Sign in to follow this  
Suldaanka

Somaliland responds to Farmaajo's preschooler-grade speech

Recommended Posts

gooni   

Waayo aragaas hadalkooda xanuun baa ka muuqda qofkii wax garada un baa fahmi karo

 

farmaajo ansalooti buu ku dhashay gabay iyo geeraarna waa isugu mid, muhiimadu waa inuu gaarsiiyo codkiisa sidii aayaha wadanka iyo dadka looga tashan lahaa wada hadalkuna waa furaha is af garadka,wax dhiba ma keeno.

 

balse haddii jinni marqaansan idinkusoo dego meel la gaari maayo.

 

Khudbadiisii ma dhagaysatay, waa afweyne yar buuguu qoray ma akhrisay iyo bitibiti wax macnaa samayn mayso.

 

Mowduuca kaaga soo baxaya, nimankaa aqoonyahanada sheeganaya hadalkooda waxay tahay, jawaab un bixi aan loo meel dayin.

 

Waxaa jira gar aad naqayso oo adiga kugu naqsan

 

26'ka jun waa maalin wayn soomaaliyoo dhan gaar ahaana sharaf u ah gobolada waqooyi

 

maxaa keenay in shacabka w/galbeed looga dhigo maalin madow?

 

wayna ku faanayaan, hadana way ka faanayaan! waa arin caqliga saliimkaa soo celinayo, ama gali karin.

 

su'aasha kale oo is waydiinta leh waxay tahay.

 

maxay ku diidayaan in soomaalida kale oo walaalahooda, u dabaaldegto maalintaas qiimaha badan, oo calan soomaaliyeed dhul soomaaliyeed laga taagay,maadaama aysan lahayn berigaas calan ayaga u gaara oo xoriyaddii ka dib aanu calan qura yeelanay.

 

tan ugu dambaysa waxaa u hambalyaynayaa umadda soomaaliyeed dhamaantood iyo madaxdooda intii sharaf iyo karaamo taqaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diktoore Oodka,

 

If this speech was presented in a year 7 class as an "Oral presentation", I am very sure Farmaajo would have failed. Not only was he miserably raped the facts of that historic day, he also butchered the names of the great men who raised to the occasion.

 

Odeygii Galbeedi waa ka gabaday tan inu his valuable comments ka dhiibto. And for a good reason so. :D

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Suldaanka,

 

Ma muquurane meeshu beryahan way amuusnayd.

 

Haddaan wax yar ku darsado arrintan Af-Sommaliga iyo Farmaajo, Anigu hore ayaan u sheegay in uu ciyaal xaafad yahay, ama reer "Ansalooti" sida Saxaabkeen Gooni sheegay.. Keligiina ma maahine reer koonfurka iyo reer Jabuutiguba Af-Soomaaliga way ka Aradan yihiin.

 

Xiisaha siyaasada markaan luhaha la galay iyo Aniga oo dhalin yarba, dusha ayaan ka xafiday , Odhaahyada, Gabayada, Suugaanta iyo arrimaha khuseeya Sooyaalka Soomaalida.

 

I consider Sayid M. Cabdulle, the modern Icon of Somali nationalism, and I did memorize some of his late poems, like " Dalka Malihid Anigaa Ku Idhi Dooroolaha e", and many more. A Somali leader should memorize and should be able to recite loud the famous poems of "Timacade" or what we usually call , "Geeraarkii Calan Saarke", the raising of the blue flag.

 

In 1960 and the years that followed people used to go to the " Beerta Xoriyada Hargeisa" to be cured from diseases like anxieties and hopelessness. People used to say,(Waar way bugtaaye Bandhiga geeta")Take her to the flag raising and she will be cured.

 

The southern elites think that they could achieve everything through short cutting, but certain things can not be forged or rushed without spending time.

 

Sheikh Aadan Afqalooc waxa uu yidhi, " qof qalbi la' Quraan kii ku Akhriyey Qaaf dheh Ku Haraadye", Hore ayaan idiinku sheegay in Soomaalida la sheegayaba ay Inaga " Reer Woqooyi" tahay. Darwiishku Buuhoodle, Toghdeer buu ku Dhashay, Ahmed Gurayna Zaylac iyo Awdal ayuu ka soo jeedaa, taariikhda Cusub ee Soomaalidana waa dadkii seedereeyey. Waar niman yahow dalka aynu la wareegno reer Koonfur wax ma hayaane.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galbeedi,

My take on this was that, if this speech was intended as a launchpad for a case for "Union", then this turned out as a face-plant instead of a face-lift for the Unionists.

 

Aside from the factual errata and the butchered names of the great men, the gist of Farmaajo's speech was that of a man who has drunk the kool-aid called "Aar Farmaajo iigeeya" and hence measures every issue on that yard-stick. Nin ayaa wuxu ahaa indhoole, kolka ayu ilaahay maalin maalaha ka mida indhihi u kala furay... ninkii waxa ugu horeeyay ee u arkay waxay noqday Bakayle. Ilaahay aya ninki sidiisi hadana ku celyay indhoolenimodii. Ninki indholaha waxay kaga dhegtay "Bakaylaha ma leegyahay"... Hada Maroodi aya laga hadlaya!

 

Mr. Farmaajo honestly thinks that him winning the Feb 8 president selections process, and the subsequent "Aar Faarmaajo iigeeya" bandwagon, he has a mandate that elevates him to a supernatural political supremacy that he can afford and attempt to sideline the elected government in Somaliland and instead opt to speak directly the Somaliland "youth, women and clan elders". Waa "bakaylaha ma leegyahay" :D

 

I don't know about you but I see this as a man who has no idea what he is doing and has no strategy at all other than this grand gimmick of sorts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galbeedi "Sheikh Aadan Afqalooc waxa uu yidhi, ” qof qalbi la’ Quraan kii ku Akhriyey Qaaf dheh Ku Haraadye”, Hore ayaan idiinku sheegay in Soomaalida la sheegayaba ay Inaga ” Reer Woqooyi” tahay. Darwiishku Buuhoodle, Toghdeer buu ku Dhashay, Ahmed Gurayna Zaylac iyo Awdal ayuu ka soo jeedaa, taariikhda Cusub ee Soomaalidana waa dadkii seedereeyey. Waar niman yahow dalka aynu la wareegno reer Koonfur wax ma hayaane."

 

Adiga uun baa ka fiyow. Reer waqooyi, qabiil baa indha tiray oo "gooni isu taag" baa majarihii saxda ahaa ka leexiyey. Way tegeen Ilaahay hasoo celiyo, laakiin Alhamdulilah Awdal, Sool iyo Sanaag marabaan go'itaan.

 

Farmaajo and Khayre and the Finance Minister Bayle are doing much better job and therefore Somalia's future is much brighter today than anytime of the last 40 years.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

odweyne

Saxiib xaqiiqda mar un kusoo dhawow ayadaa barako badan.

 

Odayaashaan ruug cadaaga iyo qoraaga aad ku sheekteen, waa khudbad waxay eray bixinta ulasoo fariisteen muhiimna ma aha inay wakhti ku lumiyaan mar haddii la fahmay in halgamayaashii amaan mudnaayeen.

 

culumada natujisa oo xaafidu quraanka yaaba wal casri khalda.

 

Hadaan xanuun jirin ama ay doonayaan inay khudbadaha tafatiraan siilaanyo bay ahayd inay ka bilaabaan, ilaa dagaalkii koowaad soo shaqaynayay hadana aan labo eray isku toosin karin warqaduna dhidid badan ka keento.

 

Tan siyaad barre iyo taageeradayda

Nabad wax barasho, caafimaad lacag la'aana iyo magac karaamo leh yaan ku haysanay aniga iyo adiga, iyo dhamaanteen ilaa maangaabku qabiil noo kala saaray.

 

Maantana waxba ma ahid runtii, hoteel mansuur fariiso adoo labisan haddaad doonto.

 

sharaftu labiska iyo beerta ubaxa leh ma'ahan saaxiib soomali baad tahay walaweyn iyo hargaysa ciduna makala taqaan.

 

wax eeda uu leeyahay ma jirto haba yaraatee aragtidayda, naxariistii jano allaha ka waraabiyo aan kuu sababeeyo waliba.

 

27ka sano oo kasoo wareegtay markii xukunka laga tuuray iyo dhimashadiisii, aqoonsi iyo inaan tashano soo asaga wali lagama sugayo?

 

Maxaad u xaqiraysaa saciimkaas qiimaha badan? cigaal iyo siilaanyo maxaad ku taageeraysaa adigoo qaxootiya? bilaa caleeg ma qabiil?

 

Galbeedi yaa hadalka qiimihiisa kuu sheegay saxiib koonfurta waqooyi iyo bari ilaa galbeed inaad ka taliso isku day adigoo hankaagu dhaafsiisan yahay snm iyo aqoonsi wahmiya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Well, I might have been little harsh to the president, but kudos to him at least he tried his best. Mentioning Barkhad Cas , the man who said:

 

 

Isagoo Iglan joogabuu i diloo

ushuu soo fidshaa i iimaysoo

waataa aramidii i oofa tirtaye

itaal dari aan la eedaadoo

aan ooyee albaabka ii xidha.

 

was great. He is "Ciyaal Asalooti" but at least he is learning and trying his best. He could be better than probably Shariif Hassan , or others who know nothing about culture and history.

 

When I said that the Somali leaders must memorize the national poems, I did not mean that they must memorize all the verses, but the basic words that touched and affected history and culture. He must know the "Calan saar"verses,

 

Sareeyow ma nusqaanow,

Saaxirkii kala guurne

Aan siduu yahay eegne

Kaana siib kanna saar.

 

An American politician in the 21st century, must know who said , " Ask not, what your country can do for you......, or I have a dream by Martin Luther King. A British leader must know the words Churchill proclaimed when he became prime minister and faced the Nazis, why the statue of Nelson Horatio is in downtown London or the Shakespeare plays.

 

The same thing goes for a Somali leader. He must know the great "Darwiish' and his poems regardless of their time. He must know who said, " Dugsi malaha Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane".

 

By the way,

 

Soomaaliyey tosooo, Tosoo isku tirsada e

 

was never been the national anthem of Somalia. It was cry for African independence and liberation of the remaining Somali territory.. The wards;

 

Waxa aan la oyaayoo

Ilamdu iiga Qubnayso

Ikhtiyaar nin loodiido

la Adoonsadan ahaye

 

Hadba waxaan la taahaayoo

Togagga uga qaylshaa

Nin dalkiisii cadow taaboo

U tol waayey baan ahayee

 

I do not know when they changed but the real national anthem that has been sung for more than 20 years was:

 

 

 

qoloba calankeedu waa caynoo

innaga keenu wa cirkoo kale oo

an caadna lahayne caashaqa

 

xidigyey cadi waad na ciidamisee

Caradaa Keligaa Adow Curadee

Cadceeda sideeeda Caan noqo e

 

I do not know when they changed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

said:

 

 

I do not know when they changed but the real national anthem that has been sung for more than 20 years was:

 

 

 

qoloba calankeedu waa caynoo

innaga keenu wa cirkoo kale oo

an caadna lahayne caashaqa

 

xidigyey cadi waad na ciidamisee

Caradaa Keligaa Adow Curadee

Cadceeda sideeeda Caan noqo e

 

I do not know when they changed.

 

Galbeedi, the national anthem as in the new constitution is QOLABAA CALANKEEDU

 

With the subject, it is too trivial, the whole country and system is broken and will take a time to rebuild , looking for small trivial mistakes is not a good idea, if you have a better things to improve, literature, or have things to contribute, join the movement, you are welcome.

 

But the idea of I am better , and ego, is beside the point. It is nothing but small minded clannish, my tuulo, my tribe is better that we have seen for years.

 

I know better, and isolating yourself, will not take you anywhere, SOOMAALIYA HANOOLAATO!

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Oodweyne

Qoraalkaagu aad buu qurux badan yahay saxiib faa'iido badana way ku jirtaa balse sidii caadadu ahayd waan kala aragti fognahay.

 

Si kastaba aragtidayda ku qanci maysid ana taada ku qanci maayo,hadaba meel dhexe aan isugu imaano, diinteena xaniifkaa waa dhexdhexaad.

 

laga yaabee inaad da'yartahay oo dadku siday ku moodayaan aadan u da'waynayn anna sidoo kale.

 

Waxaa raadisaa odayaashii reer w/galbeed oo la shiray siyaad barre markii dagaaladu bilowdeen iyo waxay ka wada hadleen,qaarkood waa noolyihiin sidan filayo, si cilmayaysan usoo baar, caatifad qabiilna yaysan ku qalin daarin.

 

Waan hubaa in wax wayn iska kaa badalayaan.

 

Ciyaalkana "nabar" aan xaq ahayn qalbigooda ha galin, bar musaamaxa walaaltinimada iyo wada noolaashaha.

 

Farmaajo difaaciisa wakhti badan iiga lumi maayo waayo wakhti hore ama waa subax hore galabtii ha la gaaro.

 

Aragtidayna illaa iyo haddana haykalka iyo baratikoolka dawladnimo wada shaqaynta dhexdooda way ka wanaagsan tahay madaxdii ka horaysay

 

shaqo sahlan ma'ahan inaad musaamiir daxalaysatay soo saarto adoo gacmo maran, wakhti bay u baahan tahay.

 

insha allah shacab qurxoon mar un waa la daawan sidaan beri ahaan jirnay,lama rajo dhigo,buur haddaad ka baqdo ma fuuli kartid ama meel dhexe yaad kasoo noqon.

 

Tan siilaanyo

 

khibrad iyo xikmad aragti dheer waxaa loogu tagaa markuu qofku waynaado ama uu noqdo gabal sii dhacayo ,hal eray dhaxal noo wada ah lagama hayo aan ka ahayn qaranka beeshayda tashatay

 

Taariikhdoodu ma gadmayso raggaad mujaahidiinta u taqaan beeshana ma dhaafsiin kartid,boqolaal iyo kumanaan sano

 

Taariikhda la iibin karo waa tii timo cadde, afqalooc iyo raggii badnaa kuligeena isku si qadariso

 

 

Gunaanad

Dantu mar walba waxay ku jirtaa in nabarka la daaweeyo haddaad waydo wax kaa daweeyana adigu iska dawee waa waajib ku saaran.

 

Dhaawac iyo bahal dhiigga jecel isma dugsadaan fogee aragtidaada ka gudub wixii tagay maanta la jaan qaad berrina insha allah shaqaa noo taal.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waxba maadan habayn hadalna ma harin saaxiib

 

Haddaad matasho ama aad ku hadlayso afka beesha dhexe oo dhan rajadu ma fiicna

 

wax kastoo adag mustaxiil ma'ahan

khayr iyo barwaaqo somaaliyoo dhan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this