Sign in to follow this  
malistar2012

Happy Indepedance Day Somalia 1 St of July

Recommended Posts

 

kowda-11.jpg

 

Ra’isul wasaare Cabdiweli oo ka qayb qaatay banaabax lagu soo afmeerayey Todobaadka xoriyadda “SAWIRRO”

Published on July 1, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 885 views

Muqdisho, 1, Luuliyo, 2014…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta Ubax dhigay xarrumo taariikhi ah oo ku yaala magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, wuxuuna sidoo kale ka qeyb galay banaanbax lagu weynaynayey Munaasabadda 1-da Luuliyo.

 

Goobahaan ayaa qaarkood waxaa dayactir ku sameeyey maamulka gobolka Banaadir, waxaana RW salaan ka qaatay Ciidamada Bambayda, wuxuuna Ubax dhigay Taallooyinka Sayidka, Xaawo Taako, Dhagax-tuur , SYL, Daljirka Dahsoon, kuwaas oo caalamad u ah gobanimadoonkii Soomaaliya.

 

Banaanabaxa ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullahi Godex Bare, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Xildhibaano, iyo dadweyne farabadan oo ruxayay calanka Jamhuuriyada iyo sawirrada Madaxda qaranka ayaa socod lug ah uga soo baxay Taalada Sayidka, waxaana ay ku tageen Daljirka Dahsoon oo lagu qabanayay banaanaxa, iyadoo intii ay madaxdu socodka ku jireen ay salaan iyo Hambalyo is weydaarsanayeen dadweyne faro badan oo taagnaa wadada hareeraheeda.

 

Fanaaniinta Qaranka oo ay kamid ahaayeen Abwaanka Sangub, Maxamed Axmed Qoomaal, iyo kooxaha kala duwan ee Fanaaniinta ayaa ka qaaday heeso wadani ah, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigey goobta majaajilo, gabayo iyo waliba Shirib guud ahaanba ka turjumaya maalmaha taariikhiga u ah Soomaalida meel ay joogtaba.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ugu horreyn banaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay ujeedka banaanbaxani inuu yahay soo dhaweynta maalmaha xoriyada. “Mudane Ra’iisul Wasaare halkaan waxaan kusoo gabo-gabeyneynaa usbuucii Xoriyadda oo maalmahaan ka socday Muqdisho, waxaan u mahadcelinayaa guddigii qaban-qaabada iyo dadweynaha ka-kala yimid xaafadaha Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Muun-gaab.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay Taalada daljirka Dahsoon ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay 1-da Luuliyo iyo halgankii loo soo maray Xorriyada, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay qaataan mid lamid ah go’aankii dhalinyaradii SYL.

“Waxaa alle mahad-dii ah inaan maanta ku ciideyno xarruntii caanka ahayd ee daljirka Dahsoon oo mudadii bur-burrku socday aan lagu ciidin, maantana aad u jeedaan bilicda iyo quruxda ka muuqata, Sidaa daraadeed waa in aan geed dheer iyo geed gaaban u fuulnaa si aan u adkeynlaheyn midnimadeena iyo wadajirkeena, maanta cadowga naga hortaagan in aan xuriyadeena ku naaloono waa argagaxiso isticmaalaya Soomaali iyo shisheeyaba, hadaba waa inaan si wada jir ah ula dagaalannaa cadowga argagaxisada, waan hubaa haddii aan wadajirno inaan ka guulaysanayno” ayuu yiri Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sidoo kale ka hadlayey holwgaladda lagu siffaynayo Nabad-diidka Al-Shabaab oo dhibaato ku haya diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo in ay bulshado ku talaabsato horumarada uu u baahan tahay, waxaana uu yiri: ” Magaalooyin badan ayaan ka saarnay Nabad-diidka Al-shabaab, waxaa naga go’an in aan soo afjarno dhibaatada ay ku hayaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan idiin xaqiijinayaa in dalku uu ku socdo dariiqii saxda ahaa, lagana gudbi doono dhamaan caqabadaha yar yare ee na haysta.

 

Ugu danbtayntii RW Cabdiwali ayaa sheegay in Xukuumaddu ku howlan tahay sidii adeegyada bulshada loo gaarsiin lahaa dhamaan gobolada Dalka, sidoo kalana goobaha ay ka taliyaan nabad diidka uga xorayn lahayn, si wadaniyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan goobahaas ay ugu dabaal dageen hadii Eebe Idmo maalmaha xoriyada sanadka soo socda.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland

 

(Sawirro) Dowladda Puntland oo si balaaran u xustay sanad guuradii 54-aad ee xoriyadii gobolada koonfurta iyo israacii labada gobol.

 

IMG_0671.jpg

IMG_0467.jpg

 

IMG_0400.jpg

 

IMG_0406.jpg

 

 

IMG_0424.jpg

 

IMG_0425.jpg

 

IMG_0500.jpg

 

IMG_0529.jpg

IMG_0564.jpg

 

 

IMG_0643.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

cidan suldan, niyoow how are siilaanyo's escapadse going beryahan niyoow. lool. your uncle from east burco is telling everyone this is his decade and he will rule somaliland 10 years to come by force. i think he is pushing his luck niyoow. what a corrupt family you guys are. you took over somaliland that was prospering and peaceful and turned into a piece of garbage. even long time supporters like xaaji xunjuf gave up on defending somaliland once and for all. hahaha. beesha gajaysan somaliland halaga qabto. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this