Sign in to follow this  
Mooge

Garad Saleebaan arrives in Garowe

Recommended Posts

Mooge   

IMG_4028.jpg

 

IMG_4034.jpg

 

Wefdi uu hogaaminayo Garaad Saleebaan ayaa goor dhoweyd soo gaaray Magaaladda Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng: C/xakiin C/llaahi Cumar Camay ayaa Garaad Saleebaan ku soo dhaweeyay Duleedka Magaaladda Garoowe.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Garowe(pp)Magaalada Garowe ee Caasumada Dowladda Puntland ayaa maanta waxaa logu soo dhaweeyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .

IMG_4074

Soo dhaweynta Waftigaasi waxaa ka qayb qaatay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Wasiir,Xildhibaano,Waxgarad,Aqoonyahano iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah ee Gobolka Nugaal.

 

Soo dhaweyn kadib wafdiga ayaa waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Garaadka iyo Cuqaashi la socatay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

‘’Farxad iyo Rayn Rayn weyn ayay noo tahay ka Puntland ahaan ka shacab ahaanba inaanu soo dhaweyno Maanta Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Cuqaasha la socotay ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

‘’Waxaan is leeyahay Garaadku idinkama maqneyn ee Safar dheer oo muddo qaatay ayuu nagaga maqnaa hadii uu ka soo laabtayna meel nagama jirin,niyadayadana kama maqneyn,quluub tayadana kama maqneyn ‘’Ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxwayne Gaas.

 

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in Xuuumada iyo Shacabka Puntland uu uga mahadcelinayo soo dhaweyntii Balaarneyd ee ay ugu sameeyen Magaalada Garoowe.

 

‘’Dadkii Riwaayad baa loo dhisay been baa lagaliyay maamulo aan jirin oo soconaya ayaa loo sheegay Dadkii bur burkaasa ku dhacay ‘’Sidaasi waxaa yiri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .

 

‘’Diyaarad Koonfur katimi oo iska Guuxaysa oo gudaysa baa dadkii bur burisay si loo qabtaa lagaran waayay waxbaa lagu qafilay Mushaakil badan ayaa jira ‘’Ayuu hadalkiisa raaciyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa 2-sanno kadib. dib ugu soo laabtay magaaladda Garoowe ee Caaasimadda Dawladda Puntland.

 

Garaadkii Guud ee Beesha SSC Garaad Saleebaan oo ku soo Guryo-noqday Garoowe lana filayo Khaatumo inuu Puntland hoos-geeyo

 

Garaadka iyo Wefdigii uu hogaaminayay ayaa Madaxtooyadda loo dhaa-dhiciyay waxayna halkaas kula kulmeen Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Madaxweyne-ku-xigeenka C/laahi Cameey.

 

Wefdi ka koocab Cuqaal oo Garaadka Guud ee Beesha SSC la socday ayaa la filayaa inay ka shaqeeyaan sidii loo sixi-lahaa khaladaadkii sababay inay ka dudaan Maamulkii ay wax ka dhiseen ee Puntland,kadib markii ay sheegeen inay ceeb iyo bah-dilaad ka qaadeen Mashruucii Cali khaliif iyo Cali Ciise ay ugu magac-dareen Khaatumo ee sababay Deegaamo Taleex ka mid tahay inay si dadban ugu gacan-galiyeen Somaliland,waxaana Garaadka uu doonayaa si sharaftii SSC u soo laabato inuu Puntland la heshiiyo.

 

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Siilaanyo gets robbed again. He gave Garaad Salebaan a couple of cars as a way

to try and bribe him but failed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Siilaanyo gets robbed again. He gave Garaad Salebaan a couple of cars as a way

to try and bribe him but failed.

 

I call this the "Ankh Morpork" from Discworld policy, the people there great whoever claims their land with flags and celebration and say "hail to the conquering heroes" and when the other guys come they do the same.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Garaad Salebaan played very well and served his interest. A $100k and a couple of

cars to make some talks then disappear back to the city you lived in.The only loser

in this is Siilaanyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this