Waranle_Warrior

Nomads
  • Content Count

    978
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Waranle_Warrior

  1. Oba boowe cidina ooyi mayso, my point is Hassan has said this before and was given the middle finger and there is nothing he can do. Look at my title again, I employed the word 'markale', meaning the clanist weak and AMISON protected president keeps barking again.
  2. Ninkaan Jubbooyinka ayuu ku waashay, his main priority is Jubooyinka. Marka uu London tagona armuu Jubooyinka kaliya kahadlaa, kolay inuu kahadli doono shaki kuma jiro laakiin armuu iyada un kahadlaa ayay tahay suaashu
  3. Madaxweyne Xasan Sheikh “Shirka Kismaayo waa sharci daro mana aqbaleyno” Muqdisho–2 May, 2013–Pi– Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo khudbad dheer ka horjeediyey Xildhibaanada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in shirka Kismaayo uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, aysana Dowladiisu aqbaleyn waxa kasoo baxa. Madaxweynaha oo aan horey si toosa uga hadlin shirka ayaa maanta markii u horeysey ka hadley, wuxuuna dhaliiley habka shirka losoo maareeyey, isagoo sheegey iney ka cabsi qabaan iska hor imaad dhexmara shacabka deegaanka inuu horseedo shirkaan. Madaxweynaha oo markuu ka hadlayay shirka Kismayo Xanaaq ka muuqdey wajigiisa wuxuu hoosta ka xariiqey in Shirkaan aysan Dowladiisu aqbalayn, isagoo qolyaha Shirka daadihinaya ugu baaqay iney usoo gacan galiyaan furaha shirka. Puntlandi.com Muqdisho
  4. Maaddeey;944917 wrote: ^ Waranle, sxb. isdeji, teeda kale waxba ma fahmaysid, this is not serious, waa kaftan!. Waxaase dhab ah Pl aad adigu afkaaga ku difaacaysid inay iska ba'day!. Sxb haa aniguba waa iska kaftamaayaa , haa PL inee iska ba'dayna waa lasocdaa
  5. Maaan thats too much badal badalaad, its crazy, walahi dadkaan ineesan daacadnimo iyo dowladnimo rabin halkaas ayay kamuuqataa. Yaab!
  6. Yunis;944722 wrote: ;) Even when the targets are tied to a tree - so much for Puntland special forces that Dettoore Osman and others boast daily in here... lol, accidents happen waryaa, even the American special forces get accidents, this was a friendly fire
  7. Mad_Mullah;944700 wrote: They arrest poor youth, torture them, then accuse them of being Shabab. They wouldn't be touched if they were from an influential family. What do you mean by an influential family? If you mean by the clans in Puntland then majority of them are from influential family, in fact half are from Faroole sub sub sub clan and the rest are from Bosaso and Qardho.
  8. ^loooooooooool, odayaasha HAG waa broken record. Ma aamusaan tabarna mahayaan
  9. Maaddeey;944706 wrote: ^^ Anoo nool yaa Xamar kuu diidi kara, dhibka dhan hadduu intaa yahay waa la xallinaa Abti. Pumadii aad lido kula dabbaalan lahayd ha iska soo illoobin!. Xiin, keyga dhigis kaaga dhimis ... Loolz at this line, walahi I have never laughed so hard. Maadeey madaxyare shoots himself in the foot, waryaa why would anyone depend on your 'Cudud' while they can on theirs and why would anyone should feel the necessity to feel or get safety because of your 'kindness'. Wallee, HAG, kulligood waa isku mid oo iska caqli HAG ayay wataan. However, whats more funny here is how Maddeey spoke for Alshabaab thinking the whole organization belonged to Adan Cayrow but now exposes himself speaking on the mouth of General Galaal.
  10. ^I think Ahmed Madoobe should change a lot of clauses in the constitution and declare himself a King of Jubbaland according to the Somali constitution. That's the kind of language the anarchists understand.
  11. ^You see the anarchists warka gadaal gadaal ayuu ugalaa. Why does Faroole need to attack anyone. Faroole controls a third of Somalia that has everything and I mean everything.
  12. Indeed the anarchists don't understanding the meaning of law or constitution. This shows that Faroole has always been right and that the other side do not consider the consequences of illegality and taking unlawful actions. I think Faroole should alter the copy of the constitution he has and write the capital of Somalia is Garowe, boom and one day should make a press release saying according to the Somali constitution we have Garowe is capital. Markaasna uu dhaho Garowe hadii aysan laraacin inay tahay sida kuqoran constitution dowlada waxa kama jiraan. ~Wallee sifiican ayaa la iskugu waalan lahaa. May be that's sort of anarchy is what the anarchists understand.
  13. ^I though Siyad Barre was a legitimate President , he was not protected by AMISON and was once one of the most powerful Presidents in Africa yet not only was he disagreed with and given the middle finger but he was also kicked out by few rag-tag armed militias. If you think Dowlada AMISON ilaaliso iyo qabiilka xamar fadhiya can overpower the demands of the people of Puntland and Jubbland - huge regions with all its populations, army, infrastructure, influence and with regional and international support, then you are daydreaming. NGONGE, you need to know a lot about Somali politics, you are not doing bad but there are a lot you need to catch up. Faroole and Galaydh are no friend, nor can Galayr ever become speaker because his cousin is the PM - you need to revise your logic. PS: Dadka waxaad moodaa inay kuwaasheen Madaxwaynuhu waa legitimate but also Madaxwaynaha waa maganta AMISON.
  14. What to do you think Xiinow of this latest and very important development? If things still stand as it currently is and both Puntland and SL refuse to attend the conference, what do you think the situation look like? Here Puntlandpost suggesting that waxaa suurtagal ah inuu burburo hadii dhinacyadi kale ku adkaystaan inaysan tagin. -------------------- Garoowe: (pp)- Dowlada Puntland ayaa qaadacdey ka qeyb galka Shirka London lagu wado in uu ka furmo 7 May ka dib markii guul daro uu kusoo dhamaadey wada hadal Puntland iyo DF ku dhex marayey Magaalada Garowe. Afhayeenka Dowlada Puntland Axmed Cumar Libaax (Joore) oo warbaahintu wax ka weydiisey diidmada Puntland ee ku saabsan shirka London ayaa sheegey inay ku timid ka dib markii Madaxweynaha Federaalku sheegey in Puntland qeyb ka noqon doonto Waftida Dowladiisa uga qeyb galaya shirka London. “Annagu waxaan aamin-sanahay in aanu nahay Dowlad jirta oo Madax banaan oo Federaal ah ,xiriro toos ahna la leh Beesha Caalamka,Islamarkaana xaq u leh inay ka hadasho Maamulkeeda iyo Ajandayaasheeda ” ayuu yiri Libaax joore. Libaax joore waxa uu sheegey in Dowlada Puntland xalka shirkaasi uga qeyb galeyso ay u aragto marka caasumaad toos ah ay ka hesho Dowlada Ingiriiska, Balse hadda mowqifkeedu uu yahay inaysan qeyb ka noqon Waftiga Muqdisho ee Xasan Shiikh Hogaaminayo. Axmed Cumar Libaax Joore Afhayeenka Puntland waxa uu intaas ku darey inay u cubtami weysay Caasumaad uu usoo gudbiyey Madaxweynaha Dowlada Federalka Xasan Shiikh Puntland midaas oo uu ku sifeeyey mid u muuqatey inuu ku inkirayo jiritaanka dowladnimo ee Puntland. Dhanka kale ilo xogogaal ah oo la hadley Puntlandpost ayaa u xaqiijiyey in diidmada Puntland ee Shirka London ay ku timid ka dib markii Madaxweyne Xasan Shiikh uu u sheegey Madaxweynaha Puntland in shirkaas saddex qof DF ugu casuntey Puntland, midaas oo kaliftey in khilaafku cirka isku shareero ayna sidaas ku qaadacdo Puntland. Horey waxaa shirka lagu wado in uu ka furmo London ee loo qabanayo dhinacyada Somalida u diidey ka qeyb galitaankiisa Maamulka Somaliland, iyadoona diidmada Puntland ee iminka ay noqoneyso mid fashil ku keeni karta , hadii aanan wax iska bedelin ajandaha lagu casumey ka qeyb galayaasha shirka oo Dowlada Ingiriisku usoo marsiisey DF oo iyana la sheegey inay si khaldan u maamushey Caasumaada. Puntlandpost.com
  15. Culusow alone will be there since Puntland has pulled out now and SL refused to attend madaama dhinacyadi Somalida aysan meesha joogin Culosow kaligiis ayaa isla hadli or perhaps use his shadows as dhinacyada Somalia. What a sight that will be to watch!
  16. Xiinow waan kuusheegay warkii hore wuxuu iska ahaa dublamaasiyeen laakiin sida dhabta ah Culusow mawixii soo dhawayn sooryeen sharfid iyo cizeen ah si aan innaba caadi ahayn oo aan laqiyaasin ayaa loogu sameeyay oo taasu isaguba waa ogyahay mana inkiri karo Somaali oo dhanna waa aragtay balse markii siyaasada lagaaray ayuu dhariiqday sidiisii kadibna kir baa lagu yiri ee kalab yahow Kaaraan isaga noqo.
  17. Iyadoo wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay galabta dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho ayaa wada hadaladii Garowe ka dhacay qodobo dhowr ah la isku mari waayay. Wada hadalada oo ahaa kuwo saacado badan qaatay, isla markaana keenay in saacado dib u dhacaan wafdigii Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn labada dhinac ay isku fahmi waayeen, taasoo keentay in dib loogu dhigay. Inkastoo qodobo qaarkood la isla fahmay oo ku aadanaa arrimaha iskaashiga labada dhinac, dhaqan gelinta heshiiskii horay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland ku saxiixdeen Garowe iyo in la sii ambaqaado dib u heshiisiinta Soomaaliya. Laakiin Puntland oo wadatay ajandayaal ka gooni ah kuwa dowladda Soomaaliya wadatay ayaa keenay in la isku mari waayay, waxaana ka mid ahaa in Puntland ay ka qeyb gasho shirka London iyo arrinta maamul u sameynta Jubooyinka ee shirka ka socda Kismaayo, ayna dowladdu ogolaato. wada hadalada garowe Wada hadaladii albaabada ugu xirnaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa aaqirkii keenay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diido in soo jeedinta Puntland oo ahaa in shirka London lagu daro, iyadoo Madaxweynuhu ku adkeystay in ajandaha shirkaas uu yahay mid cad, isla markaana horay loo go’aamiyay. Qodobada kale ee dooda sii cusleeyay ayaa ka mid ahaa in Puntland ay sheegtay in wax ka bedel lagu sameeyay dastuurkii lagu qoray Garowe, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tilmaamay qodobkaas in dastuurka gebi ahaantiis u baahan yahay in wax laga bedelo, lana saxo. Puntland ayaa laga yaabaa in waqtiyada soo socda ay war cad ka soo saarto shirka London, isla markaana ay mowqif ka qaadato hadii aanay ka qeyb galeyn, ama xubno ka mid ah loogu dareyn.
  18. Madaxweyne Xassan oo soo gabagabeeyey socdaalkii Puntland (Garoowe,Soomaaliya,29 April 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa galabta soo gabagabeeyey socdaal shaqo oo uu labo maalmood uu ku joogey magaalada Garowe ee Puntland. Madaxweynaha iyo wafdigii la socday oo ka koobnaa wasiiro, xildhibaano iyo mas’ uuliyiin kale ayaa si heer sare ah loogu soo sagootiyey galabta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo shir-jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa sheegay in labada dhinac isku afgarteen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiisyadii hore, isla markaana looga wada shaqeyn lahaa wadahadalada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland, xukuumadiisa iyo shacabka Puntland sidii diiraneyd ee quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyey, sheegeyna in Puntland ay door muhiim ah ku laheyd soo afjariddii xilligii KMG aheyd loogana baahanyahay inay dhameystirka dastuurka iyo dib u soo celinta amniga ay kala shaqeyso Dowladda Federaalka ah. Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Puntland shirka London ee 7da May sheegeyna in shirkan ay wada hoggaaminayaan Somalia iyo UK ujeedaduna tahay sidii Dowladda Federaalka looga saacidi lahaa qorsheyaasheeda Amniga, garsoorka iyo dibs-u-hagaajinta dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid taariikhi ah oo waxtar ballaaran u leh shacabka Soomaaliyeed, kana codsaday Puntland inay talo ku yeelato, kalana shaqeyso Dowladda Federaalka ah. Socdaalkan shaqo ee Madaxweynaha ayaa daba socda socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha uu ku yimid Puntland iyo qorshaha Dowladda ee isgaaridda iyo is-dhexgalka shacabka Soomaaliyeed. - Dhamaad - Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa, Somalia, Muqdisho, media@presidency.gov.so
  19. Cumar Cabdirashiid:-Natiijo wax ku ool ah ayaan ka rajeyneynaa shirka'' Gedoweb Online Gedo on Monday, April 29 @ 07:52:05 EDT Wararka (News) Ra'iisal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa rajo badan ka muujiyey in natiijo wax ku ool ah ay ka soo bixi karto shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo. Sharmaake oo kamid ah siyaasiyiinta ka qeybgaleyso shirka ayaa sheegay in marka la fiiriyo sida ay wax u socdaan ay u muuqdaan in shirku ku soo idlaan doono guul iyo natiijo ay ku qanci doonaan dadka deegaanka, isagoo intaas ku daray in uu hadda marayo heer gabagabo ah oo ay tahay in la soo doorto madaxweynihii uu yeelan lahaa maamulka Jubbaland. Dowladda ayuu mar kale ka codsaday in ay oggolaato shirka, islamarkaana kaalinteeda ka qaadato dhismaha maamulka Jubbaland. Siyaasigan ayaa marar badan oo horay cadeeyey mowqifkiisa shirka Kismaayo oo wajahayo caqabado fara badan, iyadoo la sheegayo in la isku heysto musharixiinta beelaha uga qeybgaleyso doorashada. Kulan gaar ah oo muddo toddobaad ah uga socday garoonka Kismaayo 50 madaxda dhaqanka ah ayaa la soo gabagabeeyey Sabtidii, iyadoo la isku raacay in la soo xulo ergada madaxweynaha dooraneyso. C/risaaq Biibaaye Muqdisho. Gedowebnews@gmail.com
  20. Kismaayo(RBC Radio) R/wasaarihii hore ee dowladii kumeelgaarka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shirka Kismaayo uu guuleysto isla markaane la dhiso maamul goboleed ay ku mideysan yihiin dadka ku dhaqan gobolada Jubooyinka iyo Gedo. Cumar C/rashiid ayaa sheegay in dadaalo wax ku ool ah oo lagu dhisayo maamulka Jubaland ay xiligan ka socdaan magaalada Kismaayo,wuxuuna tilmaamay in shirka Kismaayo uu kasoo bixi doono maamul goboleed ay isku waafaqsan yihiin bulshada kasoo jeeda goboladaas,kaasoo hoos tagi doona dowlada deferaalka Soomaaliya. R/wasaarihii hore Cumar C/rashiid ayaa mar kale ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney u hogaansanto rabitaanka shacabka goboladaas, isla markaana ay taageerto shirka maamul u samaynta Jubaland ee xiligan ka socda Kismaayo kaasoo ay dowladu ku tilmaantay mid sharci darro ah. Cumar C/rashiid ayaa ku nuuxnuuxsaday in dadka deegaanka Jubooyinka iyo Gedo ay u baahan yihiin helida maamul dhab ah oo iyaga ka yimaada kaasoo deegaanka ka samata bixiya dhibaatada xiligan ka jirta deegaanka sida uu tilmaamay. Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida weyn ula dhacsan shirka maamul u samaynta Jubaland ee ka socda magaalada Kismaayo. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho
  21. ^That was me, and soon we will undertake the new constitution of Somaliland after the recognition
  22. Xiinow, Faroole also blew the whistle on this; and funnily President Culusow accepted responsibility Walle, Faroole waa nin rag ah.
  23. Che, but they did not. I know it will help the nation if they did but unfortunately that has not materialised and Culusow is to blame for it for sticking to his old tricks of HAGism and ignoring the constitution. Its not like Faroole has made wild demands or allegations against Culusow. Faroole was only demanding, which he been doing for a while now, to stick to the rule of law and the Somali constitution.
  24. ^Its true Sxb, take my word for it. And expect more of a stranger encounter in London next week, Culusow will have hard time if you include that the demonstration organized against him in front of the venue.
  25. ^Got the gist of the Sayid's line but in reality the man was accorded more than a world of a welcome in Garowe but when it came to politics there has been greater disagreements and was told to get lost. Laakiin xaga soo dhawaynta iyo isxilqaanka si sare oo sare cirkaa ah ayaa loosoo dhaweeyay inuu wadanka Madaxwayhiisi yahayna waa loo muujiyay Puntland-na ay hoostimaado xukunkiisa laakiin fikradihiisa iyo policy-giisa lagu diidanyahay ayaan laga gaban oo idhaha laga saaray oo lahoyo xamar kula laabo lagu yiri isaguna ma garowsan oo magarnaqsan ee isagoo ciilsanbuu meesha katagay, warku waa intaas isagoo kooban.