daahir Wehliye oo ahaa qasniga qaybta dakhliga ajaaniibta laanta bangiga dhexe ee garoonka Aadan Cadde, 13-Maxamed Ibraahim Axmed oo ahaa sarkaal ka tirsan waaxda ajaaniibta ee hay’adda socdaalka iyo 14– Cabdalle Maxamed Axmed oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda IT-da ee Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka. Dhammaan mas’uuliyiintaan ayaa loo haystaa xatooyo xoolo dadweyne, gaar ahaan lunsashada malaayiin dollar oo ay kusoo eedeysan xeer ilaalinta guud ee Qaranka. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saalax Dabbaan oo furay Maxkamadeyntaan ayaa sharraxay qaabka loo wajahayo Maxkamadeynta, maadaama raggan ay yihiin maqanayaal “Si waafaqsan heerka wax ka bedalka ciqaabta Soomaaliyeed maxkamaddu marka ay eedda u akhriso eedeysanayaasha maqanaha ah u diiwaan-gelin doontaa inay ku jawaabeen saddexda jawaabood mid kamid ah oo ah inayna gelin, iyada oo maxkamaddu wakiil ka tahay dadkaasi maqanayaasha ah” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka. Horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u xukuntay saraakiil dowladeed oo iyana loo haystay masuq-maasuq, kuwaas oo qaarkood lagu riday xabsiyo sanado ah, halka kuwa kalena ay sii deysay, balse waxaa rafcaan ka qaadatay xeer ilaalinta, iyada oo mar kale mas’uuliyiinta lasii daayay ay hadda kiiskooda la wareegtay Maxkamadda Racfaanka. Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo qabtay mas’uuliyiintii ugu badneyd oo wajahaya xabsi iyo maxkamadeyn. The post Maxkamadeynta Koofi, Cabdul, Saabey iyo mas’uuliyiin kale oo ka bilaabatay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ka hadlay rabitaanka Itoobiya ee dhul badeed, kaasi oo dhawaan hadal hayn badan dhaliyay, loogana fal-celiyay siyaabo kala duwan. Abiy ayaa waxa uu si cad u sheegay in dalkiisu aanu marnaba dagaal qaadayn, si uu bad u helo, balse ay u marayaan waddo aan aheyn colaad, islamarkaana ay ku raadinayaan qaab sharciga waafaqsan. “Xaaladdu siday noqon karto ma garan karno haddii arrinta badda ee ay Itoobiya u baahan tahay aan wada-hadal lagu dhammayn,” ayuu yidhi ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Waxa uu sheegay in Itoobiya ayna marnaba diyaar u ahayn inay xabbad ku rido dalalka jaarka ah ee Eritrea, Jabuuti, Somaliland, Soomaaliya iyo Kenya, si ay u hesho bad, sida uu hadalka u dhigay. “Itoobiya xaq ayay u leedahay inay hesho bad, si waafaqsan sharciga ganacsiga,” ayuu yidhi Abiy, isaga oo xusay in dalkiisu uu 30 sanno kahor uu lahaa labo dekadood oo ku yaalla Eritrea oo waqtigaa kamid ahayd dalka Itoobiya. Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in dalkiisu hadda uu isticmaalo dekadda Jabuuti, oo ah halka kaliya ee ay maanta Itoobiya u isticmaasho waxa ay dhoofiso iyo waxa ay soo dejiso labada. “Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, kuwa ree Yurub, Khaliijka iyo dowladaha Afrika dhammaantood hadday yidhaahdaan wadada ay Itoobiya ku rabto inay bad ku hesho waa wado khaldan oo aan waafaqsanayn sharciga ganacsiga, nabad-galyada gobolkana waxbay u dhimaysaa, ha noo sheegaan waan qaadanaynaa waana iska deynaynaa arrintaa badda,” ayuu yidhi. Waxa uu intaas kusii daray, “Annagu waxaanu leenahay aynu wada-hadalno, wada-hadal ayaanu wax ku rabnaa. 2030-ka tirada dadka ee Itoobiya waxay gaadhaysaa illaa 150 milyan oo qof, dhaqaalihii dalkuna iyo baahidiina dhinac ayay ka kordhayaan, waxaasi oo dad ah si ayna dhibaato ugu iman oo ayna ciyaalku isu cunin aynu xal u raadino umbaanu leenahay ee wax kale ma jiraan.” Inkasta oo siyaabo kala duwan loo macneeyay qaabka ay Itoobiya ku doonayso badda, haddana Abiy Axmed ayaa waxa uu mar kale ku celiyay in Itoobiya ayna dagaal iyo colaad ku rabin badda, ee ay ku raadsanayso qaab sharciga ganacsiga waafaqsan. Si kastaba, Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan. Itoobiya ayaa waxay lumisay xeebteedii kadib markii Eritrea ay ka go’day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sanno socday. Source
-
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay qorshahooda ku saabsan Maraakiibta Israa’iil ee mara Badda Cas iyo Marinka Bab al-Mandeb. Kooxdan ayaa sheegay inay duqeyn doonaan Maraakiibta u socota Israa’iil. Xuutiyiinta ayaa bishan dhowr-goor gantaalo ku tuuray Israa’iil gaar ahaan magaalo xeebeedka Eilat. Waxa ay sidoo kale kooxdan toddobaadkii tagay soo rideen mid kamid ah diyaaradaha Drone-ka oo uu lahaa millatariga Mareykanka. Abdulmalik al-Houthi oo kooxdan u hadlay ayaa sheegay inay isha si gaar ah hadda ugu hayaan badda cas iyo maraakiibta halkaas mara. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo booqasho ku tagay dalka Mareykanka. Madaxweynaha Shiinaha ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha [Asia-Pacific Economic Cooperation] (APEC) oo ka dhacaya magaalada San Francisco. Labada hoggaamiye ayaa kulamo gaar ah yeelan doona intuu shirkaasi socdo. Waxayna si gaar ah diirada u saari doonaan xiisada millatari iyo ganacsi ee u dhaxeysa labada dal. Waa kulankii ugu horreeyey oo ay yeeshaan labada hoggaamiye muddo sannado ah. Qodobada ugu waaweyn ee Mareykanka iyo Shiinaha isku hayaan ayaa waxa kamid ah, arrimaha Taiwan iyo Kuuriyada Waqooyi, dagaalka Gaza & Ukraine. Source
-
Maxkamadda sare ee Britain ayaa go’aamisay in qorshaha dowladda ee ah in dadka magangalyo doonka ah loo diro Rwanda uu yahay sharci darro. Isagoo xukunka ridaya, garsoore Lord Reed, wuxuu sheegay in qaxootiga ay halis ugu jiraan in dib loogu celiyo dalalkii ay ka soo carareen. Tani waxa ay si cad u jebinaysaa heshiiskii Qaramada Midoobay ee qaxootiga. Xukunkan ayaa dhabar jab weyn ku ah dowladda UK oo rajaynaysay in qorshahan uu hakiyo kumanaan muhaajiriin ah oo sannad walba doonyo yaryar ku taga UK. Xukunka waxaa si taxadar leh u fallanqeyn doona dhowr waddan oo Yurub ah. Iyadoo ka jawaabeysa go’aanka maxkamadda sare, dowladda Rwanda ayaa qaadatay go’aanka ah in dalkaas uusan ammaan u ahayn magan-galyo doonka iyo qaxootiga. Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in Rwanda ay si dhab ah u qaadatay mas’uuliyadeeda bini’aadantinimo ayna sii wadi doonto sidii ay uga soo bixi lahayd. Source
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Kenya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah ismaamulka Gaariga, kaas oo ku billowday qarax, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubnaha kooxda Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayay inta u dhexeysa deegaanada Dhadhaab iyo Xagardheer, waxaana xigay dagaal dhex-maray labada dhinac. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo ahaa mid kooban, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Kenya. Al-Shabaab oo war qoraal soo saartay ayaa iyadu sheegtay inay dagaalkaasi ku gubtay gaari ay leeyihiin ciidamada Kenya, balse ma shaacin khasaare kale. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana ciidanka Kenya ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan qaybo kamid ah ismaamulka Gaariga oo ah halka lagu dagaalamay. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay sugaan amniga guud ee deegaanadaasi. Sidoo kale weerarkan ayaa qayb ka noqonaya isku dayada hubeysan ee ay Al-Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso ciidanka Kenya iyo safareyda. Si kastaba, weeraradan ayaa kordhay todobaadyadii u dambeeyay, waxaana dhowr qarax iyo weeraro toos ah ay ka dhaceen deegaano u dhow xadka ay wadaagaan labada dal. Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla-markaana la dagaalama kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. The post Al-Shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ku dagaalamay duleedka Gaarisa + Khasaaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowlad argagaxiso ah oo danbiyo dagaal ka geysatay Gaza, kuna xad-gudubtay sharciga caalamiga ah. Erdogan ayaa sheegay in ololaha milatari ee Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ay ka mid yihiin “weeraradii ugu khiyaanada badnaa ee taariikhda aadanaha” iyadoo aysan xad lahayn taageerada Israa’iil ka helayso reer galbeedka. Waxa uu ku baaqay in hoggaamiyayaasha Israa’iil lagu xukumo dembiyo dagaal, lana horkeeno maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, wuxuuna ku celiyay aragtidiisa iyo mawqifka Turkiga ee ah in Xamaas aanay ahayn urur argagixiso. Britain, Mareykanka, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Xamaas u arka koox argagixiso ah, iyaga oo ka fikir duwan Turkiga. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo Israa’iil ku tilmaamay dowlad Argagixiso ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa digniin ka bixisay roobab la filayo in todobada cisho ee soo socota ay ka da’aan gudaha Soomaaliya. SoDMA ayaa shaaca ka qaaday in roobabka la saadaalinayo ay ka di’i doonaan dhammaan gobollada dalka, isla-markaana ay ku kala duwanaan doonaan xaddiga roobka. Meelaha ugu badan ee lasoo calaamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka gobollada Gedo iyo Awdal oo la filayo inay ka da’aan roobab xaddigeedu aad u sarreeyo. Hay’adda ayaa ugu baaqday dadka shacabka ah inay muujiyaan feejigaan, isla markaana ay qaataan digniinaha loo dirayo, si looga fogaado waxyeelo ka dhalataa daadadkaasi. Halkan hoose ka akhriso: Warsaxaafadeedka:- ➤ Todobada cisho ee soo socota oo ah asbuuca Sedexaad ee bisha November 2023ka waxay saadaashu roobka xiliga Deryta muujinaysaa in roobab fiican ay ka di’i doonaan Dhamaan gobollada dalka waxayna ku kala duwanaan-doonaan xadiga roobabka ay helayaan sida saadaashu sheegayso roobabkaas cabirkoodu waxuu u dhaxeeyo 𝟯𝟬 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮 𝟮𝟬𝟬 (𝗺𝗺). ➤ Degmooyinka gobolada Gedo iyo Awdal waa meelaha ugu badan oo la filayo in ay helaan roobab xadigeedu sareeyo oo u dhaxeeya 𝟭𝟱𝟬-𝟮𝟬𝟬 𝗺𝗺, Sidookale degmooyin ka mid ah Gobalada 𝗕𝗮𝘆, 𝗕𝗮𝗸𝗼𝗼𝗹, 𝗛𝗶𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻, 𝗦𝗼𝗼𝗹, 𝗡𝘂𝗴𝗮𝗮𝗹, 𝗪𝗮𝗾𝗼𝗼𝘆𝗶 𝗴𝗮𝗯𝗲𝗲𝗱, 𝗠𝘂𝗱𝘂𝗴, 𝗚𝗮𝗹𝗴𝗮𝗱𝘂𝘂𝗱, 𝗦𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮-𝗱𝗵𝗮𝘅𝗲, 𝗦𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗗𝗵𝗮𝘅𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗻𝗮𝗮𝗱𝗶𝗿 ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay ka da’aan roobab cabirkooddu u dhaxeeyo 𝟯𝟬 𝗶𝗹𝗮𝗮 𝟴𝟬 𝗺𝗺 ➤ Degmooyin ka mid ah gobalada aan kor ku soo xusnay gaar ahaan Gobalka 𝗚𝗲𝗱𝗼, 𝗔𝘄𝗱𝗮𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗮𝘆 waxay saadaashu sheegaysaa in roobabkaas ay sababi karaan 𝗱𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱 iyo 𝗳𝗮𝘁𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗼 (𝗙𝗹𝗼𝗼𝗱 & 𝗙𝗹𝗮𝘀𝗵 𝗳𝗹𝗼𝗼𝗱𝘀). ➤ Waxaa sare u sii kacaya heerka biyaha wabiyada Juba iyo shabeele taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia taasoo macnaheedu tahay 𝗶𝗻 𝗳𝗮𝘁𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝘂 𝗮𝘆 𝘀𝗶𝗶 𝘀𝗼𝗰𝗼𝗻𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗼. 𝗙𝗚: Hadii roobabka la filyo todobaadkaan ay u da’aan sida saadaashu sheegeeyso, waxay geeysan karaan khasaare iskugu jira naf iyo maalba. 𝗛𝗮’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 oo Horay u soo saartay 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗲𝗲𝗱𝗮 𝗞𝗮 𝗱𝗶𝗴𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝗹𝗶𝘀-𝘄𝗮𝗱𝗮𝗿𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 Saadaasha Roobab ma hiigaan ah oo dalka ka da’ay kuwaas oo geeystay Daadad iyo Fatahaado, ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay Digniino si loogu feejignaado saameynta roobku ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed. Forcasting Tempalate Week 1aad June 20 – 27 2023The post DF oo saartay digniin ku aadan todobada cisho ee soo socota – Maxaa dhacaya? appeared first on Caasimada Online.
-
After Conservative party, on Wednesday urged Sunak to “ignore” the supreme court’s ruling and “just put the planes in the air now”. The Ashfield MP put pressure on the prime minister to send asylum seekers to east Africa “the same day” they arrived in the UK despite the Rwanda policy being ruled unlawful. Anderson said: “I think the British people have been very patient, I’ve been very patient, and now they’re demanding action. And this has sort of forced our hand a little bit now. “My take is we should just put the planes in the air now and send them to Rwanda and show strength. It’s time for the government to show real leadership and send them back, same day.” Jonathan Gullis, who like Anderson is a member of the New Conservatives grouping, said there was a range of options the government could consider, including physically pushing small boats back into French waters in the Channel. Their demands have been brushed aside by Downing Street. A spokesperson said No 10 appreciated that “our MPs have strong views” on the Rwanda judgment when asked about Anderson’s suggestion. “I think we appreciate that our MPs have strong views on this because, frankly, the country cares about this,” Sunak’s press secretary said. Will it happen? Highly, highly unlikely. Source The Guardian Qaran News
-
Guddida Dhaqaalaha ee Wasiirradda oo Ansixiyay Warbixintii ka soo baxday Shirkii Dhaqaalaha Hargeysa(Qaran news)-Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiirrada JSL ayaa maanta kullan ka yeeshay dib u eegis ay ku sameeyay Warbixinta Hordhaca ah ee ka soo baxday Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha 2aad 2023. Ka dib markii ay dhegaysteen Xubanaha guddida farsamo warbixintii Shirka ka soobaxday, Intaa kadib waxay guddida dhaqaaluhu ansixiyeen warbixinta hordhaca ah ee Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha 2-aad iyo Sidoo kale mudnaanta wax laga qaban-doono sannadka soo-socda ee 2024. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo gaaray degmada Mahadaay ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada oo ay saameeyeen roobab iyo fatahaadaha ku dhuftay Degmada Mahadaay. Madaxweynaha oo kormeer socod ah ku maray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada Mahadaay ayaa u kuurgalay xaalada dhabta ee ka jirta Degmada oo inta badan xaafadaha looga barakacay roobabka da’aya iyo fatahaada wabiga shabeelle. Madaxweynaha oo booqashadiisa ay ku wehliyeen Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada, Wasiir Ku Xigeenka Beeraha iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay isu gargaaraan isagoo deeq gargaar ah gaarsiiyay shacabka ku dhibaateysan Degmada Mahadaay. Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday roobabka iyo fatahaadaha ka jira Magaalada Beledweyne isagoo tilmaamay in xaalad bini’aadanimo oo daran ay ka jirto halkaas loona baahan yahay in gurmad iyo garab istaag loo sameeyo bulshada beledweyne oo guud ahaan uu saameeyay daadadka iyo fatahaada. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in boqolaal qoys ay hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka iyo Fatahaada Wabiga Shabeele, isaga oo shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in usoo gurmadaan shacabka la daala dhacaya musiibada fatahaadaha ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray degmada Mahadaay appeared first on Puntland Post.
-
Washington will resume food aid for people across Ethiopia next month, after assistance was paused earlier this year, following implementation of comprehensive reforms, according to a US Agency for International Development (USAid) statement seen by Reuters on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Burundi ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ka kooban 16 qodob, kadib safar shaqo oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay dalkaas. Hoos ka akhriso heshiiska Soomaaliya iyo Burundi. 1. Casuumaad uu fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku soo gaaray dalkan, 15ka Noofambar 2023. 2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdi ka kooban wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 3. Markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Melchior Ndadaye ee magaalada Bujumbura Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Danjire Albert Shinjiro, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirro iyo Madax sare oo ka tirsan Dowladda Burundi. 4. Gelinkii dambe, waxa ay si saaxiibtinimo leh labada Madaxweyne u yeesheen kulan fool-ka-fool ah, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee adag ee aan ku koobneyn labada dawladood oo keliya, balse sidoo kale ka dhexeeya labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya. 5. Labada Madaxweyne waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, waxayna adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ku saleysan kalsoonida iyo danaha guud ee labada dowladood iyo shacab. 6. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhiggiisa Burundi Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ku ammaanay dadaalkiisa aan daalka lahayn ee uu gacanta kaga geysanayo dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay bogaadiyeen Ciidanka Burundi, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ee ku sugan furimaha ee la dagaallamaya kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab. 7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye doorka uu ka qaatay dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo iyadoo loo sii marayo geeddisocodka Nairobi iyo sidoo kale doorka Burundi ee hawlgalka nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. 8. Mudane Evariste Ndayishimiye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi wuxuu uga mahadceliyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya booqashada shaqo ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Burundi, wuxuuna ku ammaanay dadaalladiisa aan daalka lahayn ee uu ugu jiro nabadda, amniga, dimuqraaddiyada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 9. Labada Madaxweyne waxay ammaaneen dhisidda Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC) si loo dajiyo qaab dhismeed iskaashi labo geesood ah oo u dhaxeeya labada dal, iskaashi dhinacyo badan taabanaya, sida ganacsiga iyo maalgelinta, dhisidda karaanka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dalxiiska, gaashaandhigga iyo amniga, wada xaajoodyada siyaasadda, si looga faa’iideeyo labada dal iyo dadka ku nool. 10. Si loo sii xoojiyo, loo qoto dheereeyo isla markaasna loo dardargeliyo iskaashiga dhow ee u dhaxeeya labada dal, labada madaxweyne waxay hoosta ka xarriiqeeen baahida degdegga ah ee loo qabo in mustaqbalka dhow la qabto kulan uu yeesho Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC). Sidaas awgeed, waxay labada madaxweyne fareen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda inay qabanqaabiyaan kulanka Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga labada dal. 11. Arimaha heerka gobol, labada madaxweyne waxay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay ajandaha 2030 ee Qaramada Midoobay, ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, kan 2050 ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo hirgelinta Heshiiska Ganacsiga ee hal suuq loogu abuurayo ganacsiga iyo adeegyada waddamada qaaradda Afrika AfCFTA) 12. Labada Madaxweyne waxay xoojiyeen mudnaanta ay siinayaan arrimaha hortabinta u leh Dallada Bulshada Bariga Afrika EAC ee 2022-2026, kuwaas oo ay ka mid tahay, hirgelinta Kastamka mideysan (SCT), in waajibaadka heer gobol lagu saleeyo duruufaha maxaliga ah, si waafaqsan hab-raaca suuqa Mideysan ee dallada EAC, xoojinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo maamul wanaag gobolka. 13. Labada dhinac waxay sidoo kale dib u eegid ku sameeyeen xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee wadajirka u saameynaya, oo ay ka mid yihiin xaaladaha Koongo DRC iyo Suudaan. Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamku ee dadaallada heer gobol ee hadda socda kuwaas oo ku qotoma in xal siyaasadeed oo dhammaystiran laga gaaro xiisadda Koongo DRC si waafaqsan is afgaradyadii Nairobi iyo Luanda. Arrimaha Suudaan, labada Hogaamiye waxay isla qaateen baahida degdega ah ee loo qabo in xabadda la joojiyo si loo fasaxo gargaarka bini’aadantinimo iyo in xal waara loogu helo colaadda Suudaan iyadoo loo marayo wadahadal iyo iskaashi. 14. Arrimaha Caalamiga ah, Labada Madaxweyne waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee adduunka ee ay ku soo badanayaan colaadaha tooska ah ee u dhexeeya Waddamada iyo Dagaallada dadban ee ka socda gobollo dhowr ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka ay khusayso in ay adeegsadaan hannaan Diblomaasiyadeed oo ay ka mid tahay wada-hadal, gorgortan iyo iskaashi si xal nabadeed loogu helo caqabadaha amni ee soo wajaha adduunka xilligaan aadka u adag. 15. Labada Madaxweyne waxay kaloo adkeeyeen in la ixtiraamo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee ku aaddan maaraynta colaahada hadda ka socda adduunka, waxayna Labada Madaxweyne baaq u direen dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha soo noqnoqday ee adduunku inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan, loogana gudbo sababaha wiiqaya dadaallada horumarineed ee caalamiga ah. 16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagebadii safarkiisa shaqo waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste NDAYISHIMIYE, Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi soo dhawaynta iyo maamuuska ay ku qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ee soo gaaray Jamhuuriyadda Burundi. The post Xasan Sheekh oo heshiis 16 qodob ah lasoo galay Burundi appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ka hadlay rabitaanka Itoobiya ee dhul badeed, kaasi oo dhawaan hadal hayn badan dhaliyay, loogana fal-celiyay siyaabo kala duwan. Abiy ayaa waxa uu si cad u sheegay in dalkiisu uusan marnaba dagaal qaadayn, si uu bad u helo, balse ay u marayaan waddo aan aheyn colaad, islamarkaana ay ku raadinayaan qaab sharciga waafaqsan. “Xaaladdu siday noqon karto ma garan karno haddii arrinta badda ee ay Itoobiya u baahan tahay aan wada-hadal lagu dhammayn,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Waxa uu sheegay in Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn inay xabbad ku rido dalalka jaarka ah ee Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya, si ay u hesho bad, sida uu hadalka u dhigay. “Itoobiya xaq ayay u leedahay inay hesho bad, si waafaqsan sharciga ganacsiga,” ayuu yiri Abiy, isaga oo xusay in dalkiisu uu 30 sano kahor uu lahaa labo dekadood oo ku yaalla Eritrea oo waqtigaa kamid ahayd dalka Itoobiya. Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in dalkiisu hadda uu isticmaalo dekadda Jabuuti, oo ah halka kaliya ee ay maanta Itoobiya u isticmaasho waxa ay dhoofiso iyo waxa ay soo dejiso labada. “Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, kuwa ree Yurub, Khaliijka iyo dowladaha Afrika dhammaantood hadday yiraahdaan wadada ay Itoobiya ku rabto inay bad ku hesho waa wado khaldan oo aan waafaqsanayn sharciga ganacsiga, nabad-galyada gobolkana waxbay u dhimaysaa, ha inoo sheegaan waan qaadanaynaa waana iska deynaynaa arrintaa badda,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray, “Annagu waxaanu leenahay aynu wada-hadalno, wada-hadal ayaanu wax ku rabnaa. 2030-ka tirada dadka ee Itoobiya waxay gaaraysaa illaa 150 milyan oo qof, dhaqaalihii dalkuna iyo baahidiina dhinac ayay ka kordhayaan, waxaasi oo dad ah si aysan dhibaato ugu imaan oo aysan ciyaalku isu cunin aynu xal u raadino umbaanu leenahay ee wax kale ma jiraan.” Inkasta oo siyaabo kala duwan loo macneeyay qaabka ay Itoobiya ku doonayso badda, haddana Abiy Axmed ayaa waxa uu mar kale ku celiyay in Itoobiya aysan dagaal iyo colaad ku rabin badda, ee ay ku raadsanayso qaab sharciga ganacsiga waafaqsan. Si kastaba, Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa dhaqaalaha Itoobiya waxa uu noqday mid xaddidan. Itoobiya ayaa waxay lumisay xeebteeda kadib markii Eritrea ay ka go’day Addis Ababa oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1993 kadib dagaal saddex iyo toban sano socday. The post Abiy Axmed oo war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ku dooneyso dhul badeed appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Israa’iil ay tahay “dowlad argagaxiso ah” oo dambiyo dagaal ka geysatay Gaza, kuna xad-gudubtay sharciga caalamiga ah, isagoo sii xoojiyey dhaleeceynta isdabajoogga ah ee uu u jeedinayo hoggaamiyeyaasha Israa’iil iyo taageerayaashooda reer galbeedka. Isagoo ka hadlayay laba maalmood ka hor booqasho la qorsheeyay inuu ku tago Jarmalka si uu ula kulmo Chancellor Olaf Scholz, Erdogan ayaa sheegay in ololaha milatari ee Israel ee ka dhanka ah kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ka mid yihiin “weeraradii ugu khiyaanada badnaa ee taariikhda aadanaha” iyadoo aysan “xad lahayn” taageero ay ka helayso Israa’iil reer galbeedka. Waxa uu ku baaqay in hoggaamiyayaasha Israa’iil lagu xukumo dembiyo dagaal, lana horkeeno maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, wuxuuna ku celiyay aragtidiisa – iyo mawqifka Turkiga – in Xamaas aanay ahayn urur argagixiso, balse ay tahay xisbi siyaasadeed oo ku guulaystay doorashooyinkii ugu dambeeyay. Britain, Mareykanka, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Xamaas u arka koox argagixiso ah, iyaga oo ka fikir duwan Turkiga. Ankara waxa ay martigelisay qaar ka mid ah xubnaha Xamaas, waxayna taageertaa in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin. “Iyadoo ay jirto naxariis darada loo duqeynayo dadka rayidka ah ee lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda marka ay u guurayaan meelo kale, waxay si dhab ah u noqoneysa dowlad argagixiso ah,” ayuu Erdogan ka sheegay baarlamaanka isaga oo ka hadlayay Israa’iil. “Hadda waxaan si kal iyo laab ah u leeyahay in Israa’iil ay tahay waddan argagaxiso ah.” ayuu raaciyay Erdogan. Wuxuu intaas ku daray: “Marna ugama xishooneyno dadka aan ku qanacsaneyn inaan sheegno xaqiiqda ah in xubnaha Xamaas ee ilaaliya dhulkooda, sharaftooda iyo noloshooda marka loo eego siyaasadaha qabsashada ay yihiin dagaalyahanno iska caabin ah, sababtoo ah dadka qaar ayaa ku qanacsanayn arrintaas.” VOA + Reuters. The post Erdogan oo Israel ku tilmaamay ‘dowlad argagixiso ah’ appeared first on Caasimada Online.
