Sign in to follow this  
Showqi

ila qosol

Recommended Posts

Showqi   

Dhakhtar iyo gabadh gashaanti ah ayaa muddo wada socday. Waloow dhakhtarku aanu aqoon u lahayn gabadha waalidkeed! hadana isaga iyo gabadha waxa ka dhexeeyey xidhiidh aad iyo aad u wanaagsan. Markasta oo ay isaga iyo gabadhu is arkaana waxay wakhtiga ku dhamaysan jireen kaftan, qosol iyo haasaawe.

Hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhakhtarkii go'aansaday in uu gabadha aabbeheed ka doonto (Jacayl baa haya). Aabbihii ayaa weydiiyey: Maandhow maxaad ka shaqaysaa? Wuxuu yidhi waxaan ahay dhakhtarka carruurta. Aabbihii oo shaqadaas saluugsan baa yidhi: Maandhow maxaad waxbarashadaada u sii wadan weyday aad dhakhtarka dadka waaweyn noqotidee...... :D

Share this post

Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Allow Alle, Dr-ka caruurtu inuu ka dhib badan yahay yaa u sheega, saa waa iska ooyayaane halka dadka waaweyni hint ku siinayaa... Somalina... qoftaan # 5 bay ka dheeshaa, iyo her own goal bay iska dhalisay ... :)

Share this post

Link to post
Share on other sites
Showqi   

Islaan aad u buuran ayaa si loo miisaamo la garan waayey, miisaankii la saaraba way jabisaa! Dhakhtarkeedii ayaa u dalbay miisaan casri ah oo tiknoolajiyadii ugu danbaysay ay ku dhameys tirantahay. Hadaba markii miisaankii cusbaa aqalkeedii la keenay. Ayaa ninkii miisaanka iibinayey oo aad u faraxsani yidhi: "Eedo Xaawo, miisaankaagii waa kan, ee kalay aan ku tuso, sidii aad u isticmaali lahayd"

Niinkii miisaanka iibinayey ayaa miisaankii fuulay, kabacdina wuxuu taabtay meel ay ku qorontahay Push The Button. Markaasaa miisaankii wuxuu soo tuuray warqad ay ku qorontahay: Maanta oo ay Taariikhdu tahay Jaruary 10, 2011 wakhtiguna uu yahay 10:30am miisaankaagu waa 85Kg. Eedo Xaawo oo faraxsan ayaa ku jawaabtay: "Miisaankani waaba mid Cajiib ah". Dhakhtarkii oo ag taagnaa ayaa yidhi: "war bal ka leexo anna aan is miisaamee" Dhakhtarkii ayaa isna miisaankii fuulay. Miisaankii ayaa soo tuuray warqad ay ku qorontahay: Maanta oo ay Taariikhdu tahay January 10, 2011 Wakhtiguna uu yahay 10:31am Miisaankaagu waa 75Kg.

Eedo Xaawo oo qosleysa ayaa miisaankii ku dul istaagtay. Miisaankii ayaa soo tuuray warqad ay ku qorantahay: War heedhahaya sidani si ma'ahee Miisaanka hal-hal u fuula :D:D:D

Share this post

Link to post
Share on other sites
wyre   

gabadh soomaliyed ayaa waxay timi xero lagu qaybiyo raashinka qaxootiga detana waxaa la waydiiyey magaceeda iyo kan waalidkeed waxayna tidhi. sidan

Qaybiye. Magaca walaal

Gabadhii. Fatna

Qaybiye Aabahaa magacii

Gabadhii. Jumbuur

Qaybiye. Awoogaa magacii

Gbadhii. Jaandhagadeer

Qaybiye. warbal Dalcadan iyo nasladan eegaa yaaaab

Qaybiyaa; hooyadaa magaceed

Gabadhii; fatuu ilkayar

Qaybiye aabeheedna

Gabadhii; Allaale muurow

Qaybiye; awoowgeedna

Gabadhii; Guduud raac

Qaybiye belo aar wuxuu magac adkaa iga wale magac yadan aad sheegayso inaadan rubuc galay ah ku helin naabal halka fadhiiso inta la helayo wax ku garta :D

Share this post

Link to post
Share on other sites

War ninyahow kilida baa leyka baxsaday=nag baa heshay, waan is qalay=siigo, jalay waaye=weeso maqabo, xafada hadaan aadno dugta aa nala dhahaa, adiga lee dugo adaa daalaaye, in africa like kenya,tanzania,zambia etc. passporta ka 50$ u dhex geli, in uro nd america passportka laq ama musqusha diyarada dhex geli and then ooy, say am somalian wax kale hadhihin, alshapap aa noqaa dheh ama hadii kale haley diro dibada, qofta buumo bee wadataa, in zambia meqaa soo dishay oo dad ah lee lagu dhahaa if u came 4rm m0gdisho, in kenya meqaa heysaa, in southka location baan galay, in angola 10 koo kun waa heystaa waa n0qanaa, hadii aan arooso baabuur baa isku dhigaa farxad.com cml, dhagax haleyku dilo hadii la rabo 4 afar iyo suubis iguma filna, somalidu gacmaha bee ka dance gareyaan, ethopian ka ne madaxa lee iga dhex, gabar 8 jir baa sambaati loga diyaarsadaa, girls cry like this hooyooy, ba ayeey, waa dhinteey aaaa wuuuw iiii ma nooli, gilida aa mayee hadad rabto fudada dheh next time ok

Share this post

Link to post
Share on other sites
Showqi   

Fisher man;688633 wrote:

:D:D:D,,,,,,,,,,,,,,,,,, Waraa shactiroole. Intee ka imaatay? Badda maa ku soo tuftay!

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this