Shinbir Majabe

Nomads
  • Content Count

    1,055
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Shinbir Majabe

  1. What crimes he committed against People of Hargeysa? Tell me i wanna know it... or haddii ay tahay Dawladdi Siyaad Barre ayuu ka mid ahaa taa lama dhihi karo crime..
  2. According to the article he was killed while he was trying to get back proberty and not in duty for TFg, what some claim here. According to the interview with Macalin C/lle Gudoomiyaha degmada Dharkinley waxaa loo dilay si kama ah.. Guddoomiyaha degmada Dharkiinley Macalin C/lle Cali ayaa VOA u sheegay in dilkii Xildhibaan Aden Buule Max'ed oo maanta lagu dilay Muqdisho ay ka dabeeyeen ciidamo ka tirsan Dowladda Somalia. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dilkaasi ku dhacay si kama ah. Shilkan ayaa dhacay kaddib markii baabuur uu watay xildhibaanka ay ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa bar koontarool ay rasaas ku fureen markii uu diiday inuu istaago. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dilkani yahay mid khalad ah isla markaana haatan la baarayo sababta uu dilkaasi u dhacay. Xigasho: VOA Somali
  3. AUN Buulle, hadda wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Dawladda Soomaaliya... marka haddii la dhaho yaa la shaqeeyay Dawladdii Siyaad Barre dad badan ayaa soo galaya oo uu ka mid yahay Siilaanyo.. micno ma keeneyso haddii qof walbo oo ka mid ahaa Dawladdii hore loogu yeero magacyo xun..
  4. Nope feel he is wasting his talent on the TFG which is corrupt, weak and does nothing for the people. you want him to work for SL instead?!
  5. Madaxweynaha DKMG Sh. Shariif iyo Raisal-wasaare C/weli Max'ed ayaa si wadajir ah u sheegay inaysan ogoleyn fareglinta ciidamada Kenya ee Somalia. Shir jaraaid oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayay labada mas'uul ay ka sheegeen in Kenya ay kaliya ka doonayaan inay taageerto ciidamada Soomaaliya ee ku sugan xadka Kenya ee dagaallada kula jira kooxda Al-Shabaab. Wasiirka Difaaca ee dowladda Soomaaliya ayaa shirkaasi jaraaid ka akhriyay war-murtiyeedkii kulankii dhawaan wasiirrada Kenya iyo Somalia ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Wasiirku wuxuu sheegay in war-murtiyeedkaasi uusan ku qornayn in ciidamada Kenya ay soo galaan Somalia, balse ay labada dhinac iskaashiyo sameeyaan, iyadoo howlgallada Somalia ay kaliya fulinayaan ciidamada Soomaaliya. Dhagayso shirka jaraa'id
  6. Gacuur, Azania is so far the most inclusive and divers platform for the region. Do you have a better option? yes i have.. I belive so much of this useless accusations could have been avoided if Gandhi and his people would have gone to Mogadishu and take orders from the TFG THIS.
  7. Lets give Azania a chance KUD ka guur ee QANJO u guur lee waaye sheekadaada!!
  8. The hand must be next. What will he do, sack the PM? No, Declare war against Kenya!
  9. Good article.. waleh umad ba meel baas looga shaqandhaya is this "shaqandhaya" even a Somali word?! :confused:
  10. Waa laba arrin middood: 1-aade: in Madaxweyne Shariif uu la soo baxay siyaasado laba geesley ah, taasoo ah in uu jiro heshiis kala dhaxeeyo Kenya oo ogolaansho u siinaya iney soo gasho Soomaaliya si ay ula dagaalanto Shabaabka, dhanka kalena dhoolatus wadaninimo usoo bandhigaya Shacabka si aanan loogu darin buuugga madow ee taariikhda Soomaaliya. 2-aade: in Madaxweynuhu la qumanaan weysay soo gelidda ciidamada Kenya ee dhulka Soomaaliyeed ayadoo lagu marmarsiyoonayo Alshabaab, taasoo ka dhigeysa geesi wadani ah, aragtidaas oo ay dad badani hore u qabeen.
  11. Somalia has a really good team this year.. ma tiri.. ma iga hubtaa? yaan meesha leygu ceebeyn!
  12. oba hiloowlow;752754 wrote: gaacuur ilaahay ha uu naxariisto marxuumka rageedi ayuu ahaa, rebellka ayaa cadowga ah Mareykan iyo qashin aa ku shaqeeysanaye patrolkaas uun ayee dan ka lahaayeen uu fiirso hadda xaalada sey noqon doonto waan ogahay Oba in USA iyo dawlado badan ay Libya dan ka leeyihiin, balse Gaddafi asigana kheyr qabe ma ahan oo dagaalkaan wuu baajin karey, haddii uu bilawgi si nabad ah uu isaga dhiibi lahaa kursiga (ka hor inta aysan NATO soo fara gelin). haddase Libyan ka waa iney ka faa'iideystaan oo dalkooda dib u dhistaan.
  13. Allaha u naxariisto! but it's good news for Libyans.. Odaygu macangagsanaa!
  14. Oba, which way you think will be next? Shabeelaha Dhexe (Balcad) or Shabeelaha Hoose (Afgooye)..
  15. Ciidamada dowladda oo la wareegay xarunta degamada Dayniile iyo Tiida Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay xarunta degamada Dayniile iyo deegaanka Tiida ee isla degamadaasi kaddib howl gal ballaaran oo ay halkaasi ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Midoowga Afrika ee AMISOM ayaa isku fidiyay degaannada ay ka kooban tahay degamada Dayniile iyadoo ciidamada ay ay fariisimo ka sameynteen xarunta degamada Dayniile iyo deegaanta Tiida. Howl galka ciidamada ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sii siqo deegaanno hor leh halkaasi ooo ay ku sii baacsanayaan kooxda Khawaarijta Shabaab. Kooxda wariyaal ah oo ka socda warbaahinta qaran oo gaaray halka uu howl galka ka socda ayaa inoo soo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay fariisimooyin xooggan ay ka sameeysteen degaannada Howdka ah si ay u go’doomiyaan Khawaarijta islamarkaana ay u soo qab qabtaan. http://radiomuqdisho.net
  16. Ciidamada dowladda oo la wereegay degmada Dayniile kuna sii jeeda deegaanno hor leh Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay la wareegay degamada Dayniile oo qaybo ka mid ah ay ku suganeed kooxd Al-Shabaab. Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ciidamada Midoowga Africa ee AMISOM ayaa gabi ahaanba saakay ka xureeyay maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab qaybaha ay ugu sugneed degamada Dalniile ee gobolka Banaadir kaddib ciidamada markii ay halkaasi ka sii wateen how galkii ay muddooyinkani wadeen. Saraakiisha ciidamada ayaa iynoo sheegay in how galka uu si wanaagsan u socdo islamarkaana kooxd Shabaab lagu sii baacsanayo deegaannada loo barakacay. Ciidamada dowladda ayaa haatan si buuxda ugu sugan afarta dhinaca ee degamada Dayniile. http://radiomuqdisho.net
  17. Ciidamada dowladda oo ku wajahan magaalada Kismaayo Ciidamada dowladda Soomaaliya ee howl gallada ka wada gobollada Jubbooyinka ee ku baacsanaya kooxda Al-Shabaab halkaasi ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararka uu Radio Muqdisho ka helayo deegaannada Jubbooyinka gaar ahaan deeganka Afmadoow ayaa sheegaya in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya in ay ku sii wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kaddin markii ciidamada dowladda ay kooxda Shabaab la xureeyeen deegaannadda Taabta iyo Afmadoow. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo aad u qala beeysan ayaa howl galkooda u baahiyay goobaha Al-Shabaab ay ugu sunaayeen gobollada Jubbooyinka oo hada howl galladooda ay meel wanaagsan marayaan. Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa Radio Muqdisho u sheegay in aysan joojin doonin howl galka ee uu yahay sidii uu u billaawday si gumaad Khawaarijta looga duq qaado ummadda Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Wariyaha warbaahinta qaranka ee Jubbooyinka Maxamed Ilkacase ayaa isna ku soo waramaya in aysan jirin xiligaani awood Shabaab ka tirsan oo ciidamada dowladda hor istaagi karta maadaama ciidanka qaranka muddo loo diyaarinayay sidii cadowga dadka Soomaaliyeed uu Juubooyinka iyo meel walbo oo Soomaaliya ka tirsan ay ugu sifeen lahaayeen. http://radiomuqdisho.net
  18. Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ka waday gobollada Jubooyinka ayaa caawa fiidkii si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Wariye Maxamed Axmed Ilkacase oo ka mid ah wariyeyaal ka socda Warbaahinta Qaranka oo la socda Ciidammada Jubooyinka Howlgallada ka wada ayaa soo sheegaya in Ciidammadu ay si nabad ah kula wareegeen degmada Afmadow kadib markii ay halkaasi cabsi aawgeed u faarujiyeen Maleeshiyada Shabaab. Saraakiisha hogaamineysa Ciidammada ka howlgalaya gobollada Jubooyinka ayaa iyana Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya u sheegay in howlgalku uu ku socdo sidii loogu talagalay islamarkaana ay hada ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubada Hoose. Waxaa marba marka kasii dambeysa isasoo taraya guullaha isdaba jooga ah ee ay Ciidammada Dowladdu kasoo hooynayaan howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyada Kooxda Shabaab balse degmada Afmadoow ayaa ka mid noqoneysa degmooyinka iyo deegaannada gobolkaasi ee laga xoreeyey Maleeshiyada Khawaarijta. http://radiomuqdisho.net/
  19. I don't mind any country which has mandate to support and train the Somali National Army.. Kenya included!
  20. U mean Ethiopia can come back now to chase Alshabab ?? I don't want Ethiopia to come back as i trust the National Army with the help of Amisom can liberate all SOMALIA.
  21. So Ethiopia was right to invade to crash Islamists ??? so you're comparing Islamic Courts with Alshabab?
  22. Al-Shabaab oo ka baxday Afmadow Wararka ka imanaya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada kooxda al-Shabaab ay xalay 3-dii habeennimo ka baxeen fariisimihii ay kaga sugnaayeen magaaladaasi. Sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku dhaqan magaalada Afmadow, maleeshiyada al-Shabaab oo watay gawaari tekniko ah ayaa waxay u kala dhaqaaqeen dhanka Bu’aale iyo Kismaayo. Ka bixitaanka al-Shabaab ee Afmadow ayaa ka dambeysay kaddib markii ciidamada DKMG ah iyo kuwa ururka Raaskaambooni ay ballaariyeen howlgallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka. Ciidamada dowladda waxay shalay la wareegeen deegaanka Qooqaani oo 58 km u jira Afmadow, iyadoo dagaalkii shalay ay ka qeybqaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Kenya, sida uu noo xaqiijiyay Korneel Maxamed Cabdullaahi Yuusuf oo ka tirsan taliska hogaaminaya ciidamda dowladda ee gobollada Jubbooyinka. Korneelka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, ilaa iyo inta ay ka wada saarayaan deegaannada gobollada Jubbooyinka. Ma jiraan ilaa iyo hadda mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac oo ka hadlay ka bixitaanka al-Shabaab ee Afmadow. Kala soco Bar-kulan wixii warar ee arrintan ku soo kordha. http://www.bar-kulan.com
  23. Wararka Naga soo gaarayo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa kuwarama in Xarakada Al-Shabaab ay guud ahaan faarujiyeen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose iyadoona ay halkaasi ay hada ku dhaw yihiin Ciidamada Dowlada iyo kuwa Raaskanbooni ay Wehgliyaan Cidamo Kenyan ah. Kabixitaanka Al-Shabaab ay ka baxeen Afmadow ayaa kadanbeysay kadib marki ay ka war heleen in Ciidamo Soomaali iyo Kenyan oo Diyaarado iyo Dabaabado Dagaal kuhubesan ay kaabiga kusoo hayaan Degmadaasi sidaa darteedna ay isaga baxeen Degmadaasi. kahor inta aysan Shabaab ka bixin Afmadow ayaa lagu arkaya Diyaarado Dagaal fara badn oo dul heehabaya kuwaa oo ana wax duqeymo ah geesan balse cabsi galiyay Dadka Shacabka ah iyo Xarakada Al-Shabaab. Dad Goob joogayaal ah ayaa ku warama in Xaalad Kacsanaan iyo cabsi ay hada ka jirto Degmada Afmadow mana jirto cid hada si toos ah u mamausha Degmadaasi ee labada dhinac marka laga reebo Shabaab oo ka abxay iyo Cidanka Huwanta ah oo kusi jeeda hada. Waxii Warar ah ee amuurtan kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Danbe insha Allah. Allbanaadir.com