Sign in to follow this  
malistar2012

Alshabaab cell raided dozen arrested one high ranking killed

Recommended Posts

Alshabaab cell raided dozen arrested one high ranking killed after resisting .

 

 

DF oo Muqdisho ka bilawday howlgalo dad badan ka yaabiyay & Al-shabaabkii ugu badnaa oo la qabtay (QAAB CUSUB)

Aug 9, 2014 - jawaab

 

 

 

 

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika e AMISOM ayaa holgalo gaar ah waxa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan Degmada Waabari oo la tuhmay in ay ku sugan yihiin Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

 

Afhayeen u hadlay Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada gacanta kusoo dhigeen hub iyo xubno la tuhmayo in ay katirsan yihiin Al-Shabaab kadib howlaglo Laga sameeyay Degmada Waaari.

 

Howlgalka ay Ciidamada Huwanta ah ka sameeyeen Degmada Waabari xaafado katirsan ayaa ahaa mid gaar ah oo lagu bartilmaameedsanayay goobo la farmuuqay , waxa uuna sheegay AFhayeenka Wasaarada Amniga in howlgalkaasi lagu soo qabtay hub kala duwan iyo xubno Shabaabnimo lagu tuhmayo.

 

Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Howlgalada gaarka ah ee kasocda Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka sii socon doonaan , waxa ayna Wasaarada ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan oo usoo gudbiyaan xogaha ku saabsan Kooxda Shabaab.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Nabadsugidda Oo Galabta Toogasho Ku Dilay Horjeege Ka Tirsanaa Alshabaab (Dhageyso)

Published on August 9, 2014 by Mowliid · No Comments · 1,068 views

Ciidamada Nabadsugidda Qaranka ayaa galabta toogasho ku dilay, Horjooge ka tirsana Al shabaab, kadib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen dagmada Huliwaa ee gobalka Banaadir.

 

Horjoogahan ay ciidamadu ku dileen agagaarka cisbitaalka SOS ayaa magaciisa lagu sheegay Nuur Baraxoow, kaasoo dhinaca macluumaadka gobolka Banaadir u qaabilsanaa kooxda Shabaab.

 

Ciidamada Nabadsugidda oo helay xogta horjoogahan, ayaa markii ay gaareen halkii uu ku dhuumaaleeysanany, waxa uu isku dayay inuu is difaaco, waxaana taasi ay sababtay in is rasaaseeyntii halkaasi ka dhacday uu ku dhinto horjoogahaasi.

 

Horjoogahaan oo caan ka dhex ahaa kooxda Al Shabaab ayaa markii hore ka mid ahaa kooxdii Jabhal Islaamiya oo markii dambe u xuub siibatay Alshabaab, waxaa uuna horjoogahani u qaabilsanaa kooxda Shabaab qeybta macluumaadka iyo wardoonka.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

cdd-620x330.jpg

 

 

Ciidamada Nabadsugidda Oo Kordhiyay Howlgallada Qorsheysan Ee Ka Dhanka Ah Alshabaab

Published on August 10, 2014 by Mowliid · No Comments · 1,170 views

Hay’adda Nabadsugida Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho, ku dhex ugaarsanaya dhagar qabayaasha ka tirsan Al Shabaab ee dhibaatada ku hayay shacabka.

 

Malleeshiyaadka Shabaab ayaa si gaadmo ah Magaalada Muqdisho ugu dili jiray shaqaalaha dowladda, kuwa Hay’adaha, ciidamada, aqoon yahanada iyo waxgaradka kala duwan.

Ciidamada Nabadsugidda Dowladda oo wata gaadiid yar yar ayaa xaafadaha Muqdisho ka wada, howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo malleeshiyaadka Shabaab, waxaana howlgaladaasi ay yihiin kuwa ay kaga horeyso xog la xiriirta halka bartilmaameedka uu yahay.

 

Habeenkii Khamiista 07 Bishan ayaa ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya waxa ay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ku dileen labo dhagar qabe oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaasi oo ay toogteen ciidamada.

 

Labada dhagar qabe oo ay ciidamadu dileen ayaa mid ka mid ah, waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Yaxye, wuxuu ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab qeybta bamboo tuurka, da’diisa waxa ay aheyd 17-sano jir, wuxuuna deganaa Xaafada Suuqa Xoolaha, xilliga ciidamada ay qabanayeen wuxuu ciyaarayay kubad.

Sidoo kale ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa shalay galabtii Magaalada Muqdisho ku toogtay nin magaciisa lagu sheegay Nuur Baraxoow oo Al Shabaab u qaabilsanaa dhanka macluumaad gudbinta, waxaana la soo bandhigay Video laga soo duubay ninkaasi, isaga oo qeybta sare ee jirkiisa ay kaga taalo rasaas ay ciidamada Nabadsugida ku rideen, xilli uu dagaalamayay.

Nuur Baraxoow waxaa lagu toogtay Xaafada SOS ee Degmada Heliwaa, waxaana taasi ay muujinaysa in maleeshiyaadka ugu badan ee Al Shabaab ay ku sugan yihiin Degmada Heliwaa, gaar ahaan Xaafadaha SOS iyo Suuqa Xoolaha.

 

Qorshahaan ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay bilaabeen ayaa ah mid la mid ah sida ay Shabaab dilalka uga geystaan Magaalada Muqdisho, waxaa hada yaraaday dilalkii Kooxda ay ka geysan jirtay Muqdisho, maadaama hadda iyaga la bartilaameedsanayo Ciidamada .

Share this post


Link to post
Share on other sites

There has to be an employment programme for the youth.

 

They have to be shown that there is another way in life. But Arresting and/or killing alone will not be enough.

 

Those in authority have to fill government positions with the youth without nepotism.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

everytime AMISOM does something, alshabab runaways run to Puntland. we must stop them at the galmudug border and be vigilant. abdiweli should do everything to prevent the defeated alshabab to come back to puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DEG DEG:- Muqdisho oo rasaas culus ka socoto iyo siyaasi la weeraray

Aug 10, 2014 - jawaab

 

 

 

Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in rasaas aad u xoogan ay ka socoto nawaaxiga Garoonka Muqdisho, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay howlgalo ay wadaan.

Wararkaa ayaa waxay sheegayaan in la weeraray hoyga Muqdisho uu ka degan yahay siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, iyadoona rasaasta ay culustahay.

Uljeedka dagaalkaan ilaa hadda ma cadda, waxaana xaaladda ay tahay mid kacsan, sidoo kale isku day aynu ku sameenay inaan kula xiriirno hay’adaha amaanka inooma suurta gelin.

La soco wixii soo kordha.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali Gov has started a campaign to disarm Mogadishu targeting warlords and Arm dealers. Tonight Huge battle in Mogadishu as gov force attacked warlord Abdi Wall House to disarm and arrest him ..... Intensive battle officer leading the offense has been killed sadly .

 

 

caawa%20muqdisho.jpg

Faahfaahin kasoo baxeysa dagaalki caawa ka dhacay Garoonka Muqdisho ayaa ku warrameysa inuu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad sugidda ee dowladda Soomaaliya.

 

 

Wararka ay heleyso shabakadda Calanka ayaa sheegaya in dagaalkii caawa ka dhacay Garoonka muqdisho uu ku dhintay Taliyihii Ciidamada Nabadsugida ee Hoggaaminaayay Ciidamadii dagaalka soo qaaday ka mid ahaa.

 

 

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Taliyaha oo lagu magacaabaayay Ceydiid uu ku dhintay Rasaastii ugu horeysay, waxaana la sheegayaa inay ka haleeshay rasaasta qeybta koro sida ay Calanka.com u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya oo goordhow la hadlay.

 

Meydka Taliyaha ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu iminka yaalo Isbitaalka Daarushifa ee Magaalada muqdisho, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo fara badan iyo Saraakiil ciidan.

 

Dhanka kale, waxaa hadda degan Xaalada waxaana istaagay dagaalka iyadoona goobta uu dagaalka ka dhacay laga qaadayo Ciidamadii dagaalka ku waxyeeloobay,inkastoo ay dhici karto in markale uu dagaal halkaasi ka qarxo.

 

Dagaalka caawa ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Nabad sugidda ay weerareen guri uu daganaa siyaasi Cabdi Nuur Siyaad oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka soo maraty, kiyadoo ciidamadu ay doonayeen inay soo xiraan siyaasiga, balse siyaasiga ayaa goobta ka baxsaday.

 

 

 

 

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

 

Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Dili Rabtay”

Aug 10, 2014 - jawaab

 

 

 

Muqdisho (AGGM) Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ah wiil uu dhalay Maxamed Qanyare Afrax ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa waxa uu ka badbaaday isku Dil.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dawlada gaar ahaan laanta nabadsugida ay soo wareerareen, iyagoo dili rabay.

 

Cabdiweli Maxamed Qanyare ayaa yiri ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Dili Rabtay”

 

Ma uusan sheegin sababta ka dambeysay in ay weeraraan ciidamadaas. Xildhibaanka ayaa sheegay in uusan garanayin cida bixisay amar ah in la soo weeraro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this