Abu-wehliye

Nomads
  • Content Count

    71
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abu-wehliye

  1. In qof aan maxkamad dil ku xukumin la dilaa waa xad gudub, laakiinse qofkii ciidamada dawlada ku amarta inuu istaago oo aan istaagin wuu istaahilaa xbad ku dhacda hadeey disho ama ay dhaawacdaba maxaa yeeley qof ogaan kara wuxuu ku fekerayey markuu cararaayey ma jiro.
  2. http://hiiraan.com/news/2013/Mar/wararka_maanta14-21233.htm Cali dheere oo sheeganaaya inuu yahay "qof wadaad ah" wuxuu rabaa Soomalida inuu u celiyo dagaalkii qabiilka ku dhisnaa. Walee waa yaab! Ilaahow soo hanuuni.
  3. Jazaakalaahu kheyran Ya Akhy Bilaal, Miqdad Bin Aswad iyo asxaabta badinkood waxey dareensanaayeen xilqaadista ineey fududeen oo waa lagu baryi jirey! Maantana waxaan argnaa in Muslimiinta badinkood ay dad masaakiin ah u dilaan si ay kursi ugu fadhiistaan. farqi weyn ayaa maanta dadkiis (ilaahey ha ka raali noqdee) iyo anaga inoo dhexeeya. Inta dadka badinkood xukun aan Ilaahey siin ay xoog ku raadsanayaana dhibaatada Muslimiinta we sii saaideysaa. Ilaahayoow adiga ayaa xukunka qofkaad rabtid siisaaya kuwa ummadaada u naxa xukunka nooga dhiib.
  4. Waa waajib Soomaali walba ka saaran ineey kii denbi galaa iska qabtaan oo maxkamadna la saaro, maxaa yeeley waa jidka kaliya ee cadaalad iyo iska danbeyn lagu gaari karo. Yarkan al-Shababka ah ee la soo qabteyna waa in la marsiiyaa wuxuu muteystey. Maamulada Soomaaliya ka jira hadeey iska kaashadaan dhinac nabd gelyado oo ayan amaan siin kuwa denbiyada maamulada ka soo gala waxaanu gaari doonaa inaan hal meel uga soo jeesano kooxaxan. Ilaahayoow Soomaliya ka qabo al-Shabaab iyo kuwa la midka ah
  5. Si al-Shabaab iyo Soomaalida inteeda kale u heshiiyaan waxaa marka hore al-Shabaab looga baahanyayahy ineey katawba keenaan dhibaatada iyo dilka dadka maatada ah ee ay geysteen. Qollo walboo rabto ineey la hadlaan ama la heshiiyaan al-Shabaab marka hore waa ineey hubsadaan meesha ay al-Shabaab ka taagantahay Maamulada ka jira wadanka iyo waa ineey qiraan in dhiiga qofka Muslimka ah uu xaaraan ka yahay qofka kale sida Ilaahey Qur'aankiisa uu ku sheegey.
  6. Ilka-dahable;925706 wrote: waxaan qabaa hadii aysan wax dil ah gaysan oo ay tahay eedayn ama siku day dill in xabsi iyo dhaqan celin loo sameeyo ilmahaan maskaxda laga xaday Waa hadal wanaagsan! Ilama ahan in qof baniaadam la dilo haduusan dil geeysanin. Dhalantyardaan wey qirteen ineey dil ku lug lahaayeen weyna ka qeyb qaateen!
  7. Jazaakalaahu khyra shaqadan aad qabatey walaal
  8. Waranle_Warrior;925057 wrote: Acuudu wuxuba waa 18, 19 jir, qoorta halaga jaro kuwaan fa'iido malahan. Waa dhalanyaro maskaxda laga dhaqey...Ilaahey ha soo hanuuniyee
  9. Waxaan arkaa in laga dheeraado al-Shabaab iyo cidaha la shaqeeya, maxaa yeeley dhibaato mooyaane wax kheyr ah Soomaaliya uma soo wadaan. Soomaalidana waa ineey ku dadaalaan sidey u takoori lahaayeen. Qofkii maxkamad ay ku hesho inuu caawiyey al-Shabaaabna waxaan u arkaa in Sharciga wadanka u yaalo in la mariyo. Ilaahayoow Soomaalida ka qabo kuwa dulminaya ee aan nabad u rabin.
  10. xabad;924387 wrote: well done Puntland. i think you should borrow a leaf from Saudi Arabia and crucify them for 3 days...should send a strong signal and act as a deterrent. Walaahi waa ra'yi wanaagsan
  11. http://raadreeb.com/somali-news/mukhtar-oo-la-sheegay-in-la-diley/
  12. Waranle_Warrior;923101 wrote: Wixi Alshabaab lagu tuhmo (in lacadeeyo xataa khasab ma ahan) waa in jidka lagu qowracaa sidee iyaga dadka uqalaan oo kale, Puntland authorities maxkamada iyo appeal-ka laga hadlaayo maxaa waaye. Alshabaab maxkamad malarabo in lageeyo waa in bartooda marki laqabto masaar lagu kala gooyaa, Marakaykana iyo reer Galbeedkaba waa cadaabaan oo silic udilaan terrorist marka anaga maka jilicsanahay reer Galbeedka. al-Shabab waxaa ku filan in lagu xukumo kitaabka Ilaahay maxaa yeeley Dilka iyo Burburka ay Soomaaliya u geysanayaan wax yar ma'ahan, hadii ayagoon la xukumin aan dilno waxaa muuqaneeysa in anagana sidooda oo kale aan noqoney.
  13. Qofkii ruux bani'aadam ah dilaa waxaa uu ilaahey Qu'raankiisa ku sheegey in la qisaaso. waxey ilatahay in dhiiga Sheekh Cabdiraxman iyo Sheikh Cabdulqaadir aan ku filneyn oo kaliya in looga qisaaso kuwan lamaran habaabiyey ee waxey ilatahay in laga awaal mariyo al-Shabaab iyo dhamaan qof waliboo aaminsan in ruux bani'aadin ah si aan xaq aheyn loo dilo.
  14. Inaa-lilaahi wa inaa ileehi raajicuun. Kowaan maskaxda laga soo dhaqey ee ismiidaaminaayaa ilaahey jidaka saxda ah ha ku soo celiyo. Cidna shaki uguma jiro in ficiladan kuwan lamaran habaabiyey fuliya in Ilaahey raali ka aheyn oo ciqaab aakhiro iyo mid aduunyaba ineey ku muteysanayaan. hadii run ay ka tahay al-Shabaab iyo kuwa la hal maala ineey ayagoo SHUHADA ah dhintaan oo maxey uga cararaan meel walboo looga daba tago oo ay u digaalami karin ilaa ay ka dhintaan. Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan leeyahay yaan la idin marin habaabin, mustaqblakiinan ha ku ciyaarinna oo aakhira iyo aduunyana ha seegina ee ka fogaada al-Shabaab.
  15. Ilaahayoow sheekheena weyn Sheekh Gacamey u naxariiso, waana xaqiiqo in "sheekha loo diley si loodumiyo iftiinka dacwada iyo xaqa" sida boorka lagu qorey. waxaa qof walibo oo soomaali ah waajib ku ah ineey diintooda ka difaacaan kuwaan Khawaarijta ah. sida LOOXAD kale ay sheegeyso al-Shabaab waa Kansar in la iska jaro mudan.
  16. al-Shabaab maalinba maalinta ka danbeeysey dhul ayaa lagala wareegayey intii Muqdishu laga soo saarey, ilamana ahan in reer Jubaland ay fursad kale siinayaan, khilaafaadka wey iska dhamaan doonaan ee si wada jir ah haloo wada hadlo...riixriixida badana haleyska daayo
  17. Waxaa xaqiiqo ah in al-Shabaab iyo kuwa la hal maala uu ilaahey raali ka aheyn maxaa yeeley maalin waliba dhul ayaa lagala wareegayaa...! Waxaan ummadda Soomaaliyeed ee diinkooda jecel kula talinayaa ineey iska qabtaan kooxdan Khawaarijta ah ee ka soo hor jeeda kitaabka Alle iyo Sunnada Nabi Muxammad (SCW). Waxaa muuqata in maalmaha u harey al-Shabaab iyo asxaabteeda la tirin karo! Ilaahoow Soomaalida ku guuleysii ineey ineey al-Sababab wadanka ka saaraan.
  18. Ilaahey ha idinku caawiyo inaad kuwan Khawaarijka ah ka guuleeysataan. Soomaaliya oo dhan ayaa nabad ku noolaan laheyd hadii kuwan diinka sida qaladka u fahmey la qaban lahaa ummadeena. Waxaan leeyahy Ilaahey guul hasiiyo qofwalboo la dagaalamaaya KHAWAARIJTAN cusub.
  19. Waxaa amaan mudan maamulwalboo gacan ka geeysta la dagaalanka gacan ku dheeglayaasha gaar ahaan kuwa diinta u isticmaalo ineey dadka dil iyo dhibaatooyin u geeysta. waxaa Soomaalida u cadaanaaya maalin waliba dhibaatada ma dhamaadka ah ee al-Shabaab iyo kuwa la jira ay u geeysanayaan ummadeena. Aan iska qabano kuwan inteey xidido ku yeelan meel walba.
  20. Baashi;919588 wrote: Innaa Lilaahi waa inna Ileyhi Raajicuun. Alla yarxama. Samir iyo iimaan dhamaan ehelka, inta shiikha taqaaney iyo inta samaha jecel. Qolooyinkan waashay Allaha soo hadeeyo. Aamiin walaal, kuwan Khawaarijka ah waa in Soomaalida ika qabataa si ay intan kabadan diinta u wasaqeyn.
  21. In qof Muslim ah la dilaa waa xaaraan waxaase kasii daran in guriga Allah dhexdiisa loogu galo laguna toogto!!! Waxaan la soconaa in Ilaahey Muslimiinta uu ka xaaraantimeeyey in si xaq aan aheyn ay isku dilaan. Ilaahey Qur'aanku wuxuu nooga sheegey in "Ruuxii u Dila Mu'min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oos ku Waari dhexdeeda, wuuna u Cadhoon Eebe wuuna Laenadi wuxuu u darbi Cadaab wayn". Nabi Muxammad (SCW) waxaa laga wariyey inuu Xadiith minihiisu yahay ku yiri" Waxaan ku dhaartey Allaha nafteyda gacantiisa ku jirta ee Ruux Muslim ah oo dil loo geeystaa waxey Ilaahey agtiisa uga weeyntahay in aduunyada oo dhan la baabi'iyo" Mar hadeey arintu sidaa tahay maxaan ku fasiri karnaa dilaka loo geeystey Sheekh Cabdulqadir Gacameey? Sheekhu sidaan la socono wuxuu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee waaweyn, dilkan loo geeystey ee xaq darda ahna waxaa qof walboo muslim ah waajib ku ah inuu cambaareeyo, waxaana waajib inagu ah inaan uga qisaasno kuwa ka danbeeyey dilkiisa. Waxaan halkaan uga tacsiyeeynaayaa ummada Soomaaliyeed meel walboo ay joogto dilka sheekh loo geestey waxaana leeyahy "Inaa-lilaahi Wa-inaa Ileyhi Raajicuun".
  22. Inaa Lilaahi wa inaa ileehi raajicuun...wey dileen! waa kuwa diinta la dagaalamaaya.
  23. Caalamka kama qarsoona in al-Shabab iyo kuwa gaashaan-buurta kula jira ay Soomaaliya ula rabin ineey degto, waxaase ila haboon in cunaqabateenka laga qaado dawlada Soomaaliya sidey u hanato dhulka Soomaaliyeed kagana saarto kooxaxan xag-jirka ah ee ummada Soomaaliyeed u diidan ineey ka nasato dilka iyo gaajada.
  24. Mar wax laga weydiiyey Sheikh Cabdilaziz Binbaz xukunka qof si ismiidaamin ku diley naftiisa iyo koox Yahuud ah oo cadow ah ayaa Shiikhu wexuu Fatwa ku sheegey in ruuxa uu isdilo qalad tahay Ilaaheyna uu yiri" ha is dillina"sidoo kale Nabi Muxammad (SCW) waxaa laga wariyey inuu yiri " Qofkii waxyaalo isku dila maalinta qiyaamo waxaa lagu ciqaabaayaa wuxuu isku diley". Waxaan shaki ku jirin qofka is miidaamiyey inuu ahlu-naar yahay sidaas darteed dhalinyarada Soomaaliyeed ee la maran habaabiyey waxaan leeyahay kuwan ummada dulmiga u geeysanaaya yeeyan idin seeksiin Aduun iyo Akhiro. Qofwalboo arin noocaan oo kale faraha kula jiranan waxaan leeyahy ilaahey u toowba keena oo ka waantoowa ficilada Ilaahey raali ka aheyn.
  25. Walaal Bilaal, Jazaakalaahu canaa kheyra Yaa-akhy, Silsiladan aad Saxaabada kaga hadleysid waa cashar muhiim ah oo anagoo idil inaan ku cibro qaadano mudan. Allah ha inaga yeelo kuwii fahma dhibaatada iyo samirka Saxaabada ay u soo mareen ineey diinkaan nasoo gaarsiiyaan. Waa amaano aad u culus oo qof walboo Muslim ah looga baahan yahay inuu ilaaliyo---waa inaan ka ilaalinaa kuwa sida qaladka diinkan u fahmey ee raba ineey meel uga dhacaan. Alloow naga dhig kuwa diinka fahma oo ku dhaqma.