xiinfaniin

Nomads
  • Content Count

    14,528
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by xiinfaniin


  1. ^^Abtigiis is a UN man who milks the misery of Somali people --- he can never be righ. Besides when it comes to politics and its intricacy , he composes after my style , the family has a division of labor you know GAROODI, Abtigiis waa gabyaa , anaguna bahashaan karinaa :D

     

    Saa u fahan.

     

    The change in the constitution and Puntland's objection has hit Hassan Sheekh where it hurts the most, in the diplomatic circles. Yariisow was dismissive before why he is talking about it today , it tells you a lot.

     

    Faroole has taken a vacation , while his stir in the political water generated a beautiful ripple effect that is even reaching Hargeysa :D

     

    when asked the suffering he caused , he procured his response in the tradition of poets:

     

    Intee niri dagaal waa xunyee , nabad inoo daaya

    Intii niri dal iinaan lahayn dawlad ku ahaada


  2. Abtigiis, it appears you either do not understand what the issues are or you are resorting to your old habit of being Gabal-Daye

     

    Garoodi, welcome back bro --you've been missed in these boards

     

    ps. Constitution has been signed in Nairobi ---until the referendum in 2016 , it is not supposed to be altered. Meelo istifsaal u baahan baa jira, laakiin beddel ala Warlord den/Mogadishu style are not acceptable to Kismayo and Garowe---and quite frankly it should not be acceptable to any region


  3. Kismaayo–18 Juun,2013–Puntlandi.com– Malayshiyaadkii dhawaca u geystey Yaasiin Raadaar ayaa weerarkoodu ahaa mid qorsheysan oo lagasoo abaabuley meelo Magaalada ka baxsan, Yaasiin Radaar ayaa maanta isku dayay inuu ciidan dhowra oo jidgooyo sameyey ayna isaga isku hayb yihiin uu lasoo hadlo, markuu u tagay wax yar ka dib waxaa dhinaca gadaale uga yimid laba nin óo isla maleeshiyaadka ahaa oo meel ku gabanayay waxayna rasaas ooda uga qaadeen Yaasiin Radaar iyo ilaaladiisii ka dibna way kala yaaceen, waxaana halkaas ku dhawacmey Yaasiin radaar oo laba xabo Madaxa uga dhaceen.

    Kooxdii falka geystey waxay markiiba bilaabeen iney dib isu urursadaan waxayna ka dul dhaceen koox kale oo ay U shegeen kana dhaadhiciyeen in Yaasiin Raadaar la diley oo ay dileen Ciidanka Raaskambooni, Waxayna markiiba bilaabeen iney si qarsoodi ah isu urusadaan, ka dibna waxay isugu tageen guri ay horey usii calaamadsadeen, iyagoo aminsan in Yasiin Radaar geeriyoodey.

     

    Dhawacii Yaasiin radaar waxaa markiib loo cararay Dhinaca Garoonka Diyaaradaha oo uu kuyaal Isbitaal gaara oo Amsiom leeyihiin, Madaxweyne Xigeenka Jubaland Mudane Cabdullaahi Fartaag wuxuu durbadiiba isugu yeerey Saraakiisha Ciidanka wuxuuna Amar ku bixiyey in isaga loo daayo soo qabashada nimankaan falka geystey, waxaana Nimanka xabada ridey aqoonsadey mid kamid ah ilaaladii Raadaar.

     

    Xero Ciidan oo ku taal Magaalada ayaa markiiba Madaxweyne Xigeenku war galiyey wuxuuna amrey in lasoo qabto maleeshiyaadka falka geystey dhamaantood sida ugu dhakhsaha badan.

     

    Ciidanka Xerada oo u tabaabusheysanaya iney bilaabaan howlgalkii ay kusoo qaban lahaayeen Maleeshiyaadka ayaa waxyar ka dib waxaa Xeradii is qabsadey sawaxan, ka dib markii ay Xerada soo galeen Baabuur gaaraya sadex oo Maleeshiyo ka buuxdo kuwasoo ku dhawaaqaya “Raadaar Waxaa diley Raaskaambooniyiintii” Waxaa durba la gartey in Sadexda Baabuur ay saaran yihiin Ragii Dhawaca u geystey Radaar ee ciidanku ay doonayeen iney soo qabtaan, waxaana markiiba la isku hareereeyey Baabuurtii, ka dib markii ciidanku ay Xabado digniin ah kor u rideen.

     

    Kooxda dhawacdey Yaasiin Radaar waxay Xerada usoo aadeen iney Marin habaabiyaan Ciidanka ku xereysnaa oo ay iyaga,Yasiin Radaar iyo Ciidankuba ay halbeel wada yihiin ayna uga dhaadhiciyaan in Yasaain radaar ay dileen Beel kale oo magaalada degta, si iyadoon wax la hubsan Xabad la isugu bilaabo.

     

    Nasiib wanaag Ciidankla Xerada waxay durba heleen Warka Rasmiga ah, waxayna haysteen amar kasoo baxay Madaxweyne Xigeenka amarkasoo oranaya waa in ragaas la soo qabtaa Nolol ama dhimasho, intii loo tabaabusheysanayay sidii lagusoo qaban lahaa ayay iyagii iskeeneen, sidaasaana lagu qabtey Ragii ka dambeyey isku dayga, waxaana hada ku socda Baaritaan ku aadan Cida ka dambeysey Weerarkaan qorshaysan.

     

    durba waxaa xerada soo gaarey Madaxweyne xigeenka iyo Saraakiisha Ciidanka Jubaland waxaana markii loo waramay loogana sheekeeyey qisadii dhacdey la ogaadey in Arintu ay ahayd mid qorsheysan Yasiin Radaarna la doonayay in la khaarajiyo si Dagaal iyo Qas magaalada looga abuuro.

     

    Yasiin Radaar hada waxaa lagu daweynayaa Isbitaal ku yaal Nairobi, oo goor dhawayd la geeyey, kala soco Puntlandi oo xaaladiisa caafimaad la socda, wixii soo kordha.


  4. AMISOM oo Raadaar dawayneysa

    18 Jun 18, 2013 - 9:07:25 AM

    Magaalada Kismayo ayaa laga soo sheegayaa in xaalada caafimaad ee Yaasiin Nuur Raadaar ay wanaagsantahay oo ka mida saraakiisha maamulka Jubaland ka dib markii saaka uu ku dhaawacay magaalada nin ay isku hayb yihiin oo ka tirsan ciidanka.

     

    Isbitalka ciidanka Kenya ee garoonka diyaaradaha ayaa lagu dawaynayaa ,waxana ka socda magaalada baaritaanka ninkii falkan gaystay oo la aqoonsaday ,iyadoo ay sheegeen masuuliyiinta Jubaland dhowaan inay gacanta ku soo dhigi doonaan.

     

    Raadaar ayaa ka mid ahaa saraakiisha Raaskambooni ee qaybta ka ahaa hawgalkii Al-shabaab looga xoreeyay Jubooyinka ,isagoona ka dib gudoomiye ku xigeen u ahaa Shiikh Axmed Madoobe ka hor intaan la isla dhex marin in kursiga wasiirka arrimaha gudaha Jubaland loo wado,waxana ilaa iyo haatan aan la ogayn sababta ka danbeysay in askariga uu rasaas ku furay masuulkiisa.

     

    Dalka Kenya ayaa la filayaa in loo qaado berito hadii ay dhakhaatiirtu ku taliyaan oo wax looga qaban kari waayo Isbitalka AMISOM ee Kismayo.

     

    DF Somalia ayaa horey madaxda iyo masuuliyiinta Jubaland ugu edeeyeen inay ka hurinayso gobollada Jubooyinka colaad beeleedyo ,iyadoona dadka wada dega goboladaasi hub iskugu dhiibtay sida la sheegay.

     

    GAROWE ONLINE


  5. War Deg Deg ah–Yaasiin Raadaar oo Xaaladiisa Caafimaad soo wanaagsanaatey loona qaadey Nairobi

     

    Kismaayo–18 Juun,2013–Pi– Sida ay Puntlandi u xaqiijiyeen dhakhaatiirtii Kenyanka ahayd ee gacanta ku hayay Yaasiin Raadaar oo maanta Maleeshiyaad dhawaceen ayaa Xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsan tahay, Waxaana loo duuliyey Nairobi, halkaasoo qaliin dhinaca madaxa ah loogu sameyn doono.

     

    Laba xabadood ayaa Madaxa uga dhacay ay midi ka dustey halka midi ay fariisatey Madaxa balse ma ay fadhido meel khatar ah ayuu yiri Dhakhtarkii Kenyanka ahaa ee gacanta ku hayay.

     

    Maamulka Dowlada Jubaland ayaa durbadiiba diyaarad khaasa ka dalbey Nairobi, intii ka horeyseyna waxaa lagusii Daweynayay Mudane Yaasiin Raadaar Isbitaal Mobil ah oo Ciidamada Kenya ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

     

    Marka Diyaarada la saarayay aad ayuu u wanaagsanaa wuuna sheekeynayay ayuu yiri sargaal ka tirsan Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Jubaland.

     

    Wixii soo kordha Xaalada caafimaad ee Yaasiin Raadaar kala soco Puntlandi.com


  6. 40 have been arrested in relation to this morning's attempt to assassinate prominent Jubbaland politicians.

     

     

    War Deg Deg ah— Maleeshiyadii dhaawacdey Yasiin Raadaar oo gacanta lagu dhigey

     

    Kismaayo–18 Juun.2013–Puntlandi.com– Sida ay warka rasmiga ku heleen Howlwadeenada Puntlandi waxaa ga´canta lagusoo dhigey Maleeshiyaadkii isku dayay iney khaarajiyaan Yaasiin Raadaar oo ah Masuul sare oo ka tirsan Maamulka dowlada Jubaland oo dhawaciisa hada lagaarsiiyey Nairobi.

     

    Cidaamada Jubaland garab ka mid ah ayaa ka dambeyey soo qabashada kooxdii dhawacdey Raadaar, waxaana hada lagu hayaa Xabsi aan la shaacin meesha uu yahay, waxaase loo badinayaa in Xabsi ku dhexyaal xero Ciidan lagu hayo.

     

    Howlgalka oo ahaa mid qarsoodi ah waxaa qabashada nimankaan oo ahaa 7 qof ka dib ciidanku xabsiga dhigeen ugu yaraan 40 Maleeshiyo ah.

     

    Goor dhow waxaan idiin soo gudbineynaa Warbxin dheer oo ku saabsan sidii loo dhawacay Yaasiin Radaar iyo sidii loo soo qabtey ragii dhawaca geystey iyo Waliba sheeko Xiiso leh oo nimanka Dhawac gaystey ay isku dayeen iney sameeyaan Markey dhawaceen Yaasiin Raadaar ka dib.


  7. Dowlada Federaalka oo iska fogaysey eedaymihii ku aadanaa waxka badalka lagusameeyey Dastuurka

     

    Muqdisho–18 Juun,2013–Pi– Afhayeenka Villa Soomaaaliya Cabdiraxmaan Yariisow beeniyay Eddeymaha losoo jeediyey Xukuumada, wuxuuna sheegey inaysan Dowlada Federaalka ah waxba ka taaban Dastuurka aysana awoodaas lahayn, wuxuu raaciyey in waxka badalka Dastuurka ay ku shaqo leeyihiin Xildhibaanadu oo Baarlamaanka oo qura wax ka badali karo.

     

    Ing. Yariisow wuxuu sheegey iney jiraan Qodobo la taabtaabtey kuwasoo ay wax ka badaleen Gudi ay lixda saxiixayaashu u saareen arintaas, isagoo Tusaale usoo qaatey Qodobka tilmaamaya Caasimada, oo awal shakli ku jirey balse wakhtigaas laga dhigay ama lagu cadeeyey Dastuurka in Caasimada Soomaaliya ay tahay Muqdisho.

     

    Dowlada Puntland ayaa sheegtey iney heleen oo gacanta ku hayaan cadeymo qeexaya in dastuurkii lagu heshiiyey Wax laga badalay, oo Dastuurka hada yaal Baarlamaanka uu yahay mid qaldan oo la dhoodhoobey.

     

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Mudane Jawaari ayaan ilaa hada ka hadlin eedeymahaan kasoo yeerey Puntland.