Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Gabar ha gaabnaato

Recommended Posts

Heestaan gabdho badan maxee been u sheegtay. Gabdho badan oo gaaban, oo madoow waliba. :D

 

Gabar ha gaabnaato, oo ha gaduudnaato uu yiri Aweys Khamiis Mabuuse, oo la qaadeyso gabadha gaaban [and gaduudan] ee Aamina (Binti) Camaari.

 

Asagaa sidii fuusto camal iskugu jiro u gaaban, amuuba asaga niyadda isku dhisaaye.

 

------------

 

[Aweys Khamiis Mabuuse]

 

Gooskaad iga gaartay

An waa ku gaclooday

Guuraan rabaayee

Gaabsi kaama doonee

 

Asaga: Garab i siiyee

 

Aamina Camaari: I guursee

 

Asaga: Gurigeey imaawee

 

Iyada: Waa kula guuraa

 

Iyada

 

Makaa geed galaayee

Amba waa gareystee

Geesiyoow gadaashaa

Leenba guurihayaa

 

Iyada: Waa ku gartee

 

Asaga: Gugaaslee

 

Iyada: Inaad i gaclootayee

 

Asaga: Gugaasleeyaa

 

Asaga

 

Gabar haddii

Gacal kaa galaayo

Ha gaabnaatee

Ha gaduudnaatee [sheeko :D ]

 

Asaga: Garab i siiyee

 

Iyada: I guursee

 

Asaga: Gurigeey imaawee

 

Iyada: Waa kula guuraa

 

Iyada

 

Ganiyaala haddii

La ila soo gacloodee

Garxirkeey adi lee

Gacantaadda ku goohee [gooynaayo]

 

Iyada: Waa ku gartee

 

Asaga: Gugaasleeyaa

 

Iyada: Inaad i gaclootayee

 

Asaga: Gugaasleeyaa

 

Asaga

 

Waa kuula go'aayee

Geeskaa iga giiji

Wax kastood gaclootaan

Gurigiina keenaa [sheeko ahaa tana]

 

Asaga: Garab i siiyee

 

Iyada: I guursee

 

Asaga: Gurigeey imaawee

 

Iyada: Waa kula guuraa

 

Iyada

 

Gibilkeey gibilkiisoow [jirkeyga jirkiis]

Makaa gambahaayee

Godaan kula galaayee

Guula mihiis yiraahdee

 

Iyada: Waa ku gartee

 

Asaga: Gugaasleeyaa

 

Iyada: Inaad i gaclootayee

 

Asaga: Gugaasleeyaa

-------------

 

* Dedicated to a special person oo gaaban oo gaduudan, kor iyo hoosba. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Dedicated to a special person oo gaaban oo gaduudan, kor iyo hoosba.
;)

Alla maxaa la waashay, xaa hoosteeda ku tusay...Najeynaa...

 

So who is the special lady? May we know? Mise anonymous waaye? Should I go rent that banquet hall, digoow ma bilaabaa...

 

Hadaanbo aqoon leheen labada heestaan heesto say u yaalaan, waxaan u maleyn uno segsi (well i can't finish)... :D [/QB]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

lool@ Gabar ha gaabnaato,oo ha gaduudnaato, good to see a change from the cliche of gabar dheer oo cad, isda in eey warshad uu soo saarto.

 

Nice song tho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

^^^^^^ ahaahahahaahahaha!!!! Classic! laakiin maxaa ka kasee adi qaldhaan wiif yahoo!!

 

 

MMA awees qamiis is actualy taller than I thought he was saaxiib.. and he is very wide and big.. laakiin duqaas muxuu kuunto u heesay!!!! rageedi waaye...

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Gabdhihi Soomaalida hadduu Ilaahey wada gaabiyey soo dhibaata ma ahan, tii dheereedna waxbaa ka si ah oo si unbey u yamalyuuqsantahey ama u yanbaruursantahey, tii gaabneedna iyadaa isku maqan

 

 

Aweys indeed dookhiisa uu ka hadley, gaaboos ganbar la eg hadduu gacal moodey asagey u taal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Thank you...I am not saying waan gaabnahay, for goodness sake I am 4'9"...lol

 

As for gabar ha gaduudanaato, well nowadays mid walba way guduudantahay...Thanks to Diana & Dermovate & whatever else ay isku qastaan...ViVa gabar guduudan...

 

Hadii gaduudnaatana wax kale laga wado, dee goodh luck...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaanbo aqoon leheen labada heestaan heesto say u yaalaan, waxaan u maleyn uno segsi (well i can't finish)...
:D

I don't know about Aweys, laakiinse maxaa ku aragtay Aamina Camaari? She is cute and chubby, just like Sahro Dawo, ee adiga maseer maa kaa haayo that you can't have her killer voice?

 

MMA awees qamiis is actualy taller than I thought he was saaxiib.. and he is very wide and big.. laakiin duqaas muxuu kuunto u heesay!!!! rageedi waaye...

Intee ku aragtay? Markuu Koronto imaanaaye maa aragtay a few years ago? Maan, meeshii dhan waxaa camirtay that night islaamo wali ismooday inay Shaneemo Waaberi iyo Tiyaatarkii saf ugu jiraan oo wali joobano yihiin, oo ay dhalinyaranimadii ka muuqato. Markaa irida ku arkay islaamahaas, maba haweysan iska soo noqday that night.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

^Aw guuryo. smile.gif

 

As for Aweys, his wive is just as the song says. He's pretty short laftiisuba, markaas wuu isu fakaray.

 

LOL@ Nuune,

Gabnaan iyo dheeraan maxaad u taqaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this