MoonLight1

Nomads
  • Content Count

    2,492
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by MoonLight1

  1. 31 ka mida Fanaaniinta ugu caansan Magaaladda Mogadishu isuguna jira Abwaano,Mulaxaamiist ayaal iyo fanaaniinta heesaha qaado ayaa lagu wadaa inay u ambabaxaan caasimadda Maamul goboleedka Puntland ee Garowe sida ay Waagacusub u sheegeen. Listen Radio1 Radio2 Radio3 Radio4 Radio5 Radio6 Radio7 Radio8 Radio9 Fanaaniintaan oo ay ka mid yihiin Mulaxamiiste Cabdi Kariim Jiir,Baroow,Xeeboow, Surqa yareey,Cabdi Tahliil Warsame,Maxamed Aadan Shamuuri,Abwaan Fareey waxay Puntland balanqaaday inay siineeyso mushaar iyo degaano ay ku noolaadaan maadama Caasimadda Mogadishu ay colaada ku dhex nool yihiin. " Jibouti ayaan ka helnay Martigelinta Fanaaniinta oo waxay noo balanqaadeen inay daryeel noo sameeynayaan hasse yeeshee Maamul goboleedka Puntland ayaa ka soo hormaray waxayna sheegeen in mar hadii aan nahay Fanaaniintii Qaranka Somalia,caasimadiina colaado ka jiraan ay haboon tahay inaan u wareegno Garowe si ku meel gaara"ayuu yiri Fanaan Baroow oo la hadlay Waagacusub. 31-ka Fanaan ee Mogadishu uga baxaya amaan xumida ayaa hore ugu baaqay in laga dhex qaado Colaada ay kula dhex nool yihiin labo garab oo colaadeed,waxaa kale oo ay isku dhaceen Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Federalka Mr Farxaan Ali Gaban oo ay dacwada ka dhana u gudbiyeen Ra'isulwasaaraha. waagacusub.com
  2. The spokesman for Al-Shabab administration in Somalia’s Jubba regions Hassan Yakub told all the people in Kismayo city, the provincial capital of Lower Jubba that any one seen visiting this website will face punishment. and Ahmed Godane and their plan is that any single one that can tell something to two person should be killed. Somalia’s terrorist group Al-Shabab I would call them SOMALILAND terrorist group Al-shabab.
  3. remember few weeks ago when they fought over yaaqshid station thats even worst condition
  4. Ahmadinejad won. Get over it Get over it by who?
  5. Maanta ka bilow waxaan ahay afhayeenka Maamulka Farataag
  6. P/S-land baan faankooda qaati ka taagneen, oo hadana ma Galmudu baa ku soo biirtay. Dee anigana waa inan bilaabaa maamulka la magac baxay Dowlad goboleedka farataag, buunbuunintiisa. naga daaya nimanyohow, JB & GD are enough to handle. Waxaa maanta lagu doortay maamulka Dowlad goboleedka Farataag madaxweyne cusub, madaxweynahaas oo lagu magacaabo General Muunye, waa nin ka tirsanaa ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed, wuxuuna wax ku soo bartay Masar iyo Burkina faso.....Sii aqri Sources:qooraweyne.c om Meet Gen Muunye.
  7. lol. My apology guys, I have been a member only for 2 monthes, I always knew he was an admirer but not so close related. bari adiguu xataa kusoo heli wallee marka intaad isqarinta iska daysid isu qarxi LoL emperor he will never guess who I am.
  8. he is an uncle of mine adeer and closer than clan. War odoga wuu abtirsaday maanta, haaheeyyyy.
  9. they are trying to tight the noose on xamar by incercling it from the north as well. No escape route then, only the airport left.
  10. Alaha u naxariisto Garaadka oo haka waraabiyo jannadisa. Aamin. But which side was he on its payrole S/land or P/land. Waayadan dambe Garayadu way iska fara bateene.
  11. kuwaasoo uu sheegay inay sugayaan ammaanka wadankooda. Mr Hashi Kalabayr is Somalia not Ethiopia. This guy sent lots of young men to their graves telling them Yeey and Ethiopia invaded their country, and now he is doing exactly the same. hypocrisy beyond belief.
  12. Dowlada oo Qiratay in Ciidamo Ethiopian ah ay Joogaan Somalia Wasiirka Amniga Cumar Xaashi Aadan ayaa xaqiijiyay in ciidamo Ethiopian ay ku sugan yihiin Deegaanka Kala-Bayr oo qiyaastii 20-KM gudaha ugu jirta Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay inay sugayaan ammaanka wadankooda. Cumar Xaashi oo wareysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayuu ku sheegay in ciidamada Ethiopia ee Kala-Bayr jooga ay yihiin kuwo si Kumeel-Gaar ah halkaasi ugu sugnaan doona tan iyo inta ay ka dhamaystirayaan ciidamo Soomaali ah oo ilaaliya isla markaana qaada mas’uuliyadda ammaanka deegaanada ku teedsan xuduudka Ethiopia. Wasiirka Amnigu wuxuu xusay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan Kalabary ay sidoo kale ka hortagayaan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha mucaaradka ku ah dowlada Soomaaliya oo ay xiriir la leeyihiin Mucaaradka Ethiopia oo dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabullo ka wada xuduudda u dhaxeysa labada wadan. Cumar Xaashi mar uu ka hadlayay booqashada uu ku joogo gobolka Hiiraan, wuxuu caddeeyey inay qeyb ka tahay diyaarinta iyo tababarida ciidamo Soomaali ah oo loo diyaarinayo gobollada Hiiraan, Bay, Bakool iyo Gal-Gaduud. Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in marka ay ciidamadaasi tababaradooda dhamaystaan inay howl ammaan sugid ah ka fulin doonaan guud ahaan gobolladaasi. Wasiirku wuxuu sidoo kale caddeeyey in wixii haatan ka danbeeyey la mideeyay ciidamada dowlada iyo maleeshiyooyinka urur diimeedka Ahlu-Sunnah Wal-jamaacah, kuwaasoo iyaguna dagaal kula jira kooxaha Islaamiyiinta ee mucaaradka ku ah dowlada KMG.
  13. Duke What are the people sitting outside doing? do you think they are reading books, or are they sipping tea planing their next move to Laascanod.
  14. If you love action movies, you better get the next flight to Baidoa.
  15. Baydhabo oo xalay sida Caalamka shaashadaha waa weyn looga daawado Ciyaaraha lagu daawaday Filimaan Jihaad ah Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa bilaabay howlo baraarujin iyo qal qaalin ay dadka ku dhaqan Bay iyo Bakool ugu soo jeedinayaan inay ku soo biiraan safka jihaadka, kadib markii xalay oo idil Magaalada bartamaheed la dhigay shaashahado waa weyn oo loogu soo bandhigay muuqaalo ka turjumayay Jihaadka. Wilaayada Xarakada Alshabaab ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo u soo bandhigay Filimo Jihaad ah oo isugu jiray kuwa laga duubay Dagaaladii Muqdisho iyo kuwa ka socda Afganistaan iyo Ciraaq, si dadka ugu soo jeediyaan inay dagaalka ka qeyb qaataan. Dadka ku dhaqanka Magaalada Baydhabo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayay arrintan ku saabsan baaqyada loogu jeedinayo inay dagaalka ka qeyb qaataan, xilli ay soo baxayeen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo ka socda Gobolka Bakool, kaasoo ay wadaan Maamuladii laga eryay. Madax ka tirsan maamulka magaalada Baydhaba ayaa waxay dadka mararka qaarkood u jeedinayeen khudbado ay kaga hadlayaan jihaadka iyo faa'iidooyinkiisa, iyagoo ku boorrinayay dhallinyarada ragga ah inay ka qaybgalaan dagaallo looga hortagayo maamulladii hore ee gobolladaas oo dadka ugu baaqayay inay dagaal galaan. Tallaabada Bandhigga filimaantan ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo laga dhigo Baydhabo, iyadoo horay loogu daawaday kuwan iyo kuwo kale Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxayna qeyb ka tahay falal ururka Alshabaab uu dadka uga raadinayo taageero in laga siiyo. Waxay sheegeen Mas'uuliyiintii khudbadda jeedisay inay ku celcelinayaan inay tahay waajib saaran qof walba oo Gobolkaas ku nool inuu difaaco amaanka iyo maamulka Islaamiga ah ee gobolladaas ka taliya, waxaana dadka degan goboladaasi soo food saartay xaaladii ugu adkeyd, bacdamaa ay jiraan abaaro iyo dhibaatooyin dhinaca waxsoosaarka ah. Dadka qaar ayaa arrintan soo xusuusinaya sida caalamka ama magaalooyinka waa weyn shaashadaha waa weyn looga daawado ciyaaraha, taasoo dadweyne fara badan ay isugu soo baxaan, iyadoona Baydhabana ay sidaas si la mid ah bedelkeed looga Jowhar.com
  16. Xirsi Calan Side iyo Asli Calan Sida ma quusteen markii ay arkeen fannaaniintii indhaha u ahayd waddaniyadda oo calan dhexda ku leh xiddig madow u heesaya, xiddigtaas oo macnaheedu yahay in gabal uu u dumey Soomaalidii ku noolayd Geeska Afrika ee beri isla han weynaan jirtey. Is That what the black star means JB? never knew that. hase yeeshee baddu waxay calawdey oo ay doontu nala ciirtay calan madmadow leh markii loo cimaamaday,
  17. Fadeexad Faneed oo ku dhufatay Maryan Mursal iyo Qoomaal(Qoomaalow ka daa Maryan Mursaley ka daa!, Qaranimadu sidaa mahee ka daa)! Hay’adda fanka waxaa ka buuxa haybad iyo sharaf, waddaniyad iyo qaranimo, mana jiro qof Soomaali ah oo aan abaal u hayn, dad badan ayaa u haysta in ay tahay astaan ka hartay qarankii Soomaaliyeed kana madax bannaan qabyaaladda iyo qayb-qaybinta. Haa waa dhab in ay sidaas yihiin shaarka ay xiran yihiinna uu yahay mid ka tarjumaya dan guud. Haddii ay idin maqli lahaayeen Cabdullaahi Qarshe, Xuseen Aw-Faarax, Maxamuud Tukaale Cismaan, Maxamed Cali Kariye, Cabdi Bashiir Indha Buur, Xasan Shiikh Muumin, Qaasim Hilowle iyo Cali Cilmi Afyare maxay idin oran lahaayeen?, C/qaadir Xirsi Yam-Yam muxuu idiinku jawaabi lahaa haddii uu maanta joogi lahaa? Cabdulle Raage, Axmed Faarax Cali Idaajaa, Barre Maxamed Fiidow, Guduuda Carwo, Axmed Naaji Sacad, Khadija Cabdullaahi Dalays, Cali Sugulle, Maxamuud Cabdullaahi Sangub iyo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ma yaabban yihiin!. Xirsi Calan Side iyo Asli Calan Sida ma quusteen markii ay arkeen fannaaniintii indhaha u ahayd waddaniyadda oo calan dhexda ku leh xiddig madow u heesaya, xiddigtaas oo macnaheedu yahay in gabal uu u dumey Soomaalidii ku noolayd Geeska Afrika ee beri isla han weynaan jirtey. Allaylehe xilliga adag ee jiilaalka ayaa dadka la kala bartaa waayo xilliyada barwaaqada ee uu qof walbaa ladan yahay lama kala garan karo qofka xun iyo qofka fiican waana la siman yahay, sidaa darteed xilligii jiilaalka (burburka iyo nidaam la’aanta) ayaannu annaguna fannaaniintayadii kala baranay, qof walbana taariikhdaa qori doonta, kii carrabkiisa ku joojinayey falalka xunxun, qabyaalladda, kuna baaqayey midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliyeed, iyo kii koox ama imaarad gaar ah durbaankiisa la daba galay. Abwaan Barre Maxamed Fiidow oo la hadlayey fannaaniinta kadib markii ay soo baxeen sannadihii horraantii sagaashameeyaadii qaar si gaar ah ugu heesay beelo, wuxuu yiri ereyo aan ka xusuusto ‘hay’addii fankaay waajib baa kugu habboon weyne, horseedkii waddaninimo iyo hilinki toosnaaye, hufnaan iyo waddaninimo adaa hoodo u lahaaye, qaarse iney hugunkii ku ambadeen helay warkoodiiye. Maryan Mursal Ciise Bootaan waa xiddig caan ah oo qaali ku ah dadka Soomaaliyeed lagana yaqaan dhammaan dhulka ay Soomaalidu degto ee Geeska Afrika, sidaa darteed sharaf dhac ayey ku ahayd iney ku lebbisato calanka Maamulka Somailand taas oo macnaheedu yahay in ay horseed u tahay kala go’a dadka Soomaaliyeed ee aan sinaba u kala maarmin. Dhab ahaantii heestii ay dhowaan ku ammaantay maamulka Soomaaliland waxay ka koobnayd wax dhab ah oo yididiilo iyo dhiirri gelin mudan sida nabadda iyo nimaadka ka jira dhulkaas, hase yeeshee baddu waxay calawdey oo ay doontu nala ciirtay calan madmadow leh markii loo cimaamaday, mana ahayn in ay sheekada gaarsiiso heer la kala gooyo dalka. Maryaney waad ogtahay in xitaa fannaaniinta Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda ay ka gaabsadaan ku dhawaaqitaanka goonni u go’a maamulkaas, adigu (oo aan u dhalan Somaliland) sidee ugu dhiirratey falkaas, ma kugu filan yihiin dadka Hargeysa oo keli ah inaad u heesto? Haddii ay jawaabtu tahay haa markaa sidaa doonto yeel, malaha dano gaar ah oo aad ilaashaneysey ayaa meesha soo galay, imisaadse taageerayaal aad lahayd lumsay. Waxaan telephone kula sheekaystay mid kamid ah gabdhaha fannaaniinta ah ee Soomaaliyeed ee magaca weyn leh si aan ula baroorto, waxaan wax ka weydiiyey sida ay u aragto Maryan Mursal waxanay iigu jawaabtey. “Een Eeddo Maryan waa gabadh fiican oo la wada jecel yahay cidina kama Soomaalisana laakiin mab’da maleh, lixdii bilood ee Maxaakiimta sannadkii 2006, Xamar ayey tagtay ooy kaga dhawaaqday in ay fankii joojisey, iyada oo xijaaban markaas waxay u jeeddey in ay odayaashii xilligaas qanciso, maantana hadde odayaal kale bay qancineysaa mase foga, berrina ka eeg munaasabadda Kowda luulyo”. Maxamed Axmed Qoomaal waa fannaan cod macaan oo aad loo jecel yahay wuxuuna fannaaniinta Soomaaliyeed kaga jiraa khadka dhexe ee sida aadka ah looga dambeeyo, waxay marar badan codka isu dhiidhiibeen qalanjadii kooxda Dur-Dur, Sahra Abuukar Cabdi (Sahra Dawo), riwaayado xiiso leh oo uu wax ka soo jilay ama uu arbe ka ahaa ayaaba jirey sida Gacal Gabdheed iyo Guur Hallaabay iyo Ninba Dahab Lumay Si U Doon Doon iyo kuwo kale sannadihii siddeetamaadkii, waxaa iigu dambeysey isagoo heeso waddani ah oo xoojinaya midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed qaada, sannadihii sagaashameeyadii, malaha inuu intaas ku joogsado baa u sharaf fiicnayd, waxa ii xigtey isaga oo maalmahan u heesaya oo ammaanaya mid kamid ah hoggaamiyayaasha dagaalka ee Soomaalida, (Xasan Daahir Aweys) , hoggaamiyahaas waa loo heesi karaa lana ammaani karaa waase goorma? Markii loo doorto madaxweyne Soomaaliyeed, waayo waa mawaadin Soomaaliyeed, taas cid diideysaa ma jirto, yaase ka ceeb badan fannaan caan ah oo hoggaamiye kooxeed u heesay, waxaa taa loo fasiran karaa in Qoomaalow aad kooxdiisa oo keli ah ku egtahay kana baxday xuduudii Fannaanka Soomaaliyeed, alow maxaad adiguna taageerayaal badan oo aad lahayd maalintaas lumisay. Carabtu waxay ku maahmaahdaa “habeenka waxaa ugu mugdi badan saacadaha dambe ee uu waagu soo dhow yahay”, Maryan iyo Qoomaalow haddii berrito dib loo helo wada jirkii iyo qaranimadii sow weji gabax idinku dhici maayo. Waa markhaanti cad oo tilmaamaya in burburku meel kasta galay, siyaasad,saxaafad, isboorti iyo fannaaniintii, waxana u soo jeedinayaa fannaaniintaas in ay ka baxaan waxa ay ku jiraan cafisna weydiistaan Hal Abuurka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed. Dayniile.com
  18. War waxaan maqli jiray marka la yirahdo (Xaabil iyo naabil baa isku darsamay), qashinkii iyo quruxdii baaba la kala garan la'yahay hada.
  19. WooW, So S'land had its 15mins fame on a Swidesh tv, oops I mean 4.5 mins fame good luck, ictiraafkii la raadinayay 18 sano ma intaasuu isugu soo ururay. Alla gabadha ilkaha cas ee clipka ku jirta 00:42 qurux badanaa, talow JB miyey qaraabo yihiin.
  20. wallee dadka uu indhacade muftiga u yahay waa dad ba'ay.
  21. Yuusuf Indhacade “Dad Islaam ah ayaan nahay, dawladda Sheekh Shariifna waa dawlad Islaam ah, ma ahan dawlad lagu jihaadayo” Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ka mid ahaa saraakiishii garab ka mid ahaa ururka xisbul Islaam ee dhowaan ku biiray DF Somalia oo shalay la hadlayay ciidamo loo tababarayo inay noqdaan ciidamada mariineeska Soomaaliya ee ku sugan dekeddii hore ee magaalad Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dawladda federalka ay jihaad la geli doonto xoogagga Mucaaradka ee ka soo horjeeda dawladda federalka oo uu ku tilmaamay inay yihiin khawaarijta, haddii ay gacanta ku dhigaan ciidamadoodana aysan dili doonin oo ay ku samayn doonaan dhaqan gelin. “Dad Islaam ah ayaan nahay, dawladda uu hoggaaminayo Sheekh Shariifna waa dawlad Islaam ah, ma ahan dawlad lagu jihaadayo oo shuhada laga helyo, balse cidda la dagaalamaysa ayaa mudan in lala jihaado, cidda Islaamka difaacaysa ayaa Mujaahidka dhabta ah” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo ugu baaqay dhamaan ciidamada dawladda federalka inay u diayar garoobaan difaaca dawladda Islaamka ah. “Rasuulka (CSW) ayaa horay noogu sheegay in la gaari doono waqti fowdo oo ay soo bixi doonan dhallinyaro yaryar oo dadka Muslimiinta ah gaalaysiiya oo dhiiggooda, maalkooda iyo sharaftooda bannaysto, hadda ayaa la joogaa waqtigaasi oo ay soo baxeen rag Al-shabaab la baxay oo dadka laynaya, waxa wax dila waxaa ugu kheyr badan ninka iyaga dila iyo ninkii ay dilaan” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamed Indhacadde oo intaasi ku daray in kooxahan uu ku tilmaamay khawaarijta aysan daqiiqado la dagaalami karin ciidamada Itoobiya, Uganda ama Burundi oo ay cararayaan, balse markii ay la dagaalamayaan iyaga aan la jeedin karin. Dayniil.com
  22. Somalia has become africa's arms dumping ground.
  23. Moonlight would you spare us some facts? Its shot up prices for other african countries yes but not for the ships carrying goods into Somalia sxb. Wacdaro sxb its a fact, do you know the cost of shipment to somalia has doubled many times since last year, its because maritime shipment insurance has gone up and there are few ships ready to take the risks which means few ships with high prices, then the cost will be passed through high product price, simple business mathmatics, Ask the business people in Bosaso where they will tell you exactly that.
  24. Al-Qaacido oo Somaliya kusoo qul-quleyso Sida ey qortay wakaalada wararka REUTERS ayaa waxaa kusoo qul-qulaya dalalka Somaliya iyo Yemen dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Qacida, kuwaasoo kasoo hayaamaya dalalka Afghanistan, Pakistan iyo Ciraaq. Warkan ayaa waxa ey kasoo xigatay wakaaladu sarkaal ka tirsan quburada sirdoonka Mareykanka, waxaana warbixintaasi lagu sheegay in dagaalyahanno ka tirsan ururka argagixisada Al-Qacido ey si xowli ah ugu soo qul-qulayaan Somaliya iyagoona islamarkaa ku biiraya kana bar-bar dagaalamaya kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaan ee gacan saarka la leh ururka argagixisada aduunka ee Al-Qacida. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalka Yemen ey sidoo kale galeen qaar ka mid ah dagaalyahanada Al-Qacida, balse warbixinta ayaa lagu sheegay in ey aad u yartahay tirada gashay Yemen marka loo fiiriyo tirada dagaalyahan ee Al-Qacida ee mudooyinkii u dambeeyay galay dalka Somaliya oo ey horay ugu sugnaayeen in ka badan 1000-dagaalyahan oo ururkaasi ka socda. Kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo mucaarad ku ah dowladda Somaliya ee uu garwadeenka ka yahay m/weyne Sheekh Shariif ayey warbixintu sheegtay in ey gabaad siiyaan dagaalyahanadan ka socda Al-Qacida, inkastoo ey horay u cadeeyay arinkaas oo eysan ka gaban. Dowladda Somaliya ayaa dhinaceeda horay u sheegtay in dalka Somaliya uu khatar ku jiro oo ey usoo dagaal tageen kumanaan dagaalyahanno oo Al-Qacido ka tirsan oo kasoo hayaamay dalalka Afghanistan, Pakistan, iyo Ciraaq, waxaana ey dowladdu sheegtay in dagaalada iminka ka socda caasimadda Somaliya iyo gobolada qaar ee lagu laayay kumanaanka Somalida islamarkaana lagu barakiciyay ey hogaamiyaan kooxo ajaanib ah oo wajiyada u feydan yihiin qaarkood. Si kastaba ha ahaatee wararka sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay ey Somaliya ku qul-qulayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxaha Argagixisada ayaa isa soo taraya, iyadoo horay u sheegay Mareykanku in ey ku sugan yihiin Somaliya in ka badan 1000-dagaalyahanno Al-Qacida. Calanka.com:
  25. Kenya should arrest this man, he is insighting piracy which is hurting even somalis as shipment cargo prices shot up due to the piracy and that increased the inflation of all goods coming to somalia.