Sign in to follow this  
Somalina

Munaasabadda Maalinta Joojinta Cabidda Sigaarka

Recommended Posts

Somalina   

Talaado, June 01, 2010 (HOL) − Munaasabadda Maalinta Joojinta Cabidda Sigaarka oo ku beegnayd 31-Maajo-2010 ayaa lagu qabtay Muqdisho, taasoo looga gol-leeyahay in bulshada Caalamka lagu wacyigeliyo Khatarta uu leeyahay sigaarka.

 

Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa khatar haba ku kala badnaadeene.

 

Adduunyada horumartay iyo midda soo koreysaba waa ku badan yihiin cabista sigaarka iyo khatartiisaba.

 

Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.45 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Hal bilyan waxay ku nool yihiin waddamada soo koraya.

 

Cabista sigaarka wuxuu ku badan yahay ragga qiyaastii shan jeer in ka badan haweenka. Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista 5.4 milyan oo qof.

 

Wuxuuna mas'uul ka yahay dhimashada 10kii qofoodba qof taasoo ka dhigan in 3 meeloodoo laba waxay u dhintaan cudurada sigaar-cabista ka dhasha waana lambarka 2aad ee cudurada ioo dhinto caalamka marka laga soo tago cudurka Dhiig-karka. Dhimashadaas 70% waxay ka dhacdaa Dunida saddexaad.

 

Cabista sigaarka waxaa la socda 19 maaddo oo kiimiko ah oo dhalin kara cudurka kansarka. Wuxuu kaloo wataa maaddada loo yaqaano Nicotin-ka oo sababa qabatin balwad ahaan loo qabatimo jir ahaan iyo maskax ahaan.

 

Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo. Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo iney is dhimi karto.

 

Saameynta Caafimaad ee cabidda Sigaarka:

 

Cabista sigaarka wuxuu sababaa cudurada ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attacks iyo Strokes), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema), Chronic Bronchites; wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma la'aanta ragga iyo haweenka.

 

Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah.

 

Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la'aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca. Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo acsaabtiisa had iyo jeer kacsan tahay.

 

Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa aragga Indhaha iyo Maqalka Dhegaha.

 

Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag-dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) oo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.

 

Bulshada Soomaaliyeed 20kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da'da yar iyo kuwa Shiishadda la cabo u badan ee dadka waaweyn kuwaasoo ku keeni karaya mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka.

 

BAAQ:

 

Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista sigaarka bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo khatarta caafimaadka ee aan kor ku soo xusnayna uu keenayo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

I honestly don't know why anyone smokes. Theres absolutely no advantage to it. Anyhow, may allah swt help those who are trying to quit such a dangerous habit.

 

Not only is it bad for the smokers but it affects those who share their lives with them. Second hand smoking happens to be even worse than smoking.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^You mean you never experienced that god-awful cough after that first puff? You don't know what you're missing Aaliyaay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^lol I hope that was sarcasm.

 

Alhamdulilah, my brothers or my dad don't smoke. And, it is something I have never thought of pursuing...

 

Also, in the Quran it says a person is not allowed to harm their body. So, we can safely say smoking is haraam.

 

Interesting article that explains why smoking is haraam in Islam,

 

Smoking is haraam in Islam

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Smoking what? Cigarete? Oh lol. What was the brand name of the somali made cigarete? Dayax? I would taste that. Marlboro, light? No thanks!

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

I can't believe there was a time in my life when I was desperate to be a smoker because I thought it was cool...naca$ fowqal naca$ dheh. :D

 

 

Waxaan arki jiray wiil iyo aabihiis oo sigaarka kala qaadan jiray Subhannah-Allah hadana waxaan filayaa in la helayo wiil iyo hooyadii oo kala qaadanaya ama husband and wife oo kala qaadanaya...Sheemo as Wareegto Luga Cad would like to say. :mad:

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Juxa hadee ogaan leheed macnaha Fong Kong garuunkeeda ee kula dhici laheed. :D

 

 

Juxa hadhoow waxaa dhehee waa lagu corrupt gareeyay...nin ee Fu-Fu iyo A&T dhexda gashteen aan ahay...ani maa nool? :(

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

BOB, if fufu could corrupt you maraad meel udhaw joogtay buu kula kici lahaa

 

as for Alpha & tango iga daa wax ma dhihi karee

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

oo ma hadaan ka fogahay? sowkan aan MSNka hada kuwada hadleeno...wuxuu ku hadlaayo iyo wuxuu sheegaayo hadaa maqli laheyd xalwad dambe ma cunteen.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Originally posted by Juxa:

BOB, if fufu could corrupt you maraad meel udhaw joogtay buu kula kici lahaa

 

as for Alpha & tango iga daa wax ma dhihi karee

Juxa, adiga mowjad qaldan aad iga aragtay aan umaleynaa do i look like qof dadka corrupt gareeyo :mad:

 

 

PS. abtigiis mid aan xalay Supersport ka arkay koofi xirnaa oo ciyaarta brazil daawanaayay ayaan adiga kumaleeyay laaakin BOB ayaan isheegay adiga inaadan bidaar laheen oo aadan koofi xiran icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

fufu sidad muruq dhis ubilowdayba hadalka wuu ku agmaraa

 

i said you cont corrupt BOB, hadad corrupt gareynayso marhore baad sameyn laheyd (IE BOB wuxu ku halaabay dhulkan agteyda ah after leaving your good influence)

 

now bax naga tag

 

Alpha, afkeena waa isku amaano, i dont want to be bad habaryar you know

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this