
Paragon
Nomads-
Content Count
8,464 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Paragon
-
Dowlada Iyo MMI oo qabsaday saldhigyo Warar is khilaafsan ayaa ilaa iyo hada ka soo baxay saldhigyo muhiim ah oo lagu kala qabsaday dagaalada galay maalintii afaraad, inkastoo dagaalada ay haatan yihiin kuwo ka yar sidii xalay iyo waabarigii saaka, waxaana aagaga dagaalka ka socdo laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo aan sidaa u buurneyn. Warar aan la xaqiijin oo ah kuwo isa soo taraya ayaa kuwooda ugu badan waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay qabsadeen goobo ay horay u joogeen Kooxaha Mucaaradka, gaar ahaan Xoogaga Xisbul Islaam. Saldhigyada Yaaqshiid iyo Wardhiigley ayaa wararku sheegayaan in ay la wareegeen Ciidamada Maxkamadaha ee taabacsan Dowladda, kuwaasoo ay ka garab dagaalamayaan Ciidamadii Milateriga Dowladii hore ee lagu soo tababaray Ethiopia, kuwaasoo saaka dagaalka ku soo biiray. Sidoo kale warar kale oo iyana hada na soo gaaraya ayaa sheeaya in Xoogaga Alshabaab oo dagaaladaas qeyb ka ah iyana ay la wareegeen Garoonka Cayaaraha Stadium Muqdisho oo dagaalka xoogiisa ka socday labadii maalmood ee u dambeysay. Inkastoo aanay haatan dagaal xoogan ka socon magaalada Muqdisho, waxaana xilligan oo saacada Muqdisho tahay 12-ka duhurnimo ay xaalada u muuqataa mid yara xasilooney, laakiin meelaha wali Ciidamada isku hor fadhiyaan ayaa rasaas teel teel laga maqlayaa, waxaase dhici karta in labada dhinac uu wax walba ka dhex bilowday saacado gudahood. Ilaa iyo hada Labada dhinac ee dirirti u dhaxeysa ayaa guulo aan badneyn kala sheeganaya, iyadoona dagaalku yahay mid kolba meel u guur guuraya, mana jirto cid wali ku kala adkaatay, marka loo eego in labada dhinac ay marba meel isku racdeystaan Onkod News
-
^Lol. Nuune, ku mee adeer. ---- Maxakimta oo la waregay Wardhigleey Ciidamada Maxkamadaha islaamka ee taabacsan dawlada Midnimada qaran ayaa caawa la wareegay saldhiga wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho kadib markii garabka xisbul Islaam oo iyagu gacanta ku hayay Saldhigaasi lagu ee deeyay in ay ka danbeeyeen qarax lala beegsaday gawaari Kolonyo ah oo ay saarnaayeen saraakiil iyo Ciidamo katirsan maxkamadaha islaamka. Sarkaal u hadlay maxkamadaha islaamka ayaa sheegay in la wareegida saldhiga wardhiigleey ay timid Markii ay u arkeen Kooxda Xisbul islaam garabka Dr Cumar Iimaan Abuubakar kuwa la safan oo gabaad u ah Kooxda Al-shabaab. Afhayeenka Xisbul islaam oo isaguna hadlay ayaa sheegay in Kooxda Jabuuti ay soo weerareen Saldhigyo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, Isagoo si gaar aha farta ugu fiiqayay saldhiga wardhiigleey oo ahayd Goobtii ugu weynayd ee ay ka talinayeen. Warar caawa laga helayo Goobaha dagaalka ayaa sheegaya in garabka Shiikh Maxamad Cameey ee Xisbul islaam uuna ka tirsan yahay Shiikh Yuusuf Indhacadde ay ku jiraan qaban qaabo dagaal ,Iyadoo laga yaabo in ay garab siiyaan Ciidamada Maxkamadaha islaamka ee taabacsan Shikh C/qaadir Cali Cumar. Magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinacyada waqooyi barri iyo bartamaha waxaa ka soconayo dagaalo laga cabsi qabo in ay ku faafaan guud ahaan Degmooyinka Gobolka banaadir . Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha Rasmiga ah eek ala gaaray dhinacyada ,balse waxaa jirta in Kooxda Al-shabaab ay wado qorshe ay ku weerarayso mas uuliyinta iyo saraakiisha maxkamadaha iyadoo aanay meesha kamarnayn weeraro bambooyin ah oo ay la beegsanayaan Guryaha Xildhibaanada. Gurmad ciidan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu soo gaarayay magaalada Muqdisho kuwaasi oo kooxda Al-shabaab uga imaanaya Degmooyinka balcad iyo Marka ,halka Xisbul islaamna uu gurmadku iga imaanayo Degmooyinka Afgooye iyo ********. Dad badan oo kamid ahaa dadkii dib ugu soo laabtay Guryahoodii ayaa bilaabay in ay dib uga alaab qaatan Hoygooda ,gaar ahaan dadka dagan Degmooyinka yaakhshiid iyo dayniile ee magaalada Muqdisho. Baaqyadii iyo Codsiyadii ka imaanayay Culumaa u diinka ,ganacsatada iyo waxgaradka Muqdisho ayaa guul dareystay waxayna hada natiijadu isugu tagtay in ninkii xooglihi uu reerka u haro. Dawlada Shiikh Shariif ayaa waxaa soo wajahaya Culaysyo iyo dhaq dhaqaaqyo dagaal oo uga imaanaya Kooxaha Mucaaradsan dawladooda, waxaana muuqata in hadii arrimuhu sidaan usii socdaan ay halis gali doonyo sii shaqaynta dawlada Midnimada qaran.. Onkod news Muqdisho
-
^Lol. Ouch.
-
Muqdisho: Shariif Sheekh Axmed oo badalay jawiga dagaalka Muqdisho, lana kulmay Odayaal iyo rag taageersan. 11. maj 2009 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- Print This Article | Daabaco warkaan Muqdisho(AllPuntland )- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta iyo shaleyba Muqdisho kula kulmay Odayaasha la baxay Midnimada Beelaha ****** iyo hay'ada Culumada Soomaaliyeed ayana la baxday oo uu kala hadlay xaaladaha magaalada Muqdisho. Shirarkan ayaa loo diiday in ay wax badan ka ogaadaan Suxufiyiinta Madax banaan ee jooga magaalada Muqdisho, balse warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in ay isla soo qaadeen suuragalnimada dagaal balaaran oo lugu hakeeyo kooxaha diidan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya, gaar ahaana Xaafiiska Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu Shariifku soo jeediyey fikir dhahaya in ay inta badan goobaha ay difaacyada kaga jiraan Kooxaha la dagaalamaya dawladiisa, ay shacabku baneeyaan si goobahaasi loo garaaco oo dagaal culus uqaadaan. Sarkaalkan oo ka gaabsaday magaciisa sababo ku saabsan dhanka amaanka ayaa shaaciyey in uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ugu baaqay Odayaasha in ay fikirkaasi qaataan ayna dadka deegaanka ka dhaadhiciyaan in ay goobahaasi baneeyaan si looga saaro xaafadahooda kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Shariif Sheekh Axmed fikirkiisan ayaa soo dhaweyn kala kulmay sida la xaqiijiyey qaar ka mid ah ka qeybgalayaashii shirkaasi, waxa ayna sheegeen in ay doonayaan in talaabooyinkaasi la qaado, ayagoo ku riday xukun kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya. Kulamadan magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili ay jiraan dagaalo qaraar oo ka socda magaalo madaxda dalka Soomaaliya, kuwasoo si gaar ah udhexmaraya ciidamada ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya oo dhinacyo badan ayagoo ah ay iskaashanayaan iyo Ciidamo taabacsan kana tirsan Shariif Sheekh Axmed. Hadii la hirgaliyo talaabada Shariif Sheekh Axmed waxa ay dhabar jab weyn ku noqon doontaa dad badan oo ku dhaqan caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, oo marar badan ka qaxay deegaanadooda, waxaana la xasuustaa in dawladii Prof. Cali Maxamed Geedi ay kalsoonida dadka Muqdisho ku weyday deegaano ay dagaal awgeed ubaneysay. F. C. Geylan AllPuntland
-
Ciidamada Dowlada Somalia Oo La Wareegay Qaybo badan Oo Kamid Ah Muqdisho {Muqdisho}11-05-09Ci idamada dawladda ayaa maanta dib ula wareegay kontaroolka Afgooye ee duleedka magalada Muqdisho halkaasoo mudo kooban ay gacanta ku hayeen xoogag taabacsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in xoogaga Al-Shabaab ay kontaroolkaasi ka tageen habeenkii xalay, ka dib mudo kooban oo gacanta ay ku hayeen maamulka kontaroolkaasi. Dagaaladii maalmahan ka socday goobo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sababeen in dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab la wareego qaar ka mid ah xarumo ay joogeen ciidanka dawladda . Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir, C/fitaax Shaaweeye oo maanta shir jaraa'id ku qabtay kontaroolk Afgooye ayaa sheegay in ciidamada dawladda dib ula wareegeen halkaasi. Shaaweeye ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisu u dul qaadan doonin in la barakiyo dadka shacabka ah isla markaana arrintaasi uu si weyn uga soo horjeedo, sida uu yidhi Warkan ayaa yimid iyadoo dagaal kulul ay ka socdeen magaalada Muqdiho maalmihii u dambeeyay iyadoo dad badan oo ka cararaya dagaaladaasi ay ka barakaceen deegaanadooda. Widhwidh Online News Desk..Media Center
-
^It wouldn't take much to make it the capital, Abwaan. Rabitaanka shacabka wuu iman goorteey gaarto. An administration city hub is all a government needs, and I think if Garowe already acts as a capital city for Puntland, a little infrastructure expansion will see the job done. It's one of the safest cities for now, don't contest that?
-
Garowe can be Somalia's capital city ..why not?
-
^Plenty of Somalis, like who? Agents like Aweys?
-
Breaking News: Sharif Ahmed requests AMISOM to send MORTARS into the city
Paragon replied to General Duke's topic in Politics
^Yes, I know he's up to his old tactics, and it was clever of the Sharif to cut links with him ASAP. I hear Indha-cade is saying he didn't side with the other side. I mean it's quite clear that the planning was bigger than him - even a certain clan have now vowed to give their tikniko over to X. D. Aweys. All after a glimpse of a seemingly clear victory. Lol. Alla yaa u sheega udbaheey asleeysaaye comes to mind. -
Originally posted by Emperor: ^Paragon, no offense brother but today you sound confused or perhaps you inteded to cofuse us perposely quote: The matter is not about control but about control. Two different things altogether. Lol. Looooooool, makes too much sense Lol. It's the policy sxb. Confusion has its purposes - its setting the stage for a surprise. PS: About recognition, I think haddeey recognition of Yey's government joogto I think I was the 'first' person to recognise him, even dedicated a poem to him in the poetry section.
-
MoonLight, don't conclude too soon, mate.
-
^Lool. Ma JB baa minder-kooda ah? Emperior, lol. Waa talo nin weyn. Sxb, anigu waxaan leeyahay bal yaanan la degdegin illeen cayaari waa gelin dambee?
-
Breaking News: Sharif Ahmed requests AMISOM to send MORTARS into the city
Paragon replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by General Duke: Paragon: TFG was attacked in Baidoa and had to fight to clear these clowns. Sharif was sleeping with the enemy and now it has turned on him. I think if you search for my responses to the Baidoa war, I totally objected to it from the get go. My advice was to reconcile. That was before indha-cade called a jihaad on all. -
Xiin Ninku ma sidan buu ahaa? This is the first time aan wax uu soo qorey si fiican u akhriyo. Emperor, imisa jeer ayaa la yiri the caravan is gone?
-
^Lol. Duke wuu fahmay, adiguse? Caqli meeh! ayaa ku haysatta?
-
The matter is not about control but about control. Two different things altogether. Lol.
-
^Adigu ma tunnel vision habowsan ayaad wax ka aragtaa?
-
Asmara's grand delusion is now full blown. Lol.
-
http://shabelle.net/ News/audioPlayer.asp ?fname=mon7pm.mp3&SE L=WMP
-
^If he didn't do that the likes of Indhacade will get the excuse of opposing him. Now all reconciliation jestures have been exhausted. If the Sharif fights to bring order to Mogadishu, there are no grounds to opposite him. Sxb, it's politics before naked power.
-
^Thank you, sister. Tell it as it is, runta Allaa nagu jecele.
-
^Of course they will. Thoughts and hopes that are beyond one's capacity to envisage are indeed frightening. Hurling accusations or allegations are the halmarks of a soul in disperate throes hoping to find premature vindication. Hala yaabin.
-
^I didn't remove anything. I actually added after the edit. Lol. Are your eyes OK?