-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dallada Mucaaradka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga walaacsan yihiin dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu wado Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanaya Siciid Cabdullaahi Deni. Dallada ayaa ka dhawaajisey inay ka walaacsan yihiin hadal ka soo yeeray Deni, iyaga oo ka cabsi qaba inay carqaladeeyaan midnimada ciidamada, islamarkaana ay huriyaan colaado lagu gaaraayo damac siyaasadeed iyo mid shaqsi. Dallada ayaa sidoo kale si kulul uga hadashay ciidamada badda Puntland ee PMPF oo ay maalgelinayso dawladda Imaaraadka kuna eedeysay qalalaasaha siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe. Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Waxaan si adag u cambaareynayaa dhacdooyinkan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur, waxaana aaminsanahay inay ka leexiyeen PMPF doorkii ay ka ciyaarayeen la-dagaalanka burcad-badeedda iyo argagixisanimada”. Dallada ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo hogaansamo sharciga si looga hortago falalka amni darrada ah. Waxay sidoo kale ku booriyeen dawladda Imaaraadka Carabta inay xaqiijiso dhexdhexaadnimada Ciidamada PMPF ee arrimaha siyaasadda iyo u hoggaansanaanta shuruucda Puntland, si loo ilaaliyo xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Puntland. War-murtiyeedka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhowro qiyamka Dimuqraadiyadda, lagana hortago caburinta mucaaradka siyaasadeed ee Puntland. Dallada ayaa xaqiijisay inay ka go’antahay u ololeeyeynta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka, iyaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa yoolalkan. The post Mucaaradka Puntland oo u digay IMAARAADKA CARABTA kadib markii la ogaaday in… appeared first on Caasimada Online.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Maamulka Israa’iil ayaa u yeertay safiirkii u joogay dalka Koonfur Afrika, go’aankaan ayaa daba socda “hadalladii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray dowladda Koonfur Afrika. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil Lior Haiat ayaa barta X ku shaaciyey in hadaladii ka soo yeeray K/Afrika dartood ay ugu yeerteen safiirkii ka joogay dalkaas. Afhayeenku ma sheegin waxay yihiin hadalladaas ay ka carootay Israa’iil ee sababay inay u yeertaan Danjirahoodii Koonfur Afrika. Hasayeeshee dowladda Koonfur Afrika ayaa kol sii horeysay si weyn u dhaleeceysay howlgallada ay ciidamada Israa’iil ka wadaan dhulka reer Falastiin, gaar ahaan Qasa. Khumbudzo Ntshavheni oo ah wasiirka madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa Isniintii waxay ku boorrisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee (ICC) inay soo saarto amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu, bartamaha bisha soo socota ee December. Khumbudzo Ntshavheni ayaa sheegtay in haddii taas la sameyn waayo ay muujinayso “guuldarrada guud” ee maamulka caalamiga ah. In Israa’iil ay dib ugu yeerato Safiirkeeda u fadhiya Koonfur Afrika ayaa waxay ku soo beegmaysaa wax yar ka hor inta aan Koonfur Afrika lagu qabanin shir-madaxeedka kooxda Brics, oo ay qeyb ka yihiin waddamada Shiinaha iyo Ruushka, shirkaas ayaa ku saabsan dagaalka Israa’iil iyo Xamaas. Kulanka oo uu guddoomin doono madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa la rajeynayaa in laga soo saaro jawaab adag oo ku aaddan colaaddaas oo galaafatay kumanaan shacab Falastiiniyiin ah oo ciidamada Israa’iil ay u xasuuqeen si ku talagal ah. The post Tallaabo ay qaaday dowladda Koonfur Afrika oo si xooggan uga careysiisay ISRAEL appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Aadan Madoobe ayaa qayb ka noqonaya dhoolatus siyaasadeed oo uu shalay magaalada Baydhaba ka sameeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Laftagareen oo magaaladaas isugu geeyay inta badan xildhibaanada labada Gole ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu isna ku biirayo kulamada ka socda Baydhaba ee u dhexeeyo xildhibaanada iyo madaxweyne Laftagareen, kuwaas oo looga tashanayo xaaladaha ka jira maamulkaas oo ay kusoo wajahan tahay doorasho. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Aadan Madoobe uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono Laftagareen, si ay isaga xog wareystaan xaaladaha soo kordhay. Baydhaba hadda waxaa ku sugan ugu yaraan 50 xildhibaan, kuwaas oo uu Madaxtooyada Koonfur Galbeed ku casuumay madaxweynaha maamulkaasi, waxayna kulan ay yeesheen uga hadleen saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay K/Galbeed. “Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ku Cazuumay Magaalada Baydhabo ayaa kala hadlay inay kaalin tooda ka qaatay Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Waxkaqabashada Saamaynta Fatahaadaha iyo Arimaha Siyaasada Dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa jira tuhun weyn oo laga muujinayo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed, ayada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in ajendayaasha laga wada-hadlayo uu qayb ka yahay wax ka beddalka dastuurka oo uu haatan olole xoogan ugu jiro madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Xaaladda maamulkan ayaa bilihii u dambeeyay ahayd mid kacsan, waxaana si aad ah la’isugu hayaa arrinta doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si kastaba, lama oga sida ay wax ay noqon doonaan, hayeeshee mucaaradka ayaa iyaguna weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho. The post Xog: A/Madoobe oo qayb ka noqonaya dhoolatuska siyaasadeed ee Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KGM ah ee SSC-Khaatuma ayaa yeeshay taliye Boolis oo cusub kaas oo ka shaqeyn doono ammaanka maamulkaasi. Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka SSC, kadib wareegto uu soo saaray hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali (Firdhiye). “Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri wareegtada. Sarreeye Guuto Siyaad Maxamuud ayaa ah khabiir iyo xeel-dheere Boolis oo kasoo shaqeeyay meelo kala duwan oo dalka mid ah. Hoggaamiyaha SSC-Khaatuma ayaa sidoo kale faray hay’adaha maamulkaas inay la shaqeeyaan taliyaha cusub, si uu u guto waajibaadka shaqo ee horyaalla. Sidoo kale wuxuu taliyaha cusub uu isna Eebbe uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday. SSC ayaa haatan ku jirta dhismaha hay’adaheeda kala duwan, maadaama dhawaan uun la dhisay, kadib dagaal culus oo ay la gashay ciidamada Somaliland. Wixii markaas ka dambeeyay waxay sidoo kale heshay aqoonsi ay siisay dowladda federaalka oo ku casuuntay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Si kastaba, maamulkan ayaa weli wajahaya xaalado adag oo ay ugu horreyso xiisadda kala dhexeysa Somaliland, maadaama uu weli dagaalka ka taagan yahay gobolka Sool. The post Maamulka SSC-Khaatuma oo yeeshay taliye Boolis appeared first on Caasimada Online.
-
Waa Duni gaabaabsi ah oo qiyaamihii qarka u saaran, se Cid wax DHuganaysa oo Wax DHaadaysa ayaa yar!, waayo wax walba Dad loo sheegay ayeynu nahay oo Diggeyaal ama Nabiyo Alle usoo diray, oo wax walba Allahii ina abuuray ina soo war geliyey, Ha ahaato Waxaynu Ku Dhaqmi lahayn iyo wixii aynu Ka Dhowrsan lahayn, waxa ina soo gaadhay Kitaabkii Erayadii iyo Xikmad Hadalkii Alle sw Ku Xardhanaa, Allaheena Weyn ee weligii Jiraha ee Joogaha ah Mahadi haka Gaadhee taabkuu inoogu jiraa, waxa kale oo inoo Dhitaysan oo inoo Gowdiida Waanadii iyo wax sheegi Nabigeenii Maxamed NNKH, hase yeeshee Cid ay ku Duxeen wax sheegii Alle SW ee Nabigeenii Maxamed NNKH inasoo Gaadhsiiyey ayaa iska yar, Waayo? Xadiis ayaa ahaa Hadii goob Dirrir Alle iyo Diinta suuban darted ah, ay si qaldan isku wajahaan laba Asxaabi oo mid kood la dilo kii wax dilay iyo kii la dilay, Labaduba NAARTA ayey ku Aroorayaan ama galayaan!, saa layidhi oo kii wax dilay garanaye ee Kii la dilay waayo? Saa digihii Alle yidhi Seefta ayuunbaa hor leeftay ee isaguba inuu wax dilo ayuu doonayey!, eeg waa laba Muslin ah oo isku Qaldamay oo si kama’ ah goob dirrireed isku wajahay!, Waa maxay xikmada ku jirta ee xadiiisku xambaarsan yahay?. Xikmada Xadiiska dhex gowdiidaa waxa weeye Hadii Dirrir Alle dartiiya iyo Diinta suuban aad Gasho waa in aad ku dhawaaqdaa oo Afka ku haysaa waxa bilaawaha iyo gaal-leefta u qaadatay ee aad wax u waraymaysaa waxa ay tahay, Oo waa in aadan Afka ka day sababta oo ah Alle dar tii oo waa in aad tidhaahdaa si aan kala joogsi lahayn AALE AYAA WEYN iyo ALLE MOOYEE ILLAAH XAQ LAGU CAABUDAA MA JIRO, marka intaa aad Afka ku haysid ee aadan kala joojin hadii ruux isku meel ka ridaysaan si ka’ma ah isasoo wajahdaan wuu ku garan in aad isku saf tihiin oo wuxuu odhan intaad Afka ku haysay iyo walaal Alle ayaa weyn ee waa inakiiye dhabarka dhabarka iisaar aynu gaalada jabinee!, Se Hadii inta ilkaha aad is qaniinsiiso oo si cadho iyo ciil leh Seefta mariso cidii kusoo wajahda Alle dartii u dagaallamimaysid!. Hadal iyo Dhamaan Dadka isku Afka, Suugaan, Dhaqan, Midab, Sasaan, Deegaan, Duunyo, Dagal, Diin, Hido, Dhaqan, Maal iyo Maryaha ah ee iyaga oo is og inay intaa wada leeyihiin oo weliba Diinta Suubana weliba isku Suni isku Mad-hab yihiin, taas oo u saafaysa Xalaasha iyo Xaaraanta oo odhanaysa Qofka Muslinka ah DHiigiisa, Maalkiisa iyo Sharaftiisu Kaa Caagan, hadana iyaga oo Alle ayaa weyn kuwada dhawaaqaaya ayey safaf Hub iyo dirrir isku wajahaane, Madiintayna Aqoon? mise waa Ummad Naar u Xusul Duubatay?, Gala-Dagaalka Guud Caddaalayaasha Duubka leh ee Guubaabada Dirrirta kuwada Goohayaa waa Madax-saar loo rogay Mijo-saare, iyana ma Qoomkii Dijaal-Cawar oo Degelkeena loosoo hormariyey baa?, Dhulku inakoo jirin ayuu Alle Sameeyey oo uu jiray, Inteena Maanta Ku Guud sugana sidii Dadkii inaga horeeyey ayeynu wada Hoose mari ee Ruuxa Dhul u dhimanayow xagay Diinta kaga taalaa Dhulka Alle U Dhinta? Kii Dagaalama iyo kii Guubaabiya iyo kii Maal geliya Dagaal u dhaxeeya dad muslim ah oo isku Qoomiyad ah meel Qoomamo leh ayuu ku danbayn iyo Cadaab oo Hubaal ahe Waar is Badh qabta Hooyoleyey iyo inta Muslinka ah ee dhulkii Hooyo nalasoo Degtaay. . Dhulkii Barakaysnaa Soomaal/Soolis/Soodhiiji ayaa Baabiisay. Khadar Hooyoley Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Wasiirka Deegaanka JSL Oo Soo Xidhay Shirweynaha Qaran Ee Isbedelka Cimiladda Hargaysa (Qaran): Shirweynaha heer qaran ee isbedelka cimiladda Somaliland oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa ayaa maanta la soo gebagabeeyay magaaladda Hargaysa. Shirweynahaasi oo noqonaya kii labaad ee noociisa ah oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda waxaa shalay furay madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici). Waxaana xidhitaanka shirkaasi laga soo saaray qodobo la doonayo in ay xal u noqdaan sidii loo bad-baadin lahaa deegaankeena, isla markaana loo joojin lahaa dhibaatadda soo gaadhay deegaanka. Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo shirkaasi shalay soo xidhay ayaa sheegtay in ay ka wasaarad ahaan, iyo xukuumad ahaanba dedaalayaan, balse ay bulshadda iyo gamacsatadda uga baahan yihiin in ay la shaqeeyaan Shukri Baandare, ayaa tilmaantay in meelaha aynu ugu liidano marka laga hadlayo waxyeeladda deegaankeena soo gaadhay ay ka mid tahay Xaalufka, kaasoo qayb weyn ka ah dhibaatadda isbedelka cimiladda. Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxa keliya ee aan idin kula dar-daarmayaa waa in bulshadu na la shaqayso. Anagu ka wasaarad ahaan waanu dedaalaynaa, oo Habeen, iyo Malain ba waanu shaqaynaynaa. Waxqabadku wuxuu ku xidhan yahay saddex Dhar-dhaar, waa xukuumadda, mid na waa shacabkii, mid na waa ganacsatadeenii. Hadaynu saddexdeenu is kaashano, wax weyn baynu soo saaraynaa. Labadda dhinac ee aynu inagu maanta ka liidanaa, waa dhinaca Xaalufka, dhinac na inagii ayaa doonayna oo isticmaalayna, labadaasi na isma qabanayaan. Saddexdeenaa Dhar-dhaar ayaa la inooga baahan yahay in aynu iska kaashano sidii aynu u bad-baadin lahayn jiilasheena soo socda”.l Wasiir Shukri Baanadare, waxa kaloo ay sheegtay in dhibaatooyinka dhulkeena haysta ay ka mid yihiin degsiimooyinka cusub ee magaalaynta ah, taasoo sababtay Xaalufka dhulka ku dhacay Waxyeelooyinkaasi oo haddii aan wax laga qaban keeni doona in jiilasheena danbe ay nolosheenu halis gasho, si dhibkaasi wax looga qabta na la inooga baahan yahay in aynu khayraadkeenna ilaashano. “Waxaa la inooga baahan yahay in aynu khayraadkeenna ilaashano. Dadku na fahmaan, dhulka Tuullooyinka laga samaynayo in ay Xaalufka keenayaan. Xoolaheenu na ma doonayno in ay inaga dabar go’aan, oo waa waxa keliya ee ay nolosheenu ku tiirsan tahay” ayay tidhi Shukri Baandare. Geesta kale tamarta laga isticmaalo Somaliland ayaa la tilmaamaa in ay tahay 150 KW, taasoo noqonaysa in 84% ka mid ay ka timaado Dabka laga dhaliyo Korontadda, halka 16% ka kale laga dhaliyo tamarta Qoraxda, iyo Dabaysha. Sidaa darteed wasiir Shukri Baandare, ayaa ganacsatadda waaweyn, iyo shirkadaha leh wershadaha korontadda waxay ugu baaqday in ay maalgeliyaan tamarta laga dhaliyo Qoraxda, iyo Dabaysha, taasoo ka qayb qaadanaysa yaraynta Dikhawga Hawadda lagu sii daayo. “Tamarta Cad-ceedda, ee Habeen, iyo Maalin ba inoo taagan, ganacsatadda waaweyn, iyo shirkadaha Korontadda ina siiyaa, waa in ay maalgeliyaan 150 Killo Watt, ee ay Somaliland sanadkii isticmaasho, 16% ayaa ka yimaada Sollar, iyo Dabaysha. Waa in aynu kordhino sanadka danbe, oo aynu ogaano in Deraasadaasi aynu samaynay in aynu kor u soo qaadno, oo halka aynu maanta ka isticmaalno kor uga sii qaadno. Waayo? Haddii aynu tamarta Qoraxda, iyo Dabaysha isticmaalno, yaraynta dikhawga Hawadda lagu sii daayo wax badan baynu ka gaysan karnaa” ayay tidhi wasiirka Deegaanka Somaliland. Dhinaca kale waxaa intii uu shirku socday lagu soo bandhigay daraasado laga sameeyay baaxada waxyeeladda soo gaadhay deegaankeena, iyo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo, si loo bad-baadiyo deegaankeena. Waxaana taa bar-bar socotay in sidoo kale shirweynahaasi ay khubarro, iyo aqoon yahano ku xeel dheer arrimaha deegaanku ay khudbado ka jeediyeen, iyo doodo la isku waydaarsaday wax ka qabashadda dhibaatooyinka soo waajahah deegaanka. Qaran News
-
Qormo Taariikheed Oo uu Qoray Maxaned Abshir Muuse Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo ahaa Taliyihii ugu horreeyay ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed Maxamed Abshir Muuse wuxuu yidhi Sool iyo Sanaag iyo Buhoodle ma sheegan karno ismana qaadan karaan Putland waa gobolo Somaliland ka tirsan oo beelaha somaliland wada dagan yihiin ‘aragtidiisa oo beesha caalamku ayaana taageertay W.Q: Ahmed Said Nur Qaybta kowaad : Dhismihii Puntland, kaalintii isimada iyo aragtiyihii la isku khilaafay (1998) Aragtida labaad waxay ku salaysnayd in maamulka la dhisayaa ka koobnaado gobaladii la’ dhihi jiray waqooyi Bari Soomaaliya oo kala ahaa Bari, Nugaal iyo waqooyiga Mudug. Waxaana siyaasiyiinta aragtidaas qabay hormuud u ahaa Maxamed Abshir Muuse ilaahay ha u naxariistee isaga iyo intii kale oo dhimatayba. Wuxuuna igu yiri “adeer anagu ragayagii rabay in dhismaha maamulka lagu koobo sadex gobol maanaan diidanayn dadka ehelka ah isu imaatinkooda laakiin waxaa noo muuqaneyey waxyaabo kale oo laga yaabo inay dadku dareemaan muddo ka dib 30 illaa 40 sano ayuu xaajigu igu yiri” Sanadkii 2000 ayaan Maxamed Abshir kula kulmay Jabuuti isagoo markaas ka soo laabtay Hargaysa wuxuu ii sheegay inuu halkaas kula soo kulmay Maxamed Ibraahim Cigaal ayna is cafiyeen labadoodu maadaama lixdamaadkii loolan siyaasadeed uu mar dhexmaray wuxuu kaloo ii sheegay inay ka sheekeysteen sidii Soomaaliya xal loogu raadin lahaa. In kastoo Maxamed Abshir uu ka huleelay siyaasaddii Puntland dib damena uusan ugu soo noqon ilaa dhimashadiisii uu dalka Maraykanka ku dhintay Markii Puntland la dhisayey bulshada caalamku aad bay u diidanaayeen dhismaha Puntland oo Shan gobol ka kooban waxy la safnaayeen oo ay aragtidooda raacsanaayeen siyaasiyiintii aan qoramadii hore ku soo xusnay aragtidooda maxamed abshir oo ahayd in dhsimaha Puntland Saddex gobol lagu soo koobo. Waxaan xasuustaa inay wafdiyo badan dhowr goor ku yimaadeen oo iska soo daba noqdeen iyagoo dhiirinaya in dhismaha Puntland saddex gobol lagu koobo kana soo horjeeday in Sool, koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle ka mid noqdaan Puntland. Deeqdii bulshada caalamku ay Puntland siinayeen xiligaas waxay ku koobeen saddexdii gobol oo Waqooyi Bari la isku oran jiray, iyagoo diiday inay gaarsiyaan gobalda kale oo ay u bixiyeen gobolo lagu muransan yahay, arrinkaasu muran badan buu ka dhex dhaliyey maamulkii markaas jirey iyo bulshada caalamka, murankaas oo ilaa hadda sii jira. Nidaamka putland aanu ka hana qaadin sool iyo sanaag wax micno leh Aragtidii abdilaahi yusuf iyo siyaasiyiinta kale ay isimadu ku raaceen ee ahayd sool iyo sanaag iyo buhoodle ka midnoqdaan putkand mid macno wayne ushaqaysay ma ah Qaran News
-
Each academic year, the Brock University Students’ Union (BUSU) sponsors up to two refugees who become Canadian permanent residents and students at Brock through the World University Service of Canada (WUSC) refugee program. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa socda guux siyaasadeed oo weyn, kaas oo ka dhan ah qorshaha uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ee wax looga bedelayo dastuurka dalka. Siyaasiyiintii ugu cusleyd Midowgii Musharaxiinta sida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo xubno kale ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku shiraan Muqdisho. Shirkooda kadib, waxaa soo bixi doona masuuliyiintaan miisaanka leh mowqifkooda siyaasadeed oo jiho cusub u jeexi doona siyaasadda Soomaaliya. Sida ilo wareedyo kala duwan ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka Dastuurka dalka. Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin waa nidaamka ku dhisan Madaxtooyada ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, kaas oo kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan. Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii bilaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee BFS, kuwaas oo lagu qalqaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka Dastuurka. Sida qorshuhu yahay 25 bishan November ayaa la filayaa in si rasmi ah loo furo kalfadhiga 4-aad baarlamaanka Soomaaliya. Markii uu furmo kalfadhigaan waxaa xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh u qorsheysan labada Aqal ee BFS la horgeeyo qorshaha wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka, si loo ansixiyo. The post Xog: Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo qaadaya tallaabo ka dhan ah qorshaha Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Daarunicma (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgalo culus ka sameeyeen deegaano dhaca bariga gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Howlgalladan ayaa waxaa si wadajir isaga kaashaday ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Ilaalo Qaran iyo ciidamo ka tirsan dadka deegaanka oo isku fidiyay inta u dhexeysa deegaanada Daarunimca iyo Ceel Bacad oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ayaa cagta mariyey howdka deegaanka Daarunimca, iyagoo kaa saaray xubnaha kooxda Shabaab oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi. Ciidamada huwanta ayaa markii hore kasoo baxay deegaanka Al-kowthar, waxaana ujeedka u yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan xadka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud. Saraakiil ka tirsan ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bariga Shabeelaha Dhexe, waxayna tilmaameen inay isku furi doonaan xadka labada gobol. Xaaladda aaggaas ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa qaybo kamid ah deegaanada HirShabelle oo ay ka socdaaan howlgallo culus. Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana ay haatan meelo yar kaga sugan yihiin gobolkaasi. Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, inkastoo maalmihii u dambeeyay ay hakad galeen howlgalladii ay hormuudka u ahayd dowladda Soomaaliya. The post Ciidamada xoogga oo guluf dagaal ka bilaabay xuduuda Sh/Dhexe iyo Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
We (Somali society) only encourage and support inclusive common good for the nation building - It is civil duty to ensure the practice of greater common good for the nation is nurtured and guarded. It is also a common practice for political opponents to oppose and criticize the government as long as such efforts are done in the interest of the public and not personal gains. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Falcelin xoogan iyo hadal heyn ayaa ka dhalatay tallaabo uu maanta qaaday madaxweynaha koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan, kaas oo kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada labada Gole ee kasoo jeeda maamulkaasi. Laftagareen ayaa inta badan xildhibaanada Koonfur Galbeed ku metaya dowladda dhexe, gaar ahaan labada Aqal isugu geeyay xarunta madaxtooyada maamulkaasi, si uu ugala hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, xaaladaha bani’aadanimada iyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu maanta qaaday Laftagareen? Dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiyiin ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay bandhigga uu sameeyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Cali Yare Cali oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhoolatuska uu sameeyay Laftagareen ay tahay farriin uu u diray xubnaha mucaaradka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Laftagareen maanta wuxuu diray farriin mug leh oo siyaasadeed, oo ay ku larrantahay baarqableeyn iyo tookh. Waa hal farriin oo ku wada socota mucaaradka Koonfur Galbeed. Madaxweynayaashii kuraasta xildhibaannada macaashka dhaqaale ka sameeyay ee aan maanta hal Xildhibaan oo dhageysta aan heeysan. Damuljadiid garabkii ka fekerayay ineey koonfur galbeed ku falaadaan. iyo siyaasi kasta oo ay maankiisa ku jirtay inuu siyaasadda duunyo ka tacbado ee aan dad tacban” ayaauu yiri siyaasiga caanka ah Cali Yare Cali. Sidoo kale wuxuu imtaasi kusii daray “Inaad dad abaalgashato waa hanti maguurto ah, in kuwii aad abaal gashatay ay abaalka celintiisa gartaan oo ay gobannimo muujiyaanna waa cajiib. Madaxweyne Laftagareen maanta ayay taladu la gudboon. waa inuu aad ugu fekero badbaadadda sameeynayo Damuljadiid” Shuceyb Barre Cali oo kamid ah dadka isticaamala baraha bulshada ayaa yiri “Xildhibaanada Koonfur Galbeed waa in aysan ka qaybqaadan burburinta dastuurka, Somalia wadar ogol unbey ku heshiin kartaa kursiga raisulwasaaraha wuu jirayaa ila wadar lagu heshiiyo”. Cadow Shariif ayaa isna yiri “Midnimadiina iyo wadajirkiina ayaa wax walbaba ka muhiimsan”. Cali Xaaji ayaa isna ku jawaabay “Dhoolatus waayay Wallaahi, madaxweyne dowlad goboleed oo intaan oo xildhibaan heysta hala so raadiyo? guuleyso madaxweyne”. Suldaanka Colow ayaa isaguna yiri “Madexweyne Laftagareen fariin adag uu dirayaa xasuusin weli derbiga wuu adag yahay” The post Sidee aya looga falceliyay tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne Laftagareen? appeared first on Caasimada Online.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman, oo Talaadadii ka hadlay shirka aan caadiga aheyd ee dalalka BRICS, ayaa ugu baaqay dhammaan dalalka caalamka inay joojiyaan hubka ay u dhoofiyaan Israel. Shirka ururka BRICS oo qaab online ah uu u marti-gelinayo dalka Koonfur Afrika, kuna mideysan yihiin dalalka dhaqaalaha soo koraya ee Brazil, Russia, India, China iyo South Africa, ayaa ujeedkiisu yahay in jawaab midyesan laga bixiyo dagaalka Israel iyo Xamas. Sacuudi Carabiya waxay dalbaneysa billowga hannaan nabadeed oo dhab ah oo dhammaystiran oo lagu dhisayo dawlad Falastiin ah oo ku saleysan xudduudaha 1967, ayuu yiri dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga. “Mawqifka Boqortooyada waa mid joogto ah oo adag; ma jirto waddo lagu gaari karo ammaan iyo xasillooni ka dhacda Falastiin marka laga reebo fulinta go’aannada caalamiga ah ee la xiriira xalka laba waddan,” ayuu yiri Maxamed bin Salmaan. Riyadh ayaa horraantii sanadkan lagu casuumay inay ku biirto BRICS. Maxamed bin Salman ayaa ku celiyey diidmada boqortooyada ee howlgallada militari ee Israel ay ka waddo Marinka Gaza, wuxuuna dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo. Waxa uu sheegay in “dambiyada naxariista darran” ee Gaza ka socda ay dalbanayaan dadaal wadajir ah oo lagu soo afjarayo. Maxamed bin Salmaan ayaa ku celiyey diidmada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan barakacinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza, wuxuuna ku baaqay dadaallo wadajir ah oo lagu joojinayo sii xumaanshaha xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira degaanka. Sacuudi Carabiya ayaa sameysay dadaallo aan kala joogsi laheyn, tan iyo markii uu billowday dagaalka 7-dii October, kuwaasi oo lagu badbaadinayo shacabka, ayuu yiri. Dagaalka ayaa ka qarxay Gaza kadib markii rag hubaysan oo Xamas ah ay dileen ku dhawaad 1,200 oo qof, oo u badnaa dad rayid ah, intii lagu guda jiray weerar ay 7-dii October ku qaadeen Israel – waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda Israel. Israel oo aargoosi sameyneysa ayaa duqeymo aan kala joogsi lahayn iyo weerar dhulka ah ku qaaday Gaza oo ay Xamas maamusho. Sida laga soo xigtay maamulka Gaza, dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan 13,300 oo qof, oo kumanaan ka mid ah ay yihiin carruur. The post Maxamed bin Salmaan oo soo saaray baaq culus oo ka dhan ah ISRAEL (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoga Qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maal-gelinta argagixisada ayaa soo saaray go’aano ka kooban afar qodob oo ka dhan ah adeegga 1XBET. Guddiga ayaa go’aanadaan ku gaaray shir ka dhacay xarunta wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dalka laga mamnuucay wax kasta oo Khamaar ah iyo adeegga khamaarka ah ee la dheelo ee 1XBET. Qodobada laga soo saaray shirkii guddiga ayaa u dhignaa: 1- Waxaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kamamnuuc ah guud ahaan khamaarka oo ah adeeg ka soo hor jeeda diinta Islaamka iyo shuruucda dalka. 2- Guddigu wuxuu ka war helay jiritaanka adeegga khamaarka ah ee beryahaan dambe lagu dhaco hantida dadka Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo 1XBET. Adeegga 1XBET wuxuu ka soo hor jeedaa diinteena iyo shuruucda dalkeena, wuxuuna saameyn xun ku yeeshay dhaqaalaha, dhaqanka bulshada iyo amniga dalka, sidaas darteed waa adeeg xaaraam ah oo aan sharciyad laheyn. 3- Dhammaan bangiyada, shirkadaha bixiya adeegga mobel money iyo cid kasta oo bixisa adeeg maaliyadeed ee ka howlgasha Soomaaliya, waxaa lagu war-gelinayaa in aysan la macaamilin wax adeeg maaliyadeed ahna aysan siin shakhsiyaad ama shirkado bixiya adeega 1XBET oo mamnuuc ka ah dalka. 4- Hadii ay jiraan shirkado ama bangiyo horay ula macaamilay adeegga 1XBET, waxaa la farayaa inay deg deg dhammaan adeegyada ay siiyeen, isla markaana ay xayiraan xisaabtooda, iyagoo deg deg warbixin ugu soo gudbinaya hey’adda warbixinta maaliyadda ee FRC. Afartaas qodob ayuu guddiga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada u cuskaday mamnuucidda adeegga khamaarka ah ee 1XBET. The post DF Soomaaliya oo adeegga khamaarka ah ee 1XBET ka gaartay go’aan 4 qodob ah appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha oo Qaabilay Diblomaasi Faransiisku soo Magacaabay Hargeysa(Qaran)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabilay Maxamed Saxardiid oo ah la taliyaha Arrimaha Ganacsiga oo dawladda Faransiisku u qaabilsan Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr. Ciise Keyd ayaa sheegay in madaxweynuhu si diiran u qaabilay diblomaasigaas oo uu caddeeyay inay yeesheen wadahadallo midho dhal ah oo lagu sii xoojinayo cilaaqaadka ganacsi ee Somaliland iyo Faransiiska. Dawladaha Ingriiska,Turkiga, Emirate-ka, Itoobiya,Djabouti,Kiiniya iyo dawlado kale ayaa wakiilo ka joogaan Somaliland oo dalalkoodu u soo dirsadeen kuwaasi oo cilaaqaad wanaagsan oo saxiibtinimo la leh Somaliland Qaran News
-
Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa qaaday tallaabo ugub ah oo dadweynuhu soo dhaweeyeen oo ku saabsan in maxkamadda la horgeeyo ganacsatadii lahayd Shixnad dhacday oo ka koobnayd afar baabuur oo raashin ah oo lagu qabtay kaantaroolka waqooyi ee magaalada Hargeysa. Masuuliyiinta Dawladda Hoose ayaa sheegay in kiiskaas la mariyay xeer ilaalinta iyo maxkamadda Gobolka, isla markaana ay Maxkamaddu amartay in la gubo raashinkaas dhacay ee lagu waxyeeleynayay caafimaadka bulshada Somaliland. Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac ayaa sheegay in ay sharciga lala tiigsanayo muwaadiniintii ku duulayay caafimaadka dadkooda, waxaanu guud ahaan ganacsatada ugu baaqay in ay maalkooda iska xaaraantinimayn oo aanay badeecad dhacday u soo waaridin dalka. Qaran News
-
The Somali Government received the good news of achieving the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Completion Point (CP) before the deadline of December 31, 2023, which is a historical milestone for important reasons. First, the HIPC-CP determines the eligibility for full and irrevocable cancellation of about 90% of the $5.6 billion of Somalia’s external debt, committed at the decision point (DP). Second, it confirms the commitment of Somalia to repay the remaining debt, estimated to be about 10% of the total debt, amounting $557 million, and any future debt. Technically, this implies that Somalia’s debt burden is reduced to a sustainable level in relation to its gross domestic product (GDP) and export earnings (EE), although reality casts doubt. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmihii u dambeeyay ka da’ayay roobab xoogan oo daadad wata, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka, gaar ahaan isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka. Xaaladdan ayaa si gaar ah saameyn ugu yeelatay dadka nool degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir oo la’isku yiraahdo xaafadda Madiino ee magaalada Muqdisho. Dadka ku nool halkan ayaa galay go’doon, tan iyo markii ay billowdeen roobabka ka da’aya gudaha dalka, kuwaas oo si guud u saameeyay dadka shacabka ah, gaar ahaan danyarta. Madiino marka la maqlo waxa ay dadka xasuustaan dhibaatada ka taagan marka loo socdaalayo, waxaana xiran halka waddo ee loo maro, waana waddada Ceelqalow. Waddadan ayaa waxaa fariistay biyo fara badan oo hakiyay dhammaan isku socodkii dadka iyo gaadiidka, waxaana taas ay saameysay qoysas badan, sidoo kale waxaa arrintan xal u waayay maamulka gobolka Banaadir oo sameeyey dhowr isku day, balse ma jiro wax kasoo naasa cadaaday, waxaana weli taagan dhibta haysata shacabka. Sababta ugu weyn ee sii kordhisa dhibaatada ayaa ah inay xiran yihiin waddooyinka kale ee loo maro Madiino, sida waddada gasha garoonka Aadan Cadde iyo midda ka baxda isgoyska Banaadir ee ku dhacda isgoyska Korontada ee degmada Wadajir, labaduba waxa ay muhiim u yihiin shacabka, haddana dhowr iyo toban sano lama marin. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bishii October ee sanadkan horay uga hadlay arrintan, isaga oo qiray inay go’doon dadban ku jiraan shacabka ku dhaqan xaafadda Madiino ee magaalada Muqdisho. “Madiino oo dhan waa iska go’doon, waddadooda waa tan Danwaagta, haddii uu Roob da’ana way go’daa, waddadii Ceela Boorkana way ka xiran tahay, tii Banaadir ka baxaysay ee Korontada ka leexaneysay waa xiran tahay, taas waxa ay keentay in marka dadkan ay si dadban go’doon u yihiin” ayuu horay u yiri Duqa magaalada Muqdisho. Madaale ayaa xilligaas ballan qaaday inay dhisi doonaan waddada Madiina, ayna furi doonaan waddooyinka kale, balse ma jiro illaa iyo hadda wax tallaab ah oo loo qaaday. “Waan dadaaleynaa dalka waa dhiseynaa hal dollar ayaan dalkeena ku dhisaneynaa” ayuu markale yiri Guddoomiye Yuusuf Madaale. Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheysa dhibaato adag oo ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimada, waxaana durbo burburay inta badan laamiyadii dhowaan uun la dhisay. The post Dhibaato weyn oo lasoo daristay shacabka xaafadaha MADIINO ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
ABIDJAN, Ivory Coast, November 21, 2023/ — The Board of Directors of the African Development Bank Group (www.AfDB.org) has approved a $10 million equity investment in Dhamana Guarantee Company Limited to support the use of capital markets as an alternative source of long-term funding for infrastructure and the real sector in East Africa. Dhamana will be domiciled in Kenya as a limited liability company with a regional mandate to provide credit guarantees on debt capital market instruments. The Bank Group’s financing will enable Dhamana to issue guarantees for debt instruments. These local currency bonds are intended to boost the credit rating of the instruments to crowd in investment from pension funds, insurance companies and sovereign wealth funds to finance infrastructure and the real sector in East Africa. The Bank, together with InfraCo Africa (part of the Private Infrastructure Development Group), Financial Sector Deepening Africa (www.FSDAfrica.org), and local institutional investors and other partners, will be supporting the operationalization of Dhamana. Dhamana will support access to financing for key sectors including transport, water, renewable energy, and waste management, among others. Dhamana is committed to catalyze financing to assist the scale-up of green and sustainable financing into East Africa. Its credit guarantee activities should provide investors with the necessary comfort to support the allocation and intermediation of pools of private institutional investors’ funding into infrastructure.” Nnenna Nwabufo, African Development Bank Director General for the East Africa region, said, “The African Development Bank is pleased to continue to support the operationalization of innovative solutions such as those provided by Dhamana to unlock and channel long-term local currency funding towards the real sector. PIDG’s CEO, Philippe Valahu, said, “African Development Bank joining PIDG marks a significant milestone for the Dhamana Guarantee Company. This additional equity will allow Dhamana to further mobilise significant untapped pools of domestic institutional capital into East Africa’s real economy, such as new green infrastructure, and providers of credit to individuals and businesses. We are committed to catalysing the development of domestic capital markets in Africa, as we seek to unlock investment for bankable, climate-resilient projects to be delivered with the scale and urgency required to meet the challenges of climate change and welcome the support of African Development Bank in Africa to help achieve this goal. Ahmed Attout, African Development Bank Acting Director for Financial Sector Development, said: “The Bank’s support for Dhamana shows the catalytic role and potential of guarantee companies in leveraging opportunities for real sector and infrastructure financing in local currency and local corporate debt capital markets deepening in the East Africa region. The investment in Dhamana follows the Bank’s priority to mobilize institutional financing for infrastructure investment in East Africa.” The Bank’s partnership with Dhamana advances several strategic objectives including to help stimulate local currency debt market financing across diverse infrastructure sectors and enhancing economic diversification and competitiveness in the region. The intervention also aligns with the Bank’s priorities to promote regional integration including through improved infrastructure development, promotion of inclusive and sustainable industrialization, and fostering innovation. The investment aligns with African Development Bank strategic efforts, in collaboration with development partners, including PIDG, to operationalize credit enhancement companies in selected Regional Member Countries. Qaran News
