Aaliyyah

Nomads
  • Content Count

    10,561
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Aaliyyah

  1. Dastuurka Cusub Oo Mamnuucay Gudniinka Hablaha Ee Fircooniga Ah- Lasanod Online. Thursday, August 02, 2012 Muqdisho,(lasanod Online)- Dastuurka KMG Soomaaliya oo shalay aqlabiyad lagu ansixiyay ayaa wuxuu dambi ka dhigayaa.. gudniinka hablaha ee fircooniga ah, iyadoo lagu tilmaamay gudniinkaas inuu la mid yahay jidhdil loo geysanayo haweenka. Gudniinka fircooniga ah ayaa si weyn looga isticmaalaa Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sida uu uga hirgeli karo joojintiisu Soomaaliya, maadaama ay ay dadka Soomaaliyeed u arkaan inay muhiim tahay in haweenka la gudo. Sidoo kale, dastuurka ayaa wuxuu ogolaayaa in caruurta Soomaaliyeed inta ay ka gaarayaan 15-sano ay helaan waxbarasho lacag la'aan ah, qodobbada sida weyn looga hadlay ee dastuurka ku jira ayaa waxaa ka mid ah, in qofku uu ku qaan-gaari karo 18-sano taasoo ay aad uga biyol diidan yihiin culummada Soomaaliyeed. Dasturka ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay aqoonyahanno, culummo iyo dadweyne kala duwan, waxayna qaarkood ku tilmaameen mid aan u qalmin dalka halka kuwo kalena ay ku tilmaameen inuu yahay mid Soomaaliya u horseedaya nabad iyo horumar. Guddoomiyaha Majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa ku tilmaamay dastuurka mid aan ka tarjumayn diinta islaamka, isagoo xusay in diyaarintiisa ay gacanta ku hayeen dad aan islaam. Copyright © 2012 Lasanod.com Dastuurka cusub waxyaala badan oo bulshada u wacan waa ku jira sida lugu xusay kor. Waa wax wanaagsan in la mamnuuco gudniinka fircooniga ah, waxbarasho lacag la'aana caruurta u helaan ilaa 15 ka gadhaan. Laakin saas oo ay tahay hadana qodobo badan oo diinteena ku saleesneena waa ku jiraan. 18 in lugu qaangaadho diinteenu ma odhan. Marka halkaas waxaad ka aragta dawladaha shisheeya ee galbeedka in ay donaanayaan yaga valueskooda inay ku dabaqaan dalkeena. Tan sadexad, meel baan modayey in aan hada ka hor ka akhriyey in ninka usoo tartamaya jagada madaxwaynaha uu khasab aheen in uu muslim ahaado.? taas oo aheed arin aan ka yaabay. Waxa wanaagsanaan laheed dastuurka in uu yahay mid aan hadaan somaali nahay so qoranay oo diinteenana ku saleesan.
  2. Reer khaatumo dhamaan meeshay SSC ee uga dhasheenba mamulkoda ayeey garab jogaan. Marka midnimada iyo horumarka reer khaatumo waxba haka gubanina. Reer puntland intiina imaan ku qaba.
  3. Thank you all for your warm wishes. lol@ Che..The magic number is here huh like Cinderella I was waiting my prince charming to come with my sandal the minute it turned 12 am Alpha kulaha I posted this. Wax waalan. By the way, there is no such thing as child brides in laascaaanod, at least none that I heard of.
  4. I can't believe four years passed since this thread was dedicated to me ..I wonder where many of the people posting here are today.. Happy bday to meeee. I am officially olddddddddddddd ... Although bdays are innovation and should not be celebrated if anything we are one year closer to our graves. Inshallah add me in your duas and I will do the same. May Allah swt grant us good in this life, the next and protect us from the torment of the fire. Allahuma ameen.
  5. half of what he said I had no clue. How shameful lol..somaligana in aan dhameyey isku haystay. Ninkan cad wa mashallah. The two guys he's interviewing the skinny darker one seems to know a lot. But, he kept laughing whenever the other guy tries to answer lol@ dhamadka carabka kulaha That was rude the guy was trying, but I must admit I laughed at that part too
  6. Raamsade, ameen. People should be happy with what they have. It is so sad that some people are not happy with their own skin. Waa kibir. There is this blind lady in this class that I am taking, and everyday she struggles to find her chair. It is a small seminar class so people do get up to help her. But, it is just heart breaking to see her struggle. Dadna madow ma ihi waa cadahay bay ka tagantahay. Lug ama il ama gacan haday wayaan see bay yeeli lahayeen.
  7. Yeah I just googled it. Shekadu ma wixi xunba xaawa leh baa. They are taking advantage of the fact that many Somali young guys have been involved in shootings as of late. As Somalis living in Canada we got enough on our plate. We don't need our name to be linked to every shooting. Waaba naxdine.
  8. mashallah, this is a good news. Allow dalkeni oo nabad ah nugu celi.
  9. alle ba'ay tan baba igu daran haduu asna soomaali noqdo. I hope he is Ethiopian as you are claiming..And, you are right his name isn't Somali.
  10. wa alaikuma salaam bro For indeed it is not the eyes that grow blind – but it is the hearts, which are within the bosoms, that grow blind. [sûrah al-Hajj: 46] Subhanalah that was powerful ayah - It is so true. I love this speaker for Allah's sake, and his kids are half somali barakalaah. May Allah swt bless him, his family and grant them the highest level in Jannah. You are also right he conveys the true message in a light manner. He is a comedian mashallah. I enjoyed his jokes.
  11. ^ lol@ quick research into the story ..saan filayo shekaduba saa umasii ridneen Anyways, it is almost my afur time, so I'm out. Adiguna enjoy your suhur it should be sometime soon.
  12. ^ The way I understood this is that many somalis would love to be in this 11 years old shoes. I guess heading somewhere in the west with no boarding pass (or sharci) lol..I mean that's the only connection I could make.
  13. Reer puntland congrats. Hope you guys have an amazing time .
  14. Lasanod Online. Saturday, July 28, 2012 Muqdisho,(lasanod Online)- Wafdi ka kooban golayaasha maamulka Khaatumo state, ayaa kulan ballaadhan la qaatay safiirka dalka Turkiga u jooga Soomaaliya Dr: Kani Torun iyo hay’adaha khariga ah ee dalka Turkiga u qaabilsan dib udhiska dalka Soomaaliya ee TIKA. Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirkii hore ee warfaafinta Boostaha iyo Isgaadhsiinta ee dalka Soomaaliya Dr: Abulkareem Hassan Jaamac, isla markaan ah xubin ka tirsan golaha G10 ayaa waxaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah golaha sare ee dhaqanka Khaatumo iyo wasiirka amniga dawladda Khaatumo Col. Maxamed Saleebaan Ducaalle. Dhinacada Khaatumo ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey walalaha Turkiga gacanta baxaada leh, ee ay ka gaysteen caawinta iyo gacan qabashada shacabka Soomaaliyeed. Iyo dedaalka balaadhan ee dawladda iyo shacabka Turkigu la barbar taagan yihiin walalahooda Soomaaliyeed guud ahaan, Iyo weliba martigelinta shirkii balaadhnaa ee 27kii may ka furmay Istanbul, kaasoo ahaa shirkii ugu balaadhnaa ee noociisa ah ee Soomaalida la isugu keeno ilaa heer oday dhaqameed. Odayaasha dhaqanka ee khaatumo ayaa u bandhiga baahiyaha ka taagan deeganada Khaatumo oo aysan inta badan soo gaadhin deeqaha Caalamiga ah, iyo kuwa dawladda dhexeba, waxayna u sheegeen in ay u baahan yihiin inay helaan waxii xuquuq ah ee ay leeyihiin shacabka Khaatumo State. Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdiisu ay daacad ka tahay arimaha Soomaaliya, isla markaana ay xaq tahay in si cadaalad ah loo helo dhamaan deeqaha ay bixiso oo dhulka Soomaaliya ay gaadhaan, wuxuuna sheegay in reer Khaatumo ay xaq u lee yihiin inay helaan mashaariicda. Waxyaabaha la isla afgartay in walalaha Turkigu wax ka qabtaana waxaa ka mid ah, Biyaha , Garoomada iyo waxbarashada oo ay si quman uga taageeri doonaan dawlad goboleedka Khaatumo State.
  15. Khaatumo way caga dhigatay horumarna way gaadhay. Wala xaabsade, wala xaglatoosiyo, wala cidkale baa waxu dhimi karta. Reer Khaatumo mamulkooda ayeey dabad iyo dalba ku tashteen. Guul iyo horumar ayaan u rajaynaya Khaatumo State iyo somaliweynba. Allow garab gal.
  16. Akhyaarta qiimiga naga mudaney waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa gabay uu tiriyey Abwaanka Da’da yar ee reer Sool C/risaaq Cali Xirsi oo ku magac dheer (Nageeye) oo kamid Abwaaniinta da’da yar ee reer khaatumo ,isla markaana kamid xurnaha ugu fir fircoon Ururada Bulshada ee ku jira Deegaanada Khaatumo. Hadaba gabaygan oo magaciisa la yidhaahdo Allaa Mahad Iska Leh ayaa abwaanku kaga hadli doonaa jiritaanka Maamulka Khaatumo, idinkoona akhyaarey isla muuqaalkan aad ku daawan doontaan maanso uu abwaanku iyana kaga hadlayo wacdaraha uu lasoo baxay Maamulka Khaatumo..
  17. Amina Weris oo saxaafada ka muquuratay giroonka Berbera si aan loo weydiin fadeexadii lacageed ee,,, Written by SLC Jul 26, 2012 at 08:04 AM Marwada Kowaad Amina Weris oo saxaafada ka muquuratay garoonka Berbera si aan loo weydiin fadeexadii lacageed ee Giroonka Nairoobi. Hargysa,(Qaran news)-Iyadoo ay dhegaha muwaadiniinta reer Somaliland ka sii guuxayaan fadeexadii ( laba milion iyo todoba boqol oo kun oo dolar.2.700.000.00$) oo Marwada Kowaad Amina Weris iyo wiilka ay sodohda u tahay(Bashe x.cawil cumar) ay ilaalada ama securitiga garoonka dayuurada ee(Jomo kenyata) ku qabteen bishan horaanteedii ayna Marwada kowaad ku soo raad gadatay magaalada London UK, wiilkii ay sodohdau ahaydna ee Baashe lagu xidhay giroonka Nairoobi kadibna loo musaafuriyey halkii ay lacagta ay shandadaha ku wateen kala yimaadeen oo ahayd Somaliland,ayey Marwada Kowaad Amina Weris dib ugu laabatay somaliland iyadoo si qarsoodi ah ku joogtey London UK,markii ay ka degtey giroonka dayuuradaha ee Berbera cid ogeyd may jirin wax soo dhaweyn ahna looma sameyn waxaa keliya oo la socdey imaanshaheeda Madaxtooyada oo keliya waxa masuuliyiina oo giroonka ku soo dhaweeyey ma jirin marka laga reebo in ay iyadu dooneysey oo uu ka mid ahaa wiilkii ay sodohda u tahay ee Nairoobi kenya laga soo musaafuriyey mooyaane. Sababta loo qariyey imaanshaha Marwada Koowaad Amina Weris ayaa ahayd in aan dhegaha muwaadiniintu maqal in marwadu ku soo laabatay dalka waayo si aan mar kale u furmin Kiiskii Fadeexada ahaa ee lacageed ee ka dhacay giroonka dayuuradaha ee Jomo Kenyata Nairoobi ee Amina Weris iyo wiilka ay sodohda u tahay ee Baashe. Sabata kale ee loo qariyey waxay tahay in aan saxaafada xorta ihi ogaan imaanshaha Marwada taasi oo hadii ay ogaan lahaayeen ay soo buux dhaafin lahaayeen giroonka Berbera si ay wax uga weydiinaan lacagtii lagu qabtay Nairoobi,halka ay lacagtaasi ka keentay,iyo sifaha lacagta intaasi le’eg ay ku heleen iyada iyo wiilkeeda Baashe. Xusuus:- maah maah somaliyeed ayaa tidhaahda( Nin agoon ku xaday qalin qaaxo kama fogaato) waxaa wax laga yaqyaqsoodo ah lacag dhan (2.700.000.00$) oo ah xatooyo xoolo ummadeed inta shandado lagu gurto loo tahriibiyo wadamo kale,ilaahay ayaana kashifey falkaasi dhaceed ee ay sameeyeen qoyska Madaxtooyadu. http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=13979&Itemid=62
  18. Thank you Buxa, Jzk. This was much needed reminder. Malika, ilaahay ha u naxaristo. Sabar iyo iman.
  19. Malika waa runta walaaley sheydaanka waa in aan sifiican iskaga naara lol.. Thanks for the tip. My mom loves making fruit smoothies particularly she loves adding papaya. I will pass this tip to her
  20. Perhaps just waking up for suxuur, I do wake up. But, it is a little irritating when my alarm rings at 3:30 in the morning. I just want to turn it off and go back to sleep lol..Other than that none of the other points you pointed out are relevant.
  21. Somalia ilaaahay waa u nimceeyay. Dalkeenu sabool ma aha. Alle ha nugu celiyo asago nabad ah.
  22. Lasanod Online. Tuesday, July 24, 2012 Garoowe,(lasanod Online)- Wararka naga soo gaadhaya Garoowe ayaa sheegaya in madaxtooyada Garoowe ay ku sugan yihiin in ka badan 100 ergay oo Faroole u soo xulay inay uga qeybgalaan shirka ansixinta dastuurka, kuwaasoo la filayey inay saaka u dhoofaan magaalada Muqdisho, hase yeeshee Dawladda Soomaaliya ayaa ka diiday tiradaasi inuu Faroole soo dirsado. isimada beelaha Puntland ee gobollada Mudug, Bari, Karkaar iyo maamulka Khaatumo state oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho ayaa iyagu gudbistay liiska ergooyinka beelahooda, iyagoo cadeeyey in liiska uu soo qoray Faroole uusan metelin beelahooda, islamarkaana beel kasta uu ka masuul yahay isimkeedu. Magaalada Garoowe waxaa galabta gaadhay Wasiirka Dastuurka SomaaliyaC/raxmaan Xoosh Jibriil, si uu u dhex dhexaadiyo khilaafkan cusub ee ka dhex oogmay DKMG ah iyo maamulka Faroole. Wararku waxay sheegayaan in diyaarad loogu talagalay inay qaado ergada Garoowe ay haatan taagan tahay garoonka magaalada Garowe, isla markaana DKMG ah ay u sheegtay Faroole inuu diyaarada soo saaro 30 xubnood oo uga qaybgala shirka ansixinta dastuurka. Copyright © 2012 Lasanod.com