Sign in to follow this  
Deeq A.

‘’Kheyre lied when he said previous government left us no money. We have proof’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu inkiray lacag uu sheegay inay uga tageen DFS. Nuur Faarax Jimcaale, waxa uu sheegay in Ra’isul wasaare Kheyre uu tilmaamay in goortii lagu wareejinaayay xilka aysan lacag ku jirin Qasnada DFS, balse hadda uu xaalku yahay mid caadi ah, isla markaana ay dowladu kasoo kabaneyso faqrigii ay kala hartay dowladii hore.  Nuur Faarax Jimcaale, waxa uu sheegay inaanu waxba ka jirin haddalka Ra’isul wasaare Kheyre, isla markaana goortii ay imaaday dowlada cusub ee Farmaajo ay ku wareejiyeen Lacag ka badan 5 milyan oo dollar. Waxa uu Hanti-dhowrihii hore tilmaamay in Kheyre uu ka weecday  xaqiiqda jirta waxa uuna cod dheer ku sheegay in xiliga magacaabidiisa ay ku wareejiyeen in ka badan 5 Milyan oo dollar, waxa uu intaas ku daray in uu hayo cadeymihii uu kula wareejiyay lacagtaasi markii uu xilka la wareegayay Kheyre. Isagoo shir Jaraa’id ku qabanaaya magaalada Muqdisho ayaa waxa uuyiri “Ra’iisul Wasaaraha wuu qaldamay ma dhihi karo wuu ilduufay, lacagtaas shan Milyan iyo xoogaa ayay aheyd, Qasnada dhexe ayay ku jirtay, maalinkii Madaxweynaha la doortay maalintii ku xigtay ayaa warbixin ka siiyay, markii uu xilka la wareegayna warbixin ayaa ka siiyay waana ku wareejiyay” ‘’Cida aan la socon xaqiiqda ayuu u sheegayaa Ra’isul wasaaraha waxaana qireynaa inaan heyno cadeeymo cad oo muujinaaya in lacagtaas la wareejiyay’’ Sidoo kale, Hanti-dhowrihii hore ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in Shirkadda Turkiga ee Gacanta ku heysa Dekedda Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo. Haddalka Nuur Faarax, ayaa kusoo beegmaaya xili Kheyre uu hadalkaasi ka sheegay Xafladda loogu magac daray Soomaaliyada Cusub oo ka dhaceysay magaalada Muqdisho.

 

Caasimada Online

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

this is part of big battle between unuka and dayniile right now. kheyre wants to make it look the country was complete hell when he took over and now kheyre is making it better when we all know things are much worse and more people died after he came. kheyre is know to be a big BS guy who talks and brags alot so his words shouldn't be taken seriously niyoow. qoslaye left some money but he and his damjadiid people stole much more.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this