Haashim

Nomads
  • Content Count

    587
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Haashim

  1. Aryaa xay tahay waa la aamusee, mise walax laga beddelaa la kasi waayay, hee mugga middaan isku fiiriya. Your views on help provided by Social Services to enable you to live in your own home. Mushaari iyo macsharo minaad ku afurto, asaad malawax ka daba gaydo, muufo macsaro iyo maraq lagu darayna casho kuu noqoto, mas'alada kore u daahi maydidaan filaa ee miidiida iyo mahay ka macdahay ayadoo sidii malawax u duuduuban mahaan iigu soo xariiq.
  2. Shoobaro sxb, Thanks, waxaad ka mid tahay ragga hibadooda la rabo in laga faaiideysto, wax la isma dhaamo waa la isku dhowdhow yahay, bal kan aan aniga u horreeyo. Socialising is relating to people. This starts in the family. The need to relate to people continues throughout our lives. Therefore it is good to develop good skills in relationships and to know social rules. Bulshanimadu waa dhexgalka dadka. Waxayna ka bilaabantaa qoyska dhexdiisa. Baahida loo qabo dhexgalka dadku waxay socotaa inta nolosheenu jirto oo dhan. Sidaa awgeed waxaa habboon in la sameeyo xirfado wanaagsan oo xiriirka dadka ku saabsan iyo sidoo kale in la barto xeerarka bulshada. Haye adigana dalowgaaga rido.
  3. Horta tibaaxdaan beri hore ayaan turjumay sidaan ayaanana u turjymay: Warqaddaan waxaa ku qoran macluumaad lamahuraan ah oo ay soo diyaarisay hay’adda dawladda uga mas’uulka ah caafimaadka iyo badbaadada. Haddii ay kula noqoto in macluumaadkaan oo af Somali ah aad si fudud u fahmi lahayd, fadlan godkaan calaamadi oo warqadda dib iigu soo celi si aan kuugu diyaariyo in nuskhada oo turjuman laguu soo diro. Bal midkaana isku daya: Socialising is relating to people. This starts in the family. The need to relate to people continues throughout our lives. Therefore it is good to develop good skills in relationships and to know social rules.
  4. Shoobaro, waa dadaashay oo si fudud ayaa loo fahmi karaa, hase yeeshee xoogaa waad ka sii fiicnayn kartaa adigoo rasmi ka dhaigaya.
  5. Baashi Sxb, waligeeday dhici jirtay in non quud soo doonta isaga quud la bido, Gabaygii Ismaaciil Mire waxaan filayaa inaad xusuusato uu guuguulaha u qaaday markuu arkay isagoo abaarta ka ooyaya; GUUGUULAYOHOW hHADDAAD GUGA U OOYAYSO ... ilaa uu yiri GAAGAABSO YAAN ADIGA GAAR LAGAA QABANE. Dhurwaaga soomaalidu sheegto oo Mudug ka soo tegay oo Nugaal quudka u soo raadsadayna waad maqashay baan u malaynayaa. Marka sxb. Somali marna musqumaasuq la'aan ha ka sugin waayo waa tii horay loo yiri MUSUQMAASUQU WAA SOOMAALI MEHERADEEDE. haddaan u soo noqdo Eray bixinta, anigu waxaan soo jeedin lahaa inaan Eray bixin kaliya lagu koobin ee lagu daro qayb cusub oo la yiraahdo FANKA TURJUMIDDA. Masalan anigaa waxaan soo jeedinayaa: Maxaad ku turjumi lahaydeen oraadhdaan: FAIRNESS FOR ALL, qof wuxuu oran caddaalad loo siman yahay, mid kale wuxuu oran caddaalad dadkoo dhan ka dhexeysa, mid kaloo nsoo boodin oo oran intaa midbna ma aha ee waa wada sinnaan iwm. Su'aashu wxay tahay yaa go'aamin qofka ugu saxsan? kollay anigu waxaan dhihi lahaa qofka oraahda marka hore keena ayaa go'anka kama dambaysta ah leh, sidaas ayayna ku soconaysaa. Haddaba aan ugu hormaro anigu ee bal isku daya oraahdaan: This letter contains important information from the government body responsible for health and safety. If you would find it easier to understand this information in Somali please tick this box and return this letter to me and I will then arrange for a translated version to be sent to you. Xoogaa way dheer tahay, mararka soo socda oraaho gaagaaban ayaan soo diri doonaa. middaan waxaan ku eegayaa bal heerka la joogo. Wadashaqyn wacan.
  6. Raulay baayi Ishaad ka ridday :rolleyes: , Mushaallida aniga iskumaba fiicnin laakiin sambuuskaan u xiiraa, bal caawa markaan taraawiixda ka soo noqdo baan xoogaa iska baarbaarayaa inta ka horreysa waa nooli kulante. Waxaan illobay, ragga qaarkii sida ilo xogogaal ahi ay ii sheegeen ayaamahaan inalama joogin oo xaggaas iyo Nairobi ayaa telefoonku ugu xirnaa bal safiir iyo maareye iyo bal inay wax helaan haddii kollay wasiirradu dhaafayaan maadaama aysan Tikniko haysan :cool:
  7. you forgot one important thing,our nomad tradition the people only count the springs (GU') that they got RAIN, if there is no rain they don't usually count , so if we assume there are at least ten springs that we didn't get rain in his life how old is he then? :cool: There is also other discounts for those who were born in BADIYE, the Islamic year is less than one year for every 33 christian years :rolleyes: So, 10 + 2 min ? = ?
  8. Jumatu Sorry sxb haddan meel khalad ah kaala qaaday, I was never supporter of A/lahi Yususf but at the same timei'm against lawlesness and chaos in Somalia, so if they've chosen him why don't we give him a chance, espicially when we know the alternative; continuation of fighting, hating each other and perhaps divison into 5 or more small states.
  9. Jumatu Sxb. I was one of many nomads who signed that they'll accept the result of this election b4 it appears. no more or less.
  10. Why is it a chance now and never before Rahima? And this is a question for Rahima not for the fanatic supporters of Colonel Yeey, ok. Whether you counted me with those or not, if my memory serves me correctly he said in his first speech after he sworn in and inforont of Ethiopia, Kenyan and many other senior officials, ....Wadddankeenii burbursanaa dhsisddiisa iyo kuwa innaka maqan raadintooduba waa hawl ina sugaysa .... this is what i remember but if you listen again you may find slight different in words not the meaning. So, is this is enough evidence that you and JB claims are ahead of their time?
  11. Or is it may you cannot envisage an opposition to the 'elected' president..? Jumatu, On the contrary. anybody including me could be the opposition to the Somali New Elected government and this is our right as Somalis, but what i don't understand is to go the JUXA way i.e to say Abdulahi Yusuf will neglect NFD and ****** while the real purpose is as you told: The wrong person was picked by currupt and illiterate MPs? what do you THINK? If he put this his title it would be O.K, but why ****** and N.F.D in this case :confused: the case was an election case as he himself mentioned and this is another case.
  12. HASHU HADDAY MAQAARKA DIIDEYSO MEELO DALDALOOLAY KA DAYDAA , JB, instead of talking about "sell out of NFD and ******ia" I think you should better say i'm not happy the result of this election. that's my reading of your articles.
  13. I don't post this sectoin so much, do I? but I hope as Og-girl and of course others said; for the sake of poor, sick, unarmed thus unprotected people I hope that LAW and ORDER will return in our country. Somalidu waxay ku maahmaahdaa "HABARTA MARKA SHAAH U KARSAMAYO WAXAY MOODAA IN HABRAHOO DHAN SHAAH U KARSAMAYO" if you guys ar happy in western countries or elsewher there are many of your brothers who live in slums around rich and powerful Mogadishu, Hargeysa, Bosaso and Kismayo people (Inay cuntada ku dhejyaan xataa kama baqaan). Therefore, regardless of who was elected let's hope that our dignity will return again. It's enough for 14 yrs of lawlesness and ANIGAA KAA XOOG WEYN and ANIGAA KAA TIGNIKO BADAN :eek: . Let's start from Ground Zero and see what the future holds for us.
  14. Habeenkii C/laahi Yusuf Madaxweynaha Somaliya loo doortay subaxeedii ayuu Mudane C/laahi Yususf booqasho ugu tegay Al-xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Markay is bariidiyeen ka dib ayaa C/laahi muuse ku yiri "Muuse haddee waad aragtay oo kabihii aad i tiri waa ka waaweyn yihiin waa iyaga i le'ekaaday" Muuse oo gartay hadalku meeshuu u dhacayo ayaa ku jawaabay "Runtaada waaye kabihii waa ku le'ekaadeen ee mahaad kula socon leheedaa mugga lagaa rabaa" Cabdulaahi oo isna gartay hadalku meeshuu u socdo ayaa ku jawaabay "Muuse mar haddii kabaha la gashado meel lagula socdo la waayi mahayo "
  15. I, MURAAD PROMISE TO ACCEPT WHOEVER IS ELECTED ON SUNDAY 10/10/2004.
  16. farxaan sidaan ka warran? 1) addicted = Caadeysi, caadeysasho 2)allergy = Cuncun, xasaasiyad (carabi) kanna ku darso 3)infection = Hurgun F.G Shirqool, uma baahnid inaad - u dhexeysiisid, sidii hal eray ayaa la isu raacin karaa.
  17. Waryaa J11, war waxaan xaggaad ka keentay ninyohow, ma xalay oo dhan baad soo jeedday markaasaad ku riyootay Taawo-Yood iyo Kasmo-Yood ku lahaa war ninyohow waxaas cid kula fahmaysaayi ma jirtee bahalaha ama aynu carabta ama ingiriiska isaga dayno, Bakaliooriyoos iyo Majiister iyo Doktooraad iska dheh :rolleyes: , hadalladii caadigaa ahaa baan wax u la'nahay adigana Taawo-Yahan wax cusub baad noo keentay , Calaa kulli xaal sxb, xarfaha jira ee u baahan in xabadka laga soo saaro aan isku mashquulino inta aynu kuwo cilmi ah oo cusub wax u raadinayno. Baashi Sxb. bal sidaan ka warran. project = Mashruuc (Arabic but popular) program = Barnaamij (Arabic but popular) surveillance = il-ku-hayn, diirad saarid survey = 1. Xog baaris, Daraasad (Arabic but popular) 2. Guud mar (marka dhismaha laga hadlayo) draft = Hordhac calculator = Tiriye :cool: royalty = 1. Reer Boqor 2. Abaalgud Abwaan :cool:
  18. Horta Akhyaarta waad Salaaman tihiin. Eraybixintu sideedaba ma aha wax adag ee waxay u baahan tahay HIRGELIN , waxyaabaha era-bixinta hirgeliya sidaan ognahay waxaa ugu wayn WARBAAHINTA sida raadiyaha oo kaalinta koowaad ah, wargeysyada iwm, buugaagta manaahiijta ardayda iwm. waxayaabahaas oo dhammi waxay u baahan yihiin DAWLAD , dawladduna waxay u baahan tahay SHARCI iyo KALA DAMBAYN . Erayada af soomaaliga ku cusub ee aan maanta isticmaalayno (inkastoo kuwo intaa boqol laabkood ama ka badan ahi ay dabar go'een) waxaa la sameeyay 30kii sano ee aan dawladda ahayn, wax cusubi ma soo siyaadin 14kii sano ee la hadaa dhacayay, mana soo siyaadi karaan ilaa dawlad mideysan oo hal warbaahin ah leh la helo. Tan macneheedu ma aha in lahjadaha gobollada ama degmooyinku ay dabar go'ayaan ee kuwaasi weligood way jirayaan ee waxaysan noqonayn qoraalka ama akhriska rasmiga ah ee dalka looga dhaqmo, waxay ku koobnaan doonaan dhinacyada aan rasmiga ahayn sida mukhaayadaha, suuqa, guryaha dhexdooda iwm. Hordhacaas waxaan ka watay dadaal kasta oo aan samayno (kama horjeedo in dadaal la sameeyo ha noqdo mid qof-qof ama mid koox-koox ah) waxaad ogaataan inuusan meel dheer gaarayn ilaa dawlad waddanka oo dhan u dhexeysa la helo oo dadka raadiyaha uga sheegta erayada cusub ee xeeldheerayaasha afku allifeen. Haddaan wax idinka xusuusiyo erayada ay warbaahinta uu raadiyuhu u horreeyo ina bareen oo badankood kuqado kale laga soo turjumay waxaa ka mid ah: DABADHILIF, WAR-XUME-TASHIIL, JAALLE, HANTIWADAAG, HANTIGOOSI, KACAAN, GOLE SARE, GAASHAANLE SARE, DHEXE IWM, DHAMME, ALIFLE, DABLE, MAXAYSATO IWM MAAREEYE, ISU-DUWE, MAAMULE, BARE, HOGGAAMIYE, XILDHIBAAN, XUBIN SUGE, MADAXWEYNE, KU XIGEEN IWM IIDHEH, OGEYSIIS IWM Waxaa kaloo iyaguna jira erayo asalkoodu CARABI ahaa oo la sugay lana soomaaliyeeyay sida: BARNAAMIJ, KAADIR, XISBI, JABHAD, MACALLIN, MAAL(IYAD), KHABIIR IWM. Haddaba markaan u soo npoqdo waxyaabahaan ku darsan karo, horta anigoo marmar qolooyin wax u turjuma ayaa waxaa jira erayo ingiriis ah oo i dhibay oo aan af soomaali u waayay iyo kuwo aan u sameeyay laakiin HIRGELIN u baahan. Erayada aan sameeyay qaar waan isticmaalaa maadaama ay markasta igu soo noqnoqdaan oo ma sugin inta dawlad laga helayo waayo wax cusub ma aha, haddaan tusaale idinka siiyo waxaa ka mid ah saacadda ingiriiska oo u qoran tusaale ahaan 9am-5pm, maxaad u qori lahaydeen. waa fududahay inaad u qortid 9ka aroornimo - 5ta galabnimo iwm laakiin marmarka qaarkood waxa khasab kugu ah inaad sida ingiriiska laba xaraf oo kaliya u qortid maadaama uu boosku yaryahay iwm. marka markii hore waxaan u fakaray ar (aroornimo) gl(galabnimo) laakiin maxaad dhihi 7pm fd(fiidnimo) 1:00pm dh (duhurnimo) 11:30pm hn(habeenimo) haddana waxaan arkay inaysan 4 waqti ama ka badan oo kal duwani aysan macquul ahayn sidaa awgeed ayaan go'aansaday inaan sida ingiriiska ka dhigo labo qudha: am=gh (galin hore)iyo pm=gd (galin dambe). Marka asxaabta UK haddaad GH iyo GD aragtaan sidaa u ogaada dadkana ka dhaadhiciya oo hirgeliyayaasha noqda. Kuwa ay adagtahay inaan qoro ilaa la isla meel dhigo oo la isla oggolaado waxaa ka mid ah kuwa soo socda oo aan ilmo fogaal u bixiyay: Telephone: Fogaal hadal TV : Fogaal arag Radio: Fogaal maqal Remote control: Fogaal hage Intaas bal caawa ha inoo joogto.
  19. I recieved this mail from my friend, although its long, it's very intresting and i want to share with you. QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI. ... Madaxda Soomaalida col ma’ahan, oo dad col ah ayaa la heshiisiiyaa. Saaxiibana ma’ahan oo dad saxiiba ah lama kala dhexgalo.... Marka aad booqato Isbitaalka weyn ee Mbagathi oo ah halka la yiri Soomaaliya ayaa ku shiraysa, lagana sugayo iney dowlad ka dhalato dhawaantan, waxaad ugu tagaysaa dad dagan oo jiifa qolol oo aan buuq lahayn, waaga markuu u baryana hawsha ugu horeysa ee ay qabtaan ay tahay iney doontaan raashinkii ay cuni lahaayeen, subixii marka uu soo quraacdo, wuxuu u egyahay sidii nin shaqo weyn Soomaali usoo qabtay. Inta Duhurka laga gaarayo sheeko iyo kaftan ayuu galaa, hawsha ugu quruxda badan agtiisa ee uu qaban karo ama qabanayo, waa inuu hogaamiye hebel caayaa, ama midkuu jecel yahay amaanaa. Colaadda ugu badan ninka uu u hayo waa kii ay saakay isku miiska ku quraacdeen, labada qol oo isku dhaganna ay wada dagan yihiin. Gabar kamid ah kuwa cuntada kariya ayaan ku iri, dadkan halkan dagan maxay yihiin? Halkaanse maxay ka hayaan? Waxay igu tiri. Adigu ma Soomaali baad tahay? Haa ayaan ugu jawaabay. Qof Soomaali ah waxaanan u sheegin ayaan kuu sheegayaa ee i dhagayso ayey tiri. Waxay hadalkii ka bilowday: Dowladda Kenya waxay nagu tiri, dadkani waa dad col ah, waa dad dalkoodii isku soo laayey, waa dad 14-Sano xabad isku hayey, waa dad colaadda u dhaxaysa ay gaartay ineysan 14.Sano ku heshiin sidii ay dowlad u dhisan lahaayeen. Laakiin anigu markaan dadkan arkay iilama eka dad ay colaadi ka dhaxayso, wey isla qoslayaan markay sheekeynayaan, dad goobo goobo u kula fadhiyo oo ay colaadi u kala muuqato ma’ahan, wali ma’arag laba isu gacan-qaadaysa oo leh waxbaan isku af-garan la’nahay. Marka aniga dadkan xaalkooda hal-xiraale ayuu igu yahay. Si kale hadaad u eegto waa niman qurux-badan, dumarka kenyaanka ahna aan ka faanin oo jecel inaan la saaxiibno. Hadaba adaa Soomaali ahee i fahamsii dadkan waxay halkan u joogaan, iyo sida ay run u tahay wixii ay dowladayadu noo sheegtay. Gabadhii uma jawaabin. Waayo umahayn jawaab aan ku qanciyo. Xilayadii uu dagaalku ka socday Burundi iyo Ruwaanda, ayaa mar danbe shir la isugu yeeray jabhadii isleynayey, nin kamid ah dadkii ka qab-qaatay dib-u-heshiisiintoodii ayaa iiga sheekeeyey. Wuxuu yiri: goobta ay ku shirayaan waxay ahayd, hool-weyn oo uu miis balaciisu dheer yahay u dhaxeeyo, kuraastuna ay u kala fogtahay, codkooda mooyee uusan jirkoodu isgaari karin, marka ay soo galayaan hoolka shirarka waxay ka soo kala galaan irido kala duwan, koox waliba waxaa la socota ciidan nabad-galyo, marka ay soo fariistaan hoolkii shirka, ciidanku kama dhex baxo ilaa inta uu shirku ka dhamaanayo. Wuxuu yiri, dowlada martida loo yahay shaqada ugu badan ee ay qabato waxaa weeye sidii naftooda loo kala ilaalin-lahaa, hadii ay is arkaan madaxdoodu, waxaa la ogyahay iney isleynayaan oo ay gacanta iskula tagayaan. Mid-mid salamaya majiro, wajigooda isma-arko, fariimahoodu isma gaaraan. Laakiin maalinta uu heshiisku dhacayo oo ay wax walba isla ogolaadaan, kadibna ay is gacan qaadaan, waxaa meesha laga saarayaa ciidankii nabad-galyada ee iyaga kala ilaalin jiray, si gooni gooni ah ayey iskula kulmayaan, iyagoo isla qoslaya ayaa la arkaa, dad heshiiyey sidoodii ayey u wada dhaqmaan. Hadalkii wuxuu iigu soo gabagabeeyey, Soomaalidu sidaas matahay? "Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “ Nin soo jeedo lama toosin karo†Waxaan ugu jawaabay. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “ Nin soo jeedo lama toosin karo†madaxda Soomaalida col ma’ahan, oo dad col ah ayaa la heshiisiiyaa. Saaxiibana ma’ahan oo dad saxiiba ah lama kala dhexgalo. Markaasuu inta yaabay igu yiri, mawaxay u egyihin sidii ay Soomaalidu dhihi jirtay “ Nin iyo naagtii saaxiibna ma’ahan colna ma’ahan†Waxaan ku iri, hadaan sidaas ugu maah-maahno armaa xaal nalaga qaadaa. Mudo hadda bil laga jooga ayaan booqday degmada Neefaashe oo ah halka uu ka socda shiraka wada xaajoodka Suudaanta, waxaan ku soo arkay dad wax waliba ay u kala soocanyihiin, isku hoolal ma fariistaan, cuntada iskumeel kama cunaan, jiifka sidoo kale, waa dad aan isku sheeko ahayn, waxay kulmaan oo kaliya marka ay shirarka rasmiga ah isugu imanayaan, markaas lafteeda gudiyo unbaa is arka, ee inta meesha joogtaba masoo wada fariisato. Markaan arkay siday yihiin ayaan iri, shirkan waa mira dhalaya maxaa yeelay dad dagaalsan ayaa wada fadhiya, laakiin kan Soomaalida sideebuu ku miro dhalayaa hadaysan dadku colaadi ka dhaxayn. Maxamed Daahir Afrax. Sida uu buugiisa ku sheegay, wuxuu qabaa in maanta ay Soomaali waalan-tahay. Maragna wuxuu ka dhigtay, in Culimada Cilmiga Bulshada ay dhahaan sida qof u waalan karo ayey bulsho dhanna u waalan kartaa. Saas owgeed “Afrax†wuxuu ku qanacsan-yahay in maanta Soomaalidu aysan bulsho ahaan u miyiri qabin. Lafteydu fikradaas iney suuragal-tahay kama fogi. Dhacdooyinka aan is dhihi karo Soomaali maanta ma miyir qabto kuwooda ugu yaryar waxaa kamid ah. Beelaha Soomaaliyeed intooda badan, waxay magacii hogaamiye u ogolyihiin kii ay islahaayeen waa ugu hooseeyaa, aqoon ahaan, xishood ahaan, shakhsiyad ahaan, waliba waxaa af-hayeen iyo lataliyo u ah waxgaradkii reerka. Waxaan aragay mid-kamid ah kuwa ladho Hogaamiye-yaasha Soomaalida oo ay hawshiisa oo dhan tahay in galinka horana uu hurdo, galinka danbana uu khamro iyo qaad isku wado, biilkiisa iyo xurmeyn-tiisana ay qabaan inta dadka ugu sareysa. Midbaa halmaalin 3.Warqadood oo caski isku-wada ah saxiixay. IGAD ayaa ninkii u yeertay, waxaa lagu yiri, sadaxda warqadood ee aad maanta soo wada saxiixday oo hadana iska soo horjeeda ayaa naloo keenay ee teebaa adiga dhab kaa ah? Wuxuu yiri, dadkii ku kala qornaa sadaxdaas warqadood hadaad itustaan ayaan garan karaa midaan sida dhabta ah u taageersanahay. Malaha wixii ku qornaaba ma’uusan akhrin. Kiplagat ayaa la yaabay Soomaalida, markasuu ku yiri, waligay ma’arag tiro intaan le’eg oo wada leh dalkii ayaan matalnaa. Dhawaan markii uu yimid xarunta shirka Kofi Anan, ayaa intii uusan shirka soo galin waxaa Soomaalida lahadlay Kiplagat, wuxuu ku yiri, fadlan waxaan idinka codsanayaa in aydan Kofi Anan wax cunto xumo ah, ama jiif xumo ah, inaydanan u gudbin Kofi Anan. Nimankii Soomaali 14.ka Sano gubayey, ee u diiday iney dowlad-nimo helaan, maanta jagada ugu sareysa ee ay helayaan waa xubin Baarlamaan, iyagoo lamid noqoya qof kasta oo soo gala Barlamaanka. -------------------------------------------------------------------------------- 680 Hotel, Nairobi -------------------------------------------------------------------------------- Eldoret waa Magaalo sidee ah Maalinbaa Isbitaalka ay Soomaalida qaarkood jiifaan ee ah Hotelka 680. soo booqday, irida ayaan ugu imid labaataneeyo qof oo Soomaali ah oo ay hortaagan-yihiin wiil iyo gabadh Saxafiyiin ah oo ka socday warbaahinta Kenya, waxay yiraahdeen anaga 20.qof masawiri karno, ee Wasiirkan hebel ah ayaan rabnaa inaan sawirno, maadaama aan isaga waraysi gaar ah ka qaadayno, lagama-yeelin codsigooda, iyagoo ay Saxafiyiintii caraysan yihin oo ay iska tagi rabaan ayaan ku iri, hal mar kuligood wada sawira, kadibna wasiirka aad goonida u rabtaan gaar ahaan usawirta, maxaayeelay adinkoon kuwan sawir ka wada qaadin idin katagimayaan. Hadaan dadkii wajiyadoodii fiiriyey waxay wada ahaayeen wasiiradii D.K.G. ah. Cali Khaliif Galaydh ayaa igu yiri. Sanadkii 93.kii ayey Dowlada Maraykanka noo yeertay, halmeel ayey isugu kaaya keentay anagoo dhawr qof oo Soomaali ah, waxay nagu tiri. Soomaalidiina marka aad qof qof noola hadleysaan dad caqli badan, aftanno ah, aqoon leh, ayaad u egtihiin, ee bal qolkaas wada gala oo adinku isla hadla oo waxaad isku afagarataan noo soo sheega. Wuxuu yiri Galaydh, waxba waan isku afagan weynay, oo shirkii aan yeelanay wax miro ah kama soo bixin. Maxamed Aadan Sheekh oo markaas kayimid Isbitaalka ay Soomaalidu ku xaraysan yihiin ee Mbagathi, ayaan weydiiyey Su’aashan. Maxaa waayadan shirku usocon la’yahay oo hakiyey shirka? Wuxuu iigu jawaabay, dadkii aan Mbagathi ku soo arkay su’aashaasba isma-weydiineyn, waxay u ekaayeen dad aysan hawli ka dayacmeyn, meel ay ku dagdagayaanna aysan jirin. Waan ka xishoonayaa inaan sheeg-sheego ceebta ay dadkeygu leeyihiin. Qofka kasta oo isku daya inuu tilmaamo wanaagga iyo dhaqamada qurxoon ee ay dadkanagu leeyihiin, waxaa ka hor timaada su’aasha ah, oo hadaad saas u fiican-tihiin maad dowlad dhisataan. Dadka wanaaga iyo khayrka hormuudka u ah hadaysan hadda umadda badbaadin, goormey wax qabanayaan, hadii la dhaho hebel waa nin jaahil ah, hadaanan wax lasiin dagaal iyo colaad ayuu nagalin, imisa ayey qaadan doontaa in dadka wanaagsan ay wax noqdaan. Oday Soomaaliyeed ayaa igu yiri, wiilka aan dhalay waxaan rabay inaan iskuul geeyo oo uu Jaamacad kasoo baxo, si dadka dhexdiisa uu qiime uga yeesho, oo xukunka dalka ula wareego, laakiin hadda sida ay Soomaalida wax ku doorato markaan arkay waxaa igu soo dhacda inaanan wiilkeyga wax barin, horumar iyo aqoonna uusan kororsan, si uu xukunka sidaas ugu gaaro, maxaa-yeelay hadhaw isaga iyo nin aqoon leh markay wax isku qabsadaan isaga ayaa jaahil-nimadiisa lagu dooranayaa. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
  20. Jamal iyo Asxaabta kale oo meesha isugu yimidoow waan idin salaamay, waqtigaa ciriiri ah, laakiin bal wixii aan ku darsan karo haddii ALLE yiraahdo waan ku darsan doonaa.
  21. 2. They attribute to themselves a degree of infallibility and consider their opinion to be the ultimate view, almost as if God's revelation is merely a substantiation of their perspective. I think this is the biggest problem in our Islamic Society. and this is the solution: As Muslims we need to realize that differing does not necessarily imply opposing; that within the broad spectrum of shared knowledge and difference of opinion there is also the uniting factor of mutual respect and the greater interest of the community. Thanks Bashi I would like everybody to read this article and give his opinion about it.
  22. Words of wisdom indeed as long as you secure my position , otherwise it wil change the words of spear
  23. Radio Buur-Hakaba ayaa waxaa u suurogashay inay wareysi dheer la yeelato Mudane/Kornayl/Dr./Nabadoon/Suldaan/Xildhibaan Muraad oo dhowaan si lama filaan ah u taageeray madaxweyninamada BAASHI iyo Ra'iisal wasaaranimada NUR, taas oo muddo 4 sano ah uu ka soo hor jeeday. haddaba wareysigii sidaan buu u dhacay. Radio B.H: Jaalle Xildhiban sida aan la soconno muddo afar sano ah ayaad hortaagnayd inay dawladda Baashi/Nur hirgasho, haddaba maxaa is beeddel ah oo kugu dhacay? Xildhibaan Muraad: wax is beddel ah iguma dhicin Baashi madaxweynahayna waaye. Radio B.H: Laakiin maxaad hadda u oggolatay oo awal ku diiday, ma iyagaa is beddel sameeyay? X/dh Muraad: Doqoni meel lagu diriray eey ogtayah ee mel lagu heshiiyay ma ogo Radio B.H: Laakiin waxaa jira ku-tiri-ku-teen la isla dhexmarayo oo sheegaysa in adiga guddoomiyaha Barlamaanka lagaa dhigayo; marka arrintaa maxaa ka jira? X/dh Muraad: Aniga awal baan sheegay Jagada Madaxweynaha Reer Xagar baa iska leh, tan raiisal-wasaarahana reer Higlaa iska leh, maxaad marka tan barlamaanka iigfu diidaysaa? Radio B.H: marka taas macneheedu waa heshiisku waa mid dhab ah? Xildhibaan Muraad: Booskaas annagaa iska leh Radio B.H: haddaba dad badan oo Soomaali ah ayaa is weydiinaya maxaad u sheegan wayday inaad jagadaas rabtid oo aad isu hortaagtay in dawladu hirgasho adigoo waxyaabo kale ku eedayn jiray! X/dh Muraad: Iyagu maxay u garan waayeen waxa aan rabo, way ogaayeen laakiin dad kalay siiyeen markay u socon waysana waa ii keeneen Radio B.H: marka ma waxaad leedahay hadday maalintii ugu horreysay ku siin lahaayeen waxaas oo dagaal ahi ma dheceen? X/dh Muraad: Suaashaas inaad ayaga weydiisaa fiican Radio B.H: haddaba ka warran hadday ballantoodii oofin waayaan oo jagada baarlamaanka qof kale siiyaan? X/dh Muraad: waa ogyihiin waxa aan samaynayo Radio B.H: bal wax nooga sheeg waxaad samaynayso? X/dh Muraad: Indhahagaad ku arki doontaa Radio B.H: Haddaba sida aan ognahay Gari laba nin kama wada qosliso, maxay yeelayaan raggii kale ee iyaguna quud darreynayay jagadaas adiga lagu siiyay X/dh Muraad: Badweynta Hindiya ha ka soo cabaano End of part 1.
  24. Thanks Nuune, it was great. sidaad sheegtay waaye jiriirico aa kugu jajabayso.