Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland MP admits recognition is a fairytale

Recommended Posts

Saalax   

Even a 5 year old knows that marka odaygan wax cusub meesha

lama imaan.

 

 

“WAXBAA INAGA KHALDAN, DARIIQA AYNU HAYNO EE ICTIRAAF RAADINTUNA WAA MADHALAYS, WAXBA KAMAY SOO BIXIN EE DIB HALOOGU NOQDO”…XIL KIJANDHE

 

September 9th, 2017

 

Hargeysa(XN):-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaanu saluug iyo walaac ka muujiyey qaabka loo wado ictiraaf raadinta Somaliland, waxaanu ku taliyey in wax laga bedelo qaabka loo wado ictiraaf raadinta Somaliland.

 

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay loolanka Xisbiyada, waxaanu talo u soo jeediyey Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay ictiraaf raadinta Somaliland “Haddii aynu nahay Somaliland, waa inaynu bedelnaa Siyaasadeena ku waajahan Ictiraaf raadinta, waa inaynu dib ugu noqonaa, oo

aynu bedelnaa, dariiqii aynu haynay 21 sannadood ka hor ayeynu ilaa maanta haynaa, markaas arinkan Ictiraaf raadintu dib u eegis buu u baahan yahay, waxba inaga khaldan, dariiqan aynu hayno ee Ictiraaf raadintu waa madhalays, waxba kamay soo bixin, ee dib ha loogu noqdo”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Maamulka Hawada Somaliland ee lagu wareejinayo Somaliya ayaa yidhi “Dawlad la ictiraafsan yahay ma nihin, haddii aynu noqon lahayn Dawlad la ictiraafsan yahay inaga ayaa la inagu wareejin lahaa, waana in dhinaca kale looga wareega”.

Xildhibaan Kijaandhe ayaa mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Waxaan Shacabka ugu baaqayaa, oo aan leeyahay Qabyaalad waxba ha ku doorarina, dalkani hogaan wanaagsan oo daacad ah buu u baahan yahay, marka musharax walba waxaynu ka aragnay iyo taariikhda uu leeyahay ha lagu doorto, saddexda nin ee sharaxani, waa saddex nin oo ilmaadeeradeena, oo walaalaheena, marka waxba cunfi ma jire, ee ninkii halka aynu doonayno dalka gaadhsiin lahaa, aynu doorano, reero tartami mayaan, Faysal, Muuse iyo Cabdiraxmaan, Saddexduba waa ilamaadeeradeen, ee aynu ku kala doorano waxay yihiin”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu u diraayey baaq Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada waxaan leeyayay Doorasho aan turxaan lahayn, oo walaaltinimo leh, oo la isku tudhayo, diyaar ha loo noqdo, oo hadalada xanafta leh, ha la iska daayo, waxaana ku talinayaa inay inoo dhacdo Doorasho wanaagsan oo Dimuqraadiya, oo sida Doorashada Kenya aan inaga noqon, Beesha Caalamkana waxaan leeyahay Dimuqraadiyada Somaliland ka socota nagu taageera, Doorasho wanaagsana wey inoo dhici doontaa”.

 

http://www.xogsoor.com/waxbaa-inaga-khaldan-dariiqa-aynu-hayno-ee-ictiraaf-raadintuna-waa-madhalays-waxba-kamay-soo-bixin-ee-dib-haloogu-noqdo-xil-kijandhe/

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Barwaaqo   

Wax hala saxo iyo fairytale laba macno ayey kala leeyihiine afsomaliga baro oo Bal degaankaagii Taleex soo booqo ,iskana daa sheegashadda cid aanad ahayn adigoo is leh waxbaad Somaliland yeelaysaa. Magacaaga runta ah ka awoow Somalilander buu ahaa reer Koor.... taariikh qurux badan bay leeyihiine adiga waa maxay inangumeednimadda ku hadhaysay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Barwaaqo adiga uu bahan ina af somaaliga so baratiid.

" ICTIRAAF RAADINTUNA WAA MADHALAYS" aka the seeking

of recognition is infertile. Markay naag tahay infertile ma

laga dhigi kara fertile? jawaabtu wa maya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu kolkaan dersay, Saalax maha qof fikir ama mab'da leh. Qofku marka uu mab'da leeyahya, ama uu leeyahay yool dheer wuxu yeesha dabar ama "red-lines".

 

Saalax qof leh "red-line" maha. Waa shakhsi ku istiraaxa dagaaladda qabiiliga ah "kaa dhimay oo kugu dhimay". Waa shakhsi ku wiirsada dhibaadata qof Somaliyeed, xataa hadii ay dhibaatu tahay mid rabaani ah. Waa shakhsi aan ka xishoon qof rayid ah oo aan hayn xil dawladdeed, sida caruurta Madaxwayne Silaanyo, sawiraddoda private ka meelaha soo dhiga.

 

Kolka uu qofku shakhsi nooca yahay, waxa su'aala runtii waxan ma "online" kali ah miyaa mise waa sidu qofku abuurtiisi ilaahay tahay?

 

Waxaan u fidiyay Saalax hadii xiniinyo leeyahay inu fool ka fool ragga u soo hor fadhiisto.

 

Anigu kolay waxaan ku noolay Dalka Australia magaaladda Melbourne. Diktoor Oodka waa reer London...

 

Hadii Saalax ku noolshay Europe, North America, ama Carabaha, I have contacts in all those regions. Bal meesha aad aduunka kaga noolshay iso sheeg, aniga ayaa arange garayna qof macquul ah oo Coffee ama Shaah la cabto oo bal shakhsiga aad tahay warkiisa Somalia Online uso gudbiya.

 

Anigu kolay waxaan ahay hadii qof doonaayo inu ogaado, sidaan hore u sheegay Melbourne ayaan ku noolay, waxaan ka shaqeeya CBD. Anytime I can catch up for a coffee qofkii doonaya. I am a regular at the Collins Street ANZ building.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka buufiska gooni isu taag kudhacay, waxay lamidyihiin dhaliyarada badda ku rogmatay. Saalax iyo inta "pragmatic ah" waa idinka saxsan yihiin waayo waxay ogaadeen in dadka jecel inay Somalia kala jaraan inay weli derbi madaxa ku qaraacayaan. Instead they should put more energy into Somali unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

said:

Suldaan thanks for telling us your background but what has that

got to do with what Xildhibaan Kijandhe said?
:D

 

Ha meermeerin... Saalax so sheeg halka aad ku nooshay iyo inaad diyaar tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

said:

Dadka buufiska gooni isu taag kudhacay, waxay lamidyihiin dhaliyarada badda ku rogmatay. Saalax iyo inta "pragmatic ah" waa idinka saxsan yihiin waayo waxay ogaadeen in dadka jecel inay Somalia kala jaraan inay weli derbi madaxa ku qaraacayaan. Instead they should put more energy into Somali unity.

 

 

I don't know how any sane person can believe recognition

is coming anyway after nearly 30 years.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Oodweyne you seem very upset about the reality. Fact is

Somaliland is not getting recognition. Somaliland is just like

any other semi autonomous region part of Somalia just like

Puntland. Nothing special. Anaga third world without sewage

system ha ino xayaysiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Yawns. Poor ad-hominem won't get you anywhere Oodweyne.

Do you really think anyone bothers to read your repetitive trash?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Cadaani Oyaaye shubanka ka dhaaf topica. Unfortunately it

seems you have gone senile like old man Silanyo and have

nothing worthy to say nowadays.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this