
Wiilo
Nomads-
Content Count
2,611 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Wiilo
-
AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA:
Wiilo replied to Wiilo's topic in News - Wararka
Qaybtii Ugu Dambaysay ee Qoraalka. ISBEDEL KUDHACAY QORAALKA MAGACYADA AF-SOOMAALIGA Isbarbardhig labadan magac: Khadar: waa maalin Khadar. Kadar: Kadar oo dibi dhal. Sida aan ku xusnay meel kamida qormada sare, luqada qoran ayaa ah tan rasmi ahaan u gudbeysa jiilka cusub, hadaba marka aad waayadaan dambe fiirisid qaabka Soomaalidu u qoraan magacyadooda waxaad arki doontaa in ay u higaadiyaan sida ingiriiska uu magacaaso ku noqonayo, xataa hadii ay qorayaan qormo ama maqaal ama war Af-Soomaali ah. Akhristow, waxaad eegtaa qormooyinka Internetka ee ay Soomaalidu qoraan, waxaad arki doontaa in qoraalo aad u farabadan oo ku qoran luqada Soomaaliga ay ku saxiixan yihiin magacyo u higaadsan si aan Soomaali ahayn. Tusaale waxaa kuugu filan in aad arki doontid sida magaca Khadar in loo qorayo Kadar oo samaynaya macno aad uga duwan sida uu af-Soomaaliga magacaasi ku ahaan lahaa. Hadii qoraalku uu ahaan lahaa Ingiriis cilladaasi ma muuqan lahayn, laakiin marka qoraal Af-Soomaali ah lagu saxiixo magac Ingiriis ah waxaa soo bixi kara magac wata macne kaduwan kii asalka ahaa. AFAFKA IYO DHAQAMADA KALE Marka aad lakulantid qof aan Soomaali ahayn oo kudhaqan cariyadaas ay Soomaalidu hadda degeen, waxaad arkasaa in qofkaasi aad u xiisaynayo in uu wax ka ogaado dhaqan Soomaalida iyo hab Nololeeedkooda. Halaas waxaad ka garankartaa sida ay aadamigu u jecelyihiin qofka leh dhaqan lagu yaqaan. Tusaale ahaan waxaa dhici karta in maalmaha qaybtood meelaha dadku isugu yimaadaan lagu qabo kulan ay kasoo qayb gelayaan dad iyo jaaliyado kala duwan, taas oo qolo waliba soo bandhigeyso cuntada ay caadada u leeyihiin oo ay ka dhaxleen awoowayaashood, iygoo ku faanaya. Waxaad arkaysaa in qof awoowihiisii tobnaad ku dhashay waddan kaduwan kan uu hadda deganyahay uu weli yaqaan isaga iyo duriyadiisuba luqadii asalka ahayd ee awoowayaashiisa, taas oo faanweyn u ah qofkaas. Waxaad arkaysaa in wadamada badanaa ay Soomaalidu hadda degeen ay tixgelin weyn siiyaan dadka haysa dhaqankoodii. Haddaba maxaa Soomaalidu u dayacdaa dhaqankaas. Maxaan carruurteena u bariweyney luqada aan ku hadalo si aynaan ugu baahan in la inookala tarjumo. GABAGABO Waxaan qoraalkayga kooban kusoo gabagabaynayaa xusuusin aan Soomaalida xusuusinayo sida ay qiimaha u leedahay xafidaada luqad asal ahaan aad u leedahay, taas oo aad si sahala taariikhda, murtida iyo xigmada ugu gudbin kartid ubadkaaga iyo jiilasha dambe. Waana hawl weyn oo sugeysa dhammaan Soomaalida maadaama ay hadda ku kala firirsan yihiin dalal kala afaf ah. Akhrsitow, luqad waxaa xafida oo u tebiya jiilka dambe, isla mar ahaantaana taariikhdooda ku gudbiya waa hadba jiilka markaas jooga, hadaba hadii aaynan arintaas hadda waxkaqaban sow arintu ma noqonkarto sida ku xusan cinwaanka qoraalkan. Jawaabta akhristaha ayaan u daayey. Waxaan qoraalkayga kusoo xirayaa arin farxad leh, taas oo ah in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo isku taxalujiyey sidii Afka Soomaaliga loo bari lahaa ubadka yaryar, waxaana tusaale u soo qaadanayaa Soomaalida Sweden oo muujisay in ay tusaale ugu noqonkaraan Soomaalida qurbaha. Waxaa farxadleh in ay Soomaalida Sweden ku hawlanyihiin sidii ay u kobcin lahaayeen Afka Soomaaliga iyaga oo hadda gacanta ku haya barnaamij ay taakulaynayso wasaaradda waxbarashada ee dalka Sweden. Arintaas waxaa hormuud u ah Soomaalida deggan magaalada lagumagcaabo Umea ee dalkaas Sweden. Waxaa hadda jira bog guriyeed hawshiisu socoto oo kusaabsan kobcinta Afka Soomaaliga ee Soomaalida Sweden. [Eeg halkan]. Mahadsanidin. Waxaa iskusoo dubaridey: Maxamed Cali London, Ontario, Canada Email: html@somalitalk.com URL: html.somalitalk.com -DHAMMAAD- Wabillaahi Towfiiq:... -
Waa sidee inoo Wad halkan....... Go figure:.............
-
It is just a simply Q ppl, just Answer it........ Go figure:............
-
See me, hmmmmm, Naah u are gonna c me........ Go figure:................
-
AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA:
Wiilo replied to Wiilo's topic in News - Wararka
AF-SOOMAALIGA ASALKA AH. MANALAGARAADBAA Ma ogtahay in kelmedaas ay ku dhanyihiin toddobada xaraf ee labanlaabma. "Afka Soomaalidu waa af baallaaran, erayasiisuna badan yihiin, dhan loo eegaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masafo iyo madadaalo, hees iyo heello, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayoba waa af hodon ah, oo murti macaan ka buuxaan, qoto dheeri iyo qaayana Eebbe weyne u yeelay, dadka ku hadlaana ku kalsoonyihiin, dantooda iyo waxay doonayaana ku sheegankaraan. Eray walba oo erayadiisa kamid ahi wuxuu leeyahay dhawr eray oo la mid ah ama la macno ah. Eray walba waxaa ka abuurma dhawr eray oo kale. Afka Soomaaligu wuxuu kamid yahay afafka looga hadlo Geeska Afrika. Dadka afafka baaraa waxay leeyihiin in uu kamid yahay afafka reer Xaam, gaar ahaan "Kuush", xiriir dheerna wuxuu la leeyahay afka Gallaha." Sidaas waxaa hordhac ama arar kadhigay mid kamida buugaagta ka nabad gashay buruburkii diiwaanka Soomaalida ee sannadihii 1990 - 2001. Buugaas oo sannadkii 1973 ay qortay wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya waagaas. Waxaa taasi ku tuseysaa sida uu afka Soomaaligu u yahay mid aad u xeel dheer oo ay kabuuxdo murti qoto-dheer. AF-SOOMAALIGA HADDA Sida aan hordhaca kumuujinay, waxaad arkaysaa in maanta uu afka Soomaaliga ah qiil-qiil kujiro. Taas oo ay jiraan dad siwacan ugu hadla [da'weynta] laakiin aay halistahay in qormadiisu gabaagsi noqoto haddaan hadda ladabaqaban. Waxaad ku dhex arkaysaa Soomaalidii u soo dhoftay dhulal ka fog Soomaaliya in carruurtii ay dhaleen intii ka dambaysey 1990 ay adagtahay in aad sheeko layeelatid adigoo aan kula hadlin luqada hadba wadanka ay joogaan. Tusaale ahaan waxaad tegeysaa xaafadda Dixon loo yaqaan ee kutaala Toronto, Canada, waxaad lakulmesaa carruur badan oo ku cayaaraya bannaanka oo kuwada sheekaysanaya luqada Ingiriiska. Haddaad isku daydid in aad wax weydiisid ama sheeko la yeelatid adigoo ku hadlaaya luqada Afka Soomaalida waxaad arki doontaa in aysan fahmayn waxa aad u sheegeysid ilaa aad ugu sheegtid afka ay fahmi karaan ee ingiriiska. Akhriste waxaad xusuusataa in carruurtaas aan xusnay in lagayaabo in hooyooyinkood aysan garanayn Afka Ingiriiska, taas oo lagayaabo in lagaaro heer lookala tarjumo Hooyo iyo ilmeheeda yar, iyagoo weliba meel kuwada noolaa weligood. Madhici kartaa in ay jirto arin ka xanuunbadan in canugaaga ama ilmahaaga lagaaga tarjumo!. Qiso xanuun badan oo ka dhacday Magaalada Garissa ee dalka Kenya ayaa waxay ahayd in qoys Soomaaliyeed oo Maraykanka deganaa muddo ay fasax ugu yimaadeen eheladooda oo markaas joogtey magaaladaas. Qoyska safarka ku yimid waxaa kamid ahaa dhawr carruur ah oo aan garanayn wax aan ka ahan Ingiriis. Markii carruurtii ay yimaadeen magaaladii ayay soo booqdeen xaafad ehelkooda ah, markaas ayaa carruurtii lagu yirin: Kani waa awoowahaa, tani waa ayeeyadaa, tani waa habaryartaa, tani waa eedadaa, kani waa adeerkaa, kani waa abtigaa, iyo kelmedo lamida. Halkaas markii sheekadii maraysey ayaa mid carruurtii kamida oohin bilaabay, markaas ayaa laweydiiyey waxa uu u ooyayey, markaas ayuu ku jawaabey intaas oo dad ah oo aanan af-garanayn oo ehelkayga ah ayaan ka xumahay. Ilmihii yaraa waxaa lasheegay in uusan farxad habayaraatee ku qaadan fasaxii reerku ku tageen Kenya ilaa uu kusoo laabtay halkii ay joogeen dadka ku hadla luqada uu garanayey. Mar aan ka qaybgalay shir ballaaran oo Soomaaliyeed oo laguqabtay Magaalada Minnesota, ayaa mid kamida dadkii shirku martida u ahaa soo jeediyey erayo xigmad badan ku dheehantahay, isaga oo ka hadlayey Afka Soomaaliga iyo ubadka hadda waxa uu yiri: "Waxaan da'yarta u kala qaybin lahaa saddex qaybood oo kala ah Ilma Soomaaliya, Ilma Utaange, iyo Ilma Sandiyeego." isagoo sii sharaxa arintaas waxa uu yiri "Waa ilma Soomaaliya oo waxay si fiican u yaqaanaan Afka Soomaaliga akhrin, kuhadal iyo qorisba. Waa ilma Utange oo way kuhadlaan Afsoomaaliga laakiin maqorikaraan. Waa ilma Sandiego oo waxay ku hadlaan Afsoomaali barax ah, qoraal iyo akhrina iskaba daa." [ Tixraaca Eeg]. Taasi waxa ay ku tuseysaa sida Afkii Soomaalidu uu tartiib tartiibu u suulayo, waa haddii aan jiilka ubadkan dhalay hadda katabaabulshaysan arintaas khatarta ku ah jiritaanka bahweynta Soomaaliyeed ee asal ahaan dega Geeska Afrika, haddase ku baahey dhammaan daafaha dunida. Go figure:............... -
You know what!! I'm sick of hearing Ethopia this and Ethopia that. Haddii aan Allaah i cadaabeyn waan leynlahaa Warlordska daba dhilifka u ah Ethopia, anigoo waliba soo soocanaya raga aan ogahay inay naftooda u hurayaan dadkooda iyo waliba dalkooda. Aniga waxaan oran lahaa madaama ay ragu Soomaaliyeed u tabar la'yihiin inay maamulaan dalkooda haloo dhiibo "Dumarka" ayagu ha maamulaan wadanka. Hal dhibaato baa imaan la'heyd taas oo ah "Anigaa kaa dahab badan iyo anigaa kaa Dirac badan" taana ma keenila'hayn dhibaato fara badan.(kaftan) Balse haddii runta loo noqdo, ragii Soomaaliyeed waxay u kala baxey kuwa la soo cararay Naftooda iyo kuwa isku dhajiyay wadankii ee u shaqeeya "Ethopia" bal haddii aan runta ka hadalno "Raga" maanta Ethopia ku SHAQAYSATO ee garan la' inay Ethopia cadow nagu tahay damacsan tahayna in Soomaaliya waligeed NABAD noqon waxa aan ka sugayno bal iisha? Qofku haddii ALLAAH caqlisiiyay waxaa lagu gartaa markii uu qofu u yimaado uu u sheego inuu dhibaato ka taliyo Qofku wuu fakaraa oo wuxuu is waydiiyaa "Waa maxay Danta Qofkan ugu Jirta in aan Dhibaatadan Sameeyo" kolkaa buu Yiraahdaa baxoo iga tag Masamaynayee. Marka Ragaan caqlikoodiiba "Xabasho" Basbaas cuntay u taliso Maxaa laga Sugaa? Waxaanba Ka Cabsadaa inuu "Dhiikar" igu Dhaco Ciil daraadiis. Wabillaahi Towfiiq:
-
Xoogsade walaalkiis runtii sida aan haatan kuu arko waxaa tahay nin aqayaar ah walina kaftan yaqaan. Sida dhabta ah, cadaalad waxaa uun sameynkara Allaah , annagu haddii aan nahay Bini aadan waxaa isku daynaa inaan cadaalad sameyno balse boqolkiiba boqol kuma guuleysanno. Runtii anigu waxaan lahaa madaama su'aal tan la mid ah lagu soo qoray meeshan waxaan bal mid u yara eg haddana ka duwan halkaan ku qor anigoo waliba damacsanaa inaan arko sida uu ra'yigiinu yahay about this topic. Garab Tuujiye walaalkiis maxaa waaye fowdadaan dear, come on..... Go figure:................
-
See more pictures of (Somalia) Muqdisho before the war. http://www.swan.ac.uk/cds/rd/mogimage.htm#Before%20the%2020th%20century
-
Originally posted by Garab Tuujiye: XUXXUXUXUXU.....ogeysiis ogeysiis... Dadweynaha SOL waxaan idin ogeysiinayaa war si fariin ahaan la iigu soo dhiibay. waxaana ii soo dhiibeen sxb yadee..(OG-Moti,caveman,Alleubaahne,Xoogsade,khayr,Underdog,Qac'Qac,)....... Warka wuxuu sheegay sida fikradooda tahay, in tii gabar fiican aheed eesan jirinba!..waxee isku wada raaceen in gabartii fiicanba uu ka danbeeyey nin fiican. Ama ha ahaado aabaheed ama walaalkeed. hadalkaas waxee sii raac sheen in esan jiri karin gabar ayada si caadigeed u fiicnaan karto with out some kind of guidence from a man. Ragani waa odayaal timestay oo wili bidaarta ka in ee gasho ka xishooneysaaaaaaaaaaa! Marka waxee ku cagu jugleeyeen in hadal kooda la qaato maxaa yeelay waxee lee yihiin " ninkii raba gabar fiican, horta ha is hubiyo in uu asaga yahay nin fiican"............ Anigoo ah Ina baqti lagde oona ku magac dheer Garab Tuujiye oona kusii magac dheer Fadhi Kudiri oona kusiiba magac dheer air marshal King the 2nd oo wili kusii magac dheer ina dacas site oona wili ku qatiman FEEBARO waxaan idin leeyahay........... WAREEEEEEEEEEEEEEEEER BADANAAAAAAAA!!!! Garab sxb maad iska sheegtid runta, waan u jeednaa inuu kani yahay ra'yigaada iyo waliba sida ay kula tahay............... nEcbiyAaaaaaaa:...........
-
Heedhe Inantaada Afka Sameyso...
-
Oooooooooooh FF thank u so, I should say Jizaakalaah Qeyr dear, Aamiin Aamiin......
-
1) Maxamed Saleebaan Tubeec . a) Hooyo (the best) {# uno} b) Gufaaco c) Nasteexo d) Geelaa ( I don’t know the name of the song, may be it is called Geelaa) e) Neyruus with Magool f) Aroor g) Aramiduu with Magool h) Guryasamo with Maandeeq i) Aamiin Allahayow (Waxaad igu Abuurtaan La’atkeysan Waayee) k) And all other Saleebaan Songs (Simply the best songs) 2) Khadra Daahir a) Gabal Daye b) Xageen Talo Kaha Hagaagaa c) Isha Sacabka Mari (the best) d) Afka Lagama Sheegto Adigoon Jaceyl Arag e) All other songs 3) Hibo Nuura a) Aaminka ducadiyo Ala baariga mooyee with Faarax G Samatar b) Ma Muujiyee Jaceylka waan Maldahiyaa c) Daalo- ha iga tagine ii Tali 4) Xassan Aaden Samatar a) Arbaciyo Isniin b) All his other Songs 5) Sahro Axmed a) Waqtigii Idhaafiyo b) All her other Songs 6) Salaad M. Shardi a) Ima Ogide Waxaan Ahay 7) Ahmadey Abu bakar a) Qoraxdii Dhacdayba, qiseey subixi (Qarnigoo Labaatan ah) b) And all his other songs 8) Cumar Shoolli a) Ladabaalo Caashaqa (The best) b) And all his other Songs 9) Abdi Qadar Xassan a) Gacalooy Jaceelkani 10) Maryan Mursal Ciise a) Waan Ku Daalay Raadiskaaga (the best) b) All her other Songs 11) Magool a) Dalmar & Deeqo b)Aan is helno c) All of her songs. Heeso Reer Xamiri Ah: (Ruwaayado) 1) Mashaakilkii Jeceylka 2) Damac Adduun 3) Habla Yahoow Hadmaad Guursan 4) Kibirkii Caashaqa 5) Shumeey 6) And all other Ruwaayado The List can go on and on but to make it short.. http://www.geocities.com/faaraxc/songs.html jEcLiyAaaaaaaaaaa:............
-
Dear CheckMate, what if your mother died long time ago? what would you do? :confused: Well, my mother passed away years ago, and there is no substitute eaither......I Mean "Habar-yar"...... Thanks though, I love my Mother................ jEcliyAaaaaaaaaaaa:.............
-
Originally posted by Simply_the_Best: good somali women are married to good someli men! but wait a minute I'm not married so what does that make me....aah i need to get married Loooooooool@simply_the best well, dear ur right, so what does that make me :confused: :rolleyes: I need to go back "Home" and get married soon too(kidding)................... Go figure:.................
-
Loooooooooooool@simply_the best
-
I bet FF has so much to say,,,,, :rolleyes: (me too)
-
I cann't understand why u are offended by this topic? OG_MOTI I wasn't trying to offend anyone especailly you dear. the purpose of this topic is just to get Male Perspective that is all. My apology to all. go figure:.............
-
Haye bal warka soo daa A J, warba adaa hayee.... Go figure:.........
-
I guess "balance" would be a fair word to discribe my writing. Dear Hasna, I couldn't agree you more..."Maqbiyo" weeye Dumarka Soomaaliyeed ku wooda Fiican............. Go figure:.........
-
A section exclusively for health and health issues? wow! I think it will be beneficial to all of us particularly those who want to major in Health {Of course I'm one those}....I guess I'm gonna have to waite until something is posted here................peace..... Go figure:.............
-
Jizaakallah Yaa Uqti
-
Cajaa'ib Sheeqow Go figure:.........
-
AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA Soomaali kawelwelsan aayaha luqadda Afka Soomaaliga Janaayo 2002 HORDHAC Waxaan daaray telefishanka lagumagcaabo PBS qaybtiisa Minnesota, xilligu wuxuu ahaa galab, waxaa markaas tv-ga kasocdey barnaamij cilmiyeed. Waxaan aad ugu farxay markaan maqlay codka qof ku hadlaya Af-Soomaali oo tarjumaya barnaamijka halkaas kasocdey. Waxay ahayd mid niyaddayda aad u hiyikicisay oo soo xusuusisay berisamaadkii iyo TV-gii Soomaaliya oo waagaas kuhadlijirey Afka Soomaaliga. Barnaamijkii oo aad u dheeraa, waxaa tarjumayey qof Afka Soomaaliga aad ugu xeeldheer, siwacanna luqada u kaladhigdhigay. Wuxuu barnaamijkaasu u muuqdey amaba uu ahaa mid aad looga sooshaqeeyey, oo laga fiirsaday is waafajinta erayada iyo sawirka TV-ga shaashadiisa kasoobaxayey. Waqtigaas oo ahaa abaarihii bartamihii bishii Diseembar ee sannadkii 2001 anigoo galabtaas aad u faraxsan ayaan hoos uga soo degey gurigii aan barnaamijkaas ku daawaday, irida guriga ayaan waxaan ku arkay qoraal ku qoran laba-luqadood; Af-Soomaali iyo Af-Ingiriisi. Ileyn TV-gii sida wacan u tarjumey ayaa weli maskaxdayda kasii guuxayey, umana qaadan in ay luqadahaas qoraalka ku qoran ay khaldanaan karaan; Isha ayaan lasii raacay, waxaana ku qoraa albaabka gurigaas lagasoogalo sidan: All Persons Must Show Valid ID Waxaana lagu tarjumey sidan: Qof Kasta Waa Mey Tustaa Caddeyn Sawi Leh. Waxaan hordhacaas u soo qaatay in aan akhristayaasha xusuusiyo in wixii qoraal ah ay yihiin kuwa rasmiga ah, islamar ahaantaana lagayaabo in ay gaaraan jiilasha dambe, khaladkuna ay ku habboontahay in latoosiyo inta uusan gaarin heer aan waxba laga qabankarin. Maadaama TV-gii sida wacan loo tarjumey, maxaa sababay in qoraalkaas aadka u sahlan loo tarjumo sidaas kor ku xusan. Weliba akhristow ogow magaaladu waa Minneapolis oo dhallinta yaryar ee Soomaalida ah ee qoraalkaas arka ay u qaadan doonaan in sidaas loo tarjumo maadaama ay aad xariif ugu yihiin luqada Ingiriiska, marka la barbar-dhigo tii waalidkood. Dabcan, marka Afka loo gudbiyo oraah ahaan qudheedu waxay keeni kartaa khatar, gaar ahaan marka laba luqadood la isku tarjumayo; tusaale waxaan taas ugu soo qaadanayaa qiso kadhacday Minnesota, USA, taas oo ah in tarjumaada Af-Soomaali iyo ingiriis si aan sax ahayn la isugu tarjumey ay sababi gaartey in qof naftiisa waayo, qisadaas oo ahayd: Hooyo Soomaaliyeed ayaa dhakhtar loo geeyey, markaas ayey qofkii uturjumayey kutiri "USHEEG WARAABOW BAA IGU DHACAYE", qofkii tarjumayey wax a uu dhakhtarkii ugu warceliyey "She said I was bitten by a Hyena" [Waxay leedahay waxaa i qaniiney Dhurwaa]. Markaas ayaa lagu duray 21 irbadood oo kuwa loogu talagalay dadka uu qaniino eyga qaba cudurka Raabiyada. Halkaas waxaad ka arkikartaa khatarta uu keeni karo Afka oo loo tarjumo si khaldan. Go figure:..........